Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Sheger (Caasimada Online) – Golaha sare ee arrimaha Islaamka ee dalka Itoobiya, ayaa sheegay in 22 masaajid oo ku yaalla maamulka magaalada Sheger ee gobolka Oromada la burburiyay, sababo la xiriira “iyagoo loo dhisay qorshe la’aan iyo sharci la’aan”. Arrintan ayaa laga codsaday gobolka in laga keeno “xal deg deg ah, taas oo ku saabsan dhammaan su’aalaha masaajidada dadka Mslimiinta ah”. Wafti uu hogaaminayo Sheekh Xaaji Ibraahim Tufa, oo ah gudoomiyaha Golaha Sare ee arimaha Islaamka dalka Itoobiya, ayaa maanta la hadlay madaxa deegaanka Oromada, Shimelis Cabdisa. Shiiqa ayaa soo saaray bayaan ku saabsan arrintaan baaqa ah ee maamulka ku socota iyo wadahadalkii isaga iyo madaxa gobolka Oromada. Waxaa la sheegay in wada hadal socday muddo shan saacadood ah lala yeeshay madaxda dawladda ee gobolkaas, wadahadallada ayaa ku saabsanaa burburinta masaajidda magaalada Sheger ee gobolka Oromada ee ku xeeran magaalada Addis Ababa. Waxaa sidoo kale la sheegay in dooda Shiiqa iyo madaxda ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha Golaha Sare ee hay’adaha diinta ee ismaamulka Oromiya, iyo waliba madaxda sare ee Oromiya. Golaha sare ee arrimaha islaamka ee dalka Itoobiya ka dhisan iyo shucuubta Muslimka ah ee dalkaas waxay taageersan yihiin “casriyeynta, horumarka iyo koboca” meel kasta oo dalka kamid ah. Wadanka Itoobiya waxaa ku nool bulsho badan oo Islaam ah, gobolka Oromiya oo hadda ay ka taagan tahay cabashadaan burburinta masaajidda wuxuu ka mid yahay gobollada dalka Itoobiya uggu muslimiinta badan. The post Golaha Sare ee Islaamka dalka Itoobiya oo war kasoo saaray masaajid la burburiyey appeared first on Caasimada Online.
  2. Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa loo magacaabay ku-xigeenka hoggaanka xubnaha xisbiga dimoqraadiga ee Guddiga Miisaaniyadda ee Aqalka Wakiillada Mareykanka. Guddigan ayaa mas’uul ka ah dejinta heerarka kharashka guud ee dowladda Mareykanka. Ilhaan, oo laga soo doorto gobolka Minnesota, ayaa horey xubin uga aheyd guddigan muddadii Congress-kii 116-aad. “Aad ayaan ugu faraxsanahay in asxaabteyda dimoqraadiga ay iigu codeeyaan ku-xigeenka xubinta ugu sarreysa Dimoqraadiga ee guddiga miisaaniyadda,” ayey tiri xildhibaan Cumar oo bayaan soo saartay. “Miisaaniyadaha waxay ka tarjumayaan qiyamkeena. Waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay inaan ku biiro hoggaanka wanaagsan Brendan Boyle, si aan u hubinno inaan riixno miisaaniyado ay dadka u dub dhexaad u yihiin oo maalgeliya baahiyaha dadka Mareykanka,” ayey tiri. “Aad ayey sidii hore uga muhimsan tahay in loo dagaallamo miisaaniyado lagu maalgeliyo daryeelka caafimaadka guud, waxbarasho sare oo aan deyn lahayn, iyo mid wax ka qabata dhibaatooyinka cimilada – isbeddelkaasna wuxuu ka billowdaa Guddiga Miisaaniyadda ee Aqalka.” Ilhaan Cumar ayaa 2-dii Febraayo laga saaray Guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka Wakiilada, kadib markii ay sidaas u codeeyeen xubnaha Jamhuuriga oo hadda ah aqlabiyadda Aqalka Wakiilada Mareykanka. Xilligaas Guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa Ilhaan Cumar ku eedeeyey hadallo ka dhan ah maamulka Israel. VOA The post Xildhibaan Ilhaan Cumar oo xil sare looga magacaabay Aqalka Wakiilada Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  3. The Senior Presidential Adviser on special operations, Gen Muhoozi Kainerugaba has visited Ugandan troops in Somalia, following an attack by Al Shabaab militants on their base, a fortnight ago. Source: Hiiraan Online
