Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garowe (HOL) - Heavy fighting erupted between Puntland administrative forces and fighters loyal to opposition figures in the regional capital, Garowe, on Monday. Source: Hiiraan Online
  2. Garowe (HOL) - Heavy fighting erupted between Puntland administrative forces and fighters loyal to opposition figures in the regional capital, Garowe, on Monday. Source: Hiiraan Online
  3. Garowe (HOL) - Puntland's regional parliament agreed to debate an amendment to a state constitution provision regarding the number of political organizations participating in regional elections on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  4. Wararka naga soo gaarayo magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegayo in dagaal xooggan oo u dhaexeeya ciidamo iska soo horjeedo uu ka qarxay halkaasi, waxaana kasoo baxay warar kale duwan. Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kuwa taabacsan mucaaradka, waxaana dagaalka uu dhacay kadib markii golaha Wakiillada ay ku dhawaaqeen in laga doodo dastuurka, waxaana xigay dagaal u dhaxeeya labada dhinac. Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa magaalada Garoowe ka taagnaa khilaaf u dhaxeeyay maamulka Puntland iyo xoogagga mucaaradka ah, taas oo ka dhalatay, kadib markii xukuumaddu ku dhawaaqday in la furayo dastuurka Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo mucaaradka ayaa hadda ka socda magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Dagaalka ayaa bilowday kadib markii xildhibaannada Baarlamanka Puntland ay guda galeen ka doodista qodob la xiriira furista Dastuurka. Dhawaqa rasaas culus oo ay is weydaarsanayaan labada dhinac ayaa laga maqlaya xaafadaha kala duwan ee Garoowe. Weli faahfaahin sugan lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka oo weli socda. PUNTLAND POST The post Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo mucaaradka oo hadda ka socda Garoowe appeared first on Puntland Post.
  6. Garoowe (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal goordhow ka qarxay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo u dhexeeyo ciidamada ammaanka Puntland iyo sidoo kale kuwa mucaaradka ee ku sugan magaaladaas. Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu hadda ka socdo xaafado ay ka midyihiin xaafadda Kowda Agoust, baarlamaanka, illaa jidka Soddonka ee magaalada Garoowe. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in rasaas xoogan ay is qabsatay, isla-markaana ay mar qura xaaladdu faraha ka baxday. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dagaalkan, halka uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Sidoo kale dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay dadka shacabka oo isaga barakacay xaafadaha qaar ee magaalada Garoowe oo indhowanahaan uu dhaq-dhaqaaq ka jiray. Mucaaradka ayaa diidan in la furo dastuurka Puntland oo ay haatan doodiisa u fadhiyaan xildhibaanada golaha wakiilada ee maamulkaasi Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya madaxda sare ee Puntland oo ku aadan xiisadda sii laba kacleyneysa iyo dagaalka ka socda halkaasi. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa u muuqata inay faraha kasii baxayso, maadaama labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan Garoowe. Si kastaba, Puntland weli waxa aan xal laga gaarin qabashada doorashada golaha deegaanka Garoowe, Godobjiiraan iyo Dangorayo oo mucaaridka ay diiddan yihiin. The post Dagaal culus oo ka qarxay magaaladan Garoowe iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee dowladda, gaar ahana kuwa xasilinta caasimada ee boolis milataaro ay dhaq-dhaqaaq ka bilaabeen deegaanka Ceelasha Biyaha. Ciidamadan oo wax badan ka beddalay amniga Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa inay la wareegeen haatan guud ahaan amniga deegaankan oo ku yaalla waddada aada Afgooye. Ilo wareedyo amni ayaa innoo sheegay in ciidamadan ay ka tirsan yihiin guutada 22-aad ee Gungaar, waxaana hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Liibaan Golcad oo ah taliyaha howlgelinta. Sidoo kale ciidamadan ayaa isla markii howlgallo culus ka bilaabay xaafadaha deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeellada Hoose, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa guud. Ujeedka ayaa ah inay sugaan amniga, isla-markaana ay ka hortagaan qatar kasta oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho, gaar ahaan in qaraxyo laga soo geliyo dhanka Sh/Hoose. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan wada qorshe ballaaran oo lagu sugayo amniga caasimada oo mararka qaar ay weeraro culus ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab. Ciidamadan cusub oo tababar kusoo qaatay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa haatan inta badan la wareegay amniga caasimada, waxaana ay si weyn ula dagaalameen kooxaha burcadda iyo ciyaal weerada oo dhibaato weyn ku haayay dadka shacabka ah. Xaaladda Muqdisho ayaa haatan ah mid deggan, marka loo eego sida ay aheyd bilooyin kahor, haddana saas oo ay tahay, waxaa isku dayo weerar ka sameysa Al-Shabaab. Weerarkii ugu dambeeyay oo toos ahaa, kuna billowday qaraxyo ayay kooxdu dhowaan ku qaaday hoteel ku yaallo agagaarka xeebta Liido oo ay dadweynuhu u dalxiis tegaan. The post Sawirro: Ciidanka xasilinta oo la wareegay amniga deegaanka Ceelasha Biyaha appeared first on Caasimada Online.
  8. Sagaal qof oo u dhashay dalka Masar ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla dalka Giriiga, iyada oo lagu soo oogay dacwado ku saabsan, ka ganacsiga bini’aadanka ama arrimaha la xidhiidha tahriibka. Eedaysanayaashan ayaa loo haystaa inay ku lug lahaayeen, tahriibinta dadkii ku dhintay markabkii ku degey xeebaha Giriiga, ee ay dadka badani ku dhinteen. Markabka degey ayay ku dhinteen 79 qof oo muhaahiriin ah, halka tiro kale oo aad u badanna aan weli laga warqabin meel ay jaan iyo cidhib dhigeen. Dhimashada tahriibayaashan oo noqotay, tii ugu xumayd ee ka dhacda xeebaha dalka Giriiga, sannadahan u dambeeyey, ayaa dood adag ka dhex dhalisay gudaha dalkaas, iyada oo dhaleecayn xooggan loo jeediyey ciidamada ilaalada xeebaha, waxaana lagu dhaliilayaa inay jireen tallaabooyin ay qaadi kari lahaayeen, si looga baaqsado in doontaasi ay degto. Sagaalkan nin ee u dhashay dalka Masar ayaa waajahaya dacwado isugu jira tahriibinta dadka iyo weliba dembiyo la xidhiidha dhimashada muhaajiriinta. Raggan markii maxkamadda la horkeenay, waxaa dacwad ooguhu u qabtay garyaqaanada u doodaya inay muddo 24 saacadood ah, jawaabo kaga soo bixiyaan eedo cusub oo soo baxay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Xeer Ilaalinta Somaliland ayaa maanta horkeentay Maxkamadda Maroodi-jeex eedda rasmiga ah ee loo haysto wariye Bushaaro Baanday. Saddex eedood ayaa xeer ilaalintu keentay kuwaas oo la xidhiidha shaqadeeda Suxufinimo. Sidoo kale afar wariye oo kale oo aan Somaliland joogin ayaa kula jira eedda. Cabdirisaaq Yuusuf Cali (Teera) Maxamed Yusuf Bakayle Cabdisalaan Germani Axmed Saki Ibraahim. Source
  10. A mum from Leicester hosted an Somali culture workshop in the heart of the city in a bid to break down racial barriers and stereotypes, while giving people from other backgrounds a opportunity to experience her culture. Founder of ZamZam Unlimited Possibilities CIC, 36-year-old ZamZam Yusuf was the mastermind behind last week's event. Source: Hiiraan Online
