-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ruushka oo duqeymo ku Dardaray Ukraine Russia(Qaran)-Ruushka ayaa duqeymo culus u geystay caasimadda Ukraine ee Kiyeef iyo dhawr magaallo oo kale, weeraradda ayaa ku soo beegmaya iyada oo kulankii gaashaanbuurta NATO soo dhammaaday oo uu ka qaybgalay madaxweynaha Yukreyn. Ugu yaraan 15 weerar oo ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ee Shahiid ayaa ku habsaday caasimadda Kiyeef, iyada oo laga maqlayey qarxyo iyo digniinta ay bixinayaan Raadaalka sheegaya in gantaallo soo socdaan. Ciidanka cirka ee Yukreyn ayaa sheegay inay tiro ka mid ah diyaaradaha ay dhulka soo dhigeen. Dadka deegaanka caasimadda Kiyeef ayaa sheegay inay la kulmeen argagixii ay inta badan la kulmi jireen ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan. Duqaymahan ayaa u muuqda inay jawaab u yihiin shirka gaashaanbuurta NATO oo loogu tashanayey. Qaran News
-
NATO iyo Shiinaha oo isku Bu’aya Shiinaha(Qaran news)-Dawladda Shiinaha ayaa si weyn u cambaaraysay qoddob ka mid ah qoddobadii ka soo baxay war-murtiyeedkii gaashaanbuurta NATO, kaasi oo digniin u dirayey Shiinaha. Dawladda Shiinaha ayaa sheegay inay ku dagaalami doonto difaacidda xuquuqdeeda. Shirkii ay dalalka ku bahoobay gaashaanbuur NATO ku yeeshee dalka Litweeniya ayaa waxa ku jiray in Shiinuhu uu caqabad ku yahay is-bahaysiga gaar ahaan dhinaca danahooda, amnigooda iyo qiimahooda. Qoddobkaasi ayaa dawladda Shiinuhu sida fiinta uga qaylisay. Xafiiska dawladda Shiinaha u qaabilsan dalalka Yurub ayaa war qoraal ah jawaab kaga bixiyey qoddobkaasi Shiinaha lagu eedaynayey, waxaanu xafiisku sheegay in aanay marnba ogolaanayn in gaashaanbuurta NATO isku soo ballaadhiso qaaradda Aasiya. Shil Khasaare Ballaadhan Dhaliyay oo ka Dhacay Maraykanka USA(Qaran)-Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay 14 kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii ay isku dhaceen Bas iyo saddex cagacagaf gobolka Ilaniyo ee dalka Maraykanka xilli hore oo saaka ah. Booliska ayaa sheegay in basku uu ku socday xawaare sare taasi oo keentay inuu burbur xooggani soo gaadho. Booliska gobolka ayaa sheegay inay socoto baadhis lagu ogaanayo wixii dhabta ahaa ee dhacay. Afar qof oo dhaawac halis ah qabay ayaa lagu qaaday diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah, halka inta kale ee dhaawacantay lagu daweynayo cisbitaallada deegaanka. Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in dhammaan dadka ku dhintay shilkaasi iyo kuwa dhaawacmay ayaa saarnaa baska. Muuqaallo ay baahisay warbaahinta Maraykanka ayaa muujinaaya burburka baaxada leh ee soo gaadhay baska. Ruushka oo duqeymo ku Dardaray Ukraine Russia(Qaran)-Ruushka ayaa duqeymo culus u geystay caasimadda Ukraine ee Kiyeef iyo dhawr magaallo oo kale, weeraradda ayaa ku soo beegmaya iyada oo kulankii gaashaanbuurta NATO soo dhammaaday oo uu ka qaybgalay madaxweynaha Yukreyn. Ugu yaraan 15 weerar oo ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ee Shahiid ayaa ku habsaday caasimadda Kiyeef, iyada oo laga maqlayey qarxyo iyo digniinta ay bixinayaan Raadaalka sheegaya in gantaallo soo socdaan. Ciidanka cirka ee Yukreyn ayaa sheegay inay tiro ka mid ah diyaaradaha ay dhulka soo dhigeen. Dadka deegaanka caasimadda Kiyeef ayaa sheegay inay la kulmeen argagixii ay inta badan la kulmi jireen ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan. Duqaymahan ayaa u muuqda inay jawaab u yihiin shirka gaashaanbuurta NATO oo loogu tashanayey. Qaran News
-
Today, I convey to you with a heavy heart, burdened by the tragic tale of my beloved Somalia. As I reminisce about the year 1991 when I fled from the clutches of a devastating civil war, I am filled with a profound sense of disappointment and despair Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ee Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa caawa soo bandhigay meydadka dhalinyaro Shabaab ah oo lagu laayey howlgal ka dhacay degaanka Welmarow ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgalkaas waxaa lagu dilay dhalinyaro dhawaan soo dhameysatay tababar lagu baray is-qarxinta, sida ay warbaahinta dowladda u sheegeen saraakiishii hoggaamineysay howlgalka. Al-Shabaab-ka la laayey ayaa lasoo bandhigay sawirro laga qaaday markii ay ka baxeen maalmo ka hor dugsi tababar oo kooxdu ay ku leedahay degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe. Ciidanka fuliyey howlgalkaan ayaa soo bandhigay meydadka 17 xubnood oo Shabaab ah, kuwaas oo dhawaan soo dhameystay tababar culus oo is-miidaamin u badan, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka dowladda. Sidoo kale intii uu socday howlgalkaas waxay ciidanku burburiyeen saldhig ay Shabaab ku lahaayeen duleedka deegaanka Welmarow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu dilay 17-ka xubnood ee Shabaab-ka ah. Deegaanka Caanoole oo dhaca duleedka degmada Bu’aale ayaa la sheegay in dhalinyarada ay qaldaan Al-Shabaab lagu baro howlgallada khatarta ah ee is-qarxintu ugu horeyso. Kooxdaan caawa la laayey oo tababar ku soo dhameysatay dugsigaas halista ah ayey Al-Shabaab maalmo ka hor soo bandhigeen, iyagoo sameynaya dhoolatus. Ciidamada fuliyey howlgalkaas ayaa caawa soo bandhigay sawiradii hore ee laga qaaday markii ay dhameysteen tababarka iyo kuwa caawa laga qaaday meydadkooda kooxdaan la laayey. Sidoo kale ciidanku waxay soo bandhigeen qaraxyo ay diyaariyeen kooxdaan oo ciidanka iyo shacabka reer Jubbaland ay doonayeen inay ku halaagaan. Sidoo kale xogta ay saraakiishu ka bixisay howlgalkaas waxay sheegeysaa in xubnaha laga dilay Al-Shabaab ay ku jiraan ajaanib, ka barbar dagaalameysay kooxda Al-Shabaab. The post Sawirro: Danab oo laysay dagaalyahano ay Shabaab tababar halis ah ku siiyeen Bu’aale appeared first on Caasimada Online.
