-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa laba weerar oo ay xalay Al-Shabaab ku qaaday magaalada Baydhaba ee gobolka Baay. Weerarada oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada Koonfur Galbeed iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka qaaday. Al-Shabaab ayaa weeraradan ku beegsatay saldhig ay ciidamada daraawiishta maamulkaasi ay ku leeyihiin deegaanka Makuundo, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah. Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in ciidamada ammaanka ay iska caabin sameeyeen, kadib weerarada uga yimid Al-Shabaab, mana cadda khasaaraha ka dhashay weerarka. Wararka ayaa intaas kusii daraya in weeraradaan ay barbar socdeen madaafiic lagu duqeeyay xaafado ka tirsan Baydhaba, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ugu yaraan saddex madfac ayaa kusoo dhacay gudaha magaalada, kuwaas oo cabsi ku beeray dadka deegaanka, maadaama ay aheyd xilli habeen ah. Maalmihii u dambeeyay xaaladda Baydhabo ayaa aheyd mid kacsan, waxaana sidoo kale culeys xoogan soo saartay kooxda Al-Shabaab oo go’doon ganacsi gelisay magaaladaasi. Arrintan ayaa sidoo kale keentay sare u kac ku yimid qiimaha raashinka ee suuqyada magaaladaasi, ayada oo loo sababeeyay ‘go’doon ay galiyeen’ xoogaga Al-Shabaab. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ka warbixiyay saameynta ka dhalatay go’doominta cusub ee ay Shabaab gelisay Baydhaba, wuxuuna sheegay in kiilada bariiska ah ay gaartay qiimo dhan 35 kun oo shilinka Soomaaliga ah. “Go’doominta ay Al-Shabaab kusoo rogtay Baydhaba waxa uu soo deg-degay markii maamulka Koonfur Galbeed uu is-hortaagay Macallimiin ay u yeertay kooxda” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay mid kamid ah warbaahinta gudaha. Baydhaba ayaa ah magaallo weyn oo ku taalla Koonfurta Soomaaliya waxaana ay hoy u tahay boqolaal shacab ah oo qaarkood usoo barakacay gudaha magaaladaasi. The post Al-Shabaab oo WEERARO culus ku qaaday Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca Kenya, Aadan Barre Ducaale oo ku sugan xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa si adag uga hadlay weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso halkaas, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee wadanka Kenya. Aadan Barre ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Kenya ay qaadeyso tallaabooyin dheeraad ah, isla-markaana ay la tacaali doonto dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo in dhulka Kenya uu ahaado mid ammaan ah, loogana hortago khalkhal-gelinta amni darrada. Wasiirka ayaa xusay in ciidamo dheeraad ah ay geyn doonaan xadka, isl-markaana aysan ogolaan doonin in mar kale ay Al-Shabaab weeraro argagixiso ka fuliso halkaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Kenya ay ka hortagi doonto in Al-Shabaab ay gabaad ka dhigato dalkeeda, haddi laga saaro Soomaaliya. “Maleeshiyaadku waa in aysan gabaad ka helin Kenya marka laga soo saaro Soomaaliya. ciidamada Kenya iyo kooxaha kale ee amniga waa ay ka feejigan yihiin oo u adkeysanayaan in ay hoos u dhigaan falalka argagixisada la xiriira,” ayaa yiri Wasiir Aadan Barre Ducaale. Waxaa kale oo uu ballan qaaday in wasaaraddiisu ay kordhin doonto awoodda ciidanka difaaca Kenya, si ay u helaan hub casri ah oo ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab, si ay u hantaan amniga goobaha ay hadda weerarada ka geysteen xoogaga hubeysan ee Shabaab. Kenya ayaa haatan wajaheyso weeraro joogto oo ay ku heyso Al-Shabaab, kadib markii todobaadyadii lasoo dhaafay ay gudaha dalkaas ka geystay dhowr isku day oo qaarkood khasaare culus lagu gaarsiiyay ciidamada Kenya iyo sidoo kale dad shacab ah intaba. Si kastaba, Kenya ayaa qayb ka ah waddamada la dagaalama kooxdan, waxayna ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka milatari ee ATMIS. The post Dowlada Kenya oo shaacisay tallaabo ay qaadeyso oo ku wajahan xadka Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaan leenahay hal cadow oo la yiraahdo Al-Shabaab. Qof kasta oo naga mid ah dhibkoodu si ayuu u sameeyay. Waxaa laga yaaba iney dileen ama dhib gaarsiiyeen waalidka, caruurtaada, lamaanahaagii, walaalka, saaxiibka, qof aad ehel tihiin, dariskaagii wacna ama ay naftaada wax gaarsiiyeen jir ahaan ama dhaqaale ahaan. Soomaalidu waxey ahaan jirtay dad aarsi badan, oo aan dulmiga cimri-siinin. Dhibaatada kooxdani waxey socota 15 sano. Qof walba oo aan ka tirsaneyn ama aan ku fikir aheyn wuxuu ugu jiraa qaanadda cadowga. Waxaa macquul ah in aad aaminsantahay hadii aad nabad galiso waa ka badbaadeysa, laakiin immisa ayey dileen oo aan waligood Af iyo Adin midna u qaadin, oo ay qaraxyo ku laayeen. Hal qof ayaa ka badbaadaya kooxdan waana midka iyaga raaca si uu gacan ku dhiigle u noqdo, oo uu u qarxiyo shacab Soomaaliyeed oo ku jira cibaado, ganacsi iyo waxbarasho. Waa suurta-gal inaad wali dhibkooda ka nabad qabtid laakiin hadaad maanta nagi tahay berri nabad ma heysid. (Micnaha inta ay argagixisadu kuu jirto ayuu dhibku kuu jira). Dadka Soomaalidu maanta ayey heystan fursaddii ugu dhoweyd oo ay kusoo afjari lahaayeen dhibaatada kooxdan, taasoo ah ciidan cusub oo diyaar ah, madaxweyne cabboon iyo kooxda oo dhaawacan. Dhammaadka bishan ama horaanta August waxaa bilaabanaya hadii Alle idmo wajiga labaad ee dagaalka sida aan xogta ku helay. Maadaama aaney jirin cid hubta in ay ka badbaadeyso dhibaatada kooxdan, waxaa shacabka Soomaaliyeed la gudboon iney ciidanka iyo Dowladda ku gacan siiyan in dhaawaca argagixisada la dhameystiro. Wajiga labaad ee dagaalku waa inuu dhalo dhammaadka argagixisada, joojinta dhiiga shacabka iyo dib u dhiska dalka iyo dadka. The post Yaa ka badbaadaya Shabaab? appeared first on Caasimada Online.
