Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gal qorsheysan ku burburiyay jidgooyo iyo xarun ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd deegaanka Jameeco ee gobolka Baay. Xarunta lagu burburiyay howl-galkaan ayaa la sheegay inay kamid tahay fadhiisimo dhowr ah oo maleeshiyaadka kooxda ay doonayeen inay ku cuna-qabateeyaan shacabka ku nool gobolkaasi. Howl-galkaan oo dhacay maqribnimadii caawa ayaa waxaa lagu dilay xubno ka tirsan kooxda oo gaaraya 15, kuwaasi oo ay ku jiraan saddex horjooge, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. “Waxaa gabi ahaan la bur-buriyay jidgooyadii Khawaarijta (Al-Shabaab) waxaana goobta laga fasaxay gaadiidkii dadwaynaha ee ay halkaas ku xanibeen,” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo goordhoweyd kasoo baxay wasaaradda warfaafinta. Waa howl-galkii labaad oo ciidanka xoogga dalka muddo 24 saac gudahood ka sameeyaan wadadaan isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, gaar ahaan inta u dhaxaysa Leego iyo Buurhakaba. Halkaasi ayaa waxay kooxda Al-Shabaab ay isku dayaysay in ay ku xanibaan gaadiidka dadwaynaha si ay u dhibaateeeyaan shacabka ku nool gobolka Baay. Shalay ayey aheyd markii dagaal ka dhacay xuduuda Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe kooxda Al-Shabaab looga dilay ku dhawaad boqol dagaalame oo saraakiil sare ay ku jiraan. “Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa hawgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Soomaaliya waxa ay hawlgal qorsheysan oo cirka iyo dhulka ah maanta ka fuliyeen degaanada Gal-Libaax iyo Ceel Qurac oo dhaca xadka gobolada Galgaduud iyo Sh/Dhexe oo ay isku uruursanayeen koox Khawaarij ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda. Bayaanka wasaaradda warfaafinta DF ayaa intaas ku sii daray, “Hawl-galkaasi ayaa waxaa lagu dilay ku dhowaad 100 tirsan Khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal, iyadoo isla markaana hawlgalka lagu burburiyay goobtii ay dhagarta ku maleegayeen cadowga.” Howl-galkaasi ayaa waxaa gacan fiican ka geystay shacabka deegaanka oo wadashaqeyn wanaagsan la yeeshay ciidanka qaranka ee hawlgalka ku jiray, sida lagu cadeeyey bayaanka. The post Jidgooyo Al-Shabab dhigtay gobolka Baay oo la burburiyay iyo horjoogayaal la dilay appeared first on Caasimada Online.
  2. Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo ka hadlay go’doonka ay kooxda Al-Shabaab gelisay magaalada Baydhabo ayaa eedeyn yaab leh u jeediyay kuwa beesha Raxanweyn ee ku jira kooxda. Madaxweyne Lafta-gareen oo ka hadlayay shirka Golaha Wasiirrada ee maamulka ayaa sheegay in Shabaab-ka Raxanweyn ku jira uu yahay kan ugu xaasidsan uguna daciifsan ee ku jira kooxda, marka la eego dhiggooda beelaha kale ee qeybta ka ah Al-Shabaab. “Waxay rabaan in hooyadood iyo caruurtooda inta joogaan oo nin kale oo Soomaaliyeed uu ku qanciyo waa la cuna-qabateyna, ayagana ay ku qancaan oo raali noqdaan, halka dadkii kale ee lamidka ahaa ee iyaga la jooga yiraahdan meel hebla lama cuna-qabateyn karo oo shacab ayaa jooga,” ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen. Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in dadka kasoo jeedo deegaankaas ee ku jira kooxda ay raali ka noqdaan go’doominta Baydhabo. “Anaga meeshii ugu xumeyd ayuu nooga soo toosay oo dadkii ugu daciifsana ayaa noo tegay Al-Shabaab, nasiib darro waaye laakiin in aan sidaas u barano oo saas u ogaano ayaa muhiim ah,” ayuu yiri madaxweyne Lafta-gareen. Waxa uu intaas sii raaciyay “Nin lagu qancinaayo hooyada iyo aabaha waa la go’doomina, hooyadey iyo aabaheyna lama go’doominayo oo aan iyaga aheyn (Raxanweyn) lagama helayo Soomaali ama Shabaab.” Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli magaalada Baydhabo ay wajaheyso xaalad adag oo ay sababtay go’doomin ay magaalada ku sameeyeen kooxaha argagixisada, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab. Ganacsatada magaalada Baydhabo oo raashinka uga soo dego dekedda magaalada Muqdisho ayaa awoodi la’ inay magaalada galiyaan badeecada, waxaana muddo toban cisho ka badan xayiran dhamaan gaadiidkii adeegyada u siday magaalada Baydhabo. Jihooyinka oo dhan ayay fadhiisteen. Arrintan ayaa sababtay inay wax walba saddex jibaar kor u kacaan xaga qiimaha. Boqolaal kun oo barakacayaal ah ayaa sidoo kale degan magaaladaan, waana dhibaato horleh go’doominta iyo cuna-qabateynta ay argagixisada ku sameysay magaalada Baydhabo. Si kastaba, Waa markii koowaad oo ay magaalada Baydhabo sidaan ku sameeyaan laakiin deegaanada kale ee Koonfur Galbeed sida; Xudur, Waajid iyo Ceelbarde ayay hore sidan oo kale u cuna-qabateeyen. Kooxda ayaa la sheegay inay ka caratooy in la xiray macalimiin iyo maamulayaal iskuul iskugu jira oo ajiibay amar u yeeris ah oo kaga yimid kooxda Al-Shabaab. Waxaa jirtay xilli ay 80 KM magaalada u jireen oo ay middaan oo kale sameyn karin, laakiin maanta aad ayay magaalada qarka ugu saaran yihiin. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo C/casiis Lafta-gareen: Raxanweyn waa kuwa ugu xaasidsan uguna daciifsan ee… appeared first on Caasimada Online.
