-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa maanta shaaciyay in Xeer Ilaalinta Qaranka uu ku wareejiyay warbixin baariseed fatash ah oo Hanti-dhawrka ku sameeyay saddex waaxood oo ku jirto Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Waaxyadan uu baarista ku sameeyay Hanti-dhawrku ayaa kala ah; Waaxda bixinta ruqsadda shaqada ee shaqaalaha shisheeyaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada (MOLSA Work permit department), Waaxda kordhinta dal ku joogga shisheeyaha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (IND Visa Extension), Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Wasaaradda Maaliyadda, Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Bankiga Dhexe Soomaaliya iyo Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud. Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka ayaa shaaciyay in baaristan ay ku caddaatay in khasnada dowladda laga waayay lacag gaaraysa 21 Milyan oo dollar intii u dhexeysay (08 March 2018) ilaa (19 April 2023). “Baarista Fatashka ah ee Xafiiska Hantidhawrku ku sameeyey hay’adahan ayaa dabooleysa intii u dhexeysay 08 March 2018 ilaa 19 April 2023. Waxaana ku lug leh dad isugu jira madax iyo shaqaale dowladeed iyo dad shacab ah oo xiriir wadashaqeyneed la leh hay’daha dowladda ee Baaristu khuseyso” Ujeeddada baaristan fatashka ah ee Hanti-dhawrka ayuu ku sheegay inay tahay oo keli ah ka hortagga musuqa, wax is daba-marinta iyo ku takrifalka dakhliga yar ee dowladda Soomaaliya ka soo gala ilaheeda dhaqaalaha, ayna jirin habayaraatee cid, koox iyo qof gaar ah oo uu lid ku yahay ololahan la-dagaallanka musuqa iyo lunsiga dakhliga dowladda Soomaaliya. Hoos ka aqriso qoraalka Hanti-dhawrka oo dhameystiran; Xafiiska Hantidhawrka guud ee Qaranka ayaa ku wareejiyay Xafiiska Xeer- ilaaliyaha guud ee Qaranka Warbixin Baariseed Fatash ah (Forensic Audit Report) oo Xafiiska Hantidhawrku ku sameeyay Waaxda bixinta ruqsadda shaqada ee shaqaalaha shisheeyaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada (MOLSA Work permit department), Waaxda kordhinta dal ku joogga shisheeyaha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (IND Visa Extension), Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Wasaaradda Maaliyadda, Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Bankiga Dhexe Soomaaliya iyo Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud. Warbixin baariseedkan fatashka ah ee Xafiiska Hantidhawrku ku wareejiyey Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa muujisay in khasnadda dhexe ee dowladda Soomaaliya uu ka maqan yahay dakhli ay xafiisyadaasi soosaareen oo gaaray 21 Milyan oo dollar intii u dhexeysay 08 March 2018 ilaa 19 April 2023, taas oo ku maqan mas’uuliyadda iyo maamulka Xafiisyada bixiya adeegyada kordhinta fiisaha iyo ruqsadda shaqada oo kala raacsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada iyo Hay’adda Scodaalka iyo Jinsiyadda iyo sidoo kale Xafiisyada qabashada dakhliga, xisaabinta iyo xaraynta dakhliga oo kala raacsan Wasaaradda Maaliyadda, Xafiiska Xisaabiyaha guud iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya. Baarista Fatashka ah ee Xafiiska Hantidhawrku ku sameeyey hay’adahan ayaa dabooleysa intii u dhexeysay 08 March 2018 ilaa 19 April 2023. Waxaana ku lug leh dad isugu jira madax iyo shaqaale dowladeed iyo dad shacab ah oo xiriir wadashaqeyneed la leh hay’daha dowladda ee Baaristu khuseyso. Hay’adaha qaabilsan hufnaanta iyo dhaqan-gelinta sharciga ee dowladda Soomaaliya waxa ay wadaan olole lagula dagaalayo musuqa iyo wax- isdamarinta oo sabab u ah gaabiska iyo caajiska miisaaniyadda dalka. Hay’adahan oo ka ambaqaadaya waajibkooda shaqo waxa ay ugu baaqayaan dhammaan madaxda iyo shaqaalaha ka shaqeeya ilaha dakhliga dowladda Soomaaliya in ay muujiyaan mas’uuliyad iyo feejignaan dheeri ah ayna xilkooda u gutaan sida ugu habboon. Sidoo kale Hay’adaha qaabilsan hufnaanta, ilaalinta iyo dhaqangelinta sharciga ee dowladda Soomaaliya waxa ay Dadweynaha Soomaaliyeed ka codsanayaan in dowladda lagu taageero laguna garab-istaago dagaallada ka dhanka ah musuqa iyo Khawaarijta Alshabaab. La dagaallanka musuq-maasuqa iyo Khawaarijta Alshabaab waa qorshe qaran oo qof walba oo Soomaali ah ay ku jirto dantiisa maanta iyo mustaqbalka carruurtiisa. Ujeeddada baaristan Fatashka ah oo keli ah waa kahortagga musuqa, wax is daba-marinta iyo ku takrifalka dakhliga yar ee dowladda Soomaaliya ka soo gala ilaheeda dhaqaalaha, mana jirto habayaraatee cid, koox iyo qof gaar ah oo uu lid ku yahay ololahan la dagaallanka musuqa iyo lunsiga dakhliga dowladda Soomaaliya. DHAMMAAD The post DEG DEG: Hanti-dhowrka Qaranka oo shaaciyay in khasnada DF laga waayey $21 milyan appeared first on Caasimada Online.
