-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiye ku-xigeenka Arirmaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed uu wehliyo Aggaasimaha xiriiriyaha arrimaha Dibadda maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Xasan Maxamed ayaa kulan la qaatay Duqa Magaalada Sakarya Ee Dalka Turkiga Mudane Ekrem Yüce, iyaga oo kawada hadlay dhowr ajando oo muhiim ah. Kulankan oo ka dhacay Magaalada Sakarya ayaa wax yaabihii looga hadlay waxaa kamid ahaa, Iskaashiga iyo horumarinta labada Magaalo ee Muqdisho iyo Sakarya, wax is dhaafsiga, taageerada tababarada shaqaalaha la xariira iyo mar Duqa Magaalada Sakarya Ee Dalka Turkiga Mudane Ekrem Yüce uu booqasha rasmi ah ku yimaado Caasimadda JFS ee Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada xoogga dalka ayaa saacadihii ugu dambeeyay howlgallo ka bilaabay deegaanno hoos yimaada Galcad oo ka tirsan gonbolka Galgaduud, ciidanka ayaa wada dadaalladii ugu dambeeyay ay ugu jiraan iney ay ku gaari lahaayeen degmada Ceelbuur iyo deegaannada hoose yimaada. Ciidanka ayaa howlgalkii ugu dabeeyay ka fuliyay deegaanka Baraag Shiikh Caamir oo hoostimaada degamda Galcad ee gobolka Galgaduud, howlgalkaan ayaa waxaa fuliyay ciidanka Guutada 18aad ee kumaandooska Gorgor oo hoggaaminaayay Kornayl Bashiir Cabdullahi Cumar. Taliska xoogga dalka ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu soo dhammaaday diyaar garowga Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana talisku cadeeyay in ay u dhaqaaqayaan gaaritaanka deegaannada hoosyimaada degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Ciidamo ka tirsan xoogga dalka, kuwaas oo dhawaan lagu soo tababaray dalalka Uganda, Masar iyo Eritrea oo ay kaabayaan Kumaandooska Danab, Gorgor iyo ciidan ka tirsan taliska Africom ayaa saldhigyo ka sameystay aaga Galcad, iyaga oo ku wajahan Ceelbuur, Galhareeri iyo Wabxo. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in Hirshabeelle iyo Galmudug laga bilaabayo Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana xusid mudan in Wajigii koowaad magaalooyin dowr ah looga saaray Al-shabaab kuwaas ay maamulayeen wax ka badan 10 sano. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Waxaan weli is-faham laga gaarin xaaladda doorashada Puntland 2024 sida ay u ekaaneyso, ayada oo weli xiisad ay taagan tahay. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu weli ku adkeysanayaa in dastuurka wax laga beddelo, gaar ahaan qodobada doorashooyinka, xisbiyada iyo guddiga doorashooyinka. Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo hormuud u noqdey waan-waan ay isaga dab-qaadayeen xukuumadda iyo mucaaradka hubeysan ayaan weli miro dhalin. Xog aan helnay ayaa sheegeysa in labada Isim ee Ciise iyo Bashiir ay is-faham la gaareen Madaxweynaha, kadibna ay isku dayeen in ay ku qanciyaan Isimada kale ee Garoowe ku sugan oo uu ka mid yahay Suldaan Siciid Maxamed Garaase, qorshaha ay wadeen kaas oo ahaa: 1- In dastuurka wax laga beddelo oo la kordhiyo tirada xisbiyada siyaasadeed. 2- In doorashada golaha wakiilada lagu galo xisbiyo. 3- In doorashadu ku dhacdo wakhtigeedi 8 Janaayo 2024, laguna galo baarlamaani. Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa u sheegay labada Isim ee Bashiir iyo Ciise waxa ay ka shaqeynayaan ay tahay masiirka Puntland oo keligood aysan lahayn loona baahan yahay in loo dhan yahay masiirka Puntland. Sidoo kale qodobada ay keeneen ayuu sheegay in ay ku jirto kuwii dagaalka dhaliyey ee aan laga heshiin, sidaas darteed loo baahan yahay xal kale in la helo oo ay dib ugu noqdaan Madaxweyne Deni. Maxaa la filayaa? Isimmada labada ah ee waan-waanta ku jirey waxay haystaan labada maalmood ee soo socda in ay so afjaraan waan-waanta ay wadaan, haddii aysan ku guuleysan oo aysan keenin xal lagu kala raysto markasta Golaha wakiiladu waxay bilaabayaan u codeynta wax ka beddelka dastuurka iyo ansixinta xeerka doorashooyinka. Ma cadda in loo heli karo 44 Xildhibaan oo u codeeya wax ka beddelka dastuurka, haddii taas la waayo waxay guuldarro ku noqon doonitaankii Madaxweyne Deni. Magaalada Garoowe ayaa xuddun u noqotey khilaafka taagan, horey waxaa looga reebay doorashooyinkii goloyaasha deegaanka, kadib markii siyaasiyiin ka soo jeeda ay hor istaageen iyaga oo filaayey in doorashooyinku sidaas ku baaqanayaan, laakiin waxay ka dhacdey doorashadu 33 degmo oo ka tirsanaa 37 degmo oo la doonaayey in doorashooyinku ka qabsoomaan. The post Xog: Isimada Puntland oo soo bandhigay saddex qodob oo xal u noqon kara xiisadda appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania oo ay kaga qayb galayaan Shir madaxeedka horumarinta karaanka Aadanaha ee Afrika. Shir madaxeedka ayaa looga hadlayaa taabbagelinta awoodda dadweynaha, oo ah ahmiyad gaar ah u leh dalalka qaaradda Afrika, si ay uga qaybqaataan horumarka qaaradda hiigsaneyso taasi oo mudnaan gaar ah oo ku aadden horumarinta bulshada u leh Xukuumadda Soomaaliyeed ee DanQaran. Xubnaha wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Uganda is often described as Africa’s breadbasket, but it still faces a multipronged challenge in eradicating hunger. Floods earlier this year followed a prolonged drought. Global supply disruptions sparked by the pandemic – and later the war in far-off Ukraine – sent prices soaring for imported foods at home. Source: Hiiraan Online
-
AMMAN — On Monday the Ministry of Foreign Affairs and Expatriates condemned a bomb blast that targeted an army training camp in the Somali capital, Mogadishu, killing a number of people. They labeled it as a terrorist act. Source: Hiiraan Online
-
Update: Suicide bomber targets Somali soldiers in Mogadishu
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Heavy casualties have been reported after a suicide bomber detonated an explosive vest at Mogadishu’s Jaalle Siyaad Military Academy early Monday, sources said. Source: Hiiraan Online -
The medical humanitarian organization Doctors Without Borders (MSF) announced Monday that it has decided to withdraw all its services from Somalia’s Las Anod General Hospital in the Sool region due to increased volatility and repeated security incidents that have impacted the safe delivery of medical care. Source: Hiiraan Online
-
Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in uu saaka oo Talaado ah si rasmi ah u guda-galo furista dastuurka. Fadhiga Baarlamanka ee saaka ayaa lagu ballansan yahay in codayn loo qaado wax ka beddelka dastuurka oo ay ku muransan yihiin dowladda iyo mucaaradka. Xildhibaannada ayaa la filayaa in ay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyaan wax ka beddelka dastuurka inkastoo aan weli laga heshiin khilaafka ka taagan. Dhinaca kale waxa socda waan-waanta ay wadaan Islaan Ciise iyo Islaan Bashiir ee lagu xallinayo khilaafka dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah. Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa xalay dhanka mucaaradka ka codsaday in aysan wax tallaabo ah qaadin kana war sugaan dadaallada xal raadinta ee socda si loo dhammeeyo khilaafka jira. Xogta ku gedaaman xaaladda Garoowe ayaa sidoo kale tilmaamaysa in aysan muuqan wax xiisad dagaal ah oo hadda ka taagan caasimadda. Ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo kuwa dowladda ayaa ku kala sugan xarumoodii hore ma jiraan wax dhaq dhaqaaqyo ciidan ah. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo lagu wado in uu saaka guda-galo wax ka beddelka dastuurka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Idiris ayaa ka hadlay dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku qaaday musuq maasuqa, isagoo jeediyey shan arrimood oo lagu adkeyn karo dagaalkaas, si uu u guuleysto. 1 – In madaxda uu ka go’naado dagaalka lagu suulinayo musuq maasuqa. 2 – In garsoor cadaalad ah la dhiso 3 – In la sameeyo hey’adda madax-banaan, sida maxkamad dastuuri ah, taas oo awood u leh inay qabato ilaa Madaxweynaha. 4 – In la sameeyo sharciyo aan la dhaafi karin oo adag qof kastana qaban kara. 5 – Iyo in la baaro oo musuqa ay sameynayaan oo lagu ciqaabo madaxda ugu sareysa dalka, sida wasiirrada iyo wixii ka sareeya. “Hadii aan ragga waaweyn lasoo qaban, kuwa yaryar in la bursado waxaba kuma soo kordhineyso, kumana suulayo musuqu, madaxda dowladda waa inay ka hufnaadaan musuqa, si loogu qanco,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Idiris. Sheekh Maxamed oo u waramay TV-ga Universal ayaa la qeydiiyey waxa ay shareecada Islaamku ka qabto in qofka madaxda ah uu shaqaaleysiiyo qofka ehelkiisa ah. Shiiqa ayaa sheegay in xilligii saxaabada laga fogaa jiray in qaraabada loo eexdo, sidaas darteed aysan arrinta qaraabeysigu dal iyo raad ku laheyn islaamka, markii la joogo xukunka. Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal culus ku qaaday musuq iyo dadka sameeya, iyadoo lasoo xiray, qaarkoodna maxkamad lasoo taagay dhowr agaasime. Sidoo kale waxaa socda baaritaano iyo cagajugleyn ay wajahayaan masuuliyiin sare, halka qaar kalena ay qasab ku noqotay inay dalka isaga cararaan. Inta badan dadka qaxgaradka ah ee daneynaya in dagaalkaan uu guuleysto ayaa madaxda ugu sareysa dowladda kula talinaya in dagaalka dhab laga dhigo, si looga guuleysto musuqa oo la baaro, madaxda sare oo wasiirradu ugu horeeyaan. Hoos ka daawo The post Daawo: Sheekh Maxamed Idiris oo shan arrimood kula taliyey DF, si looga guuleysto… appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga hadlay go’aankii kasoo baxay guddiga Komishinka Doorashooyinka Somaliland. Guddoomiye Waraabe ayaa ka horyimid jadwalka doorashooyinka ee guddiga uu ku sheegay in doorashada ururrada ay horeynaysa, ayna dambeysaneyso tan Madaxtooyada, oo mucaaradka uu rabay inay soo hormarto. Waraabe ayaa uga digay Muuse Biixi iyo guddiga doorashooyinka, halka ay ku wadaan Somaliland, islamarkaana aysan aqbaleyn doorasho aan ahayn doorashada madaxtooyada. “Maanta ayay u darnaayeen oo waxa ay yidhaahdeen ururro ayaanu samaynaynaa, adduunka ma urur ayaa ka dhaca, waxa la raba in anaga meesha nalaga saaro,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. Waxa uu sheegay in nidaamka ururada cusub lagu furay uu yahay mid aan shaqaynayn oo aan la aqbali karin, lagana leeyahay qorshe Muuse Biixi uu xukunka ku dheereysanayo. “Waxa caddaatay in kooxdani aanay cid kaleba u ogolayn xukunka, sharcigii aynu qoronay meel ayay iska dhigeen walaalayaal,” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe. Sidoo kale waxa uu xukuumadda madaxweyne Biixi ku eedeeyay in ay isku darsatay wax qabad la’aan, xukun jacayl iyo qabyaalad, ayna dabada ku hayso guurtida oo uu sheegay in sharci darro ku joogto, xilli horay muddo kordhin ugu