-
Fairfax (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa magaalada Fairfax ee gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Injineer Xassan Maxamuud Maxamed oo ku magac dheeraa Injineer Xasanow, kana mid ahaa injineerradii ugu caansanaa ee Soomaaliya. Injineerka ayaa geeriyoday 12-ka Luulyo. Injineer Xasanow oo ku geeriyooday da’da 79 jir, ayaa ahaa siyaasi, ganacsade, bare jaamacadeed iyo sidoo kale sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Halkan ka akhriso taariikh kooban oo aan kaga hadleyno taariikh nololeedkii Inj. Xasanow Maxamuud Maxamed: Allaha u naxaristee, Injeer Xassanow ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu waxbarashada qur’aanka kariimka, dugsiga hoose illaa dugsiga sare ku dhammeystay. Marxuumka ayaa ka dibna ku biiray Ciidammada Booliska Soomaaliyeed 1964-kii, wuxuuna sannadkii 1965-kii ku guuleystay tartan Leyli Sarkaal oo loogu diray Kulliyada Modena ee dalka Talyaniga. Inj. Xasanow ayaa kaddibna waxa uu galay Kulliyada Injineriyadda ee Jaamacadda Torino ee isla dalka Talyaaniga. Waxa uu ahaa arday aad u fahmo badan, waqtina geliyay waxbarashadiisa, waxaana uu sidaas ku muteystay inuu ku qalan jebiyo darajo sare. Waxa uu dib ugu soo laabtay dalka, isagoo noqday sarkaal Injineer ah, waxaana uu madax ka noqday hoggaanka dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Waxa uu Ciidanka Booliska ka gaaray darajada Gaashanle Sare, islamarkaana waxa uu noqday bare aad loo jecel yahay oo ka tirsan Kulliyada Injineeriyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Waxa uu ahaa aqqoonyahay Cilmiga Injineeriyada oo ka dhex muuqda bahda Injineerrada dhismaha ee Soomaaliya. Injineer Xassanow ayaa Allaha u naxariistee waxa uu ahaa qof aad waxbarashada u jeclaa isaga shahaadada adeegsiga teknolojiyadda ee farsamada dhismaha ka qaatay Jaamcad ku taalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka. Waxa uu dalka Soomaaliya ka abuuray shirkadda dhismaha oo dhismayaal badan sida xarunta Ciidanka Asluubta iyo mashaaric hay’adaha caalamiga ah ay maalgelinayeen ka hirgelisay Muqdisho iyo gobollada dalka. 1991-kii, ayaa Injineer Xassanow waxaa loo magacaabay xilka Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo guryeynta ee dowladdii KMG ahayd. Injineeer Xassanow ayaa ahaa hoggaamiye bulsho, aftahan ah, bashaash ah, daryeela dadka dhibaateysan, aqqoon sare leh oo aad looga yaqaan Soomaaliya, Mareykanka, Talyaniga oo muddo ku noolaa, islamarkaana waxa uu ku lahaa saaxiibo fara badan daafaha addunka. Injineer Xassanow ayaa Allaha u naxariistee waxa uu ifka kaga tagay 21 qof oo isugu jira caruurtiisa iyo ubadka ay sii dhaleen. Waxa aan Allah subxaanahu wa tacaalaa uga baryaynaa in uu marxuum Inj. Xassanow u naxariisto, u danbi dhaafo, kana waraabiyo Jannadiisa firdowsa ah. Caruurtiisa, ehelkiisa, iyo saxiibadiisana waxaan Allah kaga baryeynaa in uu siiyo sabar iyo iiman aan la soo koobi karin. Aamiin, Aamiin, Aamiin. The post Injineer Xasanow Maxamuud oo ku geeriyooday Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey madal uu xilka kula wareegayey wasiirka cusub ee shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sheegay in nidaamka 4.5 ee dadka Soomaaliyeed ay ku qeybsadaan saamiga siyaasadda uu yahay mushkilad u baahan in laga gudbo. Wuxuu sheegay in nidaamkaas uusan dastuuri aheyn, isla markaana uu niyad-jab ku abuuray muwaadiniin badan oo go’aansaday in dalkaan ay isaga tahriibaan. “4.5 ma ahan dastuuri waa arrin mushkilad ku ah dadka iyo dhalinyarada, waxayna dhalinyarada ku qasbeysaa in ay rajo waayaan oo dalkooda ka dhoofaan, waxaan ka shaqey doonaa in xisaabtaas meesha laga saaro oo aqoon lagu bedelo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha XFS. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay ka shaqeynayaa hanaan dadka Soomaaliyeed ay ugu sinaan karaan shaqada dowladda oo sahlaya in imtixaan loo galo, taas oo sababi karta in labo qof oo walaalo ah ay hal mar agaasimeyaal ama wasiirro ka noqon karaan laba wasaaradood. “Waxaan rabnaa in dadka shaqada loogu qeybiyo maxaa taqaan oo meesha laga saaro yaa tahay, hadii shaqada imtixaan loo galo oo aqoon lagu yimaado, 25 wasaaradood ayaan leenahay, 25 wasiir oo walaalo ah, hadii ay imtixaanka ku baasaan waxaan rabnaa inay 25-ka wasaaradood hoggaamiyaan,” ayuu yiri Xamza. Wuxuu sheegay in cadaaladu ay taas ku jirto, hadii ay suurta gashana ay Soomaalidu ka bixi doonto nidaamka cunsuriga ah ee dalka kala jarjaray. Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayuu sheegay Xamza inay u xil-saaran tahay inay ka dalka ka saarto nidaamkaan 4.5 “Waxaa naga go’an in masuuliyadiisa aan ku ilaalino wasiirka si uu ugu dhiirado gudashada shaqada culus ee aan u dirnay,” ayuu yiri Xamza. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay tijaabiyeen in dadka Soomaaliyeed loo qeybin karo shaqo aysan ku heyn 4.5, isagoo sheegay in 3,000 oo macalimiin ah ay dowladu ku qaadatay aqoontooda, hal qofna aysan ka daba-hadlin nidaamkii lagu shaqaaleysiiyey iyo heybtooda. “Dadku hadii ay cadaalad arkaan waa aqbalayaan, marar badan ayaa laga fekeray in nidaamkaan laga gudbo, laakiin waxaa mar kasta cuuryaamisa cabsi, hadaan la dhiirana sidaan kama bixi doono,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Barre. Hoos ka daawo The post Daawo: XAMZA oo qaaday tallaabo ka dhan ah 4.5 appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle oo ay wehliyaan Lataliya-sare iyo Agaasimaha Waaxda Maareynta Khataraha Musiibooyinka ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mas’uuliyiin ka soctay Hay’adda caalamiga ah ee Concern Worldwide xafiiskeeda Soomaaliya. Kulankaan ayaa wuxuu daarnaa isbarasho labada dhinac ah iyo iyadoo la isla fahmay in la adkeeyo xiriirkii iyo iskaashigii hore uga dhaxayn jiray Hay’adda SoDMA iyo Hay’adda Concern Worldwide, waxay sidoo kale labada dhinac isla fahmeen sida ay lagama-maarmaanka u tahay in meel looga soo wada jeesto sidii bulshada tabaaleeysan looga samata bixinlahaa dhibaatooyinka noloshooda ragaadiyay. Waxyaabaha kale ee shirka looga wada hadlay waxaa iyadana kamid ahaa sidii loo xaqiijin lahaa joogteeynta xiriirka labada dhinac iyo in la iska kaashado dhinacyada ay ka midka yihiin bixinta digniinaha hore si ay u suurta gasho in goor hore jawaab laga bixiyo musiibada dhacda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL Maxamed Cismaan Siciid ayaa maanta ku soo dhaweeyey Madaarka caalamiga ah ee Cigaal wefti ka socday dalka Camaroon ee ku yaalla Afrikada Galbeed. Waxaa Weftigan hoggaaminayay Hon. Joseph M. WIRBA oo ah Xubin kamid ah baarlamaanka dalka Camaron ayaa waxaa wehelinaayay David Njibamum iyo Dr.-Eng. Augustine Mofor oo ah laba xubnood oo ka tirsan maalgashadeyaasha Ganacsiyada iyo wershadaha ku leh dalal afrikada ka mid ah ayaa waxa sidoo kale qayb ka ahaa Marwo Saamiya Muuse safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka Finland. Weftigan ayaa dhawrka maalmood ee fooda innagu soo haya joogi doona dalka ayaa waxaa ayaa u kuur gali doonaan horumarka Somaliland ka socda iyo fursadaha Maalgashi ee dalka yaala. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta ka qeyb ka ahaa shirkii wadatashi ee ka furmay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay jawiga uu ku billowday shirka iyo waxa laga filan karo. Mudane Rooble oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ugu horeyntii waxa uu sheegay in shirka uu jawi fiican ku billowday, balse kuleylkiisa la sugayo maalinta berri ah, taasi oo ka dhigan in qodobada ugu adag ee la isku hayo ay madaxdu ka dooddi doonaan maalinta berri ah. “Shirkii maanta wuxuu ahaa shir la sugayay muddo, waxaana looga hadlay amniga, doorashooyinka iyo la-dagaalanka Khawaarijta. Jawi fiican ayuu ku billowday illaa hadda jawi fiican ayuu ku socda, kuleylkiisa berri ayaa sugeyna,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble. Waxa uu intaas kusii daray “Shacabka Soomaaliyeed waxaa u sheegaya in loo mideysna ahdaaftii shirka uu ku billowday dhamaan waa laga mideysna, niyadiina kheyr u sheega, meel wanaagsan ayaa loo socda.” Rooble ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in shirka uu ku jiro marxaladii billowga, islamarkaana ay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta warbixin ku aadan dagaalka Al-Shabaab laga dhageystay madaxweyne Xasan Sheekh, ayna isku raaceen in loo soo wada jeesto howl-galka argagixisada. “Dhamaan waa loo riyaaqay, waxaa la go’aansaday in dhamaan intii shirka kasoo qeyb-gashay ee madaxdii hore iyo siyaasiyiinta aheyd loo soo wada jeesto howl-galkaas oo aan qeyb libaax leh ka wada qaadano.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in war-murtiyeed mideysan ay dhinacyadu kasoo saari doonana shirka marka lasoo gaba-gabeeyo, kadib markii dood adag laga yeesho go’aanadii shirkii Golaha Wadatashiga Qaran kasoo baxay ee doorashooyinka la xiriiray. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa daah-furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qayb-galaya Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cosoble Cali. Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan oo hore. Si kastaba, Inta uu socdo shirka ayaa waxa si gaar ah diiradda loogu saarayaa dhameystirka dastuurka, dimuqoraadiyeynta, doorashooyinka, dib u xoreynta dalka iyo guud ahaan siyaasadda. The post Daawo: R/W ROOBLE oo xog ka bixiyey shirkii maanta, shaaciyeyna in kuleylka shirka… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xidhibaan Mukhtaar Axmed Saajid oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay shirka wadatashiga ee maanta magaalada Muqdisho uga furmay madaxda dowladda federaalka iyo kuwii hore ee dalka. Villa Somalia ayaa sheegtay in ujeedka madaxweyne Xasan ee shirkan uu yahay inuu madaxdii hore ee dalka la tashi kala sameeyo oo taladooda ka dhiibtaan arrimaha masiiriga ah ee dalka ka socda, gaar ahaan arrimaha dib u xoreynta dalka, dhameystirka dib u eegista dalka dastuurka iyo guud ahaan siyaasadda