Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeisa (HOL) - Amid escalating conflict in the contested city of Las Anod, the Government of the Republic of Somaliland appealed for increased support and understanding from the UN Security Council on June 8, 2023. Despite the council's call for peace, Somaliland fears that a misinterpretation of the situation on the ground is undermining their efforts. Source: Hiiraan Online
  2. Golaha Ammaanku malaha awood sharci oo ay kaga hadasho arrimaha Somaliland Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Golaha Ammaanku aanu lahayn awood sharci oo uu kaga hadlo arrimaha Somaliland. Faysal ayaa sheegay in Somaliland anay xubin ka ahayn Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida darteedna anay jirin awood sharci oo uu goluhu Somaliland kaga hadlo. ”UNSC ma laha awood sharci iyo mid damiir ah oo ay kaga hadasho arrimaha Somaliland mar haddii aynaan xubin ka ahayn UN-ta, yaynan isku dayin in ay kahadlaan meeqaamka Somaliland marka ay wada hadlayaan. Ama qira jiritaankeena ama wacyigiina naga daaya” ayuu yidhi Faysal. Golaha Ammaanka oo shalay warbixin kasoo saaray dagaalka Laascaanood, ayaa Somaliland ugu baaqday in ay ciidankeeda kala baxdo Laascaanood, taasi oo xukuumada Somaliland ay diidmo kaga jawaabtay. Sidookale golaha ayaa dhinacyada dagaalamaya ugu baaqay in ay miiska wadahadalka iskugu yimaadan oo colaada wadahadal lagu dhameeyo. The UNSC has no legal or moral jurisdiction over Somaliland since we are not a member of the UN and they don't make any attempt to address the status of Somaliland in their deliberations. Either you acknowledge our existence or you spare us your preaching. pic.twitter.com/dEf8Dm9YgZ — Faysal Ali Warabe (@FaisalAliWarabe) June 7, 2023 Qaran News
  3. Garaad Jaamac: Hadii Muuse uu ciidankiisa la bixi waayo indhihiisa oo shan ah ayaanu ka saaraynaa Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu ciidankiisa ka saaro gobolada SSC isaga oo sheegay in ay xoog kaga saari doonaan hadii aanu la bixin. Waxa uu sheegay in anay nabada diidanayn, lakiin ay difaacayaan dhulkooda oo uu sheegay in Somaliland kusoo duushay, isaga oo sheegay in dagaalka ay ku jiraan ay diinta qiil uga heleen. “Anagu nabad ma diidanin lakiin marka gurigaaga lagu jiro, oo lagugu qabsado, anagu intaanaan dagaal qaadin culimada ayaanu waydiinay, culimadu waxay nagu yidhaahdeen ninka gurigaaga kugu yimaada hadii aanad iska celin dayuus ayaad noqonaysa” ayuu yidhi Garaad Jaamac. Waxa uu sheegay in qabaa’ilka deegaanada wada dagaa ayna is haynin, lakiin ay is hayaan iyaga iyo xukuumada Madaxweyne Biixi isaga oo sheegay in Biixi uu ka qoomamoon doono dagaalka. Madaxweyne Biixi ayuu ugu baaqay in uu ciidanka Somaliland ka saaro deegaanada SSC isaga oo sheegay in hadii sidaa la samayn waayo ay xoog ciidanka Somaliland ku saari doonaan. “Waanu u sheegnay markuu diidayna waxaanu maanta idiin caddaynaynaa in aanaan anagu cidna duulaan ku ahayn, madaxweynahana waanu u sheegnay haduu hada ciidankiisa la baxayo waanu nabad galinaynaa hadiise uu ka bixi waayo indhihiisa oo shan ah ayaanu ka saaraynaa” ayuu yidhi Garaad Jaamac. Garaadka iyo wafti uu hogaaminayo ayaa baryahanba ku sugnaa magaalada Muqdisho iyaga oo kulan la yeeshay madaxda dowlada federaalka. Halkan ka Daawo Warkaas oo Muqaal ah:- Qaran News
  4. New York (Caasimada Online) – Xeerbeegti heer federaal ah oo ku sugan gobolka Florida ayaa Khamiistii ku soo oogtay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump dacwad la xiriirta inuu gurigisa u qaatay sir qaran oo xasaasi ah, kadib markii uu ka tagay Aqalka Cad. Waaxda Cadaaladda ayaa ku wargelisay Trump in dacwad lagu soo oogay, waxayna ka codsatay inuu kasoo muuqdo maxkamaddii ugu horreysay ee Miami maalinta Talaadada ah, sida uu madaxweynihii hore ku xaqiijiyay bartiisa bulshada. “Maamulka Biden ee musuqmaasuqa ah ayaa ku wargeliyay qareennadayda in la igu soo oogay dacwad la xiriirta sanaadiiqdii been abuurka ahaa,” ayuu Trump ku qoray bartiisa shabakadda Truth, isaga oo