Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Zahra Cabdikariim ayaa markii ugu horreysay qoraal ay soo saartay ku faah-faahisay dhacdii 7-dii May, 2023, markaasi oo ciidamao ka tirsan kuwa dowladda ay weerareen xarunteeda ganacsi, oo ku taalla Trepiano, islamarkaana ay xireen. Hoos ka aqriso qoraalka. Maxaa dhacay 7-dii May, 2023?: Taariikhda markii ay ku beegnayd May 07, 2023 goor galab ah qiyaastii 3:40 pm waxaa xafiiskayga Shirkadda (SOSTEC Technologies) ee ku taalla Treepinayo iga ka xaystay rag igu handaday in waxa qalab shirkadda yaalla ay ranayaan, sidoo kale qori igu handaday, haddii aan weydiiyay cadayn in ay wataan ( Warran) ay ii sheegeen in aysan wadan wax document ah waxaana la igala wareegay Laptop-keygii shaqada iyo Mobile -keyga. Habeenimadii ayaa xeer ilaalin iyo Boolis iigu yimideen Saldhigga Degmada Waaberi oo i weydiiyay xarumaha Dowladda ee aan adeegsiino iyo adeegga aan qabano iyo sababta aan System dowlo u host garayno, waxaana u sheegay in sharci u haysto ayna tahay adeeg cidii nooga baahato aan siino. Waxaa 8dii May 2023 tagnay xafiiska xeer ilaalinta oo dib su’aalo i weydiiyay sidoo kale baaray qalabkeyga, gunaanad kii waxaan tagnay Maxkamadda Gobal ka Banaadir oo xeer ilaalinta u aqriyay xogta baarista cadeyayna in wax dambi ah igu heynin ayna i fasaxeen. Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa xeer ilaalinta weydiiyay hadaysan jirin wax tuhun hordhac ah sababta la isaga xiray muwaadin. Waxa muddo yar kadib la igu wareejiyay qalabkeygii lana ii sheegay in fasaxanahay oo warqad la isiinaa, muddo ka dib hadana xeer ilaalintii igu soo laabtey dibna qalabka u qaatay ayna ku xigtay in xabsiga Dhexe laguu dhaadhicinaa sababtoo ah amar dad sare ka yimid la iixiraa. Qoyskeyga oo damaanad dalbaday waxaa Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir faray in $10,000 bixiyaan, markii la guda galay in lacagtaas la bixiyo haddana laga daba keenay amar ah in $20,000 in la bixiyo tahay kaliya damaanad ku heli karo, markii howshaas loo dhaqaqay markale la carqaladeeyay ilaa markii dambe damaanad ku helay ayadoo marba qiima nala hor dhigaayay sidaasna uga soo baxay xabsi anigoo canugeyga iyo aniga kala dhunay xanuuno badan i gaareen. Muddo 4 maalmood ah wax jadiin aanan qaadan anoo shook ka qadaay tacadiga la igula kacay. Muddo 31 maalmood ah ka dib ayaa Xafiiska Hanti Dhowrka Guud ii soo diray Email kaasoo ahaa weydiimihii adeeg bixiya kasta la weydiin lahaa ay ahayd nooca system aan u sameynay Wasaaradda Shaqada xafiiska work permit-ka, waxaana uga jawaabay in system kaas dhisnay 2019 uuna yahay diiwaan galin xog kaliya ah oo wax Finance ah shaqo ku lahayn , sidoo kale aanan siinin wax maintenance. Hantidhowrka waxay codsadeen in aan uga warbixiyo xogta ku jirto System ka balse waxaana u sheegay in macaamiisha xogtooda aanan anaga ka war haynin, sidaas ayayna Hanti Dhowrka codsi ah Cpanel reset password inooga dalbadeen uguna fulinay amar kaas 12 June 2023. Waxaan u cadeynaa bulshada arrimaha dad ka qaar iska sheegayaan aysan waxba kama in systemka la mid yahay nidaamka maaliyadda dowladdd iyo in xog laga tiray system ka. Waxaan waddankaan tiknolojiyad ka bilaabay iyadoo adagtahay in laga fikiro, waxaanna soo saaray dad badan oo xirfadley ah ( ICT professionals). Waxaa 9kii ka July 2023, la soo xiray Galkaas dibna la iisiiyay qalabkii iyo lacagtii damaanadii, 63 maalmood ayaan ahaa qalab la’aan oo dibaato badan oo dhaqaale iga soo gaartay, waxaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ka codsanayaa in magdhow la iga siiyo qasaarihii i soo gaaray. Mahadsanidiin Eng. Zahra Abdikariim The post Maxaa dhacay 7-dii May?- Zahra C/kariim oo xog bixisay appeared first on Caasimada Online.
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Jaaliyadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobollada SSC ee Sool iyo Sanaag ayaa shir weyn ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana gabagabadii shirkaas eedeyn culus loogu jeediyey dowladda federaalka. Gaaraadka guud ee SSC, Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ka qeyb galay shirkaas, waxaana ka soo baxay eedeyn loo jeediyey dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna madaxda dowladda dhexe ka dalbaday inay hagar-daamada ka daayaan midnimada umadda Soomaaliyeed. Garaad Jaamac oo gabagabadii shirkaas saxaafadda la hadlay ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay Somaliland ku garab siisay dagaalka Laascaanood, sidoo kale caalamka ay isaga aadisay dagaalka lagu hayo Laascaanood. “Soomaaliyey xukuumadda maanta jirta yaan nalagu haleyn, afka ka dhowri maayo, waxay Somalialnd ku garab siineysaa duqeynta ay ka wado Laascaanood,” ayuu yiri Garaad Jaamac. Sidoo kale, Garaadka ayaa sheegay in caalamkii ay uga dacwoon lahaayeen Somaliland ay ka hor taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku doodeysa inay xal u keeneyso xiisadda Laascaanood, sida uu shegay Garaad Jaamac. “Waxaan ognahay in adduunkii dhaleeceyn lahaa waxa Somaliland ay Laascaanood ka wado ay hor istaagtay dowladda federaalka, iyagoo dhahaya xalka arrintaas anagaa heyna, waxana cadeynayaa in wax xal ah aysan heyn dowladda dhexe,” ayuu yiri Garaadka guus ee SSC Khaatumo. Sidoo kale Garaadka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dagaal kala hor tegi doonaan hadii ay cadaato inay wax ka wado qorshaha dalka lagu kala goynayo ee Somaliland ay wado. Garaad Jaamac, wuxuu cadeeyey in haba yaraatee wax wadahadal ah uusan u socon ayaga iyo Somaliland, sidoo kalena aysan arkin xal ay wado ama raadineyso dowladda dhexe. “Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka waxaan leeyahay idinkaa la idiin dhaariyey ilaalinta midnimada Soomaaliya, waad ka soo bixi weyseen ee dadka halganka ku jira ee midnimada raadinaya ha lugoynina,” ayuu yiri Garaad Jaamac. Hoos ka daawo The post Daawo: Garaadka SSC oo sheegay in DF iyo Somaliland ay heshiis ku yihiin dagaalka appeared first on Caasimada Online.