dalka iyo qorshayaasha mustaqbalka soo socda ee dalku leeyahay. Xildhibaan Saajid ayaa fal-celintiisa ku sheegay inuu soo dhoweynayo wada-hadalka madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saamileyda Siyaasadda, isaga oo shaaciyay inay ka sheekeysan karaan xaaladda dalka, balse waxa uu tilmaamay in go’aanka uu u yaallo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Golaha Shacabka uu heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ka eegi doono dhanka sharciga iyo danta guud ee shacabka Soomaaliyeed. “Arrintaas Saamileyda Siyaasadda iyo Madaxweynaha waa ay ka sheekeysan karaan, aragtidoodana way ka dhiibanayaan, laakiin si guud waxay ugu taallaa Golaha Shacabka, wuuna kala saari doonaa Maxaa dastuur ah oo dastuurka geli kara?, Maxaa xilligan Ummadda u cuntama” ayuu yiri xidhibaan Mukhtaar Axmed Saajid oo ka tirsan baarlamaanka. Saajid oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin culus u diray madaxda Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in eegaan danta Ummada Soomaaliya, si looga baxo dhibaatada taagan “Waxaa laga rabaa shacabka ay wakiilka ka yihiin inay Ilaahey uga baqaan oo wixii dan u ah oo ay arkaan ay aqbalaan wixii aan dan u aheyn oo shaqaaqo abuuraayana inay ka daayaan” ayuu mar kale yiri xildhibaanka oo si gaar ah ugu warramay Somali Cable TV. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo uu maanta furmay shirka wadatashiga madaxda dowladda iyo kuwii hore, waxaana daah-furay madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo sidoo kale ka qayb-galayaan Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali. Waxaa sidoo kale maanta lagu kordhiyay xubno horleh oo ay kamid yihiin Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan oo hore. Si kastaba, shirkan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya. The post “Saamileyda siyaasadda way sheekeysan karaan, laakiin arrinta waxay u taallaa…” appeared first on Caasimada Online.
-
Dhaam Biyood Laga Dhagax-dhigay Deegaanka Qudhac-gaab Hargeysa(Qaran)-Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) ayaa deegaanka Qudhac-gaab oo ka tirsan gobolka Togdheer, ka dhagax dhigay Dhaam biyood, ay xukuumadu ka fulinayso deegaankaasi. Wasiirka biyaha ayaa sheegay in biyuhu ay yihiin tiirka ugu muhiinsan addeegyada asaasiga u ah nolosha aadanaha, isla markaana ahmiyada koobaad la siinayo horumarinta adeegyada biyaha dalka. Geesta kale waxa uu tilmaamay in ay ka go’an tahay ka wasaarad biyo ahaan, sidii guud ahaanba bulshadda reer Somaliland loo gaadhsiin lahaa biyo nadiif ah oo ku filan. Dhagax dhiga Dhaam-biyoodkan waxaa wasiirka ku wehelinayay xubno ka mida xildhibaanada golaha wakiillada, maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Togdheer iyo masuuliyiin kale. Bulshada ku nool degaanka Qudhac-gaab ee Dhaam-biyoodkan laga dhagax-dhigey ayaa wasaaradda horumarinta biyaha uga mahadceliyay, waxaanay sheegeen in ay baahi weyn u qabeen, isla markaana uu wax weyn ka tari doono biyo yaraantii ka jirtay degaankaasi iyo degaanada kale eek u dhaw dhaw. Wasaaradda biyaha JSL ayaa dadaal ugu jirta sidii bulshada loogaadhsiinlaha biyo ku filan. Qaran News
-
Komishanka oo kulamo wada tashiya la yeeshay 3-da xisbi iyo Madaxda Ururrada Hargeysa(Qaran)-Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa maanta la kulmay madaxda saddexda xisbi Qaran iyo ururrada Siyaasada. Guddida doorashooyinka Qaranka JSL, ayaa maanta xaruntooda ku qaabilay, isla markaana mid mid ula kulmay masuuliyiinta saddexda xisbi Qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI. Sidoo kale guddida doorashooyinku waxa ay kulan la yeesheen masuuliyiinta ururada siyaasada Somaliland, iyaga u talo badsanaya doorashooyinka dalka ku soo fool’leh. Ku-simaha guddoomiyaha xisbiga UCID Cali Xaamuud Jibriil, ayaa sheegay in ka xisbi ahaan mowqifkoodii iyo wixii talo ah ay ugudbiyeen guddida doorashooyinka Qaranka JSL, waxaanu in wixii sharciga waafaqsan ay Koomishanka ku taageerayaan. Maalintii shalay ayay ahayd markii guddida doorashooyinka Somaliland ay warbaahinta u sheegeen in ay ay xaq u leeyihiin in ay la tashi la sameeyaan cidda y rabaan, isla markaana kahor inta aanay ku dhawaaqin wakhtiga doorashada, ay la tashan doonaan xisbiyada, ururada siyaasada iyo ururada bulshada. Qaran News
-
Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka ee NISA ayaa howlgal ka ka fuliyey xududa ay wadaagaan gobollada Shabeelooyinka, gaar ahaan tuulooyinka Sabyo, Buula-madiina iyo Beerta Shire-jiis oo dhaca xadka labada Shabeelle ay wadaagaan Saraakiisha ayaa sheegtay in howlgalka lagu soo qabtay xubno lagu tuhmay inay gacan-saar laleeyihiin Al-shabaab, waxaa sidoo kale howlka lagu bur buriyay fariisimo sida ay la haayeen Al-shabab sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha howlgalka fulisay. Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka ee NISA ayaa maalmihii tagay howlgallo isdajoog ah oo amniga lagu xaqiijinaayo ka waday qeybo kamid ah gobollada Shabeellooyinka, waxaana dhowr jeer ay sheegeen in la qatay dad lagu tuhunsan yahay la shaqeynta Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo maanta xilka wareejiyay ayaa soo saaray war laama filaan ah, kaas oo la xiriira xilka qaadistii dhowaan lagu sameeyay, kadib markii ay saameysay tallaabadii uu qaaday ra’iisul wasaare Xamza oo sameeyay magacaabis & isku shaandheyn. Dr. Cilmi ayaa qoraal dheer oo uu soo saaray ku amaanay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasare Xamza Cabdi Barre, isaga oo uga mahadceliyay fursadda ay siiyeen. Arrintan ayaa lama filaan ku noqotay dad badan, maadaama inta badan siyaasiyiinta looga bartay marka ay xilka waayaan inay mucaaradaan dowladda, kana soo horjeestaan madaxdooda, “Waxa aan u mahadcelinayaa dhammaan intii aan ka wada shaqeynay horumarinta Maaliyadda oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha Dalka. Mudane Hassan Sheikh Mohamud iyo Ra’iisul Wasaare mudane Hamza Abdi Barre oo fursadaan wayn ii siiyay in aan shacabka Soomaaliyeed ugu adeego laga soo bilaabo 09 August 2022 ilaa iyo 12 July 2023” ayuu yiri. Wasiirkii hore ee maaliyadda ayaa sidoo kale aad u boggaadiyay shaqaalaha wasaaradda, isaga oo sheegay inay si wanaagsan ula shaqeeyeen muddada uu joogay xafiiska. “Waxaan kaloo u mahadcelinaynaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaeyaasha, iyo shaqaalaha oo dhan. Sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed oo gacan wayn ka gaystay dadaalada isbeddelka dib-u-habaynta Maaliyadda ee socda. Isku-tashi iyo wadashaqayn ayaan horumar ku gaari karnaa.” ayuu mar kale yiri wasiir Cilmi Maxamuud Nuur. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Intii aan xafiiska joogay wax badan ayaa noo qabsoomay oo aanu gaarnay haddii ay tahay horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda. Masha allah wali waxa aanu si wanaagsan u haynaa wadadii Deyn Cafiska taasi oo guulo badan oo wax ku ool ah laga gaaray, ayna dhawdahay dhamaystirkeeda.” Ugu dambeyn wuxuu guul u rajeeyay wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda Biixi Iimaan Cige, isaga oo ballan-qaaday inuu kala shaqeyn doono horumarinta maaliyadda. “Waxa aan u rajeynaynaa Wasiirka cusub ee Maaliyadda guul iyo in Allaah SWT u fududeeyo masuuliyada culus. Dadaalka loogu jiro horumarka dalka waxa aan ka sii wadi doonaa dhankayga intii awooodeyda ah” ayuu mar kale warkan qoraalka ku yiri Dr. Cilmi. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo beesha uu kasoo jeedo wasiirka ay ka hortimid xilka qaadistii lagu sameeyay, taas oo sheegtay inay ku weysay kursigii ay ku laheyd dowladda. The post Wasiirkii maaliyadda ee xilka laga qaaday oo si lama filaan ah u hadlay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Wasiiradda cusub ee Wasaaradaha Maaliyadda iyo wasiirkii lagu badalay, kadib iskushaandheyn dhowaan lagu sameeyay xukuumadda. Mudane Biixi Iimaan Cige xilka Wasaaradda Maaliyadda kala wareegay Wasiirkii hore Dr Cilmi Maxamuud Nuur, halka Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, isna xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biixi IImaan Cige. Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadaha xilalka loogu kala wareejinayay Wasiiradda cusub ayaa kula dardaarmay in ay si hufan ay uga soo dhallaalaan waajibaadka culus ee loo dhiibay, iyadoo la waafajinayo qorsheyaasha horutabinta u leh Xukuumadda DanQaran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirka wadatashiga ee u dhexeeyo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxdii hore ee dalka, kaas oo socon doono muddo 3 cisho ah. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa daah-furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qayb-galaya Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali. Sidoo kale waxaa maanta lagu kordhiyay xubno horleh oo ay kamid yihiin Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan oo hore. Inta uu socdo shirka waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa dhameystirka dastuurka, dimuqoraadiyeynta, doorashooyinka, dib u xoreynta dalka iyo guud ahaan siyaasadda. Haddaba sidee looga fal-celiyay shirka u furmay madaxda DF iyo kuwii hore? Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga hadlay shirkan oo ku soo aaday xilli xasaasi ah. Dadweynaha qaar ayaa boggaadiyay shirkan, iyaga oo ku amaanay madaxweyne Xasan Sheekh, halka kuwa kalena ay dhaliileen, waxayna yiraahdeen:- Maxamed Xuseen Waliyow wuxuu yiri “Mahadsanid Mudane Madaxweyne in aad ka dhabeyneyso halku dhigaagi ahaa Soomaali Heshiis ah dunidana heshiis la ah.” Ridwaan Axmed Nuur ayaa isna soo dhoweeyay shirka “Waa tallaabo wanaagsan in waayo araga siyaasadda wax laga weydiiyo xaalada taagan iyo tallaaboyinka xiga sida ugu haboon ee loo qadi karo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Guul.” Wiil kale oo lagu magacaabo Maxamed Suu ayaa naqdiyay shirka, wuxuuna yiri “Kan shir ma’ahan ee waa dad isku caraysan oo midba midka kale iska ilaalinayo.” Ibraahim Maxamed Cismaan ayaa isagana ku jawaabay “Mar haddii miiska la wada fahdhiyo waa wax fiican. Waddanka guul ayaan u rajeynaya.” Cabdinajiib Sheekh Cabdullahi ayaa sidoo kale su’aal ka keenay maqnaashaha Farmaajo, wuxuuna yiri “ Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka maqan shirka maxaa dhacay hee?.” Cabdiraxmaan Khaalib ayaa isna rajo xumo muujiyay “Kulankan wax ahmiyada ma lahan Madaxweynaha uun baa raba inuu culaysyada saaran isaga dajiyo oo indhaha shacabka ka leexiyo khilaafka iyo jahwareerka ka taagan hay’adaha kala duwan ee dowladda.” The post Fal-celin xoog leh oo ka dhalatay shirka u furmay madaxda DF iyo kuwii hore appeared first on Caasimada Online.
