Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xildhibaanno ka tirsan Xisbiga KULMIYE, ayaa la sheegay in ay kulan la yeesheen Madax iyo Xildhibaanno ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, kaas oo lagaga wada hadlay arrimaha Golaha Wakiillada iyo tartanka loogu jiro Guddoomiyaha Golaha Wakiillada. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulankan oo ka qabsoomay mid ka mid ah Huteellada Hargeysa, hase yeeshee sida warar xogogaal ahi sheegeen Xildhibaannada Kulmiye ayaa u sheegay Xisbiga WADDANI in ay doonayaan in ay la dhistaan shirguddoonka Golaha Wakiillada gaar ahaan Guddoomiyaha haddii ay diyaar u yihiin weliba ay danaynayaan murrashax ka soo jeeda Deegaanka murrashaxa Xisbiga Waddani. Xildhibaannada may magacaabin Xildhibaanka ay doonayaan in ay dhistaan, balse waxa ay ka dhawaajiyeen in iyagu Kulmiye ahaan wadaan Xildhibaan Jaamac Dubbe oo Kulmiye uga soo baxay Gobolka Togdheer in ay ka dhigaan Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada. “Murrashaxii KULMIYE inoo keeneen ee ay yidhaahdeen dhisa Kan ayaanu dhisaynaaye oo Faratoon ma dhisayno ayaa halkan jooga. markaa marna in ay murrashax noo keenaan, markana dad soo faraan oo fagaarayaasha ka yidhaahdaan Faratoon doorta adeer isma qabato ee kala daaya ayaanu leedahay.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo u jawaabayey Maareeyaha Madbacadda qaranka oo madal Buug lagu soo bandhigayey kaga codsaday Xildhibaanno madasha iyo mucaaradka in ay dhisaan Xidhibaan Faratoon. Source
  2. Mintidiin xidhiidh la leh kooxda Daacish ayaa 37 arday oo u dhashay Uganda ku gubay galbeedka dalkaasi, waana weerarkii ugu xumaa ee muddo ka badan toban sano ka dhacay Uganda, sida ay Sabtida maanta ah sheegeen saraakiisha militariga iyo kuwa booliiska ee dalkaasi. Militariga ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan mintidiin ka tirsan kooxda Allied Democratic Forces (ADF) ka dib markii ay gelinkii danbe ee Jimcihii ka soo gudbeen xuduudda, ayna weerareen dugsi hoose oo ku yaalla Mpondwe oo ka tirsan degmada Kasese ee u dhow xadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo. Baarayaasha ayaa sheegay in qolalkii ay ardaydu jiifeen dab la qabadsiiyay, weerar bahalnimo ah oo ay ku eedeeyeen in ay ka danbeysay ADF, oo ah mid ka mid ah kooxaha gaysta dilalka ugu badan kana dagaalanta gudaha bariga Koongo. “Nasiib darro, 37 meyd ah ayaa la helay waxaana la geeyey qolka meydka ee isbitaalka Bwera,” ayuu afhayeenka ciidamada Uganda Felix Kulayigye ku sheegay qoraal uu soo saaray, isagoo ka hadlayay magaalo ku dhow halka uu weerarku ka dhacay. Waxa uu sheegay in siddeed qof ay ku dhaawacmeen weerarkan halka lix kalena ay kooxdii weerarka qaaday u afduubatay dhanka Beerta Qaranka ee Virunga, taasi oo ku taalla soohdinta Jmahuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo. “Ciidamada UPDF ayaa bilaabay inay baacsadaan dambiilayaasha si ay u soo badbaadiyaan ardayda ay afduubteen” ayuu yidhi. Guddoomiyaha deegaanka ee Kasese, Joe Walusimbi, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in ugu yaraan 25 ka mid ah dadka dhintay “la xaqiijiyay in ay arday ka ahaayeen iskuulka”. Weerarkan ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Uganda tan iyo 2010-kii oo laba qarax oo ka dhacay Kampala ay ku dhinteen 76 qof, weerarkaasi oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab. Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay guddi gaar ah oo warbixin ka soo diyaariya shaqaaqooyinkii ka dhacay magaalada Baraawe ee Caasimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Guddigaan ayaa ka kooban 10 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka, waxaana warqadda lagu magacaabay lagu cadeeyey waajibaadkooda shaqo. Labada qodob ee lagu xusay waajibaadka guddigaan ayaa kala ah: 1 – Inay warbixin ka soo diyaariyaan xaaladda magaalada Baraawe oo ay ka dhacday shaqaaqo sababtay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. 