-
Multiple casualties are feared after two huge bomb blasts rocked Somalia’s southwestern town of Bardhere in the Gedo region on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Saylac Masjidka la yidhaahdo Qiblataynka Ee ku yaala Saylac, waa md ka mida Masjidada ugu faca weyn Afrika iyo dunida Muslimka. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa inuu dalka ka baxsaday Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul), kaas oo kamid noqday madax lagu soo eedeyay kiis musuq-maasuq ah. Cabdul ayaa waxaa haatan baaris ku hayay hay’adaha amniga dowladda, kadib markii ay Xeer Ilaalinyta Qaranka usoo jeedisay eed ku aadan xatooyo xoolo dadweyne. Kahor inta aan la soo qaban, isla-markaana loo geyn waarankii lagu soo xiri lahaa ayaa la sheegay inuu dalka isaga cararay agaasimuhu, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Agaasime Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) uu Talaadadii shalay ka dhoofay gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, mana cadda halka uu u dhoofay ama dalka uu haatan u baxsaday. Wararka ayaa intaasi ku daraya in qorshaha uu dalka kaga baxay ninkan ay u fududeeyeen rag qaraabadiisa ah oo ka shaqeeya garoonka, taas oo keentay inuu ka baxsado laamaha amniga, maadaama ay baadi goobayeen, si ay gacanta ugu soo dhigaan, loona soo xiro. Sidoo kale warka ku saabsan baxsashada Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Jinsiyadda ayaa soo baxay xalay, ayada oo baraha bulshada si weyn loogu faafiyay, maadaama uu ninkan ka mid yahay agaasimeyaasha saameynta leh ee ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya. Horay waxaa sidaan oo kale Muqdisho uga baxsaday Agaasimaha Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxiyadiin Saabey), kaas oo gaaray deegaan hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/Dhexe. Saabey ayaa baxsaday kadib markii uu ka war helay qorashe la sheegay in lagu xirayo, maadaama uu kamid noqday ragga loo soo jeedeeyay inau ku kaceen musuq-maasuqa. Si kastaba, waxaa haatan dowladda federaalka u xiray saraakiil sare sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, kuwaas oo ay baaris ku heyso Xeer Ilaalinta. The post Xog: Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo baxsaday kahor qorshe lagu xiri rabay appeared first on Caasimada Online.
