-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
As the conflict in Sudan enters its third month, UNFPA, the United Nations sexual and reproductive health agency, appeals for $106.7 million to provide lifesaving reproductive health and protection services to women and girls in Sudan and neighbouring countries Since violence erupted in April, almost 70 percent of health facilities in areas affected by fighting in Sudan have been forced to close, leaving women with little access to contraception or maternal health care. This includes the estimated 1.12 million women across the country who are currently pregnant. Protection services have also broken down just as the crisis has put more women and girls – more than 4 million – at risk of gender-based violence. There are mounting reports of women and girls being raped and sexually abused in their homes and as they seek safety inside and outside Sudan. Many displaced women and girls are forced to sleep out in the open or in makeshift shelters with little to no protection, and no access to food or water, putting them at greater risk of violence. “The conflict in Sudan is a tragedy that is crushing the rights and dignity of millions of women and girls across the region,” said UNFPA Executive Director Dr. Natalia Kanem. “UNFPA calls on the international community to step up its support for reproductive health and gender-based violence protection services, which are central to the humanitarian response.” Amid growing needs, there are critical shortages of supplies for the clinical management of rape and obstetric emergencies as stocks remain inaccessible in warehouses in Khartoum, South and West Darfur. Health facilities in several states have warned that they are facing stock outs of these medicines. UNFPA’s appeal for Sudan of $90.5 million is currently only 6 percent funded, while humanitarian response plans in neighbouring countries are similarly under-resourced. These funding gaps are hampering UNFPA’s response to critical needs, and more resources are urgently required to expand reproductive and protection services, deploy more midwives and counsellors and procure lifesaving supplies and medical equipment. Women and girls who have fled into neighbouring countries are faring no better. Many of the countries hosting the wave of new arrivals – Central African Republic (CAR), Chad, Ethiopia and South Sudan – are grappling with their own crises. Border areas are remote and lack infrastructure, and existing services are stretched to the limits. In Chad, for instance, Sudanese women asylum seekers have been giving birth outside without shelter, assistance or supplies for themselves or their newborns. Despite the challenges, UNFPA is supporting existing health services and safe spaces in Sudan and neighbouring countries – Central African Republic, Chad, Egypt, Ethiopia, and South Sudan – with essential reproductive health and hygiene supplies; and additional staff, including midwives, counsellors and case workers. UNFPA’s Representative in Sudan, Mohamed Lemine said: “Every day our partners are braving great danger to turn up to help women and girls in need. Today we must commit to fully funding our response so these unsung heroes can continue to save lives and bring hope to people in Sudan.” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si lama filaan ah uga hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gobolka Hiiraan, taasi oo ka dhalatay xil ka qaadista guddoomiye Cali Jeyte Cismaan. Xidhibaan Ilyaas ayaa go’aanka Cali Jeyte uga horyimid xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha HiShabeelle Cali Guudlaawe ku tilmaamay “boor isku qaris” taasi oo ugu baaqay Jeyte inuu ka laabto. Cali Jeyte ayuu ku eedeeyay xildhibaanka inuu is-hortaag ku sameeyay sidii loo mideyn lahaa canshuurta gobolka Hiiraan iyo maamulka HirShabeelle inteeda kale. “Gudoomiye Cali Jayte boor iskuqariska iska jooji. Waxa la isku heeysto waa in la mideeyo Canshuurta Gobalka Hiiraan & dabcan guud ahaan Canshuurta Dowladda Hirshabelle,” ayuu Xildhibaan Ilyaas ku yiri qoraal uu ku baahiyay bartiisa rasmiga ah ee Facebook. Xildhibaan Ilyaas ayaa sidoo kale waxa uu usoo jeediyay Jeyte in uusan maanta god dheer oo mugdi ah ku ridin sharaftii iyo sumcadii uu ku kasbaday halgankii naf-hurnimada lahaa ee Soomaali oo dhan ay sharaf ugu heyso ee howl-gallada dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran; Baroorta Orgiga kawayn! Gudoomiye Cali Jayte boor isku qariska iska jooji. Waxa la isku heeysto waa in la mideeyo Canshuurta Gobalka Hiiraan & dabcan guud ahaan Canshuurta Dowladda Hirshabelle. Waxaan la soconaa in dadaalo badan lagu bixiyay sidii loo mideeyn lahaa Canshuurta Gobalka Hiiraan lakin nasiibdaro uu is hor-istaag ku sameeyay Gudoomiye Cali Jayte. Khilaafkuna uu halkaas salka ku hayo ee dhanka kale ee loo jiheeynayo oo dad waynaha lagu kicinayo uusan jirin!