2 – Guddigaan waa inuu warbixinta u soo gudbiyo guddoomiyaha golaha shacabka, si go’aan looga gaaro. Sidoo kale xoghayaha guud ee golaha ayaa laga dalbaday inuu guddigaan la fududeeyo gudashada waajibaadka loo igmaday, waxayna shaqada guddigaan ku egtahay markii ay warbixinta u gudbiyaan guddoomiyaha golaha shacabka, sida lagu cadeeyey warqadda. Dagaal culus ayaa maalmo ka hor ka dhacay magaalada Baraawe, kaas oo u dhaxeeyey ciidamada militeriga ah ee degan magaaladaas iyo ciidan ka tirsan ilaalada madaxtooyada K/Galbeed oo dhawaan magaaladaas loo geeyey inay ilaaliyaan madaxtooyada maamulkaas ee Baraawe. Labada ciidan ee dagaalantay ayuu midba kan kale ku eedeeyey masuuliyadda dagaalka, waxayna taasi sababtay in guddoomiye Aadan Madoobe uu guddi xildhibaano ah u xil-saaro baaritaanka sidii ay ku bilaabayay shaqaaqadaas. Hoos ka aqriso warqadda The post Aadan Madoobe oo faro-geliyey dagaalka Baraawe, qaadayna tallaabo culus appeared first on Caasimada Online.
  4. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay guddi gaar ah oo warbixin ka soo diyaariya shaqaaqooyinkii ka dhacay magaalada Baraawe ee Caasimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo khasaare badan dhalisay, kadib markii ay ku dagaalameen laba ciidan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. MINNEAPOLIS -- Police say five people are dead after a speeding driver hit another vehicle in south Minneapolis Friday night. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa cambaarayn u jeediyey duqayn dhinaca cirka ah oo ay diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya xalay u geysteen Xafiisyada Shirkadda Hormuud ee magaalada Saakoow ee bartama dawlad-goboleedka Jubaland. Wasiirka, oo ka soo jeeda xilal dhawr ahna horay uga soo qabtay Jubaland, ayaa si kulul u cambaareeyey duqaymahaas. Hadal qoraal ah oo uu wasiirku soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ayaa u qornaa sidan:- Xalay saqdii dhexe 11:00 habeenimo Xafiisyada Hormuud Telecom ay ku leedahay magaalada Saakow ee dowlad goboleedka aan ka soo jeedo ayaa waxaa ka dhacay weerar dhanka cirka ah oo lagu dilay labo haween oo waayeel ah oo ku sugnaa guri ku dhowaa Xafiisyada Hormuud. Duqaytaa dhinaca cirka ah waxaa lagu burburiyey xafiisyadii iyo taallooyinkii war-laliska ee Shirkadda, waxaana sidaa hawada uga baxay telefoonnadii Hormuud oo ay dadka degaanku intooda badan isticmaalaan. Saaka ayay misna Khawaarijta magaalada ka arrimisa ka horjoogsatay farsamayaqaannada Hormuud in ay dib u soo celiyaan ateenadii, taasi oo keentay in kumanaan qoys oo ku xiriiri jirey Hormuud kuna dukaamaysan jirey adeegga EVC+ ay noqdaan kuwo kala go’an, gacan maran, aan dawo iyo cunto iibsan karin oo ay xaaladdoodii cakirnayd sii cakirantay. Haddaba, in Hormuud lala beegsado duullaan xagga cirka ah (ma ahan markii ugu horreysay) waa micne-darro, dacati iyo weliba wax-dhin ka dhan ah la dagaallanka iyo wiiqidda argaggixisada Al-Shabaab. 1- Micne-darro: Ma jiro argagixiso baxsad ah oo seexda xafiisyo isgaarsiineed oo si weyn loo yaqaan (iyo xafiis kale toona.) 2- Dacati: Hormuud kaliya ma ahan shirkad isgaarsiineed, balse dadkayga waxay u tahay tahay Bangi, Isbitaal, Farmashiye iyo Suuq-cunto, maxaa yeelay inta badan dhammaan lacagahooda waxaa lagu keydiyaa oo laga isticmaalaa EVC+. 3- Wax-dhin: ka sokow naxariis-darrada iyo aan loo baahnayn, carada iyo saboolnimada xad-dhaafka ah waxaa la caddeeyey inay sii kordhiyaan dadka ku biiraysa argaggixisada. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa cid kasta oo ka danbeysa duullaannada noocaan ah in ay joojiyaan kana waantoobaan maadaama falalkan aysan ahayn keliya kuwo ka baxsan bini’aadanninada balse ay yihiin kuwo ciidanka u kordhin kara argaggixisada aynu dhamaanteen dagaalka kula jirno. The post Wasiir Aw-Xirsi oo si kulul u cambaareeyey weerar ay diyaaradaha Kenya ka gaysteen Saakoow appeared first on Caasimada Online.