-
Howlgalka kumeelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa billaabey dhimista Ciidamada, iyada oo la raacayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) ee tirsigiisu yahay 2628 (22) iyo 2670 (22), kaas oo faraya howlgalka ATMIS in ay saarto 2000 oo askari dhammaadka Juun 2023. Howlgalka ATMIS oo taageero ka helaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya (UNSOS) ayaa ku wareejiyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) xaruntii ugu horreysay ee saldhigga Ciidanka Xaaji Cali ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Taliyaha Ciidamada Burundi ee howlgalka ATMIS Gaashaanle dhexe, Richard Bimenyimana ayaa si rasmi ah xaruntan ugu wareejiyay taliyaha ciidanka XDS ee aaggaas, Gashaanle Bashiir Abuukar Axmed, waxaana munaasabadan ka qeyb galay saraakiil sar sare oo ka kala socday ATMIS iyo CXDS, taas oo uu gudoominayay taliyaha ciidamada ATMIS ee dhanka Qorsheynta Gash.dhexe. Collins Musau. “Sannado badan, waxaan si dhow ula shaqeynay CXDS, wadashaqeyntaasna waxay si weyn uga qeyb qaadatay horumarinta xasilloonida iyo amniga deegaankan, xil wareejinta maanta waxay qayb ka tahay wareejinta mas’uuliyadda amniga dalka,” ayuu yiri Gash.dhexe. Musau. Taliyaha CXDS ee aaga Xaaji Cali, Gash. Bashiir, ayaa uga mahadceliyey ATMIS wareejinta xaruntan, wuxuuna sidoo kale xusay in xil wareejinta ay ka dambeysay xiriir wada shaqeyn oo dhex maray ATMIS iyo CXDS. “Waxaan had iyo jeer xiriir wanaagsan la lahayn howlgalka ATMIS inta ay halkan ka shaqeynayeen, haddana xilka ku wareejinayaan sidii loo igmaday, waan ku faraxsanahay inaan la wareegno mas’uuliyadda amniga,” ayuu yiri Gashaanle Bashiir. Taliyaha Ciidamada Burundi ee howlgalka ATMIS Gaashaanle dhexe, Richard Bimenyimana ayaa xasuusiyay dhammaan dhinacyada in xil-wareejintu ay tahay fulinta waajibaadka howlgalka ATMIS. “Waa tallaabo muhiim ah oo uu maanta horey uqaaday howlgalka ATMIS, ka dib booqashadii hore ee ay qiimeynta ku sameeyeen saldhiggan hoggaanka Sare ee ATMIS, SNA iyo UNSOS,” ayuu yiri Gash.dhexe. Bimenyimana. Hay’ada Qaramada Midoobey ee UNSOS ayaa taageero farsamo iyo qalab siisay howlgalka ATMIS, waxayna CXD ku wareejiyeen ceel riig ah, qalabka lagu daweeyo biyaha iyo kaydinta, Janareetaro, Solarro, qalabka qaybinta korontada, talaajado iyo qaboojiyayaal. Saldhiga Xaaji Cali oo 70 km waqooyi-bari ka xiga Magalada Muqdisho ayaa ka mid ah 7 saldhig oo howlagalka ATMIS ku wareejinayo CXDS dhamaadka bisha June 2023, Bishii Janaayo ee sanadkan ATMIS ayaa saldhigga Maslax ee duleedka Muqdisho ku wareejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Afmadow (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta howl-gal ballaaran ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Howl-galkaan qorsheysan ayaa waxa uu ka dhacay deegaano u dhaxeeya Janaay Cabdalle iyo degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose. Ciidamada huwanta ayaa waxay si gaar ah uga fuliyeen howl-galkaan tuulooyinka kala ah; Harboole, Miido iyo Biibi, iyada oo kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyey khasaaro xoog leh, sida ay sheegtay dowladda federaalka. Bayaan kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka ayaa waxaa lagu shaaciyay in ciidamada ay cagta mariyeen goobo ay dadka ku dhacayeen kooxda Al-Sabaab. Goobahaasi ayay sheegtay in kooxda ay ku qaadanayeen lacago baad ah, islamarkaana ay ciidamada is garabsanayey ay suurta-galiyeen inay fasaxaan dad safar ahaa oo Al-Shabaab haystay, kuwaas oo safarkoodii sii watay. Xalay ayay aheyd markii ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee DANAB ay howl-gal qorsheysan ka fuliyeen deegaan ka tirsan isla gobolkaasi Jubbada Hoose. Howl-galkaas ayay ciidanka DANAB ku beegsadeen goob ay gabaad ka dhiganayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaasi oo dhaca duleedka tuullo lagu magacaabo Yaaq-dabayl oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee DANAB ahaa howl-galkaas qorsheysan ku dilay ugu yaraan 13 dhagarqabe oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Sidoo kale ciidanka waxay howl-galkaas kooxda Al-Shabaab uga soo furteen hub culus, sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyay taliyaha guutada 16-aad ee ciidanka Danab G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare. Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka, kadib muddo bil ah oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda qaadin wax howl-gal ah oo ka dhan ah kooxda. The post Goobo ay kooxda Al-Shabaab lacag ku urursaneysay oo cagta la mariyay (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – In a significant step towards economic modernization, Somalia has inaugurated a Quick Response (QR) Code Standard to streamline secure payments across banking and e-commerce platforms. The Central Bank of Somalia (CBS) unveiled the SOMQR Code Standard on Tuesday, a groundbreaking development aimed at enhancing security for users’ money. This innovative system will allow merchants and consumers to make or receive transactions under a unified framework. The initiative positions Somalia alongside African nations such as Kenya and South Africa, which have already embraced such standardization. Abdirahman Mohamed Abdullahi, Governor of CBS, emphasized the transformative potential of the SOMQR Code Standard. “This will revolutionize the payment landscape in Somalia as a low-cost, scalable, secure, and interoperable solution towards a cashless society,” he asserted before an audience in Mogadishu. Collaboration between CBS and commercial entities Governor Abdullahi also discussed the pressing need for Somalia to continue modernizing and digitizing its national payment systems on the principles of interoperability, financial inclusion, and efficiency, thus transitioning into a digital economy. This move serves as a part of the broader rebuilding process following years of conflict. A key component of this advancement is the strategic collaboration between the CBS and thirteen licensed private banks. Under the auspices of the Somali Bankers Association (SBA), these entities established the Somali Payments Switch (SPS), a strategic payments company. Ahmed Shirwa, chairman of the SBA, underlined the importance of this partnership. “The close cooperation between the Central Bank of Somalia and 13 commercial banks has been instrumental in setting up the SPS,” he stated. The road to reinventing the national currency While the digitization drive is impressive, CBS will have to address the challenge of reintroducing its convertible shilling currency. Long marred by counterfeiting, the Somali shilling lost its credibility amidst conflict and international humanitarian intervention. Its current exchange rate is nearly unpredictable and is widely unrecognized due to difficulties distinguishing genuine notes from forgeries. The Somali Parliament is expected to consider a policy paper soon. If approved, it will shape how the country re-establishes its currency. The launch of the SOMQR Code Standard marks a pivotal moment for Somalia. CBS seeks to foster ambitious interconnections among all financial service providers in this predominantly dollarized economy where mobile payments calculate prices in dollars. The objective is to enhance payment platform security and reliability and maintain tariff consistency. This move closely follows similar developments in the region. Last month, the Central Bank of Kenya rolled out the Kenya Quick Response Code Standard 2023, following South Africa’s earlier introduction. As Somalia embarks on this digital journey, it represents a stride toward financial innovation and a step closer to a future of economic stability. The post SOMQR Code: Somalia’s leap towards digital economy appeared first on Caasimada Online.
-
Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa qaraxyo xooggan iyo dagaal toos ah oo maanta ka dhacay magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo. Qaraxyadan oo isugu jiro kuwa gawaari loo adeegsaday iyo kuwa rag jaakado qaraxyo wata ay fuliyeen ayaa waxa ku xigay dagaal toos ah oo khasaare sababay Jugta qaraxyada oo cuslayd iyo hugunka rasaasta si weyn looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada Baardheer sida ay sheegayaan goob-joogayaal. War ka soo baxay maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in oo weerar ku bilowday qaraxyo ay ku beegsadeen xarumo ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Baardheer. Al-shabaab ayaa sheegtay in xarumaha ciidamada Itoobiya ee la weeraray ay ku shirsanaayeen saraakiil Itoobiyaan ah sida ku cad qoraal ay soo saartay. Weli lama hayo khasaaraha dhimashada oyo dhaawaca ee ka dhashay weerarka islamarkaana waxa yar xogta laga heli karo maadaama ay go’an tahay isgaarsiinta. PUNTLAND POST The post Faahfaahin ka soo baxaysa weerar qaraxyo iyo dagaal toos ah oo ka dhacay Baardheere appeared first on Puntland Post.
-
Xafiiska Hantidhawrka Guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Warbixin ka soo saaray caddadka lacag ka maqan khasnadda dowladda. Xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa sheegay in khasnada dowladda laga waayay lacag gaaraysa 21 Milyan oo dollar intii u dhexeysay (08 March 2018) ilaa (19 April 2023) “Baarista Fatashka ah ee Xafiiska Hantidhawrku ku sameeyey hay’adahan ayaa dabooleysa intii u dhexeysay 08 March 2018 ilaa 19 April 2023. Waxaana ku lug leh dad isugu jira madax iyo shaqaale dowladeed iyo dad shacab ah oo xiriir wadashaqeyneed la leh hay’daha dowladda ee Baaristu khuseyso” ayaa lagu sheegay warbixinta. PUNTLAND POST The post Hanti dhawrka Soomaaliya oo sheegay in khasnadda dowladda laga waayay 21 milyan oo Dollar appeared first on Puntland Post.
