Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliye Muumin Taliyaha Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire oo ka hadlay dagaalka maanta dhacay ka Garoowe ayaa sheegay in ciidamada dowladda lagu soo weeraray xarunta baarlamaanka oo uu sheegay in duulaan lagu soo qaaday, iyaguna ay difaaceen oo ay waajibkooda ahayd. Taliye Muumin ayaa tilmaamay in ay talaabo kasta oo xal nabad-raadin ah sameeyeen mudooyinkii la soo dhaafay, hase ahaatee ay ka socon waayeen dhinaca kasoo horjeeda oo uu ku eedeeey in ay amniga iyo horumarka Puntland ka soo horjeedaan, wuxuu intaas ku daray in ciidamadii taageersanaa mucaaradka ay ka saareen inta badan magaalada, sidoo kale ay qabteen hub iyo maxaabiis. Taliyaha Booliska Puntland oo aan ka hadlin khasaaraha uu sababay dagaalka ayaa sheegay in ay hadda xaaladu degan tahay, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay is-dajiyaan. Muuqaalka Taliye Muumin Dagaalka Garowe oo socday labadii gelin ee maanta ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 20 ruux oo isugu jira shacab iyo dhinacyadii dagaalamayay, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay in ka badan 30 qof, waxayna weli labadii ciidan isku horfadhiyaan dhanka koonfur magaalada. Qaar ka mid ah isimada Puntland ayaa cambaareeyay dagaalka Garowe, waxayna labada dhinac ugu baaqay in ay joojiyaan xabadda oo wadahadal lagu dhammeeeyo khilaafka, waxaana hadda socota waan-waan ay garwadeen ka yihiin isimada iyo waxgaradka kale ee reer Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo ka hadashay dagaalka Garowe appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxiyadiin Saabey) ayaa markii u horeysay ka hadlay arrimaha la xiriira eedeymaha musuq-maasuq ee loo haysto iyo amarka soo qabasho ee dowladda. Muxiyadiin Saabey oo la hadlay VOA ayaa ugu horreyntii iska fogeeyay inuu baxsad ka yahay dowladda federaalka, xilli xogo hoose oo aan helnay sheegayaan inuu ka baxay caasimadda oo uu gaaray deegaanka Guulane ee Shabeellaha Hoose oo uu kasoo jeedo. Muxiyadiin ayaa sidoo kale waxa uu beeniyay inuu ku lug leeyahay eedeymaha loo haysto ee musuq-maasuq, isaga oo sheegay in dhowr jeer baaris xafiiskiisa lagu sameeyay Waxa uu sheegay in loo soo jaray waaran qabasho, iyada oo aan looga wicin maxkamadda iyo hay’adaha kale ee garsoorka, xilli ay xiran yihiin saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. “Wax gaar ah oo shaqsi ah oo aniga la igu haysto ima soo gaarin. Aniga lacag ma qabto oo khasnaji ma ihi, lacagna ma qaado oo bank ma ihi. Waxaa ku shubna akoonada bank-ga dhexe ee dowladda ugu tala-gashay, kamana bixin karno,” ayuu yiri Muxiyadiin Saabey oo la hadlay VOA. Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay haddii ay jirto cadaalad la isku haleyn karo uu diyaar u yahay inuu ka gar baxo Xeer Ilaalinta oo sida la fahamsan yahay iyadu soo jeedisay eedeynta loo xirayo Muxiyadiin. “Cadaaladda hadii ay noqoto tii la yaqaanay oo la isku haleyn karay, laakiin cadaaladda iyada oo aan la iiga wicin maxkamadda oo aan diidin oo la ii iman waaran la ii soo jaro, taasi cadaaladda ma noqon kartaa,” ayuu yiri Muxiyadiin Saabey. Waxa uu intaas kusii daray “Xalkeygu waa iska cad yahay, aniga muwaadin ayaa ahay, dembi ma gelin ee ciddii dembi igu haysa si rasmi ah aan iskugu imaano maxkamadaha.” Si kastaba, Qorshaha lagu xirayo Saabey ayaa la sheegay inuu horudhac u yahay mas’uuliyiin sare oo dowladda ay dooneyso in la xiro. Sababta isaga loogu billaabayo ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay isku beel yihiin, uu ka cabsanayo in haddii uu xiro saraakiil kale oo sare oo beelo kale kasoo jeedo loo arko arrinta mid qabyaaladeed, sidaas darteedna uu go’aansaday in laga billaabo Saabey. Waa mas’uulkii ugu sareeyay ee ka baxsada xukuumadda federaalka, xilli uu sii xoogeysanayo olole baaritaan oo uu wado Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, kaasi oo ku saabsan musuq-maasuqa ka dhex jira hay’adaha dowladda oo ilaa hadda loo xiray saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. The post Wareysi: Dhageyso Saabey oo jawaab ka bixiyey amarka ay DF bixisay ee lagu soo xirayo appeared first on Caasimada Online.