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysnaya loolanka ay mucaaradka iyo xukuumadda ugu jiraan xilkii uu dhawaan iska casilay Cabdirisaaq Khaliif ee guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland. Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Xasan Muxumed Buuni oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay in xisbul xaakimka uu doonayo in jagadaas uu qabto Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo reer Sool ah. Afhayeen Buuni ayaa waxa uu ku eedeeyay gaar ahaan xisbiga Waddani oo iyagana olole xooggan ugu jira in Xildhibaan taabacsan loo doorto guddoomiyaha Golaha Wakiillada in uu isticmaalayo guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed. Qorshaha mucaaradka ee xilkaan uu baneeyay Khaliif ku tilmaamay mid looga dan leeyahay in qof reer Sool ahi aanu kursiga guddoomiyaha ugaga danbayn Cabdirisaaq Khaliif oo dhawaan sheegay inuu la dareen yahay dadka deegaankiisa ee SSC, oo ay ciidamada Somaliland isku hor fadhiyaan magaalada Laascaanood. “Iyaga (Waddani) oo aan taa hore iska bari yeelin, waxaanu ognahay maanta in ay sii wadaan fariimo uu isagii soo dirayo, oo ah bulshadii aan kasoo jeeday in aanay kursiga iiga danbayn ayuu maantana ku bixinaya juhdi, isaga oo wakiilo u yihiin kuwo halkaan nala jooga,” ayuu yiri Afhayeenka xisbul xaakimka Kulmiye. Waxa uu intaas ku sii daray “Dadka deegaanka Sool iyo Sanaag kasoo jeeda ayaa kursigan matalaadisa iska leh,” isaga oo ganafka ku dhuftay in kursiga guddoomiyaha ay isku taagaan Xildhibaanada kale ee kasoo jeeda gobollada kale ee Somaliland. Si kastaba, arrintaan ayaa banaanka usoo saaraysa qorshaha xukuumada Somaliland ee kursiga guddoomiyaha Golaha Wakiillada, iyada oo kursiga guddoomiyaha la rabta Prof Faratoon, oo markii hore Mudane Khaliif kula tartamay kursiga guddoomiyaha golaha, xilligaas oo tartanka looga adkaaday. The post Wararkii ugu dambeeyay loolanka xilkii uu iska casilay Cabdirisaaq Khaliif Axmed appeared first on Caasimada Online.
