-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shirka wadatashiga ee dhaxeeyay madaxweynaha Jamhuuriyadda, Madaxdii hore iyo siyaasiyaanta saamileyda ah. Kulanka oo socday muddo laba maalmood ah ayaa waxaa maanta ku biiray Ra’iisulwasaare Xamse iyo labada guddoomiye ee golayaasha Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya. Shirkaan ayaa ahaa shirkii ugu horeysay oo nuucaan ah oo dhexmara madaxweyne talada haya iyo xubnaha mucaaradka ah, taas ayaana lagu amaanay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii wadatashi ee labadii maalmood ee u dambeeyay magaalada Muqdisho uga socday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa lasoo gaba-gabeeyay. Shirkan oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo ay ka qayb-galeen Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasiir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali. Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan oo hore. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale kulankii maanta oo ahaa xiritaanka ka qeyb-galay. Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay qodobo u badan arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran, ayada oo madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ka qeyb-galay ay tallooyin ka dhiibteen heshiiska hanaanka doorashooyinka qoddobadiisa oo kala ah; Nooca doorashada dalka Nidaamka madaxtinimada dalka Nidaamka xisbiyada badan Guddiga doorashada qaranka Mideynta muddo xileedka hay’adaha federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada Habraaca dhameystirka dib u eegista Dastuurka Sida ay shaacisay Villa Somalia lixdaan qodob ayaa waxay madaxdu aad ugu lafa-gureen shirkaan oo socday laba maalmood, ayada oo madaxdii hore iyo siyaasiyiintu ay soo jeediyeen tallooyin kala duwan oo u baahan in la tixgeliyo inta ay wada-tashiyadu socdaan. Ma shaacin Villa Somalia tallooyinka ay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ka qeyb-gashay shirka la wadaageen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasi oo ku qotoma lixda qodob ee kor ku xusan Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta markii uu soo idlaaday shirka wadatashi ayaa waxa uu sheegay in madaxda ka qeyb-gashay shirkaan ay bogaadiyeen dadaalada dowladda ee deyn cafinta iyo dhameystirka hanaanka dowlad dhiska Soomaaliya. “Kulanka oo kusoo dhamaaday jawi aad u wanaagsan ayaa waxa uu kulanka bogaadiyay doodaha u adeegaya dhameystirka dowlad dhiska Soomaaliya ee soo socday, sidoo kale waxa uu bogaadiyay masuuliyada in ciidamada qaranka Soomaaliya ay la wareegaan amniga,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in kulamada noocaan ah ee wadatashi ay sii socon doonaan, uuna kan soo gaba-gaboobay uu billow u yahay kuwa kale oo laga yeelan doono arrimaha masiiriga ah ee dalkeena. Si kastaba, Shirkaan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, islamarkaana ay taagneyd xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskii ay dhawaan gaareen Golaha Wadatashiga. The post Shirka Xasan iyo madaxdii hore oo lasoo gaba-gabeeyay iyo Villa Somalia oo war soo saartay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsan Saraakiishii hore ee NISA oo ka hadlayay xaaladda dalka, gaar ahaan howlgallada haatan socda ayaa ka falceliyay khudbado kala duwan oo ay dhowaan jeediyeeni wasiirka Gaashaanshigga, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo siyaabo kala duwan uga hadlay arrimaha ciidamada. Macow oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle TV ayaa sheegay in wasiirka gaashaandhigga uusan aqoon lun aheyn ciidamada, uuna ku xadgubay xeerka, sida uu hadalka u dhigay. Korneelka ayaa si gaar ah u dhaliilay khudbad uu wasiirka u jeediyay guuto ladaogu magac daray Khaalid Bin Waliild ee dhowaan laga sagootiyay Muqdisho, si ay qayb uga