Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhibaatada Soomaalida ka haysata Hyderabad India: Qaybta 2aad. Dhibaatada gacanta saddexaad. Arrinta kale ee qabsata dadka soomaaliyeed ka hor intaaney tegin india waa dhibaato ay u geystaan dad soomaaliyeed oo si naxariis darro ah u dhibaateeya dadkaas qaybo badan oo ka mid ah, weliba dadka ku cusub socdaalada iyo dadka aan aqoon luqadda Englisha iyo weliba dad kale oo ah dadka loo yaqaan (vulnerable people) ama dadka u nugul dhibattada ee garab istaagga uga baahan si ay hawlahooda u maareeyaan. Dadkaas qaarkood waxay la xidhiidhaan xarumaha socdaalka (Travel agencies) ee waddamada somaliland, somaliya, somali kilil iyo nairobi waxayna siiyaan telefonno iyo emaillo dad cadow ah oo jooga INDIA kuwaasoo ay ugu sheegaan iney caawinayaan. Waxaa loo sheegaa in markay INDIA tagaan oo u turjumayaan,ay guri usii kireynayaan, Airportiga ka qaadayaan Isbitaallada gaynayaan wax kasta dhag iyo dhag looga dhigayo taasoo 90% been iyo IIMAAN LA-AAN, ciil iyo murugo ku dhacda qofkii xanuunsanayay kusoo dhammaata taasoo kusii kordhisa dhibtii awalba haysatey. Dadkaas dadka lagu hagaajinayaa waa dad meesha jaamacado kaga jira oo aan badnayn iyo qaar muddo joogay india oo qaxoontinnimo ku jooga oo iyaga qudhoodu aan tiro badnayn oo soomaali ah. Dhibaatooyinka dadkaasi u geystaan dadka xanuunsanaya ee soomaaliyeed waa tiro badan yihiin waxaan ka xusi karnaa: 1. Qofka marka uu soomaaliya iyo dhulka soomaalidu degto kala soo xidhiidho waxay ka dalbaan inuu lacag soo diro oo ay guri usii kireynayaan waxay saartaan lacag qayrul-macquul ah. 2. Dadka qaar waxay u sheegaan iney Hospital xanuunkiisa qaabbilsan usii BOOKIN-gareeyeen oo lacagta uu soo diro qayb ama kulligeed, dadka qaar ayaa ka aqbala oo u dira. Xaqiiqda jirtaa waa in lacagta qofka xanuunsanaya aaney wada gaadhin xarumaha caafimaadka marka gacanta dillaalkaas saddexaad ay ku dhacdo. 3. Dillaaliinta gacanta saddexaad xanuun kasta oo qofka soomaaliga ahi ka cabanaya Isbitaalada ay ku xidhayaan waxay ka samaysteen arrin xaaraan ku ah nidaamka shaqada oo denbi weyn ah haddii dawladda INDIA ogaato taasoo ah in saami go,an laga siiyo calaa qof sida qof kasta oo uu keeno in $500 shan boqol oo dollar ama saddex boqol oo doollar loo jaro dilaalka. Marka xaalku halkaas marayo dadkii waxay ula dhaqmayaan sidii xoolo lasoo joojiyey sayladaha xoolaha lagu kala gato, qofkan dillaalka ahina markuu qofkii bukay lacagta ka taabsado dib uguma soo noqdo haddii aan lacag kale bukaankii ballanqaadin. La soco ………….. Yuntani Gimma yuntanigimma@gmail.com HALKAN KA AKHRI QAYBTII KOOWAAD GUJI HALKANI Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka cudur daartay shir uu ku casuumay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo lagu wado in maalinta berri ah uu ka furmo magaalada Muqdisho. Farmaajo ayaa soo dhaweeyay qabsoomida shirka, hase yeeshe waa ka cudur daartay ka qeyb-galkiisa, sida uu BBC u xaqiijiyay afhayeen u hadlay madaxweyne Farmaajo oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Xaashi Duqa. Afhayeen Cabdirashiid ayaa waxa uu sheegay in sababta madaxweynihii hore ee Farmaajo uu shirkaan uga cudur daartay ay tahay maadaama uu leeyahay ballamo iyo kulamo hore loo sii qorsheeyey. “Madaxweyne Farmaajo wuxuu ka cudur daartay inuu ka qayb galo maadaama uu ballamo iyo kulamo hore loo sii qorsheeyey leeyahay,” ayuu yiri Cabdirashiid oo la hadlay idaacada BBC. Si dhab ah uma cadda sababta rasmiga ah ee madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu uga baaqsaday shirka uu ku casuumay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, marka laga imaado in ballamo iyo kulamo hore loo sii qorsheeyay uu leeyahay. Shirkaan oo lagu waday inuu maalinta berri ah ka furmo Villa Somalia ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu dib u dhac ku yimid, xilli ay magaalada Muqdisho soo gaareen masuuliyiin uu madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay shirkaan, kaasi oo uu kamid yahay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Madaxweynaha ayaa siyaasiyiintaan kala xaajoon doono tabashada ay ka qabaan hoggaaminta dalka iyo nidaamka ay uu doonayo in la qaato ee dhawaan ku soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga qaran. Sida aan xogta ku helnay Sheekh Shariif ayaa horey madaxweynaha uga codsaday inuu isugu yeero siyaasiyiinta kale ee saamileyda siyaasadda, si ay u soo bandhigaan dooda ay ka qabaan heshiis siyaasadeed ee 27-kii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran. Siyaasiyiinta uu hadda casuumay Xasan Sheekh ee la filayo inuu la fariisto ayaa war ay ku mideysan yihiin ka soo saaray markii uu soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga oo dhigayey in wax laga bedeli doono nidaamka ay u dhisan tahay dowladnimada Soomaaliya iyo muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda. Markii laga reebo Farmaajo, saamileyda siyaasadda, gaar ahaan xubnihii isbaheysa uu la ahaa Xasan Sheekh ayaa si adag uga hor yimid in dalku uu u guuro nidaamka Madaxtooyada, in dalka uu mustaqbalka yeesho labo xisbi iyo in muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka laga dhigo shan sano. Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markii uu soo baxay heshiiskaas wuxuu soo saaray qoraal uu ku muujiyey inuu taageersan nidaamka Madaxtooyada iyo doorasho qof iyo cod oo lagu galo nidaamka xisbiyada, balse wuxuu soo jeesiyey wadar-ogol ay u baahanyihiin qodobada qaar ee heshiiskii golaha wadatashiga qaran ku jiray. The post Go’aanka Farmaajo ee shirka Xasan Sheekh ku casuumay appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay gudaha garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha, Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde). Khayre ayaa deg-deg uga jawaabay dalabka Villa Soomaaliya oo madaxdii hore iyo saamileyda siyaasadda ku casuuntay shirweyne dhowaan ka dhacaya magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre uu u yimid ka qayb-galka shirkaas oo lagu gorfeyn doono qodobadii kasoo baxay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wadatashiga oo ay heshiis ku gaareen dowladda dhexe iyo maamullada dalka. Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saari doonaa tabashada xubnaha mucaaradka oo iyagu horay uga soo horjeestay heshiiskaas oo lagu go’aamiyay doorashooyinka dalka. Dhanka kale, khayre ayaa la filayaa inuu ku biiro dhaq-dhaqaaqa haatan ka socda gudaha Muqdisho, isla-markaana uu bilaabo kulamo uu la yeenayo xildhibaanada iyo bulshada. Horay waxaa Muqdisho ugu sugnaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isuguna kamid ah ragga diiday heshiiskaas, wuxuuna caasimada ka bilaabay abaabul culus, isaga oo la kulmay xildhibaanada iyo sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Shirka la filayo in Villa Soomaaliya ay qabato ayaa ah mid isha lagu wada haayo, waxaana sidoo kale qorshuhu yahay inay kasoo qayb-gasho Puntland oo iska diiday shirarkii hore. Si kastaba, wuxuu shirku kusoo aadayaa, xilli xasaasi ah, isla-markaana dalka ay ka taagan tahay xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiska ay gaareen Golaha Wadatashihga Qaran, sidoo kalena dood u dhexeyso baarlamaanka iyo xukuumadda, waxaa kale oo magaalooyinka qaar ka jira xiisado, sida Gedo, Garoowe, Beledweyne iyo Laascaanood. The post Sawirro: Xasan Cali Khayre oo kasoo dagay Muqdisho, kadib dalabkii Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
  4. Mogadishu (HOL) - One person was injured when a Halla airline passenger plane veered off the runway at Aden Adde International Airport in Mogadishu on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) - One person was injured when a Halla airline passenger plane veered off the runway at Aden Adde International Airport in Mogadishu on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  6. GOBANIMADA TAGEERAHA LIXDANKA HORTII IYO GURACA KAN MAANTU WAA GEEDI Maalinnimo Khamiisa ah, oo bisha Oktoober ahayd 20, 2022, waxaanu safar shaqo oo kormeer ah ka bilownay gobollada dalka anagoo ah Guddida Diiwaangalinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo daarnaa hubinta in Ururrada Siyaasaddu buuxiyaan shuruudihii uu waajibiyay Xeer Lr. 14/2011, oo ay ka mid ahayd xaqiijinta xubnaha Kunka qof. Intii aanu ku jirnay kormeerka lixda gobol, waxaanu la kulannay dhacdooyin amakaag iyo layaab leh oo qaarkood kaa quus-gelinayaan in si togan oo habsami leh uu u hano qaado nidaamka dalkeenu qaatay ee Dimuqraadiyadda . Urur Siyaasadeed kasta waxaa laga rabay inuu soo goob joojiyo ugu yaraan Kun qof oo ah tageerayaasha uga diiwaan gashan gobolka, buuxiyeyna shuruudihii laga rabay tageere kasta. Dhacdooyinka aanu la kulannay oo ahaa kuwo kala gedisan oo aanu kala kulanay tageerayaasha ku sugnaa goobihii hubintu ka socotay waxaan si gooni ah halkan ugu xusaya sadddex dhacdo oo ka dhacay saddex gobol kuwaaso kala ahaa sidan. Dhacdada 1aad. Waxaanu soo gaadhnay goobtii loo asteeyey iyo wakhtigii loo asteeyey Urur Siyaasadeed ka mid ahaa 14-ka Urur ee la qiimaynayay, iyadoo goobta ay ku sugan yihiin dadweyne tiradoodu aad u badan tahay oo aan u habaysnayn nidaamkii guddidu ku wargalisay ururrada. Masuuliyiintii ururku waxay aad iskugu hawlayaan in dadweynaha