  3. Laascaanood (Caasimada Online) – Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo oo maanta shir ku yeeshay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa raali-gelin siiyay dowladda federaalka Soomaaliya. Isimida dhaqanka SSC ayaa dowladda federaalka ka raali-galiyey hadalkii uu hoggaankooda dhawaan u jeediyay ee ahaa in uu raali ka yahay maamulka Xamar duqeynta magaalada Laascaanood ay ka wado Somaliland. War-murtiyeed kasoo baxay shirka Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa waxaa sidoo kale dowladda federaalka looga codsaday in aanay simin SSC iyo kuwa dalka kala goynaya, sida la fahmi karo loola jeedo Somaliland, oo ay si weyn isku hayaan. “Waxaan uga mahad-celinaynaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida ay ugu soo gurmadeen dhaawacyadii iyo dadkii ka barakacay magaalada Laascaanood iyo taageeradooda kaleba,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay SSC-Khaatumo. Sidoo kale waxay madaxda sare ee dowladda federaalka ka codsadeen in ay sugto xuquuqda dadka iyo deegaanada SSC-Khaatumo ee ay masuulka ka tahay, soona dadajiso wixii ay xaq ugu lahaayeen dowladda. “Waxaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo shacabka Muqdisho uga mahad-celineynaa soo dhaweyntii diiraneyd ee ay y sameeyeen isimid SSC-Khaatumo markii ay booqashada ku tageen Muqdisho.” Ugu dambeyntiina waxa uu hoggaanka SSC ka dalbaday beesha caalamka in caawimo deg deg ah ay la soo gaaraan dadka laga barakiciyay deegaanada SSC, kuna dagaalameen ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka. Dhawaan ayay aheyd markii Gaaraadka guud ee SSC, Garaad Jaamac Garaad Cali uu dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay Somaliland ku garab siisay dagaalka Laascaanood, sidoo kale caalamka ay isaga aadisay dagaalka lagu hayo Laascaanood. Garaadka ayaa sheegay in caalamkii ay uga dacwoon lahaayeen Somaliland ay ka hor taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku doodeysa inay xal u keeneyso xiisadda Laascaanood, sida uu shegay Garaadka. Garaadka Guud ee SSC ayaa sidoo kale xilligaas waxa uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya usoo jeediyay in mooshin deg deg ah uu ka keeno madaxweyne Xasan Sheekh. Si kastaba, raali-gelinta uu maanta hoggaanka sare ee SSC-Khaatumo uu siiyay dowladda federaalka ayaa meesha ka saareysa eedeymihii hore iyo soo jeedintii BF ee ka dhanka aheyd madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. The post Khaatumo oo DF ka raali-gelisay gefkii Garaad Jaamac appeared first on Caasimada Online.
  4. Golaha isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya raalli-gelin ka siiyay hadalkii ahaa in ay raalli ka tahay duqaynta Somaliland ka waddo Laascaanood. War-murtiyeed ka kooban lix qodob oo ka soo baxay isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa raalli-gelin lagu siiyay dowladda Federaalka Soomaaliya. War-murtiyeedka ayaa sidoo kale looga mahadceliyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa sida ay uga qayb qaateen gurmadka dhaawacyadii reer SSC. SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsaday in ay sugto xuquuqda shacabka SSC islamarkaana soo de dejiso wixii ay xaq ugu lahaayeen dowladda. Isimada dhaqanka SSC ayaa sidoo kale Beesha Caalamka ka dalbaday in ay gurmad deg deg ah u sameeyaan dadka rayidka ah ee ku bara-kacay colaadda Laascaanood. PUNTLAND POST The post Isimada dhaqanka SSC-Khaatumo oo raalli-gelin siiyay dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhamaadka sannadka dambe waxaa ku eg muddada joogitaanka ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya waxay iyana isku diyaarinaysay inay amniga la wareegto marka askariga ugu dambeeya ee ciidanka nabad ilaalinta uu dalka ka baxo. Ciidanka ATMIS oo hore u ahaa hawlgalka AMISOM waxay Soomaaliya ku sugnaayeen tan iyo 2006, waxaana tiradii ugu badnayd ee ciidankaas ay gaartay 22,000 oo askari ka hor inta aan la bilaabin hawlgalka lagu dhimayo tirada askartaas badankood laga keenay Uganda, Burundi, Itoobiya iyo Jabuuti. Labada kun ee askari ee ATMIS ay dhintay ayaa markii la diray ka dib waxaa dawladda Soomaaliya lagu wareejiyey xeryo ku yaalla gobollada Shabeellooyinka iyo Gedo ee koofurta Soomaaliya kuwaasoo ay ciidankaas ka hawlgali jireen, waxayna kala yihiin Geriley, Marka Ayub, Jaziira 1, Cadale, Arbacow, Miirtaqwo, Xaaji Cali. Mushaarka iyo faa’iidooyinka kale ee dhaqaale ee askariga Atmis Mushaarkooda iyo kharashka ku baxaya hawlgalka waxaa bixiya Midowga Yurub, waxaana la qorsheeyey in