Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beledweyne (Caasimada Online) – Shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo la hadlay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay xiisadda kasoo cusboonaatay magaaladaasi ee ka dhalatay xilka qaadista gudoomiye Cali Jaytse Cismaan. Qaar kamid ah dadweynaha reer Beledweyne oo u warramay Somali Cable TV ayaa taageero u muujiyay Cali Jayte oo soo saaray go’aanno ka dhan ah HirShabelle. Sidoo kale shacabka ayaa shaaca ka qaaday inay soo dhaweynayaan dhismaha maamulka Hiiraan State oo uu shalay ku dhawaaqay guddoomiyihii hore ee maamulka Hiiraan. “Annaga Hiiraan State ayaan soo dhaweyneynaa, waan ku taageersanahay Cali Jayte fikirkaas wixii aqli leh ayaa qabo, laakiin annaga waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka uu qaatay Cali Jayte isagaa ku mowqif nahay” ayuu yiri mid kamid ah deegaanka. Sidoo kale wiil kale oo dhalinyaro ah oo ka hadlay qaddiyadan ayaa shaaca ka qaaday in markii horeba aysan HirShabelle wax u qaban, haddana ay ka tashanayaan aayahooda. “Annaga HirShabelle waxba nooma heyn dadka meelaha ka qayl qaylinayo maba aqoonsanin iyo xittaa inay jirto HirShabelle” ayuu yiri wiil kale oo dhalinyaro ah. Dhinaca kale xaaladda guud ee magaalada Beledweyne ayaa maanta dagan, kadib banaabaxyo waa weyn oo shalay ku dhacay gudaha magaaladaasi. Waxaa sidoo kale si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, gaadiidka iyo waxbarashada ee magaalada Beledweyne. “Ganacsigu waa caadi wuu kala socdaa dadka noloshooda caadiga ayay qabsadeen” ayuu isna yiri Aabe kamid ah dadka deegaanka ee reer Beledweyne. Si kastaba, Guddoomiye Cali Jayte ayaa shalaty cadeeyey in warqadii xilka looga qaaday uusan u hoggaansami doonin, isagoo ku adkeystay in guddoomiyaha sharciga ah ee gobolka Hiiraan uu isaga yahay HirShabeellana uusan hoos tegin. The post Shacabka Beledweyne oo caddeeyay mowqifkooda kadib go’aankii Cali Jayte appeared first on Caasimada Online.
  2. Magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa lasoo warinayaa in ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah, waxaana magaalada inteeda badan lagu dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan, iyadoo aan la ogeyn sababta ciidanka loo soo daadshay. Dhaqdhaaqyadaan ciidan oo iska soo horjeedo ayaa yimid kadib markii habeenimadii xalay ciidamada PMPf ee Madaxtooyada ay xireen inta badan wadooyinka muhiimka ah oo ay ku jirto waddada Wadnaha iyo xarumaha wasaaradaha oo ciidan la dhigay. Dhaqdhaqaayada ciidan ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xilli dhowaan la furay Kalfadhiga 52aad ee golaha Wakiillada waxaana la filayaa in xildhibaannada ay bilaabaan dood ku aadan wax ka bedelka Dastuurka uu hore u sheegay madaxweyne Deni in la furayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay wareegtada lagu magacaabay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyaha ciidanka dhulka Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali, isagoo tixraacaya qodobbada 87-aad, 90-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Lr. 15 ee soo baxay 1960 kuna saabsan Dhismaha Ciidanka xooga dalka. Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka, isagoo bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee ciidamada Qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo argagixisada Alshabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Taliyaha cusub Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin in uu halkaas ka sii amba-qaado dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab iyo dib u dhiska CXD Xeerkan Madaxweyne ayaa ku dhaqan-galay maanta oo Isniin ah, 19-ka Juun 2023, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. “Kaalinta ZAAD uu bulshada ugu jiro iyo aasaaska heshiiskii ganacsi ee jabay ee u dhexeeyay Telesom iyo Worldremit XAASHEE NIN LIBIN KAA XISTIYAY XUMAHII WAA YAABE! Horumarka dhaqaale ee dalalka waxa lagu cabbiraa fudaydinta isku socodka dadka, ganacsiga bucshuradaha iyo adeegyada maaliyadeed. Tan iyo intii uu hirgalay adeegga ZAAD muddo dhawr iyo toban sanno ah, waxa fududaaday, si xowli ahna kor ugu kacay adeegga maaliyadeed