waafajiyaan nidaamkii Guddidu asteeysay, wax dhag jalaq u siiyey oo u hoggaansamay waa yaraayeen, waxaanu isku xilqaanay in aanu masuuliyiinta ka caawinno nidaaminta si aanay wakhtigii aanu ugu talo galnay mid ka badan nooga qaadan. Dadweynihii aanu isku dayeynay in aanu toosino oo tilmaano si aay isku habeeyan, waxay xujo iyo shardi nagaga dhigeen horta in qof qof iyo koox koox loola heshiiyo oo mushqaayaddooda lacageed cadadkeeda lagala heshiiyo oo meel lagu tiiriyo, markaas ka dib ay u hogaansami doonaan nidaamka loo dajiyey, waxaan su’aalay miyeydaan ururkan u ahayn tageerayaashii uu gobolkan ku lahaa oo aydaan u iman gudashada waajibadkiina tageeranimo? Cajaayib, jawaabtoodii waxay noqotay waxaanu u nimi goobta in aanu shaqaysanno mushqaayad lacageed, isna (Ururka) tirada u buuxinno. Dib baanu uga baxnay, ilaa masuuliyiintii Iyo tageerayaashii kala dhamaysteen qadiyaddii may suurto galin in aanu wax shaqo ah ka qabanno. Dhacdada 2aad Waxaanu gaadhnay gobol kale iyo goob kale oo ururrada mid ka mid ahi ku diyaariyey xubnihii kunka qof, judhiiba koox ka mid ah dadweynihii baa nagu bilaabay hadalo dhawaaqsare ah oo ah Masuuliyiinta ururku ma aha kuwo arin iyo aduun haya, ma jirto ilaa imika wax ay na siiyeen, waa Urur raba cod bilaasha, wax uu noo dhiibay ma jirto oo nama hubin kartaan, hadalo wada noocaas ah, waxaabay bilaabeen in ay dhan uga baxaan goobtii iyagoo ku andacoonaya horta kharashkii ha naloo dhiibo intaan hawsha hubinta la bilaabin. Dhacdada 3aad Markanna waxaanu gaadhnay gobol kale iyo goob kale, waxaanu la kulannay dadweyne xaddigoodu badan yahay oo dhexdooda dagaal ka socdo, dagaal kaaso daarnaa baadi doonka kharashkii lacageed ee ay goobta u yimaaddeen, waxaan hubaa in xubno dadweynaha ah dhibaato jidh ka soo gaadhay dagaalkaas, markaannu aragnay xaaladda ka jirta goobta, xalka kaliya ee aanu qaban karaynay wuxuu noqday in baabuurtii aanu wadannay mid ka mid ah kula baxsanno masuulkii ugu sareeyey ururkaas oo ka badbaadino waxyeelo kaga timaadda tageerayaasha. Saddexdan dhacdo waxaan u ahaa goob jooge, waxaana ii soo baxaysay in xubnaha tageerayasha ahi goobta u yimaaden in dhaqaale lacageed ka sameeyaan imaanshahooda goobta. Iibsashada codka iyo tageeranimadu waa nooca ugu khatarta badan musuqa iyo wax isdaba marinta oo god dheer ku ridda dimuquraadiyadda. Tageeridda Urur/Xisbi waxaa dhidib u ah in xubintuu tageeradeeda ku salayso:- I. Barnaamij siyaasadeedka iyo Aragtida Ururka/Xisbiga. II. Ku qanacsanaanta hoggaanka Ururka/Xisbiga hawl karnimadooda, daacadnimadooda, waayo aragnimadooda iyo sooyalkooda taariikheed. Xaalka cod bixiyaha iyo tageeraha Urur/Xisbi ee wakhtigani waa mid ka arradan ku sar-goynta xulashadooda asbaabaha kor ku xusan, una darban wax dharaar af la geliyo ka soo dhacsigeed. Anigoo dhacdooyinkaa usoo joogay, maskaxdaydana ay ka guuxaysay sida dalkan dhaqankaasi u dhaxal siin doono dhibaato hor leh, quusna ku ah in ay tahay dhaxalka duruufaha dhaqaale ayuunban buugga WEERANE ee uu qoray Muj Maxamed Baaruud, boggiisa 20aad kula kulmay qiso uu qoraaga buuggu kaga sheekaynayo eddadii Caasha iyo Xisbiga SNL (Somali National League). Qisada aan kula kulmay bogga 20aad nuxur ahaan waxay u dhigan tahay sidan:- Islaan todobaatan jir ah, oo qoraal iyo akhris toona awoodin oo isheeda dhaqaale ee ay masruufsataa tahay iibinta beedka digaagado saddex ah oo ay dhaqatay iyo tamaandho yar ayaa bil walba afar ama shan jeer (khamiis kasta) Xisbiga ay tageeraha u tahay qaadhaan ahaan ugu deeqi jirtay hanti lacageed iyadoo iibsanaysa Joornaalka Xisbigu soo saaro. Waxay igu noqotay arrin u qaadan waa ah kana fog filashadayda dhicitankeedu. Waa qiso dhalinaysa yididiilo hore leh iyo u qalab qaadashada sidii dib loogu soo noolayn lahaa dhaqankii gobanimada badnaa ee barisamaadkii danta guud iyo wax wada lahaanshaha sida wada jirka ah bulshadu u kobcinaysay. Waa waajib saaran Guddida u hawl galka iyo ka shaqaynta sidii dib loogu geediyi lahaa dhaqankii gobanimada badnaa ee aynu ka soo guurnay. Alla mahaddii, Guddi ahaan waxaanu hawl weyn ka qabanay in la helo Ururro Siyaasadeed oo koox iyo qoftoona gooni u sheegan karin. FG. Dhaqanka Cod/Tageero iibintu looma wada nisbayn karo dhamaan tageerayaasha, balse tageerayaasha dhaqankaas leh ee aan ka hadlay maha tiro yar oo qarsoomi karta Eng Muxyadin Yusuf ibrahim oo ka mid sh xubnaha guddida diwaangelinta ururrada siyaasadda iyo asxaabta qaranka. Source