-
Baardheere (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah aya ka soo baxaya weerar ku billowday qaraxyo xoogan oo ay goordhow kooxda Al-Shabaab ku qaaday gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Qaraxyada oo labo ahaa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, sida ay innoo xaqiijiyaan saraakiil ka tirsan laamaha amniga. Weerarkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu beegsadya xerada ADC ee degmada Baardheere, halkaas oo ay sidoo kale gudaha u galeen rag hubeysan. Dagaalka foolka fool ah oo u dhexeeyai ciidamada dowladda iyo ragga weerarka qaaday ayaa haatan ka socda gudaha degmada, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Xerada la weeraray ayaa waxaa tababar lagu siinayay ciidamo gaar ah oo loo diyaarinayay xoreynta deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u cakiran, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan qaraxyada ku billowday oo ay mas’uuliyaddiisu sheegatay Shabaab. Wixii soo kordha kala soco: Caasimada.net The post DEG DEG: Weerar ku billowday qaraxyo oo lagu qaaday Baardheere appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Xiisadda dagaal ee ka taagan Garoowe oo ugu dambeyn dagaal isku rogtay ayaa keentay inuu dhiig badan ku daato magaaladaasi, kadib markii ay shalay ku diriireen ciidamada mucaaradka iyo kuwa ammaanka ee maamulka Puntland. Dagaalkan ayaa ka dhashay doodda la dhalatay furista dastuurka Puntland oo ay Talaadadii shalay ansixiyeen xubnaha baarlamaanka ee maamulkaasi. Haddaba Maxaa keenay in furo Dastuurka Puntland? Falanqeeye siyaasadeed oo u warramay Somali Cable Tv ayaa ka hadlay arrinta Puntland, isaga oo shaaciyay in aan la fileyn dagaalkii shalay ka dhacay Garoowe. “Xaqiiqdii waxaa dhacay dagaal aan la fileyn markii hore waxay aheyd isku goodin, laakiin farasaar ayaa hadda dhacay oo gacan ka hadal ayay gaartay” ayuu yiri falanqeeyuhu. Sidoo kale siyaasigan dhalinyarada ah ayaa ka hadlay waxa keenay in la furo dastuurka Puntland, wuxuuna shaaciyay in sababta ay tahay in laga guuray nidaamkii hore ee qabaa’ilka, loona guuray nidaam qof iyo cod ah oo dadweynuhu ay wax soo dooranayaan. “Furitaanka dastuurka waxaa keenay markii nidaamkii hore ee qabaliga ahaa laga tegay oo loo guuray nidaam qof iyo cod wax loo yaqaano oo axsaab loo codeeyay” ayuu yiri. Waxaa kale oo uu intaasi raaciyay “Dastuurka waxa uu qabaa qodobkiisa 46-aad lambarka saddex in xisbiyada ay noqonayaan saddex xisbi, laakiin hadda 5 xisbi ayaa loo guuray taas ayaa keentay inay sababto in dastuurka la furo”. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xubnaha mucaaradka ay dhankooda shaki weyn ka muujinayaan hubanti la’aanta doorashada, si aysan u dhaafin sideeda bisha january. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli xaalad kacsanaan ah laga dareemyo magaalada Garoowe, inkastoo haatan ay billowdeen dadaallo dhex-dhexaadin ah. The post Daawo: Maxaa keenay in la furo dastuurka PUNTLAND? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya Fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa gaaray magaalada Washington ee dalka Maraykanka. Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, isagoo la wadaagaya dalalka xubnaha ka ah Golaha xaaladda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale la wadaagi doono xubnaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay dagaalka ka dhanka Alshabaab. Inta uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sugan yahay Washington ayaa waxa uu diirada saari doonaa sidii loogu heli lahaa taageero caalami ah dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al- Shabaab iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa kulammo la qaada doona masuuliyiinta dalka Maraykanka iyo madaxda hey’adaha caalamiga ah. Guddiga Golaha Ammaanka oo ka kooban 15 xubnood ayaa gaara go’aanka lagu kordhiyo cunaqabataynta hubka. Markii ugu horraysay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Soomaaliya ku soo rogo cunaqabatayn guud oo dhanka hubka ah ayaa aheyd dabayaaqadii bishii Janaayo, 1992. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa wali ka taagan xiisadda u dhaxeysa ciidamada kala taabacsan maamulka iyo kuwa mucaaradka ah, waxaana dagaal shalay ka bilowday magaalada uu soo gaaray barqanimadii maanta, waxaana socda sidoo socda waanwaan xal loogu raadinayo xiisadda ka taagan. Madaxda ugu sareysa dowladda federalka ah ah iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay dagaalka ka bilowday muranka ka dhashay furitaanka dastuurka Puntland oo golaha Wakiillada ay u codeeyeen maalinimadii shalay taas oo dhalisay inuu qarxo dagaalka ka ka socda Garoowe. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ugu baaqay dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya in ay joojiyaan dagaalka, isaga sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan xamili karin colaad cusub oo laga huriyo deegaannadii ku tilmaamnaa nabadda iyo xasilloonida, xilli dowladdu ay la tacaaleyso dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo nabadeynta deegaannada ay horey u saameeyeen dagaallada sokeeye. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay odeyaasha dhaqanka Puntland in ay u istaagaan sidii loo xallin lahaa dhibaatada taagan, maadaama ay aas-aas u yihiin dowladnimada iyo xasilloonida Puntland, Waxa uuna sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar la tahay waxii looga baahdo ee fududeynaya nabadenyta iyo xallinta khilaafka ka taagan Puntland, isaga oo tacsi u diray dadkii ku geeriyooday dagaalka ka socda Garowe. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay ayaa dhankiisa ugu horeyn tacsi u diray qoysaska iyo ehelka dadkii ku geeriyooday isaga oo nasiib darro ku tilmaamay dagaalka ka bilowday magaalada Garoowe, waxaana uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo iska hor imaadka, Xamse Cabdi ayaa sidoo kale in loo baahan yahay wax kasta oo la isku hayo lagu xalliyo jidka wadahadalka iyo is fahamka, lana baaqsado dagaalka uu ku tilmaamay mid sokeeye, waxaana uu sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay in ay qaadato doorkeeda ku aadan sidii loo xalinlahaa dagaalka ka qarxay magaalada Garoowe ee Puntland. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dhankiisa ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay dhacdooyinka ka dhacay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, taas oo sababat geerida 22 ruux oo shacab iyo ciidan ah iyo dhaawaca 40 kale, isaga oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka socda. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay masuuliyiinta Dowlada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada puntland inay u istaagan sidii miiska wada hadalka loogu dhamayn lahaa kala aragti duwananshaha sababay gacan ka hadalka, taas oo keentay in ay geeriyoodaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa waxaa wali ka taagan xiisadda ka dhalatay tallaabadii uu qaaday golaha wakiillada oo shalay sheegay in laga doodayo furitaanka Dastuurka si wax looga bedelo, waxaana taas ay dhalisay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay dhinacyada oo ka qarxay magaalada, kaas oo socda laba maalin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada xasilinta caasimadda ee Police Militaireayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga waxaa ay ka bilaabeen deegaannada duleedka ka ah caasimadda ee Muqdisho, ciidankaan oo aad u fara badan ayaa saacadihii ugu dambeeyay waxaa lagu arkayay deegaanka Ceelasha Biyaha. Deegaannada Ceelasha Garasbaaley iyo Daarusalaam aya hore waxaa ugu sugnaa ciidamo isugu jiray Booliiska iyo Nabad Sugidda, waxaana lagu biiyay ciidanka xasilinta caasimadda, kuwaas oo dhowaan lagu soo tababaray dalka Uganda, waxaana ay wadaan howlgallo amni xaqiijin ah. Ciidanka Police Militaire ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku guuleystay xasilinta amniga caasimadda, walow ay dhaceen falal amniga lid ku ah laakiin ka hoose sidii la arki jiray, iyaga oo ku guuleystay in ay meesha ay ka saaraan dhaca loo geysan jiray shacabka iyo Ciyaal Weerada. Ciidamada ayaa si gaar ah ugu guuleystay degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Dharkeenley iyo Kaxda oo maaro looga waayey dhaca shacabka iyo sidoo kale Ciyaal Weerada oo geystay falal marmar qaara ay ku dileen in badan oo kamid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed oo waxna galabsan. Ciidanka Police Militaire ayaa dowladdu sheegtay in la kordhinayo tiradooda si ay ugu filnaadaan amniga iyo xasilinta caasimadda iyo deegaannada la dariska ah, waxaana howlgallada ay ka wadaan duleedka uu kusoo aadayaa xilli ay sidoo kale wadaan la dagaalanka Maandooriyaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
