-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Cali Jeyte Cismaan oo xalay uu madaxweynaha HirShabeelle ka qaaday xilkii guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa goordhoweyd ku dhawaaqay dhismaha maamul cusub oo ka madax-banaan kan HirShabeelle. Guddoomiye Cali Jeyte ayaa shaaciyay in maanta kadib uu gobolka Hiiraan yahay bandow, ayna dadkeedu ka tashanayaan dhameystirka maamul gooni ah oo la yiraahdo “Hiiraan State”. “Dhismaha Hiiraan State waxaa la isla gartay oo la ii wakiishay in laga soo qeyb-galo shir ay dadkaan wax ku dhisanayaan oo lagu dhameystirayo, intaas ayaa rabaa in si cad ugu sheego dadka,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte. Waxa uu sheegay in gobolka Hiiraan gudaheeda ay mamnuuc ka tahay qof ka tirsan ama sheeganaya maamulka HirShabeelle, “Haddii Beledweyne uu joogo qof sheeganaya magaca la yiraahdo HirShabeelle, meesha uu ka dhoofayo ma ahan Hiiraan ee malaha biyo baxada uu sii raaci doonaa.” Sidoo kale waxa uu sheegay in masuuliyiinta maamulka HirShabeelle aysan iman karin gobolka Hiiraan, “Mid banaanka jira ma iman doono.” Bandow ayuu kusoo rogay gobolka Hiiraan, isaga oo iclaamiyay inuu xiran yahay garoonka Beledweyne iyo sidoo kalena uu xiran yahay dhulka, oo isku socodka gaadiidka uusan shaqeynayn. “Diyaaradii isku deyda inay si qalad ah wax kusoo qaada Wallaahi Billaahi Tallaahi dhulka soo dhigeyna, ma joogno maalinkii Shabaab buuraha noo saarna oo Soomaaliya inteeda badan maanta waa xor,” ayuu yiri Cali Jeyte. Jeyte ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in go’aankan cusub ee maanta uu ku dhawaaqay uu ka yimid bulshada gobolka Hiiraan, oo uusan aheyn mid uu kaligiis iska wato, sida uu sheegay. “Waxaa ku hadlayaa dareenka bulshada oo xilal hore ayaa u soo qabtay oo maalina is-hortaga sameeyay ma jirin ee waxa ku hadlayaa dareenka Cali Jeyte ma ahan ee waa dareenka bulshada,” ayuu yiri Cali Jeyte. Hoos ka daawo The post Daawo: CALI JEYTE oo ku dhawaaqay dhismaha maamul cusub “HIIRAAN STATE” appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka horyimid xilka qaadistii uu xalay ku sameeya Madaxweynaha Hirshabeelle. Gudoomiye Cali Jeyte oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa si cad u diiday xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxweyne Cali Guudlaawe. Cali Jeyte ayaa sheegay in maanta laga bilaabo Gobolka Hiiraan uu ka baxay Maamulka Hirshabeelle waxaana bulshada Gobolkaas ugu baaqay in ay isugu yimaadan Shir deg deg ah oo lagu dhisayo Hiiraan State. Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in Gobolka Hiiraan laga mamnuucay cid kasta oo sheeganaysa in ay ka tirsan tahay Hirshabeelle xataa haddii ay joogaan aysan ka dhoofi karin garoomada diyaaradaha. Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa intaas sii raaciyay In laga mamnuucay Garoomada diyaaradaha Gobolka Hiiraan iyo jidadka soo gala cid kasta oo kasocota Hirshabeelle. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Cali Jeyte oo ku dhawaaqay shir deg deg ah oo lagu dhisayo Hiiraan State appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo aad u fara badan ay xireen isku socodka magaaladaasi. Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa saaka kusoo toosay iyada oo ciidamadaan ay xireen isku socodka magaalada, xilli xil ka qaadis uu madaxweynaha maamulka HirShabeelle ku sameeyay gudoomiye Cali Jeyte. Ciidamada ayaa la sheegaya inay yihiin Macawiisleey, waxayna xirteen wadada ugu muhiimsan ee laamiga ah ee halbowlaha u ah isku socodka guud ee gudaha magaalada Beledweyne illaa garoonka diyaaradaha. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintaan, inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya in ciidanka Macawiisleeyda ay kasoo horjeedaan tallaabadii xalay saq-dhexe uu Cali Guudlaawe xilka uga qaaday Cali Jeyte. Majiro wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay guddoomiye Cali Jeyte Cismaan oo ku aadan xilka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha HiShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu arrinkaasi ka hadlo Jeyte. Wareegtada xilka looga qaaday Cali Jeyte oo la baahiyay xalay saq-dhexe ayuu madaxweyne Guudlaawe waxa uu xilka guddoomiyaha gobolka ugu magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Surufow). Guudlaawe ayaa sheegay inuu tallaabadan qaaday kadib talo soo-jeedin ka timid madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle iyo markii uu garowsaday inay lagama maarmaan tahay dar-dargelinta howlaha kala duwan ee horyaalla maamulka gobolka Hiiraan iyo weliba “mideynta bulshada si loo hirgeliyo shuruucda dalka iyo dastuurka” dowlad-goboleedka HirShabeelle. Si kastaba, Cali Jeyte ayaa waxaa lagu xasuusta doorkii weyna ee uu kasoo qaatay wejiga hore ee dagaalka Al-Shabaab, ee looga xoreeyay kooxda guud ahaan Bariga gobolka Hiiraan, markii dambena ku faafay inta badan ee gobollada dalka. Hiiraan ayaa xudun u aheyd kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka, kaasi oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey kooxda argagixisada ah ee sanadaha badan ku xooganeyd deegaanadaasi. The post Ciidamo hubeysan oo xiray isku socodka Beledweyne kadib xil ka qaadistii Jeyte appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa xilka ka qaaday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, oo hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Wareegtada xilka looga qaaday Cali Jeyte, ayuu madaxweyne Guudlaawe wuxuu sidoo kale xilka guddoomiyaha gobolka ugu magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Surufow). Guudlaawe ayaa sheegay inuu tallaabadan qaaday kadib talo soo-jeedin ka timid madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle iyo markii uu garowsaday inay lagama maarmaan tahay dar-dargelinta howlaha kala duwan ee horyaalla maamulka gobolka Hiiraan iyo weliba “mideynta bulshada si loo hirgeliyo shuruucda dalka iyo dastuurka” dowlad-goboleedka HirShabeelle. Tallaabadan xilka looga qaaday Jeyte ayaa ah mid lama filaan ah maadaama uu kaalin xooggan oo muuqata ku lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo inta badan maleeshiyada looga saaray gobolka Hiiraan. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan? Maxamed Sheekh Cabdiweli: “Hirshabeele rajadii yareyd ee laga qabeyna halkaas ayay ku dhamaatay!!.” Cabdixakiim Badio ayaa isna yiri “Caliyow waxaa rabtid sameyso waqti marka dhamaado kadib kuma so laaban meysid.” “Waan soo dhaweynayaa xil ka qaadistaas. Gudoomiyaha cusub Sufuroow Allaha u fududeeyo xilka loo magacaabay guuleyso mudane Madaxweyne Cali Guudlaawe,” ayay tiri Salmo Jowhar. Mahad Wasuge: “Dagaalkaan meel kale ayuu ka socdaa laakiin Caliyow ceebtaada waa muuqataa ee dalkaan hagardaamada ka daay oo dadka wax qabanaayo umada u dhaaf.” Cali Ibraahim Xasan ayaa isna yiri “Xilka qaadista gudoomiye cali jeyte maxaa xiligan kusoo beegay ayadoo xaladaha xiligan jira aanu ognahay.” “Xawaadle dhabar jabinta kala tag , awalba faa’iido Kuma qabin aan hagar daamo ahayne,” ayuu yiri Rabiile oo kamid ah dadka ka fal-celiyay xil ka qaadista guddoomiye Cali Jeyte. Cabdisalam Xaaji Cali ayaa isna yiri “Halyeey qaran waxow qabtay cid aanan qaban in xilka laga qaado waa arin laga fiican yahay.” “Ninkii gobolkiisa Hiiran ka saaray Al-Shabaab baa waxaa rabtaan in aad si fudud xil uga qaadan,” ayuu yiri Cabdimaalik Saalax. Cabdicasiis Cali Faarax: “Cali Jeyte Cismaan waa ninka Hirshabeelle ugu shaqada fiicnaa, xil ka qaadistiisuna waxa ay niyad jab ku ridaysaa qof kasta oo ku hami jiray inuu mar uun taariikhda dalkiisa baal dahab ah ka galo. Sidoo kale waxa ay toosh ku ifinaysaa madaxwaynaha Hirshabeelle.” “Calaw dhibka umada kada Ilaahey ban kugu dharshe,” ayuu yiri Cabdi oo kamid ah dadka ka fal-celiyay xil ka qaadista uu Cali Guudlaawe ku sameeyay Jeyte. Maxamed Axmed: “Xil ka qaadista Cali Jeyte waa lagu deg degay lagama fiirsan waa xil ka qaadis Al-Shabaab farxad gelinaysa.” Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale waxa uu yiri: “Guudlaawe waa in uu baxaa shaqo aan eheen xil ka qadis iyo xil u dhibid ma yaqaano.” Cabdullaahi Diini Macallin: “Ma waxaa xilka looga qaaday xaad ugu dhiiri gelisay bulshada in ay Khawaarijta la-dagaalamaan waan ka xumahay maamulka fadhiidkaa.” Cabdullaahi Cabdiqani: “Xawaadlow katashada oo cali soo ceshta Hirshabeelana ka go’a.” “Xilka qaadistaaan ani wan kaso horjeeda gudomiye mudane Cali Jeyte wax badan ayuu Hiiraaan iyo Hirshabele u qabtay mana aheeen in xil ka qaadis lagu abaalmariyo,” ayuu yiri Maxamed Axmed Xasan. Ismaaciil oo isaguna kamid ah dadka ka fal-celiyay tallaabada uu qaaday Guudlaawe ayaa yiri “Maxaa kale oo aan qabtaaba oo aan xil Ka qaadis iyo magacaabis aheyn.” The post Fal-celin aan caadi aheyn oo ka dhalatay ceyrintii Cali Jeyte appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa diiday hindise nabadeed oo Sabtidii ay u keeneen wafdi ka socda madaxda Afrika oo rajaynayay in la soo afjaro dagaalka Ruushka ee Ukraine. Hogaamiyayaasha toddobo dal oo Afrikaan ah ayaa u sheegay in dagaalka Putin uu dhibaato ku yahay caalamka oo dhan. Wafdiga ayaa la kulmay Putin maalin kadib markii ay la kulmeen madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy. Labada hoggaamiye ayaa tilmaamay in qorshahan uu yahay mid aan socon karin. Putin ayaa wadahadallada Sabtidii la furay wakiillo ka socda Comoros, Congo Republic, Masar, Senegal, South Africa, Uganda iyo Zambia oo ka dhacay qasri u dhow St. Putin ayaa sheegay in reer galbeedku ay mas’uul ka yihiin sare u kaca qiimaha cuntada adduunka, taas oo si aad ah u saameeyay Afrika. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Ruushka oo diiday hindise nabadeed loo soo jeediyay appeared first on Puntland Post.