askari kasta uu qaato dhamaadka bisha lacag 700 oo Yuuro ah, taasoo u dhiganta wax inyar ka badan $1000. Dawladaha ay askartaas ka socdaan waxay askari kasta ka goostaan $200, waxaana lacagta tooska ugu soo dhacaysa askariga ay noqonaysaa $800. Dawladda Soomaaliya waxay qorshaynaysaa in ay mushaarka ciidanka ATMIS ee baxaya loo wareejiyo ciidanka Soomaalida ee amniga la wareegaya, laakinse BBC si madax banaan uma xaqiijin warkaas. Mushaarka iyo faa’iidooyinka askariga Soomaaliga ah “Xilligii Farmaajo uu ra’iisul wasaaraha ahaa, Sheekh Shariifna uu madaxweynaha ahaa ayaa la bilaabay in ciidanka mushaar la siiyo, waxaana lagu bilaabay min 100 Doollar askarigiiba, xiddigle ilaa sarreeye gaas, laakin markii madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka qabtay oo ku meel gaarka laga baxay ayaa heerar loo kala sameeyey ciidanka, kuwaasoo ku salaysan sida look ala sarreeyey darajo ahaan” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo codsaday in aynaan magaciisa sheegin. Wuxuu intaa ku daray in dhowr goor isbeddel lagu sameeyey mushaarka, laakinse hadda wuxuu sheegay sarkaalkaas ka tirsan xoogga dalka ee codsaday in aan maagaciisa la sheegin in mushaarku uu hadda marayo lacag in yar ka badan $200 inay qaataan askarta aan saraakiisha ahayn, halka saraakiishana ay qaataan lacag intaa kabad oo ka bilaabanaysa xiddiglaha oo qaata lacag ka badan $250, ayadoo sarreeye gaasna uu qaato kun iyo dhowr boqol oo Faa’iidada aan mushaaraka kaliya ahayn ee askartu ay helaan waxaa ugu horreeya raashinka, waxaase u dheer gunnooyin aan la xaqiijin inta ay yihiin. Ciidamada ay dalalka ajnabiga ah tababareen, sida Gorgor iyo Danab, ayuu sarkaalkaas sheegay in ay helaan “gunnooyin dheeraad ah oo u dhigma mushaarkooda”. Dadaalka Dawladda Soomaaliya La taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Amniga Xuseeen Macalin ayaan wax ka weydiinay in marka ay baxaan ciidamada ATMIS, dhaqaalihii ay Midowga Yurub ku bixin jireen loo weecin doono Kuwa Soomaaliya. Xuseen ayaa yiri: “Runtii arrinta dhaqaalaha waxay ku aaddan tahay sidii ay Midowga Yurub ciidamada Soomaaliya ugusoo wareejinlahaayeen taageerada ATMIS ku baxaysa, baddalkeeda ay ciidamada Soomaaliya ku awood siiso.” Wuxuu intaas ku daray in dawladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay lixdii bilood ee u dambeysay “kala saxiixdeen heshiis sidii hore ka ballaaran”. Dhaqaalaha ay dawladda Soomaaliya weydiinsanayso Midowga Yurub oo aan la taliyaha ka codsannay in uu nala wadaago inta uu la egyahay ayuu ka gaabsaday, balse waxa uu sheegay in uu yahay dhaqaale malaayiin doolar ah. Taas oo ah boqolkiiba ka ka mid ah kan hadda ay ku bixiyaan ATMIS. Soomaaliya ayaa dhawaan Midowga Yurub kulan kula yeelatay magaalada Brusels ee xarunta u ah iyagfa oo sida uu sheegay Xuseen ay kawada hadleen arrimaha kor ku xusan ee ah sidii Taageerada ciidamada Soomaaliya uu Midowga Yurub usii wadi lahaa ka dib marka ay baxaan ciidamada Midowga Afrika. Maamulka lacagta, Waddada ay soo marto iyo halka ay ka timaado Sida laga soo xigtay mid ka mid ah wargeysyada gobolka ka soo baxa oo ah the East African Standard, golaha midowga Yurub wuxuu bishii Luulyo ee sannadkii hore ansixiyey lacag dheeraad ah oo gaaraysa 130 malyan oo doollar oo lagu darayo lacagihii loo aruuriyey hawlgalka AMISOM/ATMIS 2021. Midowga Yurub wuxuu sheegay in dhaqaalaha ATMIS la siiyo uu ka yimaado komishanka Yurub, uuna gaaro komishanka Afrika, taasoo ah hay’adda lacagta loo sii mariyo dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya. Weli waxaa adag in la xaqiijiyo sheegashada dawladda Soomaaliya ay sheegayso in mushaarkii ciidanka ATMIS lagu wareejinayo milateriga Soomaaliya, laakinse waxaa jira qorsheyaal ay waddamada galbeedku ku caawiyaan dhismaha ciidanka iyo sugidda amniga. Xukuumadda Soomaaliya waxaa 2019 soo food saaray cadaadis kaga yimid beesha caalamka kaasoo la xiriiray in ay askarta mushaarkooda ku siiso xisaabaadka bankiyada, si aysan u dhicin in wax is daba marin la sameyo oo ciidanku ay waayaan lacagta ay helaan. Waxaa kaloo isla xilligaas ay saraakiil ogaadeen kumanaan magacyo askareed ah oo aan jirin ama ciidanka mar hore ka tegey in ay weli ku jiraan liiska lacag bixinta. Bixitaanka qaybta u horreysa ee ciidamada ATMIS ayaa kusoo beegmaysa xilli ay dawladda Soomaaliya sheegtay inay isu diyaarinayso wajigii labaad ee hawlgalkii ka dhanka ahaa Al-Shabab. Isha: BBC Somali The post Is-barbardhiga mushaarka askariga Soomaaliga ah iyo kan ciidamada ATMIS appeared first on Caasimada Online.