As you may have noticed from the title of this article, the term, “politicstupidity” is not a real English term. I created it just for this article and I hope one day, it will become a real English term for the sake of its intrinsic value. My whole purpose of using this nonexistent term is to come up with a new way of saying the politics of stupidity, commonly practiced by the contemporary Somali politicians and their subclans. I combined the two terms: politics and stupidity to make it more expressive. My definition of “politicstupidity” is the practice of politics of exclusion, disenfranchisement, and one clan hegemony with predictable outcome of mutually assured self-destruction and political instability. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Madoobe oo war cusub soo saaray ayaa si adag uga hadlay dagaalkii xooganaan ee Talaadadii shalay ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Axmed Madoobe ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay dagaalkaasi, wuxuuna xusay in Garoowe aan looga baran dhacdooyinka noocaan oo kale ah. “Dhacdooyinkii ka dhacay Garoowe oo aynan aheyn meel looga bartay dhaqanka gacan ka hadalka ah, Puntland-na ay aheyd aas aaska dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri. Sidoo kale wwaxa uu tilmaamay in Puntland xilligan oo kale aan laga sugeyn dagaal iyo fowdo, maadaama ay tahay hooyada federaalka Soomaaliya. “Lama sugeyn Puntland waqtigan maanta ah in arrintaas oo kale ay ka dhacdo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Axmed Madoobe. Waxaa kale oo uu tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen dagaalkii shalay, isaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad degdeg ah. “Waxaan leeyahay marka hore intii dhimatay Allaha u naxariisto, Innaa Lilaahi Waa Innaa Ileyhi Raajicuun, inta dhaawacantana Allaha u booga dhayo,” ayuu mar kale yiri. Madaxweyne Axmed Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa fariin u diray madaxweynaha Puntland, isaga oo dalbaday inuu xaaladda dajiyo, sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhammaan reer Puntland inay qaataan doorkooda, una istaagaan xalinta dagaalkaasi. “Intaa waxaa raacinayaa madaxweynaha Puntland saaxibkey Saciid, Odayaasha Dhaqanka, Culuma U Diinka iyo Baarlamaanka inay ka shaqeeyaan samaha wadahadalka iyo is afgaradka,” ayuu farriinta uu soo saaray ku yiri madaxweynaha maamulka Jubbaland. The post Daawo: Axmed Madoobe oo farriin culus u diray SACIID DENI appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in jawiga magaalada uu saaka deggan yahay, inkastoo xalay laga maqlayay dhawaqa rasaasta. dhanka kale Isimada Puntland ayaa iyaguna xalay sheegay in heshiis xabad joojin ah la gaadhay. Lama oga khasaarihii ka dhashay dagaalka Garowe, inkastoo cisbitaalada la geeyay dhaawacyo. Waxaa dib u bilowday isku socodka dadka iyo gaadiidka, inkastoo weli ay xidhan yihiin goobaha ganacsiga, iyadoo laga cabsi qabo in mar kale dagaal dhexmaro dhinacyada dirirsan. Dagaalkii shalay ka dhacay Garowe ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 30 qof. Waana dagaalkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Garowe, tan iyo dhismihii Puntland kaddib. Isimada gobolka Nugaal iyo senatorada aqalka sare ayaa wada dadaalo la doonayo in lagu dhex dhexaadiyo madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka, si heshiis looga gaadho khilaaafka. Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin colaadda magaalada Garoowe iyo ‘saamaynta ay ku leedahay dadka rayidka ah’ sida lagu shegay war-saxaafadeed ay soo saareen goor dambe oo xalay ah. “Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wadahadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed. Source
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shir gaar ah oo ku saabsan dardar gelinta Sugida amniga Caasimadda iyo u diyaar garowga munaasabadaha isa-saaran ee Ciidul Adxa iyo Todobaadka Xorriyadda, kaas oo ka dhacay Xarunta Qeybta Guud ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyed. Shirkan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Banaadir, Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Saraakiisha Police Military, Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo saraakiil kale. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa warbixin ku saabsan amniga Caasimadda ka dhageestay qaar kamid ah saraakiishii shirkan ka qeyb gashay, kuwaas oo soo gudbiyay guulihii laga gaaray howlgaladii ay sida wadajirka ah u fulinayeen ciidamada qalabka sida iyo sida loogu diyaar garooway munaasabadaha Ciidul Adxa iyo maalmaha Xorriyadda oo nagu soo foodleh. Ugu danbeyn Duqa Muqdisho Mudane Madaale ayaa faray saraakiisha Amniga iyo guddoomiyaasha Degmooyinka in la xoojiyo howlaha Sugida Amniga, iyada oo la kaa shanayo shacabka islamarkaana si wadajir ah loogu diyaar garoowo weyneynta todobaadka Xorriyada iyo munaasabada Ciidul Adxa. Source: goobjoog.com
-
