Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dawladda Ruushka ayaa digniin adag u dirtay Gaashaanbuurta NATO, oo ay ku eedeeyeen in ay wadaan qorsheyaal la mid ah kuwii dagaalkii Qaboobaa ee adduunka. Ruushku wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu jawaab ka bixiyo waxkasta oo halis ku ah amnigiisa, tallaabo kasta oo daruuri ahna uu qaadi doono. Source
  2. Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa diidday inay ka qeybgasho hadal-jeedinta madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog oo lagu wado inuu Arbacada soo socota khudbad ka jeediyo fadhiga wadajirka ah ee Congress-ka Mareykanka. “Bishii lasoo dhaafay, waxaan kasoo horjeestay martiqaad loo fidiyay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi si uu uga hadlo fadhiga wadajir ah, sababtuna waxay aheyd halka dowladdii ka taagan tahay xaquuqda aadanaha. Bishanna kama qaybgeli doono khudbad la mid ah oo uu jeedinayo madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog.” ayay Ilhaan kusoo qortay barteeda Twitter-ka. “Ma jirto si aan uga qaybgalo khudbad uu fadhiga wadajirka ah u jeedinayo madaxweyne waddankiisu i mamnuucay oo Rashida Tlaib u diiday inay soo aragto ayeydeed.” ayay raacisay. Waxay ku eedeysay dowlada Israa’iil ‘inay si cad wacad ugu martay inay burburin doonto rajada dowladnimo’ ee Falastiin. Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa bishii Abril u codeeyey inay Ilhaan Cumar oo Dimoqraadi ah ka saaraan Guddiga Arrimaha Dibedda, ayaga ku eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel. Laakiin bishii June ayaa loo magacaabay ku-xigeenka hoggaanka xubnaha xisbiga dimoqraadiga ee Guddiga Miisaaniyadda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka. Guddigan ayaa mas’uul ka ah dejinta heerarka kharashka guud ee dowladda. Source
  3. Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka wadahadlay xiisadda Suudaan, xidhiidhka labada dal iyo biyo xidheenka weyn ee Itoobiya ay ka sameyneyso webiga Nile, sida ay sheegtay madaxtooyada Masar. Sisi ayaa Axmed kusoo dhaweeyay qasriga madaxtooyada ee Qaahira, sida ay sheegtay madaxtooyada Masar. Masar ayaa maanta oo Khamiis ah martigelinaysa shir madaxeedka dalalka deriska la ah Suudaan, kaasoo lagaga hadlayo sidii loo soo afjari lahaa colaadda 12-ka toddobaad ee u dhexeysay dhinacyada iska soo horjeeda ee milateriga Suudaan, taasoo sababtay masiibo bini’aadanimo oo weyn oo gobolka ka taagan. Masar iyo Itoobiya oo ah labada dal ee ugu weyn ee deriska la ah dalka Suudaan ayaa sannadihii ugu dambeeyay isku khilaafsanaa dhismaha biyo xireenka weyn ee Korontada laga dhisayo webiga Blue Nile oo ku dhow xadka Suudaan. Source
  4. Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay mowfiqkeeda ku aaddan colaadda ka aloonsan magaalada Laascanood ee gobolka Sool, kadib markii mid ka mid ah hoggaanka dhaqanka deegaankaas uu ku eedeeyay dowladda federaalka inay garabsiineyso ‘duqeynta Somaliland’. Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka hadlay kulan xalay lagu qabtay magaalada Nayroobi ayaa eedeynta jeediyay, isaga oo si gaar ah u eedeeyay madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre. Ciidamada Somaliland iyo kuwa beesha Laascaanood ayaa halkaas ku dagaallamaya muddo ku dhow siddeed bil. Dadka deegaanka ayaa doonaya in ciidamada Somaliland ay isaga baxaan dhammaan deegaankooda iyo inay qeyb ka noqdaan dowladda Soomaaliya, halka Somaliland ay ku adkeysaneyso inay iyadu mas’uul ka tahay dhammaadka ‘xuduudaha Ingiriisku’ ka tagay ee Somaliland la isku yiraahdo Somaliland billowgii dagaalka waxay sheegtay in Laascaanood ay kula dagaallamayaan qaar ka tirsan ururka Al-Shabaab, iyo ciidamada dowladda Puntland, iyo xitaa kuwa dowladda federaalka