-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Dowladd gobolleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa qasriga madaxtooyada Dowladda Galmudug ee Dhuusamarreeb kusoo dhaweeyay ergeyga cusub ee Qarammada Midoobe ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay. Madaxweynaha iyo wafdiga QM ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, heshiiskii Madasha,Arrimaha doorashooyinka, la dagaalanka Al-shabaab oo ka socda deegaanno ka tiirsan dowlad goboleedka Galmudug iyo sidoo kale Arrimaha xasilinta deegaannadaasi. Ergeyga cusub ee Qarammada Midoobe ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay safarro ku kala bixinaysay maamul goboleedyada, waxaana safarro hore ay ku gaartay maamullada dalka waxaana ay kala hadashay Wadashaqeyn QM iyo Maamullada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhagax dhigay dib u dhiska waddo Waddada Via Liberia ee degmada Waaberi oo muda ku dhow 30-sano burbur xooggan iyo dayac xumo ka jirtay, waxaana lagu dhisayaa isku tashi bulsho. Dhagax dhiggaan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee maamulka Gobolka Banaadir, maamulka Degmada, iyo qeybaha bulshada, waxaana siweyn bulshada degmada ay usoo dhoweeyeen dhismaha lagu sameynayo waddadaan. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii dambe dhowr dhimo waddooyin ka dhagaxdhigay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaas oo ku yaallo degmooyin kale duwan ee gudaha caasimadda, iyadoo isku tashi bulsho lagu dhisayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga jawaabtay warbixin ka soo yeedhay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo eedo ku saabsan dagaalka Laascaanood u soo jeedisay Xukuumadda Somaliland. War-murtiyeedka Xukuumadda Somaliland oo aanu soo turjunay wuxuu u qornaa sidan:- “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si mug leh uga xun tahay warbixintii u dambaysay ee ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ka soo saartay dagaalka Laascaanood. Dawladda Somaliland waxa ay u la wadaagtaa beesha caalamka walaaca ay ka qabto rabshadaha iyo qulqulatada ka socota Laascaanood ilaa bishii December ee la soo dhaafay, ciidammada Somaliland waxay ka difaaceen soohdimaha iyo muwaadiniinta reer Somaliland maleeshiyo beeleedyada, kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ee ku sugan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Waxaanu samaynay dedaal kasta oo lagu ilaalinayo nafta bini’aadanka, kaabeyaasha adeegyada dadka rayidka ah oo ay ka mid yihiin Cusbitaalada iyo inkaaniyaadka caafimaadka. Sannado badan Xukuumadda Somaliland waxay dhisaysay isla markaana gacan ka geysanaysay horumarinta adeegyadaas kor ku xusan ee ku yaalla Laascaanood, waxana aanu u ballaadhinay adeegyada caafimaadka dadka gobolka Sool. Waxa naga go’an Xukuumad ahaan inaanu xaqiijino sidii adeegyada caafimaad ee daruuriga ah iyo mucaawimada kale ee bini’aadanimo ay u heli lahaayeen dadka u baahani. Waxaan ku boorinaynaa Ha’yadda WHO inay Xukuumadda Somaliland kala shaqeyso sidii loo xaqiijin lahaa in dadka rayidka ah ee uu saameeyay dagaalka socdaa ay u heli lahaayeen adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin.” Qaran News
-
Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta kulankii u horreeyay ku qaabilay ergeyga cusub ee Qarammada Midoobey ee Soomaaliya. Madaxweyne Qoor Qoor oo u weheliyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa qasriga madaxtooyada Dhuusamarreeb ku qaabilay ergeyga cusub ee Qarammada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wefdi ay hoggaaminaysay. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha iyo wefdiga Qaramada Midoobay ay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka, heshiiskii Madasha, arrimaha doorashooyinka, la dagaalanka argagaxisada iyo sidoo kale arrimaha xasilinta. “Madaxweynaha iyo wafdiga QM ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, heshiiskii Madasha, arrimaha doorashooyinka, la dagaalanka argagaxisada iyo sidoo kale arrimaha xasilinta” ayaa lagu yiri Qoraalkaas. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay ergeyga cusub ee Qarammada Midoobey ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Hay’adaha xuquuqul insaanka ee Suudaan ayaa helay cadaymo ay kooxda Rapid Support Forces (RSF) ku xirtay caasimadda in ka badan 5,000 oo qof, waxayna ku hayeen xaalado bini’aadantinimo ka baxsan, sida laga soo xigtay hay’adda. Dadka oo lagu xiray dhowr goobood oo ku yaalla magaalada Khartoum ayaa waxaa ka mid ahaa dagaal-yahanno, balse sidoo kale ay mu jiraan ilaa 3,500 oo rayid ah oo ay kamid yihiin haween taag daran iyo ajaaniib. RSF ayaa muddo saddex bilood ah dagaal kula jirtay ciidamada Suudaan, iyagoo inta badan heysta caasimadda Sudan. Dadka deegaanka ayaa ciidamada ku eedeeyay inay dhac iyo boob u geysteen guryaha. Mar wax laga weydiiyey RSF waxa ay sheegtay in wararkaasi ay yihiin kuwo aan jirin, isla markaana ay hayaan maxaabiis dagaal oo si wanaagsan loola dhaqmay. PUNTLAND POST The post Kooxda RSF ee ka dagaallanta Suudaan oo lagu eedeeyay xarigga in ka badan 5000 kun oo qof appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Kenya oo howgla ka sameeyay gobolka Waqooyi Bari ayaa gacanta kusoo dhigay laba ajaaniib ah oo u socday deegaanada Al-Shabaab, si ay ugu biiraan, ugana barbar dagaalamaan kooxdaasi. Raggan ayaa Arbacadii lagu qabtay meel dhexe, gaar ahaan agagaarka magaalada Gaarisa, ayaga oo doonayay inay usoo gudbaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Jilib. Laamaha ammaanka Kenya ayaa magacyadan raggan ku kala sheegay Cabdiraxmaan Shaffi Mkwatili oo 25 jir ah iyo Sadam Jafari Kitia oo 30 jir ah, kuwaas oo kasoo jeeda dalka Tanzania. Sidoo kale wuxuu boolisku shaaciyay in raggan ay wateen buug lagu qoray luqadda Sawaaxiliga oo ay u adeegsanayeen inay ku hagaan dhaqdhaqaaqooda Tanzania illaa Jilib oo ay ka taliso kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanta dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Booliisku wuxuu intaasi kusii daray in dadka la qorayo ee u safraya in ay ku biiraan Al Shabaab ama kooxda kale ee Daacish la siiyo hab-raacyo safar oo ay uga fogaanayaan isgaarsiinta inta ay jidka ku jiraan, si ay uga taxadaraan in laga shakiyo ama la qabto. Xarigga Cabdiraxmaan Shaffi iyo Sadam Jafari ayaa kusoo aadayo, ayada maalmo kahor sidan oo kale saddex ajaaniib ah oo u dhalatay dalka Tanzania laga qabtay aagga magaalada Gaarisa, kuwaas oo kala ahaa Abdul Saif Salimu, Zuberi Ngare Mtondoo, iyo Seif Abdalla Juma, waxaana lagu eedeeyay inay ku socdeen dhanka kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa ka horreeyay muwaadin kale oo u dhashay dalka Uganda oo isna dhawaan lagu xiray magaalada Liboi, isagoo kusoo jeeday gudaha Soomaaliya. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadyadii u dambeeyay ay xoogaga Shabaab kordhiyeen weerarada ay ku hayaan Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. The post Ajaaniib u socotay Shabaab oo dhexda laga qabtay appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Budbud ee oo hoostaga Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku goob keyd hub u aheyd Al-shabaab sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka. Taliyaha Guutada 16-aad ciidanka kumaandooska Danab XDS G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare ayaa sheegay in howlgalkan lagu burburiyay goobo ay ku kaydsan jireen Al-shabaabsunta iyo alaadaha kale ee laga sameeyo walxaha qarxa iyo goob kale sida uu hadalka u dhigay. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka wada qaar kamid gobollada dalka, iyagoo dhawaan dowladdu ciidankii ugu badnaa ay geysay gobolka Galgaduud, kuwaas oo lagu soo kala tababaray dalalka Masar iyo Uganda, si ay qeyb kaga noqdaan wajiga labaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maraykanka ayaa sanadkan qorshaynaya innuu xeerka Miisaaniyaddiisa Difaaca ku darro miisaaniyaddii ugu badnayd ee uu ka leeyahay danihiisa amni ee badda cas iyo geeska Afrika, waxaannu culayska saarayaa dekedda iyo madaarka ciidamadda ee Berbera. Sanadkasta Maraykanku waxa uu qorsheeyaa Miisaaniyaddiisa ciidamadda ee gudaha dalkiisa iyo dibeda, waxaana qayb ka ahayd sanadkii hore daraasado laga soo sameeyay Somaliland kuwaas oo qayb ka ahaa xeerkii difaaca ee hore Baarlamaanka dalkaasi ugu ansixiyey xidhiidhka Maraykanku la yeelanayo Somaliland. Dawladda Maraykanka gaar ahaan labada xisbi ee ugu awooda wayn oo saamayn ku leh Odoroska Miisaaniyadda iyo meel marinta mashruuca sharci ee miisaaniyad sanadeedkan ayaa si wadajir ah dabada uga riixaya waxaanay sanadkan kala saareen Somaliya iyo Somaliland, waxaanay draftka mashruucan sharci sanadkan gaar uga saareen ta Somaliland. Miisaaniyad sanadeedkam waxa kale oo ay Maraykanku xoogga ku saarayaan sidii Somaliland looga caawin lahaa khilaafaadka ka taagam gaara ahaan dagaalka Laascaanood oo ay si gaar ah ugu xuseen inay Somaliland ka mid tahay. Faragalinta uu shiinuhu ku hayo dalalka geeska gaar ahaan kuwa badda cas iyo sidii maraykanku isha ugu hayn lahaa aayaa iyana odoroska miisaaniyadda lagu daray, iyo waliba dedaaladda ay Taiwan ka wado Somaliland oo ay ku sheegeen in la taageero. Source
-
Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa ugu baaqay dowladda Sweden in ay joojiso mudaaharaadka lagu gubayo kitaabada Towreedka iyo Baybalka, kaas oo lagu wado in uu maanta ka dhaco meel ka baxsan xafiiska diblomaasiyadda. Madaxweynaha Israa’iil ayaa yidhi “Anigoo ah madaxweynaha dawladda Israa’iil, waxaan cambaareeyay gubitaanka Quraanka, oo ah mid muqadas u ah Muslimiinta adduunka oo dhan, waxaana hadda aad uga xumaaday in isla qaddarkaas uu sugayo Baybalka Yuhuudda, oo ah kitaabka daa’imka ah ee Yuhuudda,” Isaac Herzog ayaa sidaas ku yidhi bayaan. Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Eli Cohen ayaa sheegay in uu ugu baaqayo mas’uuliyiinta Sweden in ay ka hortagaan dhacdadan foosha xun oo ayna ogolaan in la gubo kitaabka Tawreed-ka. Golaha Jaaliyadaha Yuhuuda ee Sweden ayaa ka xumaaday go’aanka booliiska ee lagu fasaxay mudaaharaadka uu dhaco. Bishii la soo dhaafay, magangelyo doon u dhashay dalka Ciraaq oo Masiixi ahaa ayaa kitaabka Qur’aanka Kariimka ku gubay bannaanka Masjid ku yalla Stockholm, xilli lagu jiray munaasibadda Ciidda Ciidul-Adxa ee ugu weyn Muslimiinta, taasoo dhalisay cambaareyn ballaaran oo Caalamka Islaamka ka dhacday. Arbacadii, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa si aqlabiyad ah u ansixisay tallaabo ugu baaqaysa waddammada inay wax badan ka qabtaan sidii looga hortagi lahaa nacaybka diimeed ee ka dhashay gubashada Qur’aanka. Waxa la ansixiyay iyadoo ay diidmo ka muujiyeen waddamada reer galbeedka oo ka baqaya in tillaabooyinka adag ee dowladuhu ku tuman karaan xorriyadda hadalka. Source