… Waa meeshaas halka boor isku qarisku uu ka jiro. Waxaan kula talinayaa Gudoomiye Cali Jayte in sharaftii & sumcadii uu ku kasbaday halgankii naf-hurnimada lahaa ee Soomaali oo dhan ay sharaf ugu heeyso in uusan maanta god dheer oo mugdi ah ku ridin…wali caymasho ayay leedahay ee ka gaar. Waa dhaqan aan kuu habooneeyn in Dowladii shalay ku siisay sharciyada Gudoomiye laguugu yeerayo in aad maanta ku soo duusho!. Canahuurta Gobalka Hiiraan iyo guud ahaan Canshuurta Dowladda Hirshabelle in la mideeyo oo ay ku dhacdo hal santuuq (Single Treasury Account) sida Maamul Gobaleeyada kale oo ay ugu dhowdahay Galmudug oo daris la ah Hirshabelle ayaa dan u ah Dowladnimada la barbaarinayo. The post Xildhibaan shaaciyey arrin xasaasi ah oo xilka looga qaaday Cali Jeyte appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed in uu noqdo, General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow. Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow, ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan oo ay kamid yihiin Taliyaha Ilaalada Ciidanka Xoogga dalka ee Madaxtooyada. Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hanti-Dhowrka Guud ee Dowladda, Xeerka Dhismaha Xarunta Tubsan, Xeer Nidaamiyaha Ruqsadda Korontada, Xeer Nidaamiyaha Tariifada Adeegga Korontada iyo Qaraar ku saabsan Qorista Shaqaalaha Dowladda Source: goobjoog.com
-
Wareegtooyin Madaxweyne-19-06-2023. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-1027062023 iyo JSL/XM/WM/222-1028/062023 uu xilka qaadis, magacaabid iyo Bedel ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Gobolada Dalka. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Xil Ka-qaadis. Ku: Axmed Yaasiin Maxamed faarax Guddoomiyihii Gobolka Hawd. Ku: Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyihii Gobolka Saaxil. Sida aad la socotaan, xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba cidii hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii Guddoomiyeyaasha Gobolada Saaxil iyo Hawd. Waxaanan idinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka. Ujeeddo: Magacaabid. Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In Ceeleeye Xuseen Aadan Xoosh laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland. In aan Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdillaahi Faarax laga bilaabo taariikhda maanta u beddelo in uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland. In Guuleed Cabdi Cabdillaahi Raage laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Source
-
In a nation plagued by the persistent threat of terrorism, one man emerged as a beacon of hope and resilience. Governor Ali Jeyte of Hiiraan, Somalia, led a courageous armed resistance against the notorious Al Shabaab terrorists. Despite meager resources, Source: Hiiraan Online
-
The United States Agency for International Development (USAID) (https://www.GlobalWaters.org/) has committed $3 million to the African Water Facility (AWF) (https://apo-opa.info/3JiWiOu). The funding will support the preparation of water and sanitation investment projects in Africa, through the provision of grants and technical assistance to African countries and regional economic communities. The African Water Facility, an initiative of the African Ministers Council on Water (AMCOW), is hosted by the African Development Bank. It is the only African project preparation facility solely focused on addressing water and sanitation issues in Africa. It helps African countries achieve the objectives and targets set by the water-related Sustainable Development Goals and African Water Vision 2025. It does this by the preparation of innovative water and sanitation projects across the continent. Access to water and sanitation in Sub-Saharan Africa remains poor. Approximately 400 million people lack basic water supply services, while over 700 million people have no access to decent sanitation. Nearly 200 million people still practice open defecation, and 750 million people have no access to hygiene. Achieving water security and sanitation for all requires large-scale investment in water supply and sanitation, improved governance of water resources and operations, and the design of climate-resilient infrastructure. Since inception, the Facility has provided €205 million in grant funding for water and sanitation projects in Africa and enabled over €1.7 billion in downstream investment in the water and sanitation sector. “This USAID financing affirms growing international support for the African Water Facility as a trusted partner and resource for Africa’s water sector. We thank the United States for the funding commitment that will contribute to scaling up the Facility’s work and positively impacting more people across the continent,” said Dr. Beth Dunford, African Development Bank’s Vice President for Agriculture, Human and Social Development. Under its 2022 – 2027 Strategy, USAID aims to reach 22 million people with access to safe drinking water and 22 million people with access to sanitation over five years. The African Water Facility is raising millions of euros to develop investments that will accelerate public and private sector financing of the water sector and deployment of innovation to improve service delivery. The support from USAID comes in the lead up to its 2023 funding dialogue in Paris this October, where the facility will engage donors, beneficiary governments, multilateral and international organizations to enhance financing for water and sanitation investment projects in Africa. “The negative impacts of inadequate access to water and sanitation and poor management of water resources are seen in many countries in Africa. The