-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Dalka Iran Ebrahim Raisi, ayaa booqasho ku jooga Dalka Kenya isaga oo la kulmay dhiggiisa Kenya William Samoei Ruto. Labadda Hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada dal iyo xoojinta wax loogu yeedhay xidhiidhka Ganacsi ee ka dhaxeeya sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Kenya xili ay kala saxeexdeen heshiisyo. Madaxweynaha Dalka Iran Ebrahim Raisi, ayaa markii ugu horaysay safar ku marmaraya dalal ku yaalla Qaaradda Afrika, kaas oo lagu xoojinayo xidhiidhka Tehran iyo Qaaradda oo aan cago xooggan oo hore ku taagneyn. Dalka Kenya ayaa kamid ah Dalalka Afrika ee xidhiidhka wanaagsan la leh dalalka reer Galbeedka gaar ahaan Mareykanka oo ay aad u kala fog yihiin Iran. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya shir u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnihii ka biyo diiday inta badan qodobadii heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu madaxdii hore la wadaago waxa u qabsoomay sanadka uu xafiiska joogay, kadibna waxaa loo gudbi doona in la dhageysto aragtidooda ku aadan xaaladaha waaweyn sida dagaalka Al-Shabaab, xaaladda guud ee dalka, arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka, si gaar ahna waxaa la filayaa in farta lagu fiiqo qodobadii heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee la gaaray 27-kii bishii May. Xubno cusub oo aan ku jirin kooxdii hore u wada socotay ayaa lagu soo kordhiyay shirka, waxaana la sheegay inuu sidaas codsaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xubnahaan lagu soo kordhiyay shirka waa Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan oo hore. Ajendaha ayaa noqonaya soo dhaweynta madaxweynaha ee madaxdii hore, hadal jeedinta iyo sharaxaada madaxweynaha ee xaaladda guud ee dalka, kadibna siyaasiyiinta iyo dareenkooda. Wixii markaa ka dambeeya waxaa la aadi doona salaad iyo qado, kadibna markii la isku soo laabto iyada oo dhinac walba mowqifkeeda la og-yahay ayaa la guda-gali doonaa doodda dhabta ah, waxa uuna shirka soo xirmi doona galabta casarkii, sida ay nala wadaageen qaar kamid ah xubnaha ku lugta leh shirka. Maadaama uu madaxweynaha ballaariyay mowduuca, waxaa la filayaa inay dhinacyadu arrimo gaar ah dul istaagi karaan. Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas ayaa marka laga tago arrinta la isku yimid waxay diirada saari karaan arrinta Puntland iyo dowladda dhexe oo muddo calowsan. Sidoo kale arrinta Sool ee midnimada la xiriirta ayay macquul tahay inay soo hadal qaadan. Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubnaha kale ee reer Koonfur Galbeed waxaa iyagana agtaalla inay farta ku fiiqaan halista ka imaan karta dib u dhaca mar labaad kusoo wajahan doorashada maamulkaas. Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre waxaa la filayaa inay iyaguna si weyn diirada u saaran heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran iyo dagaalka Al-Shabaab oo hadda dul taagan Galmudug iyo HirShabeelle. Marka arrimaha guud laga tago mucaaradka waxay rabaan in lagala heshiiyo doorashada soo aadan, sheekada labada xisbi, muddo kororsiga iyo isbedelka haykalka dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan fikirka madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen. Dadweynuhu waxay maanta si weyn isha ugu hayaan waxa kasoo bixi kara wada-hadalada goordhow ka furmay magaalada Muqdisho. The post Xubno cusub oo lagu soo kordhiyay shirka Muqdisho ka furmay iyo xogtii u dambeysay appeared first on Caasimada Online.