tilmaamaya sanduuqyo dukumeenti ah oo FBI-du ay ka qabatay gurigiisa ku yaalla Florida bishii Agoosto ee lasoo dhaafay. Eedeyntan ayaa ah mid aan weli la faah-faahin, balse toddobo kamid ah warbaahinta Mareykanka oo soo xiganaya ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in ay ku jiraan dambiyo kala duwan. Eedeynta ayaa Trump ka dhigaysa madaxweynihii ugu horreeyay ee hore ee maxkamad federaal ah dacwaddiisa loo diro. Baaritaankii FBI-da ee gurga Trump ee Mar-a-Lago ee bishii Agoosto ee la soo dhaafay ayaa horseeday in laga helo inka badan 100 dukumeenti sir ah. Isha: VOA The post Donald TRUMP oo lagu soo oogay dacwad xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  5. Windsor (Caasimada Online) – Booliska magaalada Windsor ee dalka Canada ayaa dacwad dil ah kuso oogay nin kasoo jeeda gobolka Maraykanka ee Michigan oo lala xiriirinayo in uu dilay xaaskiisa oo la waayey toddobaad ka hore. Brian Aaron Marbury oo 45 jir ah ayey booliska Canada ka qabteen dhinaca canada ee kanaalka isku xira Windsor iyo magaalada Detriot ee dalka Maraykanka wax yar uun ka dib sagaalkii fiidnimo ee isniintii. Booliska ayaa sheegay in xarigga ninkani ka dhashay natiijada baaritaan lagu sameeyay gabar Windsor degganayd- Sahra Bulle oo 36 jir ahayd taas oo aan meel lagu sheegin tan iyo 26kii Maajo. Inkasta oo baaritaanka ku saabsan waayitaanka Sahra uu weli socdo, haddana booliska ayaa sheegay in qabashada Marbury ay u cuskadeen ”cadeymo lagu kalsoonaan karo” oo ay heleen. ”Baarayaashu waxay weli raadinayaan xog dheeraad ah oo ku saabsan meesha ay ku dambeysay Sahra Buulle,” ayey saraakiisha boolisku kusii dareen. Sida ka muuqata waraaqo baafin ah oo lagu dhejiyay darbiyada, Sahra waxay dhigaynaysay jaamacadda Windsor. Hooyada Sahra, Fartuumo Kuusow ayaa barah bulshada dadka isticmaala ka codsatay in ay la baafiyaan gabadheeda si loo helo raq iyo ruux mid uun. Sylvia Guenther Madaxa fulinta ee barnaamijka Hiatus Haouse oo caawiya ka haweenka xadgudubyada dumar nacaybka ah ee loo geysto ayaa sheegtay in dilalka loo geysanayo haweenla ay yihiin dhibaato ku soo badanaysa bulshada. ”Waxaan ognahay in mid ka mid ah saddexdii dumar ahba ay la kulantao nooc ka mid ah xadgudubyada lammaanaha ama xad gudubyada qoyska ugu yaraan hal mar inta ay noolyihiin,” ayay tiri. “Ma ahan xaalad ka soo raynaysa inta uu wakhtigu sii socdo. Waxaan aragnaa kiisas aad u daran oo xadgudubyo ah, sida aan hadda maqalnayna waxaa jira khasaare aad u xun oo soo gaaray bulshadayada,” ayey sii raacisay. Hiatus House waa xarun xasaradeed oo muddo 24-saacadoo ah loogu talagalay dadka la kulma xadgudubyada qoyska ama lammaanaha dhow. Qadka taleefanka ee degdegga ah ayey ku shaqeeyaan. Guenther waxay sheegtay in guud ahaan, waqtiga ay ugu nugul yihiin haweenka xadgudubyada xiriirka, ay yihiin marka ay go’aansadaan inay isbedel sameeyaan. Hiatus House wuxuu kala shaqeeyaa inay gartaan halista iyo khatarta, iyo sida loo yareeyo khatarahaas. “Waan sii wadi doonnaa inaan qaybteena ka qaadanno sidii aan u hubin lahayn inaan u caawino haweenka intii karaankeena ah iyo … si aan u hubinno inaan aqoonsan karno … xadgudubyada ku saleysan jinsiga ee sida cudurka ugu faafaya bulshada si aan wax uga baddelno haweenka mustaqbalka. “ Dumarka la waayayo oo waliba qaarkood meydkooda la helayo ayaa kuso badanaya dalka Canada iyada oo toddobaadkan gudihiisa lasoo weriyey ilaa saddex dumar ah oo la la’yahay. Gabriele vinall oo bishii Janaayo ee sannadkan la waayey ayaa kowdii bishan la helay meydkeeda, balse dhimashadeeda ayaan wax shaki ah oo kale sii bixin sida ay boolisku sheegeen, xog dheeraad ahna weli lamasoo deyn. Dhawaan ayey sidoo kale ahayd markii gabadh Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka canada ay Soomaalida dalkaasi ka mudaharaadeen xukunka laga saoo saaray dilkeeda. Hodan Xaashi, ayaa billowgii bishii November ee sanadkii hore lagu dilay magaalada Saskatoon ee gobolka Saskatchewan. Paige Theriault-Fisher, oo 22 jir ah, ayaa lala xiriiriyay dilka Hodan oo 23 jir ahayd. Paige ayaa xukunka kadib lagu sii daayay damaanad $5,000 oo lacagta Canada ah. Isha: BBC Somali The post Dilka SAHRA BULLE oo loo qabtay ninkeeda Brian Aaron – Sidee ayey wax u dhaceen? appeared first on Caasimada Online.