African Water Facility exists to accelerate viable, climate responsive investments by providing grants, technical assistance, and developing catalytic and innovative projects to improve water and sanitation service delivery and water governance in Africa,” Mtchera Chirwa, Coordinator for the African Water Facility, said. The Facility’s revised Strategic Plan 2017–2025 will endeavour to mobilise resources to increase the delivery of bankable investment projects in water and sanitation across the continent. This is expected to enable access to climate-resilient and safely managed water supply for 2.6 million people and provide basic sanitation facilities to 2.4 million people. SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta la horgeeyay saraakiil dowladeed oo loo haysto eedeymo la xiriira musuq-maasuq, sida uu shaaciyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Saraakiishan oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda, gaar ahaan canshuuraha berriga, ayaa lagu soo eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne iyo sameynta dokumentiyo dowladeed oo been abuur ah, sida boonooyin lacag qabasho oo lagu qoray xog been abuur ah. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa shaaciyay waaxaha ay ka howl-galayeen saraakiishan, kuwaasi oo kala ahaa; maamulaha xafiiska canshuuraha berriga ee degmada Warta-Nabadda iyo Kaaliyaha Sare ee khasnajiga xafiiska canshuuraha berriga ee degmada Warta-Nabadda. “Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo gudanaaya waajibaadkiisa shaqo ayaa maanta hor-geeyay maxkamadda gobolka Banaadir saraakiil ka tirsan wasaaradda Maaliyadda,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxay Xeer Ilaalinta. Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa eedaysanayaashan u gudbisay xabsi ku-meel-gaar ah si loo dhameystiro baaritaankooda, islamarkaana loo bilaabo maxkamadayntooda. Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kadib markii ay ku qanacday caddaymaha hordhaca ah uu soo bandhigay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayay u gudbisay, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xafiiska. Arrimahan ayaa qeyb ka ah howl-gallada socda ee lagula dagaalamayo xatooyada xoolaha dadweynaha iyo sameynta waraaqaha been abuurka ee ay wadaan hay’addaha amniga. Dwladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u xirtay saraakiil dowladeed, oo la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir, kuwaasi oo ciidamada booliska ay 20-kii April ee sanadkaan kasoo xireen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Saraakiishaas dowladeed ayaa waxaa loo haystay musuq-maasuq, been abuur, ku takri-fal awood dowladeed, waxayna hrodhac u yihiin shabakad ballaaran oo ku eedeysan xatooyada iyo lunsashada xoolaha dadweynaha, wuxuuna xarigooda qeyb ka yahay dagaalka ay dowladda kula jirto musuq-maasuqa. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale weli ku raadjooga shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowladda, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda. The post Saraakiil dowladeed oo loo haysto musuq oo la horgeeyay maxkamadda G/Banaadir appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Somalia's Cabinet has appointed General Ibrahim Sheekh Muhyadin Adow as the new Commander of the Somali National Army, replacing General Odawaa Yusuf Raagge, who has held the position since 2019. Source: Hiiraan Online
-
Gen. Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaraaha Soomaaliya. Qoraalka oo lasoo dhigay bogga facebook ayaa lagu yiri “Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.” Jeneraal Ibraahim ayaa beddelaya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo xilka soo hayey muddo afar sano ah, isaga oo la magacaabay 2019-kii. Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan, oo ay ka mid yihiin Taliyaha Guutada 60-aad Ilaalada Madaxtooyadda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Taliye cusub oo loo magacaabay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Odowaa Yuusuf Raage, ayada oo la magacaabay taliya cusub. Waxaa xilka Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, oo horey usoo noqday madaxii hab maamuuska madaxtooyada iyo ilaalada Madaxtooyada Koofiya Casta madaxtooyada muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh. Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri “Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.” “Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan, taasoo ay kamid yihiin Taliyaha Guutada 60aad Ilaalada Madaxtooyadda Qaranka.” Ma cadda sababta xilka looga qaaday Odowaa oo taliyaha ciidanka xoogga dalka soo ahaa tan iyo 2019. Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo bil ah qaadin wax howlgal ah oo ka dhan ah kooxda. Si kastaba, waxaa bilihii dhowaa dowladda ay sheegeysay inuu billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka, inkasta oo aanay weli hadalkaas ficil u beddelin. Xil ka qaadista Odowaa ayaa imaneysa maalin kadib markii sidoo kale xilka laga qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Cusmaan Jeyte, oo isna hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. The post DEG DEG: Jeneraal Odowaa oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay appeared first on Caasimada Online.