ah. Se, dagaalka waxa uu markii hore ku bilowday dibadbaxyo ay dhigayeen dad careysan, kuwaas oo ka dhashay dilal magaalada loogu geystay waxgarad iyo siyaasiyiin uu ugu dambeeyay Cabdifitaax Cabdulaahi Hadraawi oo ahaa in dhalinyaro ah. Waxaa Cabdifitaax la dilay bishii December ee sanadkii hore. Maamul goboleedka Puntland iyo dowladda federaalka ahba horey ayay u beeniyeen eedeynta Somaliland. Laakiin madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo mardambe hadlay ayaa sheegay in aysan dowladda Puntland gacanta ka laaban doonin colaadda ka taagan Laascaanood. Hadalkaas ayaa dabo-socday eedeymo hore oo tilmaamayay in qeybo ka mid ah ciidamada Puntland, iyo kuwa beelaha deegaanka maamulkaas ay qeyb ka yihiin Puntland. Hoggaanka dhaqanka ee Sool waxay iyagu ku celceliyeen inay doonayaan in ciidamada Somaliland ay ka baxaan dhulkooda, iyaga oo ku eedeeyay ciidamada Somaliland weerarro iyo duqeymo ‘arxandarro ah’ oo ay ka geysteen magaalada Laascaanood. Laakiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo hadlay horraantii toddobaadkan ayaa ka bari-yeelay dowladda federaalka iyo shacabka deegaanka colaadda ka taagan Laascaanood, isaga oo eedda markan ku koobay dowladda Puntland. Waxaa marar badan fashilmay xabbad-joojin ay labada dhinac ba ku dhawaaqeen, iyada oo dhinac ba kan kale eedeeyay. Waxaa sidoo kale jiray dedaallo dhexdhexaadin ah oo ay iskuday dowladda Itoobiya, sida uu BBC u xaqiijiyay safiirka shaqada ka tagay ee Mareykanka danjire Larry Andre. Mas’uuliyiin ka socda dowladda Itoobiya ayaa labada dhinac ba la kulmay, laakiin ma jirin wax faahfaahin ah oo dheeraad ah oo kasoo baxay dedaalkaas. Dowladda federaalka ayaa iyada horey odeyaal dhaqan ugu dirtay Laascaanood iyo Hargeysa si ay xal ugu raadiyaan colaada labada dhinac. Odeyaashaas ayaa la rumeysan yahay inay la kulmeen labada dhinac, laakiin ilaa iyo hadda ma jirto wax kasoo baxay howshii loo diray. Wasiirka Warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys oo ay BBCdu la hadashay kadib eedeynta Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ku celiyay mowfiqka dowladda ee dagaalka Laascaanood. Waxa uu sheegay in dowladda federaalku ku howlan tahay dedaal xal loogu raadinayo dagaalka siddeed bil ka taagan halkaas, isaga oo aan faahfaahin dheeraad ah bixin. Waxa uu Wasiir Daa’uud Aweys intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay ugu baaqeyso Somaliland inay joojiso duqeymaha iyo weerarrada ay ka geysato Laascaanood, isaga oo labada dhinac ugu baaqay wada hadal. Waxa uu intaas ku daray in aysan jirin wax-iska-bededlay mowfiqka dowladda ee ay horey u sheegeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey ula kulmay qaar ka mid ah madaxda dhaqanka Sool oo Muqdisho tagay. Qaran News
  5. Sacuudi Carabiya ayaa 2 bilyan oo dollar ku shubtay Bankiga Dhexe ee Pakistan, dowladdu ayaa sidaas sheegtay salaasadii, waxaana tallaabadan ay qeyb ka tahay qorshe lagu caawinayo dhaqaalaha Pakistan. Source
  6. New research highlights that watermelon improves overall diet quality and heart health by increasing nutrient intake, including fiber, vitamins, and minerals, and reducing added sugars and saturated fatty acids. Another study suggests that watermelon juice supplementation can protect vascular function, potentially supporting cardio-metabolic health. Two new studies explore the relationship between watermelon consumption and improved dietary habits in both children and adults, as well as the impact of watermelon juice on cardio-metabolic health. Watermelon is indisputably a flavorful and nutrient-packed fruit. Now, new research further illuminates its vital role in boosting dietary quality and supporting heart health. A recent study published in