-
In a concerning case that highlights the challenges faced by journalists in Somaliland, Justice Abroad’s Director, Michael Polak, is taking action on behalf of Busharo Ali Mohamed (known as Busharo Baanday), a British journalist who was arrested, tortured, and detained by Somaliland authorities on May 15, 2023. Busharo, known for her coverage of Somaliland’s democratic issues and her critical commentary on social media platforms, including describing the Somaliland leader as “autocratic,” remains in custody. The arrest is believed to be directly related to her professional work. She has been a vocal reporter on Somaliland politics, often highlighting the country’s challenges. According to reports, Busharo was apprehended at the border between Ethiopia and Somaliland. During her arrest, she was subjected to physical violence, including kicks and slaps, resulting in injuries to her face and leg. A recent hearing on July 9, 2023, involved legal arguments regarding the charges, some of which involve other journalists. The judge has reserved judgment for a later date, leaving Busharo’s fate uncertain. Speaking on the matter, Michael Polak expressed his support for Busharo, highlighting her courage in reporting critical news from Somaliland. He emphasized the importance of a free press in fostering development and criticized the Somaliland authorities for their treatment of Busharo, including her arrest, mistreatment, and prolonged detention. “We call on the authorities to end their persecution of Busharo for her work as a journalist, to drop all charges, and to launch an investigation into the physical abuse she suffered upon her arrest,” stated Polak, underscoring the need for accountability and justice. As the case unfolds, concerns continue to mount over the protection of journalists and freedom of the press in Somaliland. International attention remains focused on securing the release of Busharo and addressing the wider challenges faced by journalists striving to report on critical issues in the region. On social media, use the hashtag #FreeBusharo HORN OBSERVER Qaran News
-
Maraykanka oo Diyaarado u Diraya Khaliijka USA(Qaran)-Wasaaradda difaaca ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay inay u dirayaan gobolka khaliijka Carabta diyaarado dheeraad ah, oo ah nooca F-16 si ay u difaacaan danaha maraykanu ku leeyahay gobolkaasi iyo maraakiibta ganacsiga ee maraya badda khaliijka. Taliska dhexe ee ciidamada uwaxa ay intaasi ku dareen in awooda Maraykanku ku leeyihiin gobolkaasi la kordhinayo si looga difaaco maraakiibta ganacsiga xukuumadda Iiraan oo dhaqdhaqaaqyo millitari ka wada badda khaliijka carabta gaar ahaana marinka Hormuus. Geesta kale saraakiisha millitariga iyo kuwa sirdoonka Maraykanku waxa kale oo ay cadeeyeen in ciidamadooda ku sugan waqooyi galbeed Suuriya ay cadaadis iyo hanjabaad kala kulmayaan ciidamada Suuriya oo taageero ka helaya kuwa Ruushka iyo Iraan ee dalkaasi jooga. Qaran News
-
Maxaa Keenay Xaaladda Degdega ah ee lagu soo Rogay Nigeria Nigeria(Qaran)Madaxweynaha Nayjeeriya Mr. Bola Tinubu ayaa si rasmiya ugu soo rogay dalkiisa xaalad deg deg ah, kadib markii shacabka dalkaasi ay soo food saartay xaalad cunto yaraan ah. Xaalada cuno yaraaneed ee ka jirta dalkaasi ayaa sabab looga dhigay nabadgelyo darada dalkaasi oo saamayn ku yeelatay dadka beeraleyda ah oo afduub iyo dilal joogta kala kulma budhcada hubaysan. arrinta kale ee sababtay cunta yaraanta dalkaasi ka jirta waxaa lagu sheegay dagaalada inta badan dhex mara dadka lo’da dhaqda iyo kuwa beeraleyda ah. Hase yeeshee qaramada midoobay war bixin ay soo saartay sanadkan ayey ku sheegtay inay ilaa shan iyo labaatan milyan oo qof oo reer Nayjeeriya ah ay ku jiraan xaalad cuno yaraan ah, taasoo xukuumadda dalkaasi qorsheysay in lagu taakuleeyo lacagtii lagu kabi jirey qiimaha shidaalka. QM oo ku Gacan Saydhay Qorshe ka soo baxay Suuriya Newyork(Qaran)-Go’aan ka soo baxay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay inaan la aqbali Karin sharuudaha ka soo yeedhay xukuumadda Suuriya ee ku aadan habka qaybinta gargaarka ee la gaadhsiinayo dadka u baahan eek u sugan goobaha ay ka taliyaan mucaaradka hubaysani. Xukuumadda Suuriya ayaa ogolaatay in gargaarkau u soo maro dalka Turkiga gaar ahaan marinka babul Hawo ee u dhexeeya dalalka Turkiga iyo Suuriya. Hase yeeshe waxay arrintan ku xidhay labo sharuudood oo qaramada midoobay ka biyo diiday, ah in xukuumadda Suuriya korjoogtayn ku lahaato qaybinta gargaarka si aanay uga faa’iidaysan kooxaha mucaaradka ah oo ay xukuumadda Suuriya u aqoonsan tahay argagixiso, sharuuda kale ayaa ah in qaramada midoobay hayadaheeda u qaabilsan gargaarka ay wada shaqayn la yeeshaan laannqarayta iyo bisha cas taas oo aan wax hawl ah ka fulin Karin deegaanada ay mucaardku maamulaan. Qaran News
-
Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir oo sheegay in Komishanku ay soo saari doonaan waxa uu Muuse Biixi Doonayo London(Qaran)-Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir oo xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay London ayaa dhaliilay komushanka doirashooyinka oo uu tilmaamay inay ku shaqeynayaan wuxuu madaxweyne Muuse Biixi doonayo. Waxa kaloo uu sheegay in Komishanka aanu ka sugayn caddaalad balse ay soo saari doonaan waxa uu madaxweynuhu doonayo. Caaqil Rashiid Jaambiir wuxuu ku booriyay qurbajooga taageera mucaaridka inay dhaqaale u huraan isbeddel doonka xisbiga WADDANI. Waxaanu ballan qaaday in iyaguna ay dalka ka dhalin doonaan isbeddel lagu reeyo oo nabadgelyo ku dhisan. Caaqil Rashiid Jaambiir wuxuu beelaha Isaaq u sheegay inay khaladkiisa u sheegaan Madaxweyne Muuse Biixi. Qaran News
-
Moscow (Caasimada Online) – In the shadow of the Wagner Group’s failed uprising against Vladimir Putin, a tension-filled specter looms over Turkey and Russia. This rising discord threatens the renewal of a vital agreement critical for allowing grain exports from Ukraine through the Black Sea. Turkey and Russia have persistently been at odds over a plethora of concerns ranging from Syria to Libya. However, they have compartmentalized these differences in recent years, enabling President Erdogan of Turkey to navigate a more balanced position on Ukraine. His mediation has led to crucial prisoner swap deals between Moscow and Kyiv and, importantly, a grain agreement that underpins global food prices. Furthermore, Turkey has become a refuge for Russian talent and capital fleeing from Western sanctions. As a testament to the complex nature of their relationship, strains are now emerging in this pragmatic arrangement right on the eve of a key NATO summit in Lithuania. The summit, scheduled to discuss increased support for Ukraine and Sweden’s alliance entry, is currently being impeded by Turkey. Turkey’s possible pivot With Erdogan’s re-election and signs of vulnerability in Moscow, some analysts perceive a possible pivot from Turkey towards increased alignment with the West. Others argue that Turkey strategically places its bets on all sides to ensure maximum gains for its national interests. The litmus test will be whether Turkey’s diplomatic balancing act breaches any of Moscow’s red lines. The resurgence of tensions was instigated by Turkey’s significant decision to let five ex-commanders of the Ukrainian garrison in Mariupol return home with President Zelensky post his Istanbul visit. Dmitry Peskov, the Kremlin spokesman, said this action contravened the prisoner exchange deal brokered last year and protested that Moscow hadn’t been informed. The grain deal In the backdrop of this escalation, talks to extend the soon-to-expire Ukraine grain deal are at a standstill. The Black Sea Grain Initiative, a Turkish-mediated agreement struck in September 2022 and renewed bi-monthly, ended Russia’s blockade of Ukrainian ports, allowing the country to export grain globally. Without Ukraine’s grain exports, global food prices could surge drastically, exacerbating the global cost-of-living crisis and potentially leading to famines in the most vulnerable regions. Russia has mulled over exiting this Turkish-brokered initiative several times. However, a deal has always been forged between Ankara and Moscow thus far. The Kremlin asserts that the grain deal is beyond resuscitation, with only direct talks between President Erdogan and Putin being capable of reviving it, as reported by Russia’s state-owned news agency, RIA. Erdogan and Putin are set to meet in Turkey this August. Signs of a Turkish shift? In the aftermath of the foiled Wagner Group’s coup against Putin and Russia’s catastrophic war losses, it’s speculated that Turkey may perceive a Russian weakness. If so, Ankara could be looking to realign its Moscow policy more congruently with its Western NATO partners, despite the risk of backlash from the beleaguered Kremlin. In the face of severe economic struggles, Turkey might find that synchronizing its policy more closely with the West is safer than pursuing its erratic doctrine of “positive neutrality.” Recently, Erdogan hinted that Ankara would endorse Sweden’s NATO membership in exchange for restarting negotiations on Turkey’s EU accession. An echo from September 2022 reports suggests that if Russia withdraws from the Black Sea Initiative, Turkey and Ukraine may proceed with the grain agreement without Russia’s participation, using Turkey’s significant naval presence in the Black Sea to guarantee the safe passage of Ukrainian export vessels. However, most analysts deem this scenario unlikely due to the implications for NATO’s Article 5 in the event of a direct clash between Turkey and Russia. Despite multiple attempts by The New Arab to obtain clarification on Turkey’s stance from the Turkish Ministry of Foreign Affairs, no response was received at the time of publication. The post A pivot West? Turkey’s realignment amid Russian strains appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa isbitaalka loola cararay, waxaana baaritaan caafimaad loo dhigay Isbitaalka Sheba ee magaalada Tel Hashomer. Waxaa la dhigay qolka gargaarka degdegga ah ee Isbitaalka Sheba ee magaalada Tel Hashomer, sida uu sheegay TV-ga Channel 12 ee Israa’iil. Netanyahu, oo 73 jir ah, oo ah hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa dalkaas, ayaa ka cabanaya xanuun feeraha ah, in kasta oo uu si buuxda u joogo miyirkiisu. War kooban oo ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu xaqiijiyay inuu ku sugan yahay Isbitaalka Sheba, waxaana lagu sheegay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay oo uu ku marayo qiimeyn caafimaad. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Israel oo si deg deg ah isbitaal loo dhigay appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay hooygiisa Kulan casho ah ugu sameeyay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka. Kulanka waxa ka qayb galay Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan. Mas’uuliyiintan ayaa waxay iska xog-wareysteen xaalada dalka gaar ahaan habsami u socodka shaqada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Guddoomiyeyaashii hore kaga mahadceliyay sida ay u soo ajiibeen kulankaan casho sharafta ah. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Aadan Madoobe oo Kulan la yeeshay Gudoomiyaashii ka horeeyay appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay isaga baxeen deegaanka Gamboole ee Galbeedka Gobolka Shabellaha Dhexe, kadib weerar dhinaca cirka oo Jimcihii ka dhacay deegaankaasi, oo 50km dhinaca galbeed kaga toosan Magaalada Jowhar. Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha saaxiibada caalamiga ay garaaceen goobo ay mintidiinta kaga sugnaayeen deegaankaasi. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in duqaynta ay ka dhacday laba goobood, waxyeelana lagu gaarsiiyay kooxaha argagixisada. “Laba gantaal ayaa lagu riday magaalada, Shabaab badanaa wax ku noqday, inta badana Shabaabka hadda magaalada dhexdeeda waa ka baxeen, meel ay aadeenna lama yaqaano,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow oo Universal TV la hadlay. Xildhibaan Jeesow ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Macawiisleyda ay hadda ku wajahan yihiin deegaankaasi, isagoona taasi u sababeeyay fatahaadda Webiga Shabeelle oo jartay waddooyinkii gelayay deegaankaasi. “Magaalada biyo baxa badanaa hareereeyay, mana la geli karo, marka dhinaca cirka ayaa laga duqeeyay, ciidan dhanka dhulka ka geli karana ma jirto,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow. Waxa uu intaa raaciyay “Marka aad magaalada tageysid waa inaad doon ku tagtaa, labada dhinac magaalada waxaa hareereeyay biya baxada webiga, illaa waddadii laamiga ee Daafeet tageysay ayay biyaha ku sii dhow yihiin. Fatahaaddan waxay ka dhalatay Kililka Shiinaha oo qarka jabsaday.” Shabaabka ayaa Gamboole ka sameystay fariisimahooda ugu weyn ee gobolka, ka dib markii wejigii hore ee hawlgalka looga soo saaray dhulkii ay ka maamulayeen bariga gobolkaasi. Fatahaaddan ayaa caqabad ku ah qorshaha socda ee yoolkiisu yahay in mintidiinta lagaga saaro daanta galbeed ee gobolkaasi. Dowladda Federaalka ayaa gadaal ka riixeysa in wejiga labaad ee hawlgalka uu noqdo mid aagag badan dagaal lagaga furayo deegaanada ay Shabaabku kaga sugan yihiin Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha. Hawlgalkan ayaa qayb ka ah guluf ay tahay in lagu xoreeyo deegaanada dhaca dhanka galbeed ee labada gobol ee Hirshabelle (Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe), oo hadda ay Shabaabka kaga sii harsan yihiin goboladaasi. Ciidamada ayaa wejigii hore ee hawlgalka ku xaqiijiyay in ay si buuxdo Shabaabka uga saaraan bariga goboladaasi. The post Al-Shabaab oo isaga baxay saldhigoodii ugu weynaa ee gobolka… appeared first on Caasimada Online.
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa isbitaalka loola cararay, isaga oo baaritaan caafimaad ku maray Isbitaalka Sheba ee magaalada Tel Hashomer, Sabtida maanta ah. Mas’uuliyiinta Israel aya sheegay in xaaladdiisa ay wanaagsan tahay, sida uu sheegay xafiiskiisa, iyada oo aysan jirin wax calaamado ah oo muujinaya suurtagalnimada inuu xilka wareejiyo. Waxaa la dhigay qolka gargaarka degdegga ah ee Isbitaalka Sheba ee magaalada Tel Hashomer, sida uu sheegay TV-ga Channel 12 ee Israa’iil. Netanyahu, oo 73 jir ah, oo ah hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa dalkaas, ayaa ka cabanaya xanuun feeraha ah, in kasta oo uu si buuxda u joogo miyirkiisu. War kooban oo ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu xaqiijiyay inuu ku sugan yahay Isbitaalka Sheba, waxaana lagu sheegay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay oo uu ku marayo qiimeyn caafimaad. Ilaa hadda ma cadda cidda bedeli karta haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah, oo keeni karta inuu gudan waayo waajibaadkiisa. Horraantii bishii Oktoobar, ayuu xanuunsaday xilli ay Yuhuuddu soomanayeen Yom Kippur, waxaana muddo kooban la dhigay cusbitaalka. Israa’iil ayaa ku jirtay toddobaadkan maalmo aad u kul The post Netanyahu oo isbitaal loola cararay iyo xaaladdiisa oo… appeared first on Caasimada Online.