  6. Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maalmihii dambe booqasho rasmi ah ku jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Wasiir Jaamac ayaa waxa uu magaalada Riyadh kulan kula qaatay Wasiirka Difaaca dalkaas Khalid Bin Salman Bin AbdulAziz. Kulanka wasiirrada ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii labada dal ay u sameysan lahaayeen iskaashi dhanka difaacada iyo amniga, oo sii xoojinaya xiriirka ka dhaxeeya labada dal. Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa booqasho ku tagay dalka Sacuudi Carabiya Juun 3, 2023-ka, isaga oo kulamo kala duwa la yeeshay hoggaanka ciidanka Boqortooyada. Sidoo kale Wasiir Jaamac ayaa booqasho ku tagay kuliyadda hoggaaminta ciidanka qalabka sida iyo hay’adda qaran ee Cyber Security-tiga Boqortooyada Sacuudi Carabiya. “Ujeedka booqashada hay’adahaan wuxuu ahaa ka dhuuxista khibradda boqortooyada aan walaalaha nahay ka gaartay tacliinta sare ee xiriirka la leh arrimaha ciidanka iyo ka hortagga khataraha ay xambaarsan tahay teknaloojiyadda isgaarsiinta casriga ah,” ayuu Wasiir Jaamac ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Taliyaha ciidanka xoogga dalkaas General Fayyad Al-Ruwaili. Kulankan ayay labada masuul uga wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ciidamada labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la-dagaallanka waxa loogu yeero “argagixisada caalamiga ah.” Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, kaasi oo uu haatan taageero caalami ah u raadinayso dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana dhawaan la filayaa in dalka ka billowdo wejiga labaad ee dagaalkan oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Maxaa ka dhex socda DF Soomaaliiya iyo Sacuudiga? appeared first on Caasimada Online.
  7. Shilin Soomaaliga ay Suudaan u samaysay Soomaalida ee aan weli la keenin dalka ayaa lagu arkay qaybo ka mid ah oo daadsan dariiqyada Khartuum oo weli ay ka taagan xiisadda u dhaxaysa Ciidanka Millateriga iyo Birmadka RSF. All reactions: 881881 Qaran News
  8. We underscore the #UNSC’s call for an end to violence in #Lascanood & appeal to all parties to reach a ceasefire agreement urgently, encourage inclusive dialogue & resolve disputes peacefully. pic.twitter.com/DTWavGqIdN — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) June 8, 2023 Qaran News
  9. Fadhi ay yeesheen xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey Arbacadii toddobaadkan ayaa si qayaxan Soomaaliland loogu yiri “waa in aad si deg deg ah uga baxdaan gobolka Sool” Dawladaha Ruushka, Maraykanka, Shiinaha, France iyo Ingiriiska ayaa leh shanta kursi ee joogtada ah ee Qaramada Midoobey, waxaana lagu daraa toban xubnood oo kale oo aan joogto ahayn, kuwaas oo la soo doorto muddo xileed labo sano ah. Baaqaas aadka u kharaaraa oo arrimo badan oo kaleetana taabanayay, ayaa ka dhigan in Dawladda Ingiriisku ay siyaasad ahaan iska diidday doodda Soomaaliland ee ahayd in ay jirto xuduud uu Ingiriisku uga dhex-tegay dhulka Soomaaliya oo ay tahay in la ixtiraamo, xorriyadii 1960 kadib. Marka la eego sida uu Golaha ammaanka iyo goloyaasha la midka ahi u shaqeeyo Ingiriiska ayaa ogolaansho looga helay in la soo saaro baaqii adkaa ee maamulka Hargaysa ee Soomaaliland loogu sheegay inuu ciidankiisa kala boxo dhulka gobolka Sool. Waa arrin si cad oo aan gabasho lahayn Soomaaliland ugu ah farriin sheegaysa in aysan mar dambe ku doodi karin gobollada ay sheegtaan ee Sool, Sanaag iyo Cayn ee dadka deggani aysan ogolayn gooni-u-gooshada maamulka Hargaysa doonayo. Golaha Isimada dhaqanka SSC ayaa qaraar ay soo saareen 6dii Febraayo, waxay Soomaaliland u sheegeen in ay ka baxdo dhulka SSC-Khaatumo isla markaasna tagto tuulada Oog iyo wixii ka shisheeya oo ah xad-beeleedka Isaaq iyo Sool clan. Hase yeeshee, maamulka Muuse ma aanu aqbalin arrintaas. Geba-gebadii, taariikhdu iyadaa is qorta’e waa in siyaasiyiinta Soomaaliland ee uu marakan hormuudka u yahay Madaxweyne Biixi ay ka fiirsadaan oraahdii ay ku celcelin jireen mudada dheer ee ahayd xuduuddii Ingiriisku u jeexay Soomaalilandtii uu guumaysan jiray 60kii ka hor ayaanu xaqiijinaynaa; iyo Sool, Sanaag iyo Cayn waa dhulkii Ingiriisku nooga tegay. W/Q: Warsame Cabdiraxmaan. Tani waa aragtida gaarka ah ee qoraaga ku saxiixan Qormadan The post Qormo: Ingiriiska oo u quus gooyay doodii Somaliland ee sheegashada Xuduudaha SSC appeared first on Puntland Post.
