Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxa aanu halkan tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa dhamaan qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxday Faalis Cabdirahman Mahamed oo ku geeriyotey magaalada Kismaayo shalay oo ay tariikhdu ahayd 13/7/2023 Waxa tacsi gaar ah loo dirayaa Hooyo Maryan Nadiif nasra yusuf carab amran cabdirahman xaliimo yusuf carab iyo mahamed cabdirahman iyo Ahmed cabdirahman fardowso cabdirahman maxamud yaseen cabdirahman iyo ali garane hasan garane iyo mahamed cabdi nadiif iyo fowsiyo cabdirahmaan iyo saciid cabdirahman iyo hinda yusuf carab Qaran News
  2. Ottawa (Caasimada Online) – Amid diplomatic relations marked by a tumultuous past, Turkey and Canada are set for a potential thaw. Following Ankara’s approval of Sweden’s bid to join NATO, Canada has resumed negotiations with Turkey over lifting restrictions on exporting drone parts, a reliable source privy to the details revealed. This development is viewed as one of many concessions Turkey made in return for giving its blessing to Sweden’s NATO membership. President Recep Tayyip Erdogan’s endorsement surprised domestic allies who backed his initial insistence on Sweden tackling groups Ankara deems as terrorists before supporting its NATO aspirations. This significant shift in Turkey’s stance was announced ahead of the North Atlantic Treaty Organization summit in Vilnius. Almost in tandem with Erdogan’s announcement, the United States indicated its intention to proceed with transferring F-16 fighter jets, affirming it would do so in consultation with Congress. This gesture from Washington reflects a warming relationship between the U.S. and Turkey, potentially fostering increased cooperation within NATO. Canada’s conditional agreement According to the source, Canada consented to revisit the issue of lifting export controls on drone components, including optical equipment, which has been in a state of frozen negotiation since Turkey initially resisted NATO membership bids by Sweden and Finland. This agreement from Canada came with the caveat that Turkey would endorse Sweden’s bid at the Vilnius summit. Previously in 2020, Canada had suspended the export of certain drone technology to Turkey after it was used by Azerbaijan’s forces against Armenia in the Nagorno-Karabakh conflict. Justin Trudeau’s office underscored that these export controls “imposed for important reasons” still persist. During the Vilnius summit, Canada outlined the rules for using any exported technologies to Turkey and is waiting for a response. The talks regarding export controls are no longer stagnant, a development that likely played a role in solidifying Erdogan’s commitment to Sweden’s NATO bid. When questioned about the ongoing discussions to alleviate export restrictions, a Turkish defense ministry official denounced the imposition of export restrictions between NATO allies as unacceptable, noting that progress was made during the Vilnius Summit. Erdogan’s Leverage President Erdogan is clear about his expectations from NATO allies. In an interview with Turkish media, Erdogan emphasized his anticipation for all NATO partners to lift sanctions and restrictions on Turkey’s defense industry. After a meeting with U.S. President Joe Biden, Erdogan expressed hope about the potential sale of the F-16 fighter jets. In October 2021, Turkey requested $20 billion worth of F-16 fighters and around 80 modernization kits for existing aircraft. While Erdogan has garnered some concessions, a European diplomat observed that he may have maximized the benefits he can extract by stalling Sweden’s NATO membership. Erdogan’s leverage in international diplomacy plays a significant role in shaping Turkey’s relations with NATO allies. The post Drone diplomacy: Canada, Turkey revive frozen talks appeared first on Caasimada Online.
  3. Golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay oo aad u kala qaybsan ayaa ansixiyay qaraar muran dhaliyay oo wadamada ku booriyay inay wax ka qabtaan, ka hortagaan oo ay dacwad ku soo oogaan falalka iyo u doodista nacaybka diimaha, kadib dhowr nuqul ka mid ah kitaabka Qur’aanka lagu gubay Sweden iyo dalal kale oo Yurub ka tirsan. Qaraarkan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay Mareykanka, Midowga Yurub iyo dalal kale oo reer galbeed ah, kuwaasoo ku dooday inuu ka horimaanayo shuruucda xorriyatul qawlka. Arbacadii, ayaa qaraarka la meelmariyay, 28 dal ayaana u codeeyay, 12 dal way diideen, 7 way ka aamuseen. Bishii la soo dhaafay, nin ka soo jeeda dalka Ciraaq ayaa caro xooggan laga muujiyay guud ahaan dunida Muslimka, kaddib markii uu jeexjeexay bogag Qur’aanka Kariimka ah, isagoona sidoo kale qaar ka mid ah kabaha ku masaxay qaar kalena ku gubay bannaanka masjid ku yaalla magaalada Stockhom xilli lagu guda jiro munaasabadda Ciidul-Adxa. Safaaradda