  8. A man from Xewkija who had punched a drunk Somali man, before throwing him into the sea at Mġarr Harbour, has been jailed for two years. Source: Hiiraan Online
  9. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta tababar u furay Macallimiinta cusub ee 3,000 ah ee dhowaan dowladda Soomaaliya ay qaadatay, kuwaasi oo shaqo geli doona bisha Sebtember ee sanadkan. Munaasabadda oo ka dhacday Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee General Kaahiye, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu kula dardaarmay macallimiinta in ay noqdaan kuwo soo saara arday tayo leh oo waxbarashadiisu sugan tahay, isla markaana ay noqdaan kuwo ka soo dhalaala howsha loo xilsaaray ee ah waxbaridda iyo barbaarinta ubadka Soomaaliyeed. Mudane Xamsa ayaa sheegay in Waxbarashadu ay qeyb muhiim ah ka qaadato horumarka dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Waxuuna ku booriyay macallimiinta in ay soo saaraan, arday muslim ah oo aan is qarxineyn, Soomaali ah, qabyaalad aqoon, tuug ahayn, aqoon leh, oo caalamkana la falgali kara. Xukuumadda DanQaran ayuu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in iyadoon sannad jirin ay ku guuleysatay shaqaaleysiinta 23-kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo isugu jira Ciidan iyo Shaqaale. “In qarashka dowladda lagu daro macallimiin gaaraysa 3,000 waxay ahayd arrin adag, Xukuumadda DanQaran iyadoon sannad joogin waxay ku guuleysatay shaqaaleysiinta 23 kun oo Soomaali ah, isuguna jira, 20 kun oo ciidan ah oo kala wareegi doona amniga dalka ATMIS dhammaadka 2024 iyo 3kun oo Macallin”. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa mar kale ku celiyey in la banneeyo goobaha waxbarashada ee ay deggan yihiin shacabka, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, sida ay ahmiyadda u siineyso kor u qaadidda tayada waxbarashada dalka, waxuuna ku adkeeyey in ay sii xoojiyaan dadaalkooda muhiim ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Deni oo Xilkii ka qaaday Wasiirkii ugu Tunka weynaa Xukumadiisa & Ku–xigeenkiisii Madaxweyne Deni ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Amniga, Cabdisamad Gallan iyo Wasiir ku-xigeenkii Arrimaha Gudaha, Cabdiweli Mire Xirsi, lama sheegin sabab iyo cid lagu beddeley toona. Halkan ka Daawo Wasiir Gallan siduu u hadli jiray Qaran News
  11. Over the past decade, fintech has revolutionized the way we think about money transfer and finance. In Somalia, where traditional banking are confined to major cities, fintech has played a particularly important role in enabling financial inclusion and promoting economic growth. Somalia is widely regarded as a hub for remittances, with an estimated 2 million Somalis living abroad and sending money back to their families and communities., For many years, the country lacked a reliable and efficient system for transferring money. Traditional banks were few and far between, and those that did exist were often confined to big cities, and very in efficient. As a result, many Somalis turned to informal methods of money transfer, such as hawala networks, which were often risky and unreliable. Fintech has helped to change this situation, by providing secure and efficient methods for transferring money across borders. Companies like Hormuud have developed innovative mobile money platforms that allow Somalis to send and receive money using their phones, without the need for a traditional bank account. These platforms have become hugely popular in Somalia, and have helped to promote financial inclusion and economic growth. But fintech has not just transformed money transfer in Somalia – it has also revolutionized the way we think about finance more broadly. Through digital lending platforms, Somalis can now access credit more easily than ever before, without the need for collateral or a lengthy application process. This has given small businesses and entrepreneurs the opportunity to grow and expand, which in turn has helped to drive economic development in the country. However, fintech is not without its challenges. As the industry continues to grow, there is a need for robust regulation and oversight to ensure that consumers are protected and that the financial system remains stable and secure. There is a need for continued investment in digital infrastructure and education, to ensure that all Somalis have access to the tools and resources they need to participate in the digital economy. The fintech companies like Hormuud have