noqto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay inay aheyd mid cabsi-gelin ah. “Waxaan dhageystay khudbaddii wasiirka gaashaandhigga ee uu leeyahay waxaa la’idinka rabaa laba arrimood guul iyo geeri wiilkaa dhalinyarada ah ee mutadawac ah oo dalkiisa iyo dadkiisa rabo inuu difaaco hadalkaas oo kale laguma yiraahdo, hadalkan sidoo kale wuxuu meel ka dhac ku yahay xeerka ciidanka ” ayuu yiri Korneel Cabdullaahi Cali Macow. Sidoo kale wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa waayay in lagu dhiirageliyo wadaniyadda”. Waxaa kale oo uu wasiir Jaamac dhaliilay in ciidamada uu u adeegsado baraha bulshada, taas oo uu tilmaamay inay tahay xadugub, sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxweynaha inuu arrintaasi wax ka qabto, si loo saxo khaladaad uu sheegay inuu ka kacayo wasiirka. “Wasiirka gaashaandhigga waa siyaasi ma aheyn in Social Media-ha ciidanka la hortego, kadibna uu khudbado noocaas ah oo ciidanka cabsi gelineysa ujeediyo marka waxaa la rabaa in madaxweynaha fowdadaas uu wax ka qabto ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Dhanka kale wuxuu Korneel Cabdullaahi Cali Macow u jawaabay wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi oo isna dhowaaan ka hadlay arrimaha ciidamada Gorgor iyo Haramcad. “Wasiirka arrimaha gudaha qadafka ka dhacay waxaa waayay oo dadka oo dhan ay is weydiiyeen inuu yiraahdo Gorgor iyo Haramcad baahaladii waxaa looga maarmay guutadii waxaa dhaqaaqday Khaalid Bin Waliid, laakiin Gorgor iyo Haramcad baahalo ma’ahan sida ay u dagaalameen waa la ogyahay dagaalka ay illaa iyo hadda Khawaarijta kula jiraan way ogyihiin madaxda iyo Ummadda Soomaaliyeed” ayuu uga falceiyay hadalkii Wasiir Fiqi. Ugu dambeyn Korneelka ayaa dalbaday in madaxda sare ee qaranka ay arrintaan wax ka weydiiyaan labada wasiir, maadaama ay ay yihiin mas’uuliyiin xilal ka haya dowladda. “Waxaan rajeynaara’iisul wasaaraha in su’aashaas labada wasiir weydiiyo sababta ay ciidanka niyaddooda u jebinayaan,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay. The post Daawo: Dalab ka dhan ah FIQI iyo Jaamac oo loo gudbiyay madaxda DF appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir labo maalmood socday oo u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qaar ka mid ah madaxdii hore ee dalka. Ma jiro war-murtiyeed ka soo baxay shirka, balse afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Farxaan Jimcaale oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in shirkaas uu ku dhamaaday jawi wanaagsan, lana isdhaafsaday afkaar kala duwan. Farxaan Jimcaale ayaa xusay in shirkaas inta badan looga hadlay qodobadii ka soo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran, gaar ahaa heshiiska doorashooyinka, waxaa ka mid ahaa qodobadii tallooyinka laga dhiiibtay nooca doorashada dalka, nidaamka madaxtinimada dalka, nidaamka xisbiyada badan, guddiga doorashada qaranka, mideynta xilhaynta hay’adaha federaalka & kuwa dowlad goboleedyada iyo dib u eegista dastuurka. Hoos ka daawo qodobada ka soo baxay shirka. PUNTLAND POST The post Muxuu ku soo dhamaaday shirkii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxdii hore? appeared first on Puntland Post.
-
Dagaal beeleed xooggan ayaa maanta ka qarxay miyiga degaanka Dhaal-maygaag oo ka tirsan Gobolka Togdheer. Wararka ayaa sheegaya in muran dhuleed uu muddooyinkii danbe ka taagnaa miyigaas Dhaal-maygaag oo u dhexeeya degaanada Horyaal iyo Qorilugud. Dhinacyada dagaallamaya ayaa ka soo kala jeeda labada maamul ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland. Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ka qarxay dhulka ciidka ah halka dhinaca kalena uu weli taagan yahay dagaalkii Laascaanood. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed xooggan oo ka qarxay Gobolka Togdheer appeared first on Puntland Post.
