Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (HOL) – In a significant move that could potentially reshape the political landscape of Hirshabelle State, lawmakers from Hiiraan region have rallied behind the recently sacked Governor Ali Jeyte, expressing their support for his leadership and plans advocating the establishment of a separate regional state: Hiiraan State. Source: Hiiraan Online
  2. MINNEAPOLIS (FOX 9) - A quick trip to prepare for a friend's wedding turned into an unspeakable tragedy when the five women from the local Somali community were killed in a violent car crash on Friday with an alleged impaired driver, leaving their families and friends in shock. Source: Hiiraan Online
  3. 28 civil aviation professions to be localized in KSA General Authority of Civil Aviation (GACA) has announced that they will localize 28 professions in the airport transport sector by the end of 2024. This initiative is expected to create around 10,000 jobs for Saudis, which expats in Saudi Arabia currently hold. GACA has instructed all airlines, maintenance contractors, and service providers to start implementing the directives. The progress of the Saudization plan in the civil aviation sector would be monitored on a monthly basis by working teams. 28 civil aviation professions to be localized in KSA Here is the list of 28 civil aviation professions that will be localized in the coming 3 years; Pilot/co-pilot. Flight Attendant. Air Traffic Controller. Supervisor. Flight Yard Coordinator. Ground Handling Service. Cargo Handling. Luggage Handling. Passenger Handling. Flight Catering. Qaran News
  4. Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa habeen hore shaqada ka eryay guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan. Maamulka ma sheegin eed gaar ah oo loo qaaday tallaabadan, laakiin illo madax-banaan ayaa sheegaya inay la xiriirto arrimo muddo soo jiitamayay oo ku saabsan hanaanka canshuuraha maamulka HirShabeelle. Cali Jeyte waxa uu ahaa ruuxiyadda dagaalka kooxda Al-Shabaab lagula jiro, lama dhihi karo maamulkiisa waxba kama qaldaneyn, laakiin shaqada ugu weyn ee Soomaaliya taalla oo ah in laga adkaado aragagixisada Al-Shabaab boos weyn ayuu kaga jiray Cali Jeyte. Guddoomiyaha xilka laga qaaday oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa si weyn uga horyimid xil ka qaadista, isaga oo ku dhawaaqay dhismaha maamul cusub oo ka madax-banaan kan HirShabeelle. Guddoomiye Cali Jeyte ayaa sidoo kale waxa uu bandow kusoo rogay gobolka Hiiraan, isaga oo sheegay in dadkeedu ka tashanayaan dhameystirka maamul gooni ah oo la yiraahdo “Hiiraan State”. Saddex caqabadood waaweyn ayaa ka dhalaneysa xil ka qaadistan, kuwaasi oo kala ah; 1. Al-Shabaab oo laga hor qaaday caqabad weyn Sida uu Cali Jeyte u muujiyay dareenkiisa oo u abaabulay una kiciyay qabiilkiisa, waqtiga uu jiida dagaalka galiyay iyo sida uu dunida iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ugu soo jeediyay dagaalka Al-Shabaab lama inkiri karo. Kooxda Al-Shabaab waayahan ma wajahin hoggaamiye sidaas u mideyn kara fikirkiisa, qabiilkiisa, cududdiisa iyo ra’yu caamka. Al-Shabaab waxay maanta u tahay fursad gaar ah oo ay u abuureen isla kooxdii kasoo horjeeday. 