played a crucial role in promoting financial inclusion and economic growth in Somalia. By providing reliable and efficient methods for transferring money and accessing credit, Fintech has helped to create opportunities for millions of Somalis, and has paved the way for a more prosperous and connected future. Indeed, Hormuud Telecom has played a vital role in providing a lifeline for Somalis, particularly in remote and underserved areas. Through its mobile money platform, EVC Plus, Hormuud has enabled millions of Somalis to access financial services and participate in the digital economy. However, the lack of a strong and stable government in Somalia has posed significant challenges for the fintech industry, particularly in terms of cybersecurity. Without proper National ID based on the latest biometric technology and oversight, fintech companies may struggle to comply with the stringent Know Your Customer (KYC) regulations. It’s worth noting Hormuud EVC Plus, a mobile money service, uses biometric phone identification to prevent theft and robbery. Biometric data, such as fingerprints, makes it harder for a burglar to steal money. This technology secures mobile transactions by allowing only the phone and account owner to access funds. Biometric identification reduces theft and robbery, making Hormuud EVC Plus a safe and dependable mobile money service. To address this issue, fintech companies & Federal Government in Somalia must work together to provide biometric based nation ID while investing in robust cybersecurity measures and work closely with the other stakeholders to develop effective policies and regulations. This may include measures such as encryption, multi-factor authentication, and regular security audits and testing. The success of the fintech industry in Somalia will depend on the Government ‘s ability to build trust and confidence among customers and stakeholders, by prioritizing compliance and regulations such as KYC (know your customer) and AML (anti-money laundering) and working collaboratively to address the challenges they face. It’s without a doubt that fintech companies can help to create a more secure and prosperous future for all Somalis. Ismail D. Osman: Former Deputy Director of Somalia National Intelligence & Security Agency (NISA) – Writes in Somalia, Horn of Africa Security and Geopolitical focusing on governance and security. You can reach him osmando@gmail.com @osmando The post Fintech’s crucial role in Somalia: Overcoming challenges and empowering communities appeared first on Caasimada Online.
  12. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay oo gaaray magaalada Kismaayo. Madaxweynaha oo ay wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka koobaad Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo masuuliyiinta Madaxtooyada ayaa Wakiilka Qaramada Midoobay la yeeshay wada hadalo miro dhal ah oo la xiriira xaalada guud ee dalka. Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha amniga iyo bilowga Wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada oo diyaar garoowgiisu uu maraya meel gabo gabo ah, xasilinta deegaanada la xoreeyay iyo gaarsiintaa gargaarka dadka ku tabaaloobay masiibooyinka dabiciiga ah iyo isbadalka cimilada aduunka. Waxaa kale oo laga hadlay heshiiska madasha wadatashiga qaranka ee dalka loogu jiheeyay Doorashooyin dadweyne Sanadka soo socda iyo tageerada beesha Caalamka ee dhinacyada kala duwan. Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Madaxweynaha uga mahad celisay soo dhawaynta diiran ee ay kala kulantay Dowlada Jubaland iyadoo sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay timaado Jubaland oo ay ugu danbaysay sanadkii 1992dii isla markana ay ku aragtay isbadalo badan oo dhinaca hormarka. Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa u mahad celiyay Danjire Catriona Laing iyo wafdigeeda booqashada ku yimid Jubaland isagoo xusay in wada hadalo miro dhal ah ay ka yeesheen dhinacyo badan. Madaxweynahu wuxuu sheegay in dagaalka Al-Shabaab Wajiga labaad si fiican loogu diyaar garoobayo isla Markana dhawaan uu bilaabanayo. Madaxweynahu wuxuu xusay in loo baahan yahay in xasilinta deegaannada la xoreeyay ahmiyad gaar ah la siiyo si adeegyada aas aasiga ah loo gaarsiiyo dadka halkaas ku nool. Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xaalada gobolka Gedo ay Jubaland diyaar u tahay in wixii kala aragti duwanaan siyaasadeed lagu dhameeyo wada hadal balse uuna jirin khilaaf u dhexeeya dadka Deegaanka iyo Dowlada Jubaland dadkuna ay soo dhaweeyeen maamulkii dhawaan la magacaabay isla markana caqabada gobolka ay salka ku hayso dhibaatada uu abuuray rajiimkii hore. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in muddada sanadka ah ee ay jirtay shaqaaleysiisay dhalinyaro gaareysa illaa 23 kun, sidaasna waxaa sheegay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare oo maanta tababar u furay macallimiinta cusub ee 3,000 ah ee dhowaan dowladda Soomaaliya ay qaadatay, kuwaasi oo shaqo geli doona bisha Sebtember ee sanadkan 2023-ka. Ra’iisul wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee General Kaahiye, ayaa dardaaran u jeediyay Macallimiinta, isaga oo ka codsaday in ay noqdaan kuwo ka soo dhalaala howsha loo xilsaaray ee ah waxbaridda iyo barbaarinta ubadka Soomaaliyeed. Xamza ayaa sheegay in waxbarashadu ay qeyb muhiim ah ka qaadato horumarka dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. W Waxaa kale oo ku booriyay macallimiinta in ay soo saaraan, arday muslim ah oo aan is qarxineyn, Soomaali ah, qabyaalad aqoon, tuug ahayn, aqoon leh, oo caalamkana la falgali kara. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray ra’iisul wasaaruhu in xukuumadiisa iyadoon sannad jirin ay ku guuleysatay shaqaaleysiinta 23-kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo isugu jira ciidan iyo shaqaale. “In qarashka dowladda lagu daro macallimiin gaaraysa 3,000 waxay ahayd arrin adag, Xukuumadda DanQaran iyadoon sannad joogin waxay ku guuleysatay shaqaaleysiinta 23 kun oo Soomaali ah, isuguna jira, 20 kun oo ciidan ah oo kala wareegi doona amniga dalka ATMIS dhammaadka 2024 iyo 3kun oo Macallin”. ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu. Wuxuu mar kale ku celiyey digniintiisa ku aadan in la banneeyo dhammaan goobaha waxbarashada ee ay deggan yihiin shacabka, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed. Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, sida ay ahmiyadda u siineyso kor u qaadidda tayada waxbarashada dalka, waxuuna ku adkeeyey in ay sii xoojiyaan dadaalkooda muhiim ah. The post DF oo shaqaaleysiisay 23 kun oo dhalinyaro ah + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  14. Garowe (HOL) - Puntland regional state President, Said Abdullahi Deni, fired Security Minister Abdisamad Mohamed Gallan and Deputy Minister of Internal Affairs, Abdiweli Hirsi Mire, citing underperformance. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka SMS Somali Tv ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda gobolka Gedo. Doodishe ayaa si lama filaan ah uga hadlay arrinta Gedo, isaga oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan xiisadda weli ka jirta gobolkaas ee u dhexeyso reer Gedo iyo Axmed Madoobe. Wasiirka ayaa marka hore shaaca ka qaaday in arrinta Gedo aysan aheyn wax cusub, isla-markaana ay muddo dheer soo jiitameysay, taas oo ah dhibaato weli jirta. “Xiisadda gobolka Gedo waxa cusub ma’aha muddo ayay soo jiitameysay Jubbaland dhismaheeda ayay kasoo bilaabatay culeyso ayaana imaanayay mar kasta,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xiisaddan ay salka ku heyso dhismaha Jubbaland, isaga oo xusay in sababteedana ay tahay doorashadii ugu dambeysay ee Axmed Madoobe. Wasiir Doodishe ayaa si cad u sheegay inuu taageersan yahay reer Gedo, isla-markaana uu ku rabitaan yahay, sida uu ku sheegay wareysiga uu bixiyay. “Gobolka Gedo waa lagu diriray, waxaa loogu dirirayna waa Doorasho sababteed, sidii 2019-kii uu bannaanka u taagnaa ayuu bannaanka u tagnaanayaa illaa doorasho intay dhacdo Axmed Madoobe uu meesha ka tago, laakiin intaan dadkii u tago oran maayo maxaad rabtaan?, waan ogahay waxa ay rabaan, waxa ay rabaana waa waxa annigu rabo.” ayuu mar kale wareysigan ku yiri wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya. Waxaa kale oo uu kasoo horjeestay maamulka cusub ee Axmed Madoobe u magacaabay gobolka Gedo, isaga oo sheegay in xiisadda uu sii huriyay, maadaama isla markii uu weerar ka dhacay magaalada Garbahaarey, kaas oo lagu qaaday guriga Ugaas caan ka ah Gedo. Ugu dambeyn wuxuu u jawaabay madaxweyne Saciid Deni oo Khamiistii ka hadlay arrinta gobolka Gedo, isaga kusoo daray khudbad uu u jeediyay baarlamanaanka Puntland. “Shalay DF oo taageeraysa Gedo ayuu gacan siinayay Jubbaland oo madaxweynaha Dawladda Federaalka ayuu kula loolamayay arrinta Gedo” ayuu kusoo gabagabeeyay. The post Doodishe oo si lama filaan ah uga hadlay arrinta GEDO appeared first on Caasimada Online.