-
Imaaraadka Carabta iyo Qatar ayaa Isniinta maanta ah ku dhowaaqay dib u furista safaaradaha ay ku kala leeyihiin labada dal, lix sano kadib markii uu go’ay xiriirkooda. Labadan dal ee Khaliijka ayaa xiriirkooda dib usoo celiyey Janaayo 2021, kadib afar sano oo dalal dhowr ah oo Carbeed ay go’doomiyeen Qatar ayaga oo saaray xayiraad dhulka iyo cirka ah. Dib u furista safaaradaha ayaa imaneysa xilli ay yaraaneyso cadaawaddii Khaliijka kadib markii Sacuudi Carabiya iyo Iran ay bishii March ku dhowaaqeen inay soo afjareen toddoba sano oo xiriirkoodu go’anaa. Waxaa taas xigay in Qatar iyo dalka ay deriska yihiin ee Bahrayn ay April ku dhowaaqeen inay xiriirkooda dib u billaabayaan. PUNTLAND POST The post Imaaraadka Carabta iyo Qatar oo dib u soo celiyay xiriirkoodii appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Mahamoud Moallim Abdulle iyo Safiirka dalka qadar ee Soomaaliya Ambassador Abdolla Salem Al Nuaimi ayaa maanta xarunta dhexe Hay’adda SoDMA ka Daahfuray masharuuca Udxiyada ee Soomaaliya taas oo loo qeybin doono shacabka Soomaaliyeed ee danta yar oo ku nool gudaha Maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo safiirka Dalka Qatar ayaa xarunta Hay’adda ku yeeshay kulan gaar ah oo wax badan looga hadlay Si gaar ah diirada lagu saaray Mashruuca Udxiyada oo ay fulineeyso Xafiiska Hay’adda Qatar Charity ee Soomaaliya kaas oo laga qaybin doono qaybo ka mid ah Maamul gobaleedyada iyo Gobalka Banadir, kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda gargaarka Gobalka Banadir. Madaxa Xafiiska Qatar Charity ee Soomaaliya Mudane Cabdifatax Adam Macallim Aadaan ayaa kawarbiyey masharuucaan ayaa sheegay in ay Ka faa’iideysan doonaan 169-kun oo qoys ee dadka danta yar, agoonta iyo barakacayaasha kala duwan. Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa sheegay in Gargaarkaan sidii loogu talagalay loo gaarsiin doono dadka danyaryar, Agoonta iyo barakacayaasha ka soo barakay Abaaraha, Fatahaadaha iyo Colaadaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka maamulka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo guddoomiyaha magacaaban ee gobolka Hiiraan Cabdulaahi Axmed Maalin Sufurow ayaa kulan xasaasi ah la leh odayaasha dhaqanka gobolkaasi. Kulankaa oo albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee ka taagan xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne, taasi oo ka dhalatay xil ka qaadistii uu habeen hore madaxweyne Cali Guudlaawe ku sameeyay Cali Jeyte Cismaan. Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed ayaa sidoo kale waxaa la sheegaya in saxaafadda uu iskugu yeeray, oo iyagu hadda dibad joog ka ah kulankaan ka socda Beledweyne. Waxaa lagu wadaa in kulanka kadib uu shir jaraa’id qabto Dabageed, kaasi oo uu si rasmi ah ugu cadeyn doono mowqifkiisa ku aadan xilka qaadista Cali Jeyte Cismaan. Kulankaan ayaa imanaya xilli Cali Jeyte Cismaan uu si adag uga horyimid xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha HirShabeelle, islamarkaana uu ku dhawaaqay dhismaha maamul cusub oo ka madax-banaan kan HirShabeelle. Guddoomiye Cali Jeyte ayaa shaaciyay in hadda kadib uu gobolka Hiiraan yahay bandow, ayna dadkeedu ka tashanayaan dhameystirka maamul gooni ah oo la yiraahdo “Hiiraan State”. “Dhismaha Hiiraan State waxaa la isla gartay oo la ii wakiishay in laga soo qeyb-galo shir ay dadkaan wax ku dhisanayaan oo lagu dhameystirayo, intaas ayaa