2. Baahida loo qabay siyaasi ay Al-Shabaab kala dhinteen Madaxda degmooyinka iyo gobollada Soomaaliya waxaa badi lagu eedeeya inay cilaaqaad qarsoon la leeyihiin kooxda Al-Shabaab. Qaarkood iyaga oo dano gaar ah ilaalinaya ayay ka gaabsadaan inay kooxda u bareeraan. Dadka Soomaalidu waxay marwalba sheegaan baahida loo qabo siyaasiyiinta ay Al-Shabaab toos u kala dhinteen, si kuwaasi ay uga dhabeeyaan riyada ah in kooxda laga takhaluso. Cali Jeyte waxa uu kamid yahay siyaasiyiinta naadirka ah ee Soomaalida ee ay kala dhinteen kooxda Al-Shabaab. Mana mudneyn ayay dadweynuhu leeyihiin in la lumiyo marxaladan dagaalka lagu jiro, maadaama ay yar yihiin kuwa sidiisa oo kale u bareeri kara khatar weyn. 3. Dib u kicinta qabiilka Xil ka qaadista Cali Jeyte waxay u badan tahay inay abuuri doonto kala qeybsanaan ku saabsan sida ay beeshiisa ugu mideysan tahay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Iyada oo loo diyaar-garoobayo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo la rabo in la raadiyo aragti cusub oo qabiilo kale lagu kicin karo, in kuwii abaabulna lasii kala dhantaalo oo hoggaamiyahooddii la lumiyo, iyada oo aan talada waxba laga siin. Waxay adkeyn doonta sida wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab loo heli karo beeshaas oo mideysan, ama sida loo kicin karo beelo kale oo hadda arkaaya in aanay xitaa libintooda u goyn karin in tallo laga siiyo isbeddelka hoggaankooda. The post Saddex arrin oo waaweyn oo ka dhalanaya tallaabada uu qaaday Cali Guudlaawe appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan 5 milyan oo dollar dul-dhigtay madaxa sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cusmaan Maxamed oo loo yaqaano Injineer Ismaaciil. Horjoogahan uu Mareykanku dul-‘dhigay madaxiisa lacagta shanta milyan ee dollar ayaa ah nin dhagar badan, kuna shaqeysta maleeshiyaad la sheegay inay daacad u yihiin. Cabdullaahi Cusmaan oo kooxda Al-Shabaab u yaqaannaan “Ismaaciil Injineerka”, waa horjooge ka soo jeeda gobolka Hiiraan una qaabilsan kooxda labo qeybood oo kala ah; 1- Waa madaxa guud ee warbaahinta Al-Shabaab, waxaana hoostaga maleeshiyaad uu u adeegsado faafinta wararka been abuurka ah iyo buun-buuninta hadallada horjoogayaasha Al-Shabaab ay ku banneysanayaan dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed. 2- Wuxuu mas’uul ka yahay qeybta qaraxyada oo ay ka shaqeeyaan maleeshiyaad isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib, kuwaasi oo diyaariya qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed. Qeybtan qaraxyada waa si garab ah mas’uul uga ah ku-xigeenka Ismaaciil Injineerka oo lagu magacaabo Mustafa Jihaad oo loo garan ogyahay Axmed Gurey. Ninkan ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Mareykanka, horjoogahan magaciisa kor ku soo xusnay ayaa si gaar ah hagar-daamooyinka iyo dhagaraha ugala shaqeeya horjooge Axmed Diiriye oo kooxda Al-Shabaab ay u yaqaanaan “Abuu Cubeyda”. Horjooge Cabdullaahi Cusmaan ayaa waxa uu ku dhuumaaleysanayaa gobollada dhaca Koonfurta Soomaaliya, si gaar ahna wuxuu ugu badan yahay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda. Si kastaba, Barnaamijka abaal-marinta Cadaaladda, Rewards for Justice (RFJ) ee Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray dhawaam ku sheegay in $5 milyan la siin doono cid kasta oo keenta akhbaar hoggaamin karta aqoonsiga ama halka uu ku sugan yahay ninkan. Mareykanka ayaa xilligaas shaaca ka qaaday in Cabdullaahi Cusmaan Maxamed uu yahay Injineer khabiir sare oo Al-Shabaab u sameeya qaraxyada. Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in sidoo kale uu yahay la-taliyaha hoggaamiyaha guud ee kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda Mareykanka. Mareykanka ayaa horay sidaan oo kale lacag u dul-dhigay hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay oo $ 5 milyan la dul-dhigay Cali Maxamuud Raage oo loo yaqaan Cali Dheere, isla-markaana ka tirsan madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab. The post Waa kuma Injineer Ismaaciil: Horjoogaha uu Mareykanka dul-dhigay 5 milyan dollar? appeared first on Caasimada Online.