-
Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikarim xussein Guuleed ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Catriona Laing, waxaana kulanka diiradda lagu saaray dib u billaabidda Wadahadallada DFS iyo SOMALILAND iyo sidii guulo la taaban karo looga gaari lahaa. Ergayga ayaa Wakiilka Q/M ee Soomaaliya uga warbixiyay dedaalada DFS ugu jirto suurtagallinta hanaan rasmi ah oo ay labada dhinac kuwa wadahadlaan, waxaana uu caddeeyay in DFS ka go’antahay hirgalinta waxkasta oo muhiim u ah midnimada Ummadda Soomaaliyeed. Wakiilka Qarada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing ayaa dhankeeda soo dhaweysay dedaalada DFS, waxaana ay Ergayga u muujisay garab istaag buuxa iyo in ay Q/M diyaar u tahay ka qeyb qaadashada ka gun-gaarista wadahadallada SOOMAALIA iyo SOMALILAND. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shirkooda todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, kaas oo looga hadlay arimo dhowr ah. Waxaa sidoo kale shirka soo xaadiray inta badan xubnaha golaha, inkastoo uu ka maqnaa ra’iisul wasaare Xamza oo maanta ku biiray shirka madaxda dowladda iyo kuwii hore. Ugu horreyn golaha wasiirada ayaa shirkooda ku ansixiyay Axmed Saciid Maxamed oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, kaddib soo jeedin ka timid Wasaaradda Amniga Gudaha. Axmed Saciid ayaa beddalaya Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo ah agaasimihii hore ee hay’adda, kaas oo isku casilay fadeexo ka dhalatay musuq-maasuq lagu soo eedeeyay. Sidoo kale Axmed Saciid ayaa isna kasoo jeeda beesha Ceyr, si la mid ah labadii agaasime ee ugu dambeeyey ee ka horreeyey. Golaha wasiirada ayaa sidoo kale meel-maariyay soo jeedinta Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee magacaabista xubnaha Golaha Maamulka Hay’adda Korontada oo laf-dhabar u noqon doonta kor-joogtaynta farsamo iyo dhaqan-galinta Sharciga Korontada, xubnaha oo ka kooban sagaal xubnood ayaa lagu soo xushay khibraddooda. Dhanka kale shirka Golaha Wasiirrada ayaa waxaa isla maanta lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Hubka Soomaaliya iyo Xeerka Amniga iyo Bedqabka Xurumaha Dowladda, Amniga Hotellada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha adeegyada Bulshada. Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha iyo Waxbarashada, ayaa dhankooda goluhu ka dhageystay warbixinno muhiim ah oo ku saabsan Amniga, Waxbarashada iyo Hirgalinta Nidaamka Aqoonsiga dadweynaha. Warbixin la xiriirta howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka, gaar ahaan Jubbooyinka ayay golaha la wadaageen Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Golaha wasiirada oo ansixiyay magacaabista agaasime iyo gole cusub + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Salman Rushdie, oo ah qoraa caan ah, ayaa dhawaan ka hadlay xaaladiisa caafimaad ka dib markii la tooriyeeyay iyo dacwadda weli ku socota ninkii weerarka geystay. Waxa uu sheegay in uu jir ahaan “ fiicanyahay”, inkasta oo uu wali kasoo bogsanayo dhaawicii isha tirtay. Qoraagan reer Hindiya ee heysta dhalashada Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa bishii Agoosto ee sanadkii hore lagu weeraray bandhig ka dhacayay New York, isaga oo masraxa lagu tooriyeeyay ilaa 10 jeer. Waxaa weeraray qof Muslim ah oo