  10. British Prime Minister Rishi Sunak and U.S. President Joe Biden take part in a joint press conference in the East Room of the White House, in Washington DC, U.S. WASHINGTON/LONDON, June 8 (Reuters) – Britain and the United States backed a new “Atlantic Declaration” on Thursday for greater cooperation on pressing economic challenges in areas like clean energy, critical minerals and artificial intelligence. The joint declaration described the partnership as the “first of its kind” in covering the broad spectrum of the two countries’ economic, technological, commercial and trade relations. Under the plan, Britain and the United States will strengthen their supply chains, develop technologies of the future and invest in one another’s industries, British Prime Minister Rishi Sunak’s office said. Sunak and U.S. President Joe Biden also agreed to launch a new civil nuclear partnership as part of their clean energy cooperation, which will include setting up new infrastructure over the long term and cutting reliance on Russian fuel. The two countries also agreed to work together on ensuring the safe development of AU technology, starting with Britain hosting a global summit later this year. The United States was looking to Britain to help lead a common approach on AI safety and regulation, Biden said at a joint news conference with Sunak in Washingt The two nations will also begin negotiations on a critical minerals agreement, which would allow some UK firms to access tax credits available under the U.S. Inflation Reduction Act. The minerals, such as lithium, nickel, cobalt, graphite and manganese, are critical for batteries for electric cars, smartphones and solar panels. Britain and the United States will also co-operate on telecoms technology including 5G and 6G and quantum technologies, the Atlantic Declaration said. The declaration also included a commitment in principle to a UK-U.S. “data bridge” which would make it easier for British businesses to transfer data freely to U.S. organisations without red tape. REUTERS Qaran News
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag uga hortimid hanaanka ay dowladda federaalka Soomaaliya sanadkaan u maareysay arrimaha Xajka. Puntland ayaa waxay dowladda federaalka ku eedeysay inay musuq-maasuq ku sameysay qeybsiga saamiga Xajka, taasi oo si weyn loogu cambaareeyay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caddaaladda Puntland. ”Wasaaradda Caddaaladda Puntland waxay cambaaraynaysaa boobka, eexda iyo musuq-maasuqa ay wasaaradda diinta iyo awqaafta federaalku ku samaysey hab qeybsiga, maamulka iyo adeegyada Xajka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Puntland. Wasaaradda ayaa ku eedaysay dowladda federaalka Soomaaliya inay si ku dhisan caddaalad-darro u qeybisay saamiga Xajka ee sanadkaan, islamarkaana maamulka Puntland ka siisay 850 kursi tirada guud oo dhan 11,500. “Waxay magacowday (wasaaradda) guddi mukhalasiin ah oo ka kooban shaqaalaha wasaaradda oo xigto iyo xaalad dhow la ah madaxda wasaaradda, shaqadooduna tahay in ay lacagaha ka soo aruurshaan xujeyda.” Puntland ayaa sidoo kale waxay wasaaradda diinta iyo awqaafta federaalka ku eedeysay inay la wareegtay adeegyadii shirkadaha Xajku siin-jireen xujeyda, taas oo saamayn togan ku yeelan doonta tayada adeega, cibaadada iyo nolosha xujeyda. “Wasaaradda ma samayn tartan furan oo shirkadaha Xajka Soomaaliyeed ugu tartamaan si xalaal ah oo