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Gedo, Mudane Cismaan Nuux Xaaji oo kamid ah xubnaha uu dhawaan magacaabay madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Gedo. Macallimuu ayaa shaaca ka qaaday in haatan uu ku sugan yahay gudaha degmada Garbahaarey, isla-markaana uu joogo xarunta maamulka, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kaliya guddoomiyaha cusub uu ka maqan yahay gobolka, isla-markaana wax dhibaato ah aysan ka jirin Gedo. “Maamul hadda la diiday oo shacab ay diideen ma jiro maamulkaan dhamaan degmooyinka waa laga soo dhaweeyay, waxaana soo dhaweeyay shacabkii iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka wax culeys oo gaar ah hadda ma jiro” ayuu yiri guddoomiye Macallimuu. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dadka dhibaatada inay wadaan aad maleyneyso ee baraha bulshada waa dad iska fowdo ah ayada oo dhib dhicin ayaa laga yaabaa in la yiraahdo dhibaato ayaa dhacday”. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Gedo oo hadalkiisa sii wata ayaa eedeyn culus u jeediyay xildhibaanada qaar ee Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwo kasoo jeedo Galmudug oo uu sheegay inay sii hurinayaan arrimaha gobolka Gedo. “Xildhibaanadaas meelaha wax kasoo qoraya oo deegaan doorashadooda meel kale ay tahay waxaan arkaayay, ayaga oo laga yeerinaayo liiskii Baarlamaanka oo saddex kalfadhi laga la’yahay marka shaqadooda ha qabsadaan ayaan leeyahay” ayuu mar kale yiri. Guddoomiye Macallimuu ayaa si gaar ah ugu jawaabay Kulane Jiis, wuxuuna tilmaamay in wax shaqo uusan ku laheyn gobolka Gedo oo uu carabka ku dhuftay inuu horay u qaribay. “Waxaan arkaayay nin la yiraahdo Kulane Jiis oo aad uga hadlayo gobolka Gedo maxaa ka galay?. Dhib haddii la geystay Kulane Jiis asaa gobolkan horay uga geystay” ayuu sii yiri. Gedo ayaa waxaa weli ka taagan muran ku aadan maamulka gobolkaas, kaas oo u dhexeeyo shacabka iyo sidoo kale dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. The post Guddoomiye Macallimuu oo u jawaabay KULANE JIIS appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xidlhibaan Maxamed Cabduqaadir oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, isla-markaana kasoo jeedo Hiiraan ayaa ayaa si adag uga hadlay xilka qaadista lagu sameeyay guddoomiyihii gobolkaas, Mudane Cali Jayte Cismaan. Xildhibaanka ayaa si weyn ug soo horjeestay xilka qaadista uu guddoomiyaha gobolka Hiiraan ku sameeyay madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen. Maxamed Cabduqaadir ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in arrintan lacag laba milyan oo dollar ah ay ku bixisay kooxda Al-Shabaab, si meesha looga saaro Cali Jayte. “Warqadii ugu qaalisaneed ee soo baxday qarniga 21aad laguna gatay inta illaaa iyo hada aan ognahay 2 million oo dollar ee ay argagixisadu bixisay si looga hor wareejiyo Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri xildhibaanku, Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in horay ay kooxda lacag dhan hal milyan oo dollar madaxiisa u dul dhigtay Cali Jayte Cismaan, sida uu hadalka u dhigay. “Cali Jeyte waxuu noqday qofkii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay oo ay dilkiisa argagixisadu ku bixisay qarash dhan 1 Million Dollar , Marki ay u suurageli waaysayna ku bixisay 2 Million Xil ka qaadistiisa” ayuu sii raaciyay xildhibaan Maxamed Cabduqaadir. Dhanka kale, xiisad ka dhalatay xilka qaadista Cali Jayte ayaa maanta ka taagan magaalada Beledweyne, oo ay ka billowdeen dibad-baxyo ka dhan ah HirShabelle. Ciidamo hubeysan ayaa sidoo kale lagu arkayaa waddooyinka qaar ee magaaladaasi, taas oo uga sii dareyso xaaladda ka taagan gudaha magaaladaasi. Tallaabada xilka looga qaaday Jeyte ayaa ah mid lama filaan ah maadaama uu kaalin xooggan oo muuqata ku lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo inta badan maleeshiyada looga saaray gobolka Hiiraan. Dhowaan Cali Jayte ayaa sheegay in qorshaha