Nutrients suggests that watermelon can enhance nutrient absorption and the general quality of diet in both children and adults. This research, based on the analysis of data from the National Health and Nutrition Examination Survey (NHANES), discovered that the overall quality of the diet was significantly better in individuals who consumed watermelon compared to those who did not. According to the study, children and adult watermelon consumers had higher intakes of dietary fiber, magnesium, potassium, vitamin C, and vitamin A as well as lycopene and other carotenoids, while they had lower intakes of added sugars and total saturated fatty acids. Research analyst and author on the study, Kristen Fulgoni, will present the research findings at Nutrition 2023, the American Society for Nutrition annual meeting, held July 22-25, 2023 in Boston. In addition to the NHANES study, another new study also published in Nutrients builds on previous work in this area of research to show that watermelon juice supplementation protects vascular function during hyperglycemia. Conducted at Louisiana State University, this randomized, double-blind, placebo-controlled crossover trial to test the effects of 2 weeks of daily watermelon juice supplementation, specifically looked at the potential beneficial modulating effects of L-citrulline and L-arginine – two compounds found in watermelon – on nitric oxide bioavailability and heart rate variability. Both studies were funded by the National Watermelon Promotion Board. “We acknowledge that while the sample size was small (18 healthy young men and women) and more research is needed, this study adds to the current body of evidence supporting regular intake of watermelon for cardio-metabolic health. In addition to L-citrulline and L-arginine, watermelon is a rich source of antioxidants, vitamin C, and lycopene – all of which can help reduce oxidative stress and play a role in heart disease prevention,” said Dr. Jack Losso, Ph.D., professor at Louisiana State University’s School of Nutrition and Food Sciences. The Dietary Guidelines for Americans (DGA) recommend 1.5 to 2.5 cups of fruit daily and currently, U.S. adults and children fall short of this goal – getting only about half the recommended fruit serving each day. Watermelon is a nutrient-rich fruit and an excellent source of Vitamin C (25% DV), a source of Vitamin B6 (8% DV), and a delicious way to stay hydrated (92% water), with only 80 calories per 2-cup serving. Thoughts of juicy watermelon at your upcoming BBQ or outdoor get-together likely conjure up memories of enjoying the perfectly ripe fruit in summer’s past. The reality is that watermelon can be enjoyed any time thanks to the diversity of climates that enable watermelon production year-round. Whether you’re waiting for the first signs of summer to enjoy watermelon – or not – let this new nutrition research nudge you to include watermelon as part of your balanced diet Qaran News
  7. Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay guriga Islaanka ee magaalada Garoowe. Wararka ayaa sheegaya in kulanka Islaanka iyo madaxweynaha oo saacado qaatay looga hadlay xal u raadinta xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland. Xukuumadda Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa ku muransan arrima la xiriira furista dastuurka iyo hubanti la’aanta ka taagan qabsoomidda doorashada 2024. Khilaafka labada dhinac ayaa sababay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe kadib markii Baarlamanka Puntland u codeeyay furista dastuurka oo ay diidan yihiin mucaaradka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kulan gaar ah ka yeeshay xiisadda Puntland appeared first on Puntland Post.