rabaa in si cad ugu sheego dadka,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte. Sidoo kale Cali Jeyte waxa uu gobolka ku soo rogay go’aan uu ku xirayo safarada gobolkaas ee cirka iyo dhulka, isaga oo ku goodiyey in dagaal uu kala hor tegi doono qof kasta oo HirShabeelle ka socota, hadii ay soo gasho Hiiraan. Si kastaba, maamulka HirShabeelle ayaa qorsheynaya inuu tallaabo ka qaado Cali Jeyte haddii uu u hoggaansami waayo xil ka qaadista lagu sameeyay habeen hore, sida uu shaaciyay wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta HirShabeelle. The post Dabageed iyo gudoomiyaha magacaaban oo kulan xasaasi ah la leh odayaasha Hiiraan appeared first on Caasimada Online.
-
Maxaad ka taqaanaa Jeneral Jimcaale oo Laascaanood ka dagaal galay,Hadeerna Ciidamadiisu isku-fidiyeen Qeybo ka mida Garoowe. Qeybo ka mid ah magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa la sheegayaa in laga maqlayo dhawaaqa hub culus. Weriyeyaal iyo dad magaalada deggan oo la hadlay BBC ayaa tibaaxay in dhawaaqa hub la maqlay uu yahay mid ay tijaabo ahaan u ridayaan ciidamo gadoodsan oo kasoo horjeeda in la furo dastuurka maamulka. Ciidamadan ayaa ku sugan aagga jidka soddonka ee magaalada. Sidoo kale, ciidamo kale oo kuwa dowladda ah ayaa lagu arkayaa qeybo wadooyinka muhiimka ah ee magaalada, xarumaha dowladda iyo tan baarlamaanka. Barlamaanka oo fadhigooda caadiga ah furmay toddobaadkii hore ayaa maanta shir ku leh xaruntooda. Haddaba maxay yihiin ciidamadan? Ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminaya Janaraal Jimcaale Jaamac Takar, waxayna la baxeen Danab. Guutadan uu xukumo Janaraalka ayaa ah guuto ka soo qeyb qaadatay dagaallada Puntland. Ciidankan ayaa isugu jira guutadii uu hoggaaminayay Janaraal Jimcaale Jaamac Takar iyo ciidamo kale oo deegaanka ah. Waxay ka soo dagaallameen buuraha Galgala. Sidoo kale waxay ka soo dagaallameen dhinaca Suud, Garamaal iyo Garacad markii ay al-Shabaab soo weerari jirtay Puntland. Tirada ciidamadan ayaa waxaa lagu qiyaasaa lix ilaa iyo toddobo boqol. Marka laga soo tago qoryo gacmeeyada ciidankan ayaa wata toddobaatan iyo siddeetan tigniko. Waa kuma Janaraal Jimcaale Jaamac Takar? Burburkii dowladdii Soomaaliya ka hor waxa uu ka mid ahaa guutadii 21-aad ee Dhuusamareeb ku sugnaa. Waa uu ka mid yahay saraakiishii ciidamadii dowladda Soomaaliya ee burburkii kaddib aadka uga dhex muuqday jabhadihii iyo ciidamadii kala duwanaa ee Puntland. Waxa uu la soo shaqeeyay dowladihii kala duwaanaa ee Puntland. Waxaa xilkan u magacaabay madaxweynihii hore ee Puntland Cabraxmaan Faroole waxaana markaasi loo dhiibay ciidamo lagu soo tababaray Uganda iyo Itoobiya. Dadka qaar sida ay sheegeen waxa uu ka gadoodsan yahay arrimo la xiriira xaquuqo kala duwan oo uu la sheegay inuu dowladda ka rabay balse ka waayay haddana waxaa dhacday in arrimo la xiriira siyaasadda loo adeegsaday oo ciidanka qaarkii ay ka amar qaataan qaar ka mid ah siyaasiyiinta inkasoo aysan si rasmi ah u caddeysan. Janaraalka iyo ciidamadiisa ayaa waxa ay ka mid ahaayeen ciidamadii ka dagaal galay Laascaanood oo weliba uu dagaallo qaraar ku galay oo kagna kaga dhinteen. Sidoo kale qaar ka mid ah ciidamadii uu xukumay ayaa waxaa maxaa maxabiis ahaan u qabtay Somaliland. Kaddib waxa uu u soo ruqaansaday Garowe oo hadda ku sugan yahay isaga iyo ciidamadiisa ku gadoodsan dowladda Maamul Goboleedka Puntland. Qaran News
-