  3. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelka dadkii ku geeriyooday iskudhacyadii nasiib darrada ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad gobolleedka Puntland. Ra’iisul wasaaraha ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in wax kasta oo la isku hayo lagu xalliyo jidka wadahadalka iyo is fahamka. “Waa dagaal nasiib darro ah, waa dagaal micno darro ah oo ay ku dhinanayaan dad Ehel ah labada dhinacba, sidaas darteed waxaan ku baaqayaa si deg deg ah in loo joojiyo” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamse. Ra’iisul wasaare Xamse ayaa ku baaqay in waxyaabaha lagu kala duwanyahay ee ku aadan nidaamka dowladeed ee Puntland in lagu xaliyo jidka wada hadalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Garowe (Caasimada Online) – In the semi-autonomous region of Somalia’s Puntland, a struggle for power fueled violent clashes outside parliament on Tuesday. According to local law enforcement and eye-witness reports, the fighting between local security forces and opposition-affiliated armed militia resulted in at least 26 deaths. Background and context To fully understand the conflict, it’s important to delve into the region’s political history. Puntland, an oil-rich northeastern region of Somalia, declared autonomy in 1998. The relationship between this semi-autonomous state and Somalia’s central government in Mogadishu has been strained for years. Direct elections were held in Puntland in May, marking the first in over half a century for Somalia, barring the breakaway region of Somaliland. However, these were marred by accusations from opposition politicians. They alleged that Puntland’s president, Said Abdullahi Deni, manipulated the election procedure and sought to amend the constitution to prolong his mandate, which is set to end in January next year. Constitutional conflict erupts in violence The conflict erupted during a parliamentary session debating changes to the regional constitution. Opposition forces claimed this move was a veiled attempt by President Deni to extend his term in office. Following the announcement of a one-man-one-vote election system with multiple political parties, the tension quickly escalated into a violent confrontation. “Gunmen loyal to the opposition attempted to disrupt the parliamentary session, resulting in a fierce clash with security forces,” Abdiweli Hassan, a police officer in Garowe, the state capital, told Reuters. He continued, “They were repelled. The city is now tranquil, although no one will be permitted to flout the law.” Witnesses speak out Eye-witness Mohamednur Ali reported the intensity of the fighting, recalling both sides using heavy machine guns and observing around six fatalities and numerous injuries. Nimo Adan, who found herself amid the crossfire, reported seeing several casualties. Similarly, Seinab Omar, a mother of three, witnessed at least two civilian deaths and seven individuals with gunshot injuries. Adding to the civilian narrative, local elder Farah Osman explained the tense situation: “Garowe is overrun with opposition forces. All routes are shut, and all businesses are closed. A very fierce battle is underway.” Fatalities and future course At least 26 individuals died in the turmoil, with 16 identified as soldiers. The wounded count stood at 30, per Dr. Abdirsak Ahmed from Garowe Public Hospital, the destination for several victims. On its Facebook page, the Puntland government announced that the regional parliament had voted to consider amendments to the constitution, with more debates and voting sessions planned. Looking towards the future, Somalia’s central government and four federal member states, excluding Puntland, announced in May a new one-person-one-vote system for local elections in June next year. This system would replace the complex clan-based indirect voting system, which has dominated the political landscape of the Horn of Africa nation, steeped in decades of chaos. Whether these initiatives lead to a more peaceful and democratic future or further tension and conflict, only time will tell. The post Puntland in crisis: Power struggle triggers deadly violence appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan magaalada Garowe oo maanta uu ka dhacay dagaal culus oo salka ku haya muranka doorashada dastuuriga ah ee maamulkaas. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn tacsi u diray qoysaska iyo ehelka dadkii ku geeriyooday iskudhacyadii maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, isaga oo sheegay in loo baahan yahay wax kasta oo la isku hayo lagu xalliyo jidka wadahadalka iyo is fahamka. “Waxaan ku baaqayaa in wax kasta laga wadahadlo, waxaan hubaa in jidkaas uu ka natiijo fiican yahay gacan ka hadalka, Soomaali xiiso uma qabto xabad la isku rido,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha XFS. Wuxuu carrabka ku sii adkeeyey in Puntland ay ku asteysan tahay nabadda Soomaaliya, balse dagaalka maanta uu bixinayo macne aan qurxooneyn. Xamse Cabdi Barre wuxuu dhinacyada is haya kula dardaarmay inay ilaaliyaan dhaqanka kala dambeynta ee Puntland ka soo jiray sanadaha badan. “Isimada, dhaqanka iyo ururrada bulshada ee deegaanada Puntland waxaan ugu baaqayaa in sidii lagu yaqiinaba ay ku baxaan dagaalka oo nabad ka dhaliyaan Puntland, miiska wadahadalkana ay isugu geeyaan dhinacyada is haya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Sidoo kale Xamse Cabdi Barre ayaa umadda reer Puntland Alle uga baryaa inay nabad ku ciidaan, isagoo Puntland ku amaanay soo yaalkeeda wanaagsan. “Jiritaanka Puntland waa nabadda Soomaaliya, Puntland wa astaanta dowladnimada dalkaan, wadajirka iyo xoojinta jiritaanka Puntland waa aas-aaska dhismaha Soomaaliya, waxaan codsanayaa in la soo afjaro wax kasta oo khilaaf ah,” ayuu yiri R/Wasaare Xamse Cabdi Barre. Hoos ka daawo The post Daawo: R/W Xamsa Barre oo war ka soo saaray dagaalka Garoowe, soona jeediyey… appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo ah la-taliyaha arrimaha dastuurka ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalka xooggan ee maanta ka qarxay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. La-taliye Baadiyow ayaa waxa uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda magaalada Garoowe ee u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo ciidan taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka. “Waa wax aad iyo aad looga xumaado in aan maqalno maanta caasimadii Puntland uu dagaal ka dhacayo oo dadkii ka barakacayo, waan ka xumahay in dagaal meeshaas ka dhaco oo Puntland waxay asal u aheyd dowladaha federaalka ah oo waxaa laga sugayay inay meel nabad ah tahay” ayuu yiri Dr. Baadiyow oo VOA la hadlay. Waxa uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Garoowe, islamarkaana dhinacyada isku haya halkaasi ay miiska wada-hadalka ku xaliyaan sababta ka dambeysa dagaalka iyo waxyaabaha ay isku hayaan. “Waxa dhaheyna dagaalka ha la joojiyo oo wada-hadal iyo is afgarad ayaa wax lagu xaliyaa, siyaasad xoog ku timaada oo qori wax lagu maquuniyo waa tii lagu soo baaba’ay oo dhibaato dalka kasoo gaartay dhamaan, marka waa in dagaalka la joojiyo.” La-taliyaha arrimaha dastuurka ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in doodaha la xariira dastuurka, oo dagaalka Garoowe uu salka ku hayo ay tahay wax laga wada-hadli karo. “Waa in mashaakilka xoog lagu xalin oo lagu xaliyo wada-hadal iyo isfaham. Waxgaradka reer Puntland oo talo soo jeedinta u sameeyay ee ku baaqay in aan dagaal la galin hadda kahor in warkooda la dhageysto.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uusan hadda wax weyn ka qaban karin waxa ka socda Puntland, ayna tahay inay xukuumadda iyo baarlamaanka maamulkaasi ay si deg deg ah wax uga qabtaan. “Dowladda federaalka ah waxa ay la qaban karto way la qabaneysa laakiin reer Puntland ayaa la rabaa inay arrintaas ka tashadaan oo xaliyaan,” ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo ah la-taliyaha arrimmaha dastuurka ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. The post Dhageyso: Muxuu la-taliyaha madaxweyne Xasan Sheekh ka yiri dagaalka Garoowe? appeared first on Caasimada Online.
  7. Mogadishu (HOL) - The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) on Tuesday handed over the Hajji Ali Forward Operation Base in the Middle Shabelle region to the Somali National Army forces as part of the drawdown of 2,000 African Union troops by the end of June 2023. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiiradda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay Ibraahim Sheekh Muxiyadiin u magacaabay Taliyaha ciidanka xoogga dalka. Waxa uu beddelay Odowaa Yuusuf Raage oo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay hoggaaminayay ciidanka xoogga dalka. Xilli hore ayaa la filayay in la beddeli doono Taliye Odowaa, kaas oo qeyb ka ahaa saraakiil ku eedeysna weerar lagu qaaday hoteel ay deganayeen madaxweynayaal hore xilligiii lagu jiray ololihii doorashada. Laakiin kacdoonkii lama filaanka ahaa ee ka curtay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya oo ay ciidanka xoogga ku biireen ayaa la aaminsan yahay inay dib u dhigtay go’aankii madaxweynaha ee isbeddelka. Dhawaan ayaa faafinay afar qodob oo sabab ka dhigaya in la beddelo Taliye Odowaa, balse warbixintaan waxaa ku eegayna caqabadaha iyo shaqooyinka horyaalla Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka, kuwaasi oo u baahan inuu deg deg wax uga qabto. 1. Middeynta saraakiisha sar-sare iyo kuwa dhexe ee ciidanka xoogga Doorashadii Soomaaliya ka dhacday iyo muddo kororsigii madaxweynihii hore waxay abuurtay kala qeybsanaan xooggan oo ku timid ciidanka xoogga dalka. Taliyaha la beddelay Odowaa Yuusuf Raage oo isagu dhinac la safnaa kuma guuleysan inuu dib u mideeyo saraakiisha qeybaha ciidanka, waxaana loo arkayay kala qeybsanaantaas mid kamid ah sababaha xoojiyay khasaaraha waayihii dambe soo gaaray ciidanka xoogga dalka. 