Sweden ee Baqdaad ayaa muddo kooban la weeraray, Iran ayaa joojisay inay safiir cusub u soo dirto Stockholm, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa cambaareeyay mas’uuliyiinta Sweden, waxayna ay ka codsadeen golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ee fadhigiisu yahay Geneva inuu ka doodo arrintan. Wadamada kulmay Turkiga ayaa sidoo kale muujiyay caradiisa, isagoo ku sababeeyay in “falal fool xun oo ka dhan ah kitaabka barakeysan” ee ka dhaceen Sweden waxayna taas horseedday inay noqoto mid ka mid ah sababaha uu u diiday ansixinta codsiga dalka Scandinavianka ee ku biirista Nato. Isniintii, madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa aqbalay inuu dhinac iska dhigo diidmada qayaxan, uuna taageero codsiga. Dhowr mudaharaad oo la mid ah ayaa horay uga dhacay Stockholm iyo Malmö. Booliska Sweden ayaa codsiyo dheeraad ah loo soo gudbiyay, kuwaas oo ka yimid shaqsiyaad doonaya in ay gubaan qoraalo diini ah oo ay ku jiraan Qur’aanka, Baybalka iyo Tawreed. Isaga oo la hadlaya golaha Qaramada Midoobay toddobaadkii hore, wasiirka arrimaha dibadda Pakistan, Bilawal Bhutto Zardari, ayaa sheegay in falalkan oo kale ay yihiin “hurin nacayb diineed, takoorid iyo rabshado”. Wasiirada Iran, Sacuudi Carabiya iyo Indonesia ayaa ku celceliyay aragtidaas. Hase yeeshee, iyagoo si adag u cambaareeyay gubidda Qur’aanka ayaa hadana dalalka reer galbeedka waxay difaaceen xoriyatul qawlka. Ergeyga Jarmalka waxa uu ugu yeeray tallaabada “daandaansi cabsi leh” laakiin wuxuu sheegay in hadalka xorta ah uu sidoo kale la macno yahay “dhageysiga fikradaha “. Ergeyga Faransiiska ayaa sheegay in macnaha xuquuqul insaanka uu yahay ilaalinta dadka, ee aysan ahayn diimaha iyo astaamaha. Codeynta qaraarka ka dib, ergeyga Mareykanka ee golaha, Michèle Taylor, ayaa sheegay in waqti dheeri ah iyo dood furan, lagu gaari lahaa is afgarad. “Nasiib darro, walaacayada si dhab ah looma qaadan,” ayay tiri. “Runtii aad ayaan uga xumahay in golahan uu awoodi waayay in uu cod midaysan maanta ku dhaleeceeyo waxa aan dhammaanteen ku heshiinnay ee ah falalka xun ee nacaybka ka dhanka ah Muslimiinta, iyadoo sidoo kale la ixtiraamayo xorriyadda hadalka.” Ergeyga Pakistan u jooga Qaramada Midoobay ee Geneva, Khalil Hashmi, ayaa sheegay in qaraarku aan lagu dooneyn doonayn in la xakameeyo xorriyadda hadalka balse taa beddelkeeda looga dan leeyahay in la isku dheelitiro. “Waxaa wax laga xumaado ah, in dalalka qaar ay doorteen in ay ka tanaasulaan mas’uuliyadda ka saaran ka hortagga masiibada nacaybka diimeed,” ayuu yiri. Qaran News
  4. Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku eedeeyay hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Joseph Kabila, in uu gabbaad siiyay maleeshiyada Daacish, una ogolaaday in ay ka faa’iideystaan macdanta iyo alwaaxda, ayna dhaqaalaha ay ka heleen u adeegsadeen inay ku dhisaan awooddooda. Jabhad horey fadhigeedu u ahaa Uganda, Allied Democratic Forces (ADF), oo baayaco la gashay Daacish 2019, ayaa muddo sanado ah ka howl-galeysay kaymaha dalka deriska ah ee Congo, ayada oo fulineysa dilal ka dhan ah ciidamada ammaanka iyo shacabka. Bishii tagtay, dagaal-yahannada kooxda ayaa usoo gudbay xuduudda Uganda, waxayna weerareen iskuul ayaga oo xasuuqa 42 qof, oo badankood ahaa caruur. Qaarkood ayaa nolosha lagu gubay. Museveni ayaa weerarka kusoo hadal qaaday khudbad uu jeediyey Khamiistii, wuxuuna sheegay in ADF ay awood u yeelatay inay is ballaariso oo saldhigyo ay ka sameysato bariga Congo, xilligii dowladdii Kabila. “Dowladda Uganda ee mudane Kabila, oo ay taageerayaan jilayeel gobolka iyo dibedda ah, ayaa deganaansho bilaash ah ku siisay Waqooyiga Kivu iyo Ituri,” ayuu yiri Museveni oo tixraacaya gobollo ka mid ah Congo. “Waxay qodayeen macdanta, iibinayeen alwaaxda, guranayeen miraha qaxwada, ururinayeen canshuurta, lacag baad ah ka qaadanayeen dadka, iwm. Si tartiib ay u korayeen ayaga oo lacag haysta.” Kabila ayaa ahaa madaxweynaha Congo 2001 illaa 2019. Sanaddii 2021, Uganda oo fasax ka haysata hoggaamiyaha Congo, Felix Tshisekedi, ayaa howlgal militari la billowday ciidamada Congo si la isugu dayo in laga adkaado maleeshiyada. Howlgalka, ayuu yiri Museveni, wuxuu si guul leh u burburiyey inta badan xeryihii ADF islamarkaana mucaaradka ayaa u kala jabay kooxo yar yar oo ay adag tahay in la qabto, kuwaas oo si dhuumasho ah kusoo gala Uganda kana fuliya weeraro ka dhan ah shacabka. “Si deg deg ah ayaan u wiiqnay awooddooda waxaana hadda … ay u qaxeen meel ka baxsan xadka ay nooga suu dhuuman karaan,” ayuu yiri. Si kastaba Khubarada QM ayaa sheegay bishii tagtay in ADF ay ballaarineyso howlgalladeeda Congo ayada oo maal-gelin ka haysata Daacish inkasta oo uu socdo howlgal ka dhan ah oo ay wadaan ciidamada Uganda iyo Congo. REUTERS, VOA The post Museveni oo madaxweyne hore ku eedeeyey inuu gabbaad siiyey Daacish appeared first on Caasimada Online.