ee dalka iyada oo ay ku diirsadeen boqolaal kun oo reer Somaliland ah. Waxa kale oo uu qayb libaax ka qaatay soo jiidashada indhaha dunida madaama uu ahaa adeeggii labaad ee noociisa ah ee ka hirgala qaaradda Africa. Waxa iyana xusid mudan in uu door shariif ah ka qaatay in uu ammaan hal-abuurnimo u keeno dalkeena kuna mutaystay abaalmarinno caalami ah. Mabaadi’da ganacsiga furfuran ee dalkeenu qaatay, dastuurkeenana ku qoran, dawladaheenii kala dambeeyayna ay dhiirigaliyeen ayaa uga dhigay hanti gaar ah ciddii la timaadda hal-abuuris maskaxeed iyo mid tiknoolajiyadeed, taas ayaana keentay in Somaliland ka mid noqoto dalalka ugu unkamidda badan tiknoolajidaha ku dhisan hal-abuurnimada. Iyadoo taas laga shidaal qaadanayo, adeegga ZAAD waxa uu ka mid yahay adeegyadda hal-abuurka tiknoolajiyadeed ku dhisan ee ay samaysay Shirkadda Telesom taas oo ay ku mutayasatay in ay gaar u yeelato maamulkiisa, ka shaqaysiintiisa iyo ilaalintiisa xuquuqda aasaasnimo. Dhinaca kale, waxa jira cabbiro ama tilmaamayaal lagu eego heerka hufanaanta adeeg bixiyayaasha bulshada, waxaana ka mid ah cabbiradaas: waqtiga ay qaadato xalinta ciladuhu, muddada ka soo kabashada ciladaha farsamo iyo xallinta cabashada macmiilka iyo qaar kale oo badan. Waxa xusid mudan in cabbiradaas ama tilmaamayaashaasi ay ka dhigeen adeegga ZAAD waxa uu ku hantay dadwaynaha, macaamiishuna ay ugu qanceen. Suuqa xorta ahi waxa uu bulshada siiyaa madax bannaani iyada oo haddii adeegbixiye tahli kari waayo raali-galinta macmiilkiisa, soo jiidashada dadweynaha, bixinta adeeg hufan ay keensato in uu waayo macaamiishiisa isla markaasna ganacsigiisu uu hoos u dhaco. Iyadoo dhammaan arimahaas sare ku xusan lagu xisaabtamayo waxa hubaal ah in shirkadda Telesom ay masuul ka tahay habsami u socodka shaqo ee adeegga ZAAD iyadoo ilaalinaysa shuruucda maaliyadeed ee dalkeenu leeyahay iyo heshiisyada ay wada galaan Shirkadaha kale. Shirkadda Telesom waxay xidhiidh la leedahay shirkado dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ka aasaasan, xidhiidhadaasina waxay ku qotomaan heshiisyo qoran oo dhinacyada siinaya xaq iyo xuquuq qeexan. Haddaba, Shirkadda Worldremit waxay baalmartay, xadgudubna u gaysatay heshiiskii naga dhaxeeyay iyada oo si tuugo ah u isticmaashay adeegga ZAAD. Heshiiskii noo dhaxeeyay waxa uu awood u siinayaa daraf kasta inuu adeeggiisa kala noqon karo darafka kale haddii uu baalmaro ama uu ku xadgudbo heshiiska. Arinta uu sheegay Ismaaciil Axmed oo ka mid ah aasaasayaasha Worldremit oo ah in aan qiimo isku qabanay wakhtigan xaadirka ah waa war aan sal iyo raad toona lahayn loogana fadhiyo caddeynteeda qoraal ee aan u dirnay. Waxa iyana is waydiin leh adeegga ay Telesom u fidinaysay ismaaciil iyo shirkaddiisa muddo ka badan 10 sanno waxa maanta ka dhigay mid aan la isku hallayn karin! iyadoo uu ku tilmaamay in ayna dunida jirin shirkad 80% haysta suuqa adeegyada maaliyadeed ee Mobile-ka, balse la wada yaqaan dalka Kenya in adeegga MPesa oo ay leedahay shirkadda Safaricom uu saamiga suuqiisu (market share) uu ka badan yahay 90%. Ugu dambayn, waxa aanu u aragnaa meel ka dhac in laamihii dawladda u qaabilsanaa bixinta liisamada, kormeeridda iyo kawar-haynta shirkadaha bixiya adeegyada maaliyadeed laga dhigo kuwa gabay shaqadoodii ama aan garanayn waxa dalka dan u ah. “Xaashee nin libin kaa xistiyay xumahii waa yaabe!” – Salaan Carabey Source
  5. Dawladaha xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD oo shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa walaac ka muujiyey xaaladda nololeed ee in ka badan 55 milyan oo qof oo ku nool gobolka Geeska Afrika. Dadkaan ayaa la sheegay in dhibaatada ugu daran ay waajahayaan ay tahya xaalado cunto la’aaneed, nafaqo-darro iyo dhibaatooyin kale oo ka dhashay colaadaha iyo isbedelka cimilada oo siwey u sameeyay Geeska Afrika. Agaasimaha hey’adda xarunta saadaasha cimilada ee IGAD Guuleed Cartan ayaa madaxdii ka qeyb gashay shirka uga warbixiyay xog uruurintii ugu dambeysay ee la sameeyay in ay muujinayso macluusha dalalka ku jirta Afrika. Agaasimaha ayaa carabka ku dhuftay in arrintaan ay sabab u tahay colaadaha, cunto yarida iyo saameynta ka dhalatay duulka lagu qaaday Ukrine oo laga dareemay caalamka oo cunto yari ay ka dhalatay cunto yari. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Garaad Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dhageysiga warbixinta Guddiyada, waxaana warbixin soo jeediyay; 1. Guddiga Arrimaha Golaha iyo Anshaxa 2. Guddiga Shuruucda, Caddaalada iyo Arrimaha Diinta iyo Dastuurka 3. Guddiga Arrimaha deegaanka iyo Khayraadka dabiiciga ah 4. Guddiga Amniga & Nabadgelyada Warbixinta ayaa ku saabsanayd kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin, lana socdaan shaqooyinka ay dalka u hayaan. Waxaa sii socon doonaa maalmaha soo socda Warbixinada Guddiyada Golaha. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo warbixino ka dhegaystay guddiyada Joogtada ah appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah ay uga sameeyeen gobolka Jubbada Hoose. Warbixin ay sii deysay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu beegsaday goob uu shir uga socday saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab. Sida lagu sheegay warbixinta waxaa howlgalka lagu khaarijiyay laba horjooge iyo maleeshiyaad ka badan 40 ka tirsanaa kooxda oo ku sugnaa halkaasi. Labada horjooge ayaa lagu kala magacaabi jiray, Aadan Cabdiraxmaan Aadan oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Baay iyo Idiris Cabdiraxiin Nuur oo kasoo jeeda dalka Kenya. Aadan ayaa ahaa madaxa ilaalada ee degmooyinka Jamaame iyo Jilib, halka Idiris uu ahaa ku xigeenkiisa, sida ay shaaca ka qaaday warbaahinta dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in xilliga la weerarayayay ay qorsheynayeen inay weerar ku qaadaan deegaanka Baarsanguuni oo ay dagan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta ee dowlad goboleedka Jubbaland. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya. Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Daawo: Sarkaakiil Al-Shabaab u qaabilsaneyd Jilib iyo Jamaame oo la dilay appeared first on Caasimada Online.
  8. Gudoomiyaha golaha guurtidda Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa xildhibaanada golaha ku wargaliyay inay maalinta berri ah ka soo xaadiraan fadhiga, kadib markii maanta uu goluhu u furmi waayay kooram la,aan. Guddoomiyaha ayaa sheegay inay fadhiga maanta ka soo xaadireen 35 mudane oo kaliya sidaasina uu ku baaqday fadhigii maantu. Gudoomiyaha ayaa waxa uu xildhibaanada u sii jeediyay inay soo dedaalaan maalinta berri ah, soona buuxiyaan fadhiga. Golaha ayaa waxa uu maanta u balansanaa inay dhagaystaan warbinaha guddi hoosaadada, taasi oo ku saabsan doodii ajandaha Kal-fadhiga 81-aad ee golaha. Source
  9. Ciraaq ayaa soo bandhigtay dhagax ay qoraallo taariikhi ah oo jiray 2,800 oo sano kaasi oo uu Talyaanigu dib ugu soo celiyey gacanta Ciraaq, iyadoo dalkan ay dagaalladu halakeeyeen uu ka shaqaynayo sidii uu dib ugu soo ceshan lahaa waxyaabaha qadiimiga ah ee dhulkiisa laga bililiqaystay. Dhagaxan oo aifbeetadii Baabil ee cuneiform ku qoran ayaa sitta astaantii Shalmaneser-kii saddexaad oo ahaa boqorkii Ashuur ee laga bilaabo 858 ilaa 823 (dhalashadii Nabi Ciise ka hor) xukumi jiray gobolka Nimrod ee ku yaalla waqooyiga Ciraaq. Weli ma cadda sida uu looxani ku tagay Talyaaniga balse maamulka Talyaaniga ayaa ku wareejiyay madaxweynaha Ciraaq Abdul Latif Rashid mar uu todobaadkii tagay booqday Bologna. “Waxa aan jeclaan lahaa in aan uga mahadceliyo mas’uuliyiinta Talyaaniga dadaalkooda iyo iskaashiga ay ku bixiyeen soo celinta looxan” ayuu Rashid yidhi Axadda maanta ah mar uu ka hadlayay xaflad ka dhacday xarunta madaxtooyada Baqdaad oo looxan loogu wareejinayay madxafka qaranka. Laith Majid Hussein,oo ah maamulaha golaha waxyaabaha qadiimiga iyo dhaxalka ee Baqdaad ayaa sheegay in looxani uu gaaray Talyaaniga 1980-meeyadii ka dibna ay booliiska dalkaasi qabteen. Wasiirka dhaqanka ee Ciraaq Axmed Fakak al-Badrani ayaa sheegay in aysan caddeyn sida lagu soo helay sheygan muhiimka ah. “Waxaa laga yaabaa in la helay xillo la baarayay walxaha qadiimiga ah ama intii laga shaqeynayay biya xireenka Mosul,” oo ah kan ugu weyn ee Ciraaq oo la dhisay 1980-meeyadii, ayuu yiri. Dhulka Ciraaq ee Casriga ah waa xaruntii