  6. Isimada Sool oo Raaligelin ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Garaad Jaamac Garaad Cali Laascaanood, (Qaran news)- Isimada dhaqanka Sool ayaa raaligelin ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya inuu la socdo Somaliland. Warsaxaafadeed Garaadadu soo saareen, ayaa lagu taageeray Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay sheegeen inay si wacan ka yeeleen dhaawacyadii loo qaaday Muqdisho. Warsaxafaddeedkaasi wuxuu lafjab ku yahay hadalkii ka soo yeedhay Garaad Jaamac oo looga bartay hadallo xanaf leh. Waxaanu u qornaa sidan: Qaran News
  7. Xildhibaan ka reer Awdal ah oo Taageeray Cali Xaamud Hargeysa(Qaran news)-Xildhibaan Mukhtaar Xasan Maydhane oo ka tirsan Xildhibaannada mucaaridka ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta shaaciyay inuu u tanaasulay Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo ay ka soo wada jeedaan gobolka Awdal. Xildhibaan Maydhane oo u sharraxnaa Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada, ayaa sheegay inuu u tanaasulay laba qoddob oo ah in aanay wiiqmin kaalintii xisbiyada mucaaridku ku lahaayeen shirguddoonka Wakiillada iyo in aanay is carqaladoobin markii u horreysay ee ay reer Awdal isku soo sharraxaan xilka Guddoomiyaha aqalka Wakiillada. “Waxaan u tanaasulay in aanay wiiqmin kaalintii mucaaridku ku lahaayeen shirgudoonka Golaha Wakiillada, sidoo kale waxaan u tanaasulay in aanaan is carqaladeyn reer Awdal haddii aanu nahay iyadoo markii u horreysay aanu isu soo sharraxnay guddoomiyaha Wakiillada,”ayuu yidhi Xildhibaan Maydhane. “Cali Xaamud Jibriil waxaan kugu ogahay inaad maalintaas doorashada adigu isku soo sharaxdo guddoomiyaha Golaha Wakiillada adigoo metalaya reer Awdal. Waxaanan ku leeyahay waad wada metashaa Awdal iyo Soolba,”ayuu yidhi Xildhibaan Mukhtaar Maydhane, waxaanu sheegay inuu guul u rajaynayo Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil. Cali Xaamud Jibriil ayaa u mahadceliyay Xildhibaan Maydhane, waxaanu tilmaamay in taariikh weyn tahay in reer Awdal isu tanaasulaan, wuxuuna sheegay in ka turjumayso sida reer Awdal uga middaysan yihiin inay xiliga qabtaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada. Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta si toos ah uguda gashay kiis musuq-maasuq ah oo loo haysto 4 mas’uul oo ka tirsan dowladda dhexe. Afarta mas’uul ee la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa kala ah, 1-Cabdullaahi Maxamuud Cosoble, 2-Cumar Macalin Nuur, 3- Saabir Xasan Cabdinuur iyo 4-Aadan Maxamed Cabdi oo dhammaan ka shaqeynayay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. Eedeysanaha koowaad Cabdullaahi Maxamuud Cosoble oo ah agaasimaha waaxda socdaalka ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inuu lunsaday lacag dhan ($560,500) shan boqol iyo lixdan kun iyo shan boqol oo dollar. Sidoo kale ninkan ayaa waxaa loo haystaa inuu dukumentiyo been abuur ah ku qaatay lacago dowladeed, sida uu shaaciyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka. Cumar Macalin Nuur oo isna ah agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xeer ilaalinta qaranka kusoo eedeysay inuu lunsaday ku dhawaad 7 milyan oo dollar, taas oo ahayd hanti dadweyne oo uu mas’uul ka ahaa. Eedeysanaha 3-aad Saabir Xasan oo ah madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa isaguna loo haystaa lunsashada dakhli dowladeed oo gaarayay ($482, 730) Afar boqol siddeetan iyo labo kun, todobo boqol iyo soddon dollar, taas oo ay maxkamaddu sheegtay inuu u maray warqado been abuur ah. Ninka afaraad waa Aadan Maxamed Cabdi oo isna ah maamulaha qaadashada Visaha ee waaxda Viso kordhinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaa lagu soo eedeeyay inuu qaatay lacag dhan ($88,640) siddeedan iyo siddeed kun iyo lix boqol iyo afartan dollar, isag aoo isticmaalayay warqado lacag qabasho iyo shaabado been abuur ah, sida lagu sheegay eedda. Dhanka kale, qareenadda u doodaya afarta eedeysane oo maxkamadda ka hor hadlay ayaa iyaguna ka horyimid eedeymaha qaar oo ay tilmaameen inay baalmarsan yihiin sharciga. Maxkamadeynta ayaa weli sii socota, waxaana la filayaa in kama dambeyn ay go’aan rasmi ah soo saarto Maxkamadda Gobolka Banaadir oo qaadeysa dacwaddan xasaasiga ah. Dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku guda jirto dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo xiray mas’uuliyiin dhowr ah, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen dalka. The post Daawo: Afar mas’uul oo la horgeeyay maxkamadda G/Banaadir + Lacagta loo haysto appeared first on Caasimada Online.