  5. Ethiopia and Egypt have agreed to resume talks over a controversial hydroelectric mega-dam that Addis Ababa is building over the Blue Nile river. Source: Hiiraan Online
  6. Al-Shabab fighters have attacked a Somali military base handed over by Kenyan forces late last month as part of an African Union troop drawdown. Source: Hiiraan Online
  7. Kismayo (HOL) - The Jubaland Darwish Forces successfully recaptured the strategic Geriley military base in the Gedo region on Friday after al-Shabab militants seized it on Thursday afternoon. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa faah-faahin ka bixiyay dalab la xiriiray Puntland oo madaxdii hore ay hordhigeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud intii uu socday shirkii wadatashi. Cumar Cabdirashiid oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in madaxweynaha ay ka codsadeen in maamulka Puntland lagu soo daro go’aamada Madasha ka hor inta aan sharciyadda loo gudbin, xilli uu khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyo Villa Somalia. “Waxaa ka codsanay in arrintaan (heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran) in aan lagula deg degin Baarlamaan iyo sharciyad oo dadka aragtidood ku darsadaan. Marka Baarlamaanka oo haysta aragtiyada kala duwan ee siyaasiyiinta iyo bulshada,” ayuu yiri. Waxa uu hadalkiisa kusii daray “Puntland maadaama ay ka maqan tahay in arrintaan lug ka maqan tahay oo ayadana qeyb ka noqoto inta aan waxaan sharciyada loo gudbin.” Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhinacyadii ka qeyb-galay shirka ay gaareen is-faham, ayada oo madaxdii hore ay madaxda sare ee dalka la wadaageen talo soo jeedintooda ku aadan heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran, oo qodobo kamid ah ay horay uga horyimadeen. “Arrimihii madasha ayaa qodob qodob u dul istaagnay, oo madaxweynaha waxa uu codsaday in maadaama arrintaan ay Baarlamaan tageyso haddii la helo karo aragtida guddoonka iyo ra’iisul wasaaraha, ha la keeno ayaa dhahnay waa fiican tahay, iyaga oo jooga in aragtidayada dhageystaan faa’iido ayay u tahay dalka.” Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ayuu sheegay inay bogaadiyeen howl-gallada ay wadaan ciidamada iyo dadka deegaanka ee kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah. “Waxaa rajeynaynaa in guullo waaweyn laga soo hooyo haddii Ilaahay yiraahdo. Ciidanka hadda waa dhismayaa dagaalna waa ku jira. Markasta caqabado ayaa jiraya oo waxa rajeynaynaa in si fiican loo galo wejiga labaad ee dagaalka.” Waxa uu intaas kusii daray “Mararka qaar aragtiyo ayaa lagu kala duwanaan kara laakiin aysan jirin wax xumaan iyo caqabad ah oo la isku dhigayo, kaliyana laga wada-hadlayo sidii aragtiyaasha loo mideyn lahaa dalkana hore ugu socon lahaa.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in sii socoshada kulamada wadatashi ee u dhaxeeya madaxda sare ee dalka iyo kuwii hore ay tahay tallaabo wanaagsan oo rejo fiican u abuureysa Soomaaliya. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Cumar Cabdirashiid oo xog ka bixiyay dalab xasaasi ah oo ay hordhigeen Xasan appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Caasimada) – Guddoomiyihii hore Golaha Shacabka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa markii u horreysay ka hadlay shirkii Muqdisho ugu soo idlaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxdii hore ee dalka. Prof Jawaari ayaa madaxweyne Xasan ku amaanay qabsoomida shirka wadatashi, kaasi oo madaxdii hore iyo siyaasiyiintii ka qeyb-gashay ay madaxda sare ee dalka kula wadaageen soo jeedintooda ku saabsan heshiiskii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran. “Shacabka ha isdajiyaan dagaal majiro oo si bisil oo siyaasin bisil oo dalka loo daneynayo, aniga aniga waa dhamaatay anaga anaga ayaa socota. Waxaa la gaaray tallooyin fiican oo ay maqli doonaan,” ayuu yiri Prof Jawaari oo la hadlay warbaahinta dowladda. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in shirkaan uu qeyb ka yahay hal-ku-dhigii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Soomaali Heshiis ah, “Qaran ahaan waa arrin loo baahna, si fiican waa u dhacday oo is-afgarad waa la gaadhay.” “Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u suurta-gashay hal qabsigiisi qeybtii hore waa u toosan tahay. Soomaali oo Heshiis ah ayaa u toostay, tallaabadii ugu horeysay u qaaday waana u hambalyeynayaa.” Ugu dambeyntiina waxa uu rejo wanaag ka muujiyay sida uu kusoo idlaaday shirkii wadatashi ee u dhaxeeyay madaxda sare ee dalka iyo kuwii hore, iyo weliba sii socoshada kulamada wadatashi ee looga arrinsanayo arrimaha masiiriga ah. Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay qodobo u badan arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran, ayada oo madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ka qeyb-galay ay tallooyin ka dhiibteen heshiiska hanaanka doorashooyinka dalka. Sida ay shaacisay Villa Somalia qodobada heshiiskii Golaha ayaa waxay madaxdu aad ugu lafa-gureen shirkaan oo socday laba maalmood, ayada oo madaxdii hore iyo siyaasiyiintu ay soo jeediyeen tallooyin kala duwan oo u baahan in la tixgeliyo inta ay wada-tashiyadu socdaan Si kastaba, Shirkaan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, islamarkaana ay taagneyd xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskii ay dhawaan gaareen Golaha Wadatashiga. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo Jawaari: Madaxweyne Xasan Sheekh waa u toostay appeared first on Caasimada Online.