cusub ee wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka gedisan yahay midkii wejiga koowaad la tijaabiyay ee kacdoonka shacabka, kaasi oo kooxda Al-Shabaab looga xoreeyay deegaano horleh. Cali Jeyte ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in qorshaha dagaalka uga harayo madaxda sare ee dalka, maadaama laga leexday nidaamkii uu hore ugu guuleystay wejiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, ee ahaa kacdoon dadweyne. The post Xildhibaan shaaciyay in Al-Shabaab ay $2 milyan ku bixisay xilka qaadista Jayte appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Sabtidii sheegay inaanu maamulkiisu “fududayn doonin” jidka ay Ukraine ugu biirayso, isbahaysiga NATO, isaga oo xusay in dalkaasi looga baahan yahay inuu maro, hannaanka loo dejiyey, xubnaha cusub ee ku biiraya isbahaysiga milateri. Sida uu dhigayo, qorshaha loo dejiyey inay maraan xalalka xubnaha ka noqonaya NATO, waxaa looga baahan yahay inay la yimaaddaan, dib u habayn milateri iyo nidaam dimoqraadi ah, ka hor inta aanay dalban xubinimada. Toddobaadkii hore ayay ahayd, markii masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Maraykanku, ay sheegeen inay diyaar u yihiin, in meesha laga saaro qaar ka mida shuruudaha ku xidhan, xubinimada isbahaysiga NATO, si ay Ukraine ugu fududaato inay ku biirto isbahaysigaas. Hase ahaatee Biden ayaa sheegay in shaqo badan ay u hadhsan tahay, si loo hubiyo in Ukraine ay ay awood u leedahay inay xidhiidhiso hawlaha ciidamada. Biden oo la weydiiyey Sabtidii in la fududaynayo jidka ku biiritaanka Ukraine ee NATO, ayaa ku jawaabay, maya, “sababtoo ah, waxaa looga baahan yahay inay la yimaaddan, shuruudaha looga baahan yahay dalalka kale, taasna waxba laga bedeli maayo.” Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa Jimcihii ka digay khatarta ka dhalan karta, haddii Ukraine ay ku biirto NATO, taasoo keeni karta, inay horseeddo dagaal dhex mara labada dhinac. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo xalay ka dhacay gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay sameeyeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa ka kala dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha oo ka tirsan degmada Heliwaa iyo deegaanka loo dalxiis tego ee Daarusalaam oo isna ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho Ciidamada howlgallada sameeyay ayaa isku ballaariyay labadaasi xaafadood, ayaga oo gudaha u galay guryo bartilmaameed u ahaa, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah. Saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad-gelyada. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in inta ay socdeen howlgallada lagu soo qabtay ku dhowaad 5 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab. Ragga lasoo qabtay ayaa waxaa horay usoo watay ciidamada ammaanka Soomaaliya oo haatan ku haayo baaris dheeraad ah. Weli ma jiro wax faahfaahin ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan howlgalladaas iyo dadka lagu soo qabtay. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay howlgallo ka waday ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaas oo kordhiyay dhaqdhaqaaqooda. Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa mararka qaar weeraro culus ka fulisa gudaha caasimada, waxaana ugu dambeeyay weerarkii dhowaan lagu qaaday agagaarka xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis. The post Ciidamada DF oo howlgal culus ka fuliyay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labo kulan la kala qaatay Guddiga La socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo uu kala hadlay muhiimadda dhammeystirka dastuurka KMG uu u leeyahay xasilloonida iyo geeddi-socodka dowlad dhiska Soomaaliya. Xubnaha Labada Guddi ee Dastuurka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey howlaha uga qabsoomay howlaha dib-u-eegista iyo latashiyada Dastuurka ay wadaan ee ku qotoma in khubarada sharciga iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed laga qeyb-geliyo, waxa ayna xuseen in si degdeg ah ay u dhameystiri doonaan habraaca loogu gudbinaayo Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay waajibaadkooda uga gutaan. Madaxweynaha oo kulammadan uu ku wehlinayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranku gaareen ay xal u yihiin caqabado badan oo ku xeeran dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka, halka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu soo bandhigay sida Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u fududeynayso wixii shaqo farsamo ah oo la xiriira dhameystirka dib u eegista dastuurka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyey Xubnaha Labada Guddi howlaha u qabsoomay ayaa kula dardaarmay dardar-gelinta qabyo-tirka dastuurka, dadaal dheeri ahna ay ku bixiyaan sidii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u yeelan lahayd dastuur dhammeystiran oo dalka ka saara xasillooni darrada siyaasadeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ninka lagu magacaabo Antony Blinken ayaa booqasho labo maalin qaadan doonta ku tagay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha. Safarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee diblumaasi Mareykan ah uu ku tago Shiinaha ku dhawaad shan sano, oo aysan jirin cilaaqaad intaas gaaray oo u dhaxeeyay labada dhinac. Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in hadafka ugu weyn ee wadahadalka uu yahay in la dajiyo xiriirka kala dhaxeeya Shinaha oo noqday mid aad u kacsan. Safarkan ayaa ku soo beegmaya ku dhawaad shan bilood ka dib markii booqashadii hore ee Blinken dib loo dhigay, ka dib markii hawada Mareykanka lagu arkay buufinta basaaska ee loogu shakisanyahay china. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cali Jeyte Cismaan ayaa laga qaaday xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan, kadib wareegto kasoo baxday madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, halka xilka guddoomiyaha ayaa loo Magacaabay Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow), Guddoomiye Jeyte ayaa dhowr jeer soo noqday guddoomiyaha gobolka. Cali Jeyte Cismaan ayaa muddooyinkii dambe hoggaaminayay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo wadajir Al-shabaab kaga saaray inta badan gobolka Hiiraan, waxaana xil ka qaadistiisa ay kusoo aadaysaa xilli ay dowladdu ku dhawaaqday in dhowaan la bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxad Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo uu xalay xilka ka qaaday madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle oo wareegto soo saaray. Cali Cosoble ayaa soo dhoweeyay xilka qaadista lagu sameeyay Cali Jayte, wuxuuna hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee la magacaabay, Cabdullahi Sufurow. Sidoo kale wuxuu ugu duceeyay inuu Eebbe u fududeeyo mas’uiliyadda culus ee loo igmaday, maadaama ay hortaallo shaqo adag. “Hambalyo Mudane Cabdullahi Sufurow guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan. Allah kuu fududeeyo xilka culus ee lagu saaray” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cali Cosoble. Intaas kadib ayaa waxaa qoraalkan falcelin ka sameeyay dadweyne kala duwan oo uu ka mid yahay Farxaan Axmed oo isticmaala baraha bulshada, kaas oo ku eedeeyay Cosoble iyo Dabageed in ay ka dambeeyeen tallaabada xilka looga qaaday gudoomiyihii hore ee Hiiraan. “Adiga iyo Dabageed waa ku guuleysateen Jayte xilka in laga qaado” ayuu falcelintiisa ku yiri Farxaan Axmed. Cali Cosoble oo u jawaabay Farxaan ayaa shaaca ka qaaday in kursiga uusan aheyn dhaxal, sidoo kalena Jayte uusan ku imaan doorasho, sidaas daraadeedna xilka laga qaaday. “Jayte kursiga dhaxalna kuma helin, doorashana kuma imaan. Waa loo dhiibay, waana laga qaaday” ayuu mar kale yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle. Tallaabada xilka looga qaaday Jeyte ayaa ah mid lama filaan ah maadaama uu kaalin xooggan