  8. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa hoygiisa casho sharaf ugu sameeyay labo kamid ah Ra’iisul Wasaarayaashii dalka soo maray oo kala ah Mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Mudane Xamsa ayaa Ra’iisul Wasaarayaasha hore warbixin qoto-dheer kasiiyay shaqada Xukuumadda iyo guulaha ay ku tallaabsatay oo ay ugu horreyso dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, halka uu maraayo barnaamijka deyn cafinta oo heer gebo-gebo ah ku dhow, hannaanka dalkeenna looga qadaayo cuna-qabateynta hubka iyo sidii Dowladda Soomaaliya dhammaadka sannadka 2024 ula wareegi lahayd amniga dalkeenna. Mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka mid ah Madaxdii Hore iyo siyaasiyiinta dalka, oo shir wadatashi ah uu uga furmay magaalada Muqdisho iyaga iyo madaxda dowladda Federaalka, kaas oo lagu gorfaynayo xaaladda dalka, amniga, ciribtirka Khawaarijta, dib u eegista dastuurka iyo dimuqoraadiyeynta dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Iran ayaa shalay u yeertay safiirka Ruushka ee dalkeeda fadhiya, ka dib markii ay xukuumadda Moscow ay bilawgii toddobaadkan bayaan wada-jir ah la soo saartay qaar ka mid ah dalalka Carabta, bayaankaas ayay ku jireen qodobo taabanaya jaziiradaha muranku ka taagan yahay ee ku yaalla gacanka Persia. Tallaabadan ayaa ka mid ah, khilaafka dhif iyo naadirka ah ee dhexmara Iran iyo Ruushka, iyada oo xidhiidhka labada dal uu sii xoogaysanayey, tan iyo wixii ka dambeeyey dagaalkii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine. Iran ayaa siisay dalka Ruushka, diyaaradaha ay samayso ee aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo Moscow ay u adeegsatay duqaymaha ay ka geysato dalka Ukraine. Sidoo kale labada dal ayaa si weyn u taageera xukuumadda Bashar al-Asad. Wakaaladda wararka ee dalka Iran ayaa sheegtay in loo yeedhay danjiraha Ruushka si wax looga weydiiyo bayaankii wada jirka ahaa ee la soo saaray Isniintii, ka dib kulankii dhexmaray Ruushka iyo dalalka Khaliijka ee ay ka midka yihiin Imaaraadka Carabta, Sucuudiga, Kuwait, Qatar, Baxrain iyo Cumaan. Bayaanka, waxay wasiiradu ku caddeeyeen inay taageersan yihiin dedaallada lagu doonayo in xal nabadeed laga gaadho, xaaladda ka taagan jaziiradaha saddexda ah ee kala ah, Greater Tunb, Lesser Tunb iyo Abu Musa, iyada oo loo marayo wada-xaajood laba dhinac ah ama in kiiska la geeyo maxkamadda caddaaladda ee dunida, ayaa lagu sheegay bayaanka ka soo baxay shirka, sida ay faafisay wakaaladda wararka ee Sucuudigu. PUNTLAND POST The post Xiisad cusub oo ka dhex curatay Iran iyo Ruushka appeared first on Puntland Post.