  10. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in taangiyada ajnabiga ah ee reer galbeedka ay bartilmaameed mudnaanta leh ku yihiin ciidamada Ruushka ee ku sugan Ukraine. Putin, oo la hadlay telefishinka qarankiisa Khamiistii ayaa sidoo kale xaqiijiyay mowqifkiisa ah in xubinnimada Ukraine ee NATO ay khatar gelin doonto ammaanka Ruushka ,isagoo caddeeyay in bixinta hubka reer galbeedka ay sii kordhineyso xiisadda iyo walaaca caalamiga ee jira. Mar wax laga weydiiyay go’aanka Faransiiska uu ku siinayo Ukraine gantaallada riddada dheer ee socon kara 250km, Putin wuxuu yiri “Haa, waxay geystaan khasaare, laakiin ma jiraan wax khatar ah oo ka dhacaya aagga dagaalka.” Hadalka Putin ayaa daba socda madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo Khamiistii sheegay in Ruushka uu mar hore ku guuldarreystay dagaalka Ukraine,wuxuuna ibtaa raaciyay in weerarrada ay wadaan ciidamada Ukraine ay Moscow ku riixi doonaan miiska wada xaajoodka. PUNTLAND POST The post Ruushka oo si adag uga hadlay taageerada Millatari ee reer Galbeedku siinayo Ukraine appeared first on Puntland Post.
  11. Dagaal ayaa mar kale saaka dib uga bilowday degaan ka tirsan Gobolka Togdheer oo ay shalay ku dagaallameen laba beelood. Dagaalka labada beelood ayaa ka socda balliga lagu magacaabo Dhaal-maygaag oo u dhexeeya degaannada Horufadhi iyo Qorilugud ee Gobolka Togdheer. Faahfaahin sugan lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka labada beelood oo sida wararku sheegayaan salka ku haya muran dhuleed. Beelaha dagaallamaya oo ka soo kala jeeda Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale saacadihii u danbeeyay gurmadyo xooggan ka helay labada dhinac. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed mar kale maanta dib uga qarxay Gobolka Togdheer appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii labadii maalmood ee lasoo dhaafay u socday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno mucaaradka kamid ah ayaa kusoo idlaaday galinkii dame ee shalay magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa shalay xooggiisa la dul dhigay qodobadii heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran oo ay mucaaradkan horey doodda uga keeneen. Xoggo cusub ayaa kasoo baxaya kulankaan, xilli xukuumadda ay baahisay war-saxaafadeed ay kaga gaabsatay halka saxda ah ee la isla gaaray, waxa lasoo warinayaa inuu jiri doono war-murtiyeed rasmi ah oo illaa caawa la dhameystiri doono oo ku saabsan qodobadii lagu heshiiyay. Kahor waxaa soo baxaya qodobo la isla ogolaaday iyo kuwa gacan laga taagay iyo kuwa kale oo madaxweynaha ogolaaday in lagala heshiiyo oo dooddo sii socoto. Haddii aan dul istaagno qodobada; 1. Muddo xileedka Xasan Sheekh Madaxweynaha waxa uu toos u ballanqaaday in uusan maalin ku darsaneyn muddo xileedkiisa afarta sano, haddaa rabtaan waa i celin kartaan ayuu ku yiri raggii shirka fadhiyay. 2. Maamulka Puntland Waxaa lagu heshiiyay in maamulka Puntland lagu soo celiyo miiska oo taladooda la dhageysto lana tixgeliyo, maadaama aan looga maarmin heshiisyada noocaan ah, madaxweynuhuna qodobkaan waa aqbalay. 3. Nooca doorashada Labada dhinacba waxay isku raaceen qabashada doorasho qof iyo cod ah. Mucaaradka waxay dalbadeen in geediga doorashadaas iyo sida loo fulinayo in heshiis laga gaaro marka hore. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa la sheegay inuu taasna ogolaaday. 4. Doodda madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qodobkaan waxaa la sheegay inuu aqbalay in lagu daro qodobada heshiiska laga gaarayo ee u baahan in looga sii wada-hadlo kulamada soo aadan. Dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in uusan kulankan noqon midkii ugu dambeeyay, oo qodobada u baahan doodda ay noqdaan kuwa loo dhigto kulamada soo aadan, iyada oo la ballaarinayo madasha. Siyaasiyiinta mucaaradka ee ka qeyb-galay kulankaan ayaa la filayaa inay hadli doonaan wixii caawa ka dambeeya, markaas oo la filayo in war-murtiyeedk si rasmi ah loo faafiyo. Si kastaba, Shirkaan ayaa kusoo aadaya xilli xasaasi ah, islamarkaana ay taagneyd xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskii ay dhawaan gaareen Golaha Wadatashiga. The post Xogta kulankii usoo dhamaaday Xasan iyo mucaaradka (qodobada la isku afgartay) appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa masuuliyiinta degmooyinka iyo hay’adaha amniga uga digay isku-day ay wado kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay ku rabto inay dad ku dhex yeelato, si ay ugu fududeeyan dhaq-dhaqaaqeeda caasimada. Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa si adag uga digay in wax lala wadaago Al-Shabaab. Yabooh oo la hadlayay masuuliyiin ka tirsan degmooyinka gobolka ayaa ka dhawaajiyay in cadaaladda loo siman yahay, qof walba oo lagu caddeeyo in uu wax la wadaagay Shabaab la horgeyn doonno maxkamad. “Cadowga waxa uu raba inuu dadka kala laaluusho oo isku dayo hay’adaha amniga iyo maamulka degmooyinka inuu dad ku dhex yeesho, oo uu dhex-galo,” ayuu yiri guddoomiye Yabooh. Waxa uu intaas sii raaciyay “Mas’uuliyad inta uu doono hala ekaato qofkii Khawaarij u dhawaada, ku raad-yeesha ama maalin wax dhex-mareen cadaaladda ayaa soo qaban doonto, u maleynmaayo in dhibka ay dalka ka wadaan ama caasimadda ka wadaan in ay kaligood wadaan.” Maamulka gobolka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu la xisaabtan ku sameynayo masuuliyiinta “si qofkii lagu helo in uu la shaqeynayo ama wax la wadaagayo Shabaab loo qabto loona horgeeyo maxkamad.” “Dad naga mid ah maamul ama hay’adaha amniga ha ku jiraan ama dadka shacabka ah ha ku jiraan ayaa hoggaaminaya dhibka ay caasimadda ka wadaan, qofkii mas’uul ah ee la ogaado in uu Khawaariij la shaqeynayo wuu ka dambi badan yahay shacabka, qof weliba waa in uu ka dheeraadaa.” Kooxda Al-Shabaab ayaa marar dhowr ah la sheegay inay xiriir hoose la leeyihiin xubno ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dowladda, gaar ahaan laamaha amniga, ayada oo horay walaac looga muujiyay isku-milankaas, oo hadda u muuqda mid uu gabalku udhacay, marka la eego qorshaha dowladda federaalka ee dagaalka Al-Shabaab. The post Maamulka gobolka oo madaxda dowladda uga digay isku-day ay Al-Shabaab wado appeared first on Caasimada Online.