  3. Shir weyne wada-tashi ah oo uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu saaka ka furmo Muqdisho. Shirkan ayaa looga hadlayaa sidii wax ka bedel loogu sameyn lahaa qodobada qaar ee heshiiskii Madasha Wada-tashiga Qaran oo ay diidan yihiin inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah. Madaxweyne Xasan Sheekh oo gudoomin doono shirka ayaa la filayaa in uu warbixin ka siiyo mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta ka qayb-galaysa sida dowladdiisu ay dooneyso in ay u wajahdo hanaanka doorasho ee dalka marka lagaaro dhamaadka mudo xileedka dowladda. Xubnaha ka qeybgalaya shirkan oo u badan ra’iisul wasaarayaal iyo gudoomiyayaal baarlamaan oo hore waxaa kamid ah Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, Cumar C/rashiid,C/weli Gaas, Sheekh Aadan Madoobe iyo Maxamed Mursal Sheekh. PUNTLAND POST The post Shirweyne wada-tashi ah oo lagu wado in uu saaka ka furmo magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha uu kasoo jeedo wasiirkii xilka laga qaaday ee Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo saartay cabasho ka dhalatay xil ka qaadistaas iyo isku shaandheyntii wasiirrada qaar. Odaaysha beesha uu ka soo jeedo Wasiir Cilmi ee Gadabuursi ayaa maanta shirkaan jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo ka cabanaya in kursigaas uu beesha dhaafiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre. Waxay sheegeen in isku shaandheyntii koobneed ee wasiirrada qaar uu ku sameeyey ra’iisul wasaare Xamza ay ku waayeen kursigii wasiirka ee dowladda federaalka ay ku lahaayeen. Odayaashaan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay nidaamkii loo maray xilka qaadistaas, iyagoo sheegay in la hareer maray miisaankii awood qeybsiga beelaha markii isku shaandheyntaas la sameeyey. “Markii uu dalkaani ka xoroobay gumeystaha ilaa hadda waxaan umadda Soomaaliyeed ka joognay mansab sare, balse maanta qalad weyn ayaa dhacay, waxayna tani Gadabuursi ku tahay gef weyn,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay. Odayaasha beeshaan ayaa ku dooday inay aad u ixtiraamaan midnimada Soomaaliya iyo awood qeybsiga beelaha oo hadda ka hor aan warbaahinta laga maqlin cabashadooda, balse hadda ay ka aamusi waayeen tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamza. Kulamo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho uga socday odayaasha beesha Gadabuursi ayaa maanta laga soo saaray bayaan ay ku dalbanayaan in dib loogu soo celiyo kursigii wasiirka ee xaqa awood qeybsiga ay ku heleen. “Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxaan ugu baaqeynaa in deg deg dib loogu soo celiyo beesha Gadabuursi kursigii wasiirka oo (A) ahaa, kaas oo xaq aanu u laheyn awood qeybsiga beelahana aan ku helnay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Hoos ka daawo The post Daawo: Beesha wasiir Cilmi oo go’aan culus kasoo saartay tallabadii uu qaaday Xamza appeared first on Caasimada Online.