  10. Mogadishu (HOL) - Somalia's Minister of Environment and Climate Change, Khadijo Mohamed Almakhsoumi, took the floor in the Upper House of the Parliament on Wednesday to present the Environmental Protection and Management Bill. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Carab oo kamid ah Golaha Shacabka, laguna soo doortay Ceelwaaq ayaa si kulul uga hadlay xiisadda gobolka Gedo. Carab oo maanta warbaahinta kula hadlay bannaanka hore ee xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegay in reer Gedo ay weli wajahayaan dhibaato ku bilaabatay dowladdii hore. “Gobolka Gedo, horta dhibka waxa uu ku billowday dowladdii hore aniga hadda xildhibaan ayaan ahay saddex mar ayaan tegay oo ah 2017, 2018 iyo 2019 deegaanka ayaana soo booqday wixii ka dambeeyay waad ogtihiin wixii ka dhacay waa nalool diiday annagoo meeshaas nagala soo doortay inaan tegno” ayuu yiri xildhibaan Cabdullaahi Carab. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday isbeddalka haatan ka dhacay gobolka Gedo, wuxuuna tilmaamay inuu taageerayo maamulka cusub ee uu Axmed Madoobe u magacaabay Gedo. Xildhibaanka ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka, Cabdullaahi Shimbir ugu baaqay inuu marka hore sameeyo dib u heshiisiin, isla-markaana uu isku keeno dhammaan reer Gedo. “Hadda isbeddal fiican ayaa socda waxaan rajeyneynaa guddoomiyaha uu madaxweynaha Jubbaland soo magacaabay inuu dadka deegaanka gogol u fidiyo dib u heshiisin ka shaqeeyo oo howshii ay hagaagsanaato” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay. Waxaa kale oo ku ku daray “Dadweynaha gobolka Gedo waxaan leenanay maamulkaa taageera, isagana waxaan ku boorineynaa inuu dadka isugu yeero,”. Ugu dambeyn waxaa wax laga weydiiyay doorashadii isaga iyo xildhibaanadii kale ee lagu soo doortay agagaarka degmada Ceelwaaq, taas oo xiisad kale ka dhalisay gobolka Gedo. “Aniga Ceel Qaalow la’iguma soo dooranee Ceelwaaq ayaa la’iga soo doortay, inaan tagana waa la’ii diiday” ayuu markale yiri Cabdullaahi Carab oo ah wasiirkii hore ee waxbarashada. The post Daawo: Xildhibaan Cabdullahi Carab oo si kulul uga hadlay xiisadda GEDO appeared first on Caasimada Online.
  12. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre met with two former Prime Ministers, Dr. Abdiwali Mohamed Ali Gas and Omar Abdirashid Ali Sharmarke, at his residence in Mogadishu on Wednesday night. Source: Hiiraan Online
  13. The United Nations Human Rights Council (UNHRC) has approved a resolution on religious hatred and bigotry in the wake of a Quran-burning stunt in Sweden that led to protests across the Muslim world. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay kulan Twitter Space ah oo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed uu qabtay, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha shirka Muqdisho uga socda siyaasiyiinta Soomaalida. Agaasime Xuseen, wuxuu sheegay in shirkaan uu iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo mid mid u casuumay siyaasiyiinta isugu timid, si looga tashado halka loo jiheynayo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya. Sida uu sheegay Agaasime Xuseen, qodobada miiska saaran waxaa ka mid ah arrimaha muddo kororsiga dowlad goboleedyada iyo wax ka bedelka muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda, iyadoo la furayo qodobo ka mid ah dastuurka dalka. Waxyaabaha uu qorsheynayo Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay qalinka ku duugeen madaxda dowlad goboleedyada waxaa ka mid ah, in xukunka dalka laga dhigo nidaam madaxtooyo, iyadoo meesha laga saarayo kursiga Ra’iisul Wasaaraha oo lagu bedelayo Madaxweyne ku xigeen. Arrinkaan, si weyn ayey u diidan yihiin inta badan siyaasiyiinta uu shirkaan ku casuumay Madaxweyne Xasan Sheekh, balse Agaasimaha Madaxtooyada ayaa xalay bixiyey xog cusub oo sababi karta in qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ay siyaasiyiintu aqbalaan. Dooda ugu adag ee siyaasiyiinta ka imaaneysay waxay aheyd, in dowladda uu hoggaaminayo Xasan Sheekh ay meel mariso qorshahaas, balse ku dhaqankiisa la bilaabo muddo xileedka dowladda tan xigta. Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xalay kulankii ‘SNTV Twitter Space’ ku shaaciyey in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo in afar sano markii uu joogo xafiiska uu qabto doorasho qof iyo cod ah. Agaasime Xuseen Sheekh, wuxuu cadeeyey in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan ku jirin damac muddo kororsi, isla markaana nidaamkaan loo jeexayo dowladda bedeli doonta tan hadda ka arrimisa dalka. Madaxweynaha dalka oo maalintii labaad shir kula jira siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee intooda badan horay dalka uga soo qabtay xilal muhiim ah ayaa ka dhaadhicinaya sida ay dowladiisu dooneyso inay u meel mariso qorshahaan wax looga bedelayo dastuurka dalka. Hadii qorshaha madaxweynaha aysan ku jirin in isagu uu muddo xileedka kororsado, waxay u badan tahay in saamileyda siyaasadeed ay ka aqbali doonaan inuu ku dhaqaaqo wax ka bedelka muddo xileedka baarlamaanka iyo madaxtooyada, si fursadaas ay uga faa’iideystaan dowladaha dambe ee dalka hoggaamin doona. The post Villa Somalia oo shaacisay mowqifka muddo kororsi ee madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  15. SAN DIEGO (Border Report) — About 17,000 migrants are waiting in Northern Baja California for an opportunity to cross the border, according to Mexico’s National Institute of Migration. Source: Hiiraan Online
  16. Ethiopia’s Foreign Minister Demeke Mekonnen met with US diplomat Molly Phee on Wednesday to discuss a range of issues, including the ongoing conflict in Sudan. Source: Hiiraan Online
  17. Five people were on Tuesday arrested in connection with a firearm and several rounds of ammunition that were found in public transport bus. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xalay hoygiisa ku qaabilay qaar kamid ah ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka, kuwaas oo ka qayb-galaya shir u dhexeeyo madaxda dowladda iyo kuwii hore ee dalka. Xamza ayaa casho sharafeed ku maamusay labo kamid ah ra’iisul wasaarayaashii hore hore, kuwaas oo kala ah Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’rke oo labaduba deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanada Puntland. Ra’iisul wasaaraha ayaa labada mas’uul kala hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan dadaallada ay waddo xukuumaddiisa iyo guud ahaan qorshaha dowladda dhexe. Sidoo kale Xamza ayaa sidoo kale ra’iisul wasaarayaashii hore warbixin qoto-dheer ka siiyay shaqada xukuumadda iyo guulaha ay ku tallaabsatay oo ay ugu horreyso dagaalka ka dhanka ah Shabaab & halka uu maraayo barnaamijka deyn cafinta oo heer gebo-gebo ah. Wuxuu sidoo kale usoo bandhigay qorshayaasha dowladda ee ku aadan hannaanka Soomaaliya looga qaadayo cunaqabateynta hubka iyo sidii ay dowladda federaalka dhammaadka sannadka 2024 amniga ugala wareegi lahayd ciidamada howlgalka ATMIS. Dhinaca kale ra’iisul wasaarayaashii hore, Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay soo dhoweynta uu u sameeyay, sidoo kalena ku amaanay dadaalla ay haatan waddo xukuumaddiisa oo la magac baxday DanQaran. Labada ra’iisul wasaare ayaa qayb ka ah shirka u furmay madaxda dowladda federaalka iyo kuwii hore ee dalka, kaas oo galay maalintii labaad oo xiriir ah. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa dhameystirka dastuurka, dimuqoraadiyeynta, doorashooyinka, dib u xoreynta dalka iyo siyaasadda. Waxaa shirka furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qayb-galaya Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali. Sidoo kale waxaa shalay lagu kordhiyay xubno horleh oo ay kamid yihiin Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan. The post Maxay ka wad-hadleen Xamza Cabdi iyo ra’iisul wasaarayaashii hore? appeared first on Caasimada Online.