  14. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud launched the Great Green Wall Initiative (GGWI) in Somalia on Thursday, underscoring Somalia's commitment by announcing the allocation of $10 million to enhance resilience against climate-induced shocks. Source: Hiiraan Online
  15. Brussels (Caasimada Online) – Belgium ayaa u yeertay safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya dalkaas, kadib markii ay soo baxeen warbixino sheegaya in Abu Dhabi ay ku lug leedahay olole sumcad dil ah oo lagu doonayey in ugu yaraan 1,000 qof oo ku nool Yurub lagu xiriiryo ururka Ikhwaanul Muslimiin. Kooxda Iskaashiga Baariista Yurub ee loo soo gaabiyey EIC ayaa warbixin ay daabacday Jimcihii ku sheegtay in Imaaraadka Carabta uu beegsaday shaqsiyaadkan oo ku kala nool dalal badan oo Yurub ah, taasi oo qeyb ka aheyd olole sumcad dil ahaa oo ka dhan ah Qatar, intii uu jiray khilaafkii dalalka Khaliijka. Intii u dhaxeysa 2017 illaa 2020, Alp Service, oo ah shirkad sirdoon oo gaar loo leeyahay, fadhigeeduna yahay Switzerland, ayaa abuurtay galka dad ku kala sugan 18 dal oo Yurub ah iyo 400 oo urur, ayada oo wakiil ka ah sirdoonka Imaaraadka Carabta, sida lagu sheegay warbixinta. Warbixinta waxaa saldhig u ah 78,000 oo dokumentiyo sir ah, oo ay heshay warbaahinta Faransiiska ee Mediapart, lana wadaagtay EIC. Dukumentiyada waxaa ka mid ah magacyada boqolaal shaqsi oo laga sameeyey naqshado sawiro oo la xiriirinaya xagjirnimo. Wasiir la beegsaday Illaa 80 urur iyo 160 qof oo dadkaas ka mid ah ayaa kasoo jeeda Belgium. Waxaa ka mid ah Zakia Khattabi, oo ah wasiirka deegaanka iyo joogteynta ee federaalka. Khattabi ayaa u sheegtay warbaahinta Faransiiska ee Le Soir inay rajeyneyso in baaritaanka “uusan qarash badan ku bixin, sababtoo ah wax walba waa been abuur.” Waxay sheegtay inaysan wax xiriir ah la lahayn Ikhwaanul Muslimiin. Xisbigeeda, Ecolo, oo sidoo kale ku jira liiska, ayaa si xooggan ugu cambaareeyey Imaaraadka ku lug lahaanshaha lagu tuhunsan yahay. “Tallaabada Imaaraadka Carabta, ayada oo dhex-mareysa shirkadda Swiss-ka waa fadeexad. Waxa ay astaan u tahay dhaqanka ka dhanka ah dimoqraadiyadda ee taliskan,” ayuu yiri xisbiga Ecolo. “Natiijooyinka sida iska cad waa kuwa nacasnimo ah oo lagu qoslo oo aan u qalmin jawaab ama dareen.” Wasaaradda arrimaha dibedda Belgium ayaa u yeertay safiirka Imaaraadka Carabta ee Brussels, waxayna ka dalbatay “sharraxaad buuxda iyo faah-faahin,” ayey wasaaradda u sheegtay Middle East Eye. “Waxaan ka xunnahay oo cambaareyneynaa eedeymaha aan loo qiil dayin, sida kuwa ka dhanka ah wasiir Khattabi,” ayey ku dartay. Imaaraadka oo bixiyey €5.7m Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa lacag 20,000 iyo 50,000 oo euro ah ku bixiyey qof kasta oo la beegsaday, sida uu sheegay Le Soir. Imaaraadka ayaa guud ahaan shirkadda Alp iyo madaxeeda Mario Brero siiyey ilaa 5.7 milyan oo Euro Alp ayaa billowday olole warbaahineed. Waxay wax ka beddeshay bogagga Wikipedia ee shaqsiyaadka la beegsaday, waxayna isku dayday inay bankiyo ka dhaadhiciso in la xiro akoono gaar ah. In ka badan 200 oo qof iyo 120 urur oo kasoo jeeda Faraniiska ayaa waxaa loo sameeyey galal ay abuurtay Alp, sida ay sheegtay Mediaport. Waxaa dadkaas ka mid ah musharaxii hore ee madaxweyne Benoit Hamon. “Tan iyo markii aan isku sharxay madaxweynaha, hal fariin xitaa kuma daabici karo baraha bulshada iyada oo aan la igu weerarin khayaali aan macquul ahayn iyo eedeymaha ah inaan xiriir la leeyahay Islaamiyiinta,” ayuu u sheegay Mediapart. Saraakiisha Imaaraadka Carabta ma bixin wax jawaab ah markii ay sidaas ka codsadeen kooxda EIC. Sirdoonka Alp ayaa sheegay in warkan saldhig looga dhigay “xog la xaday”, waxayna sheegeen in sidoo kale qeybo ka mid ah dokumentiyada “la been abuuray”. Bishii March, wargeyska New Yorker ayaa weriyey in Imaaraadka Carabta ay maal-geliyeen olole ay fulisay Alp si loo sumcad dilo hay’adda fadhigeedu yahay UK ee Islamic Relief, islamarkaana mas’uuliyiinta ururkaas loola xiriiriyo Ikhwaanul Muslimiin. Sida lagu sheegay warbixinta, Alp ayaa isku dayday inay Heshmat Khalifa, oo horey xubin uga ahaa ururkaas, ay ku xiriiriso argagixisanimo, kadib shaqadii uu ninkan oo u dhashay Masar kasoo qabtay Bosnia, sagaashamaadkii. Sannadkii 2014, Imaaraadku ayaa Islamic Relief ku daray liiska 86 koox oo “argagixiso” oo la mamnuucay, waxaana weheliyey dhawr urur oo Muslim ah oo caan ah, oo uu ku jiro Golaha Xiriirka Islaamka Maraykanka. Abu Dhabi waxay Islamic Relief ku eedaysay inay tahay garab ka tirsan Ikhwaanul Muslimiin, eeddaas oo Islamic Relief ay beenisay. The post Imaaraadka oo fal yaab leh ka fuliyey 18 dal oo Yurub ah iyo caro xooggan oo ka dhalatay appeared first on Caasimada Online.