  5. Waa kuwan tobanka dal ee sanadkani noqdaytobonka dal ee dunida ugu qanisani. Richest Country in the World 2023 World’s Richest Country List 2023 Top 10 Wealthiest Countries list 2023 1. Ireland [ GDP-PPP: 145,196 dollars, Population: around 49 Lakh 61 thousand] 2. Luxembourg [GDP-PPP: 142,490 dollars, Population: around 6 Lakh 55 thousand] 3. Singapore [GDP-PPP: 133,895 dollars, Population: around 59 Lakh 81 thousand] 4. Qatar [GDP-PPP: 124,848 dollars, Population: around 30 Lakh 20 thousand] 5. Macao SAR [GDP-PPP: 89,558 dollars, Population: around 6 Lakh 74 thousand] 6. UAE [GDP-PPP: 88,221 dollars, Population: around 10 million 232 thousand] 7. Switzerland [GDP-PPP: 87,963 dollars, Population: around 8 million 835 thousand] 8. Norway [GDP-PPP: 82,655 dollars, Population: around 5 million 542 thousand] 9. US [GDP-PPP: 80,035 dollars, Population: around 336 million 554 thousand] 10. San Marino [GDP-PPP: 78,926 dollars, Population: around 34 thousand] Richest Qaran News
  6. Bushaaro Baandey Hooyadeed oo Baaq Adag u Dirtay Madaxweyne Muuse Hargeysa-Hinda Maxamed Cawaale oo dhashay Suxufiyadda Bushaaro Baanday ee labada bilood ku xidhan Hargeysa, ayaa sheegtay in caddaalad darro iyo dulmi lagu haysto inanteedii. Hinda Maxamed Cawaale waxay madaxweynaha ugu baaqday inuu sii daayo inanteeda waxayna ku dooday in aanu isaguba jeclaadeen in inantiisa sharci darro lagu haysto muddo laba bilood ah. “Waa dulmi in la yidhaahdo qof kale dambigiisii ayaa loo haystaa iyadoo Ilaahay yidhi qofna dambiigsa qof kale dusha lagama saari karo” ayey tidhi Hooyo Hinda. Waxaanay intaas ku dartay “Madaxweyne waxaad tidhi fartayda eeday baydun odhan anigay taasi maanta igu dhacday caddaalad darrada lagu haysto inantaydu walaahi in aanay xalay Seexan” Waxa kaloo ay sheegtay inay qarisay dhaawicii Bushaaro Baandey lagu soo gaadhsiiyay Wajaale markii la qabanayey. Qaran News
  7. Maxkamad Liibiyaa Xukuno adag ku riday dad ka ganacsada Aadmiga Liibiya(Qaran)-Maxkamad ku taalla dalka Liibiya ayaa xukun adag dul dhigtay dad lagu eedeeyay ka ganacsiga aadmiga gaar ahaan tahriibinta dadka sharci darada doonay inay ku galaan qaarada Yurub. Eedaysanayaal tiradoodu dhan tahay todoba iyo sodon oo hore ciidamada ammaanka dalkaasi u soo qab qabteen, ayaa maxkamada la hor geeyay kuwaas oo xukuno kala duwan ay maxkamadu ku riday. Sida wararka laga helay dalka Libya ayaa cadeeyay in shan ka mid ah magafayaashan la maxkamadeeyay lagu xukumay xabsi daayin oo inta noloshooda ka hadhay ay ku dhamaysan doonaan xabsiga. Sidoo kale maxkamada ayaa xadhig u dhexeeya 15-sano ilaa hal sano ku xukuntay 32-kii xubnood ee soo hadhay, soo qab-qabashada xubnahaas ayaa ka danbaysay ku lug lahaanshaha doon macmal ah oo dhawaan ku qaraqantay badda Mediterranean-ka taas oo ay ku dhinteen 11 ka mid ahaa Tahriibayaashii saarnaa. Dhammaan dadkaasi la xukumay ayaa lagu eedeeyay in ay kaalin weyn ku lahaayeen abaabulka Tahriibayaasha ku safrayay doontaasi qaraqantay oo ku sii jeeday xeebaha dalka Talyaaniga. Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in muhaajiriin badan ay dhibaatooyin kala kulmaan gacanta kooxaha mukhalasiinta iyo maamulada xarumaha xabsiyada ee dalka Liibiya. Liibiya ayaa waxaa hadheeyay colaado iyo qalalaase tan iyo markii xilka laga tuuray Korneyl Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii. Qaran News
  8. Macaluul ka Dilaacday Gobolka Tigrayga Itoobiya Itoobiya(Qaran)-Macaluul iyo nafaqo darro saamaysay boqolaal kun oo carruur ah ayaa ka dilaacday gobolka Tigree ee dalka Ethiopia oo dagaaladii ka dhacay burburiyeen dhamaan kaabayaashi nolosha ee degaankaas. Sida warbixin wakaalada wararka Faransiiska ee AFP ka diyaarisay gobolkaasi ay daaha ka rogtay, carruur tiro badan ayaa ku lee’day nafaqo daro iyo xaalad cunto yaraan ba’an ah oo haleeshay guud ahaan degaanada uu ka kooban yahay gobolka Tigree. Cusbitaalka carruurta ee ku yaala caasimadda Maqale waxa maalin walba ku dhinta carruur nafaqo daro haleeshay, sida warbixintani xustay shan ilaa toban carruur ah ayaa maalin walba ku dhinta cusbitaalkan oo kaliya. Waaladiinta la daala dhacaya carruurtooda nafaqo daradu ku dhacday ayaa sheegay in edeega ay ka helaan cusbitaalku aad u xadidan tahay, sidoo kale hawl wadeenada caafimaadka ayaa sheegay in xaaladu awoodooda dhaaftay carruurtan macaluulsana aanay jirin wax ay u qaban karaan. Inta badan carruurta la keeno cusbitaalka Maqale waa kuwo u badan ehalada dadkii beeraleyda ama xoolo dhaqatada ahaa eek u dhaqnaa, goobihii dagaaladu saameeyeen gaar ahaan tuulooyinka durugsan. Hay’ada UNICEF ayaa hore uga digtay macaluul saamayn doonta ilaa labo milyan oo dadka ku dhaqan gobolka Tigree, kuwaas oo uu halakeeyay dagaalkii xukuumada Ethiopia iyo falaagada TPLF. Ma jiraan goobo fuuq celin ama gar gaar loogu sameeyo carruurtan oo intooda badani qalfoof iyo lafo isa sudhan noqdeen, waxaana xaaladooda uga sii daraysa jidadka xidhan iyo dhaq dhaqaaqa hayadaha gar gaarka oo kooban. Dibadbaxyo Isreal dhexdeeda ka bilaabmay Televiv(Qaran)-Kumanaan shacabka Israel ah oo ka cadhaysan wax ka beddel lagu sameeyay sharciga garsoorka dalkooda ayaa dibad baxyo rabshado wata ka sameeyay magaalooyinka waaweyn ee dalkaas gaar ahaan magaalada caasimadda ee Telaabiib. Golaha baarlamaanka dalkaas oo KANISAT-ka loogu yeedho ayaa xalay goor danbe ogolaaday wax ka badal ku saabsan nidaamka garsoorka dalkaas, gaar ahaan in hoos loo dhigo awoodaha maxkamada sare taas oo si wayn ay uga cadhoodeen shacabku. Sida wararka laga helayo dalka Israel ayaa sheegayaan ilaa boqol iyo labaatan ka mid ah dadka dibad baxyada dhigayaa ayaa boolisku xabsiga u taxaabay, waxaana meelo badan oo magaalooyinka Telebiib iyo Xayfa ka dhacay rabshado ay ku kaceen dadka dibada baxyada dhigaya. Mudaharaadayaasha ayaa sitay boodhadh ay ku soo qoreen halku dhegyo ka dhan ah raysal wasaaraha dalkaas Benjamin Netanyahu oo ay ku tilmaameen