-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mucaaradku tab iyo xeelad wuxuu u adeegsaday sidii uu Khaliif Kursiga u saari lahaayeen, waanay ku guuleysteen. Xukuumaddu iyo Xisbigeeduna wixii tab iyo xeelad haysan in ay Faratoon ku dhisto way samaysay laakiin way ku guul daraysatay. Imika haddaba maxaa jira? Mucaaradku waxay ku dedaalayaan tab iyo xeelad wixii ay hayaan in ay ku keenaan murrashax way wataan oo Mucaarad ah, madaama oo aanu jirin Xildhibaan Mucaarad ah oo reer Sool ah oo ay dhisi karaan waa ta keentay doodda taagan ee ah reer Awdal in ay dhisayaan ma jiro wax diidayaa, waana mid salka u haysta qorshahooda siyaasaddeed iyo istiraatijiyadda mustaqbalka. Qorshahooda iyo rogrogitaanka dookhkooda cidda ay guddoomiye ka dhigayaan weli may cadayn. Halka dhibtu ka taagan tahay waa halkan ee ilaa imika qorshe cad ka jirin. Kulmiye iyo Xukuumaddiisu waxay u muuqdaan kuwo ay ka jiifto, dhawr sababood awgood; 1. Iyaga oo ku mashquulay dagaalka Cabdirisaaq Khaliif, balse aanay qorshe cad oo uga dambeeyey haddii ay ku guulaystaan in ay Khaliif ridaan, in ay qorshe dejin waayaan ayaa lafteeda loo aanaynayaa saddex qodob oo kala ah. ■ In aanay jirin awood iyo xildhibaanno ku filan oo ay ku ridi karayeen Khaliif. ■ In ay ka warqabeen in Mucaaradka iyo Kaah ku heshiiyeen in ay difaacaan Kursiga Cabdirisaaq Khaliif ■In ay filayeen in dacwada ay ku soo oogeen khilaaf abuuri karto wakhtigana qaadan karto. 2. Kulmiye iyo Xukuumadda oo aan haysan Xildhibaanno aqlabiyad ah oo wixii ay doonayso kaga fushan karto Golaha Wakiillada, ciddii ay doonayso ay ku keeni karto Guddoomiyaha Golahaas 3. Faratoon iyo Kulmiye oo kala xidhiidh furtay, markii uu Kaah ku biiray, isla markaana waxa ay ku dhiiran Kari waayeen in ay soo bandhigaan cid kale oo ay Guddoomiye u wataan, madaama ugu yaraan ilaa saddex Xildhibaan oo Reer Sool ah oo KULMIYE ka soo baxay ay joogaan, sababta ay ugu dhiiran waayeen waa in aanay keligood dhisi karin Mucaaradka iyo Xildhibaannada Kaah ka iibin karayn. Kaah Xildhibaannada taageera Urur-siyaasaddeedka Kaah iyo Guddoomiyaha Ururkaas Faratoon ayey si weyn ugu ololaynayaan una taageersan yihiin. Xukuumadda iyo Xisbigeedu way ku khasban yihiin sababo jiro awgood in ay badhitaaraan Faratoon oo Kaah, Guddoomiye kuxigeen ah. Mucaaradka iyo Kaah Mucaaradku iyo Kaah waxyaabo badan oo dhinaca mucaaradnimada waa iskaga aragti, Faratoon laftiisa way ka wada hadli karaan, laakiin caqabad jirta ayaa ah in haddii Faratoon ay la dhisaan, waxay Mucaaradku ku gorgortamayaan in labada Xigeen qaataan, taas oo xujo adag ku ah Xildhibaannada Kaah taageera in ay suuq soo dhigaan kursiga Guddoomiye kuxigeenka 1–aad Siciid Giirre. Si kastaba ha ahaatee, xaaladan murugsan ayaa waxa sabab u ah ayaa la odhan karaa doorkii Kulmiye iyo xukuumadda oo hooseeya, Kaalinta saameynta leh ee Xildhibaannada Kaah taageera iyo qorshaha cusub ee Mucaaradku ku doonayaan in ay ku sii xejistaan kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada. Sidoo kale xaaladdan murugsan waxa qayb ka ah loollanka oo marmarka qaarkood ku salaysan deegaamaysi. Golaha Wakiillada ayaa galay fasax gaaban 45 maalmood ah, intaas fasax lagu jiro wax badan bannaanka lagu sii dhameeyo oo qolo walba hal qof oo ay is leedahay cod uu guddoomiye ku noqdo ayaad u helaysaan la yimaadaan Golaha Source
-
Alle haw-naxariiste waxa magalada Minneapolis ku geeriyooday 5 hablood oo Soomaali ah. Shil gaadhi oo ka dhacay gudaha magalada Minneapolis ayaa sababay dhimashada 5 hablood oo Soomaali ah , kuwaas oo 3 kamid ah ay yihiin Walaalo. Hablahan ayaa la sheegay inay isu diyaarinayeen xaflada qalinjabintioda oo ku beeganayd maalinta barri ah. Source