ka carreysan buug uu horey u qoray Salmaan Rushdi oo Qur’aanka ku tilmaamay Aayadaha Sheydaanka. Buugaas ayaa ka xanaajiyay muslimiinta dunida oo dhigay dibadbaxyo waa weyn oo magaalooyin badan gilgilay. Salmaan Rushdi oo ah Muslim hore oo diinta ka baxay ayaa la dhigay New York ku yaal oo uu maalmo ku jiray, isaga oo ay ku xiran yihiin aalada caawiyaha hawo-mareenka. Weerarka toorey ee lagu qaaday ayaa sababay dhaawac kasoo gaaray beerka, oo hal il oo aragga ahna ka lumay, isaga oo gacan naafo ka noqday kadib markii waxyeelo soo gaareen neerfaha gacanta. Qoraaga abaalmarinta badan ku guuleystay ayaa yiri “jirka bini’aadamka wuxuu leeyahay awood la yaab leh oo uu ku bogsado. Sidaas darteed waxaan nasiib u yeeshay inaan fiicnaado”. Qoraaga ayaa hanjabaad dil ah ka helay Iran sannadihii 1980-aadkii ka dib markii la daabacay buuggiisa Aayadaha Shaydaanka. Hogaamiyihii Iran ee wakhtigaas Ayatullah Ruhollah Khomeini ayaa soo saaray fatwo – ama wareegto diini ah – oo ku baaqeysa in la dilo Salmaan wuxuuna madaxiisa dul dhigay lacag dhan $3m (£2.5m). Sidaa darteed, Salmaan ayaa waxaa uu ku qasbanaaday inuu dhuumaaleysto wixii markaas ka dambeeyay, wuxuuna u baahday ilaalo hubeysan sababo la xiriira tirada hanjabaadaha dilka ah ee soo gaarayay. Rushdie wuxuu faafiyay aragti ku aaddan diinta iyo siyaasadeynteeda, isaga oo buugiisa Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la kala saaro caqiidada shakhsi ahaaneed iyo ku takri-falkeeda qorshayaasha siyaasadeed. Buugga aayadaha Shaydaanka ee loogu gefay Nebi Muxamed iyo tixraaceeda diinta sida ay qabaan muslimiintu waxaana laga mamnuucay dalal badan oo Muslimiin ah, oo ay ku jirto Iran. Ninka loo haysto in uu weerary Rushdie Ninka lagu eedeeyay in uu tooreeyay Rushdie oo lagu magacaabo Hadi Matar, ayaa lagu soo oogay dacwad isku day dil. Waxuu na uu qirtay in aanu wax danbi ah gelin, hada waxaa lagu hayaa xabsi Mareykanka ku yaal. Salmaan ayaa muujiyay dareeno kala duwan oo ku saabsan hadii uu ka qeybgalaya maxkamadeynta ninkan iyo in kale, taas oo ku xiran haddii eedaysanuhu beddelo qirashadiisa dembiga. Rushdie ayaa daaha ka qaaday inuu hadda qorayo buug ku saabsan dhacdadii mindida lagu weeraray si ay uga caawiso inuu la qabsado wixii dhacay. Wuxuu qiray inay tahay hawl adag, balse ay muhiim tahay in uu horay sii wato xirfaddiisa qoraalka. Waxa uu BBC-da u sheegay in Mareykanka uu ka shaqeeyo ammaanka waqtiyo gaar ah iyo in UK ay weli sugto amaanka “sida waayihii wanaagsanaa”. Waa kumaa Salman Rushdie? Salmaan waxa uu sheegay in dunidu si weyn isu beddeshay tan iyo markii la daabacay buugiisa “Aayadaha Shaydaanka’’ 1988-kii. “Waa inaad kala saartaa caqiidada gaarka ah ee dadka, taas oo aysan wax na galay aysan jirin, runtii, iyo siyaasadaynta diin kasta … Ameerika hadda, waxaa jira nooc diinta masiixiga ah oo xaqjir ah, kaas oo mas’uul ka ah qayb aad u weyn oo ka soo horjeeda Roe iyo Wade, doodda ilmo soo rididda.’’ “Anigu ma ihi qof diin leh, weligay maan ahayn, oo waxaan ka imid qoys aan diinta si gaar ah u adkeyn wax culeys ahna majirin…Ma ahan wax ay naftayda u baahantahay laakiin haddii ay jiraan dad u baahan, taasi waa wax iyaga khuseeya, ilaa ay noqoto mid la siyaasadeeyo,’’ ayuu yiri. Salman Rushdie waxa uu ku dhashay Bombay oo hadda loo yaqaan Mumbai – laba bilood ka hor xornimada Hindiya ee ay ka qaadatay Ingiriiska. Markii uu jiray 14, waxaa loo diray England halkaas wax barashao u aaday, ka dib wuxuu shahaado sharaf taariikhda ah ku qaatay kulliyadda caanka ah ee Cambridge. Waxa uu qaatay dhalasho Ingiriis ah, waxa uu na ka baxay Muslimnimada. Waxa uu si kooban u ahaa jilaa ka dibna waxaa uu noqday qoraa buugaagta. Salmaan oo oo 76 jir ah ayaa shan jeer guursaday, wuxuuna ubadkiisa labaad ugu magacdaray qoraaga u dhashay dalka Czech. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shirka wadatashiga ah ee haatanmagaalada Muqdisho uga socdo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwii hore ee dalka, kaas oo galay maalintii labaad oo xiriir ah. Shirkan oo ah mid xasaasi ayaa waxaa guddoominaya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo ay ka qayb-galayaan Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali. Sidoo kale waxaa furitaanka shirka shalay dib loogu kordhiyay xubno ay kamid yihiin Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan oo hore. Waxaa sidoo kale shirka maanta ku biiray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo haatan ku sugan hoteelka Decale oo ah halka shirka lagu qabanayo, waxayna kasoo muuqdeen hoolka uu ka socdo shirweynahaasi. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in shirka maanta uu ka duwan yahay midkii shalay, uuna jiro is mari-waa u dhexeeyo labada dhinac, oo ay dood adag u dhexeyso. Qodobada la’isku hayo waxaa kamid ah arrinta doorashada iyo wax ka beddalka muddo xileedka hay’adaha dowladda, taas oo ay ka biyo diidan yihiin madaxdii hore. Villa Somalia ayaa dooneysa inay meel-mariso heshiiskii golaha wadatashiga, halka Shariif, mucaaradka iyo qaar kamid ah madaxdii hore ay taasi kasoo horjeedaan, waana sababta maanta adkeysay doodaha hareeyay kulanka labaad ee shirka weli ka socda Muqdisho. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse gabagabada shirka ayaa waxaa la filayaa inay madaxdu shaaciyaan qodobada ay ku heshiiyaan ee ku aadan wadahadalkooda Muqdisho. Shirkan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay taagan tahay xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskii ay dhowaan gaareen Golaha Wadatashiga. The post Daawo: Qodobada la isku mari la’yahay shirka Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka wadahadlay xiisadda Suudaan, xiriirka labada dal iyo biyo xireenka weyn ee Itoobiya ay ka sameyneyso webiga Nile, sida ay sheegtay madaxtooyada Masar. Sisi ayaa Axmed kusoo dhaweeyay qasriga madaxtooyada ee Qaahira, sida ay sheegtay madaxtooyada Masar. Masar ayaa maanta oo Khamiis ah martigelinaysa shir madaxeedka dalalka deriska la ah Suudaan, kaasoo looga hadlayo sidii loo soo afjari lahaa colaadda 12-ka toddobaad ee u dhexeysay dhinacyada iska soo horjeeda ee milateriga Suudaan, taasoo sababtay masiibo bini’aadanimo oo weyn oo gobolka ka taagan. Masar iyo Itoobiya oo ah labada dal ee ugu weyn ee deriska la ah dalka Suudaan ayaa sannadihii ugu dambeeyay isku khilaafsanaa dhismaha biyo xireenka weyn ee Korontada laga dhisayo webiga Blue Nile oo ku dhow xadka Suudaan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Masar iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo kulan gaar ah yeeshay appeared first on Puntland Post.