kalidii taliye musuq maasuqu biyo dhigay. Raysal wasaare Netanyahu oo ka badbaaday in dawladiisu burburto ayaa warbaahinta u sheegay in go’aanka goluhu yahay wax sharci ah oo lagu dhaqmi doono, taas oo dad badan ka sii cadhaysiisay, sababtoo ah? Maxkmada sare waxay dacwad musuq maasuq la xiidhadh ku qaadaysay Raysal wasaare Netanyahu laftiisa. Sida sharciga cusub ee KANISAT-ku meel mariyay dhigayo waxa joogsan doona dacwadihii maxkamada sare ku soo oogi jirtay siyaasiyiinta xilalka sare ka qabta xuukumadaha dalkaa soo maray, taas oo ay dad badani ku tilmaameen dumuqraadiyadii oo lagu xad gudbay iyo cadaaladii oo gacmaha laga xidhay. Maxkamad Liibiyaa Xukuno adag ku riday dad ka ganacsada Aadmiga Liibiya(Qaran)-Maxkamad ku taalla dalka Liibiya ayaa xukun adag dul dhigtay dad lagu eedeeyay ka ganacsiga aadmiga gaar ahaan tahriibinta dadka sharci darada doonay inay ku galaan qaarada Yurub. Eedaysanayaal tiradoodu dhan tahay todoba iyo sodon oo hore ciidamada ammaanka dalkaasi u soo qab qabteen, ayaa maxkamada la hor geeyay kuwaas oo xukuno kala duwan ay maxkamadu ku riday. Sida wararka laga helay dalka Libya ayaa cadeeyay in shan ka mid ah magafayaashan la maxkamadeeyay lagu xukumay xabsi daayin oo inta noloshooda ka hadhay ay ku dhamaysan doonaan xabsiga. Sidoo kale maxkamada ayaa xadhig u dhexeeya 15-sano ilaa hal sano ku xukuntay 32-kii xubnood ee soo hadhay, soo qab-qabashada xubnahaas ayaa ka danbaysay ku lug lahaanshaha doon macmal ah oo dhawaan ku qaraqantay badda Mediterranean-ka taas oo ay ku dhinteen 11 ka mid ahaa Tahriibayaashii saarnaa. Dhammaan dadkaasi la xukumay ayaa lagu eedeeyay in ay kaalin weyn ku lahaayeen abaabulka Tahriibayaasha ku safrayay doontaasi qaraqantay oo ku sii jeeday xeebaha dalka Talyaaniga. Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in muhaajiriin badan ay dhibaatooyin kala kulmaan gacanta kooxaha mukhalasiinta iyo maamulada xarumaha xabsiyada ee dalka Liibiya. Liibiya ayaa waxaa hadheeyay colaado iyo qalalaase tan iyo markii xilka laga tuuray Korneyl Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii. Qaran News
  9. Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacowday dalka Itoobiya ahna wakiila joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika ayaa gaaray magaalada Addis Ababa. Guddoomiyaha guddiga midowga Afrika danjire Muusa Faki ayaa xafiiskiisa Addis Ababa ku soo dhoweeyey danjiraha Soomaaliya ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ahna wakiilka joogtada ah ee midowga Afrika. Guddoomiyaha guddiga midowga Afrika ayaa sidoo kale safiir Warfaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo. Danjire Warfaa ayaa dhankiisa uga mahad celiyay midowga Afrika kaalinta wax ku oolka ah ee uu markasta ka qaato dawlad dhiska Soomaaliya, sidoo kale safiir Warfaa wuxuu tilmaamay muhiimada ay leedahay sidii loo laba jibaari lahaa xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa dawladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika. PUNTLAND POST The post Midowga Afrika oo warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Soomaaliya ee Addis ababa appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa baaqday markale, sababta baaqashada ayaa daba socoto diidmadii iyo buuqii ka dhashay jadwal su’aallo lagu weydiinayo xubnaha Golaha Wasiiradda oo ay dhawaan xukuumadda u dejisay Golaha Shacabka. Inkasta oo ay aheyd markii koowaad ee ay xukuumad jadwal u sameyso Baarlamaan, haddana Xildhibaannada si xooggan ayay u diideen tixanahaas loo qorsheeyay inuu socdo saddexda billood. Sida lasoo warinayo guddi Xildhibaano ah ayaa laba qodob la wadaagay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Labada qodob ayaa mid waxa uu ku saabsan yahay barnaamijka ay xukuumadda ugu yeertay isla-xisaabtanka ee Golaha usoo gudbisay. Xildhibaannada waxay u sheegeen guddoonka in guud ahaan la tuuro qodobkaas oo aan mardambe lagu soo celin Baarlamaanka. Waxaa jira xeer qoran oo Baarlamaanka ku xisaabiyo xukuumadda, taasna ma soo marin habka cusub, sida ay Xildhibaannada sheegees. Sidaas awgeed waxaa Sheekh Aadan Madoobe loo sheegay inuu tixanaha xukuumaddu saddexda billood uga qaadatay jadwalkii Baarlamaanka in gebi ahaanba meesha laga saaray. Qodobka labaad wuxuu ku saabsan yahay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran. Waxaa socday qorshe la rabay in lagu kala qaado heshiiska oo qeybna lagu celiyo xukuumadda, qeybna laga doodo oo la horkeeno Baarlamaanka, oo loo raadiyo cod lagu ansixin karo. Qeybta la damacsanaa in xukuumadda lagu celiyo waa muddo kororsiga maamul goboleedyada, kaas oo Xildhibaannada si weyn u diidan yihiin. Laakiin sida lasoo warinayo waxaa guddoomiyaha Golaha Shacabka loo sheegay inuu heshiiska sidiisa u keeno Baarlamaanka, iyada oo aan waxba laga taaban. Ujeedka Xildhibaannada dalbanaya in heshiiska sidiisa loo keeno Baarlamaanka waa inay si guud u diidaan. Wararka dheeriga ah ee qodobkan la xiriira ayay waxay sheegayaan inuu Sheekh Aadan Madoobe labada qodob ka ogolaaday Xildhibaanada, laakiin sheegashada dambe aad uma sugna. Waxaa muuqata in Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan Golaha Shacabka ka curteen Xildhibaanno koox koox iskugu xiran oo ka madax-banaan xukuumadda, Madaxtooyada iyo xitaa mucaaradka banaanka jooga. Kooxdan waxaa loo arkaa kuwo isku baheystay dano gaar ah. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo isagu waayahan dambe aad ugu dhowaa Madaxtooyada ayaa waxaa u billowday mowjado cusub oo Golaha dhexdiisa ah, mana cadda inuu si fudud uga dabaalan karo. Cilaaqaadka uu Aadan Madoobe la leeyahay Xildhibaannada oo aan xooganeyn ayaa xukuumadda iyo Madaxtooyada ku qasbaya inay shaqo deg deg ah ka dhex bilaaban Golaha Shacabka oo ay raadiyaan saaxiibtinimada Xildhibaannada. The post Xildhibaannada gadoodsan oo laba qodob xasaasi ah miiska u saaray guddoonka BF appeared first on Caasimada Online.