  6. Garoowe (Caasimada Online) – Ajendaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 52-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa la shaaciyay, kaasi oo ay kasoo muuqdeen qodobo xasaasi ah. Ajendaha la shaaciyay ee Kalfadhiga Golaha Wakiillada Puntland ayaa waxaa ugu muhiimsan qodob la xiriira go’aan ka gaarista doorashada madax-tinimada Puntland ee 2023/2024. Sidoo kale waxaa qeyb ka ah ajendahaan ka doodista xaaladda amniga Puntland, gaar ahaan amniga caasimadda Garoowe, oo muddooyinkii dambe ay kasoo cusboonaneysay xaaladdo amni darro. Ka doodista xaaladda gobolka Sool oo uu ka socdo dagaalka Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC ayaa sidoo kale ku jirta ajendaha la shaaciyay ee kal-fadhiga baarlamaanka Puntland. Waxa kale oo qeyb ka ah ajendaha Kalfadhiga Golaha Wakiillada Puntland arrimaha mushaharka ciidanka iyo shaqaalaha dowlad-goboleedka Puntland, oo muddooyinkii dambe ay ka taagnaayeen cabashooyin xooggan. Hoos ka aqriso qodobada ajendaha oo dhameystiran; Si waafaqsan qodobka 42-aad faqradiisa 4-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada Dawladda Puntland ee Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiilada Dawladda Puntland, waa sidan; Furitaanka Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiilada Dawladda Puntland. Ansixinta Ajendaha Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiadda DPL. Warbixinta Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada DPL. Warbixinta Guddiyada Golaha Wakiilada DPL. Xeerarka ay Xukuumaddu soo gudbisay/gudbiso. Dabagalka Hirgelin la’aanta go’aamadii Golahu soo saaray. Ka doodidda Mushaharka Ciidanka iyo shaqaalaha Dawladda. Ka doodidda Xaaladda Gobolka Sool. Ka doodidda Amniga Puntland iyo kan caasimadda Garoowe. Go’aan ka gaarista arrimaha la xiriira doorashooyinka 2023/2024. Ansixinta Xisaab xirka Sanad-maaliyadeedka 2022-ka. The post Aqriso: Ajendaha rasmiga ah ee kalfadhiga baarlamanka PUNTLAND oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online.
  7. Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa diiday hindise nabadeed oo Sabtidii ay u keeneen wafdi ka socda madaxda Afrika oo rajaynayay in la soo afjaro dagaalka Ruushka ee Ukraine. Hogaamiyayaasha toddobo dal oo Afrikaan ah ayaa u sheegay in dagaalka Putin uu dhibaato ku yahay caalamka oo dhan. Wafdiga ayaa la kulmay Putin maalin kadib markii ay la kulmeen madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy. Labada hoggaamiye ayaa tilmaamay in qorshahan uu yahay mid aan socon karin. Putin ayaa wada-hadallada Sabtidii la furay wakiillo ka socda Comoros, Congo Republic, Masar, Senegal, South Africa, Uganda iyo Zambia oo ka dhacay qasri u dhow St. Balse madaxweynaha Ruushka ayaa diiday qorshaha nabadeed ee wafdiga ee ku saleysan aqbalaadda xuduudaha Ukraine ee caalamku aqoonsan yahay. Waxa uu ku cel-celiyay mawqifkiisii ahaa in Ukraine iyo xulafadeeda reer galbeedka ay mas’uul ka ahaayeen iska horimaadka ka hor intii aanu Ruushku ku duulin Ukraine bishii Febraayo 2022. Putin ayaa sidoo kale sheegay in reer galbeedku ay mas’uul ka yihiin sare u kaca qiimaha cuntada adduunka, taas oo si aad ah u saameeyay Afrika. The post Putin iyo Zelensky oo diiday hindisaha nabadda Afrika appeared first on Caasimada Online.