Jowhar (Caasimada Online) – Maamulka HirShabeelle ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta keentay in Cali Jeyte Cismaan laga qaado guddoomiyaha gobolka Hiiraan, xilli uu hormuud u ahaa dagaalkii Al-Shabaab. Wasiir ku-xigeenka warfaafinta HirShabeelle Cabdishakuur Cabdullaahi Axmed (Shaashaa) oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in Cali Jeyte iyo siyaasiin kale ay ka horyimaadeen mideynta canshuurta gobolka Hiiraan iyo HirShabeelle inteeda kale, iyo weliba inuu qaban waayay wixii loo igmaday. “Ma leh xili gooni ah oo qof xil laga qaado ama xil loo magacaabo laakiin waxay ku jaan-go’an tahay haddba sida uu u arko qofka madaxda ah ee xilka bixinaya. Markii hore madaxweyne Cali isaga ayaa u magacowday inuu guddoomiyaha gobolka Hiiraan noqdo haddana isaga ayaa ka qaaday oo xilkii kala laabtay,” ayuu yiri Wasiir Shaashaa oo la hadlay BBC-da. Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirka in Cali Jeyte ay hadda u arkaan ka maamul ahaan inuu yahay “nin siyaasi mucaarad ah oo wixii uu rabay waayay.” Maamulka ayaa ugu baaqay Cali Jeyte iyo inta lamidka ah inay u hoggaansamaan dowladdnimada, haddii kala ay ka qaadi doonaan tallaabo sharci ah, sida uu sheegay wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta. “Gobolka Hiiraan dowladdii oo dhan wey joogta oo guddoomiyaha la magacaabay waxa uu ku shaqeyn doonaan xafiiskii Cali Jeyte uu ku shaqeynayay. Cali Jeyte waa xubin kamid ah dadka shacabka ah ee siyaasiyiinta ee reer HirShabeelle ee Beledweyne ku sugan.” Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta HirShabeelle Cabdishakuur Cabdullaahi Axmed (Shaashaa) ayaa sidoo kale waxa uu shaaciyay in maamulka uu tallaabo ka qaadi doonaan haddii Cali Jeyte u hoggaansami waayo xil ka qaadista lagu sameeyay habeen hore. “Qof walba oo ka shaqeynaya in HirShabeelle horumarkeeda iyo dowladnimadeeda inay sii socoto diidan waxaa awood u leenahay in aan iska qabano oo umadda ka qabano, laakiin inta taasi dhicin ayaa rajeynayna inuu garto (Cali Jeyte) in shalay xilka loo dhiibtay maantana laga qaaday. Hadalkaan ayaa imanaya xilli Cali Jeyte Cismaan uu shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne uga horyimid xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha HirShabeelle, islamarkaana uu ku dhawaaqay dhismaha maamul cusub oo ka madax-banaan kan HirShabeelle. Guddoomiye Cali Jeyte ayaa shaaciyay in hadda kadib uu gobolka Hiiraan yahay bandow, ayna dadkeedu ka tashanayaan dhameystirka maamul gooni ah oo la yiraahdo “Hiiraan State”. “Dhismaha Hiiraan State waxaa la isla gartay oo la ii wakiishay in laga soo qeyb-galo shir ay dadkaan wax ku dhisanayaan oo lagu dhameystirayo, intaas ayaa rabaa in si cad ugu sheego dadka,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte. Sidoo kale Cali Jeyte waxa uu gobolka ku soo rogay go’aan uu ku xirayo safarada gobolkaas ee cirka iyo dhulka, isaga oo ku goodiyey in dagaal uu kala hor tegi doono qof kasta oo HirShabeelle ka socota, hadii ay soo gasho Hiiraan. The post Maamulka HirShabeelle oo faah-faahiyay xil ka qaadista Jeyte iyo tallaabo uu qaadayo appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (HOL) - Garowe has been gripped by a heavy presence of rival militia forces since Sunday night. Residents report that these militias, previously stationed on the town's outskirts, entered the town on Monday morning, promptly blocking main roads and disrupting daily life. Source: Hiiraan Online