  11. Hargeysa(Qaran news)-Madaxweaynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Casuumad u sameeyay qaar kamida ganacsatada Somaliland gaar ahaan kuwa beesha West Burco Clan kulankaasi oo aan wax siyaasad ku saabsan aan lagaga wada hadlin waloo mararka qaarkood kaftan la isku tuur tuuraayay Madaxwynuhu waxa la sheegay inuu ku martiqaaday beertiisa Geedeeble, waxaana la weriyay inuu u soo bandhigay ganacsatadaas inay ka mid noqdaan ganacsato la sheegay in la doonayo inay maalgashadaan biyaha caasimada si ay magaaladu u hesho biyo ku filan. Waxa warku intaas ku daray in ganacsataduna ay soo kormeereen dhaam gabogabo ku dow iyo ceelasha biyaha ee xarunta biyo soosaarka Hargeysa ee Geedeeble. Ma jiro war ka soo baxay madaxtooyada iyo ganacsatada, waxase la sheegay in kulankaasi qabsoomay. Hase ahaatee waxa dhawaan ay ganacsatdaasi xukuumaddu ka faasaxday warshadii Kabista ee ku taalay Dabada caadaada ee koonfur bari ee magaalada Hargeysa dhulkaasi oo laga siiyay lacag kor u dhaafaysa 2 milyan oo doolar iyada oo ay wararku sheegayaan in isla markiiba ay dhulaasi faasaxeen iyada oo loo saaray lacag lagu qiyaasayndhowr boqol oo kun oo doolar Ganacsatada Madaxwayne Biixi, casuumay ayaa kala ah. 1- Cabdikariin Maxamed Iid Guddoomiyaha shirkadda Telesom 2- Khadar Ambassador mulkiilaha Huteelka Ambassador 3- Cismaan Kaahin mulkiilaha Kaah Business 4- Cabdikariin Muruq Liqe mulkiilaha IBS BANK 5- Maxamed Shukri mulkiilaha Al Shukri Business. 6- Cismaan mulkiilaha Star Group Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer illaaliyaha guud ee qaranka ayaa sheegay in Maxkamadda gobolka Banaadir uu horgeeyey 7-qof oo lagu eedeeyey sida xafiisku sheegay tahriibin iyo samaynta been abuur dal ku gal. Xubnaha lasoo xiray ee maanta la hor geeyey Maxkamadda Xeer ilaalintu waxay cadeysay inay ku shaqeynayeen xafiis ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho. Magaca xarunta ay kooxdani ku shaqeysaneysay oo la shaaciyey waxaa lagu sheegay Toronto Tours and Treval Agency. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxaa lagu sheegay in xafiiskaas ay dhibane u yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka badan 600 oo qof. Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta qabatay gal-dacwadeedka kooxdaan eedeysanayaasha ah, waxaana loo dhaaciyey xabsi ku meel gaar ah, si baaritaano dheeraad ah ay u maraan. “Maxkamadda gobolka Banaadir markii ay ku qanacday cadeymaha hordhaca ah ee xafiiska xeer ilaaliyaha guud qaranka uu u gudbiyey ayey u u dirtay xabsi, si loo dhameystiro baaritaankooda, loona bilaabo maxkamadeyntooda,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka. Maalmahaaan waxaa Muqdisho ka socda baacsiga dadka ku kaca musuq maasuqa oo faraha ka baxay, aadna loogu dhaleeceeyo Soomaalida, taas oo sababtay in dalkeenu uu kaalimaha ugu horeeya ka galo dadka ugu musuqa iyo xatooyada badan dunida. Agaasimayaal, madax-qeybeedyo, shaqaale iyo xubno shacab ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay la shaaciyey magacyadooda, halka qaarkood la hor geeyey maxkamadda gobolka Banaadir oo weli ay dacwadoodu ka socoto. Agaasimayaashii u dambeeyey ee isku bedelay hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ugu sareeya xubnaha ilaa hadda magacyadooda la shaaciyey ee loo heysto musuq maasuqa, waxayna qaarkood ka baxsadeen dalka, halka maxkamaduna ay saartay baafin, iyadoo la amray in 30 cisho ay ku hor yimaadaan maxkamadda. The post 7 qof oo dhibanayaal ay u yihiin 600 oo qof oo Muqdisho lagu maxkamadeynayo appeared first on Caasimada Online.