  8. When President Said Abdullahi Deni was elected almost five years ago, he was expected to accomplish all the tasks he pledged to achieve during his campaign and also to hold an election at the end of his term on January 8, 2024. Every president that Puntland has had so far knew that their mandate included moving Puntland from the old system, where traditional elders selected parliamentarians who would then elect the president, to a new system where people would elect their representatives and their president. When those Puntland presidents realized that it was not feasible to conduct a one person, one-vote election at the end of their term, they would encourage the Parliament to decide the way forward. The parliamentarians, who had no other option but to go back to the only system that was agreed upon by all stakeholders, always decided to continue the old system until another agreed upon system would be on the table. President Deni also promised to accomplish one person, one-vote at the end of his term and tried and succeeded in holding the first three district elections on a trial basis. The elections in those three districts were very successful for the most part. The constituents were given enough time to learn about the type of election that would be conducted, and the majority of the people registered to vote. The candidates for the council campaigned for their positions, and the leadership of the temporary Puntland election committees (TPEC) seemed to be independent from government interference. All the organizations participating in the election saw that the process provided a level playing field where constituents could choose their representatives. In the end, the results of those elections were welcomed by the majority of Puntlanders. Two of the districts were won by other parties, even though the government’s party, Kaah, campaigned hard, and some accused Kaah of using government resources to campaign. At that point, it was said that President Deni did not like the outcome of that election, and that it seemed to him that the process of that election was not something he could continue in order to win the presidency. The process seemed to be on hold for a while, and it took some time for those who were elected to come to their offices and work for the people. President Deni also became very busy with the presidential election in Somalia, in which it was necessary for Puntland to select those who would represent it in the federal government. President Deni, who did not declare that he was running for the presidency of Somalia but was suspected of that by most people, declared at the last minute that he was a candidate. In the end, President Deni did not win that election and returned to Puntland to restart the election process, which had been on hold. President Deni also realized that with less than a year and a few months left of his term, if he wanted to accomplish a one person, one-vote election, the timeline had to be expedited, and he did not have time to repeat the same process that Puntland had accomplished in the first three districts. It was clear to him that if he followed that process, he would probably not achieve the election he had in mind—one person, one-vote—before the end of his term. The only process that was feasible for him was an expedited process, which would achieve the result he envisioned by any means necessary. Immediately, the leadership of TPEC was pressured, to the point that they resigned. The Minister of Interior was replaced by another who was willing to go along with President Deni’s plan. In Bossaso, where it was estimated that over 1.5 million people lived, the people were given about three weeks to register their voting cards. As a result, it was estimated that around 60,000 people registered to vote, with about 20% being internally displaced people who were willing to register. The registration team was a mobile team moving from one district to another. When asked why they were mobile, the team insisted that there were not enough resources and that they were on schedule, and that they couldn’t fall behind if they wanted to achieve their plan of concluding the election by May 25, 2023. The reasonable follow-up question was why the election had to happen on that day. The response was that the government needed to complete the local council elections before the Parliament reconvened in June 2023. The only way the government could stop the old election system was to present some type of election where it would appear that the government could conduct the parliamentary and presidential elections in the same way it did for the local councils, either on time or with the possibility of a six-month extension, which the government estimated it might need at that time. The election team believed that if they did not present a feasible plan to the Parliament, the opposition team would defeat them. The whole process was expedited so the opposition team would not defeat them rather than by considering the legitimacy of the process. In addition, to continue that expedited process, the government, which was supposed to lead the process by consensus, decided to lead by majority rule. Two parties, Dhalinyarada (Youth) and Horseed, decided not to participate when the government moved forward with the process, while six other parties led by the Sincad leader agreed with the process. Due to this expedited process, which was conducted by any means necessary, only about 177,000 people voted in 30 districts, and three districts in the Nugal region did not participate in the election. Now the result of this expedited election process is what the government was afraid of: if the government does not present a feasible plan to complete the election on time, the Parliament would decide to proceed with the only election it has used for the last 24 years with no issues. The government is at that crossroad now. It has become clear that the government cannot continue this expedited process to hold an election at the end of the government’s term, and many things need to be corrected. First and foremost, before an election can proceed, there should be a consensus among all stakeholders for such an election to take place. The Mideye party , which is the second-leading party in the election so far, issued a statement saying that the election should be held at the end of the government’s term. The Danab Forces, Puntland Political Forum, and Mudug Consultation Forum also urged parliamentarians to ensure that the election take place on January 8, 2024. Correcting all that is wrong will take a considerable amount of time, which cannot be extended for this government. Many Puntlanders have come to realize that the government’s plan is heading toward a dead end. President Deni showed a sign of desperation when he started reshuffling his government staff. The next government, whether led by President Deni or someone else, can continue from where it left off and ensure that an election by one person, one vote can be accomplished at the end of that term. The Parliament should consider all of the above before deciding to extend the rule of this government. By: Mohamed Abdiqafar Haji Hussein Email: Mohabdhus@gmail.com Atlanta, Georgia, USA. The post President Deni’s Ambitious Goal Faces Roadblocks and Controversy appeared first on Puntland Post.