  7. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ogolaaday inuu taageero qorshaha Sweden ee ku biirista Nato, sida uu sheegay madaxa gaashaanbuurtaasi, Jens Stoltenberg. Waxa uu sheegay in hogaamiyaha Turkiga uu u gudbin doono dalabka Sweden, baarlamaanka Ankara isla mar ahaantaana uu “xaqiijin doono ansixintiisa”. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa dhankiisa sheegay in “aad ugu faraxsan yihiin arrintan’ isaga oo sii raaciyey in Sweden ay u tahay maanta ‘maalin qiimo leh’ . Turkiga ayaa hore u hakiyay hanaanka ansixinta qorshahaas, isagoo ku eedeeyay Sweden inay marti gelisay mintidiinta Kurdiyiinta. Horaantii, Turkigu wuxuu u muuqday inuu sameeyay dalab cusub oo isku xidhaya arrinta xubinnimada Sweden iyo wada xaajoodka uu isagu ku doonayo in uu ku biiro Midowga Yurub. Source
  8. Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad rakaab ah goor dhaweyd shil khasaare geystay ku gashay garoonka diyaaradaha Muqdisho. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhaawacmay diyaaraddaas rakaabka sidday kadib markii ay ka baxday dhabaha diyaaraduhu kusoo degaan ee garoonka diyaaradaha Muqdisho. Diyaaradda oo ay leedahay shirkadda Hala Airline kana soo duushay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sida wararku sheegayaan sidday 30 qof oo rakaab ah. Baraha bulshada ayaa laga arkayay shaqaalaha gurmadka deg dega ah oo ku sugan goobta diyaaraddu ku dhacday ee garoonka Muqdisho halkaas oo ay ka socotay hawsha samata-bixinta. Weli faahfaahin sugan lagama helin sababaha keenay shilka diyaaradda waxaana mas’uuliyiinta garoonka laga soo xigtay in baaritaan ku socdo dhacdada. PUNTLAND POST The post Diyaarad Rakaab sidday oo shil ku gashay garoonka diyaaradaha Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  9. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhaawacmay diyaarad rakaab sidday oo ka baxday dhabaha diyaaraduhu kusoo degaan ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Illaa hadda mas’uuliyiinta ma hubaan waxa keenay inay diyaaraddu ka baxdo dhababaha diyaaradaha. Diyaaraddan ayaa la sheegay inay sidday 30 qof, islamarkaana ay ka timid magaalada Garoowe ee caasimadda maamul goboleedka Puntland. Diyaaraddan ayaa la sheegay inay ku duulaysay magaca shirkadda Halla Airlines. Shaqaalaaha gurmadka ayaa jooga goobta, waxaana tagay dab-damiska. Mid ka mid ah mas’uuiyiinta garoonka ayaa u sheegay VOA inay doonayaan in si degdeg ah loo furo dhabaha diyaaradaha si ay ugu soo degaan diyaaradaha kale. Source
  10. Diyaarad rakaab ah ayaa ku soo dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, warar kale duwan ayaa kasoo baxay shilka dhacay. In ka badan 30 qof ayaa saarnaa diyaaradan oo ka soo duushay magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland. Waxa la sheegay inuu jiro dhaawacyo khasaare ah , inkastoo aan la faahfaahin mana jirto wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta diyaarada ee Halla Airlines. Warar ayaa sheegaya in diyaaradan dadka saarnaa ay ahaayeen Soomaali iyo ajaanib, kuwaas oo kusoo jeeday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya shil diyaaradeed oo goordhow ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Diyaaradda oo sidday rakaab ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhacday agagaarka dhabaha ay diyaaradaha ku ordaan ee garoonka Aadan Cadde, kadib markii ay soo dhacday diyaarad lagu magacaabo Hala Airline. Waxaa diyaaradda saarnaa ku dhowaad illaa 30 qof oo rakaab ah, waxayna ka timid magaalada Garoowe, sida laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan garoonka Muqdisho. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in shilkan diyaaradeed uu geystay khasaare dhaawac ah iyo burbur soo gaaray diyaaradda. Dhanka kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda Soomaaliya, Fardowso Cismaan Cigaal oo wareysi siisay Telefishinka Qaranka ayaa ka warbixisay shilkan, waxayna sheegtay inuu ku dhaawacmay hal qof. Sidoo kale waxa ay beenisay in diyaaradda soo dhacday ay la socdeen ra’iisul wasaareyaashiii hore ee dalka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’rke iyo Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), kadib markii baraha bulshada lagu baahiyay inay saarnaayeen diyaaraddaasi. “Ra’iisul wasaarayaashii hore ee la sheegay inay saarnaayeen ma aha diyaaraddii ay la socdeen diyaarad kale oo aan soo caga dhigan ayay saaran yihiin, waana Fly kale oo Hala Airline ah” ayay tiri wasiir Fardowso Cismaan. Wararkii ugu dambeeyay ayaa haatan sheegaya in uu socdo gurmad loo fidinayo rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda, waxaana hakad galay duulimaadka garoonka Muqdisho. Halkan hoose ka daawo Sawirrrada:- The post Sawirro: Diyaarad sidday rakaab oo maanta ku dhacday garoonka Aadan Cadde appeared first on Caasimada Online.