daah-furan si xujeyda u helaan adeeg tayo leh. Halka wasaaraddu xulatay ay ka qaadey lacago hormaris ah.” Eedeynta Puntland ayaa imaneysa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay shaacisay in meesha laga saaray musuq-maasuqii adeegga Xajka, islamarkaana qiimihii hore hoos loo dhigay. Dowladda ayaa sidoo kale hore ugu dhawaaqday in xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyey lacag ka badan 8 Milyan oo dollar sanadkan, kadib markii meesha laga saaray musuq-maasuqii ka jiray adeegga Xajka, hoosna loo dhigay qiimaha. The post Puntland oo DF ku eedeysay in ay musuq-maasuq ku sameysay saamigii… appeared first on Caasimada Online.
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab kasoo saartay bayaankii kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo si kulul looga hadlay dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood. Somaliland ayaa ugu horeyn waxay soo dhaweysay bayaankii ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsanaa joojinta colaadda Laascaanood iyo abuurista xaaladaha nabadda ee magaaladaasi. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Golaha Ammaanka QM u muuqday mid looga been sheegay xaaladda dhabta ah ee ka taagan Laascaanood, ayna ciidankeedu ka baxeen Laascaanood 26-kii Febraayo ee sanadkaan. Somaliland ayaa sheegtay in markaas wixii ka dambeeyay ay ciidankeedu difaac adag ka galeen meel ka baxsan magaalada Laascaanood, islamarkaana ay si adag uga hortageen in ay waxyeelo soo gaadho dadka rayidka ah, iyada oo marar badan ay kooxo maleeshiyad ahi soo weerareen. “Xukuumadda Somaliland ayaa waxay ka walaacsan taha6 go’aankii Golaha Ammaanku soo saaray oo fursad u ah in kooxda Al-Shabaab ay si xawli ah isugu balaadhiyaan magaalada Laascaanood iyo gobolka Sool ee Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Somaliland. Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in arrintani aanay khatar ku ahayn oo keliya Somaliland, balse waddamada jaarka iyo gobolkaba, sidaas darteed ay tahay goluhu inuu udhug yeesho arrinkaan. “Ma jirto dowlad keli ah oo xakamayn karta khatartan, sidaas darteed dowladda Somaliland waxay ka codsanaysaa xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay fiiro gaar ah siiyaan oo ay gacan ka geystaan ​​sidii ay khatartan isa soo taraysa looga hortagi lahaa.” Somaliland ayaa waxay sheegtay in warqad u dirtay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, taasi oo ku taariikhaysnayd 12-kii bishii April 2023, islamarkaana lagu ogaysiiyay khatarta Al-Shabaab ee ku soo korodhay magaaladda Laascaanood iyo gobolka Sool. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Somaliland ay wada-hadal ku baaqaysay tan iyo markii ay bilaabantay colaadu lakiin garaadadu ay aqbali waayeen iyo inay bixisay jid gargaar oo aan carqalad lahayn, ayna xukuumaddu gargaar cunto, biyo iyo adeeg caafimaad leh gaarsiisay deegaanada ay dadku ku barakaceen. Waxay sheegtay in ciidamada Somaliland ee Sool ay difaacayaan madax-bannaanida dhuleed ee Somaliland iyo xuduudaheedii la aqoonsaday markii ay madax-bannaanida qaadatay, islamarkaana ay xuduudaha Somaliland waafaqsan yihiin qodobka 4-aad ee sharciga dhulka Afrika ee QM ay aqoonsan tahay. “Caqabadda ugu weyn ee nabadda iyo xasiloonida magaalada Laascaanood hortaagan waa soo gelitaanka magaaladaas ee ciidamo maleeshiyaad ah oo ka soo jeeda maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo iyagu si firfircoon u hurinaya colaadda ka taagan, waxa kale oo in dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay sidoo kale qaab qabiil u adeegsadaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan Laascaanood.” Ugu dambeyntiina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeedka Somaliland in sida kaliya ee lagu xalin karo colaadda Laascaanood ay tahay inay ka baxaan magaaladaasi ciidamada Puntland, ayada oo Golaha Ammaanka ee QM ku boorisay inay taageeraan bilowga dadaallada nabadeed. The post SOMALILAND oo war culus kasoo saartay go’aankii Golaha Ammaanka QM appeared first on Caasimada Online.