  9. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa fagaare ka sheegay inay soo dhaweynayaa damaca madaxda dowladda federaalka ee muddo kororsiga, isagoo sheegay in dastuurka wax laga bedeli karo. Wuxuu sheegay in madasha golaha wadatashiga qaranka ay ku heshiiyeen in dastuurka la waafajiyo bayaankii ay soo saareen ee heshiiska looga gaaray masiirka dalka. “Dastuurka dalku Qur’aan maaha, waala bedeli karaa, madasha golaha wadatashiga qaran ayaa hey’adaha dastuuriga ah ka dalbatay in wax laga bedelo oo dalka loo diyaariyo doorasho qof iyo cod ah, markii aan is doorano ayaan yeela doonaa dowlad awood badan,” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug. Qoor Qoor ayaa sheegay in Galmudug ay aad ugu diyaarsan tahay inay qabato doorasho qof iyo cod ah, “Kama jirto Soomaaliya meel nooga haboon oo doorasho qof iyo cod ah lagu qaban lahaa,” ayuu yiri. Qoor Qoor ayaa sheegay in hadda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada is ogolaaday ay Soomaali sharaf u tahay, isagoo sheegay in lagu howlan yahay xalinta madaxda aan ku qanacsaneyn sida ay wax u socdaan. “Waxaa jiri kara in qodobada qaar dood laga keen, balse ay muhiim tahay in la qaato go’aan kasta oo laga dhex arkayo danta Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Madaxweynaha ayaa aad u dhaliilay ganacsatada deegaanada Galmudug, isagoo sheegay in maalkooda aan lagu baahi bixin, si gaar ah kuwa ugu dhaqaalaha badan ayuu u beegsaday Axmed Qoor Qoor. “Waa dhaliilan yihiin ganacsatada reer Galmudug, weliba kuwa ugu dhaqaalaha roon waxaan leeyahay xoolihiina loogama bixin baahi,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor. Madaxweynaha Galmudug ayaa hadalkaan ka jeediyey madal lagu soo bandhigay hanaanka uu Galmudug uga hir-galay nidaamka dowladnimada loo dhanyahay oo lagu qabtay Dhuusamareeb, Hoos ka daawo The post Daawo: Qoor Qoor oo cadeeyey mowqifkiisa muddo kororsiga madaxda DF appeared first on Caasimada Online.
