Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu mari la’yahay dagaal ka dhanka ah madaxda maamullada, oo ay qabaan qaar kamid ah kooxdiisa. Markii dib loo doortay madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa la filayay inuu bixin doono ragga gobollada xukuma oo ay qaar xoog ku sameysay dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo. Laakiin taasi ma dhicin. Waxaa jira xubno kamid ah kooxda madaxweyne Xasan Sheekh oo damac xooggan kaga jiro hoggaanka Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Waxaa la xaqiijiyay inay marar badan isku dayeen inay madaxweynaha ku riixaan inuu dagaal la galo ragga hoggaamiya Galmudug, HirShabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, laakiin taas weli waa la marsiin la’yahay madaxweynaha. Shirkii dhawaan kusoo idlaaday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ee u dhaxeeyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha mucaaradka ayaa markale daaha ka qaaday in uusan madaxweynaha rabin in maamullada laga jajabiyo. Inkasta oo xubno mucaaradka kamid ah ay dusiyeen war-murtiyeed qabyo ah oo ay ku muujiyeen inay xooga ogolaansho ah heshay diidmadooda muddo kororsiga maamullada, haddana Villa Somalia waa ka gaabsatay in mucaaradka ku raacdo war-murtiyeedkaas. Dhamaan qeybaha warbaahinta ee dowladda Soomaaliya laguma faafin qoraalkaas. Madaxweynuhu meel adag ayuu ka istaagay sida ay rabeen siyaasiyiinta mucaaradka in loo wajaho maamul-goboleedyada. Sababta ayaa ah waxa ugu badan ee ay dadku is-weydiinayaan, maadaama ragga maamullada xukuma ay wax taageero ah u fidin Xasan Sheekh markii uu musharaxa ahaa. Illo ku dhow-dhow madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga soo xiganaya in sababta madaxweynaha u diiday in maamullada la colaadiyo ay la xiriirto dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan wuxuu u wareegi doona Galmudug, halkaas oo uu fadhi ka sameysan doono waqti aan la xadidin, si uu halkaasi uga hoggaamiyo dagaalka, kadibna waxaa u xigi doonta Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Xasan Sheekh waxa uu rabaa in madaxda maamullada ay kala qeyb qaataan dagaalka, oo ay daacad ka noqdaan shaqadaas. Si uu uhelo kalsoonidooda iyo daacadnimadooda dagaalka ayaa sabab u ah in uusan isagu la galin dagaal siyaasadeed, sidoo kalena uu ka celiyo xubnaha kooxdiisa ee raba in la bixiyo madaxda maamullada. La-dagaalanka Al-Shabaab wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh u yahay hadafka koowaad, waa macquul inay jirto tabar yari ama farsamo xumo, laakiin waxa ugu weyn ee marwalba laga soo tabiyo madaxweyne Xasan Sheekh waa ka go’naashihiisa dagaalka Al-Shabaab. Si walba oo taas looga dhabeyn karo oo ay ku jirto in aan madaxda maamullada la colaadsan ayuu u dhaqaaqay Xasan Sheekh, sida laga soo xiganayo xubnaha isaga ku dhow-dhow. Ma ku faa’iidi doona difaaca uu u sameynayo madaxda maamullada, iyagu’se dagaalka daacad ma uga qeyb qaadan doonaan, waa su’aallo waqtiga loo dhaafi doono jawaabtooda. The post Kooxda Xasan Sheekh oo ku mari la’ dagaal ka dhan ah madax goboleedyada appeared first on Caasimada Online.