  13. Jowhar (Caasimada Online) – Marwo Catriona Laing oo ah wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa maanta booqashadeeda koowaad ee gudaha dalka ku tegtay HirShabelle oo noqotay maamul goboleedkii u horreeyay ee ay tegto, tan iyo markii ay timid gudaha Soomaaliya, oo ay ka shaqo billowday todobaadkan. Socdaalkan ayaa waxaa Catriona Laingm ku wehlinayay ku xigeenkeeda cusub, ahna u qeybsanaha iyo isku-duwaha howlaha bini’aadanimo ee Soomaaliya Md. George Conway, ayada oo madaxtooyada HirShabelle ee Jowhar uu ku qaabilay Cali Guudlaawe Xuseen. Labada mas’uul ayaa is barasho kadib ka wada-hadlay howlaha muhiimka ah ee hortabinta leh sida daadejinta adeegyada bulshada, dhismaha goleyaasha deegaanka, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Gargaarka iyo Sare u qaadida adeegyada horumarinta. Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ahaa qaar kamid ah Golaha Wasiirada dowlad goboleedka HirShabelle oo warbixin siiyay wafdiga ka socday Qaramada Midoobay. Cali Guudlaawe oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in guulo muhiim ah laga gaaray dagaaladii lala galay Kooxda Al-Shabaab isaga oo sheegay in dhul ballaaran laga saaray. Waxaa kale oo uu tilmaamay in loo baahan yahay in deegaanada la xoreeyay la gaarsiiyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, sidoo kalana ay isu diyaarinayaan wajiga labaad ee howlgallada, si loo dhameystiro xoreynta deegaanada wali gacanta ugu jira Al-Shabaab. Ergeyga cusub ee QM ayaa dhankeeda ballan-qaaday in doorkooda hormarineed ay qaadan doonaan, isla-markaana ay HirShabelle kala shaqeynayaan horumarinta deegaanka. Haweeneydan oo xafiiska ku cusub ayaa horay si gooni gooni ula kulantay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ay kala hadashay xaaladda dalka, gaar ahan bani’aadanimada. Catriona Laingm ayaa sidoo kale booqan doonto xarumaha kale ee maamul goboleedyada, si ay wadahadallo ula yeelato hoggaamiyeyaasha kale ee dalka. The post Catriona oo booqasho ku tegtay maamul goboleedkii ugu horreeyay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa goordhoweyd shaaciyay in lasoo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Cabdullaahi Maxamed Cali. Taliska ayaa sheegay in agaasimaha lagu soo xiray waaran maxkamadeed, ayada oo la dhowrayo sareynta sharciga, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska qeybta guud Booliska gobolka Banaadir. “Taliska Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa maanta iyada oo la dhowrayo Sareynta Sharciga, Waaran maxkamadeed ku soo xiray Edeysane Cabdulaahi Maxamed Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Booliska uu shaaciyay in la xiray ayaa waxaa loo haysta eedeyn culus oo la xiriirta musuq-maasuq. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa hore agaasimahan lasoo xiray maanta ugu soo eedeeyay musuq, si loo horkeeno maxkamadda gobolka Banaadir. Tallaabadan ayaa imanaysa xilli masuuliyiin ka tirsan dowladda ay u xiran yihiin xatooyo xoola dadweyne, kuwaaasi oo dhawaan la hor geynayo maxkamadaha dalka. Sidoo kale waxaa baaritaan lagu hayaa masuuliyiin ka tirsan dowladda oo aan weli lasoo xirin, sida uu shaaciyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. “Qof kasta oo masuul dowlo ah ama shacab ah waxaan uga digayaa musuq-maasuq, waxaan ula dagaalami doonaa si adag, nagamana faka doono,” ayuu yiri Xeer ilaaliye Suleymaan Maxamed Maxamuud. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore ugu dhawaaqday dagaal culus oo ka dhan ah musuq-maasuqa, kaasi oo aan loo kala eegi doonin sarkaal sare iyo mid hoose, islamarkaana uusan masuul ku baxsan doonin xilka uu ka hayo dowladda. Si kastaba, Dowladda ayaa qorsheynaysa inay qaado tallaabooyin waaweyn oo lagula dagaalamayo musuq-maasuq, iyada oo dhawaan Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen qaraarka adkaynta hufnaanta maaraynta maaliyadda dalka. The post BOOLISKA oo soo xiray agaasimaha wasaarad ka tirsan DF + Arrinta loo haysto appeared first on Caasimada Online.