  10. NEW YORK (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud is scheduled to travel to New York on Monday to provide a briefing to the United Nations Security Council on Somalia's transitional plan, sources told Hiiraan Online on Sunday. Source: Hiiraan Online
  11. NEW YORK (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud is scheduled to travel to New York to provide a briefing to the United Nations Security Council on Somalia's transitional plan, sources told Hiiraan Online on Sunday. Source: Hiiraan Online
  12. NEW YORK (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud is scheduled to travel to New York to provide a briefing to the United Nations Security Council on Somalia's transitional plan, sources told Hiiraan Online on Sunday. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal lagu baahiyey bogga xisbiga Himilo Qaran ee Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed uu hoggaamiyo ayaa lagu sheegay in caawa kulan gaar ah uu madaxtooyada dalka uga socdo Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh. Qoraalka ayaa lagu sheegay in kulankaasi uu daba socdo kulamo Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed uu maalmahaan la yeelanayay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta dalka. Ajendaha kulamada uu Sheekh Shariif ka wado Muqdisho ayaa lagu sheegay inay ku qotomaan sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha siyaasadeed ee ka taagan dalka. Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ka mid ahaa siyaasiyiin horay u soo saaray qoraal ay ku diideen qorshaha muddo kororsiga ah eek u jiray heshiiskii ugu dambeeyey ee madaxda golaha wadatashiga qaranka. “Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sh Ahmed ayaa la filayaa inuu kala hadli doono Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud arrimaha dastuurka, hannaanka doorashooyinka, muddo kororsiga, xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, arrimaha la dagaallanka argagixisada, arrinta Gedo, colaadda Laascaanood iyo colaadaha kasoo cusboonaaday qaybo ka mida gobollada dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka uu baahiyey xisbiga Sheekh Shariif. Shariifka ayaa maalmo ka hor ka soo laabtay dalka dibadiisa, wuxuuna ku jiraa ragga hor boodaya siyaasiyiin diidan muddo kororsiga ay damacsan tahay xukuumadda cusub ee Xasan Sheekh. Caawa ayaa lagu wadaa inay dood adag arrintaas ka yeeshaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, xilli uu meel dhexe marayo qorshaha ay dowladda federaalku dooneyso inay ku meel mariso muddo kororsigaan oo doodiisu ay taallo golaha shacabka. Markii laga soo tago Shariifka, waxaa jira siyaasiyiin kale oo miisaan culus, aadna u diidan muddo kororsigaan, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay Muqdisho soo gaaraan intooda badan oo mowqifka ay ku diidan yihiin qorshahaan ay ololihiisa bilaabaan. The post Xogta kulan xasaasi ah oo Villa Somalia uga socda Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif appeared first on Caasimada Online.
  14. Minneapolis (HOL) - The son of a former DFL State Representative, Derrick John Thompson, has been identified by sources as the suspect in a deadly hit-and-run in south Minneapolis that claimed the lives of five Somali women on Friday night. Thompson was previously found guilty of fleeing from police and instigating a crash in Montecito, California, back in 2018. Source: Hiiraan Online