-
Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, xilli dalkaasi ay ka jirto xaalad cunto yari oo aad u daran. Mr Tinubu ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin isdaba joog ah oo uu sheegay in ay wax kaga qabanayaan kor u kaca sicirka cuntada. Talabooyinka la qaadayo ayaa waxaa ka mid ah in la isticmaalo lacagtii kaabeysay shidaalka ee meesha laga saaray si beeraleyda loo siiyo hadhuudhka bacriminta beeraha. Sannadkii hore, hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ka digtay in daadadka iyo qiimaha Haduudka bacriminta ee sare u kacaya aykor u qaadi doonaan qiimaha saadka cuntada. Bishii Janaayo, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta,ee UNICEF, ayaa sanadkan saadaalisay in shan iyo labaatan milyan oo reer Nigerian ah ay halis ugu jiraan cunto yari baahsan. Source
-
Galcad (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee Galmudug. Howlgalkan oo ahaa mid culus ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Budbud, waxaana ciidamada Danab ay ku beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare) oo la hadlay watrbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyay howlgalka ay ka sameeyeen deegaankaasi, isaga oo sheegay inay khasaare culus ku gaarsiiyeen Shabaab. Beeryare ayaa sidoo kale tilmaamay inay cagta mariyeen goobo ay Al-Shabaab ku kaydsan jireen sunta iyo alaadaha kale ee walxaha qarxa iyo goob kale oo ay ku kaydsadaan hubka. Waxaa kale oo uu sheegay in ujeedka Al-Shabaab u ahaa inay hubkaas ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, kuna soo weeraraan ciidamada huwanta ee ku sugan halkaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalkooda, isla-markaana ujeedkooda uu yahay inay kooxda ka saaraan deegaanada maamul goboleedka Galmudug. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana wlei xaaladda ay tahay mid aa u kacsan, ayada oo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa agagaarka magaalada Galcad ee gobolkaasi. Galgaduud ayaa kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ciidamadu ay ku guuleysteen inay qabsadaan deegaano ka tirsan gobolkaasi. Si kastaba, dowladda federaalka ayaa haatan isku diyaarineyso wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo la filayo inay kuu soo biiraan waddamada dariska ah. The post Danab oo burburisay kaydkii qaraxyada ee Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Sida ay ku warrantay mid kamida warbaahinta maxalliga ah ee Kenya laamaha amaanka dalkaas ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Mooyaale ay ku qabteen labo nin oo ajaaniib ah oo u socday in ay ku biiraan kooxaha argagixisada ah. Labada nin ee gacanta lagu dhigay ayaa la sheegay in lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Shaffi Mkwatili oo 25 jir ah iyo Sadam Jafari Kitia oo 30 jir ah. Xog kale oo la helay ayaa sheegeysa in labada nin ay ku wajahnaayeen Magaalada Jilib iyagoo kasoo socdaalay dalka Tanzania. Eedaysanayaashu waxay daaha ka qaadeen inay u socdeen Soomaaliya si ay ugu biiraan Argagixisada. Wararku waxa ay intaa ku darayaan in xarigga ragga gacanta lagu dhigay uu ku soo beegmayo laba todobaad kadib saddex muwaadin oo u dhashay dalka Tanzania laga soo qabtay isla deegaanka. PUNTLAND POST The post Ciidamada Kenya oo qabtay laba nin oo rabay in ay ku biiraan kooxaha Argagixisada ah appeared first on Puntland Post.