  15. Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa laga helay COVID-19, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka xalay, isaga oo intaas ku daray in caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay, uuna sii wadi doonaa shaqadiisa inta lala tacaalayo. “Madaxweynaha waxaa laga helay cudurka COVID-19. Tani waxay ahayd kadib markii ay soo baxeen astaamo u eg hargab fudud. Si kastaba ha ahaatee caafimaadkiisu waa wanaagsan yahay, wuxuuna ii si caadi ah u gudan doonaan waajibaadkiisa” ayay barteeda Twitterka ku sheegtay Diane Atwine oo ah xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda caafimaadka. Horraantii Arbacadii, kadib markii uu khudbad ka jeediyay xarunta baarlamaanka, Museveni, oo 78 jir ah, ayaa tilmaamay inuu shakiga inuu ku dhacay COVID, isagoo sheegay subaxdii inuu dareemay qabow yar, taasoo ku kalliftay inuu codsado tijaabooyin COVID. Intii lagu jiray masiibadii COVID, Museveni, oo qaatay tallaalka COVID, ayaa had iyo jeer lagu arki jiray fagaaraha isagoo xiran mask. Xanuunka COVID-19 oo soo shaac baxay bishii December 2019, ayaa caalamka ku dilay dhwor milyan oo qof labadii sano ee ugu horreeyey hase yeeshee wuxuu yaraaday 2022, kadib markii la helay tallaalka xanuunka. REUTERS + VOA The post Madaxweyne MUSEVENI oo laga helay xanuunka… appeared first on Caasimada Online.
  16. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil: “Muuse Biixi, haddii uu todobaad ciidankiisa kula bixi waayo indhihiisa oo shan ah baan saaraynaa, markasta wuxuu dhahaa waan baxayaa ee yaan layga daban iman, haddii uu bixi waayo isaga oo dhib badan gaadhey ayuu bixi doonaa.” Qaran News
  17. Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa ka horyimid tallaabadii uu qaaday madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo maalin ka hor maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo. Gareed ayaa shaaca ka qaaday in aysan waxba ka quseynin magacaabista uu sameeyay madaxweyne Axmed Madoobe ee ku aadan maamulka gobolka Gedo. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in aysan jirin cid ka socota Jubbaland oo imaan karta gobolka, sida uu hadalka u dhigay. “Nama quseyso waxa uu magacaabay Axmed Madoobe, mana jirto cid ka socota maamulkiisa ama taageersan oo imaan karta gobolka Gedo” ayuu yiri Gareed. Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu isagu yahay madaxweynaha xorta ah ee Jubbaland, isla-markaana uu wado qorshe uu mideynayo reer Jubbaland. “Waxaan ahay madaxweynaha xorta ah ee Jubbaland, waxaana wada qorshahii aan ku mideyn laha Jubbaland sax ah oo aan maamul ugu dhisi laha gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buule. Dhanka kale, Axmed Buulle Gareed ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda dhexe, gaar ahaan xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, isaga oo sheegay inay ka shaqeyneyso sii kala fogeynta Jubbaland iyo dadka ku nool gobolka Gedo. Arrinata gobolka Gedo ayaa mar kale kasii dareysa, kadib tallaabada uu qaaday Axmed Madoobe oo maamul cusub u magacaabay gobolkan, xilli weli laga diidan yahay halkaasi. Guddoomiyaha gobolka ayaa waxaa loo magacaabay Cabdullaahi Cadbi Jaamac, sidoo kale xubnaha uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa waxaa ku jira Cusmaan Nuur Xaaji Macallimuu oo mar kale loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa u muuqata mid haatan kasii dareysa, waxaana laga digayaa in dagaallo ay ka qarxaan gobolka Gedo. The post Axmed Buulle: Waxaan ahay madaxweynaha xorta ah ee Jubbaland appeared first on Caasimada Online.