  11. Xulafada ninka ugu caansan mucaaradka Ruushka Alexei Navalny ayaa dhaleeceeyay go’aanka lagu joojinayo baahinta dacwadda kiiskii ugu dambeeyay ee maxkamaeed ee isaga ka dhanka ah. Mr Navalny, oo hore xabsiga ugu jiray muddo dheer, ayaa wajaahaya eedeymo cusub oo xag jir ah, iyadoo dacwadiisa lagu dhageysanayo gudaha xabsiga oo uu ku xidhan yahay. Saxafiyiinta waa loo diiday inay si toos ah u booqdaan, laakiin waxay awoodeen inay la socdaan bilawga dacwadda iyadoo intakale ee dacwada la bakhtiiyay video-ga. Dhawaaqa ayaa la sheegay inuu aad u liito oo aan si weyn loo maqli karin. Source
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay weli ka taagan tahay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, taas oo ka dhalatay furista dastuurka Puntland oo ay isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda. Wararka ayaa sheegaya in xiisaddu ay sii xoogeystay ka dib markii ciidamada taabacsan mucaaradka ay xalay fiidkii hore fariisimo ka samaysteen bartamaha magaalada iyo weliba inta badan wadooyinka aada xarunta golaha baarlamaanka ee maamulka Puntland. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in ciidamadu ay isku hareereeyeen xarunta baarlamaanka, taas oo uga sii dareyso xaaladda adag ee ka taagan Garoowe. Sidoo kale ciidamada careysan ayaa joojiyey isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee goobaha ay fariisimada ka samaysteen. Qaar kamid ah shacabka deegaanka oo walaac ka muujinaya xiisaddan ayaa isaga barakacay aagga xarunta Baarlamaanka, maadaama ay xoogeysatay cabsida laga qabo in dagaal uu dhaco. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya madaxda sare ee Puntland oo ku aadan xiisadda sii laba kacleyneysa ee ka jirta maamulkaasi. Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo la shaaciyay ajendaha rasmiga ah ee kalfadhiga 52-aad ee Baarlamanka Puntland, kaasi oo ay kasoo muuqdeen qodobo xasaasi ah. Ajendaha la shaaciyay ee kalfadhiga Golaha Wakiillada Puntland ayaa waxaa ugu muhiimsan qodob la xiriira go’aan ka gaarista doorashada madax-tinimada Puntland ee 2023/2024. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa u muuqata inay faraha kasii baxayso, maadaama labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan Garoowe. Si kastaba, Puntland weli waxa aan xal laga gaarin qabashada doorashada golaha deegaanka Garoowe, Godobjiiraan iyo Dangorayo oo mucaaridka ay diiddan yihiin. The post Ciidamo careysan oo hareereeyay xarunta baarlamaanka Puntland appeared first on Caasimada Online.
  13. Xiisad ayaa ka taagan magaalada Garoowe ee xarunta dawlad goboleedka Puntland, ka dib markii ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta mucaaradka oo ka soo horjeeda xukuumadda madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ay xalay fiidkii fadhiisimo ka samaysteen badhtamaha magaalada iyo weliba inta badan wadooyinka taga xarunta golaha baarlamaanka ee Puntland. Ciidamadan hubaysan ayaa joojiyey isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee goobaha ay fadhiisimada ka samaysteen. Arrintan ayaa kor u qaaday walaaca amni ee laga qabo, isku dhac dhex mara ciidamadan ka amar qaadanaya siyaasiyiinta mucaaradka, iyo weliba ciidamada dawladda ee weli ku sugan aagga xarunta baarlamaanka. Ciidamadan hubaysan ayaa ka soo horjeeda in baarlamaanku uu furo dastuurka Puntland, taas oo la filayo in golaha baarlamaanku uu guda galo dooddiisa maalmaha soo socda, haddii la isku raacona, wax ka bedel lagu sameeyo qodobka khusaynaya kordhinta tirada xisbiyada ay yeelanayso Puntland. Illaa hadda xukuumaddu kama hadal, dhacdadan amni ee ku soo korodhay magaalada Garoowe, taas oo si weyn loo hadal hayey 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey. Source