-
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmaha soo socda ku wajahan magaalada New York ee Mareykanka, halkaas oo uu ka bilaabi doono kulamo xasaasi ah. Ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la xiriira ka qayb-galka kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee la filayo in looga hadlo xaaladda Soomaaliya, kaas oo ay shir guddoomin doonto dowladda Isu Tegta Imaaraadka Carabta. Intiisa badan waxaa shirkan lagu gorfeyn doonaa qorshaha bixitaanka Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, cunaqabateynta hubka ee weli saaran dalka iyo taageerada Soomaaliya. Sida qorshuhu yahay madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedin doono kulanka isaga oo ka xog warrami doono xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo qorshaha dowladdiisa ee ku aadan horumarinta dalka. Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu golaha hordhigi doonaa codsi la xiriira sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ah ee saaran tan iyo 1992-dii, taas oo xilligan muhiim u ah dowladda federaalka, maadaama dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doono hoggaamiyeyaasha ka qayb gala shirka, si uu ugu qanciyo qorshaha dowladdiisa, una taageeraan. Horay wakiilo kala duwan oo indha-indheyn ku sameeyay amniga dalka ayaa xilliyo kala duwan soo gaaray Muqdisho, waxa ay la kulmeen xubno kormeer ahaan u qaabilsan oo waddanka jooga si ay uga xog-dhageystaan xaaladda xakameynta hubka ee Soomaaliya. Dowladda federaalka ayaa haatan wada qorshe guud oo dalka looga saarayo Al-Shabaab, sidoo kalena ciidamada dowladda ay kula wareegaan amniga guud ee dalka. Si kastaba, qorshaha bixitaanka ATMIS ayaa goordhow bilaabanaya, ayada oo dhamaadka bishan June lagu wado in dalka ay ka baxaan 2,000 oo askari oo ka mid ah ATMIS. The post XOG: Xasan oo ku wajahan Mareykanka + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee dugsiyada sare iyo siddeedaad ee dugsiyada Hoose dhexe oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan deegaannada Somaliland. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo guddoomiyaha imtixaanaadka Qaranka, Mudane Daa’uud Axmed Faarax, ayaa imtixaanka si rasmi ah uga daah-furay dugsiga sare ee Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, waxana uu gacantiisa ku qaybiyey nuqullo kamid ah imtixaanka saaka ka bilaabmay dalka oo dhan. Ugu horrayn, guddoomiyaha imtixaanaadka Qaranka, Mudane Daa’uud Axmed Faarax oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay tirada ardayda ee sannadkan imtixaanaadka shahaadiga ah gelaysa, waxana uu sheegay inay sannadkan u fadhiisanayaan 25,000 (Shan iyo labaatan kun) oo dugsiyada dhexe ah iyo 16,000 (Lix iyo toban kun) oo arday oo dugsiga sare ah, waxa sidoo kale ku jira 3, 243 arday oo ah ardaydii Gobolka Sool oo ay gobolkooda xaaladi ka jirto. Waxa kale oo xusid mudan in ay sannad imtixaanaadka u fadhiisteen ardayda baahiyaha araga qaba, waxaana imtixaanaadka maanta looga fadhiistay 300 oo goobood oo dalka ah. Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa isaguna madaxweynaha uga mahadnaqay daah-furka imtixaanka qaranka ee maanta bilaabmay, waxana uu ardayda u rajeeyey guul. Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban goobta ka jeediyey, ayaa ardayda u duceeyey, kulana dardaarmay inay iska saaraan cabsida imtixaanka, niyaddooda wanaajiyaan, isaga oo bahda waxbarashada iyo guud ahaan qarankaba uga mahadnaqay hirgelinta imtixaanka iyo diyaarintiisaba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ajandaha Baarlamanka Puntland ayaa lagu daray ka doodista doorashada madaxtinimada Puntland ee 2023/2024. Qodobkan ayaa si weyn uga hadlaya ka doodista doorashada Baarlamanka iyo madaxtooyada si dalka looga saaro marxaladda hubanti la’aanta ah ee uu sii galayo. Qodobada kale ee lagu daray ajandaha waxa kamid ah xaaladda Gobolka Sool, Amniga caasimadda Garoowe iyo mushahar la’aanta shaqaalaha iyo ciidamada. PUNTLAND POST The post Ajandaha Baarlamanka Puntland oo lagu daray ka doodista doorashada 2024 appeared first on Puntland Post.