  4. Ilhaan Cumar ayaa loo magacaabay ku-xigeenka hoggaanka xubnaha xisbiga dimoqraadiga ee Guddiga Miisaaniyadda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka. Guddigan ayaa mas’uul ka ah dejinta heerarka kharashka guud ee dowladda. Ilhaan, oo laga soo doorto gobolka Minnesota, ayaa horey xubin uga aheyd guddigan muddadii Congress-kii 116-aad, “Aad ayaan ugu faraxsanahay in asxaabteyda dimoqraadiga ay iigu codeeyaan ku-xigeenka xubinta ugu sarreysa Dimoqraadiga ee guddiga miisaaniyadda,” ayey tiri xildhibaan Cumar oo bayaan soo saartay. “Miisaaniyadaha waxay ka tarjumayaan qiyamkeena. Waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay inaan ku biiro hoggaanka wanaagsan Brendan Boyle, si aan u hubinno inaan riixno miisaaniyado ay dadka u dub dhexaad u yihiin oo maalgeliya baahiyaha dadka Mareykanka,” ayey siiraacisay hadalkeda. “Aad ayey sidii hore uga muhimsan tahay in loo dagaallamo miisaaniyado lagu maalgeliyo daryeelka caafimaadka guud, waxbarasho sare oo aan deyn lahayn, iyo mid wax ka qabata dhibaatooyinka cimilada – isbeddelkaasna wuxuu ka billowdaa Guddiga Miisaaniyadda ee Aqalka.” Ilhaan Cumar ayaa 2-dii Febraayo laga saaray Guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka Wakiilada, kadib markii ay sidaas u codeeyeen xubnaha Jamhuuriga oo hadda ah aqlabiyadda Aqalka Wakiilada Mareykanka, ayaga ku eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulan isugu yeeray guddiga joogtada ah ee golaha shacabka, saacado kadib markii uu ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka dibadiisa. Kulankaan oo dhacay Jimcaha maanta ayaa lagu qabtay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana ka soo qeyb galay labada guddoomiye ku xigeen ee golaha shacabka. Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray ajendeynta kulamada golaha shacabka ee kalfadhigaan 3-aad, waxaana lagu dejiyey qorshaha sidii goluhu uu kalfadhigaan uga shaqeyn lahaa wax ka bedelka iyo dhameystirka dastuurka dalka. Sidoo kale waxaa lagu soo hadal qaaday sida loo maareynayo heshiisyada caalamiga ah ee xukuumaddu ay gasho, la xisaabtanka golaha fulinta iyo hey’adaha kale ee dowladda. Habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Nuux ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii kulanka guddiga looga hadlay, wuxuuna sheegay in la go’aamiyey in la qaato nidaam lagu saleynayo habraaca shada kalfadhigaan 3-aad ee golaha. Ajendayaasha kalfadhigaan ee muhiimka waxaa ku jira waxka bedelka dastuurka, waxaana soo gudbi doona guddiga la socodka ee arrimaha dastuurka. “Waxaan ku heshiinay in kalfadhigaan la meel-mariyo heshiisyada caalamiga ah ee xukuumaddu gashay oo laga rabo in loo soo gudbiyo baarlamaanka, iyadoo lala xisaabtami doono xukuumadda,” ayuu yiri Habdhowraha golaha shacabka. Wuxuu sheegay in kalfadhigii labaad ay muhiimad siiyeen ansixinta shuruucda dalka, halka kalfadhigaan 3-aad ay muhiimad gaar ah sii doonaan arrimaha dastuurka, la xisaabtanka xukuumadda iyo heshiisyada caalamiga ah ee xukuumaddu ay galeyso, sida uu sheegay habdhowraha golaha shacabka Maxamed Nuux. Dhankiisa Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa guddiga joogtada ah ee golaha shacabka uga warbixiyey safar uu ku tegay dalka Sacuudiga iyo waxyaabo quseeya shaqada golaha oo ay isku soo afgarteen dhiggiisa boqortiiyada Sacuudi Carabiya. Hoos ka daawo The post Daawo: Aadan Madoobe oo qabtay kulan deg deg ah oo lagu go’aamiyey 5 qodob appeared first on Caasimada Online.