  9. Shirka gollaha wasiirada dowladda Koonfur Galbeed oo uu gudoomiyey Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa laga soo Saaray go’aano ku saabsan Al-shabaab iyo inaan lala mcaamili karin sida madaxtooyadu ay baahisay. Madaxweyne Laftgareen oo shirka ka dib hadlay ayaa ugu baaqay bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kadib markii go’doon la saaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulkaasi. Hadalka iyo amarrada kasoo baxay ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xilli magaalada Baydhabo go’doon lagu soo rogay dhawaan ay saameyn ku yeelatay bulshada ku nool, kadib markii Al-shabaab ay diideen ganacsigii gali jiray magaalada ee ka imanayay dhanka magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadlay Amniga Guud ee dalka iyo Dib-u-habeynta Hannaanka iyo Maamulka Dowladnimada casriga ah. Golaha ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixin ku saabsan amniga dalka iyo guulaha laga gaaray xoreynta iyo xasillinta dalka, taas oo qeyb ka aheyd tiirarka amniga xukuumadda DANQARAN ee uu hoogaamiyo Ra’iisulwasaare Xamse Golaha ayaa bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka lagula jiro Khawaarijta, iyada oo jab xooggan lagu gaarsiiyey argagixisada howlgallo qorshaysan iyo dagaallo guulo laga gaaray oo laga fuliyey qaar kamid ah gobollada dalka. Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa loo soo bandhigay Habka Maareynta Waxqabadka Iyo Adeeg Siinta Bulshada oo wax badan kusoo kordhin doona Isbeddelka Qaybaha Dowladda, sida Hoggaaminta toosan, Maamul-Wanaagga iyo Hirgelinta Istiraatijiyadaha u Horseedi kara Soomaaliya Horumar Dhaqan-Dhaqaale oo Deg-deg ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Mogadishu (HOL) - Banadir Regional Court on Thursday started live televising trials against four junior officials from the Immigration department, who are facing charges of corruption and public theft. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ka fakaraya tallaabo ka dhan ah wasiirka ganacsiga Soomaaliya Jabriil Cabdirashiid oo hadal uu dhowaan jeediyey fadeexeeyey dowladda federaalka. Xilli madaxweyne Xasa Sheekh iyo Xamza Cabdi Barre ay wadaan dagaal ka dhan ah musuq-maasuqa, si loo dhiso magaca iyo sumcadda dowladda, ayuu wasiir Jabriil guddi baarlaman ka hor sheegay in dadka ugu horreeya ee uu shaqaaleysiinayo ay yihiin ehelkiisa. “Shaqaalaha dowladda Soomaaliya ee 4.5 lagu saleeyay, mab’da aad qabtid ee ah walaashaa iyo walaalkaa ama nin kugu qaraabada ayaa qortay ma qabi, haddaa ku sheegaa ninka u sokeeya ee aan wax siinayo waa ninka qaraabadeyda hadda u heli karo meel, waxaa rabaa in si saraaxa iskaga hadlo,” ayuu yiri wasiir Jabriil Cabdirashiid. Hadalkan ayaa hadal hayn badan ka dhex-abuuray baraha bulshada Soomaalida, wuxuuna banaanka keenay nidaamka eexda ku dhisan ee shaqaalaha dowladda lagu qoro. Arrinta yaabka leh ayaa ah in wasiirka uusan been sheegin, balse uu si shaacsan u sheegay arrin la wada ogyahay oo dhammaan wasiirada iyo madaxda dowladda ay sameeyaan, oo ah in dadka ehelka la ah ay shaqo siiyaan, ayaga oo aan ku xulan karti iyo aqoon. Si kastaba, hadalkan ayaa la sheegay inuu ka caraysiiyey ra’iisul wasaare Xamza aadna uga xumaaday, waxaana ilo-wareedyo ka tirsan xafiiskiisa ay Caasimada Online u sheegeen inuu ra’iisul wasaaraha ka fakarayo inuu xilka ka qaado wasiirka. “Ra’iisul wasaaraha wuu ka carooday hadalkaas, wuxuuna doonayaa inuu wada-hadal la yeesho wasiirka, waxaana suurta-gal ah in xilka laga qaado,” ayuu