2. Soomaaliyeen Ciidanka xoogga weli waa qabiileysan yihiin, baabuurta ayaa qaar u kala suntan oo magacyo qabiilo loogu yeera. Dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay waxay ciidanka xoogga ku lug yeesheen isku-dhacyo u muuqday kuwa qabiileysan. Dhowrkii taliye ee isaga dambeysay hoggaanka ciidanka xoogga dalka midna kuma guuleysan inuu abuuro ciidan wadaniyiin ah oo Soomaalinimada ay kala weyn tahay qabiilnimada oo u mideysan waxyaabaha danta guud. Inkasta oo ay arrintaan mararka qaar siyaasadda saameyn ku leedahay, haddana Taliyaha cusub Ibraahim Sheekh Muxiyadiin Caddoow waxaa laga rabaa inuu isagu la yimaado hal abuur gaar ah oo fikirka iyo shaqada ciidanka Soomaaliyeenaya, sidoo kalena ciqaab adag kaga jawaabaya askarta muujisa ficilada qabyaalada. 3. Dagaalka kooxda Al-Shabaab Ciidanka xoogga dalka waxay wax badan la dagaalamayeen kooxda Al-Shabaab, laakiin horumarka la sameeyay marka ay qabaa’ilku kaceen weligeed lagama sameyn la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab. Qabiiladu kama hub iyo xeelad badna ciidanka xoogga dalka, balse sababta waxaa loo arkaa inay mab’da dagaalka la xiriirto. Taliyaha cusub waxaa hortaalla inuu tamar cusub kusoo kordhiyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, uuna kiciyo damiirka iyo mab’da ciidanka si natiijo wax ku ool ah looga gaaro wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab. 4. Baarista dhacdooyinkii u dambeeyay Ugu yaraan shantii weerar ee ugu dambeysay oo ay Al-Shabaab kusoo qaaday ciidanka xoogga dalka waxaa ka dhashay khasaare xoog leh, gaadiid badan ayaa looga furtay dowladda. Taliyihii la beddelay Odowaa Yuusuf Raage lama wadaagin umadda Soomaaliyeed sida ay wax u dhaceen iyo sababta fashilka, sidaas awgeed taliyaha cusub waxaa laga rabaa warbixin sax ah oo ku saabsan dhacdooyinkaas iyo cidda sameysa dayaca oo ay tahay in lagula xisaabto. The post Afar arrin oo xasaasi ah oo horyaalla taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka appeared first on Caasimada Online.
  9. Magaaladda Garowe ee caasimadda dowladda goboleedka ayaa waxaa wali ka socda dagaalka u dhaxeeya ciidan ka wada tirsan maamulka, kuwaas oo kala taabacsan madaxtooyada iyo xoogagga mucaarada, isaga oo sababay khasaare kale oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Iskudhacaan labada dhinac ayaa yimid daqiiqado kadib markii golaha Wakiillada barqanimadii maanta ay ka dhawaajiyeen in laga doodayo furista dastuurka, kaas oo keenay khilaaf xoogga oo u dhaxeeya maamulka iyo xoogagga mucaaradka ah oo ka dhiyo diiday. Inta la xaqiijiyay dagaalka maanta dhacay waxaa ku geeriyootay afar ruux, sida laga xaqiijiyay xarumaha kale duwan ee caafimaadka, warar aan la xaqiijin ayaa dhaawaca ku sheegaya ilaa 10 ruux meelo kale duwan ku waxyeeloobay waxaa ku jira ciidan. Dagaalka xooggiisa ayaa ka dhacaya aagga xarunta Baarlamaanka, halkaas oo ciidanku ay isku horfadhiyaan, waxaana la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kale duwan, xaafadaha qaar ee magaalada waxaa ka socda barakac ay samaynayaan shacabka. Wararka qaarkood ayaa waxaa ay sheegayaan in madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Deni uu xalay ku hoyday xerada ciidanka ee lagu magacaabo 54-aad oo ku taalla magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, waxaana wali kacsan xaaladda. Isku dhacaan labada ciidan ayaa salka ku haya in muran ka dhashay doorashada madaxtinimada Puntland oo Siciid Deni uu sheegay in laga dhigayo doorasho qof iyo cod ah, isaga oo sheegay in la furayo dastuurka si muddada loogu kordhin loo helo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay xilka ka qaaday taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Odowaa Yuusuf Raage, ayada oo la magacaabay taliye cusub. Waxaa xilka Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, oo horey usoo noqday madaxii hab maamuuska madaxtooyada iyo ilaalada Madaxtooyada Koofiya Casta madaxtooyada muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh. Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri “Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.” Ma cadda sababta xilka looga qaaday Odowaa oo taliyaha ciidanka xoogga dalka soo ahaa tan iyo 2019. Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo bil ah qaadin wax howl-gal ah oo ka dhan ah kooxda. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay xilka ka qaadista Odowaa iyo magacaabista Taliyaha cusub? Sayid Cumar Sadiiq Caddow: “Micnaha macalinkii wajigii koowaad ee dagaalka hogaamiyay waa la cuney waxa ay ka macno tahay meeshaas ciyaarta halagu joojiyo oo yaan howl kale nala galin.” Cabdifitaax Xasan Cumar ayaa isna waxa uu yiri “Hanbalyo taliyaha cusub waa tallaabo dhanka guusha loo qaaday.” “Mar hore ayey ahayd ujeedadu maahan aragti siyaasadeed balse Odowaa, waa wiil yar oo aan qibrad lahayn waxaana ka muuqda fikir aan ka imaan maskaxdiisa inuu ku shaqeeyo, sidaa darteed bal aan kan cusub siduu yahay eegno ninkii malin Farmaajo kab ku tura waa in jago loo magacaaba,” ayuu yiri Carab oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan. Maxamed Amiin ayaa isna yiri “Baladkaan nabad-ba looma rabo wallee.” Bukhaari Muxiyadiin: “Innaalilaah Soomaaliya godkeeday haday biyo dhigatay. General Odowaa 30 jir mintid ah oo dawlad yaqaan ah saacaan wadanku argagixisada faraha kulul kuhayso miyaa xilkii laga xayuubiyey.” Mukhtaar Adan: “Soo dhawoow taliye kun iyo kow jeer hanbalyo.” “Cajiib wali cuqdadii nabad iyo nolol baa idin haysa,” ayuu yiri Idiris Axmed Cali. Indhacade oo isaguna kamid ah dadka ka fal-celiyay magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka iyo xil ka qaadista Jeneraal Odowaa ayaa yiri “Odowaa wallaahi geesi qaran ayuu ahaa waa ka xumahay wallaahi waxa ku dhacay.” Bashiir Xasan ayaa isna yiri “Kan (taliyaha cusub) mid lagu farxaayo uma eeka bal aan sugno.” Si kastaba, Xil ka qaadista Odowaa ayaa imaneysa maalin kadib markii sidoo kale xilka laga qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Cusmaan Jeyte, oo isna hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. The post FAL-CELIN xooggan oo ka dhalatay xil ka qaadista Gen. Odowaa Yuusuf Raage appeared first on Caasimada Online.
  11. Mogadishu (HOL) - Puntland's regional state parliament opened the constitution on Tuesday to amend certain provisions regarding political organizations becoming political parties. Source: Hiiraan Online
  12. Introduction: The recent removal of the Hiiraan Commissioner has sparked controversy and raised concerns about potential political motivations behind the decision. This article aims to explore the possibility that the removal was a political act intended to undermine the president’s policy in combating al-Shabaab and hamper the overall efforts towards achieving peace and stability in the country. 1. The Significance of the Hiiraan Commissioner’s Role: The Hiiraan Commissioner holds a crucial position in the administration, responsible for overseeing the implementation of government policies, including security measures and development initiatives in the region. Their role is particularly important in the context of countering the threats posed by extremist groups such as al-Shabaab. 2. The President’s Anti-Al-Shabaab Policy: The president has made countering al-Shabaab a top priority in his agenda, aiming to weaken the extremist group’s influence and presence in the country. This policy includes a combination of military operations, intelligence efforts, and community engagement to address the root causes of radicalization. 3. The Impact of the Hiiraan Commissioner’s Removal: Removing the Hiiraan Commissioner disrupts the chain of command and undermines the implementation of the president’s anti-al-Shabaab policy. It creates a void in the local leadership and coordination, which can have detrimental effects on security operations, intelligence gathering, and collaborative efforts with the community to counter the extremist group. 4. Political Motives at Play: There are indications that the removal of the Hiiraan Commissioner was politically motivated, aiming to sabotage the president’s policy. It is essential to examine the possible reasons behind this act, such as disagreements over political affiliations, personal rivalries, or attempts to weaken the president’s authority. 5. Implications for Peacemaking and Pacification: The removal of the Hiiraan Commissioner not only affects the fight against al-Shabaab but also has broader implications for national peacemaking and pacification efforts. The commissioner’s role includes promoting reconciliation, community dialogue, and peaceful coexistence among various groups. Removing a competent commissioner who is dedicated to fostering stability and unity in the region undermines these important goals. 6. The Need for Transparent and Accountable Decision-Making: To ensure the country’s progress towards peace and stability, it is crucial for decisions related to key appointments, such as the Hiiraan Commissioner, to be based on merit, transparency, and accountability. Political interference can hinder effective governance and hinder progress in areas of security and peacebuilding. Conclusion: The removal of the Hiiraan Commissioner raises questions about potential political motives aimed at derailing the president’s anti-al-Shabaab policy and broader efforts towards achieving peace and stability. The government and stakeholders need to address these concerns, promote transparency, and prioritize national interests over political considerations to effectively combat terrorism and advance the country’s peacemaking agenda. Dr. Mohamed Hassan Tifow Cultural Anthropologist and Development Sociologist. Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. The post Somalia: Political motives behind the removal of Hiiraan commissioner appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxiyadiin Saabey) ayaa gaaray deegaan hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Hoose. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Muxiyadiin Saabey oo hadda ku sugan tuullada Guulane oo hoostagta Aadan Yabaal, ayaa waxa uu baxsad ka yahay dowladda federaalka Soomaaliya, oo dooneysa in lasoo xiro. Muxiyadiin ayaa habeen hore xilli dambe ka baxsaday kadib markii uu ka war helay qorashe la sheegay in lagu xirayo, xilli ay xiran yihiin saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Wararka ayaa intaas kusii daraya in Muxiyadiin Saabey uu tuullada Guulane oo uu kasoo jeedo ku abaabulayo maleeshiyo, ayna halkaasi ku ilaalinayaan maleeshiyo ay isku heyb yihiin. Qorshaha lagu xirayo Saabey ayaa la sheegay inuu horudhac u yahay mas’uuliyiin sare oo dowladda ay dooneyso in la xiro. Sababta isaga loogu billaabayo ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay isku beel yihiin, uu ka cabsanayo in haddii uu xiro saraakiil kale oo sare oo beelo kale kasoo jeedo loo arko arrinta mid qabyaaladeed, sidaas darteedna uu go’aansaday in laga billaabo Saabey. Waa mas’uulkii ugu sareeyay ee ka baxsada xukuumadda federaalka, xilli uu sii xoogeysanayo olole baaritaan oo uu wado Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, kaasi oo ku saabsan musuq-maasuqa ka dhex jira hay’adaha dowladda oo ilaa hadda loo xiray mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Shalay ayay aheyd markii Maxkamadda gobolka Banaadir la horgeeyay saraakiil dowladeed oo loo haysto eedeymo la xiriira musuq-maasuq, kuwaasi oo ay u jartay xabsi ku-meel-gaar ah si loo dhameystiro baaritaankooda, islamarkaana loo bilaabo maxkamadayntooda. Saraakiishan oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda, gaar ahaan canshuuraha berriga, ayaa lagu soo eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne iyo sameynta dokumentiyo dowladeed oo been abuur ah, sida boonooyin lacag qabasho oo lagu qoray xog been abuur ah. Saraakiishan ayaa ka howl-galayay waaxo kala duwan, huwaasi oo kala ahaa; maamulaha xafiiska canshuuraha berriga ee degmada Warta-Nabadda iyo Kaaliyaha Sare ee khasnajiga xafiiska canshuuraha berriga ee degmada Warta-Nabadda, sida uu shaaciyay Xafiiska Xeer Ilaalinta. The post Xog: Muxiyadiin Saabey oo baxsaday kahor qorshe ay kusoo xiri rabto dowladda appeared first on Caasimada Online.
  14. Garowe (Caasimada Online) – Garowe, the capital of Somalia’s semi-autonomous Puntland region, was plunged into chaos on Tuesday as local lawmakers debated potential constitutional amendments regarding the voting system. According to multiple on-the-ground accounts, the discord led to severe outbreaks of violence, leaving the city gridlocked and businesses shuttered. A battle over constitutional amendments Puntland’s regional government announced on social media that the local parliament had given the green light to discuss alterations to the constitution. The affirmation implied that further deliberations and subsequent voting regarding these constitutional changes are expected to occur soon. However, the announcement was met with immediate unrest. Local elder Farah Osman detailed the turbulent situation: “Fighting erupted immediately after the Puntland parliament voted for a one-man-one-vote election with multiple political parties. The lawmakers are still in the building, and a fierce exchange of fire reverberates through the city.” Paralyzed city and rising fears Garowe, typically a bustling hub, has come to a standstill as the escalating conflict paralyzes the city’s functionality. “All roads are closed, all businesses are closed,” said Osman, painting a grim picture of the volatile situation. Caasimada Online tried to contact local and federal officials for comments, but they were unreachable at the time of writing. This surge of violence stems from accusations by opposition groups against Puntland’s leader, Said Abdullahi Deni. The opposition alleges that Deni is pushing for these constitutional amendments in a strategic bid to prolong his tenure beyond its current expiration in January of next year or to swing the electoral results in his favor. The city’s denizens find themselves in the middle of this political upheaval. “Anti-aircraft guns and machine guns are raining down around Garowe today. Government forces and other troops and clan militias loyal to opposition politicians are fighting over politics. I closed my shop and ran home,” stated Abdullahi Omar, a local shopkeeper. As this political tug-of-war ensues in Puntland, the international community watches anxiously. The future political landscape of this semi-autonomous region, and its impact on the broader Somali political sphere, hangs in the balance. The post Puntland in chaos: Electoral reforms ignite conflict appeared first on Caasimada Online.