-
Ceelka Samsamku waxa uu ku yaallaa bariga Kacbada waxa uuna u jiraa 21 mitir oo keliya, taariikhda ay biyuhu ceelkan barakaysan ka soo maaxayeenna waxa ay soo taxnayd tan iyo waqtigii Nebigii Alle ee Ismaaciil ee uu dhalay Nebi Ibraahiim. Taariikhda ceelka Samsam “Biyahan la yirahdo Zamzamka ee dadka Cimrada ama Xajka aada ayagana soo cabaan dadkana u soo qaadaan ayaa waxay asalkoodii yihiin biyo barakaysan oo sida ay ku yimaadeen ay mucjiso tahay, oo waxay ka soo burqadeen meel cidlo ah oo biyo aan lahayn oo Nebi Ibraahiim geeyay xaaskiisii Haajara iyo wiil yar oo markaasi ay wadatay oo nebi Ismaaciil ah, markii ay ka dhammaadeen biyihii yaraa ee ay wadatay waa tii inta ay buurta fuushay oo kolba dhinac aadday iyadoo lacalla raadineyso inay qof aragto oo ay biyo ka hesho, laakiin markii ay waxba soo weyday oo soo laabatay ayaa waxay u timid wiilkii oo ay biyo ka ag burqanayaan markaas ayaa waxay tiri Zamzam oo macneheedu yahay ‘xasil oo ha I dhaafin’ ayadoo ka cabsaneyso in ishaan inta ay burqato ay horay u dhaafto, marka meesha ayay ku ceshaneysay,” ayuu yiri Sheekh CabdiXayi Sheekh Aadan oo BBC uga warramay qisada ceelka biyoodka Samsam. “Nebigeena Muxammed NNKH waxa uu yiri: “Alle ha u raxmaado Ismaaciil hooyadii, haddii ay biyahaas iska deyn lahayd, waxa ay noqon lahaayeen il durdur ah, marka asalkoodii waa halkaas waa arrin baraka ay ku jirto oo nebi Ibraahim qoyskiisa Ilaahay ku karaameeyay ilaa haddana ceelkii waakaas oo biyo dhamaanaya ma aha.” ayaa ka sarreeya biyaha caadiga ah. Cilmi baaristu waxay caddaysay macluumaad badan oo muhiim ah oo ku saabsan isku-dhafka kiimikada ee biyaha Zamzam, waxaana caddaatay inay jiraan faa’iidooyin badan oo ay leeyihiin cabbidda biyaha Zamzam marka loo eego biyaha caadiga ah ee qasabadaha. Faa’iidooyinka biyaha Samsam ee uu sheegay Islaamka Cilmi baaristu waxay caddaysay macluumaad badan oo muhiim ah oo ku saabsan isku-dhafka kiimikada ee biyaha Zamzam, waxaana caddaatay inay jiraan faa’iidooyin badan oo ay leeyihiin cabbidda biyaha Zamzam marka loo eego biyaha caadiga ah ee qasabadaha. Sheekh Cabdixayi oo ka hadlaya faa’iidaha biyaha Samsamka ayaa yiri: “Faa’iido inay leeyihiin ayaa waxaa daliil u ah muddada dheer ee ay jireen iyo in taariikhdaasi laga soo faa’iideystay iyo ayadoo la yiri biyaha Samsamka wixii loo cabo ayaa la helaa oo markaasi dadka caafimaad ayay u isticmaalaan, oo dad badan ayaa markii ay tageen xajka si fiican u cabay oo waxyaabo ay markii hore sheegan jireen oo xanuunno ah ka bogsooday ayaa la arkay, marka biyahan lama mid ah biyaha kale ee caadiga ah ee ilaha kale ka soo burqada, waa biyo munaasabaddaasna leh meesha ay ku yaallaana waa meel barakaysan oo kacbada agteeda ah marka faa’iidoonyinkaas ayay leeyihiin biyaha Samsamku, waa biyahaas oo Ilaahay halkaas uu dhigay oo dadka Muslimiinta ahna ay ka faa’iideystaan.” Qaran News
-
Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga Saddexaad kulankiisa 1-aad ee Golaha Aqalka Sare. Ajandaha kulanka ayaa ahaa Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka ilaalinta iyo maaraynta deegaanka. Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimillada XFS Khadiijo Maxamed Almakhsuumi, ayaa Sanatarrada Aqalka sare u faahfaahiyay muhiimiyadda uu Dalka u leeyahay sharciga ilaalinta iyo maaraynta deegaanka. Intaas kadib Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa faray Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare in ay la wareegaan Hindise Sharciyeedka ilaalinta iyo maaraynta deegaanka si ay uga soo gutaan waajibaadka ka saran Golahana ay dib ugu soo celiyaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo guddoomiyay kulan ay maanta yeesheen xildhibaanada ayaa ka hadlay maqnaashaha xubnaha qaar ee kulamada Golaha. Sheekh Aadan ayaa shaaca ka qaaday in kala bar xildhibaanada ay maqan yihiin, taasna ay saameyn ku yeelatay howlaha shaqo ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in fadhiyadii u dambeeyay ay soo xaadirayeen 145 Mudane oo qaarkood dib usoo dhacayay, inta kalena ay maqnaayeen isaga oo tirada maqan ku sheegay 130 xildhibaan. Tirada guud ee xildhibaanada ah ayaa 275 oo metalaya shacabka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xildhibaanada maqan aysan wax fasax ka qaadan guddoonka Golaha Shacabka, isla-markaana