  2. 36 ajaanib ah oo ku eedaysan kalluumeysi sharci-darro ah ayaa maanta mar kale maxkamad lagu soo taagay magaalada Muqdisho. Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhegeysiga dacwad loo haysto 36 Eedeysane oo hore ay xukun ugu riday Maxkamadda Gobolka Banaadir. Xeer ilaaliye ku-xigeen guud ee Maxkamadda Racfaanka Yaxye Maxamuud Siciid ayaa gar-maqalka maanta ka sheegay in ay Maxkamadda hor keenayaan dhamaan cadaymaha lagu hayo 36 eedaysane. Dhammaan Raggan ku eedaysan kalluumeysiga sharci-darrada ah waxa gacanta ku soo dhigay Ciidanka Ilaalada Xeebaha dowladda Federaalka Soomaaliya. The post 36 ajaanib ah oo mar kale maanta Maxkamad lagu soo taagay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Senator Cabdullaahi Ismaaciil (Fartaag) oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa markale weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Jubbaland, ka dib wareysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka Caalamiga ah ee Universal. Fartaag ayaa wax laga weydiiyay khilaafka kala dhexeeyay Axmed Madoobe iyo sidoo kale dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee deegaanada maamulkaasi. Ugu horreyn Fartaag ayaa kashifay arrin dhex-martay isaga iyo Axmed Madoobe, wuxuuna ka sheekeeyay saaxibtimadii kala dhexeysay madaxweynaha Jubbland, maadaama uu horay usoo noqday ku xigeenkiisa, wuxuu qiray in kursiga Senatorka ee uu hadda ku fadhiyo uu i xiray laba mar, taasna ay ku timid wada shaqeyn iyo saaxibtinimo ka wada dhexeysay. Sababta wuxuu ku sheegay inuu isaguba horay abaal ugu galay, isla-markaana uu u xiray kursiga uu hadda ku fadhiyo, isla-markaana uu ololeeyay ayada oo la diidan yahay. “Kursi uu ii xiray waa jirtay waana kursi aan xaq u lahaa, kursigaana markii hore waa ii xiray, anne horay kursi ayaan ugu xiray kursi aan loo ogoleyn ayaana u xiray isaga oo la ogoleyn oo Sheekh Shukuul taagan yahay oo Gaandi uu taagan yahay oo kuwa kale ay taagan yihiin oo Mariixaan oo dhan ay taagan yihiin anaa u xiray anaa iri Jubbaland iyo Jubbaland diid ayaa is dagaalaya waa la wada ogyahay” ayuu yiri Sentor Fartaag. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in markaas uu doonayay inay dhisanto Jubbaland, lagana gudbo xaaladaha maanta taagan, si loo helo maamul mid ah oo dhameystiran. “Anaa dhoo dhoobay anaana u xiray oo raalli ka ahaa, waxaan ugu hiilinaayay inuu sytem dhismo kadibna aan Shabaab la dagaalano” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna ku eedeeyay Axmed Madoobe inuu kasoo horjeedo in Shabaab laga xoreeyo Jubbaland. “Axmed Madoobe ma ogolo in Al-Shabaab lala dagaalamo, mana ogolo in howl la qabto xeyndaab ayey u yihiin Soomaali waan u cadeynayaa ” ayuu mar kale yiri Senatar Fartaag. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Jubbaland ay wajaheyso xaalado kala duwan oo is biirsaday, sida xiisadda Gedo oo weli taagan iyo howlgallada Al-Shabaab. The post Daawo: Senator Fartaag oo kashifay arrin dhex-martay isaga iyo Axmed Madoobe appeared first on Caasimada Online.
  4. Wakiilo ka socda Suudaan ayaa gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga si ay dib u billaabaan wada-hadallada ay la leeyihiin Jabhadda Rapid Support Forces (RSF). Wada-hadaladii hore ee Jeddah oo ay fududeeyeen Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka ayay labadda dal hakiyeen horraantii bishii June kadib markii dhowr jeer la jebiyey xabbad-joojinta. Sucuudiga iyo Mareykanku Wali ma aysan xaqiijin in dib loo bilaabayo wadahadalka u dhaxeeya dhinacyada isku haya Suudaan. Dhanka kale, isku day dhexdhexaadin ah oo Masar ay bilowday Khamiistii, ayaa waxaa soo dhaweeyay militariga Sudan oo xiriir dhow la leh Masar iyo RSF. PUNTLAND POST The post Dhinacyada Suudaan oo wada-hadallo ku yeelanaya dalka Sacuudiga appeared first on Puntland Post.