  15. Minneapolis (HOL) - Derrick John Thompson, the son of a former DFL State Representative, John Thompson, has been identified by sources as the suspect in a deadly hit-and-run in south Minneapolis that claimed the lives of five Somali women on Friday night. Thompson was previously found guilty of fleeing from police and instigating a crash in Montecito, California, back in 2018. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada ku jira baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo si adag uga hor yimid go’aankii xilka looga qaaday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte. Xildhibaanada ayaa iclaamiyey shir deg deg ah oo la isugu tegayo magaalada Beledweyne, iyagoo ku dhawaaqay in halkaas laga dhisi doono maamul ka madax-banaan HirShabeelle. Sidoo kale xildhibaanadaan ayaa shaaciyey in habeen ka hor ay kala furfureen mooshin xilka looga qaadi lahaa madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed. Waxay farriin u direen Yuusuf Dabageed oo ay ku eedeeyeen in loo adeegsaday cayrinta Cali Jeyte, waxayna u sheegeen in hadii Cali Jeyte uu meesha ka baxo uusan isaguna ka dambeyn doonin. Sidoo kale waxay farriin kale u direen guddoomiyaha cusub ee madaxda HirShabeelle ay u magacaabatay gobolka Hiiraan, iyagoo si dabacsan ugu sheegay in xilkaan uu u qalmo, balse loo adeegsanayo fashilinta dagaalka Al-Shabaab iyo walaalkiisa Cali Jeyte. “Dadka aan xildhibaanada u nahay maanta kadib ma aqoonsana HirShabeelle wax la dhaho, waana u camireynay awalba maamul kama jirin halkaas, intii yareedna maanta ayey is toogatay, qofka xilka waa laga qaadi karaa, laakiin waxaa laga qaadaa xili munaasib ah, marka waxaan cadeyneynaa in HirShabeelle ay geeriyootay, anaguna aan ka tashanay,” ayuu yiri Xildhibaan Maalik Cabdalla. Xildhibaanadaan oo shaaciyey inay tegayaan magaalada Beledweyne ayaa Cali Jeyte ku amaanay halgankii uu gobolka Hiiiraan intiisa badan uga xoreeyey kooxda Al-Shabaab iyo go’aanka uu ku diiday xilka kaadista ay ku sameeyeen madaxda HirShabeelle. Xildhibaanada Xawaadle ee caawa shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho waxay balan qaadeen inay dhisi doonaan maamul cusub oo la yiraahdo Hiiraan State, kaas oo qorshihiisa lasoo dhameystiray, sida ay hadalka u dhigeen. Guddoomiye Cali Jeyte ayaa galabta cadeeyey in warqadii xilka looga qaaday uusan u hoggaansami doonin, isagoo ku adkeystay in guddoomiyaha sharciga ah ee gobolka Hiiraan uu isaga yahay HirShabeellana uusan hoos tegin. Sidoo kale Cali Jeyte wuxuu galabta soo rogay go’aan uu ku xirayo safarada gobolkaas ee cirka iyo dhulka, isagoo ku goodiyey in dagaal uu kala hor tegi doono qof kasta oo HirShabeelle ka socota, hadii ay soo gasho Hiiraan. The post Xildhibaanada Xawaadle oo ku dhawaaqay go’aan culus iyo Hiiraan State + Video appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tiirka Soomaali Heshiis ah. Kulankaan ayaa waxa uu ra’iisul wasaaruhu warbixino kaga dhagaystay masuuliyiinta wasaaradaha qaar, iyada oo soo bandhigay waxyaabihii uga qabsoomay qorshayaasha horutabinta u leh xukuumadda Dan-Qaran. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa waxa uu faray wasaaradaha qaybta ka ah tiirka “Soomaali heshiis ah” in ay dardar-galiyaan qorshayaasha xukuumadda, islamarkaana bulshada u soo bandhigaan waxqabad muuqda oo lagu qanco, saldhigna u ah halbeegyada mudnaanta u leh xukuumadda ee tiirka Soomaali heshiis ah. Halbeegyadan ayaa waxaa kamid ah sida dhamaystirka dib-u-eegista Dastuurka, dimuqraadiyaynta iyo dardar-galinta dowlad wanaagga iyo hiigsiga xukuumadda ee hirgalinta dowladnimo u dhaw shacabka. Dhawaan ayay aheyd markii uu ra’iisul wasaaruhu bilaabay kulamo muhiim ah oo uu la yeelanayo wasaaradaha, si uu ugula xisaabtamo waxyaabihii ka qabsoomay ballan-qaadkii ay horey u kala saxiixdeen. Si kastaba, Halku-dhigga Madaxwaynaha ee ah Soomaali heshiis ah waa mid kamid ah waxyaabaha laf-dhabarta u ah xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza. “Haddii aan la heshiinin wax horumar ah lagama gaari karo dhamaystirka dastuurka, doorasho qof iyo cod ah iyo la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab,” ayuu kal hore ka dhawaajiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. The post Xamza oo wasiirrada faray amar cusub oo la xiriira ‘Soomaali heshiis ah’ appeared first on Caasimada Online.