yiri ilo-wareed ka tirsan xafiiska Xamza. Dhinaca kale, wasiir Jabriil Cabdirashiid, oo shalay shir jaraa’id qabtay, ayaa raali gelin iyo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey hadalkii fadeexadda dhaliyey. Wuxuu sharxay hanaanka loo maray shaqaale 10 qof ahaa oo laga ruqseeyey hey’adda Tayodhowrka oo hoos tagta wasaaradda ganacsiga iyo sida lagu qoray 10 qof oo kale oo boosaskaas loo qaatay. “Shalay waxaa la ii fahmay in 10-ka qof aan bedelay oo dadkeyga aan ku bedelay, sidaas uma shaqeyno guud ahaan dadka Soomaaliyeed ayaan wasiir u ahay, hal qof kuma lihi dadka la igu heysto,” ayuu yiri wasiir Jabriil. Sidoo kale wasiirka ayaa cadeeyey inuu ogolyahay in lasoo wareysto shaqaalaha. “Warbaahinta waan ku marti qaadi karaa, si loo wareysto haddii ay jiraan shaqaale tabasho naga qaba,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. The post Xog: Xamza oo ka fakaraya inuu eryo WASIIR sameeyey arrin fadeexad culus dhalisay appeared first on Caasimada Online.
  13. Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay Garoowe ayaan ansixiyay gobol cusub oo loogu magac daray Raas Casayr. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa guddoomiyay Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ah guddoomiyaha Golaha, waxaana wehelinayay ku-xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame. Ugu horreyn Golaha ayaa ka dooday Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka, kaas si faah-faahsan uga hadlaya Arrimaha Deegaanka guud ahaan, waxayna doodiisa soctay maalmihii la soo dhaafay. Kadib Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa Cod aqlabiyad leh waxaa ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Xeerkan oo ay Oggol ugu codeeyay 43 mudane, cid diiday ma jirin, cid ka aamustayna ma jirin. Sidoo kale Xildhibaanada Puntland ayaa kulankooda cod aqlabiyad leh waxay ugu meel-mariyeen Ansixinta Gobolka cusub ee Raas Casayr oo horay loo oran jiray Gardafuu. Waxaa Oggol ugu codeeyay illaa 44 mudane, diidmo 2, cid ka aamustayna ma jirin, sida uu ku dhowaaqay guddoonka sare ee Golaha Wakiilada Puntland. Ugu dambeyn waxaa maanta Xildhibaanada loo qeybiyey Qabyo qoraalka Xeerka aas-aasiga ah ee Bangiga Dawladda Puntland. Si kastaba, Puntland ayaa hadda wajaheysa xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashada kusoo foodka leh maamulkaas oo ay isku qabteen xukuumadda iyo xubnaha mucaaradka. Arrinta ayaa kasii dartay markii baarlamaanka la horgeeyay wax ka beddalka dastuurka Puntland, taas oo dagaal gacan ka hadal ah ka dhalisay gudaha magaalada Garoowe. The post Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay gobol loogu magac daray Raas Casayr + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  14. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay, Amniga, Dhacdooyinka Todobaadka, Diyaargarowga munaasabadda 1-da August iyo Ansixinta wax ka bedelka Lix Xeer oo ay soo gudbiyeen Xafiisyada khuseeya. Golaha Wasiirada ayaa dood iyo falanqeyn kadib cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Lix Xeer oo kala ah :- 1-Wax-ka badelka Xeerka Goleyaasha Deegaanka. 2-Wax- ka badelka Xeerka Doorashooyinka Dowladda Puntland. 3-Wax- ka badelka Xeerka Qareenada Puntland. 4- Wax ka badelka Xeerka Nootaayadda. 5-Xeerka iyo Siyaasadda Sumadaha Ganacsiga. 6-Sharciga Hey,addaha Maaliyadeed ee Bangiga Dowladda. Xeerarka Golaha Wasiiradu maanta ansixiyeen ayaa loo gudbinaya Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay lix Xeer appeared first on Puntland Post.