  19. Employment and earnings for low-income residents of Beletweyne, in Somalia’s Hiran region, have been suspended for weeks due to the closure of roads and damage to property and basic amenities caused by the recent river flooding. Source: Hiiraan Online
  20. A small passenger plane swerved off the runway on arrival Tuesday at the international airport in Somalia's capital city of Mogadishu, state media reported. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta quus ka muujiyey soo xaadirka xildhibaanada ee kulamada golaha, isagoo soo saaray hanjabaad ka dhan ah xubnaha caadeystay maqnaashaha badan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in 275-ta xildhibaan ee golaha kulan kasta oo ay yeeshaan 200 mudane aysan soo xaadirin, sida uu sheegay Sheekh Aadan Madoobe. Wuxuu sheegay in xubnahaasi aysan imaan wixii ka dambeeyey markii lasoo doortay madaxweynaha dalka, wuxuuna maanta sheegay Sheekh Aadan Madoobe in ka guddoon ahaan ay bilaabayaan isla xisaabtan dhab ah. “Maanta kooramkeenu waa 145, waa markii ay ugu tiro badnaayeen xubnaha yimaada kulamada, wixii ka dambeeyey markii lasoo doortay madaxweynaha,” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in weli aan la ganaaxin hal xildhibaan, sidii loo soo dhisay baarlamaankaan 11-aad, markii laga reebo hal maalin oo kulanka golaha laga yeeriyey magacyada xubno markaas ka maqnaa kulanka. Wuxuu sheegay in hadii sidaan gaabiska ah ay ku sii socdaan kulamada golaha ay noqonayaan guddoon aan waajibaadkiisa gudan Karin, sidaas darteena ay ku qasban yihiin inay la yimaadaan ciqaab sababi karta inay soo xaadiraan xubnaha ka maqnaada kulamada golaha. “Inagoo og duruufta xildhibaanada qaar, aadna u ixtiraameyna, xildhibaanada maqan waxaan farayaa inay kulamada golaha soo xaadiraan, waxaa nagu soo wajahan arrimo masiiri ah oo dastuurku ku jiro,”ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa kulankii maanta ka shaaciyey inay u yimaadeen xildhibaano ka carooday xubnaha caadeystay inay iska maqnaadaan oo kulamada aysan soo xaadirin, “Ceeb ayey nagu tahay taasi, waxaa la rabay in anagu aan bilowno isla xisaabtanka,” ayuu yiri. “Hadii shaqo aadan rabin oo aad isaga tagtay, maxaad shalay u soo doonatay kursiga? Xildhibaanka waxaa laga rabaa in dadkiisa uu ka difaaco waxa qaldan, xildhibaanada qaar fasax nagama qaadan,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe. Hoos ka daawo The post Daawo: Aadam Madoobe oo quus ka jooga xildhibaano appeared first on Caasimada Online.
  22. Hague (Caasimada Online) – 31-kii Maarso 2005 Golaha Ammaanka ayey ICC kaga hadashay iyadoo tixraaceysa Danbiyada dagaal sida Darfur, Sudan ayna haboon tahay in Somalia in la eego taas oo muujineysa in gobolka ay soo wajahday arrin khatarteeda wadata. 2012 ICC waxey soo saartey Warqad in la soo xiro Dominic Ongwen kaas oo ka geystey danbiyo dagaal oo ay ku jirto meel ka mid ah Soomaaliya. Dominic Ongwen wuxuu ahaa sarkaal Ugandaka soo jeeda waxay ICC xukuntey February 4, 2021 waxaana lagu xukumey 25 sano oo xarig ah. Mar Saddexaad iyo Mar afaraad oo kala ah 2016 iyo 2017 ayey ICC ugudbisey Golaha Ammaanka warbixin in Soomaaliya la baaro taas oo ay ICC u aragtey in ay ka dhaceen danbiyo dagaal oo u baahan in la baaro. Su’aasha waxey tahey yey ku xiran tahey in ICC ay Soomaaliya ka mid noqoto Ma dowladaa mise Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa go’aanka leh? Ku biirista ICC waxey ku xiran tahey Baarlamaanka Soomaaliya, laga bilaabo 2002, Dal haddii uu ka mid noqonayo ama ka baxayo Waa in Baarlamaanka ansixiyaa ama Baarlamaanka uu go’aamiyaa in uu ka baxey. Dowladda ma laha go’aan ku biirista ICC, Laakiin dowladda waxey u sheegi kartaa in ICC iyo Beesha Caalamka in ay Soomaaliya ka mid noqoto ay muhiim tahey, laakiin, Baarlamaanka diidan yahey, oo Xildhibaanada ayna hor istaagneyn oo eeda is fogeyneyso Dowladda madaxana loo saarayo in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay yihiin kuwa Jecel in qas iyo dagaal ay Soomaaliya ku jirto. Waxaa suurtogal ah in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay u muuqan doonaan kuwa taageera danbiyada ka dhasha dagaaladal, caqabadna ku ah aaddamaha, Waana tan dowladdu ay isaga fogeysey in dhibaatadu tahey Baarlamaanka, iyada oo aan Dowladda weli u soo gudbin Baarlamaanka. The post Maxkamada ICC oo codsi u soo dirtey SOOMAALIYA appeared first on Caasimada Online.