  13. He might have rapped about partying ‘like it’s your birthday’, on one of his breakthrough songs In Da Club, but it appears 50 Cent favours a more low-key approach when it comes to his own big day. Source: Hiiraan Online
  14. A FAMILY fleeing drought and war in Somalia will be given a new home in Aberdour thanks to the efforts of villagers. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno kamid ah siyaasiyiintii diiday qodobo kamid ahaa heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa gaaray magaalada Muqdisho. Waxay casuumad ka haystaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Xubno ay kamid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa diiday inta badan qodobada heshiiskii 27-kii May. Marka laga reebo qodobka doorashada qof iyo cod ah. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ogolaaday in lagala doodo oo uu dhageysto siyaasiyiinta ka biyo diidan qodobada heshiiska. In uu bixiyo fursadan waxay u leedahay dhowr faa’iido. Horey mucaarad uu Xasan Sheekh uga mid ahaa ayaa loogu diiday in tallada qodobada waaweyn ee masiiriga ah wax laga siiyo, waxaana u diiday madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Tani waa inyar oo kamid ah farqiga dabacsanaanta siyaasadeed ee Xasan Sheekh iyo Farmaajo. Xubno mucaaradka kamid ah ayaa waxaa la sheegay inay muujiyeen kalsooni ah in madaxweynaha bedeli karaan oo waxyaabaha qaar ka fujin karaa. Hal qodob dhamaan waa la isku raacsan yahay, kaas oo ah in aan loo laaban karin noocii doorasho ee ugu dambeysay. Si walba, in wax laga bedelo hanaanka doorashada waa laga wada siman yahay mucaarad iyo muxaafad, laakiin meelaha la filayo inay doodaha ugu culus ka dhacaan waxaa kamid ah muddo kororsiga. Siyaasiyiinta kusii qulqulaya Xamar waxay aaminsan yihiin in aanay macquul aheyn in muddo xileed socda dhexdiisa lagu kordhiyo mudada xil-haynta labada heer dowladeed. Waxay qabaan in haddii muddo xileedka labada heer dowladeed laga dhigayo shan sano inuu noqdo mid ka bilowda kal xukunka soo socda, iyada oo arrintaas loo dhaafayo labada guddi dastuur ee uu dalka leeyahay. Midda kale ee muhiimka ah waa arrinta madaxweyne ku-xigeenka, iyada oo laga guurayo hanaanka ra’iisul wasaaraha. Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la sheegaya inuu si weyn qodobkan u caashaqsan yahay. Inkasta oo la fahmin danta gaarka ah ee madaxweynaha ugu jirta qodobkan, haddana dhinacyada diidan qodobkan waxay qabaan in inta qabyaaladda sareyso, qabaa’ilkuna hubeysan yihiin inay adag tahay in nidaamka ra’iisul wasaaraha laga guuro, kaas oo u muuqda mid xoogga dheeli-tiraya awoodaha beelaha isku eryada xukunka. Qodobka kale ee isha lagu wada hayo waa arrinta xisbiyada, iyada oo mucaaradka qabaan doorasho qof iyo cod ah, haddana aragtida labaad ee xisbi ee ku jirtay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran waxay la kulantay mucaaradad xoog leh. Dhanka madaxweyne Xasan Sheekh dood badan kama qabo in qodobkaas wax laga beddelo oo la kordhiyo xisbiyada. Arrimahaan waa kuwa ugu muhiiimsan ee la filayo inuu mid adag ka dhigo kulanka Xasan Sheekh iyo mucaaradka. Waxa uuna kulankani imaanaya iyada oo aan weli heshiiskaas la horgeyn labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. The post Waxa laga filan karo shirka Xasan iyo mucaaradka (qodobbada ugu adag ee miiska saaran) appeared first on Caasimada Online.
  16. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa barri daahfuraya kulan wadatashi ah oo ay wada qaadanayaan madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka, kaas oo ku saleysan wadatashi iyo is-qancin in looga gudbo xaaalada dalka uu ku jiro. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uga mahad-celinaya madaxdii hore sida ay u soo ajiibtay ka qeyb-galka kulankan ayaa madasha kula wadaagi doona waxyaabaha u qabsoomay dawladda intii uu xafiiska joogay, caqabadaha jira iyo hiigsiga mustaqbalka. Madaxweynaha ayaa dhageysan doona aragtidooda ku aadan xaalada dalka, amniga , ciribtirka Khawaarijta, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka, waxaana ka qeyb gali doona madax kale duwan oo dalka xilal dhowr ah kasoo qabtay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ku-xigeennada labada aqal waxaana ayna ku yeesheen xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa. Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta howlaha baaxada leh ee horyaala Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ubaahan in si wadajir ah ay ugu wada shaqeeyaan labada Aqal ee Baarlamaanka dalka, waxaana loo balamay in dib laisugu soo laabto kulan kale oo muhiim u ah Shaqada Baarlamaanka JFS. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cabdiweli Gaas iyo Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid ayaa bayaan culus kasoo saaray xaaladda Puntland iyo muranka doorashooyinka. Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa muddo toddobaad ah ku sugnaa magaalada Garoowe, si ay uga qeyb-galaan xal u helida arrimaha ka taagan Puntland, iyaga oo kulamo la qaatay madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka, Isimida dhaqanka, mucaaradka kasoo horjeeda dowladda, qaar kamid ah ururro siyaasadeedyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Bayaanka ay soo saareen ra’iisul wasaarayaashii ayaa lagu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la helo xal siyaasadeed oo dhamaan dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin oo looga gudbo caqbadaha hadda taagan. “Muddo xileedkii xukuumadda iyo Baarlamaanka Puntland waa gabagabo, doorashooyinka golayaasha deegaanka weli waa qabyo sidoo kale, masoo bixin saddexdii xisbi ee Dastuuriga ahaa, xukuumaduna weli kuma guuleysan in ay shacabka la wadaagto qaabka ay ku dhamaaneyso doorashooyinka socda iyo sida loo qabanayo doorashada madaxweynaha ee 2024-ka.” Waxay soo jeediyeen in la dhowro dowladnimada Puntland, lagana wada qeyb qaato ilaalinta xasiloonida, nabadgelyadda iyo wada-jirka Puntland, iyo weliba in laga maarmo xiligaan furitaan iyo isbedel lagu sameeyo