  6. Garissa Deputy Governor Abdi Dagane now says residents of the Northeastern region have every reason to stand up for the security of the country considering most of the people at the helm of the country's security are from the region. Source: Hiiraan Online
  7. Saudi date exports up 2.5 percent in Q1 2023 Saudi Arabia’s exports of raw and processed dates hit more than $151 million in the first quarter of 2023. RIYADH Saudi exports of raw and processed dates grew to more than SR566 million ($151 million) in the first quarter of 2023, the Saudi Press Agency reported on Friday. The figure marks a 2.5 percent increase compared to the same period last year. The National Center for Palms and Dates issued a report saying that stored and fresh dates amounted to 77 percent of exports while industrial date products accounted for 23 percent. The dates were exported worldwide to 111 countries, topped by China, where Saudi date exports increased by 150 percent to SR7.6 million. Exports to Austria grew by 60 percent to SR2 million; Belgium by 23 percent to SR1.23 million; Turkiye by 30 percent to SR22.3 million, Russia by 95 percent to about SR2.7 million; and Canada by 40 percent to SR4 million. Qaran News
  8. Garoowe ayaa saaka ku waabiriisatay iyado inta badan gidaarada,Meheradaha ganacsiga iyo wadooyinka waawayn lagu Xardhay qoraalo Caro ka muuqato balse tabar siday noqon doonto lama saadaalin karo walow saacadaha soo socda Caasimada uu ku wajahanyahay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni. Qolyaha Mucaaradka ayaa horay ku guulaystay in ay hor istaagaan rabitaanka shacabka iyagoo joojiyay doorashada sadexda degmo Dangorayo,Godobjiiraan iyo Garoowe welina ma jiro heshiis wada ogol ah oo doorashada laga gaaray. Qaran News
  9. Kenya's President William Ruto called on Thursday for the introduction of a single African currency to ease trade on the continent. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lagu soo warramaya in howl-galo ay sameeyeen saacadihii ugu dambeeyay kula wareegay deegaanka Geerille oo u dhaxeysa magaalooyinka Ceeldheer iyo Cowsweyne ee gobolka Galgaduud. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ee howl-galkaas hoggaaminaya ayaa sheegay in bartilmaameedkooda ugu weyn uu yahay deegaanka Cowsweyne oo ay tuhunsan yihiin in kooxda Al-Shabaab ay kasoo abaabuleen weerarkii maalmo kahor ay ku qaaday Masagawaay. Ciidamada iskaashaanaua ayaa sidoo kale waxaa la sheegay ina ku wajahan yihiin magaalooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo Waxbo, oo dhamaantood ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaasi oo weli ay ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab Howl-gallada ka socda deegaanadaasi ayaa muhiim u ah adkeynta xadka ay wadaagaan dowlad-goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug, sida uu sheegay guddoomiyaha Degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale. Abaabul iyo dhaq-dhaqaaq xooggan ayaa ka socda deegaanno ka tirsan gobolka, iyada oo saraakiisha hoggaamibaysa ciidanka iskaashanaya ay sheegeen inay ku wajahan yihiin deegaanada ka maqan gacantooda, ee weli ku harsan yihiin kooxda Al-Shabaab. Howl-galkan cusub ayaa imanaya xilli dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socday qeybo kamid ah gobolada dalka uu gaabis ku yimid toddobaadyadii dambe, kuwaasi oo markii hore kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana looga qabsaday deegaano horleh. Si kastaba, waxaa dhawaan lagu wadaa in si rasmi ah u billowdo wejiga 2-aad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab, iyada oo wejigan ay qeyb ka noqon doonaan ciidamada dalalka deriska, si guul wax ku ool ah looga gaaro dagaalkan oo wejigiisi hore lagu xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda. The post Ciidamada DF iyo shacabka oo la wareegay deegaan cusub, kuna sii wajahan… appeared first on Caasimada Online.