  15. Ugu yaraan 9 ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 15 kalena waa ku dhaawacmeen iska hor imaad maanta Garoowe ku dhex maray ciidamada dowladda iyo ciidamo taabacsan mucaaradka. Labada dhinac ee dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah midna weli kama hadlin dagaalka oo socday mudda saacado ah islamarkaana ka dhacay aagag kala duwan. Iska hor-imaadka ayaa hadda u muuqda mid sii qaboobaya waxaana rasaas goos goos ah laga maqlayaa xaafadaha qaarkood. Dhinaca kale, xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa maanta u codeeyay wax ka beddelka dastuurka oo ay ku muransan yihiin dowladda iyo mucaaradka. Qoraal ka soo baxay Baarlamanka ayaa lagu sheegay in fadhigii maanta oo ay xaadir ahaayeen 35 xubnood ay 34 kamid ah u codeeyeen wax ka beddelka dastuurka hal mudane keliya ah ka aamusay. Xaaladda Garoowe ayaa weli kacsan waxaana laga baxay xaafadaha qaarkood gaar ahaanna aagaga uu dagaalka ka dhacay. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta Khasaaraha dagaalkii maanta ka dhacay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  16. Wararkii u danbeeyay ee Dagaalka Garoowe+Tirada Dhimashada & Dhaawaca Cusbitaalada la geeyay Isbitaalka Guud ee magaalada Garoowe iyo isbitaalka gaarka ah ee Qaran ayaa la geeyey meydka 4 qof iyo dhaawacyada ku dhawaad 10 qof, iyadoo la sheegay dhammaan dadkan inay ahaayeen dad rayid ah. Ma jirto warbixin rasmi ah oo wali laga soo saaray khasaaraha ka dhashay dagaalka saakay ka qarxay Garoowe, kaaso wali soconaya. Sidoo kale , ma jirto dadaallo muuqda oo lagu joojinayo dagaalka. Qaran News
  17. Golaha Wakiillada Puntland oo ansixiyay wax-ka-bedelka Dastuurka. Dood iyo falanqeyn dheer ka dib oo ay ka yeesheen mudanayaasha Golaha Wakiillada Puntland, waxaa Oggol ugu codeeyay 34 mudane, Diidmo 1 Mudane, cid ka aamustayna majirin, waxaana sidaas ansax ku noqday soo jeedinta wax-ka-bedelka Dastuurka. Qaran News
  18. Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa ansixiyey wax ka badelka Dastuurka Puntland, Kalfadhigii maanta ayey xubnuhu ku ogalaadeen in wax laga baddelo Dastuurka. Wax ka badelka Dastuurka Puntland ayaa dhaliyey xiisad siyaasadeed oo culus taas oo sababtay in maanta Garoowe uu ka dhaco iska hor imaad khasaare sababay kadib markii ay isku dhaceen Ciidanka Xukuumadda Deni iyo kuwa taabacsan Siyaasiyiinta Mucaraadka ee kasoo horjeeda furista Dastuurka. Xiisadda Gacan ka hadalka isku badeshay ee ka taagan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa soo jiitamaysay muddooyinkii lasoo dhaafay taas oo sababtay in inaysan Doorashadii Qof iyo Cod ee deegaanada Maamulka Puntland ka qabsoomin Sadex Degmo oo Gobolka Nugaal ah oo ay ku jirto Caasimadda Garoowe. Mucaraadka Puntland ayaa aaminsan in haddii la furo Dastuurka Madaxweyne Deni ku darsanayo muddo xileedka uu sii joogayo Kursiga looga arrimiyo Maamulka, balse Deni ma shaacin damaca Mucaaradku ku eedeynayaan ee Muddo korodhsiga xilka. Xiisadda ayaa maanta ayaa kasoo daraysay muddooyinkan kadib markii ay guuldareysteen dedaallo ay wadeen Isimadda Dhaqanka, Siyaasiyiin Federaalka ah iyo Guddiyo loo magacaabay xalinta Xiisadda. Source
  19. London (HOL) - The former Somali embassy in London, an iconic Grade II listed building that once served as a diplomatic post and even graced a Hitchcock movie, has now been transformed into a luxurious private mansion. It is currently on the market for a whopping £21.5 million. Source: Hiiraan Online
  20. The arms embargo in Somalia has been in place since 1992 during when the country descended into civil war and anarchy, it was sanctioned with the longest arms embargo in history. The embargo was intended to prevent the flow of weapons to armed groups and reduce the violence in the country. However, the rationale that gave impetus to the decades long embargo of conflict and instability must be reconsidered in the face of devastating international terrorism. it is time to reconsider the effectiveness of the embargo and its impact on Somalia’s security. Massive Institutional Development Somalia has made significant progress in recent years, including the election of a new government 2012, 2017 and most recent election in 2022, the establishment of Federal member states, and efforts to rebuild the country’s infrastructure. In addition, Somali Security institutions went through comprehensive reform as part of growing force development and generation with support of growing lost of international partners including USA, UK, Turkey, EU, UAE, the African Union and other bilaterals. However, the country still faces significant security challenges, including the ongoing threat posed by the terrorist group Al Shabaab. Growing Terrorism Threat Al Shabaab has been operating in Somalia for more than a decade and has carried out numerous attacks on civilians, humanitarian workers, and government officials. The group has been able to continue its operations due in part to the lack of sufficient resources and equipment available to the Somali National Armed Forces (SNAF). Without access to necessary military equipment, the Somali army may struggle to effectively respond to security threats and protect the country’s borders. As a result, the lifting of the arms embargo would enable the Somali government to acquire the necessary weapons and equipment to build a strong and capable national defense force. Planned ATMIS Withdrawal The withdrawal of forces from African Union Transition Mission (ATMIS) is a significant step towards the Somali government’s goal of taking full responsibility for the country’s security affairs. The decision to withdraw ATMIS forces is part of a broader plan to establish a self-reliant and capable national security apparatus that can effectively