ilbaxnimo ee boqortooyinkii Sumerian, Akkadian, Babylonian (Baabil) iyo Assyrian (Ashuur), kuwaasi oo ah halkii uu ka bilowday qoraalka iyo magaalooyinkii ugu horreeyey ee dunida. Agabyada qaddiimiga ah ee Ciraaq ayaa bartilmaameed u noqday bililiqo korortay markii uu dalkaasi fowdada galay ka dib duullaankii Mareykanka ee 2003-dii. Madaxweynaha Ciraaq ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan in ay dib usoo celiyaan dhammaan waxyaabaha taariikhiga ah ee ka tarjumaya taariikhda Ciraaq ee dibadda ku maqan. “Waxa aan rabnaa in aan ka dhigno madxafka Ciraaq kan ugu wanaagsan dunida, waanna sii wadeyntaa in aan heerkaas gaarsiinno,” ayuu yidhi Source
  10. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo lagu sameeyay xilka-qaadais ayaa sheegay in arrintaan ay kala dhantaalayso howlgalladii ka socday gobolka Hiiraan bilihii lasoo dhaafay oo hormuud uu ahaa, waxaana inta uu socday kooxda Al-shabaab looga saaray deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle. Cali Jeyte ayaa xil ka qaadis tiisa ku tilmaamay mid loogu talagalay in lagu kala dhantaalo guulihii laga gaaray dagaalka ka dhanka ah ururka al-Shabaab, waxaana uu eed dusha uga tuuray madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, isaga oo carabka ku dhuftay sidoo kale in arrintaan ay kala fogeynayso dadka Hirshabeelle. Sidoo kale guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa ku goodiyay in hadda wixii ka dambeeyo uusan gobolka Hiiraan kasii mid ahaan doonin Hirshabeelle, arrintaan ayaa kusoo aadaysa xilli khilaaf xooggan uu ka dhashay xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo sanadkii 2021 loo magacaabay guddoomiye. Sikastaba ha ahaatee Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa hormuud ka ahaa howlgalka ka dhanka Al-shabaab oo inta badan looga saaray deegaannada gobolka Hiiraan, waxaana xilka laga qaaday xilli lagu waday in laga bilaabo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda galbeedka gobolka Hiiraan oo ay deegaanno kaga sugan yihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhimatay, halka ay 25 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, shil tareen oo ka dhacay qabalaha Ceel-baxay kaas oo ka tirsan degmada Shiniile ee gobolka Siti ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Shilkan ayaa yimi ka dib markii tareen ka yimi dalka Djibouti ay isku dhaceen, gaadhi nooca xamuulka ah oo ku sugnaa wadada tareenka. Source
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Nugaal ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in ciidamo kasoo horjeedo furista dastuurka Puntland ay isku fidiyeen qaybo horleh oo kamid ah gudaha magaaladaasi. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxaa hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Jaamac, kaas oo si weyn uga soo horjeedo qorshaha madaxweyne Deni. Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in ciidamadan ay dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen gudaha magaalada Garoowe, taas oo sii adkeysay xaaladda ka jirta halkaasi. Sidoo kale qaar kamid ah shacabka deegaanka ayaa isaga barakacat aagga xarunta Baarlamaanka, maadaama ay xoogeysatay cabsida laga qabo in dagaal uu dhaco. Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan la shaaciyay ajendaha rasmiga ah ee kalfadhiga 52-aad ee Baarlamanka Puntland, kaasi oo ay kasoo muuqdeen qodobo xasaasi ah. Ajendaha la shaaciyay ee kalfadhiga Golaha Wakiillada Puntland ayaa waxaa ugu muhiimsan qodob la xiriira go’aan ka gaarista doorashada madax-tinimada Puntland ee 2023/2024. Sidoo kale waxaa qeyb ka ah ajendahaan ka doodista xaaladda amniga Puntland, gaar ahaan amniga caasimadda Garoowe, oo muddooyinkii dambe ay kasoo cusboonaneysay xaaladdo amni darro. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa u muuqata inay faraha kasii baxayso, maadaama labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan Garoowe. Si kastaba, Puntland weli waxa aan xal laga gaarin qabashada doorashada golaha deegaanka Garoowe, Godobjiiraan iyo Dangorayo oo mucaaridka ay diiddan yihiin. The post Wararkii ugu dambeeyay xiisadda ka taagan GAROOWE appeared first on Caasimada Online.