  18. Addis Ababa (Caasimada Online) – The Ethiopian National Defense Forces have thwarted a potential suicide attack, reportedly launched by the armed group al-Shabab, on the Somali border town of Dollo, Ethiopia’s foreign ministry said in a Twitter post on Wednesday The gallantry of the army was demonstrated as they “halted the attackers before they could sow seeds of destruction.” Tracing back the origins of al-Shabab, a group with confirmed ties to al-Qaeda, one finds 15 years of violent opposition against Somalia’s central administration. From the nucleus of its creation, the group’s intentions of destabilizing the Somali government have been unwavering. Contrasting narratives Despite the Ethiopian government’s claims, al-Shabab, via their communications, portrayed a different account of the encounter. According to the United States monitoring group SITE, the armed group professed to have orchestrated two suicide bombings at an Ethiopian military establishment located on the Somali side of the border. They stated that the first attack was focused on the “local military command headquarters,” and the second targeted a weapons and ammunition storehouse. Al-Shabab’s statement also included claims of heavy casualties and substantial injuries. However, their track record of overstating battlefield triumphs questions these assertions. African Union peacekeeping role This occurrence comes on the heels of a recent tragic incident in Uganda where 54 soldiers were killed in an attack on an African Union (AU) base. Despite being expelled from Mogadishu in 2011 by an AU force, Al-Shabab remains a potent force in Somalia’s countryside. Their operations continue to inflict fatal strikes on civilian, political, and military targets. Ethiopia has previously experienced al-Shabab’s wrath in reprisal for its efforts as part of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). This force was established to dislodge the armed group, and Ethiopia’s role within ATMIS has been a thorn in al-Shabab’s side. A spate of attacks on Ethiopian military camps along the border in mid-2022 offers a stark reminder of this. Regional impact With a strength of 22,000 troops, ATMIS has been lending a hand to Somalia’s federal government in the ongoing battle against al-Shabab since it took over the mantle from the AU Mission in Somalia (AMISOM) in 2022. Al-Shabab’s transgressions extend beyond Somalia and Ethiopia, periodically launching attacks in neighboring Kenya in retaliation for its support of the resistance in Mogadishu. The complexities of this conflict and its potential implications for the stability of the East African region continue to loom large. The global community must remain alert and responsive to developments within this critical theater of war. The post Border clash: Ethiopia and Al-Shabab’s ongoing strife appeared first on Caasimada Online.
  19. Mogadishu (HOL) - The Somali Council of Ministers has given its seal of approval to the political agreement reached by the National Consultative Council in Mogadishu last week, despite facing opposition from senior political figures in the country. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo maanta kulankooda caadiga ahaa ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa ku asixinyay magacaabista maamulka Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha (National Identification and Registration Authority), ayada oo agaasimaha guud loo magacaabay Caddiweli Timacadde, halka Ku xigeenkiisana loo magacaabay, Cabdullaahi Biixi Xuseen. Magacaabista maamulka cusub ee hay’adda ayaa timid, kadib soo jeedin ay golaha ka sameysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Timacadde oo loo magacaabay agaasinka hay’addan ayaa ah aqoonyahan dhalinyaro ahm,kana soo jeedo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay hadda ka socdaan dagaallo culus oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. Sidoo kale Cabdiweli Timacade ayaa horay u soo noqday agaasime ku xigeenkii hore ee madaxtooyada Puntland, inkastoo uu iska casilay xilkaasi. Ninkan ayaa sidoo kale kamid ahaa saaxibadii aadka ugu dhowaa madaxweyne Saciid Deni, isaga oo kamid ahaa kooxdii ololaha doorashadii Muqdisho, balse waxa kala tageen markii ay dhammaatay doorashada oo Deni iyo raggii kale uu uga adkaaday madaxweyne Xasan. Dhanka kale, golaha wasiirada ayaa isla maanta sidoo kale ku meel-mariyey magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxoootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo loo magacaabay, Marwo Safiya Xasan Maxamed, halka Ku xigeen Koowaad loo magacaabay Mudane Cabdullaahi Aadan Cabdi iyo Ku xigeenka Labaad Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad. Kulanka golaha, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey dib ugu noqoshada ku talagalka Miisaaniyadda Dowladda ee Sannadka 2023 iyo heshiisyada Ku Biiridda Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika iyo Ku Biiridda Suuqa Iskaashiga Ganacsiga ee Bariga iyo Koonfur Afrika (COMES), Si kastaba, dhismaha labadan hay’adood ayaa xilligan muhiim u ah Soomaaliya oo haatan kasoo kabaneyso burbur, waxayna qayb tahay horumarka ay ku talaabsaneyso dowladda. The post DF oo xil sare u magacowday nin aad ugu dhow Saciid Deni appeared first on Caasimada Online.