  23. Baardheere (Caasimada Online) – 3-sano kadib markii ugu horeysay wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamed Cabdi Oogle ayaa gaaray gobolka Gedo oo maalmihii lasoo dhaafay u soo gacan galay Jubbaland. Wafdi uu hoggaaminayo wasiir Oogle ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, isagoo isla maanta dhagax-dhigay dib u dhis ay Jubbaland ku sameyneyso isbitaalka guud ee degamadaas. Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa shacabka reer Baardheere iyo guud ahaan bulshada reer Gedo ka balan-qaaday in wasiirrada ugu muhiimsan maamulka uu keeni doono gobolka, si looga hirgeliyo mashaariic hormarineed. 3-dii sano ee lasoo dhaafay Gedo cagtooda ma dhigin wasiirrada, xildhibaanada ama xubnaha kale ee Jubbaland ku metela gobolka Gedo. Hase yeeshee dadaal dheer kadib hadda wax badan ayaa iska bedelay nidaamkii maamul ee ka jiray gobolkaas. Siyaasiyiintii awooda ku maamuleysay Gedo sanadihii lasoo dhaafay ayaa qaar si hoose loogu qanciyey maamulka Axmed Madoobe, halka xubnaha qaar awood loo adeegsaday. Maalmo ka hor waxaa hawada gobolka Gedo laga celiyey diyaarad dooneysay inay Garbahaarey ka dejiso masuuliyiinta maamulka cusub ee Jubbaland ay u magacowday gobolkaas. Balse inta badan xubnihii uu soo magacaabay Axmed Madoobe ayaa safarro dhulka ah maalmihii lasoo dhaafay ku galay degmooyinka gobolkaas, kuwaas oo taageero ka helay inta badan bulshada reer Gedo, markii ay u bandhigeen qorshaha ay ku hoggaami doonaan dadka. Hadda waxaa bilaabatay in siyaasiyiinta kale sida wasiirrada ka soo jeeda gobolkaas eek a tirsan Jubbaland ay tagaan degmooyinkii sanadaha badan laga hor taagnaa ee gobolka Gedo, kadib dadaal dheer oo maamulka Axmed Madoobe uu sameeyey, kaas oo dowladda federaalka ay ku garab siisay. Hoos ka daawo The post Daawo: Jubbaland oo wasiir muhiim ah u dirtay gobolka Gedo iyo qorshaha socda appeared first on Caasimada Online.
  24. Switzerland oo daahfurtay Mashruuc ay ka Fulinayso Somaliland Hargeysa(Qaran)-Dalka Switzerland ayaa shaaciyay inay daahfurtay wejiga labaad ee mashruuc ay ka fulinayaan Jamhuuriyadda Somaliland. Kulan lagu qabtay caasimada Hargeysa, isla markaan aay ka qeybgaleen Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Md. Siciid Sulub iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaarada iyo marti sharaf kale ayaa qoraal safaarada Switzerland ka soo saartay lagu sheegay. “Safaarada Switzerland waxaa sharaf u ah in uu qayb ka noqdo daah-furka wajiga 2aad ee mashruuca adkeysiga ee gobolka Awdal ee Somaliland. Qoraalka Safaarada ayaa la raaciyey inay wada shaqeyn dhow la wadaagaan xukuumada Somaliland, “La shaqaynta dawladda Somaliland iyo hay’adda cuntada adduunka (FAO) waa wax ka qabashada caqabadaha quudka iyo calafka ee silsiladda qiimaha xoolaha. Bogaadin dhammaan daneeyayaasha sida ay uga go’an tahay.” Qaran News