  13. #Garoowe: Ciidamo la sheegay in ay ka amar qaataan Mucaaradka ayaa qabsaday Jidka sodonka iyago soo dhoobay hubka noocyadiisa Culus ,waxayna Tijaabo ahaan u ridayaan qoriga Suuga kaas oo la sheegay in ay ku ganayaan dhanka Madaxtooyada . Waxa ilaa xalay laga qaxayeey qaar ka mid ah Xaafadaha Magaalada Sida Wadajir oo ay ku taal Xarunta Baarlamaanka iyo Xaafada Halgan oo ah ahlka ay dhufayska ka dhigteen Ciidamada Mucaaradku. Warar hoose oo laga helayo Baarlamaanka ayaa sheegaya in dhawaan la furay Dastuurka Puntland. Qaran News
  14. Fadhiga Baarlamanka Puntland ayaa goor hore furmay saaka oo Isniin ah. “Waxaa maanta si rasmi ah u bilaabtay dhageysiga warbixinada Guddiyadda Golaha sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Baarlamanka. Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa hadda dhegaysanaya warbixinada guddiyada joogtada ah ee golaha. “Goluhu waxay dhegaysanayaan warbixinta iyo macluumaadka ay soo ururiyaan Guddiyadu muddo 3-cisho” ayuu sii raaciyay. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo saaka warbixino ka dhegaysanaya Guddiyada joogtada ah appeared first on Puntland Post.
  15. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta sameeyey xil ka qaadis iyo magacaabis, kadib wareegto uu ku soo saaray faafinta rasmiga ah. Wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilka looga qaaday qaar kamid ah masuuliyiintii gobollada Somaliland. Madaxweynaha ayaa wareegtadan xilka uga qaaday guddoomiyaha gobolka Hawd Axmed Yaasiin Maxamed Faarax iyo guddoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi Ducaale. Sidoo kale waxaa lagu magacaabay wareegtada guddoomiyeyaasha cusub ee gobollada Hawad iyo Saaxil, ayada oo guddoomiye ku-xigeenkii gobolka Gabiley loo beddelay guddoomiyaha gobolka Saaxil, sida lagu shaaciyay wareegtadaan. Hoos ka aqriso wareegtada madaxweynaha; Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Ku: Axmed Yaasiin Maxamed faarax Guddoomiyihii Gobolka Hawd. Ku: Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyihii Gobolka Saaxil. Sida aad la socotaan, xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba cidii hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii Guddoomiyeyaasha Gobolada Saaxil iyo Hawd. Waxaanan idinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka. Ujeeddo: Magacaabid Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; 1. In Ceeleeye Xuseen Aadan Xoosh laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland. 2. In aan Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdillaahi Faarax laga bilaabo taariikhda maanta u beddelo in uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland. 3. In Guuleed Cabdi Cabdillaahi Raage laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. The post Muuse Biixi oo sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis appeared first on Caasimada Online.