-
Dawo loogu tala galay inay dib u soo saarto ilkaha bani’aadanka ayaa tijaabo gali doonta horraanta sannadka soo socda. Dawadan oo haddii ay shaqayso wax weyn soo kordhin doonta waxay rajo gelin doontaa malaayiin qof oo dhibaato ay ka haysato ilkaha. Cilmi baareyaal Japan u dhashay oo weli aan wax magac ah u bixin dawada waxay ku rajo weyn yihiin in suuqa la soo gelin doono sanadka 2030 haddiiba lagu guuleysto. Tijaabooyin hordhac ah ayaa muujinaya in dawadaas ay ka caawisay jiir iyo dabagaalle inay ilko u soo baxaan, waxaana sideedaba loogu tala galay in ay isticmaalaan dadka ku dhasha ilko la’aanta oo aan lahayn ilko dhammaystiran. PUNTLAND POST The post Cilmi-baarayaal u dhashay Japan oo hindisay dawo dib u soo saarta ilkaha bani’adamka appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — On Saturday, July 8th, the Halane Base Camp near Mogadishu's international airport welcomed a new addition to its gastronomic landscape, the Java Coffee Garden. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u furay Kulanka Wadatashiga Madaxdii Hore iyo Siyaasiyiinta kaa sook a dhacaya magaalada Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Da’uud Aways ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid looga hadlayo xaaladda dalka , isla markaana la isku waydaarsan doono muhiimada in dalka laga gudbiyo isgoyska uu taagan yahay. Waxa shirguddoominaya shirkan madaxweyne Xasan Sheekh oo lahaa dalabka ku saabsan shirkan inuu ka furmo maanta magaalada Muqdisho. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu shirkaan kula wadaagi doona waxyaabaha u qabsoomay dowladdiisa intii uu xafiiska joogay, caqabadaha jira iyo hiigsiga mustaqbalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nin u dhashay Israa’iil ayaa lagu Afduubay Itoobiya sida ay sheegtay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Israa’iil. Ninka Afduuban oo lagu haysto meel u dhaw magaalada Gonder ee Waqooyiga Itoobiya, ayaa afduubeyaasha haystaa waxay dalbanayaan lacag Madax-furasho ah. Diblomaasiyiinta Israaiil iyo Saraakiisha Amniga ee Itoobiya ayaa ka shaqaynaya samata bixinta ninkaasi. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Wada-tashiga Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ayaa goordhow si rasmi ah uga furmay hoteelka Decale ee magaalada Muqdisho. Shirkan oo uu shir-guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ujeedkiisu yahay sidii madaxdii hore ay taladooda uga biirin lahaayeen arrimaha masiiriga ah ee dalka ka socda, gaar ahaan arrimaha dib u xoreynta dalka, dhameystirka dib u eegista dalka dastuurka iyo guud ahaan siyaasadda dalka iyo qorshayaasha mustaqbalka soo socda ee dalku leeyahay. Inta uu socdo shirka ayaa waxaa la iska xog wareysan doonaa xaaladda dalka, iyadoo madaxda talada dalka haysa ay dhegeysan doonaan talada madaxdii hore ee ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee qaranka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu shirkaan kula wadaagi doona waxyaabaha u qabsoomay dowladdiisa intii uu xafiiska joogay, caqabadaha jira iyo hiigsiga mustaqbalka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Villa Somalia. Shirkaan ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, wuxuuna qeyb ka noqonaya barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya. Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarayaashii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa intood badan kasoo qeyb-galay shirka, iyada oo uu ka maqan yahay madaxweynihii hore ee Farmaajo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka cudur daartay ka qeyb-galka shirkaan, inkasta oo uu soo dhaweeyay qabsoomidiisa, sida uu BBC u xaqiijiyay afhayeen u hadlay madaxweyne Farmaajo oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Xaashi Duqa. Si kastaba, shirkaan u furmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxaa lagu wadaa in gaba-gabada