  5. Shir ku saabsan dardar gelinta Amniga xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa lagu qabtay xaruntaas. Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa guddoomiyay kulanka. Kulanka ayaa mas’uuliyiinta waxaa ku wehlinayay guddoomiye ku-Xigeenka Amniga, siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye iyo mas’uuliyiin kale. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya iyo duqa magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa waxa ay fareen saraakiisha ciidanka ilaalada xarunta dowladda hoose in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah. PUNTLAND POST The post Shir ku saabsan Amniga oo lagu qabtay xarunta dowladda hoose ee Xamar appeared first on Puntland Post.
  6. Mogadishu (HOL) - US-trained Special Forces known as Danab conducted an operation in the Galmudug region on Sunday, killing at least 18 al-Shabaab militants. Source: Hiiraan Online
  7. Hargeisa (HOL) - A delegation of traditional elders from Mogadishu, who had been in Hargeisa for three months to mediate between the Somaliland government and the traditional elders of the SCC-Khatumo faction, returned to Mogadishu on Saturday. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) - Somalia's Ministry of Health has announced to regulate various medical sectors, including medicines, medical devices, biologics, herbal medicines, and medicated cosmetics, which is aimed at bolstering the nation's healthcare system, Source: Hiiraan Online
  9. Nairobi (Caasimada Onlin) – Wararka naga soo gaaraya xerada Xagardheer oo ka tirsan xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dhacdo xanuun badan ay ka dhacday halkaasi, kadib markii nin ku hubeysnaa mindi uu dil iyo dhaawac ka geystay. Eedeysanaha oo baxsaday ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Cabdullaahi, wuxuuna gowrcay wiil yar oo hal sano jir ahaa, isla-markaana uu Abti u ahaa, sidoo kale wuxuu dhaawacay walaashiis oo uur 8 bil ah laheyd, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Mid kamid ah mas’uuliyiinta deegaanka oo la hadlay Shabelle TV ayaa ka sheekeeyay, sida ay wax u dhaceen, wuxuuna tilmaamay inay aad uga argagaxeen falkaasi. “Halkan waxaa ka dhacday arrin aad iyo u fool xun, taas oo ah in wiil uu dilay walaashiis iyo wiil yar oo ilmaha halka sano jira oo guurguuranaayo inuu meeshaan ku dilo, wiilka yaraay wuxuu ku dhuftay toorey isaga oo ka geliyay dhuunta, kadibna gowracay” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhaawac halis ah uu soo gaaray gabadha, kadib markii uu ku dhuftay masaar iyo baangad uu watay eedeysanaha oo sidoo kale ah walaalkeed. “Gabadha walaashiis ah wuxuu ku dhuftay masaar dhanka madaxa ayuu kaga dhuftay kadibna Baangad ayuu usii raaciyay dhegta way go’day gabadha waxaa loo qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Wuxuu intaas ku daray “Waxaa kale oo jirtay in gabadha ay laheyd uur siddeed bilood ah dhacdadaas markii ay dhacday dadka balooga daganaa aad ayay u argagaxeen, waayo waa wax lagu cusub” ayuu markale yiri mid kamid ah mas’uuliyadda deegaanka ay wax ka dhaceen. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ninka falka geystay uu aad u isticmaali jiray maandooriyaha, isla-markaana hadda kahor la xiray, balse mar dambe lasoo daayay. “Waa nin fiyow, laakiin wuxuu kamid yahay dhalinyarada isticmaasha maandooriyaha” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay. The post Daawo: Nin gowracay wiil uu Abti u ahaa kadibna dhaawacay walaashiis appeared first on Caasimada Online.