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa iska hor-imaad khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo xalay ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Iska hor-imaadkaas ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen saddex askari oo ka tirsan Booliska Puntland oo ay ku jirto gabar. Warar kala duwan ayaa sheegaya inay jirto dhimasho uu sababay iska hor-imaadkan, inkasta oo illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin. Iska hor-imaadka ayaa waxaa la sheegaya inuu dhexmaray ciidanka Booliska iyo rag hubaysan oo lala xiriirinayo maandooriyaha Khamriga. Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaar kamid ah ragga hubeysnaa ee iska hor-imaadku dhexmar ciidanka Booliska ayaa la xidhay. Kooxaha isticmaala maandooriyaha Khamriga oo horseeday falal amni-darro ayaa muddooyinkii danbe ku soo badanaya Garoowe. Dhacdadan ayaa qayb ka noqoneyso dhibaatooyinka amni ee mararka qaar ka dhaca magaalada Garoowe oo xarunta gobolka Nugaal, sidoo kalena ah caasimadda Puntland. Puntland ayaa sidoo kale dagaal adag kula jirta kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee ku sugan magaalooyinka maamulkaas, islamarkaana dhibaatada ku haya bulshada. Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli ay caasimada Puntland ee Garoowe ay ka taagan tahay xiisad kacsanaan ah oo ka dhalatay damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland iyo khilaafka doorashada dowladaha Hoose ee Garoowe iyo laba degmo kale. The post Faah-faahinta iska hor-imaad khasaare gaystay oo ka dhacay Garoowe appeared first on Caasimada Online.
  12. Mogadishu (HOL) - Somali police forces have arrested Abdullahi Mohamed Ali, the Director-General of the Ministry of Labor and Social Affairs, on charges of corruption and neglect of public property on Friday. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay tirada u horreeysay ee ciidanka ATMIS ee laga saarayo dalka, taasi oo qeyb ka qorshaha dhimista tirada ciidamada shisheeye. Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo war kasoo saartay arrintaan ayaa xaqiijisay in dowladda ay ka go’an tahay inay mas’uuliyadda amniga kala wareegto ATMIS. Wasaaradda ayaa shaacisay in 2000 oo kamid ah ciidamada ATMIS ee ku sugan gudaha dalka, laga saari doono Soomaaliya marka la gaaro dhamaadka bishaan June ee 2023-ka. “Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa abuurnay ciidamo taageero ka helaya saaxiibadda caalamiga ah, kuwaas oo la wareegi doona mas’uuliyadda amniga 2000 oo kamid ah ciidamada ATMIS ah, kuwaas oo waajibaadkooda wareejin doona dhammaadka Juun 2023.” Dowladda ayaa sidoo kale waxay sheegtay inay raaceyso oo ay meel-marinayo qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo dhigaya in la yareeyo tirada ciidamada ATMIS ee ku sugan gudaha Soomaaliya. Soomaaliya ayaa waxay magacawday koox farsamo oo isku dhaf ah oo ka kooban ATMIS iyo xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya (UNSOS), kuwaasi oo kormeeri doona dhaqan-gelinta bixitaanka ATMIS. Si kastaba, tayada ciidamada dowladda federaalka ayaa kusoo baxday howl-galada millateri ee ka billowda gobollada dalka, taasi oo muujisay in ciidamada Soomaalida ay isku filan yihiin haddii laga taageero waxyaabaha muhiimka ah. The post DF oo shaacisay tirada ciidanka ATMIS ee bishan JUNE laga saarayo dalka appeared first on Caasimada Online.
  14. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta oo Jimce ah ku wajahan degmada Dangoroyo ee ka tirsan Gobolka Nugaal. Madaxweyne Deni oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kala duwan ayaa lagu wadaa in uu goor dhaw gaaro degmada Dangoroyo halkaas oo uu shirar kula yeelanayo bulshada degmadaas. Wararka ayaa sheegaya in halkaas madaxweynaha loogu samaynayo soo dhawayn ay qaban-qaabiyeen mas’uuliyiinta degmada iyo xubno ka tirsan urur siyaasadeedka xukuumadda ee Kaah. Magaalada Dangoroyo ayaa kamid ah saddexda degmo ee khilaafaadka siyaasadeed uga haray doorashadii qof iyo cod ee Puntland ka qabsoontay dhawaan kuwaas oo aysan weli caddayn xilliga la qabanayo doorashadooda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Jimcaha maanta ah ku wajahan degmada Dangoroyo appeared first on Puntland Post.