-
Dabayaaqadii Abriil-2023, dowladda Soomaaliya waxa ay billowday dagaal kadhan ah musuqa iyo boobka dakhliga dowladda ka soo gala ilaha kooban ee dakhliga dowladdu ka yimaado, ilahaas ay dowladda Soomaaliya ka hesho dakhliga waxaa kamid ah garoonka diyaaraha ee Muqdisho oo bixiya adeegyo kaladuwan oo muhiim ah. Adeegyada kordhinta Fiisaha iyo Fasaxa shaqada oo kamid ah ilaha dakhliga dowladda ayaa sameeyey isbeddel dakhli oo aad u wanaagsan kaas oo aad uga duwan sidii uu ahaa bilihii kahorreeyey dadaalka dowladdu kugu jirto dabargoynta musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda. Haddaba waxa aan halkan kula wadaageynaa muwaadiniinta Soomalaiyeed xog kooban oo aan helnay taas oo isgarab dhig ku sameyneysa dakhliga dowladda uga soo xarooday labadaas adeeg 6dii bil ee ugu dambeysay sanadkan 2023. Bisha Kordhinta Fiisaha. Fasaxa shaqada January $423,950.00 $036,500 February $375,530.00 $071,160 March $268,840 $78,770 April $231,460 $219,290 May $361,470 $386,060 June $480,550 $340,730 Dagaalka dowladdu kula jirto musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda ayaa ilaa xad wanaagsan waxa uu sameeyey isbeddel togan oo muujiyey in haddii saraakiisha ka howlgasha ilaha dakhligu ay si wanaagsan oo wafaqsan sharciga u qabtaan, u xisaabiyaan una xareeyaan islamarkaana maareeyaan ay dowladdu heli karto dakhli kaalin weyn ka qaata in dowladdu bixiso adeeg dadweyne islamarkaana ay xal u heli karto dhibaatada iyo cajsiga dowladda ka haysta xagga miisaaniyadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayay dardar galinta howlgallada ka socda deegaanada Jubbaland, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidanka Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland. Kulanka Waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga maamulkaas General Yuusuf Cismaan Dhuumm iyo taliyeyaasha Ciidamada Xooga dalka iyo Hay’adaha amniga Jubbaland, waxaana siweyn loogu gorfeeyay sidii loo sii socosiin lahaa howlgalka ciidanka ka wadaan Jubbada hoose. Madaxweynaha ayaa shacabka reer Jubaland ugu baaqay inay garab istaagan Ciidamada howlgallada ku jira oo u dhimanaya una dhaawacmaya sidii shacabka ay kaga dulqaadi lahaayeen sida uu hadalka u dhigay, isaga oo taliska uga mahadceliyay guulaha laga gaaray dagaalka. Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ku gaaray deegaanno dhowr ah oo dhaca gobolka Jubbada hoose, waxaana sidoo kale jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka socda gobolka Gedo. Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan dowladda federalka Soomaaliya ku dhawaaqday in la bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo ay qeyb ka noqon doonaan ciidamo ka socda dowladaha safka hore oo taaridoona xoogga dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Two police officers and a teacher were killed and others injured when al-Shabab militants overran a police station in Mandera County, northeast Kenya, early Friday, authorities said. Source: Hiiraan Online
-
Kismayo (HOL) - Suspected al-Shabab militants killed two police officers and a teacher were killed, and others were injured early Friday in an attack on the Wargadud police camp in the Mandera South area. Source: Hiiraan Online
-
Kismayo (HOL) - Suspected al-Shabab militants killed two police officers and a teacher were killed, and others were injured early Friday in an attack on the Wargadud police camp in the Mandera South area. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casho sharaf ku maamuusay Madaxda iyo masuuliyiinta hore ee ka qeyb-galay kulankii wadatashiga ahaa ee shalay ku soo gaba-gaboobay Muqdisho. Madaxweynaha ayaa uga Mahadceliyey masuuliyiintan ka qeyb-galka Kulanka Wadatashiga iyo talooyinkii ay ku kabeen dowlad-dhiska Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynuhu muujiyey sida uu mudnaanta u siinayo dhageysiga talooyinka iyo aragtiyaha qeybaha kala duwan ee shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed. Dhankooda, Madaxdii hore ayaa bogaadiyay kulanka wadatashiga ee uu fidiyay madaxweynaha waxaana ay sheegeen in dowlada Soomaaliyeed ay ku garab siinayaan halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo. Casho sharaftan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Kuxigeenadiisa Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Kuxigeenadiisa Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdullaahi cali Xersi Waxaa kale oo goobjoog ahaa kulanka madaxweyne hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Ra’iisulwasaareyaal hore Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, guddoomiyeyaal hore golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Shiikh Aadan Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, Maxamed Mursal Shiikh iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Madaxtooyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo war qoraal ah soo saartay ayaa jawaab adag ka bixisay warbixintii ay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO kasoo saartay dagaalka Laascaanood, taas oo lagu eedeeyay ciidanka Somaliland. Madaxa hay’adda, Tedros Adhanom oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku shaaciyay in hay’addu ka xun tahay, islamarkaana ay cambaareynayso weerarkaasi, ayada oo si cad u sheegtay in goobaha caafimaad aysan noqon karin bartilmaameed. “WHO waxay cambaareeynaysa weerarkii lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taal Laascaanood, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac, oo ay ku jiraan shaqaalaha caafimaadka iyo bukaannada. – Caafimaadku ma ahan bartilmaameen.” ayuu yiri. Somaliland oo ka jawaabeysay eedeyntan ayaa iska fogeysay, waxaana wasaaradda arrimaha dibaddu sheegtay in ciidamadooda ay dhulka iyo shacabkaka difaacayaan argagixiso iyo maleeshiyo beeleed, soo duulay, sida lagu yiri warsaxaafadeedka. Waxaa kale oo ay Somaliland shaacisay inay ilaalisay kaabashayaasha shacabka oo ay ku jiraan isbitaallada iyo xarumaha kale ee adeegga dadweynaha. “Waxaanu samaynay dadaalkasta si aanu u ilaalino noloshada dadka iyo kaabayaasha shacabka oo ay ku jiraan isbitaalada iyo xarumaha adeega caafimaadka, sannado badan ayay dowladu ka shaqaynaysay dhismaha iyo horumarinta xarumahan, waxayna siisay adeeg caafimaad oo balaadhan dadka reer Laascaanood” ayaa lagu yidhi qoraalka. Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegtay in WHO kala shaqeyneyso, sidii gurmad iyo adeeg caafimaad loo gaarsiin lahaa dadka dhibaateysan. “Waxaanu ku dhiirigalinaynaa WHO in ay la shaqayso dowlada Somaliland si dadka colaadu saamaysay ay u helaan adeeg caafimaad” ayaa lagu yidhi mar kale lagu yiri qoraalka, Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore iska fogeysay inay ciidankeeda bartilmaameedsadeen goobaha caafimadka, xilli billihii dambe uu dagaal ka socday magaalada Laascaanood oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. Si kastaba, labada dhinac ayaa ka dhaga fureystay baaqyada caalamiga ah ee joojinta dagaalka, ayada oo dhinac walba uu shuruud horleh ku xiray xabad joojin ka dhaqan-gasha Laascaanood. The post SOMALILAND oo jawaab ka bixisay warbixintii WHO ee dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar iyo dagaal toos ah oo xalay Al-Shabaab ay kusoo qaaday qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Caasimada Online u sheegay in ragga dagaalka soo qaaday oo aad u hubeysnaa ay wateen gaari Hoomey ah, isla-markaana ay beegsadeen bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka ee degmadaasi, waxaana kadib meesha ka dhacay iska hor imaad xoogleh oo u dhexeeyay labada dhinac. Sidoo kale qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dagaalka oo socday muddo kooban la’isku adeegsaday hubka culus, taas oo cabsi xoogan ku abuurtay. Ugu yaraan saddex askari ayaa laga dilay ciidanka ku sugnaa goobta, halka Al-Shabaabka weerarka soo qaaday iyaguna laga toogtay labo, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo kale. Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha weerarka soo qaaday ay goobta isaga baxsadeen, kadib markii ay iska caabin kala kulmeen ciidamada dowladda. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo ciidanka ammaanka ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen degmada Dayniile iyo deegaanada kale ee u dhow ee gobollada Shabeelooyinka. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyay. Waa weerarkii labaad oo saacado gudahood ay kooxda ka fulineyso gudaha caasimada, waxaana u dambeeyay qarixii is-miidaaminta ahaa ee lagu Cabdikariin Macalin Axmed (Afarsheegle) oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda ee degmada Marka. Qaraxaan ayaa salaadii Makhrib ka dhacay xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan, waxaana la beegsaday masuulkaas kaliya, kadib markii uu isku qarxiyay Nin haligay naftiisa oo soo xirtay Jaakadda Qaraxda. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa u muuqata inay culeys soo saartay caasimada, kadib markii ay istaageen inta badan howlgalladii xooganaa ee ka socday gobollada dalka. The post Al-Shabaab oo dagaal culus kusoo qaaday DAYNIILE + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Because of fighting in Ethiopia’s Tigray region, thousands of Ethiopians fled to neighboring Somalia. In 2020, when intense fighting in Ethiopia’s Tigray region broke out between government forces and the Tigray People’s Liberation Front (TPLF), thousands of Ethiopians were forced to flee their country. Source: Hiiraan Online
-
Defence CS Aden Duale on Friday embarked on a tour to visit terror hotspots along the Kenya-Somalia border. Source: Hiiraan Online