Dastuurka Puntland. “In doorashada Golaha Wakiilada iyo madaxweynaha ku dhacdo xilligeeda ahaa 8-dii January 2024-kii, dowladduna la timaado barnaamij qeexan oo lagu fulinayo iyo in laga heshiiyo guddiga doorashooyinka ee sanadka 2024-ka si ay xiligeeda ugu dhacdo.” Ra’iisul Wasaarayaashii hore ayaa waxay soo jeediyeen in sida ugu dhaqsaha badan loo qabto doorashada golaha deegaanka saddexda degmo ee gobolka Nugaal ee ka harsan degmooyinkii la diiwaan-geliyay. Sidoo kale waxay soo jeediyeen in sagaalka urur siyaasadeed ee ka diiwaan-gashan Puntland ay noqdaan xisbiyada siyaasadeed ee Puntland muddo shan sano ah kana qeyb-galaan doorashada Golaha Wakiilada ee soo socda. “In doorashada u furan tahay qof kasta oo si iskiis ah u noqonaya musharax Madaxweyne, Madaxweyne ku-xigeen iyo xubin Baarlamaan (Independent Candidates),” ayaa lagu yiri bayaanka. Ugu dambeyntiina waxay soo jeediyeen in Xildhibaannada gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn looga dambeeyo hogaanka dhaqanka ee gobolkaas. The post Ra’iisul Wasaarayaashii hore oo bayaan culus kasoo saaray xaaladda Puntland appeared first on Caasimada Online.
  19. Komishanka oo Shaaciyay inay Cayimayaan Doorashooyinka Hargeysa(Qaran news)- Komishanka doorashooyinka Qaranka JSL, ayaa sheegay in ay dhawaan ay ku dhawaaqi doonaan haddii ILLAAHEY yidhaahdo jadwladka doorashada. Guddida ayaa sidan ka sheegtay kulamo kala duwan oo ay la qaateen shir-guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Somaliland, ee guurtida iyo wakiillada. Geesta kale waxa ay xuseen in ay wada shaqayn leeyihiin maxkamadda sarre, isla markaana ay soo dhawaynayaan jawaab celintii maxkamadda sare. Muuse Xasan Yuusuf guddoomiyaha guddida doorashooyinka Qaranka oo warbaahinta la wadaagay inay dhawaan ku dhawaaqayaan doorashada. Waxaanu yidhi.“Guddida doorashadu iyada ayaa leh go’aanka aanu ku soo saarayno jadwalka doorashada dalka ka dhici doonta, dhawaana waanu soo saarayna haddii ILLAAHEY yidhaahdo jadwalka doorashada.” Sidoo kale waxa ay ay sheegeen in ay xaq u leeyihiin in ay la tashi la sameeyaan cidkasta oo ay rabaan. Waxaanu yidhi.“La tashiga anagaa xaq u leh, waanu sameynayna la tashiga daneeyayaasha oo dhan ayaanu la tashanaynaa, xisbiyada ayaanu la tashanaynaa.” Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada JSL Siciid Mire Faarax Giire, ayaa sheegay in guddida doorashooyinku iska leeyihiin labada doorasho ee madaxtooyada iyo ururada ta soo horraynaysa. Waxaanu yidhi.“Wixii tallooyin ee mihiima waanu gudbinay, Qarankuna waxa uu isha ku haya qabsoomida doorasho la galo, dalkuna doorasho ayuu u baahan yahay, doorashadana cid gaar ahi malaha ee Qaranka ayaa leh, waanu soo dhaweynaynaa, masuuliyadina waxa ay ka saran tahay guddida doorashooyinka, anaguna ka gole wakiilo ahaan waxaa aanu ku boorinay inay waajibka dastuuriga ah gutaan, shaqadooda qabsadaan, wixii ay nooga baahdaana aanu la garab taaganahay. Guddida doorashooyinka ayaa iska leh go’aankeeda doorashada soo horraynaysa, golaha wakiilladu maleh, doorashada dalku galayo iyaga ayaa laga sugaya, anaga nalaga sugimaayo.” Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in maalinta berri ah uu si rasmi u furmi doono shirka wadatashiga qaran. Shirkaan ayaa waxaa casuumaadiisa lahaa madaxweyne Xasan Sheekh oo siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxdii hore ee dalka ugu yeeray, ayada oo madaxweynaha uu kala xaajoon doono tabashada ay ka qabaan hoggaaminta dalka iyo nidaamka ay uu doonayo in la qaato ee dhawaan ku soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga qaran. “Waxaa noo dhamaaday maanta soo dhaweynta madaxdii hore ee qaranka, inta badan madaxa wey yimaadeen intii soo ajiibtay inay yimaadan. Berri oo 12-ka bisha ah ayuu shirka noo bilaaban doonaa,” ayuu yiri. Shirkaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa madaxdii hore ee lagu casuumay ay kala yihiin madaxweynayaashii hore, ra’iisul wasaareyaashii horr iyo guddoomiyeyaashii hore ee baarlamanka federaalka Soomaaliya. “Shirka uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ugu yeeray madaxdii hore ujeedkiisu waa in uu la tashi kala sameeyo oo taladooda ka dhiibtaan arrimaha masiiriga ah ee dalka ka socda, gaar ahaan arrimaha dib u xoreynta dalka, dhameystirka dib u eegista dalka Dastuurka iyo guud ahaan siyaasadda dalka iyo qorshayaasha mustaqbalka soo socda ee dalku leeyahay.” Inta uu socdo shirka ayaa waxaa la iska xog wareysan doonaa xaaladda dalka, iyadoo madaxda talada dalka haysa ay dhegeysan doonaan talada madaxdii hore ee ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee qaranka. Shirkan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya. Wufuudda ka qeyb-galeysa shirkan ayaa qaar kamid ah ay durba soo gaareen magaalada Muqdisho, halka madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka cudur daartay ka qeyb-galka shirka berri ka furmaya Villa Somalia, oo uu ku casuumay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Farmaajo ayaa soo dhaweeyay qabsoomida shirka, hase yeeshe waa ka cudur daartay ka qeyb-galkiisa, sida uu BBC u xaqiijiyay afhayeen u hadlay madaxweyne Farmaajo oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Xaashi Duqa. Afhayeen Cabdirashiid ayaa waxa uu sheegay in sababta madaxweynihii hore ee Farmaajo uu shirkaan uga cudur daartay ay tahay maadaama uu leeyahay ballamo iyo kulamo hore loo sii qorsheeyey. Si dhab ah uma cadda sababta rasmiga ah ee madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu uga baaqsaday shirka uu ku casuumay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, marka laga imaado in ballamo iyo kulamo hore loo sii qorsheeyay uu leeyahay. Si kastaba, shirkaan ayaa berri si rasmi ah uga furmi doona magaalada Muqdisho, kaasi oo uu shir-guddoomin doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana gaba-gabada laga soo saari doono war-murtiyeed mideysan. The post Daawo: Villa Somalia oo war kasoo saartay shirka loogu yeeray madaxdii hore iyo qodobada appeared first on Caasimada Online.