  16. Shan hablood oo Soomaali ah ayaa ku geeriyooday shil Gaari oo ka dhacay dalka Maraykanka, shilkaan ayaa yimid kadib markii gaari uu kusoo bareeg goostay goob ay isugu yimaadaan dadka Soomaaliyeed. Shilkan ayaa ka dhacay magaaladda Minneapolis gaar ahaan agagaarka suuqa Karmel Mall,halkan ayaa ah goob ay isugu yimaadaan dadka Soomaaliyeed. Hablaha geeriyooday ayaa 3 ka mid ahi ahaayeen isku qoys,hablaha ayaa suuqa ka adeeganayey iyagoo isu diyaarinayey munaasabad qalin jabin. Shilkan ayaa waxa sababay nin la sheegay inuu la soo baxsaday Gaari ka dib markii uu Gaarigiisa xagga qaybta dambe kaga dhuftay Gaari hablaha wateen. Ciidanka Booliiska ayaa la sheegayaa in ay gacanta kusoo dhigeen Eedaysanaha geystay shilkan, kaas oo ahaa wadaha gaarigii shilka geystay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Pilgrims will travel from Makkah to Madinah on camel backs In the past, the pilgrims would travel on camel’s back to Madinah. The Ministry of Hajj and Umrah is keen to provide the same opportunity to the pilgrims. 27 points have been set up along the Hijra road, including hotels, rest houses, museums, and more. The Route of Prophet Muhammad The organizers of “Rihlat Muhajir” have announced that the first phase of the initiative to document the path of Prophet Muhammad ﷺ emigration has been completed. The pilgrims would be able to travel on a camel by the same route which was undertaken by Prophet Muhammad ﷺ during migration in 622 AD. The starting point of the Journey The pilgrims would be able to initiate their journey from Thor Cave, which is a cave on the Mount of Thor. It is the very Mountain where Prophet Muhammad ﷺ along with Abu Bakr رَضِيَ ٱللَّٰهُ عَنْهُ hid for 3 days before starting their journey towards Madinah (at that time famously known as Yathrib). The first stop – Umm Maabad The pilgrims would get the opportunity to stop next at the very location where the tent of Umm Maabad was located and from where prophet Muhammad ﷺ drank the milk of her sheep. Meeting point with Suraqa Bin Malik The pilgrims, in the form of caravans, will then go through the very place where Prophet Muhammad ﷺ encountered Suraqa Bin Malik. Suraqa hoped to win the reward that the Quraish had placed on the Prophet’s head. He was able to locate Prophet Muhammad ﷺ but unable to even place a scratch on the Prophet Muhammad ﷺ. Thaniyat Al-Wada The caravan will then reach the place where they tumbled down. The camel then took the route that was short and was defined to the Prophet by the Bedouin guide named Masoud Al-Aslami. The caravan will finally stop at the Thaniyat Al-Wada. According to the ministry, camel rides are not the “only option.” Pilgrims would also be given the option of 4-wheel drive vehicles, fire balloons, and motorbikes. Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay kooxda Nabad iyo Nolol oo ah taageerayaasha madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa lagu sheegay inuu xisbiga isaga baxay siyaasiga caanka ee Cali Yare Cali oo horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir. Warkan oo uu soo saaray Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ah afhayeenkii hore ee madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Cali Yare uu is kiis uga baxay Nabad iyo Nolol, isla-markaana uu ku biiray dhinacyada kale ee siyaasadeed. “Waxaan cid walba oo ay khusayso la wadaagaynaa in Mudane Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) uu waqti hore go’aan isaga ka soo fuley oo uu si iskiis ah u go’aansaday in uu ka baxo Nabad iyo Nolol, go’aankaasna uu mar hore la wadaagay hoggaanka Nabad iyo Nolol, wuxuuna doortay in uu la shaqeeyo dhinacyo kale oo siyaasadeed” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxa ay Nabad iyo Nolol shaaca ka qaaday in wararka uu haatan baahiyo Cali Yarey aysan quseyn kooxdooda, isla-markaana ay tahay afkaar isaga gaar u ah. “Sidaas darteed waxaan cid walba u xaqiijinaynaa in afkaarta uu la wadaago dadweynaha ay yihiin kuwo isaga u gaar ah oo wixii hada ka danbeeya aysan ahayn fikrado lagu matalo Nabad iyo Nolol,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka Nabad iyo Nolol. Qoraalka ayaa