-
Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Uganda, Yoweri Museveni oo kulan gaar ah la qaatay taliyeyyaasha ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ayaa si adag uga hadlay arrimo ku aadan howgalkan oo ay qayb ka yihiin ciidamadiisa. Yoweri Museveni ayaa si weyn u dhaleeceeyay dowladaha Soomaaliya ka taageera dhanka duqeymaha oo uu ugu horreeyo Mareykanka, wuxuuna ku eedeeyay in aysan taageero ka helin xilliyada ay ciidamadooda la dagaalamayaan xoogaga hubeysan ee kooxda Shabaab. Wuxuu si gaar ah ugu eedeeyay ciidamada Mareykanka ee gudaha Soomaaliya kaga howlgala diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ah in aysan wax jawaab ah ka bixin weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer. Madaxweynaha Uganda ayaa shaaca ka qaaday inay ku qasban yihiin inay soo iibsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka, si ay u adeegsadaan ciidamadiisa ku sugan gudaha Soomaaliya oo weeraro culus kala kulama Al-Shabaab. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weerarkii Buulo-Mareer Uganda looga dilay ugu yaraan 54 askari, halka Al-Shabaab ay shaaciyeen inay ka dileen illaa 137 askari oo ku sugnaa xeradaas oo gebi ahaan cagta la mariyay, isla-markaana laga qaatay hub badan. Uganda ayaa kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika, waxaana dalka ugu badan ee ciidamo usoo diray Soomaaliya. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo inta badan deegaano badan looga xoreeyay kooxda. Dagaalka oo haatan galaya wajigiisa labaad ayaa sidoo kale la filayaa inay kusoo biiraan ciidamo horleh oo ka socda waddamada dariska, sida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya. The post Uganda oo Drones u iibineyso ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shirka Isku Dubbaridka Xasilinta Qaran kaas oo dhaxeeya Wasaaradda arrimaha Gudaha Federalka iyo dowlad goboleedyada dalka, iyadoo goordhow Kismaayo uu gaaray wasiir Axmed Macalin Fiqi iyo Wafdi uu hoggaaminaayo. Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay wasaatadda arrimaha gudaha federalka iyo dib u heshiisiinta ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo daadajin lahaa dib u eshiisiinta qaran, taas oo ay wasaaraddu ku dhawaaaqday, shirka ayaa lagu wadaa inuu furo wasiirka arrimaha gudaha Federalka. Shirkaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasaaradaha Dowlad gobolleedyada Dalka, Wasaaradaha iyo Hay’adaha heer Federaal oo ay shaqadoodu la xiriirto arrimaha Xasilinta iyo saaxibada caalamiga ee Soomaaliya ka taageera arrimaha Xasilinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Wasaaradda arrimaha guddaha,Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa gaaray magaaladda Kismaanyo oo ah xarunta ku meelgaarka ah ee dowlad gobolleedka Jubbaland. Wasiirka ayaa waxa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Jubaland. Wasiir Fiqi ayaa Magaalada Kismaayo u yimid Shirka Isku Dubbaridka Xasilinta Qaran kaas oo ay soo agaasintay Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Shirkaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasaaradaha Dowlad gobolleedyada Dalka, Wasaaradaha iyo Hay’adaha heer Federaal oo ay shaqadoodu la xiriirto arrimaha Xasilinta iyo saaxibada caalamiga ee Soomaaliya ka taageera arrimaha Xasilinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