  12. VILNIUS, July 11 (Reuters) - U.S. President Joe Biden will move forward with the transfer of F-16 fighter jets to Turkey in consultation with Congress, U.S. National Security Adviser Jake Sullivan said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  13. Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas oo uu weheliyo siyaasi Cabdirashiid Maxamed Cabdi ayaa maanta war ka soo saaray xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland. Mas’uuliyiinta ayaa soo bandhigay qodoba kala duwan xal u noqon kara khilaafka dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kaas oo sababtay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe. Bayaanka ay soo saareen ayay ku sheegeen in mudadii ay joogaan Puntland ay kulamo kala duwan la yeesheen dowladda, siyaasiyiinta mucaaradka ah, isimada dhaqanka qaarkood iyo ururrada siyaasadda oo ay kala hadleen khilaafka taagan. Waxay soo jeediyeen in wakhtigaan laga maarmo furista dastuurka, islamarkaana doorashada madaxtinimada Puntland aysan wakhtigeeda dhaafin dowladduna la timaado barnaamij qeexan oo lagu fulinayo hawshaas. Waxay sidoo kale ku baaqeen in sida ugu dhakhsaha badan lagu qabto doorashada saddexda degmo ee Gobolka Nugaal ee ka haray cod-bixintii guud ee ka dhacday 30-ka degmo. Halkaan ka akhriso bayaankooda PUNTLAND POST The post Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid oo war ka soo saaray khilaafka siyaasadeed ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  14. Beledxaawo ( Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee degmada Beledxaawo ayaa ugu dambeyn gacanta kusoo dhigay Calaso Muxumed oo loo haysto dil la sheegay inay u geysatay haweeney kale oo ay daris ku ahaayeen degaanka Oodan ee gobolka Gedo. Idiris Aadan Nuur oo madaxa baarista ee gobolka ayaa shaaca ka qaaday inay tageen goobta uu falku ka dhacay, isla-markaana ay soo xireen haweeneyda ee eedeysan oo loo haysto inay mindi ama toorey ay ku dishay Marxuumad Nasro Cabduqaadir Maxamed. Dambi baaraha ayaa sheegay in labada gabdhood ay wada dagaalameen, kadibna eedeysanaha ay soo qaadatay toorey, kadibna ay halbowlaha ka gelisay marxuumadda oo isla goobta ku geeriyootay, kadina la aasay. “Eedeysanihii dhibka geystay waan soo qabanay, falkana wuxuu ka dhacay Beledxaawo gaar ahaan tuulada Oodan, dilkaas wuxuu ahaa dil toorey ah” ayuu yiri Idiris Aadan Nuur. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay wadaan baaris dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, isla-markaana sharciga ay la tiigsan doonaan haweeneyda lasoo xiray. “Marxuumadda waxay mindida uga dhacday halbowlaha halkii ayayna ku dhimatay, waana lasoo aasay, gabadhii wax dishay way noo xiran tahay baaristana way socotaa, wixii kasoo baxana sharcigaan horgeyn doonaa, sidaa ayay wax u jiraay” ayuu mar kale yiri Idiris. Waxaa kale oo uu raaciyay “Waayahan kiisaska ragga wax dila uunbaan arki jirnay, laakiin beryahaan waa kiiskii noogu horreeyay ugu yaraan dhowr iyo toban sano kahor dumar, dumar dilay”. Dhanka kale qaar kamid ah ehellada marxuumadda oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay soo qabashada haweeneydan eedeysan, waxayna sidoo kale dalbadeen in si deg-deg ah cadaalada la horgeeyo, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. Si kastaba, falkan argagaxa leh ayaa walaac ku abuuray dadka deegaanka oo aad uga naxay, waxaa sidoo kale dhacdadaan aad looga hadlay Beledxaawo iyo nawaaxigeeda. The post Daawo: Haweeneydii ka dambeysay dilka Nasro Cabduqaadir oo lasoo qabtay appeared first on Caasimada Online.
  15. Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa iska hor imaad khasaare geystay oo ka dhacay duuleedka magaalada Gaariga ee gobolka Waqooyi Bari Kenya . Iska hor imaadkan ayaa ahaa mid u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan kuwa Kenya iyo kooxda Al-shabaab oo marar badan weeraro ka fuliyay gudaha Kenya iska hor imaadkan ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay kolanyo ka tirsan ciidanka Kenya ku qaadeen weerar jidgal ah oo qarax ku bilaawday, xili ay marayeen inta u dhaxeeysa deegaanada Calin Jugur iyo Weel mareer oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Gaarisa. Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in qarax uu qabsaday mid ka mid ah kolanyada gadiidka ay wateen ciidanka Kenya , mana aysan shaacin khasaaraha soo gaaray ciidanka. Kol hore, Al-shabaab ayaa dishay afar ka mid ah shaqaalaha maamulka waddooyinka waaweyn ee Kenya, kadib markii qarax lala eegtay baabuur ay wateen oo marayey waddo ku taalla degmada Gaarisa. Weerarada Al-shabaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa saameyn ku yeeshay qorshe dowladda Kenya ay ku dooneysay iney dib u furto xadka ay wadaagaan labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Dowladda Sweden ayaa waxaa loo ogolaaday in ay xubin ka noqoto Ururka Gaashaanbuurta NATO, iyadoo muddo dadaal ugu jirtay sidii ay u heli laheyd xubinnimada Ururka, walow ay jirtay diidmo ay ka muujinaysay dowladda Turkiga, wararka ayaa sheegaya in ugu dambeyn uu aqbalay. Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltensberg ayaa sheegay Isniintii in madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ogoladay inuu “sida ugu dhakhsaha badan” ugu gudbiyo golaha baarlamaanka ee dalkiisa xubinimada Sweden ee NATO, isaga oo sheegay inuu ka shaqayn doono, in golaha baarlamaanku meelmariyo codsigaas. Xoghayaha NATO ayaa hadalkan sheegay, ka dib kulan uu la qaatay madaxweyne Erdogan iyo ra’iisal wasaaraha Sweden, ka hor kulanka isbahaysiga NATO uu ku yeelanayo Lithuania, Turkiga ayaa Sweden codkiisa diidmada ah u dul dhigay kadib markii uu sheegay in aysan awoodin bixinta dhaqaalaha ururka. “Tani waa maalin taariikhi ah, sababtoo ah waxaa helnay ballan-qaadka Turkiga ee ah, inuu ka shaqeeyo ansixinta xubinimada Sweden ee NATO, isaga oo sheegay inuu ka shaqaynayo sidii golaha baarlamaanku u ansixin lahaa arrintan” ayuu yidhi Stoltenberg. Go’aankan lama filaanka ah ee uu ku dhawaaqay xoghayaha NATO ayaa jidka u xaadhaya in Sweden ay noqoto dalka 32aad ee ku biira isbahaysiga NATO, waxaana ay qeyb ka noqon doontaa dalal qeybta ah ah Ururkaan oo la aasaasay April 4, sanadkii 1949, kadib dhammaadkii dagaalkii labaad ee Adduunka. Sikastaba ha ahaatee ku biirista NATO ee dowladda Sweden ayaa waxaa ay u gogolxaareysaa sidoo damaca dalka Ukrine ee ku aadan ku biirista ururkaan, walow dowladda Mareykanku ay ka cagajiidayso arruntaan, laakiin Ukraine ayaa taageero ka heleyso dalka turkiga gaar ahaan madaxweyne Erdogan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib kulankii Sabtidii ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee uu buuqa hareeyay ayaa waxaa isa soo taraya guuxa ka dhex jira xildhibaanada Golaha ee ku aadan ‘inuu socdo mooshin culus’ oo ka dhan ah xukuumadda. Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada Golaha Shacabka ay haatan dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka wadaan magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, kadib markii ay shirar ka bilaabeen halkaasi kuwaas oo ay hoggaaminayaan xubnaha mucaaradka ku ah dowladda. Villa Soomaaliya oo arrintan ka duuleysa ayaa dhankeeda shalay ku guuleysatay inay baajiso kulan ay lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka waxayna ku qancisay gudoomiyaha Golaha Shacabka inuu dib u dhigo kulankan illaa inta laga gaarayo Arbacda. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ayaa tuhun weyn ka qaba kulanka baarlamaanka, maadaama uu soo baxay guux weyn oo ku aadan in xildhibaanadu ay wadaan mooshin culus oo ka dhan xukuumadda Dan-Qaran. Intaas kadib madaxa sare ee dalka ayaa bilaabay kulamo ay la qaadanayaan xildhibaanada Soomaaliyeed, si ay u kala furfuraan, loona qaboojiyo xiisadda hadda taagan. Dhinaca kale, xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa ka hadlay dooda baarlamaanka, gaar ahaan wararka ku saabsan mooshinka. Dalxa ayaa shaaca ka qaaday haddii xilligan xukuumadda laga keeno mooshin, lana rido ay ka dhalan doonto caqabad horleh, sida uu hadalka u dhigay. “Mideeda kale xukuumadda mooshin laga wadaa, madaxweynaha laga wadaa, guddoonka laga wadaa waxaas haddii ay tahay arrin jirto waxay caqabad ku tahay horay u socodka dowladnimada” ayuu yiri xildhibaan hore Mudane Maxamed Cumar Dalxa. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Xukuumadda waa lala xisaabtami karaa, laakin ma’aha in la eryo oo mid cusub la dhiso, taas waxay caqabad ku noqoneysaa jiheynta siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga, marka yaan lagu deg degin ra’iisul wasaare la eryaa”. Ugu dambeyn Dalxa ayaa farriin culus u diray madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo uu ugu baaqay inuu cashir ka barto hoggaamintiisii hore oo lagu ridday saddex ra’iisul wasaare. “Waxaan rabaa inaan madaxweyne Xasan Sheekh dardaaran siiyo waa nin waaya arag ah horay dalka usoo hoggaamiyay waayay dowladdiisii hore waxay ku tilmaameen dowladdii saddex ra’iisul wasaare la eryay” ayuu mar kale wareysigan ku yiri Maxamed Cumar Dalxa. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xaalad siyaasadeed ay ka taagan tahay Soomaaliya, taas oo ka dhalatay heshiiskii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka. The post Wararkii ugu dambeeyay guuxa mooshinka BF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  18. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo degmada Yaaqshiid kaga qeyb galayay munaasabadda mahadcelinta guddigii agaasinka Maalmaha Xorriyadda ee 26 june iyo 1-da Luulyo ayaa sheegay in amniga caasimadda uu yahay mid wanaagsan. Guddoomiyaha ayaa tusaale u soo qaatay in maalintii Xoriyadda 1-Lulyo lagu dabaal degay garoonka Muqdisho Stadium, taas oo ay ka qeyb galeen shacabkii ugu badnaa tan iyo burburkii dowladnimadii Soomaaliya, isaga oo shacabka caasimadda uga mahadceliyay wadashaqeynta ay la leeyihiin laamaha amniga. Guddoomiye Madaale ayaa sidoo kale guul ku tilmaamay in degmada Yaaqshiid lagu qabtay xafladdii gunaanadka iyo mahadcelinta guddiga, taas ay ka qeyb galeen Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya, wasiirro, xildhibaanno, guddoonka gobolka Banaadir iyo bulshada qeybaheeda kale duwan. “Guushu sideedaba ruux kaliya ma keeno, iskaashi ayey ku timaadaa, Amniga aan ku naalooneyno oo suurto geliyay in goob kasta la tago, bulshada magaalada Muqdisho iyo mus’uuliyiinteeda kale duwanaa iyo hey’adihii amniga oo gacmaha isqabsaday ayaa lagu gaaray, iygana waxaan leeyahay aad iyo aad ayey u mahadsan yihiin, marka waxaan rabnaa inaan iskaashanno oo gacmaha isqabsanno” ayuu yiri. Hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muddooyinkii dambe amniga uu ahaa mid kasoo reynaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, tan iyo markii la howlgaliyay ciidan lagu magacaabo Police Militaire, kuwaas oo lagu soo tababaray dalka Uganda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Mogadishu (HOL) - Somali government troops, with the support of local militia forces, carried out a planned operation in Barag Isse village in the Mudug region on Monday, resulting in the deaths of two al-Shabab militants. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay ka qaybgalay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xiisadaha qaar ee ka taagan dalka, gaar ahaan Gedo, Hiiraan, Puntland iyo Laascaanood. “Meelaha khilaafaadka ka jiraan waxaan rabnaa in lasoo gabagabeeyo, khilaafaadkaas inay sii socdaan wax loo dul qaadan karo ma’aha xilligeedana ma joogno dadka Soomaaliyeedna ma mudna khilaaf dambe oo siyaasi dan leh kiciyay” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan rabnaa midnimo, waxaan rabaa kala dambeyn iyo walaalnimo”. GEDO Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre wuxuu farriin nabadeed u diray reer Gedo, isaga oo ugu baaqay in wixii tabasho ah ay ku dhameeyaan deganaan iyo sidoo kale wada-hadal. “Gobolka Gedo ayaa kow ka ah waxaan ugu yeereynaa midnimo wada-hadal wax alla wixii khilaaf ah oo jiro lagu dhammeeyo” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu. HIIRAAN Xamza Cabdi Bare ayaa sidoo kale soo hadal qaaday xiisadda ka dhalatay xilka qaadista guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo ehelnimada & walaalnimo, sidoo kalena la dajiyo xaaladda Beledweyne. “Hiiraan iyadana waxaan rabnaa oo sidoo kale ugu yeereynaa ehelnimo, walaalnimo deganaasho, isfaham iyo wax alla wixii siyaasad ah in miiska dushiisa lagu dhammeeyo” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu isaga oo ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Hiiraan. PUNTALND Ra’iisul wasaaraha wuxuu sheegay inuu xiriir la sameeyay Isimada Dhaqanka Puntland, isla-markaana uu ka hadlay xiisadda ka taagan Garoowe, wuxuuna markale ugu baaqay inay shir isugu yimaadaan, isla-markaana ay xal u keenaay khilaafka ka taagan Puntland. “Puntland waxaan ugu baaqayaa oo Isimada ka rajeynayaa inay isku yimaadaan oo fariistaan, isla-markaana arrintaas ay soo gabagabeeyaan” ayuu farriintiisa ku yiri. LAASCAANOOD Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood, isaga oo si adag uga hadlay xiisadda daba dheeraatay ee ka taagan gudaha magaaladaasi. Ra’iisul wasaare Xamza ayaa ka dalbaday Somaliland in ay ciidamdeeda kala baxdo aagga lagu dagaalamayo ee magaalada Laascaanood, kadibna loo wadahadlo si Soomaalinimo ah. “In ciidamada meesha jooga ay Somaliland qaado oo ay fursad siiso in xabadjoojin la sameeyo oo wixii khilaaf ah oo jira markaas yadoo Soomaali la wada yahay wadahadal lagu dhameeyo” ayuu iyadana ka yiri arrinta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. The post Muxuu R/W Xamza ka yiri xiisadaha ka taagan Gedo, Beledweyn, Puntland iyo Laascaanood? appeared first on Caasimada Online.
  21. Maxaad ka taqaan halka uu Soomaalida uga yimaado maandooriyaha kansarka laga qaado ee dhalinyaradda ku dhex faafay? Taabuuga waa nooc ka mid ah tubaakada aan qaaca lahayn, waxaa loo yaqaannaa Chewing Tobacco (tubaakada la calaliyo), ama Snustobbacco iyo Smokelles tobacco. Tubaakada la calaajiyo waa mid caan ah oo ka mid ah kuwa aan qiiqa lahayn, wuxuuna isticmaalkeedu ku badan yahay bulshooyinka qaaradda Aasiya. Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa la sheegay in isticmaalkiisa uu ku batay dhalinyarada Soomaalida, oo rag iyo dumarba isugu jira, Sida uu BBC-da u sheegay Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed (Jalaaludiin) agaasimaha isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho. Waa tubaako afka la gashto laakiin tubaakada caadiga ah ayaa wuxuu uga duwan yahay muuqaalka iyo dhadhanka, wuxuuna ku jiraa bac sijil ah, wuxuu shabbahaa nacnaca, wuuna ka jaban yahay tubaakada ama sigaarka, waxaa sahlan in qof walba uu iibsado. Alaabo badan oo tubaakadu ay ku jirto laguma sheego oo lama qeexo inay ku jirto. Dadka ayaa laga yaabaa inay cunaan waxyaabo aysan waxba ka ogeyn. Xarunta Nabadda iyo Dimuqraaddiyadda ee Hiil oo xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho, ayaa daraasad ay dhowaan ka sameeyeen isticmaalka maandooriyaha iyo ardayda degmooyinka gobolka Banaadir, ayaa waxay ku xuseen in taabuugu ka mid yahay maandooriyeyaasha