  15. WAR-SAXAAFADEED. Dullucda Qoddobadii Ka Soo-baxay Fadhigii Golaha Wasiirrada. Hargeysa-(Qaran)-Fadhigii 114faad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa war-bixin guud oo la xidhiidha amniga Dalka goluhu ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed. Waxa kale oo goluhu war-biximo ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo shirkii hore golaha hor-keentay Siyaasadda Qaranka ee Is-beddelka Cimillada. Sidoo kale, Garyaqaanka Guud ee Qaranka Mudane, Cabdisamad Cumar Maal oo ka soo qayb-qaatay diyaarinta Siyaasadda Qaranka ee Is-beddelka Cimillada ayaa golaha faah-faahin dheeraada ka siiyey ahmiyadda uu Qaranka u leeyahay, waxaanu goluhu ku ansixiyey cod gacan taag ah. Dhinaca kale waxa goluhu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Mudane Cabdiweli Cabdillaahi Suufi oo qabyo-qoraalka Xeerka Amniga Tiknoolajiyadda iyo Dembiyada Tiknoolajiyadda Casriga ah (Cyber Security and Cyber Crime ACT) oo golaha loo qaybiyey shirkii hore ayaa golaha ka siiyey xogo la xidhiidha muhiimmada uu dalka iyo dadka u leeyahay, iyadoo goluhuna dhinacooda dood iyo falan-qayn dheer uu ka yeeshay. Waxa kale oo golaha loo qaybiyey Siyaasadda Horumaarinta Beeraha Somaliland oo ay soo diyaariyeen Wasaaradda Horumarinta Beeraha iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud, waxaana faahfaahin dheeraada ka bixiyey Wasiirka Wasaaradda Beeraha Mudane Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo ku dheeraaday ahmiyada looga gol-leeyahay siyaasadan. Doodaha Xeerka iyo Siyaasadda ka dib waxa uu Goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey: 1) Qabyo-qoraalka Xeerka Amniga Tiknoolajiyadda iyo Dembiyada Tiknoolajiyadda Casriga ah (Cyber Security and Cyber Crime ACT), kaas oo loo gudbin doono Golayaasha Sharci-dejinta si ay uga gutaan Shaqadooda Dastuuriga ah. 2) Siyaasadda Qaranka ee Is-beddelka Cimillada ALLAA MAHAD LEH Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shirkooda caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayada oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa inta badan olaha. Shirka ayaa waxaa diirrada lagu saaray laba qodob oo kaliya, kuwaas oo kala ah amniga guud ee dalka iyo dib-u-habeynta hannaanka iyo maamulka dowladnimada casriga ah. Ugu horreyn golaha wasiirrada ayaa warbixino ka dhageystay wasaaradaha amniga iyo gaashaandhigga, kuwaas oo ka warbixiyay howlgallada haatan ka socda dalka. Labada wasaaradood ayaa warbixinadooda kusoo bandhigay wax ka qabashada ammaanka Muqdisho iyo khasaaraha Al-Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalladii ka dhacay gobollada. Xubnaha golaha wasiirada ayaa sidoo kale boggaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ka gaareen howlgalladii ugu dambeeyay, kuwaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, maadaama deegaano xubno badan laga dilay. Dhanka kale shirka golaha wasiirada ayaa loo soo bandhigay Habka Maareynta Waxqabadka Iyo Adeeg Siinta Bulshada oo wax badan kusoo kordhin doona Isbeddelka Qaybaha Dowladda. Sida Hoggaaminta toosan, Maamul-Wanaagga iyo Hirgelinta Istiraatijiyadaha u Horseedi kara Soomaaliya Horumar Dhaqan-Dhaqaale oo Deg-deg ah. Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso isbeddal ku aadan nimdaamka dowliga ah, si looga gudbo nidaamka beelaha ee 4.5, kaas oo ay ku dhisan tahay dowladda dhexe. The post Shirka golaha wasiirada oo looga hadlay laba qodob oo xasaasi ah + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  17. The Somali military in a joint operation with US forces killed nearly 100 al-Shabaab terrorists Wednesday in central Somalia, including seven top-ranking leaders, according to the country’s Information Ministry. Source: Hiiraan Online
  18. Mogadishu (HOL) – US Africa Command conducted airstrikes in the central region of Somalia, killing at least five al-Shabaab members in Galgadud. Source: Hiiraan Online
  19. Galcad (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fulisay agagaarka degmada Galcad oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska Mareykanka AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta ay ka fuliyeen meel qiyaastii 15 KM koonfur ka xigta Galcad, isla-markaana ay ku beegsadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo la dagaamayay ciidamada dowladda. AFRICOM ayaa shaacisay in weerarkan dhanka cirka ah ay ku taageereysay ciidamada Soomaaliya ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ka wada halkaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in qiimyen hordhac oo ay sameeyeen ku ogaadeen in weerarkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 5 ka tirsanaa Al-Shabaab. Dhanka kel AFRICOM ayaa xaqiijisay in aysan jirin waxyeelo duqeyntan kasoo gaartay dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanka la duqeeyay oo ka tirsan Galmudug. Ugu dambeyn wuxuu talisku hoosta ka xariiqay inuu sii wadi doono beegsiga kooxda Al-Shabaab, si looga saaro goobaha ay hadda kaga sugan yihiin dalka. Mareykanka ayaa kamid dalalka ka qayb qaata dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, wuxuuna hawada ka taageeraa ciidanka Soomaaliya, sidoo kale wuxuu tababar siiyaa ciidanka kumaandooska Danab oo iyaguna qayb ka qaata dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. The post Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay GALCAD + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  20. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka Dawladda Puntland oo ay xukuumaddu soo gudbisey. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga Golaha Wakiillada kaas oo akhriska 2aad ku sameeyay, kadib la tashiyo uu la yeeshay dhammaan dhinacyada xeerka saameynta ku leeyahay. Akhrinta 3aad ee xeerka kadib waxaa Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista & wax-ka-bedelkiisa. Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya Arrimaha Deegaanka guud ahaan, waxayna doodiisa soctay maalihii la soo dhaafay. Xeerka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya Horumarinta nolosha iyo bad-qabka dadka, duurjoogta, duunyada, habka ka faa’idaysiga kheyraadka dabiiciga ah, habka waara oo xaqiijiya mustaqbalka jiilka maanta, kuwa berrito Dib u hagaajinta deegaanka iyo ka hortagga xaalufka iyo saamaynta xun ee isbedelka cimilada. Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka Dawladda Puntland, Waxaa Oggol ugu codeeyay 43 mudane, cid diiday ma jirin, cid ka aamustayna ma jirin. Dhinaca kalena, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Gobolka cusub ee Raas Casayr ee horay loo oran jiray Gobolka Gardafuu. Waxaa Oggol ugu codeeyay 44 mudane, diidmo 2, cid ka aamustayna ma jirin. Ugu dambeyntiina, waxaa maanta Xildhibaanada loo qeybiyey Qabyo qoraalka Xeerka aas-aasiga ah ee Bangiga Dawladda Puntland. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Gobol cusub appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta nin ajabi ahaa loogu geystay agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in ninkan oo u dhashay dalka Kenya lagu dilay goob uu dhisme ka socday oo ku taalla degmada Wadajir, gaar ahaan meel u dhow garoonka Aadan Cadde. Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in marxuumka uu dilay nin hubeysan oo ku labisnaa dareeska ciidamada dowladda, kadibna uu baxsaday. Ma cadda sababta rasmiga ah ee loo toogtay muwaadinkan u dhashay dalka Kenya, kaas oo ka shaqeynayay goob uu ka socday dhisme dabaq ah. Sidoo kale maydka ninkan ayaa lagu soo warramayaa in la geeyay xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da, si baaris loogu sameeyay dilkiisa. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, waxayna haatan wadaan howlgallo ku aadan dilka loo geystay ninkaasi. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi, gaar ahaan toogashada ninkan oo argagax ku abuuray shaqaalihii ku sugnaa goobta, waxaana lasoo wariyay in dhismihii ka socday goobta uu gabi ahaan istaagay. Magaalada Muqdisho ayaa haatan wajaheysa xaalad adag, waxaana maalmihii u dambeeyay ka dhacayay falal ammaan darri oo isugu jiro dilal iyo weeraro intaba. The post Muwaadin Kenyaan ah oo lagu dilay agagaarka garoonka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  22. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan yeeshay kulankoodii ugu horreeyey ee ku saabsan halisaha ku gedaaman horumarka xawliga ah Tiknoolajiyadda, gaar ahaan caqliga macmalka ah ee loo yaqaan Artificial Intelligence. Xoghayaha Arrimaha debedda ee Britian James Cleverly oo shirguddoomiyey kulanka golaha ammaanka, maadaama uu bishan July dalkiisu hayo xilka madaxtinimada meertada ah, ayaa sheegay in caqliga macmalka ah ee la horumariyey uu saamayn ballaaran ku yeelanayo dhinac kasta oo nolosho aadamaha ah. Wuxuu sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay in dib loo qaabeeyo maamulka guud ee farsamada casriga ah ee caalamka, sababtoo ah, garaadka macmalka ah ee horumarsani wuxuu noqonayaa mid aan xuduud lahayn, isaga oo saamayn ku yeelanaya, isbedelka cimilada, iyo koboca dhaqaalaha ee caalamka. Wasiirka ayaa ka digay, in farsamadan casriga ahi ay shidaalka ku sii shubi doonto wararka been abuurka ah, taasoo laga yaabo inay iska hor-keento dalalka iyo weliba ururada aan dawliga ahayn. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa isna sheegay in adeegsiga aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey, gaar ahaan hawlaha milateriga ama kuwa aan milaterigaba la xidhiidhin, inay horseedi karayan tallaabooyin halis ku ah ammaanka iyo xasiloonida caalamka. PUNTLAND POST The post Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo kulan gaar ah ka yeeshay halista ku gedaaman Artificial Intelligence appeared first on Puntland Post.
  23. War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen Saaxiibada Caalamiga ah ee Somaliland ka taageera Doorashooyinka, gaar ahaana dalalka (Austria, Belgium, Denmark, Ethiopia, European Union Relegation, Finland, Germany, Netherlands, Norway, Sweden iyo United Kingdom) ayaa lagu sheegay in dunidu ay ugu baaqayso hoggaamiye yaasha siyaasada ee Somaliland in ay gaadhaan heshiis doorasho, oo aan wakhti dambe la lumin. Baarlamanka ayay sidoo kale beesha caalamku ugu baaqday in ay buuxiyaan gol daloolooyinka ka banaan xeerka doorashooyinka. Source
  24. Kenya’s passport is the seventh most powerful on the African continent and 67th globally after its ranking improved from position eight in January this year. Source: Hiiraan Online