ay gabeen shaqadooda iyo metelaadooda. “Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa guud ahaan nahay 275 Xildhibaan, fadhiyada waxaa imaada 145 Mudane halka ay maqan yihiin 130 kale oo aan wax cudur daar ama fasax ah intooda badan laga heyn, Xildhibaanno badan ayaa inta noo yimaadeen nagu dhaheen Guddoomiye maxay u maqan yihiin Xildhibaannadaas waa sax hadalkaas balse waxa ay ahayd in aan annaga dhahno oo aan la xisaabtanno” ayuu yiri Aadan Madoobe. Aadan Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in loo baahqan yahay in la dhaqan-geliyo Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, si loola xisaabtamo xildhibaanada maqan. Waxaa kale oo uu goodiyay in mudanayaashaasi la marin doonno Xeer Hoosaadka oo uu tilmaamay inuu dhigayo in haddii xildhibaanku maqnaado fasax la’aan labo sano uu xilka ku weynayo. Marar badan ayaa guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya u digay xildhibaanada iska maqan ee aan soo xaadirin kulamada balse ma jirto wax kasoo naasa cadaaday digniintaas. The post Sheekh Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay go’aan saameynaya 130 xildhibaan appeared first on Caasimada Online.
-
The SIRA Phase II project will focus on improving productivity in Somaliland’s livestock sector, as well as strengthening data collection and information management 12 July 2023, Hargeisa – The Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) and the Government of the Swiss Confederation launched the second phase of a food security initiative at an event held in Hargeisa today with the Somaliland Government. The project, titled ‘Somali Information and Resilience Building Action (SIRA Phase II)’ is funded by the Swiss Agency for Development and Cooperation (SDC), and aims to strengthen the livelihoods of 186,600 people in Western Somaliland. It will achieve this by improving the fodder value chain and creating opportunities for rural families to diversify incomes as well as improving access to information. “I would like to iterate Switzerland’s unwavering commitment to the SIRA project. We look forward to witnessing the continued impact and positive transformations that will unfold in the coming years” said Mr. Frank Bertelsbeck, Deputy Regional Director of International Cooperation, at the Embassy of Switzerland. “Together, we can ensure the resilience and prosperity of Somaliland’s livestock sector,” he said. “This project is a great example of how FAO and the Swiss Government are working together to strengthen the entire length of the fodder value chain,” said FAO Head of Programme, Mr. Ezana Kassa. “By strengthening the livelihoods of agro pastoral communities and improving access to information, we’re helping to build a more resilient agrifood system that can withstand the challenges of climate change,” he said. “We are fully aware that the implementation of (SIRA I) has achieved remarkable outputs,” said Hon. Saeed Sulub Mohamed, the Somaliland Minister of Livestock and Fishery Development. “The second phase of the SIRA Project is expected to consolidate the gains made during the SIRA first phase,” he said. Livestock is a major source of income for many people in Somaliland, and the sector accounts for a large percentage of its Gross Domestic Product. However, the livestock sector is increasingly threatened by the global climate crisis, with shocks such as drought, flash floods, and locust infestations becoming more frequent. Rural communities require more resilient livelihoods that can safeguard and boost food security despite these challenges. The USD 6.3 million SIRA Phase II Project will be implemented in 35 rural communities of Awdal Region over three years. It builds on the success of the first phase of the initiative, which concluded in November 2022 and was the first project of its kind to focus on strengthening fodder production in the Awdal region. During the first phase, cooperatives were supported to develop a market for fodder and other products with the provision of fodder processing machines and business development skills. They established fodder producer groups that encouraged better natural resource management. Through these groups, women and youth were able to play a new role as participants and decision makers. The new phase will actively foster strong networks and partnerships with the market for fodder producers, further enhancing market linkages and facilitating sustainable growth. In this second phase of the project, renewed attention will also be given to the importance of data collection and analysis. FAO’s Food Security Nutrition Analysis Unit (FSNAU) and Somalia Water And Land Information Management Unit (SWALIM) will work closely with the Government of Somaliland to build their capacity and eventually transfer these functions for better policy and decision making. FAO has a long history of working together with the Somaliland Government to address the challenges facing its agrifood systems. Initiatives like the SIRA Phase II Project that are focused on the fodder value chain can help to improve the resilience of rural communities and Somaliland’s crucial livestock sector. Qaran News