  16. Ugu yaraan 96 qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen dalka Hindiya, maalmihii la soo dhaafay, taas oo ay dhimashadaas sababtay, kulayl aad u daran oo ka jira qaybo badan oo dalkaas ah, sida ay xaqiijiyeen ma’suuliyiinta dalka Hindiya. Dhimashadan ayaa laga soo sheegayaa, labada gobol ee kala ah, Uttar Pradesh iyo Bihar. Masuuliyiinta ayaa uga digaya dadka deegaanka, in ay u baxaan debedda xilliga maalintii ah, waxayna kula talinayaan inay guryahooda ku sugnaadaan, maadaama laga yaabo in heer kulku uu kor u dhaafo 60 Celsius maalintii. Illaa 54 dhimasho ah oo laga diiwaangeliyey gobolka Uttar Pradesh ayaa la sheegay inay badankoodu ka soo jeedaan degmada Ballia, taas oo 300 KM u jirta caasimadda gobolkaas ee Lucknow. Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sheegaya in dadka ugu badan ee u geeriyooday kulaylka xad-dhaafka ah, in da’doodu ay ka sarayso illaa 60 jir. Mas’uuliyiintaa caafimaadka ee degaanka ayaa hakiyey dhammaan fasaxyadii la siin lahaa shaqaalaha caafimaadka, iyaga oo taakulayn dheeraad ah gaadhsiiyey goobaha caafimaadka ee ku yaalla degmada Ballia. PUNTLAND POST The post 96 qof oo kuleyl ugu dhintay dalka Hindiya appeared first on Puntland Post.
  17. Marka (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay tiro madaafiic ah lagu garaacay degaanka Golweyn oo hoostaga magaalo xeebeedka Marka ee xarunta gobolkaasi, waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Madaafiicda ayaa lagu eedeeyay inay soo tuureen ciidamada ATMIS oo fariisin ku leh duleedka degaankaasi oo 7 KM u jira magaalada Buulo-Mareer oo dhowaan weerar khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada Uganda ay ku qaadeen xoogaga kooxda Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda ay ku dhacday guryo ay dagan yihiin dad shacab ah, ayada oo duqeyntu dhacday xilli habeen ah oo dadka ay hurdayeen. Inta la xaqiijiyay waxaa dhacdadan ku dhintay nin oday ah oo lagu magacaabi jiray Axmadey Caliyow Cabdullaahi, halka ay ku dhaawacmeen 5 qof oo kale. Sidoo kale waxaa burbur uu soo gaaray guryo badan oo qaarkood la sheegay inuu dab ka kacay, taas oo sii adkeysay xaaladda. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in dibad-bax ka dhan ah ATMIS ay shacabka Golweyn ka dhigeen gudaha degaankaasi, si ay uga dhiidhiyaan dhibaatada ka dhalatay weerarka madaafiicda ah ee xalay saq dhexe ka dhacay halkaasi. Maalmo kaho ayay aheyd markii sidaan oo kale ciidamada ATMIS ay tiro madaafiic ah ugu garaaceen degaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaare soo gaaray qos daganaa gudaha degaankaasi. Sida uu sheegay mid kamid ah ehellada dadka waxyeelada soo gaartay waxaa guriga uu ku dhacay hoobiya ku dhaawacmay hooyo, aabe iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen. Ma’aha markii ugu horreyay oo ay ATMIS waxyeelo u geysato dad shacab ah, waxaana marar badan lasoo wariyay dhibaatooyin ay ciidamadooda ka geysteen Soomaaliya. Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa kusoo aadaya, xilli dhowaan magaalada Buulo Mareer lagu laayay ciidanka Uganda, kadib weerar culus oo ay ku qaadeen xoogaga Al-Shabaab. The post Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay madaafiic lagu garaacay degaanka Golweyn appeared first on Caasimada Online.