-
Geriley (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka ururka al-Shabaab ayaa weeraray degaanka Geriley ee gobolka Gedo, oo ay dhammaadka bishii hore ka baxeen ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalka Kenya. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland ayaa VOA u sheegay inay Al-Shabaab halkaasi soo weerareen maanta barqadii, ayna la wareegeen. Ugu yaraan saddex qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen iska horimaad ka dhacay Geriley kadib weerarka al-Shabaab. Ururka Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegtay inay la wareegeen gacan ku haynta degaankaas kadib iska horimaad dhacay. Al-Shabaab waxay sidoo kale sheegteen inay qabsadeen saldhig ay deganaayeen ciidamdan KDF ee degaankaas muddada gacanta ku hayey. Geriley waa goob istaraatiiji ah, waxayna xuduudda Kenya u jirtaa 12KM. Geriley waxay ka mid ahayd lix saldhig oo ay wareejiyeen ciidamada ATMIS ee nabad ilaalinta, taasi oo qayb ka ah dhimista ciidamdaas ka hor bixitaankooda bisha December ee sannadka dambe. Ciidamadii ugu horreeyey ee ATMIS, oo gaaraya illaa 2,000 ayaa ka baxay Soomaaliya, waxaana la filayaa inay 3,000 oo kale ka baxaan dalka bisha September. Ciidanka ATMIS ayaa markaas noqon doona illaa 14,000. Waxayna dalka uga bixi doonaan si tartiib ah illaa ay ka wada dhammaadaan bisha December 2024, sida qorshuhu yahay. Hase yeeshee, qabsashada saldhiggan ayaa dhabar-jab weyn ku ah dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna shaki geli kartaa, haddii Soomaaliya ay weli diyaar u tahay inay ciidamada ATMIS kala wareegto amniga. Dhinaca kalena, hay’adda nabadsugidda maamul goboleedka Jubaland ayaa sheegtay in hawlgal dhacay toddobaadkan lagu dilay 17 ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab. Hawlgalkan ayaa hay’addu sheegtay inuu ka dhacay nawaaxiga Weel-Maarow 12-kii Julay, waxayna intaas ku dartay in maleeshiyaadka la dilay ay ku jireen kuwo kasoo jeeda Itoobiya iyo Kenya, inkastoo aysan hay’addu soo bandhigin caddaymo muujinaya sheegashadaas. The post DEG DEG: Al-Shabaab oo qabsatay mid ka mid ah saldhigyadii ay wareejiyeen ATMIS appeared first on Caasimada Online.
-
Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ansixiyay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo loo magacaabay Mudane, Axmed Saciid Maxamed, kaddib soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha. Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee magacaabista xubnaha Golaha Maamulka Hay’adda Korontada oo laf-dhabar u noqon doonta kor-joogtaynta farsamo iyo dhaqan-galinta Sharciga Korontada, ubnaha oo ka kooban sagaal xubnood ayaa lagu soo xushay khibraddooda. Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Hubka Soomaaliya iyo Xeerka Amniga iyo Bedqabka Xurumaha Dowladda, Amniga Hotellada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha adeegyada Bulshada. Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta iyo Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa Sidoo kale, goluhu ka dhageystay warbixinno muhiim ah oo ku saabsan Amniga, Waxbarashada iyo Hirgalinta Nidaamka Aqoonsiga dadweynaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shirka Wadatashiga Madaxda Qaranka, Madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta ayaa maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho, shirkaan ayaa waxaa furay maalinimadii shalay madaxweynaha Jamhuuriyadda. Shirka ayaa sidoo kae waxaana maanta kulanka ku biiray Guddoomiyaasha labada gole ee Baarlamaanka 11-aad Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoominaya shirka oo qorshuhu yahay in ay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah oo dhinacyadu ay kaga heshiiyaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka Puntland ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ku aadan xaaladda cakiran ee maamulkaasi, wuxuuna dacwad culus u gudbiyay maxkamadda dastuuriga ah ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Guuleed Saalax Barre oo ah Guddoomiyihii hore ee Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, kana mid ah mucaaradka ayaa shaaciyay inay dacwaddan ay gudbiyeen illaa 30 siyaasi kasoo jeeda Puntland, isla-markaana ujeedka uu yahay wax laga qabto gabood fallo u sheegay inuu ku kacay hoggaanka Puntland, gaar ahaan xukuumadda Saciid Deni. “Saaka waxaan gudbinay gal-dacwadeed aan u gudbinay maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland, dacwadaaa waxaa gudbiyay illaa in ku dhow 30 siyaasi oo reer Puntland, Dacwaddaas waxay ka dhan tahay gabaddoo falladii aanu u rakeynay hoggaanka hadda xukunka haayo uu ku kacayay taas oo kasoo horjeeda dastuurka” ayuu yiri Guuleed Saalax. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay kalsooni ku qabanaa maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland, isla-markaana ay qabatay dacawadda ay maanta u gudbiyeen. “Waxaan aaminsanahay hay’ad umad u dhexeysa, waxaana lasoo kalayay guddoomiyaha maxkamadda sare iyo ku xigeenkiisa, waxayna naga ballaan qaadeyn inay dacwaddaas geli doonaan” ayuu sii raaciyay. Waxaa sidoo kale kiiskan faahfaahin ka bixiyay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo kamid ah musharixiinta u hanqal taagaya hoggaanka Puntland, wuxuuna tilmaamay in dacwadooda ay tahay mid ka dhan ah xukuumadda iyo baarlamaanka oo uu ku eedeeyay inay jabiyeen dastuurka lagu heshiiyay. “Shirkaan jaraa’id waxaan u qabaneynaa inaan la socod siino warbaahinta iyo Ummadda Soomaaliyeed inaanu maxkamadda dastuuriga ah aan u gudbinay dacwad ka dhan ah Jabinta Dastuurka ee Xukuumadda & Baarlamaankuba ay ku kaceen” ayuu yiru Cawad. Cawad ayaa intaasi ku daray in ujeedka uu yahay in laga hortago colaad iyo xasilooni darro siyaasadeed oo ka dhacday Puntland, Soomaaliya. “Ujeedada waxaa weeyey oo mas’uuliyiintan ay isugu yimaadeen in laga hortago colaad, xasiloomni la’aan iyo burbur” ayuu mar kale yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda. Tallaabadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli xaalad cakiran ay ka taagan tahay magaalada Garoowe, taas oo ka dhalatay doorashada kusoo foodka leh Puntland, waxayna arrinta kasii dartay markii ay ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka, Cabdiweli Maxamed (Gaas) iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ay ka horyimaadeen damaca Deni. The post Mucaaradka PUNTLAND oo qaaday tallaabo culus kadib markii uu gudbiyay… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qanka, Xuseen Sheekh Maxamuud oo la hadlaayay warfidiyeenka ayaa soo hadal qaaday khilaafka dowladda federaalka iyo Puntand, isaga oo shaaciyay inuu hadda u socdo wadahadal hoose. Ugu horreyn agaasimaha ayaa ka warbixiyay sida uu ku billowday khilaafkan oo ugu dambeyn sababay inay kala tegaan labada dhinac, maadaama ay Puntland ku gacan seertay shirarkii ugu dambeeyey ee u dhexeeyay dowladda federaalka iyo maamullada. “Lixdii kulan ee lasoo dhaafay oo qayb kamid ah ay Puntland ka maqneyd mar walbaa si joogta ah ayuu Puntland u casuumaayay madaxweynuhu, ra’yigeedana la dhageysanaayay, welina fursadeedii waa uu taallaa oo meel looga socdo oo gaar ah ma jirto” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka ay Puntland ula mid tahay maamullada kale, isla-markaana aysan ka tegi karin labada dhinac. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Soomaaliya ay haatan isku baahan tahay, isla-markaana loo baahan yahay in la eego danta guud, la’iskuna tanaasulo. “Puntland maqnaashaheeda sida dadkan loola tashanaayo ayaa diyaar loola yahay in loola tashado Soomaaliyana way isu baahan tahay, Puntland-na Soomaaliya ayay u baahan tahay, Soomaaliyana hadda ma awoodo in dowlad goboleed ay gooni uga istaagto marka mabda’ guud waayay oo hoos imaanayo Soomaali Heshiis ah” ayuu mar kale yiri Xuseen. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale shaaciyay xog ku aadan in wadahadal hoose uu haatan u socdo dowladda federaalka iyo maamulka Puntland, kaas oo looga hadlayo xiisadda dhex taalla, si xal waara looga gaaro. Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale guul ka rajeeyay wadahadallada haatan socdo, si ay Puntland ugu soo laabato saaxadda, xalna loogu helo tabashadeeda. “Wadahadalka waa furan yahay si hoose ayay hadda u socdaan waxaan rajeynaa Insha Allaah inay miradhasho oo la’isku yimaado oo tabashada laga wada-hadlo” ayuu raaciyay. Puntland oo horay usoo eedeysay Villa Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday go’aanno culus oo ka dhan ah dowladda dhexe, taas oo keentay inuu go’o xiriirkii Muqdisho iyo Garoowe. The post Faah-faahin: Wadahadal hoose oo u socdo Villa Somalia iyo PUNTLAND appeared first on Caasimada Online.