-
Minneapolis (HOL) - In a spectacular display of resilience and skill, former Northern Arizona University NCAA Indoor champion Abdihamid Nur clinched his maiden victory in the men's 5000m at the 2023 USATF Outdoor Championships in Eugene, Oregon. The race, held on a sweltering Sunday afternoon, saw Nur running a decisive final lap in 53.7 seconds, sealing his win at 13:24.37. Source: Hiiraan Online
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii ay culus soo saartay kooxda Al-Shabaab. Kooxda ayaa lagu soo warramayaa inay go’doon cusub gelisay magaaladan oo hadda xarun KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo ay ka dhalatay saameyn xoogan. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xoogaga Al-Shabaab ay kusoo dhawaadeen Baydhaba, kadibna ay xireen waddada gasha magaaladaasi. Xayiraadda ay Al-Shabaab saareen Baydhaba ayaa waxaa ka dhashay sicir barar baahsan, waxaana lagu soo warramayaa inuu kor u kacay qiimaha laga kala siisto maciishadda. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ka warbixiyay saameynta ka dhalatay go’doominta cusub ee ay Shabaab geliyeen Baydhaba, wuxuuna sheegay in kiilada bariiska ah ay gaartay qiimo dhan 35 kun oo shilinka Soomaaliga ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in culeyska ka yimid dhanka Al-Shabaab uu yimid, kadib markii ay Koonfur Galbeed qaaday tallaabo ka dhan ah kooxda oo ku xoogan maamulkaas.’ “Go’doominta ay Al-Shabaab kusoo rogtay Baydhaba waxa uu soo deg-degay markii maamulka Koonfur Galbeed uu is-hortaagay Macallimiin ay u yeertay kooxda” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay mid kamid ah warbaahinta gudaha. Waxaa sidoo kale arrintan ay saameyn ku yeelatay ganacsatada iyo shacabka ku dhaqan magaaladaasi, gaar ahaan dadka danta yar ee ku dhaqan halkaasi. Si kastaba, Baydhaba ayaa ah magaallo weyn oo ku taalla Koonfurta Soomaaliya waxaana ay hoy u tahay boqolaal shacab ah oo qaarkood usoo barakacay gudaha magaaladaasi. The post AL-SHABAAB oo go’doon gelisay magaalada Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (HOL) - The traditional clan chief of the Sool clan and leader of the 33-member SSC traditional council, Garad Jama Garad Ali, accused the Somali government on Tuesday of covertly backing Somaliland in its military campaign against the SSC militia in the city of Las Anod. Source: Hiiraan Online
-
Ganacsatada Soomaalida ah ee xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa ka walaacsan mudaaharaadyada uu ku dhawaaqay hoggaamiyaha isbaheysiga mucaaridka dalkaasi ee Azimio ee uu hogaamiyo Raila Odinga. Soomaalida ganasatada ayaa ugu baaqay , Dowladda in ciidamo fara badan ay geyso xaafada islii gaar ahaan suuqyada waawayn ee ay ku ganacsanayaan dadka Soomaaliyeed. Mucaaradka oo iclaamiyay in Arbaco weliba dibadbax ay dhigayaan ayay Ganacsatadu sheegeen in cabsi ay ka qabaan in saameyn dhanka dhaqaalaha ah ay ku yeeshaan rabashadaha Waxa ay sheegeen in ay ka cabsi qabaan boob iyo dhibaatooyin kale oo loo geysto nafta & hantida Dadka Ganacsatada ah sidaas awgeed Dowladda ay ka sugayaan in ay aqbasho dalabkooda la xiriira in ay ciidamo geyso Goobaha Ganacsiga. Amaanka caasimadda Nairobi ayaa aad loo adkeeyay, ayadoo Ciidamada booliskuna ay diideen in dibadbaxyo sharci darra ah lagu qabto caasimadda Naiorbi iyo magaalooyinka kale ee Kenya. Hay’adaha amniga Kenya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin kahortagga dibadbaxyada aan sharciga ku saleysneen ee Mucaaradku ku dhawaaqay,. Mucaaradka Kenya ayaa wali ka biyo diidsan , doorashada uu ku guulaystay Madaxwayne William Ruto taas oo keentay in dhawr mar magaalooyin ka mid ah dalkaas ay ka dhacaan dibadbaxyo waawayn. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Booliska Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dibad-baxayaal dhegaha ka furaystay mamnuucis ay booliska saareen mudaaharaadyo uu ku baaqay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo ka dhan canshuur kordhin ay sameysya dowladda. Dukaamada ayaa la xiray, islamarkaana ammaanka ayaa aad loo adkeeyey caasimadda Nairobi, halkaasi oo booliska la geeyey islamarkaana ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku fureen dibad-baxayaal dhagxaan turayey, xaafadda isku raranta ee Mathere. Sidoo kale sunta dadka ka ilmeysiisa ayaa loo adeegsaday in lagu kala eryo dibad-baxayaal isugu soo baxay magaalada Mombasa. Toddobaadkii tegay, dibad-baxyo ka dhacay magaalooyin dhowr ah ayaa isu rogay rabshado, ayada oo lix qof lagu dilay, sida ay sheegeen wasaaradda arrimaha gudaha. Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyey booliska inay awood u adeegsadeen dibad-baxayaasha. PUNTLAND POST The post Dibad-baxyo rabshado wata oo ka dhacay dalka Kenya appeared first on Puntland Post.