laga soo saari doono war-murtiyeed mideysan. The post Shirka wadatashiga madaxdii hore iyo siyaasiyiinta oo ka furmay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Miiska wada hadalka ayuu xalku ka iman karaa iyo Madaxweynaha oo doorkiisa qaata. Maxaa lagu heshiin karaa In la helo Jadwal doorasho oodhinacyadu heshiis ku yihiin oo ah in labada doorasho lagu qabto muddada ka dhiman muddo xilkeedkii loo kordhiyey Madaxweynaha, 2023 ilaa 2024-ka. ☆ Mucaaradka ayaa tanaasulaya, marka qodobkan la eego. In doorashada Madaxtooyada la qabto, doorashada Ururradana lagu heshiis la raaciyo doorashada golayaasha deegaanka 2026-ka. ☆ Xukuumadda, Xisbigeeda iyo Ururrada ayaa tanaasul muujinaya marka qodobka la eegayo. In la isku afgarto in laba doorasho la isku sidko, oo xeerkii Kartoonka la isku waafaqo meel marintiisa. Ururraduna u tartaam doorasho Ururro, xisbiyadu doorasho madaxtooyo. ☆ Dhinacyadu wixii ay doonayeen way ka wada heli karaan, qodobkan marka laga yimaado in dhinacyada qaarkood dantooda ka arki waayaan. Qoddobadan waxa lagu heshiin karaa marka dhinacyad danahood siyaasiga ah meel ku tiiriyaan oo danta qaranka iyo soo afjarista khilaafka siyaasiga ah ee laba jirsanaya ka shaqaynayaan. Doorka ugu muhiimsan iyo masuuliyadda dalka madaxweynaha ayey saaran yahay ka shaqaynta iyo in hormuud ka noqdo sidii looga bixi lahaa is Mari waaga siyaasaddeed ee doorashooyinka ku saabsan. Saleban Saxansaxo Source
-
Kismayo (HOL) - The Somali National Army's elite commando unit, Danab, supported by Jubaland regional forces, has reportedly neutralized dozens of Al-Shabaab terrorists, destroying their hideouts and makeshift courts in several locations approximately 42KM west of Jilib town, according to security officials. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin kasoo saartay howl-gallo dhowr ah oo ciidamada kumaandooska DANAB ee ciidanka xoogga dalka ay ka sameeyeen deegaanka Weel-Maaroow iyo goobo kale oo saldhig u ahaa xubno ka tirsan Al-Shabaab. Howl-galkaan oo qeyb ka ahaayeen Daraawiishta Jubbaland ayaa waxay ciidanku ku burburiyeen goobo 42-KM u jira dagmada Jilib oo ay ku sugan yihiin Horjoogayaasha waaweyn ee kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale waxay dowladda shaacisay in howl-galka lagu dilay 40 ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku jireen horjoogayaal sar-sare. Horjoogayaasha lagu khaarajiyay howl-galka ayaa waxaa kamid ah madaxii qaraxyada Jubbooyinka Farxaan iyo ku-xigeenkiisii Cabdi Mahad, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Sidoo kale saraakiisha kooxda Al-Shabaab ee lagu dilay waxaa kamid ahaa madaxii maaliyada ee deegaanka Weel-Maaroow, sida ay shaacisay dowladda. Maalmo kahor unbey aheyd markii ay dowladda shaacisay in howl-gallo ay ciidamada huwanta ka fuliyeen duleedka degmada Afmadow kooxda lagu gaarsiiyay khasaare lixaad leh. Wasaaradda warfaafinta ayaa sheegtay in howl-galladaas lagu burburiyay saldhigyo ay kooxda ku laheyd halkaasi, laguna dilay xubno badan oo ka tirsanaa kooxda. “Waxaa halkaasi lagu burburiyay dhagarta Khawaarijta iyo qorshahoodii ahaa in ay dadka rayidka ah waxyeeleeyaan” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda. The post Sawirro: DANAB oo burburiyay goobo u dhow JILIB, dilayna madax Shabab ah appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The UNICEF Representative in Somalia, Ms. Wafaa Saeed, has expressed deep grief over the death of eight people, including six children, following a landmine explosion in Somalia's Hirshabelle state. In a recent statement, she urged all parties involved in the conflict to handle ordnance with utmost care, prioritize child safety, and ramp up efforts to clear existing mines and unexploded devices. Source: Hiiraan Online
-
Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa howlgal ku gaaray deegaanno hoos yimaado degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose. Ciidanka huwanta ayaa sheegay intii uu socday howlgalka in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, waxaana ciidanku ay ku gaareen deegaannada kala ah: Welmoorow, Caano Booro iyo Firshabeel. Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalkaan ayaa sheegay in sidoo kale ay gacanta lagu dhigay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo sidoo kale saanad ciidan sida ay hadalka u dhigeen. Deegaannadaan ayaa qiyaastii 75km dhanka Waqooyi Bari kaga beegan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose oo muddooyinkii dambe ay ciidanku howlgallo ay wadeen deegannadaas. Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maalmihii dambe howlgallo ku gaaray deegaanno dhowr ah oo hoosyimaado degmada Afmadow. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Gaaraadka guud ee SSC, Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya usoo jeediyay in mooshin deg deg ah uu ka keeno madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Soo jeedinta Garaadka ayaa imaneysa kadib markii uu dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay Somaliland ku garab siisay dagaalka Laascaanood, sidoo kale caalamka ay isaga aadisay dagaalka lagu hayo Laascaanood. “Baarlamaanka Soomaaliya waa in mooshin ka keenaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, idinka la idin dhaariyay in aad midnimada Soomaaliya ilaalisaan, ha kaalmeynina kala go’a Soomaaliya,” ayuu yiri Garaad Jaamac oo ka hadlay shirSSC uga qabsoomay magaalada Nairobi. “Dowladiini ayaa ka shaqeynaysa kala go’a umadda Soomaaliyeed, oo na dulmineysa. Weliba Baarlamaanka Soomaaliya ee metelaya umadda Soomaaliyeed waa inuu si mug leh arrinta mooshin uga keenaa.” Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu soo jeediyay inay u yeeraan madaxda sare ee dalka, si ay wax uga weydiiyaan sababta ay Somaliland uga hortaagan yihiin cunaqabateynta caalamiga ah iyo wada-shaqeynta hoose ee dagaalka. “Cuna-qabateyntii la saari lahaa dambiyada dagaal ee meesha ka dhacay ee wadaan Muuse iyo colkiisu wadaan inay xukuumadda Soomaaliya hortaagan tahay, inay garab ku siinayso marka si kale loo dhigo.” Waxa uu intaas sii raaciyay “Waa in Baarlamaanka u yeero madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo wax ka weydiiyaan sababta Qaramada Midoobay u leedahay dambiyo dagaal ayaa dhacay ee ciidamada ha ka baxaan, dowladda Soomaaliya-na ay leedahay iyaga oo halkaas jooga nabad ha la raadiyo.” Dhinaca kale, Garaad Jaamac ayaa sheegay in caalamkii ay uga dacwoon lahaayeen Somaliland ay ka hor taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku doodeysa inay xal u keeneyso xiisadda Laascaanood, sida uu shegay Garaadka. Ugu dambeyntiina wuxuu cadeeyey in haba yaraatee wax wada-hadal ah uusan u socon ayaga iyo Somaliland, sidoo kalena aysan arkin xal ay wado ama raadineyso dowladda dhexe. The post BF oo loo jeediyay mooshin ka dhan ah madaxweyne Xasan + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Maanta oo Arbaca ah waxa magaalada Muqdisho ka furmaya shir uu ku baaqay Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud . Wax aka qayb galaya shirkan madaxdii hore ee dalka soo maray kuwaas oo inta badan soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana socota qabanqaabadii ugu dambeysay. Shirkan waxaa diirada lagu saarayaa , qodobo ka mid ah shirkii Golaha wadatashiga Qaran kaas oo laga soo saray qodobo xasaasi ah oo taabanaya mustaqbalka dalka. Goor sii horeysay waxa magaalada Muqdisho ka dhacay shir horudhac ah oo ay ka qayb galeen inta badan xubniii lagu casuumay shirka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dab xooggan ayaa saaka qabsaday xarunta ganacsiga Fadhi-samo ee magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Dabka ayaa lagu soo warramayaa in uu ka bilowday qarax ka dhacay gudaha xarunta inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin sida wax u dhaceen. Dabka ayaa gebi ahaanba baabi’iyay xarunta ganacsiga Fadhi-samo waxaase markii danbe lagu guulaystay in la demiyo sida ay wararku xaqiijinayaan. Sidoo kale dad kala duwan ayaa ku dhaawacmay dabka waxaana xogaha qaar tilmaamayaan in ay jirto dhimasho balse si dhab ah looma xaqiijin karo. PUNTLAND POST The post Dab xooggan oo baabi’iyay xarunta ganacsiga Fadhi-same ee magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