  18. Wasiirka wasaaradda Cafimaadka iyo daryeelka bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu horumarinayo helitaanka caafimaadka hooyada iyo dhalanka oo tayo leh oo loogu talagalay dadka nugul iyo dadka kuso barakacay gudaha dalka. Daahfurka Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Safiirka Dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo ka socday hay’addaha deeqaha bixiya. Ujeedka mashruucaan ayaa ah in wax laga qabto baahiyaha daryeelka cafimaad ee muhiim u ah bulshooyinka nugul, gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha ay saameeyeen barakaca iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ku wajahaya dalka daryeelkana u baahan xilligaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Uganda reels from its worse attack in more than 10 years after a rebel group killed 41 civilians, mostly students. Source: Hiiraan Online
  20. Berbera (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta tababar usoo xidhay ciidamo milatari oo tababar dhamaystay, kuwaasi oo dhawaan ku biiraya ciidamada Somaliland ee ku sugan jiidaha hore ee gobolka Sool. Munaaswbadda tababarka loogu soo xidhayey ciidamadan oo ay madaxweyne Biixi kala qayb-geleen wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, taliyeyaasha ciidamada, macallimiintii tababarka bixinaysay, ayaa laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo dhallinyarada ciidamada milatariga kusoo biiray ee tababarka qaadatay. Taliyaha ciidanka militariga Somaliland, Sarreeye-gaas Nuux Ismaaciil Taani oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ciidanka tababarka loo soo xidhay uu kamid yahay ciidan faro badan oo tababar ugu jira kulliyadaha Sheekh, Badar Wanaag, Dararwayne, iyo Goroyocowl, islamarkaana loo qaadi doono gobolka Sool. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay tacab badan gelisay ciidamadan, loogana baahan yahay “inay dalkooda iyo dadkoodaba ka difaacaan gardarrada maamulka Puntland kusoo qaadeen gudaha Somaliland,” sida uu hadalka u dhigay. “Madaxweynaha Puntland wuu caddaystay maalintii dhawayd oo wuxuu yidhi weerar ayaan ku qaadayaa halkaa (Sool), mudane madaxweyne arrimihii way joogsan waayeen wataa Puntland leedahay anaga dagaalamayna, hadaanu markii hore xaraga dagaalamaynay, maanta waa la is xiniinyo taabanayaa,” ayuu yiri Nuux Taani oo hanjabaad culus u diray maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni. Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), ayaa isaguna dhankiisa bogaadiyey ciidamada tababarka dhammaystay iyo macallimiintoodaba. Sidoo kale waxa uu sheegay inay kusoo biireen ciidamo sharaf leh oo xuquuqaha aadamaha iyo sharafta muwaadiniintaba dhawra, cadowgana libinta si fudud uga qaata, sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey ciidamada, ayaa ugu horrayn ku hambalyeeyey tababarka u dhammaaday. Waxa uu caddeeyey inay ciidanku yihiin astaan nabadeed dhaxanta iyo goobaha naf waaga u taagan sidii muwaadiniintu ugu seexan lahaayeen nabad. “Waxaan aad u hambalyeynayaa dhammaan ciidamada kala duwan ee qaranka ee habeen iyo maalinba u heegan inay dadkoodu nabadgelyo ku seexdaan, kuna soo toosaan, hantidoodu nabadgasho, dadkeenu horumaraan,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi. “Geesiyaasha ciidamada kala duwan ee ciidanka qaranku u xoog weyn yahay ee dadkooda nabaddooda iyo mustaqablkooda u heeganka ah baynu hambalyeynaynaa.” The post Sawirro: SOMALILAND oo ciidamo cusub oo tababar dhameystay u diraysa SOOL appeared first on Caasimada Online.
  21. Beledweyne (HOL) - Recently dismissed Governor of Hirshabelle, Ali Jeyte, has declared Hiiraan as an independent Federal Member State (FMS), sparking heightened tension across the region. Jeyte has imposed a controversial ban on all Hirshabelle officials, signifying a deepening divide. Source: Hiiraan Online
  22. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tiirka Soomaali Heshiis ah, ayaa warbixino ka dhagaystay masuuliyiinta wasaaradaha qaar, iyagoo soo bandhigay waxyaabihii uga qabsoomay qorshayaasha horutabinta u leh Xukuumadda DanQaran. Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasaaradaha qaybta ka ah tiirka ‘Soomaali heshiis ah’ in ay dardar-galiyaan qorshayaasha Xukuumadda, isla markaana bulshada u soo bandhigaan waxqabad muuqda oo lagu qanco, saldhigna u ah halbeegyada mudnaanta u leh xukuumadda #DanQaran ee Tiirka Soomaali Heshiis ah, sida dhamaystirka dib u eegista Dastuurka, dimoqraadiyaynta iyo dardargalinta dowlad wanaagga iyo hiigsiga xukuumadda ee hirgalinta dowladnimo u dhaw shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com