-
Siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka Puntland ayaa saaka oo Khamiis ah maxkamadda dastuuriga ah u gudbiyay dacwad looga horjeedo furista dastuurka. Dacwadda waxa kale oo ku qoran eedaymo ka dhan ah xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni oo la xiriira dastuur-jebin iyo ku tagri-fal awoodeed. Maxkamadda ayaa si rasmi ah siyaasiyiinta mucaaradka ah uga qabatay dacwadda islamarkaana ballan-qaaday in ay galayso sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Guuleed Saalax Barre oo kamid ah siyaasiyiinta gudbiyay dacwadda. Guuleed Saalax ayaa sheegay in ay kulan gaar ah la yeesheen guddoomiyaha maxkamadda dastuuriga ee Puntland Xasan Yuusuf Nuur uuna u ballan-qaaday in maxkamaddu ay dacwadda galayso kadib markii ay hubiso in loo maray hannaan sax ah. Guuleed ayaa sidoo kale tilmaama in ay kalsooni ku qabaan hoggaanka maxkamadda dastuuriga ah in ay dacwadda u geli doonaan sida ay ballan-qaadeen “Kalsooni ayaan ku qabnaa hoggaanka maxkamaddu sida ay noo sheegeen in ay dacwadda geli doonaan” ayuu sii raaciyay. PUNTLAND POST The post Maxkamadda dastuuriga Puntland oo si rasmi ah u qabatay dacwad ka dhan ah furista dastuurka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maalintii labaad ka socdo shir wadatashi ah oo u dhexeeyo madaxda dowladda federaalka iyo kuwii hore ee dalka, kaas oo uu furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Shirka sidoo kale waxaa ka qayb-galaya Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali. Sidoo kale waxaa shalay dib loogu kordhiyay xubno horleh oo ay kamid yihiin Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan oo hore. Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa sidoo kale shirka maanta ku biiray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo haatan ku sugan hoteelka Decale oo ah halka shirka lagu qabanayo. Wararkii ugu dmabeeyay ayaa sheegaya in shirka maanta uu ka duwan yahay kii shalay, isla-markaana uu yahay mid xasaasi ah oo lagu gorfeyn doono arrimo masiiri ah. Arrimaha maanta laga wada doodi doono waxaa kamid ah muddo xileedka madaxweynaha iyo madax goboleedyadaa amniga, dastuurka iyo doorashooyinka oo ah kuwa muhiim ah. Waxaa sidoo kale ay madaxda isla eegi doonaan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo la filayo in dhowaan uu ka bilowdo gobollada dalka oo dhan. Gabagabada shirka ayaa sidoo kale lagu wadaa in laga soo saaro warsaxaafadeed ay madaxdu ku shaacinayaan go’aannada ay ka gaarayaan xaaladda dalka. Si kastaba, shirkan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay taagan tahay xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskii ay dhowaan gaareen Golaha Wadatashiga. The post Mas’uuliyiin horleh oo ku biiray shirka Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa sheegaya in ay diyaariyeen dacwad ka dhan ah furista dastuurka Puntland. Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee diiddan furista dastuurka ayaa saaka ku sugan xarunta maxkamadda dastuuriga ah ee magaalada Garoowe. Xiriir aan la samaynay waxay noo sheegeen in ay maxkamadda dastuuriga ah u gudbinayaan dacwad ka dhan ah furista dastuurka oo ay ku muransan yihiin xukuumadda iyo mucaaradka. Dacwadda waxa kale oo ku qoran sida ay xaqiijiyeen eedaymo ka dhan ah xukuumadda madaxweyne Deni oo u ololaynaysa arrinta wax ka beddelka dastuurka. Siyaasiyiinta saaka ku sugan xarunta maxkamadda dastuuriga ayaa sidoo kale sheegaya in ay weli la’ yihiin cid ka qabata dacwadda si ay ugu gudbiyaan maxkamadda dastuuriga ah. PUNTLAND POST The post Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee Puntland oo diyaariyay dacwad ka dhan ah furista dastuurka appeared first on Puntland Post.