  16. . Waxaa laga yaabaa inaad maqashay dad badan oo diinta Islaamka soo galay, laakiin sheekada nin reer London ah oo magaciisa la odhan jiray Yusuf Oak sida u uku soo islaamay waxa ay ahayd sheeko gaar ah oo xiise leh. Qaadashadiisa diinta Islaamka waxay ku soo beegantay markii uu helay nuqul ka mid ah Kitaabka Quraanka Kariimka oo kaas oo ku dhex dhacay garoonka Manchester United ee Old Trafford. Waxay ahayd sannadkii 2007-dii xilligaas oo uu Yuusuf u shaqaynayey naadiga Manchester United. Maalin maalmaha ka mid ah isaga oo shaqaynaya ayuu garoonkii ka helay kitaab Quraan ah. Isaga oo ka hadlaya safarkiisii uu ku doonayey in uu Islaamka ku soo ogaado, waxa uu yidhi, “Waxay ahayd wax la yaab leh, in uu Qur’aanka ka helay garoonka dhexdiisa. Markii aan helay kitaabkaas Quraanka ah, waxa uu ahaa mid boodhaysan. Isla markii aan arkay qoraal-gacmeedkan, waxa aan dareemay in aan soo qaato oo aan nadiifiyo.” Waxa uu BBC-da uga warramayey sheekadiisa isaga oo fadhiya Xarunta Islaamka ee Indonesia ee Waqooyiga London. Yuusuf markii uu helay kitaabkaas inta uu nadiifiyey ayuu geystay gurigiisa, xilli ay xaaskiisu Iyana ka xanaaqday markii ay ogaatay in kitab qur’aan ahi guriga yaallo. Markii uu maqlay hadalka xaaskiisa ee ah in ay ka cadhaysan tahay kitaabka, Yuusuf waxa uu uga digay in kitaabkaas ay qashinka ku tuurto isaga oo ugu hanjabay “haddii aad tuurto adna wan ku tuuri doonaa” Yuusuf ayaa ku jawaabay ‘Intadan Qur’aankan tuurin meel baan kugu tuurayaa’. Markii ay maqashay xaaskiisu jawaabta Yuusuf, ayay saaxiibkeed weydiisay, ‘Haddii aadan Muslim ahayn, maxaad sidaas u samaynaysaa?’ Yuusuf wuxuu ugu jawaabay, Buugan hal sadar ma aadan akhriyin, haddana waxaad doonaysaa inaad isla markiiba tuurto. Yuusuf ayaa ka dhashay qoys Masiixi ah. . Difaacii adkaa ee uu kala hortagay xaaaskiisu waxa uu keenay in kitaabkaas qur’aanka ahi uu baaqi ku sii ahaado gurigooda. In kasta oo wakhtigaas Yuusuf aanu weli qaadan diinta Islaamka, haddana isaga laftiisu waxa uu is-weydiiyey sababta ugu jiro damaca weyn ee kqu aaddan in uu difaaco diinta Islaamka. Yuusuf ayaa sheegay in weligiiba uu jirey dareen si gaar ah u jiidanayey oo ku aaddana muslinnimada. Waxaana jirtay xilli xilliyada ka mid ah oo isaga iyo saaxiibbadii inta ay dalxiis u aadeen Spain ay haddana isku af dhaafeen waxyaalo muslinnimada ku saabsan.   Markii dnabe waxa uu bilaabay in uu la xidhiidho dad badan oo ka baxay diintoodii hore oo islaaamay, si uu wax uga korodhsado. Waxa uu sidoo kale la xidhiidhay culimo badan, illaa uuu ugu danbayn la kulmay qof muslim ah oo ay asxaab yihiin oo uga jawaabay su’aalihii u qabay oo dhan. Waxaa dhacday in Yuusuf uu la xidhiidhay maamulkii masaajidka gurigiisa u dhowaa kaas oo markii danbe shahaadada u qabtay. Halkaas ayuu Yuusuf ka bilaabay in uu qofnimadiisa bannaanka iyo gudahaba uu u guuro muslimnimo, taas oo ka billaabatay in uu ka tago dhaqamada aan islaamku bannaanayn, isaga sida oo kalena gadhka la baxay, mar walbana waxa uu isku dayi jiray in uu jameeco masaajidka ku la tukado. Marka loo eego natiijooyinka tirakoobka 2021 ee Boqortooyada Ingiriiska, tirada Muslimiinta ku nool waddanku waa 6.5 boqolkiiba tirada guud ee dadka waddanka, halka 2011 ay ahayd 4.9 boqolkiiba Qaran News
  17. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay, inay ka xun tahay isla markaana ay cambaaraynayso weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taala magaalada Laascaanood, 11kii bishan July 2023, sida ay hadalka u dhigeen. Tedros Adhenom, madaxa hay’addaas ayaa qoraal uu ku soo qoray barta twitterka ku sheegay in weerarkaasi uu sababay tobanaan dhimasho iyo dhaawac ah – oo ay ku jiraan shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo bukaanadii cisbitaalkaas. Somaliland ayaa dhankeeda dhowr jeer sheegtay in aanay iyadu beegsan goobaha caafimaadka, xilli muddooyinkii u danbeeyey uu dagaal ka socday magaaladaasi Laascaanood. Qaran News
  18. Two Bristol women have been arrested and charged after taking part in a Just Stop Oil “mums’ march” in London on Wednesday (July 12). Sophie Holland and Rowan Tilly, both from Ashley Down, were arrested alongside Rebecca Cassar from Bradford-on-Avon after police asked the group of protesters to move off the road and the three women refused. Source: Hiiraan Online