-
6 Qodob Komishanka Doorashooyinka u FURAN. 6 Qodob oo LAGAMA MAARMAAN ah. 3 Qodob oo la GUDBOON. 3 Qodob oo aan SUURTOGAL ahayn Xog Ururin Indheergaradka Somaliland Ruugcaddaa Wariye Almis Golis Buurdhaab, (Indha Dheere) ayaa xog kasoo uruuriyey 12 usygy hura aqoonyahanka iyo haldoorka Somaliland ee siyaasadda sanceeya. Warbixintii oo kooban waxa lagu soo xooriyey qaybaha soo socda: 1. Bogaadin Waxaa la bogaadiyey oo loo guuxay in Komishanka doorashooyinku uu qaaday tallaabadii la gudboonayd oo ah WADATASHIYO uu la samaynayo qaybaha kala duwan ee saamileyda, daneeyeyaasha, kulaalayaasha iyo qaybaha kala duwan ee waxgaradka Somaliland. Wadatashiyadu arrimihii siyaasadda ee murganaa waxa ay kasoo saareen qolalka madow ee ay ku haysteen dhawrka qof ee danaha siyaasadeed ka dhex eegayey masiirka ummadda iyo murugga galay hannaankii dimuqraadiga Somaliland 2. Lix (6) Qodob oo Komishanka Doorashooyinka u FURAN Xog-ururintu waxay soo bandhigtay oo aqoonyahanka warkoodu ku soo uruuray in Komishanka u FURAN yihiin lixdan qodob oo kala ah: 1.In ay cayimaan doorashada URURRADA kaliya waqti koobanna u qabtaan, waqti xaadirkanna ka gaabsadaan midda madaxweynaha (sidii Madaxweynuhu rabay ku raacaan) 2.In ay cayimaan doorashada MADAXTOOYADA kaliya waqti koobanna u qabtaan, waqti xaadirkanna ka gaabsadaan midda ururrada (sidii Xisbiyadu rabeen ku raacaan) 3.In ay cayimaan in LABADA DOORASHO isku hal mar dhacaan oo isku sidkaan waqti dhawna u qabtaan (taladii ganacsatadu soo jeedisay) 4.In ay LABADA DOORASHOBA WAQTIYADOODA LA CAYIMO oo lasoo horaysiiyo doorashada URURRADA waqti koobanna loo dhaxaysiiyo 5.In LABADA DOORASHOBA WAQTIYADOODA LA CAYIMO oo lasoo horaysiiyo doorashada MADAXWEYNAHA waqti koobanna loo dhaxaysiiyo 6.In MADAXWEYNAHA loo daayo in uu DHAMMAYSTO labadii sano ee loo kordhiyey ka bacdina ay dhacdo doorasho MADAXWEYNE midda ururradana lagu celiyo halkii ay hore ugu jiri jirtay oo ah doorashada Goleyaasha Deegaanka ee 2026 3. Lix (6) Qodob oo Komishanka Doorashooyinka LAGAMA MAARMAAN u ah 1.In ay iska ilaaliyaan in ay qaataan hal arrin oo cid gaari riixaysay oo u dan ah daraf kaliya. Waa in ay qaataan talo guusha la wada leeyahay oo la iska wada dhex arkayo 2.Sidii caadada u ahaan jirtay Komishannadii hore, in ay kulmiyaan oo isu keenaan hogaamiyeyaasha siyaasadda, masuuliinta goleyaasha qaranka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada oo hordhigaan qodobada sare ee iyaga u FURAN. Waa in ay la wadaagaan qodob kasta tallaabooyinka sharci ama tashi ee ka dhalanaya kobka go’aankii la qaato. 3.In ay KALSOONI abuuraan oo soo ceshadaan aaminaadda iyo haybadda looga baahan yahay Komishan garsoona 4.Qodob kasta oo ay soo saaraan waa in ay raaciyaan qaabka uu ku fulayo ee ugu fudud 5.Xalka ay keenaan waa in uu noqdaa mid aan dib loogu noqon oo dhammaan daneeyeyaashu saxiixaan, weliba intii ay la tashadeen markhaatiyaal ka dhigaan 6.In ay isu arkaan in ay iyagu maanta noqon karaan KUWII SOMALILAND BADBAADIYEY 4. Saddex (3) aan SUURTOGAL ahayn 1.Madaxweynaha muddo-kordhintiisa haloo daayo oo ha dhammaysto, doorashada ururradana hadda hala qabto, 2.Doorashada doorashada ururrada kaliya hala qabto ta Madaxweynahana yaan laba soo hadal qaadin! 3.Doorashada Madaxweynaha kaliya hala qabto midda ururradana yaan lasoo hadal qaadin 1. Saddex (3) Qodob oo Komishanka la GUDBOON Marka la eego qabyooyinka sharci, duruufaha lagu jiro iyo murugga siyaasadeed, waxaa CAD in qodob kasta oo la qaataa u baahan yahay QABYO-TIR SHARCI. Tusaale ahaan waa la tixgeliyo muddo-kordhinta Madaxweynaha loo sameeyey oo gole qaran sharciyeeyey, sidoo kalena doorashada ururradu waxay u baahan tahay xeer u gaara. Sidaa darteed, waa lagama maarmaan in qabyooyinka shuruucda la tixgeliyo go’aankasta oo la qaadanayo. HADDABA, xogta lasoo uruuriyey waxa ay u badatay in xaaladan lagaga bixi karo labadan Qodob oo si is-oggol ah la isula qaato, kuwaas oo kala ah: 1.In muddo-kordhinta Madaxweynaha ee ku eg November 2024 la qabto doorashada Madaxweynaha oo waqtigiisa loo daayo, hase ahaateen markaas la qabto doorashada MADAXWEYNAHA KALIYA, midda ururrada dib loola doonto doorashadii ay ka mid ahayd 2.In labada doorasho ee URURRADA iyo MADAXWEYNAHA mar la wada qabto laakiin muddada dib loo dhigo oo sannadka dambe horaantiisa la qabto 3.In MUDDO KOOBAN loo dhaxaysiiyo labada doorasho oo lasoo horaysiiyo midda URURRADA laguna xigsiiyo midda MADAXWEYNAHA oo bilo loo dhaxaysiiyo TUSAN Qaran News
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Kulanka oo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen ku xigeennada labada Gole ee Baarlamaanka JFS, ayay u jeedadiisu ahayd ku wareejinta Guddiga Dib-u -eegista iyo La Socodka higelinta Dastuurka heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran si ay uga baarandegaan, uguna baddalaan luuqad qanuun oo dastuuri ah, isla markaana u soo gudbiyaan fadhiyada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay iyaguna waajibaadkooda Dastuuriga ah uga gutaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Madaxda Dowladda Fedreaalka, Madaxdii hore ee dalka iyo Siyaasiyiinta qaarkood ayaa habeenkii Jimcaha lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho. Shirkaas oo laba maalmood socday ayaa si adag looga dooday qodobo ka mid ahaa Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka, waxaana ka soo baxay war-murtiyeed talo soo jeedin loo bedelay. Qodobadda ugu adag ee madaxdii hore iyo siyaasiyiinta shirka la hortageen Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala ahaa: 1- Inay ka horjeedaan Muddo kordhin loo sameeyo Hay’adaha dowladda Federaalka e hadda jirta iyo Maamul Goboleedyada. 