  14. Senetaro ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto Puntland ayaa waan-waan ka wada xiisadda ka aloosan magaalada Garoowe. Senetarada aqalka sare ee ku sugan Garoowe ayaa wada dadaal lagu xallinayo khilaafka u dhexeeya dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, si loo dejiyo xiisadda. Labada dhinac ee dowladda iyo mucaaradka ayaa ku murasan arrimo ay kamid yihiin furista dastuurka, taas oo sababtay xiisadda ka taagan magaalada Garoowe. Ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah oo diiddan furista dastuurka Puntland ayaa dhaq dhaqaaqyo kala duwan ka samaynaya xaafado ka tirsan Garoowe. Ciidamada gadoodsan ayaa xalay xirtay isgoyska Global ee laamiga bartamaha oo u dhow xarunta Baarlamanka Puntland, halkaas oo ay weli ku sugan yihiin. Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale jooga xarunta golaha wakiilada iyo nawaaxigeeda waxaana wararku sheegayaan in labada ciidan ay isu muuqdaan. Qaar kamid ah dadka rayidka ah ayaa ka baxay xaafadaha u dhow xarunta Baarlamanka, kadib markii ay soo foodsaartay cabsi amni. Xiisadda ayaa imaanaysa, iyadoo la filayo in dhawaan xildhibaannada Baarlamanka ay cod u qaadaan soojeedin la xiriirta furista dastuurka oo ay soo gudbisay xukuumadda. PUNTLAND POST The post Senetaro ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya oo waan-waan kaga jira xiisadda Garoowe appeared first on Puntland Post.
  15. Magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay siweyn looga dareemayay dhaqdaqaaqa ciidamo iska soo horjeeda oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaas oo lagu arkayo qaar kamid ah wadooyinka magaalada iyo bannaankeeda. Wararku waxay sheegayaan in ciidamadaan gudaha usoo galay magaalada ay diiddan yihiin in baarlamaanka maamulkaas uu furo dastuurka, taas oo laga cabsi qabo inay horseedi karto muddo-xileedka dowladda loo kordhiyo,taasna waxaa ay dhalisay khilaaf xooggan. Xaafadaha qaar waxaa lagu soo warramayaa in dadku ay isaga baxeen, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ciidan dhaqdhaqaaqa samaynaya ay yihiin kuwa ka amarqaata madaxtooyada iyo kuwa kasoo horjeeda oo dhanka mucaaradka ah oo diidan waxyaabaha la isku hayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Dallada Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland PUNSAA ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay muuqaallada dhaawacaya sharafta, dawladnimada iyo Midnimada Puntland ee kasoo muuqanaya magaalada Garoowe iyo dhiillada ay magaaladu ku waabariisatay. PUNSAA waxay ugu baaqday Waxgaradka, Goloaha dhaqanka iyo dhamaan shacbi weynaha Puntland inay iska kaashadaan doorinta xaaladda nabad galyo darrada ah ee ka aloosan caasimada Puntland ee Garoowe. “Waxaan marnaba la aqbali karin in khilaafka siyaasiga ah lagu xalliyo qori caaradiis. PUNSAA waxay ku baaqaysaa in lagu xalliyo khilaafka wadahal iyo isafgarad iyadoo loo turayo bulshada rayidka ah lana dhowrayo midnimada iyo wadajirka dadka reer Puntland” ayaa lagu yiri Qoraalka PUNSAA. Sidoo kale, Bulshada rayidka ah waxay ka digtay in Hay’adaha Dowladda, kuwa aan Dowliga aheyn iyo xarumaha ganacsiga ah ay si nabad galyo ah u gudan-waayaan waajibaadkooda ayna adkaato isu socodka iyo nolosho dadweynaha waxaana ay dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqday in ay ka qayb qaataan xal u helida khilaafka siyaasiga ah iyo Amniba. PUNTLAND POST The post Dallada PUNSAA oo baaq ka soo saartay xiisadda ka taagan magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  17. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa okulan is xog-wareeysi ah la qaatay Madaxweynihii hore ee dalka ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Mudane Shariif Sheekh Axmed. Kulankan ayaa lagu lafaguray xaalada guud ee dalka iyo dardargelinta dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, Madaxeyne hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay ayaa kulamo kale duwan la qaatay mas’uuliyiin iyo xildhibaannada labada gole. Kulanaka u dhaxeeya guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo madaxweyne hore Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa siweyn looga hadlay xaaladda dalka iyo dagaalka kooxda Al-shaabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Sagaal qof oo u dhashay dalka Masar ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla dalka Giriiga, iyada oo lagu soo oogay dacwado ku saabsan, ka ganacsiga bini’aadanka ama arrimaha la xidhiidha tahriibka. Eedaysanayaashan ayaa loo haystaa inay ku lug lahaayeen, tahriibinta dadkii ku dhintay markabkii ku degey xeebaha Giriiga, ee ay dadka badani ku dhinteen. Markabka degey ayay ku dhinteen 79 qof oo muhaahiriin ah, halka tiro kale oo aad u badanna aan weli laga warqabin meel ay jaan iyo cidhib dhigeen. Dhimashada tahriibayaashan oo noqotay, tii ugu xumayd ee ka dhacda xeebaha dalka Giriiga, sannadahan u dambeeyey, ayaa dood adag ka dhex dhalisay gudaha dalkaas, iyada oo dhaleecayn xooggan loo jeediyey ciidamada ilaalada xeebaha, waxaana lagu dhaliilayaa inay jireen tallaabooyin ay qaadi kari lahaayeen, si looga baaqsado in doontaasi ay degto. Sagaalkan nin ee u dhashay dalka Masar ayaa waajahaya dacwado isugu jira tahriibinta dadka iyo weliba dembiyo la xidhiidha dhimashada muhaajiriinta. Raggan markii maxkamadda la horkeenay, waxaa dacwad ooguhu u qabtay garyaqaanada u doodaya inay muddo 24 saacadood ah, jawaabo kaga soo bixiyaan eedo cusub oo soo baxay. PUNTLAND POST The post Giriiga oo maxkamadaynaya sagaal qof oo u dhashay dalka Masar appeared first on Puntland Post.
  19. Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in gobolka Gedo ay ka jirto xaalad siyaasadeed oo u baahan in ay xallinteedu ka wada qeyb qaataan Dowladda Federaalka, maamulka Jubbaland iyo cid kasta oo ahal u ah. Mudane, Axmed Madoobe ayaa intaa ku daray in si maamulka dhowaan lasoo magacaabay uu gobolka u tago, loona sii amba qaado dib u heshiisiinta bulshada ku dhaqan Gedo ay lama huraan tahay in xal laga gaaro xaaladda Gedo. Madaxweynaha ayaa sheegay in wejiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah argagixisada dowladaha deriska ah ee ka qeybgalaya dhinaca gobolka Gedo ay u baahan yihiin maaamul sharci ah oo ay la shaqeeyaan iyo Ciidamo heer maamul goboleed ah oo ay la howlgalaan, taas oo meesha ka maqana ay dhabar jab ku tahay dagaalka lagu xoreynayo dalka. Madaxweynaha Jubbaland oo daahfurayey Shirweynaha isku-dubbaridka xasilinta qaranka oo ay kasoo qeybgaleen Wasaaradaha arimaha gudaha heer Federaal iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, ururada iyo Dowladaha Taageera Soomaaliya ayaa u mahadceliyey dhamaan masuulyiintaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Laascaanood (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC-Khaatuma oo xalay dhanka bari ee duleedka magaalada Laascaanood ee Sool. Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu xoogiisa ka socdo aagga buuraha Hodan iyo Sayidka oo hoostaga Laascaanood oo ay muddo ku dagaalamayaan labada dhinac. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu ka dhashay kadib weerar ay ciidanka Somaliland kusoo qaadeen fariisin ay leeyihiin kuwa ASC-Khaatumo, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka oo illaa haatan ka socda bariga magaalada Laascaanood. Milatariga Somaliland ee duulaanka soo qaaday ayaa iska caabin adag kala kulmay dhanka ciidamada deegaanka ee SSC ee haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa inay labada dhinac is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Sidoo kale madaafiic xoogan ayaa ku dhacday aagga lagu dagaalamayo, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee ka taagan halkaasi. Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa sidoo kale innoo sheegay in dagaalka uu saameyn ku yeeshay, isla-markaana maqlayaan daryanka hubka culus. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac ee ku diriraya halkaasi. Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta. Weerarkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. QM ayaa ku baaqday in Somaliland ay ciidamada ka qaado aagga Laascaanood, sidoo kale is xakameeyaan ciidanka SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal mar kale ka dhacay Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  21. A Somali woman announced her candidacy for mayor of St. Louis Park, a city in the U.S. state of Minnesota. If elected, she would become the first Muslim and Somali mayor in the state. Mohamud Mascadde has this story from Minneapolis, narrated by Salem Solomon. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariim Taakow oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay in dadka deegaanka ay kooxda Al-Shabaab kasoo afduubteen carruurtooda iyo xaasaskooda, kadib markii kooxda ay afduubatay dad birmageyda ah. Taakow ayaa sheegay in dadka deegaanka Daaru-Nicma ay arrintaas u sameeyeen si ay uga aar-gutaan kooxda Al-Shabaab oo deegaankooda ka afduubtay caruur iyo haween. “Soomaalida waxay tiraahda qaniinyo qaniinyo ayaa ka fujisa, raggaasi maadaama uusan nagala dhaxeyn wax macaamil ah oo wada xaajood ah markii deegaanka ay ka wateen caruurtii, waxaa ka fikirnay qaabkii aan uga fal-celin laheyn arrintaas oo waxa noo soo baxday sidaas,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in carruurta iyo haweenka ay soo wateen dadka deegaanka Daaru-Nicma ay yihiin ilmo ay dhaleen qaar kamid ah madaxda kooxda Al-Shabaab ee deegaankaas u dhashay iyo xasaaskooda. “Dadkaas ayaa soo wadanay si ay u dareemaan xanuunka dareemeyn waalidiinta carruurtooda iyo ilmahooda la ka xeeyay,” ayuu yiri Cabdikariim Taako oo u waramay warbaahinta dowladda ee Radio Muqdisho. Sidoo kale waxa uu shaaciyay in dadka Al-Shabaab ay ka wateen dhan yihiin 36 qof, halka tirada dadka iyaga ay kasoo wateen kooxda ay dhan tahay 26 qof, islamarkaana ay ku howlan yihiin inay soo dhameystiraan tiro le’eg midda kooxda ay ka afduubatay deegaankaasi. Taako ayaa ka dhawaajiyay in arrintaan ay dadka deegaanka u sameeyeen maadaama uusan wada-xaajood kala dhaxeyn kooxda Al-Shabaab, sidaas darteed ay ka wajaheen meesha ay ka jilcan yihiin. “Waxaas in aan sameyno waxyaabaha aan ka xishoonayno oo aan dhaqan ahaan u laheyn. Marka raadinay meesha ay ka jilcan yihiin ayaa noo soo baxday inay tahay.” The post Afduub ay geysatay Shabaab ‘oo looga aar-gutay’ carruurta iyo xaasaska madaxdooda appeared first on Caasimada Online.
  23. Crowds gathered by the thousands to pay their respects. The suspect in the wreck is jailed. Source: Hiiraan Online
  24. Uganda Airlines has Monday launched its maiden flight to the Muslim holy city of Mecca, Saudi Arabia, as it readies to establish scheduled flights to the Gulf nation later this year. Source: Hiiraan Online