  19. Xabaal-wadareedyo Laga Helay Suudaan oo Walaac Dhaliyay Hargeysa(Qaran)-Xabaal wadareed ayaa laga helay gobolka Daarfuur ee Galbeedka dalka Suudaan,sida ay baahisay warbaahinta maxaliga ah ee dalka Sudan maanta oo Khamiis ah. Xabaal wadareedkan ayaa la sheegay in ay ku aasan yihiin dad gaadhaaya ilaa 87 qof,waxaana helitaanka xabaal wadareedkani kusoo beegmaysa xili uu socdo shir madaxeedka gobolka oo ay marti gelisay dawladda Masar,kaas oo lagu doonaayo in xal loogu helo xaaladda dagaal ee dalka Suudaan. Xafiiska xuquuqal Insaanka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay hayaan xog lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan in ciidamada gurmadka deg deg ah ee RSF loo soo gaabiya ay mas’uul ka yihiin dadkan la laayey ee xabaal wadareedka lagu wada aasay. Warkan kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqal Insaanka ayaa lagu sheegay in dadkan xabaal Wadareedka lagu riday ay ku jiraan dad kasoo jeeda dadka loo yaqaano Masaalitka,taas oo muujinaysa in dilkani salka ku hayo isir nacayb. Bayaan uu soo saaray xafiiska Xuquuqal Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dadka ay kasoo jeedaan dadkan la laayey lagu khasbay in ay dadkoodan ku aastaan meel u dhow magaaladda Al-Jenayna intii u dhexaysay 20-kii June ilaa 21-kii June. Qoomiyadda Masaalitka ayaa ka mid ah qoomiyadaha aan Carabta ahayn ee ku nool gobolka Daarfuur ee dalka Suudan Qaran News
  20. Sweden oo Diiday in la Dhiibo Laba Nin oo Turkigu Doonayey SWEDEN(Qaran)-Maxkamada sare ee dalka Sweden ayaa diiday dalab uga yimid dawladda Sweden dhiigeeda dalka Turkeyga,kaas oo lagu dalbanaayey in Turkey loo dhiibo laba nin oo eedaysaneyaal ah. Maxkamadda sare ee Sweden ayaa qoraal ay soo saartay ku diiday in la dhiibo laba nin oo ay dawladda Turkey raadinaysay muddo dheer,kuwaas oo ay ku eedaysay in ay ka tirsan yihiin ururka mucaaridka ah ee uu hogaamiyo Sheekh Fatxulaah Gollan,waxaanay maxkamadda sare ee Sweden caddaysay in aanay labadan nin wax dambi ah ka gelin dalalka Scandinavian-ka,sidoo kalena waxa ay sheegtay in aanay codsiyada Turkeygu buuxin shuruudaha dambiyada laba dawladood isugu dhiibi karaan dambiileyaal. Dawladda Turkey ayaa ku eedaysay ururkan oo uu hoggaamiyo wadaadka lagu magacaabo Fatxulaah Gollan oo fadhigiisu yahay dalka Maraykanka in uu ka dambeeyey afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkeyga sannadkii 2016-kii, iyada oo wixii intaas ka dambeeyey ku daba jirtay xubnaha ururkaas. Dawladdaha Turkey iyo Sweden ayaa hore khilaaf uga dhaxeeyey,kaas oo sababay in dawladda Turkey ay diido in Sweden ay ku biirto gashanbuurta NATO,waxaana laga cabsi qabaa in khilaafkoodu sii cakirmo. Xabaal-wadareedyo Laga Helay Suudaan oo Walaac Dhaliyay Hargeysa(Qaran)-Xabaal wadareed ayaa laga helay gobolka Daarfuur ee Galbeedka dalka Suudaan,sida ay baahisay warbaahinta maxaliga ah ee dalka Sudan maanta oo Khamiis ah. Xabaal wadareedkan ayaa la sheegay in ay ku aasan yihiin dad gaadhaaya ilaa 87 qof,waxaana helitaanka xabaal wadareedkani kusoo beegmaysa xili uu socdo shir madaxeedka gobolka oo ay marti gelisay dawladda Masar,kaas oo lagu doonaayo in xal loogu helo xaaladda dagaal ee dalka Suudaan. Xafiiska xuquuqal Insaanka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay hayaan xog lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan in ciidamada gurmadka deg deg ah ee RSF loo soo gaabiya ay mas’uul ka yihiin dadkan la laayey ee xabaal wadareedka lagu wada aasay. Warkan kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqal Insaanka ayaa lagu sheegay in dadkan xabaal Wadareedka lagu riday ay ku jiraan dad kasoo jeeda dadka loo yaqaano Masaalitka,taas oo muujinaysa in dilkani salka ku hayo isir nacayb. Bayaan uu soo saaray xafiiska Xuquuqal Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dadka ay kasoo jeedaan dadkan la laayey lagu khasbay in ay dadkoodan ku aastaan meel u dhow magaaladda Al-Jenayna intii u dhexaysay 20-kii June ilaa 21-kii June. Qoomiyadda Masaalitka ayaa ka mid ah qoomiyadaha aan Carabta ahayn ee ku nool gobolka Daarfuur ee dalka Suudan. Booqashada Ra’iisul-wasaaraha Hindiya ku Tagay Faransiiska Hargeysa(Qaran)-Ra’iisal wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi ayaa gaadhey dalka Faransiiska,iyada oo ay dalkaas uga bilaabmi doonto booqasho muddo laba cisho ah qaadan doonta. Dawladdaha Hindiya iyo Faransiiska ayaa la filayaa in ay kala saxeexdaan heshiis ay