ugu badan ee ay dhalinyaradu isticmaalaan. Sida uu Soomaaliya ku soo galo Taabuuga laguma beero dalka Soomaaliya, balse wuxuu ka yimaadaa wadamada caalamka, sida uu daraasaddiisa ku xusay Dr Jalaaludiin. Dalalka uu berigii hore ka imaan jiray waxaa ka mid ah Kenya, oo la soo raacin jiray diyaaradaha qaadka, balse wuxuu sheegay in haatan si toos ah looga keeno dalka Hindiya, isaga ka soo gala dekadaha waaweyn ee uu leeyahy dalka. Wuxuu dhaqtarku sheegay in meesha ugu badan ee uu ka soo dego ay tahay dekadda Muqdisho, marka Soomaaliya la eegana, halka ugu badan ee laga isticmaalo ay tahay magaalada Muqdisho. Hindiya waa mid ka mid ah dalalka ugu badan caalamka ee laga isticmaalo taabuuga. “Cilmi baaris laga sameeyay dalka Hindiya ayaa sheegaysa in 40kii ilbiriqsiba uu qof u geeriyoodo dhibaatada taabuuga, sidaasi waxaa ku socda dadka ku nool magaalada muqdisho haddii and wax laga qabanin oo ay dowladda qaadin tallaabo looga hortagayo halista taabuuga.” Ayuu daraasaddiisa ku yiri Dr Jalaaludiin. Xarunta Hiil ayaa ardaydii horay u sheegay inay isticmaalaan maandooriyaha marka ay weydiisay meesha ay ka helaan marka ay u baahdaan isticmaalka maandooriyayaha, badankooda oo ah 51 una dhiganta (52%) ardayda la wareystay, waxay sheegeen in ay ka helaan dukaamada yaryar oo inta badan cooshado ah. (22%) waxay sheegeen inay ka helaan asxaab, maaddaama aysan rabin in la arko ayaga oo gadanaya maandooriyaha. Sidoo kale 15 iyo 10 arday oo u kala dhiganta 16%), iyo (11%), waxay sheegeen inay ku helaan si bilaasha ah iyo qoyska dhexdooda. Xarunta Nabadda iyo Dimuqraaddiyadda ee Hiil ayaa wareysatay arday ay da’doodu u dhaxayso 13 ilaa 20 sano. Ilaa 97 arday oo ah (26%) ayaa sheegay in ay khibrad u leeyihiin si xun u isticmaalka mukhaadaraadka iyo maandooriyahaba, oo uu taabuugu ku jiro. Sidoo kale Dr Jalaaludiin ayaa sheegay in bulshada kale ee taabuuga isticmaasha ay ka mid yihiin darawallada gawaarida isaga gooshta gobollada dalka, caasilayda iyo bajaajta, ciidamada qaar iyo kuwo kale. Wuxuu dhaqtarku sheegay in sababta ay u isticmaalaan ay tahay inay ka helaan nashaad iyo firfircooni. Halista caafimaad Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed (Jalaaludiin) oo daraasad ka sameeyay isticmaalka taabuuga ee magaalada Muqdisho, wuxuu ka sameysan yahay maaddada Nicotine (nikotayn) oo ah maaddo aad sida uu sheegay dhaqtarku khatar u leh caafimaadka. Guud ahaana sigaarka iyo tubaakada noocyadeeda ayaa waxaa sidoo kale ku jira maaddadaan (nikotayn). Waxaa laga soo dhoofiyaa dalalka Hindiya iyo Bangladesh, waxaa sidoo kale ku jira looska areca, caleenta betel, waxyaabo kala duwan oo dhadhan u yeelaya, dhir iyo sidoo kale tubaako. Waxyaabaha ku jira ayaa laga yaabaa in la isku dardaro kaddibna la baceeyo oo la iibiyo. Tubaakadan ma aha qaali si fudud ayaana loo heli karaa. Si kastaba, ma jiraan shuruuc adag oo ka taalla tubaakada la calaajiyo ama taabuuga, sida sigaarka oo kale. Way adag tahay in la iska daayo XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Taabuuga waa mid aad loo qabatimo waxaana lala xiriiriyaa khatarta kansarka afka, cudurrada cirridka ku dhaca iyo xanuunnada wadnaha. Dhaqanka ruugidda tubaakada, waxaa lala xiriiriyaa dhaqanka bulshada Koofurta Aasiya ka soo jeedda. Maaddaama aysan ka oollin shuruuc adag, waxay dad badan ku fekeraan inuu ka halis yar yahay noocyada kale ee tubaakada. Keliya maaha inuu sababo kansarka afka, balse waxaa sidoo kale laga qaadaa kansarka dhuunta iyo caloosha, sida ay dhaqaatiirtu sheegeen Qaran News
  22. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre presided over a meeting on Monday to discuss the preparation of Somalia's admission to the East African Community (EAC) bloc, a month after the regional body leaders adopted the report on the membership of Somalia. Source: Hiiraan Online
  23. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad ka dhacday xarunta degmada Yaaqshiid oo loogu mahadcelinayay guddiyadii kala gedisnaa ee Heer Federaal, Gobolka Banaadir iyo Hey’addaha Amniga ee ka shaqeynayay toddobaadka Xorriyadda dalka Soomaaliya ee 26 june iyo 1-da Luulyo. Munaasabadda ayaa waxaa sidoo ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye( Yabooh) iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda ka dhacday degmada Yaaqshiid. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo guddiyadii loo xilsaaray abaabulka iyo qabsoomidda toddobaadka Xorriyadda ee 26 june iyo 1-da Luulyo, sidii wanaagsaneyd ee ay u agaasimeen xuskii maalmaha xorriyadda iyo maalmihii ciidul Adxa oo todobaadka u lamaansanaa sidoo kale intii lagu guda jiray todobaadka Xoriyadda. Ra’iisulwasaarea Xamse ayaa halkaasi shahaado Sharaf ku guddoonsiiyay xubnaha Guddiyadda iyo Hey’addaha ka shaqeeyay Xuska 63 guurada kasoo wareegatay xorriyadda dalka Soomaaliya, waxaa sidoo kale halkaasi Koob lagu guddoonsiiyay Naadiga Dowladda Hoose ee Xamar oo iyadu ku guuleesatay Koobka Xorriyadda dalka, kadib markii ay ka guuleysteen Naadiga Kubadda Cagta ee Horseed. Goobjoog News Source: goobjoog.com