-
-Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo gebageboobey Shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee XFS iyo Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Benaadir oo socdey 12ka illaa 16ka Juun 2023. Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee DFS ayaa waxaa si rasmi ah u furay, soona xiray Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ujeedada shirkani waxay ahayd in wasaaradaha isku shaqada ah ee heer federal iyo dowladaha xubnaha ka ah DFS ay yeeshaan wadashaqayn iyo is-afgarad, waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif,Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Mudane Axmed Cismaan Diiriye,Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Koonfur Galbeed,Mudane C/llaahi Shiikh Daahir,Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Galmudug Mudane Muxyadiin Sh C/llaahi Osman, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee HirShabeelle,Mudane C/fitaax Xasan Faarax,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Jubaland, ahna kusimaha Wasiirka Mudane Saacid C/llaahi Maxamed,Agaasimaha Guud ee WI&T Mudane Cabdi’asiis Duwane Isaaq, Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Agaasimaha Waaxda Teknoolajiyadda iyo Isgaarsiinta ee Gobolka Benaadir Mohamed Adirahman Yabarow,Lataliyeyaasha WI&T, Agaasimayaasha guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaha Isgaarsiinta ee heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah DFS,lataliyeyaal iyo hawlwadeenno kale. Falanqayn iyo dood ka dib waxaa Shirka 4aad ee Wadatashiga laga soo saaray qodobadan hoos ku xusan. Waxay wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS uga mahadceliyeen Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) kulankan wadatashiga ah waxayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulammada nuucan oo kale ah. Waxay wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS ku bogaadiyeen horumarka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) ay ku tallaabsatay muddada kooban iyo howlaha qabsoomay. Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS iyo Wasaaradaha xubnaha ka ah in ay yeeshaan wadashaqeyn joogto ah lagana faa’iideysto dhammaan howlaha hor-yaalla. In Mashaariicda iyo dhammaan Horumarka la hiigsanaayo laga wada shaqeeyo sida:- Mashruuca (EA-RDIP) oo maraya meel wanaagsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warrarka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay waqti dambe la diay guddoomiyihii ku-xigeenkii arrimaha Bulshada degmada Walanweyn, kaas, inta gaari lagala dagay la dilay, isaga oo magaciisa lagu sheegay Haashim Maxamed Xasan. Rag hubeysan ayaa la sheegay inay wadada u galeen gaari uu watay gudoomiyaha oo marayay Buulo Xaashi oo qiyaastii 25 km bari uga beegan degmada Wanlaweyn, deetana ay rasaas ku fureen sida lagu helayo wararka ka imaanaya degmada ee la helay. Illaa hadda lama sheegin kooxda dishay gudoomiye kuxigeenka iyo sababta ay u dileen toona, laakiin waxa Wanlaweyn iyo tuulooyinka ku xeeran ka taagnaa in dhawaalaba colaad sokeeye oo u dhaxeysa beelo ood wadaag ah oo dhowr jeer dagaalamay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maayirka degmada Xuddun ee gobolka Sool oo muddooyinkii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Hargeysa