  18. Rochester (HOL) – The Somali American Social Service Association (SASSA) honoured dozens of Somali high school graduates on Sunday with a lively celebration that brought together education, culture, and community spirit. Source: Hiiraan Online
  19. Hargeisa (HOL) - In the midst of escalating tensions between the self-declared republic of Somaliland and Somalia's Federal Member State Puntland, President Muse Bihi Abdi of the self-declared Republic of Somaliland presided over a military graduation ceremony on Sunday in Hargeisa, the administrative hub of Somaliland. Source: Hiiraan Online
  20. Several General Service Unit (GSU) officers sustained injuries on Sunday after their vehicle ran over an explosive device at Mlima wa Faru in Lamu County. Source: Hiiraan Online
  21. The United Nations Population Fund (UNFPA) said Sunday it has collaborated with King Salman Humanitarian Aid and Relief Centre (KS Relief) to launch a project to enhance maternal and reproductive health for vulnerable and displacement-affected populations in Somalia. Source: Hiiraan Online
  22. As the African Union force in Somalia prepares to drawdown 2,000 troops at the end of June, the Somalia National Army faces its first major test when it assumes security responsibilities, with significant vast territory to defend as it takes up seven forward operating bases (FOBs) that the departing foreign forces will handover this month, starting June 15. Source: Hiiraan Online
  23. MOWQIFKEYGA WARQADDII SHALAY – W/Q: Cali Cabdi Wardheere ( Cali Yare) Aniga oo ka jawaab celinaya warqaddii ku taariikheysneeyd 17 Juun, waxaan u caddeeynayaa bulshada Soomaaliyeed, xisbiga Nabad iyo Nolol, Jamaahiirta, hey’adaha garsoorka dalka, guddiyada doorashooyinka iyo diiwaangelinta iyo cidkasta oo ay khuseyn karto oo uu soo gaaray dhawaaqaas, in aanay jirin go’aan aan si iskeey ah u gaaray oo aan la wadaagay hoggaaniyaheenna MD Maxamed C/llahi Farmaajo, kuna aaddan in aan xisbiga ka tagayo. Fajac ayuu igu noqday markaan arkay hadalka la sheegay in laga soo xigtay hoggaamiyaheenna oo tilmaamaya in aan anigu sidaas ka codsaday, waxaana aniga oo ixtiraam iyo qaddarin u haya Hogaamiyaha usoojeedinayaa, inuu bulshada Soomaaliyeed iyo Jamaahiirtaba u caddeeyo labada arrimood ee soo socota middood, maadaama Abdirashid warkiisa soo xigtay aan ku ogeyn afhayeen Madaxweyne hore balse aanu aheyn Afhayeenka magaca xisbiga ku hadla B- Haddii run tahay in arrinta hoggaamiyaha laga soo xigtay waxaan ka codsanayaa inuu bulshadda caddeynta jirintaankeeda iyo goorta aan ka tegid N&N dalbaday, halka aan uga dalbaday iyo habka aan ku dalbaday, [qoraal, maqal, muuqaal iwm] ama T- in uu bulshada u caddeeyo in laga been-abuurtay ee aanu waxba kala socon warqadda la sheegay in uu soo saaray. Taariikhda waa la maqlay qof is casilay iyo qof la casilay labadaba, lamase maqal qofaan iscasilin oo nool oo waliba qof jawaabta u sahlantahay oo lagu nabayo inuu iscasilay (waa haddii aad qortaye) Arrinka lagu sheegay inaan xisbi kale aadayo waxaan ka oranayaa, Ma jirto xisbi kale oo aan go’aansaday in aan ku biiro waxaanan ahay oday aan dhaqan u lahayn cosobsiga, Soomaaliduna aanay guurguuritaanka ku aqoon. Mabda’ayga, dhaqankeyga, qofnimadeyda iyo qadiyadda aan u taaganahay iyo loyal-nimadeyda ayaana taas ii diideysa. Sannadkii 2010 ilaa maanta, waxaan xooggeeyga iyo xeeladeyda iskugu geeyay sidii aan uga mirodhallin lahaa siyaasaddii iyo afkaartii TAYO/N&N ee uu Farmajo nagu horkacayay walina waxba iskama badalin mowqifkeygii. Ku dhaganaanta mowqifkeyga awgeed, waxaan ku soo mutay sooyaal nololeed oo xanuun badan, sida, halgan dheer oo halistiisa lahaa, guuldarrooyin tiro-dhaaf ah,, xabsi dheer, hagarjuun (harassment) iyo xorriyad la’aan, iyo arrimo kale dhexdeenna ahaa haddana aan halkan munaasab ku aheyn. Ka gungaaridda yoolkaas intii aan ku gudajiray, waxay koox kasta oo isku dayday ay ku guuldarreystay isku-day walba oo qof noole lagu leexin karay in aragtideeyda la iiga leexiyo, sida, dan gaar ah, mid reernimo, hanti adduun, mansab