2- Wax ka beddelka Dastuurka iyo Nidaamka Doorashada Dalka inaysan suuragal ahayn in la qaato qodobadii Madasha Qaran. Labadaas qodob ayaa la sheegay inuu tixgelin siiyay madaxweyne Xasan Sheekh, balse aan wax ballanqaad ah bixin, laakiin arrinta culus ee Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta la yimaadeen ayaa ahayd inaan hore loogu socon hogeynta heshiiskii Madasha Qaran, iyadoo Puntland aysan qeyb ka ahayn. Ra’iisal wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa warbaahinta u sheegay inay dalbadeen in Puntland lagu soo daro go’aamada Madashada inta aan sharciyadda loo gudbin labada Aqal ee Baarlamaanka. Qodobkan ayaa waxa uu ka mid ahaa war-murtiyeedkii ka soo baxay shirka Muqdisho ka socday, balse waxaa lagu qeexay in loola jeeday in ka maqnaashaha Puntland uu dhaawac ku keeno karay go’aan ka gaarsita arrimaha la xiriira masiirka dalka. Puntland ayaa hora yuga hadashay go’aanka walaac badan horay u dhaliyay, iyada oo madaxweyne Siciid Cabdullaahi dani sheegay in aysan qayb ka ahayn dhamaan qodobadii ka soo baxay heshiiska. Isaga oo meel fagaare ah ka hadlayay ayuu sheegay Deni “in dalka meel qaldan lagu wado…Puntland na aysan quseyn qodobadii ka soo baxay shirka.” The post Xog: Qodobada ugu adag ee madaxdii hore hordhigeen madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
-
Guddida Doorashooyinka oo la Kulmay Ururrada Bulshada Rayidka ah Hargeysa(Qaran news)-Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland oo maalmihi u danbeeyay waday kulamo ku saabsan arrimaha doorashooyinka, ayaa maanta kulan la yeeshay ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland. Guddida doorashooyinka Qaranka ayaa maanta kulan la qaatay ururrada bulshada rayidka ah ee ka jira Somaliland, kulankaas ayaa intii uu socday lagaga wada hadlayay arrimaha doorashooyinka. Guddida komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa toddobaadkii dhawaa kulamo gooni-gooni ah la yeeshay Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxda saddexda xisbi Qaran iyo ururadda siyaasadda ee Somaliland. Kulamadaasi oo ay xubnaha komishanka doorashooyinku masuuliyiintaasi kala duwan xarumahoodda kula yeesheen ayay kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha doorashooyinka dalka ku soo foolka leh. Kulamadan koomishanku ugu talo badsanayaan ayaa yimid Kadib markii uu Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed, komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland dib ugu celiyay waraaq codsi ahayd oo ay kaga dalbanayeen in maxkamadda sare ay tafsiir sharci ka soo bixiso ta soo horaynaysa doorashooyinka madaxtooyadda, iyo ta ururadda siyaasadda. Qaran News
-
Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa war rasmi ah ka soo saaray xaaladda hubanti la’aanta siyaasadeed ee ka taagan Puntland. War-saxaafadeed ka soo baxay urur siyaasadeedka Mideeye ayaa looga hadlay mowqifka ururka ee furista Dastuurka Puntland iyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira. Ururka Mideeye waxa uu si cad uga horyimid qorshaha qalalaasaha sababay ee xukuumadda Puntland ku doonayso furista Dastuurka si wax ka beddel loogu sameeyo. Mideeye ayaa sidoo kale ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni in uu furista Dastuurka ku raadinayo mudda kororsi sharci-darro ah oo Puntland u horseedi kara xasilooni-darro siyaasadeed iyo mid amni. Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Urur siyaasadeedka Mideeye mowqif ka istaagay xaaladda hubanti la’aanta ah ee ka jirta Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mduane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta guddoomiyay kulan gaar ah oo uu la yeeshay xubnaha guddiga joogtada ah ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Kulankan oo ahaa oo kii afaraad ee aan caadiga aheyn ayaa waxaa goobjoog ahaa labada ku xigeen ee Golaha Shacabka iyo xubnaha guddiga joogtada ah ee baarlamaanka. Inta uu socday kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay xukuumadda usoo gudbisay guddoonka sare ee labada Aqal. Guddoonka iyo guddiga ayaa dood dheer iyo falanqeyn yeeshay heshiiskan, waxayna kadib ay isku raaceen in lagu wareejiyo guddiga dib u eegista, la-socodka iyo hirgelinta dastuurka si ay ugu soo shaqeeyaan, uguna dhigaan siiqad dastuur, ka dibna ay u horkeenaan fadhigga Golaha Shacabka Soomaaliya oo ugu dambeyn ka doodi doono heshiiskaasi. Tallaabada uu Golaha Shacabka u qaaday heshiiskan ayaa kusoo aadeyso, xilli ay weli taagan yihiin tabashooyin laga muujiyay qodobada kasoo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaranka oo ay ka horyimaadaan inta badan xubnaha mucaaradka ah. Sidoo kale, dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo aan qayb ka aheyn heshiiska ayaa hortimid, waxayna taas sii xoojisay walaaca laga muujiyay go’aanka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay taageero u raadineyso dowladda federaalka Soomaaliya. Madaxtooyada oo hormuud u ah dadaalladaas ayaa Khamiistii magaalada Muqdisho kusoo gabagabeysay shir wadatashi ah oo uu guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ay ka qaybgaleen inta badan madaxdii hore ee dalka. Shirka ayaa waxaa lagu gorfeeyay xaaladda guud ee dalka iyo sidoo kale heshiiska Golaha Wadatashiga oo qeexaya nooc doorasho iyo nidaam cusub oo dalka laga hirgelinayo. Si kastaba, baarlamaanka Soomaaliya ayaa leh go’aanka ugu dambeeya ee heshiiskan oo meel-marin doono ama iska diidi doono, maadaama hadda uu bilowday qorshihii ugu dambeeyay ee lagu horgeynayo, waxaana xusid mudan in Golaha Shacabka uu todobaadkii hore uu boorka iska jafay, kadib markii uu ka hortay isku day uga yimid xukuumadda. The post Sawirro: BF oo qaaday tallaabo la xriirta heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka appeared first on Caasimada Online.