Hunter Biden, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Mareykanka, ayaa ogolaaday heshiis dhigaya in uu qirto saddex dambi oo lagu soo oogay. Mid waxay la xidhiidha haysashada qoriga, iyo laba ku guuldareysiga bixinta canshuurta. Waxaa la filayaa inuu ka badbaado xabsiga. Wiilka Biden oo taariikh ku leh isticmaalka maandooriyaha ayaa sheegay inay muhiim tahay inuu qaato mas’uuliyadda khaladaadkiisa. Madaxweyne Biden ayaa ballan qaaday inuu taageeri doono wiilkiisa, balse Donald Trump ayaa eedeymahan ku tilmaamay dharbaaxo. Madaxweynihii hore ayaa marar badan ku eedeeyay Hunter Biden inuu sameynayo gaf weyn oo la xidhiidh ganacsigiisa Shiinaha iyo Ukraine Source
-
N’Golo Kante ayaa ka tagi doona kooxdaa Chelsea kadib toddobo sano oo uu ku sugnaa Stamford Bridge, waxaana si xor ah ugu biiri doonaa naadiga Al-Ittihad isagoo qalinka ku duugay heshiis seddex sano ah, sida kooxda Sacuudiga sidaas sheegtay. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska, kaasoo kooxda ka dhisan galbeedka London kaga soo biiray Leicester City 2016, ayaa Al-Ittihad kula midoobi doona ciyaaryahanka ay isku dalka yihiin ee heysta abaal marinta Ballon d’Or Karim Benzema. “Ha rumaysan wararka been abuurka ah, Kante hadda waa ciyaaryahan Itixaad,” ayayItixaad soo dhigtay fariin muuqaal ah oo ay soo dhigtay Twitter. Kante ayaa laf dhabar u ahaa Chelsea, isagoo kula guuleystay Champions League, Premier League, Europa League iyo FA Cup intii uu la joogay kooxda. Xilli ciyaareedkii hore, Kante ayaa waxaa hareeyay dhaawacyo, wuxuuna seegay 38 kulan oo tartamada oo dhan ah iyadoo Chelsea ay la dhibtooneysay la’aantiisa, islamarkaana ku dhameysatay kaalinta 12-aad ee horyaalka. Source
-
The dark side of Dubai that they DON’T want tourists to see
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The dark side of Dubai that they DON’T want tourists to see An Iranian photographer took photos showing the horror and dark side of Dubai, and the stressful lives of South Asian workers who live to have a bright future and support their families. In Dubai, people belong to one of three different classes; the first one is Emiratis the second one is the expats. the third one is workers or low-class people. If you really want to see the dark side of Dubai, you need to explore the lives of this third category that are generally called workers. They make up the biggest population group in the UAE. A 27-year-old worker is doing a job for the past 4 years as a sweeper and gets 800 AED (£139) per month from which he transfers 500 AED (£87) to his family to Bangladesh. On the other hand, normal citizens hardly stay out for 5 minutes in summers. Fahad visited the place where all these workers live and this is where the dark side of Dubai actually situated. He said that the accommodation is 12ft by 12ft and contains six beds where six to eight workers are living. The food in the kitchen is usually cooked using gas cylinders in a very bad condition. Nobody knows the dark side of Dubai where workers are facing a lot of problems because it is out of sight from media. These photos will make people think about what is going on around them and will encourage them to help the suffering class. Some people would think that the workers in Saudi Arabia are also living in a similar situation but it is not true. Actually, the rent in Saudi Arabia is 4 to 5 times lower than Dubai so people have more space to live. Qaran News -
Beesha Caalamka oo war-saxaafadeed kasoo saartay xaaladda Garoowe Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin colaadda magaalada Garoowe iyo ‘saamaynta ay ku leedahay dadka rayidka ah’ sida lagu shegay war-saxaafadeed ay soo saareen goor dambe oo xalay ah. “Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wadahadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka” ayaa lagu yiri bayaankan oo intaas raaciyay “Khatarta isa soo taraysa ee dhawaanahan waxay halis gelinaysaa natiijadii wanaagsanayd ee laga gaaray doorashadii golaha deegaanka ee dhawaan ka dhacday Puntland.” Waxaa ku saxiixnaa bayaankan; Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay. Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa u ambabaxay waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaas oo uu kusoo gudan doono waajibaadka Xajka. Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliya gudashada Xajka Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Mudanayaal ka tirsan Goleyaasha Dowladda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed Ilaahay uga baryay in dhibaatooyinka ragaadiyey dowladnimadooda uu ka dulqaado, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la is cafiyo oo laga wada shaqeeyo horumarka dalka. Source: goobjoog.com