siyaasadeed, xorriyad-kaqaadis, cabsi gelin iyo cagajugleeyn iwm, taas oo aan bulshada dhexdeeda uga helay xurmo iyo xasaanad ii gaar ah. Waxaan taageerayaasha Nabad iyo Nolol ka raalli-gelinayaa qalbi-jabinta ay la kulmeen oo ay maleegeen qaar walaalaheen ah oo aan aragti ka heysan, dhibka aad nala soo marteen iyo himilooyinka aad filan karteen. Walaalayaal arrinkaas waan idinka ka raalli-gelinayaa cudurdaarna idinka siinayaa aniga oo afka aasaasayaasha ku hadlaya – mana aheyn mid aad naga mudneeydeen. Waxaanan idinkula dardaarmayaa inaad sii xoojisaan taageeradiinnii iyo midnimada dhexdiinna ah iyo udhago-nuglaanta hoggaamiyaheenna. Saaxiibadeeyda kale ee Nabad iyo Nolol waxaan leeyahay: Saaxiibayaal, waxa ay ummaddu naga sugeyso waa himilo ka miisaan culus waxa aad ku mashquulsan tihiin, haddii aan shalay dhaqankiinna gurracan awgii ku waynay labeentii bulshada iyo siyaasiyiintii saameeynta lahaa ee Soomaaliyeed, mar kale sabab ha u noqonina inaan wayno taageeradii shacabweynaha Soomaaliyeed (shanta Soomaaliyeed) oo ah awoodda aan ku tiirsannahay koox ahaan- hana suurtagalinnina in hoggaamiyaheenna noqdo mid siyaasiyiintii iyo shacabka labadaba go’doon ka ah oo cimrigiisa martinnimo carbeed iyo mugdi afkaareed ku idleeysta. Walaalkeen Farmaajo aan ugu miisno oo waqtigii uu olole kale ku sameeysan lahaa yaynaan kala adkaasho gudaheenna ah uga lumin markalana yaynaan sabab loo noqon guuldarradiisa laga maarmi karonoo fadlan kala miira cunfiga siyaassiga ah iyo cartanka kala cad-goosashada ku qotama ee dhaqanka idiin noqday. Haddii ay nasteexaddaas idinla qurxoonaato oo aad takfiirninada siyaasadeed ka soo laabataan, walaalaheey shalay naftu naga dhaxeysay ayaad sidii hore u tihiin, haddi ay nasteexaydeeydu idin idinla qurxoonaan weyso, xasuusnaada in RUNTU LAMA HURAAN NOQON DOONTO oo ay N&N asal iyo farac kala tahay – asalkana ay u sugnaatay awoodda milkiyadda. Ugu danbeyn Jamaahiirta; walaalayaal waan helay farriimihiinii tiro-beelka ahaa ee ay qaarkood qalbi-taabadka lahaayeen, waxaanan la ashqaraaray xurmadda aad ii heysaan oo xitaa kiinna iga fikir duwan uu ii muujinayo xurmada iyo qadarinta isaga/iyada oo taariikhdeyda ka xishoonaya iyo sida aad xisbigiinna u difaacateen, waana mid u dhiganta tan aan qabigeyga idiinkugu hayo. Runtii ma garan karo si aan idinkugu mahadnaqo, waxaanse taas baddelkeeda idinka ballan qaadayaa inaan sii labo jibbaaro meelmarinta himilooyinka Nabad iyo Nolol ee na mideeysay, oo aanan idiin qarin fashilin danbe oo lagu sameeynayo hoggaamiyaheenna suuban. Hoggaamiyaheenna isaga halkan waxba ka oran maayo, marbaan is iri armaad tiraa: – waa hadday xaashidu run noqotee – Madaxweyne, saaxiib, war Maxamed, soowtii aan 13 Sano ka hor wacad ku wada galnay inaan wadaniyadda (Patriotism) ka wada shaqeeyno oo aan midkeenna aannu reernimo qof kale hiil ugu noqon, saaxiiboow maxay tahay waxa aadan u diirin intii aan saaxiibadeenna kale ee ashraafta u badnaa oo ay nabiga CS is xigeen aan uleeynayay, oo hadda kulmiyay karka iyo kuleeylka ku gaaray markii aan saaxiibkeen Kulane xanjafiyay iyo xaanshida degdegga ah ee la leeyahay waxaa soo saaray saaxiibkaagii aad ku ballanteen wadaniyadda? Walba maxaadan ragga si siman ugu wada hiillin oo aad u kala laxa-jecleeysatay hadiiba aad go’aansatay inaadba saaxiib ila mid ah la kala dhimato? laakiin hadda, halkaan kaftankaas kama furna ee meel ka asturan iyo munaasabad kale oo ku habboon ayaan la eegan doonaa. Runtii waan karhayaa inaan saxaafadda kaaga jawaabo qiimaha aan kugu ogyahay iyo inaad madax ii tahay, xushmadda aan kuu hayo darteed, laakiin lama huraan ayay ila noqotay, maadaama adiga oo ila hadli kara aad saxaafadda farriintaada ii soo marisay. W/Q: Cali Cabdi Wardheere ( Cali Yare) The post Aqriso: Cali Yare oo laba mid ka dalbaday Farmaajo kadib markii laga saaray kooxdiisa appeared first on Caasimada Online.
  24. Earlier this month, Jubbaland President Ahmed Madobe appointed a new governor for the Gedo region which has been the epicentre of a multi-faceted political dispute. Source: Hiiraan Online