  15. Mogadishu (HOL) - The Governor of the Gedo region, Ahmed Buule Garad, has vociferously objected to the new administration that Jubbaland President Ahmed Madobe recently appointed. Source: Hiiraan Online
  16. Beruit (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ayaa ka qayb galay Shirka Madasha labaad ee Arab Forum For Equality oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay Beruit. Wasiiro-dowlaha wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada XFS Yuusuf Maxamed Aadan iyo Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan (Nadiif), qubaro ka socdey wasaaradda beeraha iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa ka qeyb-galay madaashaasi. Madashan ayaa waxaa looga hadlayey ilaalinta bulshada sinaan la’aanta bulshada iyo sugnaanta cuntada, kaasi oo maalmahanba ka socday xarunta Qaramada Midoobey UNESCWA ee magaalada Beruit. Wasiir Yusuf oo ka qeyb-galey Madasha Dood wadaaga ayaa ka faaloodey qorshaha wasaaradda kaga degan arrimaha bulshada, ayaa ugu horeyn uga mahad-celiyey dowladda Lubnaan iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Beyruut casuumaadda ay u fidiyeen. Waxa uu la wadaagay in Soomaaliya ay u aragto waddamada Carabta saaxiibo muhiim ah oo door weyn ka ciyaarayo dowalad dhiska Soomaaliyeed. Wasiiru-dowlaha ayaa ku dheeraadey guulaha ay gaartey wasaarada dhanka arrimaha bulshada iyo faa’iidada uu u leeyahay diiwaanka bulshada nugul (Unified Social Registry). Ugu dambeyntiina wuxuu halkaasi ka sheegay sida ay dowaldda federaalka Soomaaliya ugu go’an tahay siyaasadda ilaalinta bulshada, xaqiijinta amniga dalka, iyo dagaalka Al-Shabaab lagula jiro oo dhamaadka sanadkaan qorshaha yahay sidii lagu so afjari lahaa. The post Maxay Soomaaliya ku soo bandhigtay kulankii lagu qabtay xarunta QM ee Beirut? appeared first on Caasimada Online.
  17. Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay ganacsato iyo madaxda Bankiga Ziraat oo maalgashi ku sameynaya dalkeenna. Ganacsatada Turkiga ayaa sheegay in ay dhawaan xarigga laga jari-doono Bangiga Ziraat oo ay ka hirgeliyeen Caasimadda Muqdisho, arrinkaas oo xoojinaya isku xirnaanta ganacsatada labada dal iyo kalsooni-gelinta maalgashadeyaasha dibadda. Madaxweynaha ayaa ka hadlay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo qorsheyaasha ay dowladdu ku dhiirri-gelinayso, waxa uuna tilmaamay in dowladda iyo shacabka Turkigu ay safka hore kaga jiraan saaxiibbada iyo walaalaha ay ku kalsoon yihiin ganacsatada Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay ganacsato iyo madaxda Bankiga Ziraat. Ganacasatadan ayaa caasimadda dalka ee Muqdisho u yimid sidii ay maalgashi ugu sameysan lahaayeen dalkeenna. Ganacsatada Turkiga ayaa sheegay in ay dhawaan xarigga laga jari-doono Bangiga Ziraat oo ay ka hirgeliyeen caasimadda Muqdisho, arrinkaas oo xoojinaya isku xirnaanta ganacsatada labada dal iyo kalsooni-gelinta maalgashadeyaasha dibadda. Madaxweynaha ayaa ka hadlay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo qorsheyaasha ay dowladdu ku dhiirri-gelinayso arrinkaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda iyo shacabka Turkigu ay safka hore kaga jiraan saaxiibbada iyo walaalaha ay ku kalsoon yihiin ganacsatada Soomaaliyeed. Si kastaba, Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u wayn oo ku qotoma dhinacyada dublamaasiyadda, siyaasadda, ganacsiga iyo arrimaha militariga. Baaxadda ganacsiga Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa lagu qiyaasay 280 milyan oo doolar, waxaana lagu qiyaasa in shirkadaha Turkiga ay maalgashi ku sameeyeen dalka ay gaareen $100 milyan. The post Sawirro: XASAN oo Villa Somalia ku qaabilay ganacsato Turki ah oo u socda… appeared first on Caasimada Online.