  10. 10 most peaceful African countries in 2023 Regional Rank Country Overall Score Score Change Overall Rank 1 Mauritius 1.546 -0.029 23 2 Botswana 1.762 -0.052 42 3 Sierra Leone 1.792 -0.011 47 4 Ghana 1.799 0.014 51 5 Senegal 1.827 -0.024 52 6 Madagascar 1.846 0 55 7 Namibia 1.859 -0.032 56 8 The Gambia 1.888 0.059 59 9 Zambia 1.898 0.027 63 10 Liberia 1.946 -0.023 72 Qaran News
  11. Amongst the excitement of counting down to your holiday abroad and ticking off the never-ending to-do list, there’s one vital thing to be aware of before jetting off. You might be concentrating on packing up all the toys to keep the family entertained or some may be busy focusing on how many pairs of shoes they need for a week of backpacking, but remembering to check your passport expiry date is just as important. This is because there are a lot of countries you could be travelling to which require six months left on your passport. 70 countries you need 6 months left on your passport to travel to Here are the 70 countries that require six months of passport validity, according to VisaGuide.World. They are as follows: bracknellnews Afghanistan, Indonesia, Samoa, Algeria, Iran, Saudi Arabia, Anguilla, Iraq, Singapore, Bahrain, Israel, Solomon Islands, Bhutan, Jordan, Somalia, Botswana, Kenya, Somaliland, British Virgin Islands, Kiribati, Sri Lanka, Brunei, Laos, Sudan, Cambodia, Madagascar, Suriname, Cameroon, Malaysia, Taiwan, Cayman Islands, Marshall Islands, Tanzania, Central African Republic, Micronesia, Thailand, Chad, Myanmar, Timor-Leste, Comoros, Namibia, Tokelau, Côte D’Ivoire, Nicaragua, Tonga, Curacao, Nigeria, Tuvalu, Ecuador, Oman, Uganda, Egypt, Palau, United Arab Emirates, El Salvador, Papua New Guinea, Vanuatu, Equatorial Guinea, Philippines, Venezuela, Fiji, Qatar, Vietnam, Gabon, Rwanda, Yemen, Guinea Bissau, Saint Lucia, Zimbabwe, and Guyana. 41 countries you need 3 months left on your passport to travel to Meanwhile, there are 41 countries that require three months of passport validity if you’re hoping to enter. These are: Albania, Lithuania, Austria, Luxembourg, Azerbaijan, Malta, Belarus, Moldova, Belgium, Monaco, Bosnia and Herzegovina, Montenegro, Czechia, Nauru, Estonia, Netherlands, Finland, New Zealand, France, North Macedonia, Georgia, Norway, Germany, Panama, Greece, Poland, Honduras, Portugal, Iceland, Senegal, Italy, Slovakia, Jordan, Slovenia, Kuwait, Spain, Latvia, Sweden, Lebanon, Switzerland, and Liechtenstein. You can find out more information about passport rules on the VisaGuide.World website. If you need to renew your passport, head to the government website for advice. Qaran News
  12. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hooygiisa casuumaad ugu sameeyay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya. Kulanka casho sharafta ah waxaa lagu casuumay, Mudane Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan. Mas’uuliyiintan ayaa waxay iska xog-wareysteen xaalada dalka gaar ahaan habsami u socodka shaqada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Guddoomiyeyaashii hore kaga mahadceliyay sida ay u soo ajiibeen kulankaan, madaxada ayaa ka qeybgashay kulankii wadatashiga ahaa ee u dhaxeeyay madaxweyne Xasan iyo siyaasiyiinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Faa’iidooyinka aadan ogeyn ee ay basasha u leedahay ragga iyo dumarka XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES 2 Luulyo 2023 Cilmi-baarisyo badan ayaa daaha ka rogay in cunista/isticmaalka basasha ay faa’iido badan oo caafimaad leedahay. Inkastoo ay ay sababto ur dhanka afka ah, haddana waxay daraasadahaasi soo jeediyeen in qofku ka cuno in ku filan. Faa’iidooyinka basasha waxaa ka mid ah: 1: Waxay qeyb ka qaadataa hab-dhiska difaaca jirka Maadaada ku jirta ee loo yaqaan Phytochemicals ee laga helo basasha waxay jidhka ku badisaa Vitamin C, kaasoo u wanaagsan hab-dhiska difaaca cudurrada ee jirka, qofka basal dheellitiran cunana oo cuntada ku darsada waxa uu si fiican isaga difaacaa xannuunnada ay ka midka yihiin lafa-garaaca iyo hargabka. 2: Calool-xannuunka Basasha waxa ku jira waxyaabo daawo u ah xannuunka caloosha. Waxay dishaa bakteeriyada taas oo keenta in qofka cuna aannu caabuq calooshiisa ku sameysmin, halka ay sidoo kale ka caawiso in gaastarigga qofka aanu ku dhicin. 3: Dheellitirka sonkorta dhiigga ku jirta Qofka macaanka qaba waxa inta badan lagula taliyaa inuu cuntada ku darsado basasha, taasina waxay u horseeddaa in dhiiggiisa xaddiga sonkorta ee ku jirtaa dheellitirmo. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES 4: Qanjirka ragga kaadida Basasha waxa ay badisaa kaadida, waxa aanay daweysaa caabuqa ku dhaca kaadi-marennada iyo qanjirka ragga ee Prostate oo ay ka ilaaliso bararka. Wadnaha XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Basasha waxay u wanaagsan tahay wadnaha. Waxay hagaajinaysaa wareegga dhiigga waxayna xoojisaa muruqyada, waxay hoos u dhigtaa heerka kolestaroolka dhiigga iyada oo cadaadis saareeysa Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wasiirka batroolka Soomaaliya xildhibaan Cabdrisaaq Cumar Maxamed la doonayo inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabeelle, sida ay ogaatay Caasimada Online. Doorashada madaxweynaha HirShabeelle ayaa dhaceysa November 2024, markaasi oo ay ku egtahay afarta sano ee muddo xileedka madaxweyne Cali Guudlaawe. Inkasta oo aysan aheyn heshiis qoran ama dastuuri ah, haddana waxaa aad loo filayaa in madaxweynaha maamulka HirShabeelle uu marka xigto ka yimaado beesha Xawaadle, oo ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya inuu HirShabeelle geeyo shaqsi uu ku kalsoon yahay, taageero xoogganna ka heli kara beeesha Xawaadle, wuxuuna u arkaa xildhibaan Cabdirisaaq inuu yahay shaqsigaas. Xildhibaan Cabrirsaaq ayaa ka mid ah shaqsiyaadka aad ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna ka tirsan yahay xisbigiisa UPD ee madaxweynaha. Cabdirisaaq ayaa labadii goor ee madaxweyne Xasan Sheekh uu qabtay hoggaanka dalka, wuxuu ahaa wasiirka beesha Xawaadle ku matala dowladda, taasi oo muujineysa sida uu madaxweynaha ugu dhow yahay uguna kalsoon yahay. Qorshaha Cabdirisaaq looga dhigayo madaxweynaha HirShabeelle ayaa qeyb ka ah isku day madaxweyne Xasan Sheekh uu xisbigiisa iyo saaxiibadiisa ugu gacan gelinayo hoggaanka maamullada Galmudug iyo HirShabeelle, ayada oo Galmudug loo wado agaasimaha NISA Mahad Salaad. SI kastaba, Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu go’aansaday inaanu taaban Axmed Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe inta ay ka dhameysanayaan muddo xileedkooda, si aanu qalaalse siyaasadeed dalka uga abuurin, loona curyaamin dagaalka Al-Shabaab. The post XOG: Yuu XASAN u wadaa madaxweynaha HirShabelle? appeared first on Caasimada Online.