VILNIUS: US President Joe Biden thanked his Turkish counterpart Recep Tayyip Erdogan on Tuesday for his “courage” in dropping opposition to Sweden’s entry to NATO. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullahi Cosoble oo ka hadlay shirka maanta magaalada Muqdisho uga furmaya madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxdii hore ee dalka ayaa soo saaray baaq culus. Cosoble ayaa madaxda ku shiraysa Muqdisho usoo jeediyay inay u tudhaan dalkaan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii danta guud iyo mustaqbalka dowladnimada oo aysan fiirsan dantooda gaarka ah. Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa waxa uu si gaar ah u dul istaagay qodobo ku jiray heshiiskii u dambeeyay Golaha Wadatashiga Qaran, kuwaasi oo kamid ah qodobada miiska u saaran madaxda ku shiraysa Muqdisho, oo uu kula taliyay inay si taxadar leh ugu fiirsadaan. “In ra’iisul wasaare laga guuro laguna beddelo madaxweyne ku-xigeen waa xaaladda Soomaaliya oo la geliyay khatar aad u weyn, dhanka kalena wexey qiime tireysaa baarlamaanka,” ayuu yiri Cali Cosoble. Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in la fududeeyo doorashada madaxweynaha oo ay xildhibaanada doortaan, islamarkaana uu ahaado madaxweyne sharafeed oo weliba sidaa lagu caddeeyo dastuurka iyo in ra’iisul wasaaraha uu golihiisa wasiirrada kala yimaado aqoon-yahannada Soomaaliyeed, ayna xildhibaannada ka mid noqon karin xukuumadda. Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble oo dhameystiran; Dalkaan 1960kii ilaa iyo hadda oo la joogo 2023 ayuu arkaayay madaxweyne. Kursigaas shacab aad u badan oo Soomaali ah ayaa lagu dhibaateeyay. Waa kursiga fududeeya in sharciga lagu tunto iyo in hantida ummadda la boobo. Ma sahlana in madaxweyne lala xisaabtamo, in kalsoonida lagala noqdana ma sahlana. Ayadoo ay sidaa tahay haddana in ra’iisulwasaare laga guuro laguna beddelo madaxweyne ku xigeen waa xaaladda Soomaaliya oo la geliyay khatar aad u weyn, dhanka kalena wexey qiime tireysaa baarlamaanka. Aniga waxaan talo ku dhiibanayaa in loo guuro nidaamka axsaabta badan, hoggaamiyaha xisbiga ugu aqlabiyadda badanna uu si toos ah u noqdo ra’iisulwasaare 100% u madax bannaan hoggaaminta dalka. In la fududeeyo doorashada madaxweynaha oo ay xildhibaanada doortaan, isla markaana uu ahaado madaxweyne sharafeed oo weliba sidaa lagu caddeeyo dastuurka iyo weliba ineysan xildhibaannada ka mid noqon karin xukuumadda, ra’iisulwasaarahana uu golihiisa wasiirrada kala yimaado aqoonyahannada Soomaaliyeed. Laakin waxaan aaminsanahay inta berri (maanta) ka shiri doonta arrinkaan iney warkooda ku gaabsan doonaan sida aan hadda nahay aan sii ahaanno, sababtoo ah mid kasta oo ka mid ah wuxuu rabaa inuu noqdo madaxweyne awood badan oo sameeya siduu sameyn jiray madaxweynihii ka horreeyay. Waxaanan leeyahay cid madaxweyne noqon doonta Ilaah ayaa oge, u fikira sidaad ku talin laheydeen adinkoon qabin damac madaxweyne. Soomaaliya ha loo daneeyo aana ka shaqeyno inaan dhinaca siyaasadda ka hor marno. The post Cosoble oo farriin culus u diray XASAN iyo madaxdii hore ee ku shiraysa Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Abeba – The Desert Locust Control Organization for Eastern Africa (DLCO-EA) recently reported that, contrary to expectations, there has been no threat of Desert Locust invasion during the summer rainy season in Ethiopia. However, alternative pest threats to crops have been identified. Source: Hiiraan Online