dawladda Hindiya kaga iibsanayso dawladda Faransiiska hub kala duwan oo ay ku jiraan Diyaaraddo iyo Maraakiibta badda hoosteeda marta ee Gujiska loo yaqaano. Ra’iisal wasaare Modi ayaa dalkaas gaadhey maanta oo Khamiis ah,kadib markii uu marti qaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Faransiiska Emmanuel Macron,sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Hindiya. Dhanka kalena ciidamada Dalka Hindiya ayaa ciidamada dalka Faransiiska kala qayb geli doona dholatus military oo dalkaas ka dhici dona maalinta Jimcaha ee berri. Gegida diyaaraddaha ee magaaladda Baris waxa ra’isal wasaaraha dalka Hindiya kusoo dhaweeyey dhiggiisa dalka Faransiiska Elisabeth Borne iyo xubno kamid ah qurba joogta Hindiya ee dalka Faransiiska. Qaran News
  21. Only one out of the 23 Kenyan regions that were severely hit by drought remain in dire condition following heavy rainfall recorded during the March-May season, the National Drought Management Authority (NDMA) said in a report released Thursday. Source: Hiiraan Online
  22. A group of young men who fled conflict in their home countries are using running to help rebuild their lives in the north. Source: Hiiraan Online
  23. Interior CS Kithure Kindiki on Thursday visited police officers who he said were injured in the line of duty. Source: Hiiraan Online
  24. Kenyan security forces have intensified their operations along the border with Somalia following increased attacks. Source: Hiiraan Online
  25. Geriley (Caasimada Online) – Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo shalay ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Gariley ee Koonfurta Gobolka Gedo. Maleeshiyada Al-Shabaab oo maalmihii ugu dambeysay isku uruursanayay waddada ka timaada dhanka deegaanka Faafaaxdhuun ee soo gasha Gariley ayaa barqanimadii shalay dhowr jiho ka weeraray Xerada Gariley, oo daba-yaaqadii bishii June ay banneeyeen Ciidanka Militariga Kenya ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika. Wararka ayaa sheegaya bilowgiiba in Shabaabku ay ka soo gudbeen difaaca hore ee ciidamadu ka ilaalinayeen deegaanka ee xigga dhanka Faafaaxdhuun, oo 80km u jirta Degmada Baardheere. Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa la sheegay inay isaga baxeen xeradaasi, ka dib culeys weyn oo ka soo fuulay Shabaabkii weerarka qaaday. Wararka ayaa intaasi ku daraya in gurmad xoog leh oo ciidamada meelo kala duwan uga yimid ay suurtagelisay in Shabaabka dib looga saaro deegaankaasi. Aadan Xaashi Maxamuud oo ka mid ah dadka reer Gariley ayaa Dhacdo.com u sheegay in dagaalku uu soo gaaray illaa caawa fiidkii, ugu dambayna ay hadda deegaanka gacanta ku hayaan ciidamada. Aadan Xaashi ayaa sheegaya in uu jiro khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac kala gaaray, isagoo intaa ku daray inaanay hadda jirin cid si sax ah u sheegi karta in uu khasaaruhu gaarsiisan yahay. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhaawacyada askarta loo qaaday Degmada Ceelwaaq, halkaas oo saldhig weyn iyo xarun caafimaad ay ku leeyihiin Ciidanka ATMIS ee ka socda dalka Kenya. Salaan Cabdullaahi Cagey oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Gariley ayaa BBC u sheegay in ay jab xoogan u gaysteen kooxaha argagixisada. “Khasaare badan ayaa jira, koley waa meel uu dagaal ka dhacay, dad shacab ahna way ku dhinteen, ayagana way ku dhammaadeen, guryo badana way burbureen, haddana annaga ayaa ku sugan.” Ayuu yiri Salaan Cabdullaahi. Dhanka kale dadka deegaanka oo maalmo ka hor bilaabay in ay guryahooda isaga barakacaan ayaa la sheegaya in intooda badan ay ka baxeen deegaanka, ayna gaarayaan tuulooyinka ku dhow dhow deegaankaasi. Gariley oo hoostagto Degmada Ceelwaaq ayaa ku taala goob istiraatiiji ah, kuna dhow xadka Soomaaliya la wadaagto Kenya, waxaana la tilmaamaa in 12km oo keliya u jirto xuduudda. 4-tii bishan ayay sidaan oo kale mintidiinta Al-Shabaab u soo weerareen xeradaasi, inkastoo markaasi ay ku guuldareysteen inay la wareegaan. Militariga Kenya ayaa tobankii sano ee ugu dambeysay deganaa Xerada Gariley, iyagoona qayb ka noqday qorshaha uu Hawlgalka ATMIS ku yareynayo tirada ciidamada ka jooga dalka. Xeradan ayaa ka mid ah illaa toddobo saldhig oo dhammaadkii bishan June ay isaga baxeen Militariga ATMIS. The post Xog ku saabsan dagaal culus oo ka dhacay gobolka Gedo appeared first on Caasimada Online.