-
Guddida Joogtada ee Guurtida oo Kormeeray Saldhigyada Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Guddida joogtada ee golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha guddidaasi xildhibaan Dayib Xasan Axmed, ayaa saaka kormeer ku tagey Saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa, markii guddidu saldhigaasi gaadheen waxa ku soo dhaweeyay taliyaha Saldhiga dhexe iyo ciidamadii goobtaasi joogay Guddida joogtadu waxa ay warbixin la xidhiidha xaalada maxaabiista, nadaafada saldhiga iyo tirada eedaysanayaasha ku xidhan ka dhageysteen taliyaha saldhiga dhexe, intaas kadib waxa ay kormeer ku sameeyeen xafiisyada Saldhiga, sidoo kale waxa ay soo eegeen xaalada maxaabiista ku jirta Saldhiga iyaga oo mid mid u wareystay, waxaanay u sheegeen maxaabiistu in si fiican loola dhaqmo xaaladooduna aad u wanaagsan tahay. Xildhibaan Dayib Xasan Axmed ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay kulankii taliyaha la qaateen iyo kormeerkii ay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa ku sameeyeen. Sidoo kale guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland waxa ay kormeer ku tageen saldhiga booliska degmada Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa, waxaana warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo la xidhiidha xaalada Saldhiga, maxabiista ku xidhan iyo nadaafadiisaba guddida uga waramay taliyaha saldhiga degmada Gacan Libaax. Markii kulankaasi iyo kormeerka saldhigaasi soo dhammaaday waxa warbaahinta warbixin ka siiyay guddoomiyaha guddida joogtada ee golaha guurtida Xildhibaan Dayib Xasan Axmed. Geesta kale guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland waxa ay kormeer ku tageen saldhiga degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa, waxaanay warbixin ka dhageysteen taliyaha saldhigaasi oo xafiiskiisa ku qaabiley guddida, isla markaana uga mahadceliyay kormeerkooda. Guddidu intaas kadib waxa ay kormeer xog ogaal u noqosho ah ugu tageen maxaabiista ku jirta Saldhiga degmada Ibraahim Koodbuur, iyaga oo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladooda guud. Haddaba markii kormeerkaasi soo dhammaaday waxa warbaahinta faafhaahin ka siiyay kormeerkii ay ku sameeyeen Saldhiga degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa, Maxaabiistii ay la kulmeen iyo xafiisyadii ay kormeereen guddoomiyaha guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland Xildhibaan Dayib Xasan Axmed. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay billowday ololaha dagaalka ka dhanka ah Musuq-maasuqa ayaa waxaa si weyn isbedal looga dareemay dalka, gaar ahaan ilaha uu dakhliga uga yimaada dowladda dhexe. Warbixin ay daabacday warbaahinta dowladda ayaa lagu soo bandhigay isbeddalka Dakhli ee haatan jira, kaas oo sare u kac sameeyay kadib dagaalka ay dowladdu billowday. Waxay warbixintu si gaar ah diiradda u saartay laba il dhaqaale oo kala ah adeegyada kordhinta Fiisaha iyo Fasaxa shaqada oo kamid ah ilaha dakhliga dowladda Soomaaliya. Sida ay warbixinta muujineyso ilahan ayaa sameeyey isbeddel dakhli oo aad u wanaagsan, laga soo bilaabo dabayaaqadii April ee sanadkan 2023-ka, kaas oo aad uga duwan sidii uu ahaa bilihii ka horreeyey kahor inta aysan dowladdu bilaabin dadaalka ay ugu jirto dabar-goynta musuq-maasuqa iyo xatooyada xoolaha dadweyne ee haatan ka socda dalka. “Dagaalka dowladdu kula jirto musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda ayaa ilaa xad wanaagsan waxa uu sameeyey isbeddel togan oo muujiyey in haddii saraakiisha ka howlgasha ilaha dakhligu ay si wanaagsan oo wafaqsan sharciga u qabtaan, u xisaabiyaan una xareeyaan isla-markaana maareeyaan ay dowladdu heli karto dakhli kaalin weyn ka qaata in dowladdu bixiso adeeg dadweyne islamarkaana ay xal u heli karto dhibaatada iyo cajsiga dowladda ka haysta xagga miisaaniyadda” ayaa lagu yiri warbixinta/ Sidoo kale warbixinta ayaa lagu soo bandhigay shaxda lacagaha lixdii bil ee lasoo dhaafay kasoo xarooday adeegyada kordhinta Fiisaha iyo Fasaxa shaqada oo muujinaya koror dhaqaale. Shaxda ayaa sidoo kale isgarab dhig ku sameysay dakhliga dowladda uga soo xarooday labadaas adeeg lixdii bil ee ugu dambeysay ee sanadkan 2023-ka. The post Maxaa iska bedelay dakhliga soo gala DF kadib billowgii la-dagaalanka musuq-maasuqa? appeared first on Caasimada Online.