-
The Director of Veterinary Services has issued a high alert of an outbreak of a camel disease in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
A FAMILY fleeing drought and war in Somalia will be given a new home in Aberdour thanks to the efforts of villagers. Source: Hiiraan Online
-
As part of its humanitarian contribution to achieving comprehensive and sustainable development for needy groups, Qatar Charity has donated a set of fishing boats equipped with the necessary equipment and tools to low-income fishermen in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka cusub ayaa xalay kulan wada-tashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho kahor kulanka maanta ka furmaya caasimadda ee u dhaxeeya ayaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo muuqda inuu yahay hoggaanka aan la dooran ee mucaaradka cusub, ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook faah-faahin kooban uga bixiyey kulankii xalay “Waxaa caawa isugu nimid kulan wadatashi ah oo looga arrinsanaayo shirka berrito ka dhici doona magaalada Muqdisho. Waxaan u mahadcelineynaa Madaxweynaha DF Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gogosha fidiyey. Waxaan rajeyneneenaa in kulanku uu noqdo mid miradhal ah,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay; Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali. Villa Somalia ayaa shalay sheegtay in ujeedka madaxweyne Xasan ee shirkan uu yahay inuu madaxdii hore ee dalka la tashi kala sameeyo oo taladooda ka dhiibtaan arrimaha masiiriga ah ee dalka ka socda, gaar ahaan arrimaha dib u xoreynta dalka, dhameystirka dib u eegista dalka dastuurka iyo guud ahaan siyaasadda dalka iyo qorshayaasha mustaqbalka soo socda ee dalku leeyahay. Inta uu socdo shirka ayaa waxaa la iska xog wareysan doonaa xaaladda dalka, iyadoo madaxda talada dalka haysa ay dhegeysan doonaan talada madaxdii hore ee ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee qaranka. Shirkan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya. Shirka ayaa waxaa ka maqan madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka cudur daartay ka qeyb-galka shirka. Farmaajo ayaa soo dhaweeyay qabsoomida shirka, hase yeeshe waa ka cudur daartay ka qeyb-galkiisa, sida uu BBC u xaqiijiyay afhayeen u hadlay madaxweyne Farmaajo oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Xaashi Duqa. The post Sawirro: Mucaaradka cusub oo xalay shiray ka hor shirka maanta ka furmaya Xamar appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan gaar ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka dalka Jordan Sarreeye Gaas,Yousef Huneiti. Wasiirka ayaa markii uu gaaray Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga dalka Jordan (JAF) waxaa la guddoonsiiyay shahaado-sharaf ciidan oo dhameystiran, waxaana salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka mid ah ciidanka Jordan. Wasiirka iyo taliye Huneiti ayaa ka wada hadlay iskaashiga milateri ee u dhexeeya ciidamada labada dal , iyagoo hoosta ka wada xarriiqay in Jordan iyo Soomaaliya ay leeyihiin dan guud oo lagu xoojinayo ammaanka, nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka. Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Soomaaliya sanado badan wajahday dagaalka ka dhanka ah argagixisada, taas oo caqabad ku ah amniga iyo xasilloonida. Mudane, Jaamac ayaa taliyaha Ciidanka Dalka Jordan Sarreeye Gaas,Yousef Huneiti la wadaagay in Soomaaliya ay baahi degdeg ah u qabto in ay ka faa’ideysato khibradda Ciidamadooda ee ku aaddan la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta awooda ciidanka xoogga dalka, si loo cirib tiro kooxaha Nabad-diidka ah. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo dalka jordan oo ka wada-hadlay iskaashiga dhanka Millatariga iyo La-dagaallanka Argagixisada appeared first on Puntland Post.