ayaa gebi ahaanba ka soo goostay maamulkaas. Maayirka Xuddun oo lagu magacaabo Maxamed Jaamac Xirsi ayaa sida la xaqiijinayo u baxsaday dhinaca maamulka SSC-Khaatumo. Mas’uulkan ayaa sheegay in uu la dareen noqday dadka iyo degaankiisa oo dagaal kula jira ciidamada Somaliland. Wararka ayaa sheegaya in isla maanta soo dhawayn loo samaynayo waxaana la sugaya in uu warbaahinta la hadlo. PUNTLAND POST The post Maayirkii degmada Xuddun ee gobolka Sool oo ka goostay Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta u amba-baxay dalka Sacuudi Carabiya. Madaxweynaha iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan magaalada Makka ee ku taalla Sacuudiga halkaas oo uu ku soo gudanayo waajibaadka Xajka. “Aniga iyo wefti aan hogaaminayo waxaan maanta u amba baxnay Magaalada Barakaysan ee Makka Al Mukarama (Saudi Arabia) halkaas oo aan kusoo gudan doono waajibaadka Xajjka hadii Alle idmo” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo u amba-baxay Xajka appeared first on Puntland Post.
-
Wanlaweyn (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay gobolkaas lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada ee maamulka degmada Wanlaweyn, Marxuum Haashim Maxamed Shareere. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in guddoomiyaha xalay saq-dhexe ay kooxa hubeysan ku dileen tuuladda Buulo Xaashi ee duleedka degmada Wanlaweyn. Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha lagala dagay gaari uu la socday oo ka baxay magaalADA Muqqdisho, isla-markaana la geeyay banaanka magaalada oo lagu khaarijiyay. Eehellada marxuumka ayaa shaaciyay in dilka uu dhacay abaare 1:00 habeenimo ee saq-dhexe, isla-markaan shirqool lagu dilay guddoomiyaha, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale waxaa goobta uu falku ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo maydka kasoo qaaday halkaasi, ayaga oo la geeyay Wanlaweyn. Ciidamada ayaa sidoo kale sameeyay howlgallo kooban oo ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyay dilkaasi, balse ma jirto illaa iyo hadda ay cid ay gacanta ku soo dhigeen. Lama garan haybta kooxda ka dambeysay dilkan oo baxsatay iyo sababta rasmiga ee loo dilay Marxuum Haashim Maxamed Shareere oo ahaa guddoomiye ku ixgeenkii arrimaha bulshada degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Degmadan ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay murano salka ku haya maamulka iyo dagaal beeleedyo, kuwaas oo saameyn ku yeeshay horumarkii degmadaasi, Si kastaba, Wanlaweyn iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa horay uga dhacay dilal qorsheysan iyo sidoo kale dagaallo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac intaba. The post Guddoomiye Haashim Shareere ‘oo shirqool lagu dilay’ iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Senateka ee Maraykanka ayaa cod aad u yar ku ansixiyey garsoorihii ugu horreeyey ee Muslin ah ee xubin ka noqda maxkamadaha heer federaal ee dawladda Maraykanka. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa xilkan u magcaabay Nusrat Choudhury oo ka soo jeeda dalka Bangladeshi. Nuarat ayaa xilal sare uga soo qabatay isbahaysiga u dooda xorriyadda madaniga ah ee Maraykanka ee fadhigiisu yahay gobolka Illinois. Iyada oo wakhti dheer caan ku ahayd inay u dhaqdhaqaado sinnaanta dadka kala jinsiyadaha ah, caddaaladda iyo amniga bulshada. Golaha Senateka ayaa ku ansixiyey 50 cod oo ka mida 100 mudane ee golaha, halka ay diideen 49 mudane. Nusrat ayaa fadhiisan doonta Maxkamad Degmo oo Federaal ah oo ku taalla New York. Guddoomiyaha aqlabiyadda ee golaha Senateka Chuck Schumer ayaa Nusrat ku tilmaamay inay leedahay waayo aragnimo sare, karti iyo daacadnimo. Wuxuu sheegay inay khibrad u leedahay xuquuqda madaniga ah, taasina ay keeni doonto inay xirfadeeda ugu adeegto kursiga loo magcaabay ee heer Federaal. Source