safeguard Somalia’s territory. The withdrawal process involves a gradual transfer of security responsibilities from ATMIS to the Somali National Army (SNAF) and the Somali police force. This transfer is designed to ensure that the SNAF and police forces are adequately trained, equipped, and prepared to take over full responsibility for security operations in the country. The Somali government recognizes the importance of building a strong national security apparatus to promote peace, stability, and development in the country. With the support of international partners, the government has been working to strengthen the capacity of the SNAF and police forces to effectively respond to security challenges and secure Somalia’s borders. After 16 years in Somalia, the withdrawal of ATMIS forces is a critical milestone in this process, as it marks a significant shift in Somalia’s security landscape. The African Union has demonstrated that African problems can be resolved by African people and the sacrifices made by the African forces in Somalia are testament to this ideal. Somalis recognize and appreciate these sacrifices. Capability Development and Lifting the Arms Embargo make sense The SNAF has been working to improve its capacity to fight against Al Shabaab, but the arms embargo continues to constrain its ability to acquire the necessary weapons and equipment. The embargo has also made it difficult for the SNAF to partner with other countries and international organizations in efforts to combat terrorism and stabilize the country due to reputational risks and negative perceptions. Somalia’s image in the traditional media doesn’t match the growing, impressive development that has made Mogadishu the second fastest urbanizing city in the world. Somalia is thriving and its democratic institutions improving. It is time to fully lift the arms embargo in Somalia and provide the SNAF with the resources it needs to defeat Al Shabaab and improve security in the country. This would allow the SNAF to acquire weapons and equipment that are essential for its operations, including armored vehicles, surveillance capability, and communications systems. It would also enable the SNAF to work with other countries and international organizations to enhance its training and capacity-building efforts. Lifting the arms embargo in Somalia would not only improve the country’s security but would also create a more stable and prosperous future for its citizens. It would allow the SNA to take a more active role in protecting the country and its people, which would build trust and confidence in the government and promote peace and stability. The international community should support Somalia in its efforts to improve its security and lift the arms embargo to achieve lasting peace and stability in the country. With a strong and capable national defense force, Somalia will be better equipped to defend against external threats and maintain stability within its borders. This, in turn, will help to promote economic development and improve the quality of life for the Somali people. Ismail D. Osman: Former Deputy Director of Somalia National Intelligence & Security Agency (NISA) – Writes in Somalia, Horn of Africa Security and Geopolitical focusing on governance and security. You can reach him osmando@gmail.com @osmando The post Time to Fully Lift the Arms Embargo in Somalia appeared first on Caasimada Online.
  21. Waxaa Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer lagu soo geba-gabeeyey shirkii nabada ee Beelaha walaalaha ah ee degaanka Hawdka Cali Saahid, kaasoo muddo ka socday magaalada Burco. Hoggaanka sare ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Madax-dhaqameedka ugu waaweyn Somaliland iyo Xukuumadda ayaa dedaal badan ku bixiyay soo afjarida shaqaaqadii degaanka Cali Saahid. Source
  22. Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha wakiilada maamulka Puntland ayaa ugu dambeyn go’aan culus ka gaaray wax ka beddalka Dastuurka maamulkaas oo ay si weyn isugu hayeen madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ee Puntland. Kulanka golaha oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame, waxaana sidoo kale soo xaadiray 35 Mudane oo ka tirsan golaha wakiilada dowlad goboleedka Puntland. Ajendaha kulanka yaa ahaa soo jeedinta wax beddalka Dastuurka Puntland oo ay golaha u soo gudbiyeen guddiga gaarka ah ee falanqeynta wax-ka-bedelka Dastuurka Puntland. Intaasi kadib xildhibaanada ayaa galay doodda ku aadan ajendaha, waxaana ogol ugu codeeyay 34 mudane, sidoo kale waxaa diiday 1 mudane, mana jirin cid ka aamustay, sidaasna waxaa ansax ku noqday soo jeedinta wax ka bedelka Dastuurka. Tani ayaa ka dhigan in xubnaha baarlamaanka ay si toos ah uga doodi doonaan qodobada Dastuurka ee wax laga bedeli doono sida sharcigu qabo, maadaama la meel mariyay. Tallaabada uu qaaday baarlamaanka Puntland ayaa uga sii dareysa xiisadda hada ka taagan Garoowe oo maanta dagaal isku rogtay, kadib markii ay isku dhaceen ciidanka ammaanka iyo kuwa mucaaradka oo diidanaa in la furo Dastuurka oo ugu dambeyn la meel mariyay. Dagaalka maanta ka dhacay Garoowe ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof, ayada oo uu ku dhaawacmay mid kale oo shacab ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ma jiro sidoo kale wax hadal ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay siyaasiyiinta mucaaradka oo ku aadan go’aanka ay gaareen xildhibaanada baarlamaan goboleedka Puntland. Si kastababa, Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo hubanti la’aan ah, maadaama gacan ka hadal uu ka dhashay furista Dastuurka maamulkaasi. The post Sawirro: Baarlamaanka Puntland oo go’aan ka gaaray wax ka beddalka Dastuurka appeared first on Caasimada Online.