  15. WASHINGTON — A landmark agricultural deal brokered between Ukraine and Russia is set to expire on Monday, a revelation that is expected to further exacerbate the global fallout of the Kremlin’s ongoing war if Moscow refuses to renew the agreement. Source: Hiiraan Online
  16. Donald Trump promised to make America xenophobic again by bringing back his travel ban, a move that Rolling Stone reported he was considering in May. Source: Hiiraan Online
  17. A Somali national who fraudulently obtained a Kenyan National Identity Card was Tuesday July 11 charged in a Nairobi court. Source: Hiiraan Online
  18. Since turning to beekeeping a year ago, former pastoralist Abdi Isse Erag has been able to stabilise his earnings and raise his family’s living standard. Source: Hiiraan Online
  19. The Kenya Kwanza government has vowed to deal with terror groups head-on. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay gaari laga soo buuxiyey biraha lagu sameeyo baabuurta aysan xabadda karin oo Al-Shabaab ay kasoo direen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe. Gaarigan oo ahaa nooca UD ama Soomaaliya u taqaano Dhayno, ayaa laba toddobaad kahor lagu qabtay suuqa Bakaaraha, sida aan xogta ku helnay. Ciidamada NISA ayaa sidoo kale qabtay shan qof oo loo haysto inay gaariga la socdeen. Ilo-wareedyo ka tirsan NISA ayaa xaqiijiyey in gaariga uu agabka saaran usii gudbin lahaa gobollada Galmudug, oo ah meelaha la filayo inuu dagaal xooggan ku dhex-maro ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab. Qorshaha laga lahaa biraha ayaa ah in lagu sameeyo baabuur bullet proof ah, oo aysan xabadda karin oo Al-Shabaab kadibna ay u adeegsato inay weeraro ku fuliso. Al-Shabaab ayaa marka ay weerareyso xarumaha dowladda iyo saldhigyada ciidamada waxay adeegsataa gawaari bullet proof ah, taasi oo u sahleysa inay kontroollada ciidanka xoog ku dhaafaan, islamarkaana rasaasta lagu furo aysan waxba u gaysan, sidaasna ay ku galaan goobaha ay beegsanayaan. Kooxda Al-Shabaab ayaa bilihii dhowaa fulisay weeraro dhimasho badan oo ay ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyo xarumo dowladeed kuna laysay shacab iyo ciidamo badan. Mid ka mid ah sababaha ay adag tahay in weerarada noocan ah looga hortago ayaa ah xaqiiqda ah in Al-Shabaab ay adeegsadaan baabuur aysan xabadda karin kuna galaan saldhigyada iyo meelaha ay qarxinayaan, sida ay sheegeen saraakiisha NISA. Saraakiisha NISA ayaa sheegay in shaqsiyaadka lala qabtay gaariga oo hadda xiran lagu wareejin doono dacwad-oogayaasha dowladda si loo horgeeyo maxkamadda ciidamada qalabka sida, loona mariyo cadaaladda. The post Xog: Gaari ay Al-Shabab ka soo direen Jilib oo lagu qabtay Muqdisho – Maxaa saarnaa? appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay kulan casho sharaf ah ku maamuusay guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay hoyga guddoomiyte Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa lagu casuumay saddex guddoomiye hore oo kala ah Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo weli ka tirsan Golaha, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan. Guddoomiyeyaasha oo deegaan kasoo wada jeeda Koonfur Galbeed ayaa kulankooda uga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan Baarlamaanka, sida uu shaaciyay Aadan Madoobe. “Mas’uuliyiintan ayaa waxay iska xog-wareysteen xaalada dalka gaar ahaan habsami u socodka shaqada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa laghu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska gudodomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya. Sidoo kale Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay guddoomiyeyaashii hore sida ay usoo ajiibeen kulanka uu la yeeshay oo sidoo kale ahaa casho sharaf uu ku maamuusayay. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa saddexduba waxay kamid yihiin madaxda ka qayb-gashay shirkii madaxda dowlada federaalka & kuwii hore ee Khamiistii lagu soo gabagabeeyay Muqdisho. Shirkaas ayaa waxaa looga hadlay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay inta badan dood ka keeneen xubnaha mucaaradka, waxaana shirka uu kusoo dhamaaday jawi degan. Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskaasi, iyo sidoo kale dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo galaya wajigiisii labaad. Si kastaba, heshiiskan ayaa la filayaa in uu go’aan ka gaaro Baarlamaanka Soomaaliya, ayada oo haatan lagu wareejiyay guddiga dib u eegista, la-socodka iyo hirgelinta dastuurka si ay ugu soo shaqeeyaan, uguna dhigaan siiqad dastuur, ka dibna ay u horkeenaan fadhigga Golaha Shacabka Soomaaliya oo ugu dambeyn ka doodi doono heshiiskaasi. The post Muxuu A/MADOOBE kala hadlay gudoomiyeyaashii hore ee BF? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.