-
Galcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo Jimcihii shalay ka dhacday deegaano dhaca xadka u dhexeeya gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe oo ka kala tirsan dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle. Duqeyntan oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Isu Tega Imaaraadka Carabta, waana markii ugu horreysay, taas oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Deegaanada la duqeeyaya waxaa ka mid ah Saban-sabley oo u dhaxeeya deegaanka Cali Axmed iyo degaanka Bud-bud, halkaas oo mararka qaar lagu arko Al-Shabaab. Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay inay arkayeen diyaarado aan weli lagu arag Soomaaliya, kuwaas oo dul heehaabaya aagga degmada Galcad iyo deegaano kale oo dhaca xadka u dhexeeya labada gobol ee Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe. Diyaaradahan ayaa saacado badan duqeynayay goobo lagu tuhmayo inay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana leh Imaaraadka Carabta. Tallaabada uu qaaday Imaaraadka Carabta ayaa noqoneyso tii ugu horreysay ee ku aadan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana horay duqeymahan oo kale looga bartay Mareykanka iyo sidoo kale Turkiga oo qayb ka ahaa wajiga koowaad ee howlgallada socda. Imaaraadka wuxuu markii hore Soomaaliya ka caawinayay dhinaca howlgallada milatariga, gaar ahaan tababarida ciidamada iyo qalab siintooda, balse hadda wuxuu billaabay duqeyn. Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo sidoo kale duqeyn tan lamid ah ay ka dhacday aagga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegay dowladdu. Duqeynta ayaa ka dhacday deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. “Abaarihii 6:15 Maqribnimo ayaa ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxaa ay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday koox Khawaarijta ka tirsan ka fuliyeen deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose,” ayaa lagu yiri qoraalka. Howl-galkan oo ahaa duqeyn ayaa lagu beegsaday goob uu shir uga socday horjoogeyaal kooxda Al-Shabaab ka tirsan, waxaana halkaas ku gaaray khasaare xoogleh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Dowladda ma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee kooxda lagu gaarsiiyay duqeyntan, hase ahaatee waxaa la filayaa in faah-faahin dheeraad ah kasoo saarto howl-galkaan. Bishii hore ayay aheyd markii uu Mareykanka duqeyn ka fuliyay degmada Jilib ee Jubbada Dhexe, kaasi oo iskaashi lagala sameeyey dowladda federaalka Soomaaliy The post Imaaraadka oo duqeyntii ugu horreysay ka fuliyay Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa si adag uga jawaabay hadal dhawaan kasoo yeeray madaxweynaha Puntland Saciid Deni, kaasi oo uga deyriyay xiisadda gobolka Gedo, oo uu sheegay in lagu qasbayo maamul aysan raali ka aheyn. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in walwal ay ku heyso xaaladda gobolka Gedo, gaar ahaan xasilooni darro uu sheegay inay kasoo korortay gobolkaasi, oo isku hayaan maamulka Jubbaland iyo siyaasiyiinta gobolka. Saciid Deni oo nasiib darro ku tilmaamay in dadka gobolka Gedo lagu caburiyo wax aysan rabin, ayaa waxa uu soo jeediyay in Jubbaland dib-u-heshiisiin dhameystiran loo sameeyo, islamarkaana xiisada ka taagan gobolkaasi aan xabad iyo caburin loo adeegsan.. Cusmaan Xaaji Nuur oo ah guddoomiye ku-xigeenka maamulka cusub ee gobolka Gedo uu dhawaan u magacaabay madaxweynaha Jubbaland ayaa hadalka kasoo yeeray