gabagabadii lagu shaaciyay farriin uu taageerayaashiisa u diray madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Farmaajo, taas oo lagu sheegay in ka shaqeeyaan midnimada iyo wadaniyadda. “Ugu danbayn, waxa uu hoggaamiyaha Nabad iyo Nolol Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u mahad celinayaa dhammaan taageerayaasha Nabad iyo Nolol oo marwalba heegan u ah in ay adkeeyaan mabaadida aan u taaganahay ee ay ugu horayso wadaniyadda (Patriotism), isaga oo ku dhiiri galiyey in ay marwalba adkeeyaan midnimadooda” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka Nabad iyo Nolol. Muddooyinkii u dambeeyay Cali Yare Cali ayaa qoraallo xasaasi ah ku baahinayay baraha bulshada wuxuu qaarkood si toos ah ugu weeraray xubno kamid ah Nabad iyo Nolol, sida Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis oo uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen guul-darrada doorashii u dambeysay kasoo gaartay madaxweyne Maxamed Farmaajo. The post Afhayeenka Farmaajo oo ku dhowaaqay inay kala tageen Cali Yare iyo Nabad iyo Nolol appeared first on Caasimada Online.
  19. Garoowe: 17 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26, 17 June 2023, Kuna saabsan xil ka qaadis. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu arkay: Xil gudasha la’aantooda Wuxuu xeeriyey: Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay: 1. Cabdisamad Maxamed Galan, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland. 2. Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeeynta Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. DHAMMAAD The post Madaxweynaha Puntland oo xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Amniga iyo Wasiir ku xigeenkii Arrimaha gudaha appeared first on Puntland Post.
  20. Soomaaliya ayaa noqotey dalka todobaad ee ugu saboolsan dunida, iyada oo dakhliga qofka Soomaaliga maalintii yahay $1.5 doollar, sida laga soo xigtey IMF. Qaran News
  21. Meherad la yidhaahdo Gala Dagaalka! Qaran News
  22. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo goordhow soo saaray digreeto ayaa xilka qaadis ku saameeyay laba wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddiisa, sababo la xirira xil gudasho la’aan. Wasiirada xilka laga qaaday waxaa kamid ah Cabdisamad Maxamed Galan oo ahaa wasiirka amniga gudaha Puntland, kaas oo muddo dheer la shaqeynayay madaxweyne Saciid Deni. Qoraal ka soo baxay Xafiisk Saciid Deni ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26, 17 June 2023, Kuna saabsan xil ka qaadis.” “Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay: Cabdisamad Maxamed Galan, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland,” ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni Sidoo kale waxaa xilka laga qaaday wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeeynta Puntland Cabdiweli Mire Xirsi, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday madaxtooyada maamulkaasi. Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo dhowaan xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan baarlamaanka Puntland lagu weeraray bartamaha magaalada Garoowe, taas oo loo sababeynayo xilka qaadista maanta lagu sameeyay wasiir Galan iyo Cabdiweli Mire Xiirsi. Si kastaba Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashooyinka qof iyo codka ah ee maamulkaas, gaar ahaan kuwa gobolka Nugaal. Halkan hoose ka aqriso wareegtada oo dhammeystiran:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26, 17 June 2023, Kuna saabsan xil ka qaadis. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu arkay: Xil gudasha la’aantooda Wuxuu xeeriyey: Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay: Cabdisamad Maxamed Galan, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland. Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeeynta Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND The post Saciid Deni oo xilka qaadis ku sameeyay 2 wasiir + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  23. Maayirkii Degmada Xudun oo qayb ka ahaa Shirkii Maayirada Somaliland ee Burco kusoo xidhmay khamiistii doraad ayaa maanta isu dhiibay Ciidamo ku sugan Degmada Xudun oo kasoo horjeeda Somaliland. Source