  21. Hargeysa(Qaran news)-Murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in aanay mar dambe wax sharci darro ah ka yeelayn Komishanka Doorashooyinka. Murrashax Cirro wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu maanta ku baahiyay twitterkiisa, waxaanu si kaftan ku jiray ugu tiiqtiiqsaday diidmadii maxkamadda sare ay ganafka ku soo dhufatay dalabkii Komishanka ee ahaa inay maxkamaddu soo cayinto doorashada soo horaynaysa labada doorasho ee madaxtooyada iyo ta Ururrada. “Komishanka Doorashooyinka Qaranku shalay waxaa lagu yidhi waajibkiina guta oo Maxkamaddu waa ay amartay. Waxa aan leeyahay Komishanka haddii ay mar idinka xumaatay mar labaad yaanay idinka xumaan, wax sharci darro ahna marnaba yeeli mayno,”ayuu yidhi murrashax CabdiraxmaanMaxamed Cabdilaahi Cirro. Qaran News
  22. A small passenger plane veered off the runway on arrival Tuesday at the international airport in Mogadishu, according to state media. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HRDS) ayaa war kasoo saartay shil diyaaradeed oo goor sii horeysay ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Hay’adda Duulista ayaa sheegtay in diyaaradaas oo nooceedu ahaa E120 ay u shaqeyneysay shirkadda Halla Airlines, islamarkaana ay ka baxday dhabaha ay caga dhigtaan diyaaradaha ee garoonka. Hay’adda ayaa shaacisay in shilka diyaaradan aysan jirin cid wax ku noqotay inta aan ka aheyn dhaawac yar, ayna weli socdaan baaritaan ku saabsan shilkaas maanta dhacay. “Diyaaradda waxaa saarna 34 ruux oo isugu jira Crew & Passengers mana jirto cid wax ku noqotay inta aan ka aheen dhaawac 6ar. Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxa ay wali ku guda jirtaa baaritaanka ku saabsan shilkaas,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa lagu yiri “Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxa ay soo saari doonta warbixin dhameystiran marka la soo gaba-gabeeyo baaritaankaas.” Shilka diyaaradan ayaa waxaa kasoo baxayay warar kala duwan, ayada oo markii hore la baahiyay inay la socdeen ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka, Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid lama socon diyaaradan, oo ayadu kasoo duushay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Ra’iisul Wasaarayaashii hore ayaa kamid ah siyaasiyiinta uu madaxweyne Xasan Sheekh ku martiqaaday shir wada-tashi oo lagu wado in maalinta berri ah uu ka furmo Muqdisho, kaasi oo looga hadlayo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran. The post Hay’adda Duulista oo war ka soo saartay shilkii diyaaradda appeared first on Caasimada Online.
  24. A roadside bombing blamed on the militia group Al Shabaab killed eight members of an extended family in central Somalia, a local mayor said on Monday. Source: Hiiraan Online
  25. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadam X. Cali Axmed, ayaa dhaariyay mudane Yuusuf Faarax Warsame Ducaale, oo ka mid noqonaysa Xildhibaanada Golaha Wakiilada JSL. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa 10/07/2023-ka dhaariyay Mudane Yuusuf Faarax Warsame Ducaale, kadib markii Guddida Doorashooyinka Qaranka JSL ay Maxkamadda Sare u soo gudbiyeen 01/07/2023-ka, codsi ay ku dalbanayaan in loo dhaariyo jagada ka banaanaatay Golaha Wakiillada JSL, iyagoo tixraacayay warqada sumadeedu tahay GW/G/38/1009/2023, kuna taariikhaysan 24/06/2023-ka taasi oo Golaha Wakiilladu kaga codsaday Guddida Doorashooyinka Qaranka in la soo buuxiyo jagada uu banneeyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo is casilay. Isla markaana tixraacaya warqada sumadeedu tahay GW/G/18/106/2023, kuna taariikhaysan 19/06/2023 ujeedadeeduna tahay aqbalaad is-casilaad taasi oo Guddida Joogtada ah, ee Golaha Wakiilladu ay is-casilaada kaga aqbashay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada JSL Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed xilkii Guddoomiye-nimo iyo xubinimaddii Golaha Wakiillada ee uu iska casilay. Dhaarinta ka dib Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu kula dardaarmay xildhibaanka in uu Qaranka ugu adeego si daacad ah, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday. Wa bilaahi tawfiiq Ibraahin Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare JSL Qaran News