-
Baarlamaanka Maraykanka oo Qoddobo Cusub ku Kordhinaya Xeerka Iskaashiga Somaliland Washington(Qaran news)- Baarlamaanka dalka Maraykanka ayaa la filayaa inuu ansixiyo qodobo cusub oo lagu kordhiyey xeerka iskaashiga Somaliland oo sannadkii hore lagu lifaaqay miisaaniyada ciidamada Maraykanka. Xildhibaano ka tirsan guddida Arrimaha Dibedda ee Wakiilada iyo Guurtida Maraykanka ayaa soo jeediyey qodobo cusub oo lagu kordhiyo xeerka. Baarlamaanka Maraykanka oo diyaarinaya xeerka miisaaniyada ciidamada Maraykanka ee 2024 ayaa soo jeedimaha cusub ee xildhibaanada qeyb ka yihiin qodobada cusub ee lagu kordhinayo xeerka iskaashiga Somaliland. Xildhibaanada Chris Smith iyo Marc Veasey oo labada xisbi ee Maraykanka ka soo jeeda ayaa qodobada cusub ee ay ku kordhiyeen xeerka iskaashiga Somaliland waxa ka mid ah; Joogitaanka Maraykanka ee Somaliland waxay; “Kordhinaysaa iskaashiga la dagaalanka argagxisada iyo wadaaga macluumaadka sirdoon si looga adkaado argagxisada Shabaab, ISS iyo kooxaha kale argagxisada. Ka hortaga kicinta qalaasaha Shiinaha ee Laascaanood, Somaliland. Taageerida kaalinta Taiwan ka qaadanayso ka hortaga faragelinta Shiinaha ee Somaliland. Qodobada cusub ee lagu kordhin doono xeerka iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka ayaa muujinaya in Maraykankau si weyn u doonayo xidhiidh iskaashi dhab ah oo dhexmara Somaliland. Qaran News
-
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta daah-furay barnaamijka Caddaaladda iyo Asluubta, si loo horumariyo in dadka Soomaaliyeed ay helaan Caddaalad iyo Garsoor Madax-bannaan oo qayb ka ah qorshaha Xukuumadda #DanQaran. Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo tilmaamay muhiimadda ay shacabka Soomaaliyeed u leedahay inay helaan Caddaalad hufan oo la isku halayn karo iyo garsoor madax bannaan ayaa sheegay in barnaamijkani wax wayn ka tari doono ballaadhinta adeegga caddaalada ee dalka oo dhan. Mudane Saalax ayaa uga mahad celiyay saaxiibbada caalamiga ah garab-istaaggooda ku aaddan in ay ka caawiyaan Hay’adaha Dawladda ka midha-dhalinta qorshaha Xukuumadda DANQARAN ee helitaanka caddaalad la isku hallayn karo iyo garsoor madax bannaan oo dalka oo dhan la gaarsiiyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Isaaq Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa ka hadlay xaaladda magaaladaasi, kadib markii la sheegay inay go’doomiyeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Maxamed Isaaq ayaa beeniyay wararka sheegaya inay Al-Shabaab xayiraad ganacsi kusoo rogeen Baydhaba, wuxuuna sheegay inuu shaqeynayo isku socodka gaadiidka iyo dadka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kooxda Al-Shabaab iyo dad leh dano gaar ah oo ay adeegsaneyso ay faafiyeen wararkaasi, si loogu marin habaabiyo bulshada. “Jid xiran ma leh mootaa mareyso, baabuur ayaa maraayo marka meelaha waxa la wado waa borobagaando” ayuu yiri wasiirka amniga ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in Koonfur Galbeed ay haatan wado guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, si looga xoreeyo guud ahaan saddexda gobolk ee maamulkaasi. Wasiirka amniga ayaa sidoo kale farriin u diray dadka shacabka ah, wuxuuna ka dalbaday inay u diyaar garoobaan wajiga labaad ee dagaalka lagu qaadayo kooxda Al-Shabaab. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xaalad adag laga dareemayo gudaha magaalada Baydhabo, kadib markii uu sare u kac ku yimid qiimaha raashinka ee suuqyada magaaladaasi, ayada oo loo sababeeyay ‘go’doon ay galiyeen’ xoogaga Al-Shabaab. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ka warbixiyay saameynta ka dhalatay go’doominta cusub ee ay Shabaab gelisay Baydhaba, wuxuuna sheegay in kiilada bariiska ah ay gaartay qiimo dhan 35 kun oo shilinka Soomaaliga ah. “Go’doominta ay Al-Shabaab kusoo rogtay Baydhaba waxa uu soo deg-degay markii maamulka Koonfur Galbeed uu is-hortaagay Macallimiin ay u yeertay kooxda” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay mid kamid ah warbaahinta gudaha. Baydhaba ayaa ah magaallo weyn oo ku taalla Koonfurta Soomaaliya waxaana ay hoy u tahay boqolaal shacab ah oo qaarkood usoo barakacay gudaha magaaladaasi. The post Maxay Koonfur Galbeed ka tiri go’doominta Al-Shabaab ee magaalada Baydhaba? appeared first on Caasimada Online.