Saciid Deni ku sheegay mid uu taageero kaga raadinaayo shacabka gobolka Gedo. “Deni markii siyaasadiisa ay isaga hor yimaadeen dowladda Fedaraalka iyo dowlad-goboleedka Jubbaland ayuu taageero kaga raadsanaya shacabka gobolka Gedo,” ayuu yiri Cusmaan Xaaji Nuur. Sidoo kale waxa uu sheegay in reer Gedo aysan jirin wax ka halaysan, islamarkaana madaxda xukunta uu ugu horeeyo madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxweyne ku-xigeenkiisa. “Wax dhib ah oo ka jira gobolka Gedo ma laha. Dadka Reer Geddo wax aysan rabin meeshan ma yaalaan, dowlad-goboleedka Jubbaland ayey hoostagaan.” Cusmaan ayaa waxa ka taagan Gedo ku eedeeyay shaqsiyaad horay xilal uga soo qabtay Jubbaland, kuwaasi oo uu sheegay inay fowdo wadaan, sida uu hadalka u dhigay. Siyaasiyiintaas ayuu sheegay guddoomiye ku-xigeenka maamulka cusub ee gobolka Gedo in xilalkoodii ay hayaan dad iyaga ku heyb ah oo ku matala maamulka Jubbaland. Arrimahan ayaa imanaya xilli xiisadda Gedo ay mar kale cirka isku sii shareertay, kadib markii uu Axmed Madoobe maamul cusub u magacaabay gobolkaasi, ayada oo xal laga gaarin khilaafkii hore. Toddobaadkan gudahiisa ayay aheyd markii magaalada magaalada Garbahaareey laga soo celiyay diyaarad uu la socday guddoomiyaha cusub ee dhawaan uu magacaabay Axmed Madoobe, kadib markii ay is-hortaag ay ku sameyeen xubno ka tirsan maamulka horay ugu magacawna gobolkaasi iyo dad deegaanka. Si kastaba, lama oga halka ay ku furan doonto arrinta haatan soo korortay oo durbo saameynteeda la dareemay, maadaama la hakiyay duulimaadyadii gobolka Gedo. The post Jubaland oo jawaab ka bixisay weerarkii SACIID DENI appeared first on Caasimada Online.
-
Kismayo (HOL) - International partners supported by the Somali National Army carried out an airstrike targeting a gathering of Al-Shabaab leaders in the Lower Jubba region on Friday . Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in xalay fiidkii duqeyn dhanka cirka lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Duqeynta ayaa ka dhacday deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. “Abaarihii 6:15 Maqribnimo ayaa ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxaa ay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday koox Khawaarijta ka tirsan ka fuliyeen deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose,” ayaa lagu yiri qoraalka. Howl-galkan oo ahaa duqeyn ayaa lagu beegsaday goob uu shir uga socday horjoogeyaal kooxda Al-Shabaab ka tirsan, waxaana halkaas ku gaaray khasaare xoogleh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Dowladda ma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee kooxda lagu gaarsiiyay duqeyntan, hase ahaatee waxaa la filayaa in faah-faahin dheeraad ah kasoo saarto howl-galkaan. Bishii hore ayay aheyd markii uu Mareykanka duqeyn ka fuliyay degmada Jilib ee Jubbada Dhexe, kaasi oo iskaashi lagala sameeyey dowladda federaalka Soomaaliya. Duqeyntaas ayaa dowladda sheegtay in lagu dhaawacay horjooge lagu magacaabo Cusmaan Maxamed Cabdi, oo kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa arrimaha dibadda. Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay ka go’an tahay in cadaaladda la marsiiyo danbiilayaasha kooxda Al-Shabaab ee doortay “in ay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.” The post Goob uu shir uga socday madaxda Al-Shabaab ‘oo duqeyn culus lala beegsaday’ appeared first on Caasimada Online.
-
The Sudanese Ministry of Foreign Affairs has rejected the appointment of Kenyan President, William Ruto, as head of a quartet formed by the Inter-governmental Organisation for Development in East Africa (IGAD) to mediate peace in Sudan. Source: Hiiraan Online