  19. Iska hor-imaad khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa xalay ka dhacay magaalada Garoowe. Saddex askari oo ka tirsan Booliska Puntland oo ay ku jirto gabar ayaa sida la xaqiijinayo ku dhaawacmay iska hor-imaadkaas. Warar kala duwan ayaa sheegaya in iska hor-imaadku dhexmaray ciidanka Booliska iyo rag hubaysan oo lala xiriirinayo maandooriyaha Khamriga. Kooxaha isticmaala maandooriyaha Khamriga oo horseeday falal amni-darro ayaa muddooyinkii danbe ku soo badanaya Garoowe. PUNTLAND POST The post Iska hor-imaad khasaare sababay oo xalay ka dhacay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  20. Mogadishu (HOL) - Somalia's President, Mr. Hassan Sheikh Mohamud, welcomed a delegation of Ziraat Bank executives and Turkish business people keen on investing in the country. Source: Hiiraan Online
  21. A US aid agency is suspending food aid to Ethiopia, because it says donations are being diverted from those in need. Source: Hiiraan Online
  22. The heads of state of the East African Community (EAC) have adopted a report of the verification of the application of Somalia to join the regional bloc, the EAC said in a statement on Thursday. Source: Hiiraan Online
  23. Sheikh Shakhboot bin Nahyan bin Mubarak Al Nahyan, Minister of State, represented the United Arab Emirates in the third meeting of the Quint Group on Somalia held in Qatar. Source: Hiiraan Online
  24. U.S. officials tasked with tracking Islamic State are seeing worrisome signs that the terror group’s core leadership is strengthening control over its global network of affiliates despite a series of key losses. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aadan maamulka cusub ee madaxweynaha Jubbaland u magacaabay gobolka Gedo, oo sanado badan ay ka taagned xiisad u dhaxeysa isaga iyo siyaasiyiinta beel ahaan kasoo jeeda gobolka qaarkood. Guddoomiyaha gobolka ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Cadbi Jaamac. Sidoo kale xubnaha uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa waxaa ku jira Cusmaan Nuur Xaaji Macallimuu oo mar kale loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda. Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ayaa soo dhoweysay magacaabista maamulka cusub ee madaxweyne Axmed Madoobe u magacaabay gobolka Gedo. Waxay sheegtay in sanadihii u dambeeyay si dhow ula socotay xaaladda gobolka Gedo, islamarkaana ay hadda soo dhaweynayso tallaabada cusub ee uu qaaday maamulka Axmed Madoobe ee fadhigiisu yahay Kismaayo. “Wasaaraddu waxay u hambalyeyneysaa maamulka cusub ee uu madaxweynaha Jubbaland u magacaabay gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta. Gobolka Gedo ayaa ah gobol inta badan aan gacan ugu jirin maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna intii uu xilka hayey madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga xukumi jiray Villa Somalia. Waxaa weli intiisa badan gacanta ku haya ciidamo diidan Axmed Madoobe oo qaarkood ay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, balse uu halkaas geeyey madaxweyne Farmaajo. Lama oga sida xubnaha cusub ee uu magacaabay Axmed Madoobe uga shaqeyn karaan gobolka Gedo, maadaama siyaasiyiinta gobolka ay si weyn u diidan yihiin Axmed Madoobe, islamarkaana ay awood ciidan ku joogaan gobolka. Waxaa dhowaan Muqdisho loo diiday inay kasoo kacdo diyaarad sidday mas’uuliyiin la magacaabay oo ku wajahnaa Doolow, taasi oo dhalisay is-mari-waa maalmo hakad u galay duulimaadyadii gobolka Gedo. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar badan sheegay inuu xal u heli doono xiisadda gobolka Gedo, balse weli uma dhaqaaqin inuu ka dhabeeyo ballan-qaadyadaas, waxaana hadda muuqata in dowladda federaalka ay la safan tahay garabka Axmed Madoobe oo is-hayaan garabka awoodda ciidan ku jooga gobolka. The post DF Soomaaliya oo caddeysay mowqifkeeda tallaabadii uu qaaday Axmed Madoobe? appeared first on Caasimada Online.