oo muuqata ku lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo inta badan maleeshiyada looga saaray gobolka Hiiraan. Dhowaan Cali Jayte ayaa sheegay in qorshaha cusub ee wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka gedisan yahay midkii wejiga koowaad la tijaabiyay ee kacdoonka shacabka, kaasi oo kooxda Al-Shabaab looga xoreeyay deegaano horleh. Cali Jeyte ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in qorshaha dagaalka uga harayo madaxda sare ee dalka, maadaama laga leexday nidaamkii uu hore ugu guuleystay wejiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, ee ahaa kacdoon dadweyne. The post Cali Cosoble: CALI JEYTE kursiga dhaxal kuma helin, doorashana kuma imaan appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirada Arrimaha Dibedda Sacuudiga iyo Iran ayaa ku kulmay magaalada Tehran. Kulankan oo qayb ka ah dedaallada Dawladda Shiinuhu isagu soo dhawaynayo Sucuudiga iyo Iiraan, ayaa waxa caasimadda Iran ee Tehran booqasho ku tegaya Sarkaalkii u horreeyey ee Sucuudi ah ee Iran booqda muddo 7 sanno ah. Source
-
Meydka nin Soomaaliah oo dhalinyaro ah ayaa laga helay goob laga raaco Tareenada oo ku taalla magaalada Marburg ee dalka Jarmalka. Ninkan Soomaaliga ee meydkiisa la helay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Saraxdiid, kaasoo ka mid ahaa dadka magangalya doonka ah ee dhawaan tagay dalkaas Jarmalka. Jaaliyada Soomaalida ee dalkaas ayaa ku wargeliyey Booliiska Magaalada Marburg geerida mwaadinka Soomaaliyeed ee loo maleynayo inuu tareenku jiiray. Ma cada in wiilkaan Soomaaliga ah uu isku dhigay Tareenka iyo in kale, waxaasa Booliiska oo magaaladaasi ay sheegeen iney wadaan baaritaano la xariira waxa sababay dilkiisa, islamarkaana ay soo saari doonaan natiijada kasoo baxda baartaanka. Wadanka Jarmalka ayaa Soomaalida ku nool waxaa lagu qiyaasaa iney gaarayaan ilaa 60 kun oo qof sida ay muuinayaan tirakoobyo qiyaas ah oo laga sameeyey dalkaas. Source
-
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa booqasho laba maalmood ah ku tagay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha. Safarkan ayaa noqonaya kii u horreeyay ee diblumaasi Mareykan ah uu ku tago Shiinaha ku dhawaad shan sano. Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in hadafka ugu weyn ee wadahadalka uu yahay in la dajiyo xiriirka kala dhaxeeya Shinaha oo noqday mid aad u kacsan. Safarkan ayaa ku soo beegmaya ku dhawaad shan bilood ka dib markii booqashadii hore ee Blinken dib loo dhigay, ka dib markii hawada Mareykanka lagu arkay buufinta basaaska ee loogu shakisanyahay in uu lahaa Shiinaha. Source
-
Man shot while washing hands in San Diego Somali restaurant
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
SAN DIEGO (KGTV) — The San Diego Police Department says a man was shot as he was washing his hands while inside a bathroom of an Euclid Ave. restaurant Saturday evening. Source: Hiiraan Online -
Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud and Prime Minister Hamza Abdi Barre held separate meetings in Mogadishu on Saturday with the Monitoring Committee for the Review and Implementation of the Constitution and the Independent Committee for the Review and Implementation of the Constitution. These meetings aimed to discuss the progress in completing the federal government's Constitution. Source: Hiiraan Online
-
Ajandaha rasmiga ah ee Kal-fadhiga 52-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa la soo bandhigay saaka oo Axad ah. Ajandaha waxa ugu muhiimsan qodob la xiriira go’aan ka gaarista doorashada madaxtinimada Puntland ee 2023/2024. Ka doodista xaaladda amniga Puntland gaar ahaanna amniga caasimadda Garoowe ayaa sidoo kale ku jirta ajandaha. Ka doodista xaaladda gobolka Sool oo uu ka socdo dagaalka Laascaanood ayaa sidoo kale ku jirta ajandaha. PUNTLAND POST The post Ajandaha rasmiga ah ee Kal-fadhiga Baarlamanka Puntland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