sameeyeen. “Waxgaradka iyo culimada waa inay u tagaan madaxweyne Biixi, kuna qanciyaan inuu ka horyimaado go’aanka guddida doorashooyinka, uuna qabto doorasho madaxweyne,” ayuu yiri Faysal oo baaq u direy wax-galka reer Somaliland. Arrimahan ayaa uga soo diraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagneyd gudaha Somaliland, taasi oo salka ku haysay kala horeynta labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Xisbiyada. Mucaaradka ayaa horay si adag uga horyimid in lasoo hormariyo doorashada Xisbiyada, ayna tahay in marka hore loo dareero doorashada Madaxtooyada, halka uu taasi badelkeeda ay u ololeynaysay xukuumadda Muuse Biixi, taasi oo ugu dambeyntiina sida muuqata u meel-martay. The post Faysal Cali Waraabe oo soo saaray DIGNIIN culus kadib markii madaxweyne BIIXI uu… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania. Ra’iisul Wasaare Xamza iyo wafdiga uu horkacayo ayaa waxay halkaasi uga qayb-galayaan shir-madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika. Shir-madaxeedka ayaa looga hadlayaa taabba-gelinta awoodda dadweynaha, oo ah ahmiyad gaar ah u leh dalalka qaaradda Afrika, si ay uga qayb-qaataan horumarka qaaradda hiigsaneyso, taasi oo mudnaan gaar ah oo ku aaddan horumarinta bulshada u leh xukuumadda Soomaaliyeed ee Dan-Qaran. Shirkan oo socon doona maalmo kooban ayaa waxa la filayaa in ay kasoo baxaan go’aamo dhaxal-gal ah, sida lagu yiri bayaan kooban oo uu soo saaray xafiiska ra’iisul wasaaraha. Xubnaha wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa kamid ah wasiirka waxbrashada, hiddaha iyo tacliinta sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Dr. Cali Xaaji Aadan, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale. The post Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xamza oo gaaray magaalada… appeared first on Caasimada Online.
-
Roma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Roma ee dalka Taliyaaniga uga qeyb-galay kulanka Iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika. Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni ayaa marti-gelisay shirkaan oo ay ku kulmeen dalalka Soomaaliya, Talyaaniga, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Kulankaas waxaa looga arrinsanayey dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga shanta dal ee isugu timid shirkaan oo loogu magac-daray ‘Madasha Iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay mudnaan gaar ah siinayso sidii ay iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah ugu heli lahayd wajiga labaad ee howl-galka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Talyaaniga ayaa sidoo kale maanta ka qeyb-galay shirka Qaramada Midoobey ee la dagaallanka cunto-yarida iyo ka hortagga macaluusha. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey shirkii maanta ee Qaramada Midoobey ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirto dalalka ay curyaamisay abaaraha soo laalaabtay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee dhanka beeraha ee ay hodonka ku tahay Soomaaliya, taas oo haddii la maal-geliyo u noqonaysa dalalka Gobolka iyo guud ahaan qaaradda dammaanad-cunto oo la isku halleyn karo. Wuxuu Madaxweynuhu ku dheraaday sharaxaada dalagyada ka baxa Soomaaaliya oo ka kooban dhammaan baahiyaha nololeed ee dadka iyo calafka xoolaha. “Soomaaliya abaarihii soo laalaabtay sanadihii la soo dhaafay waxay galaafteen nolasha kumannaan ka mid ah dadkayaga. Waxaa na soo food-saaray duruufaha nololeed ee ugu adag adduunka.” “Taas waxay nooga dhigan tahay cashar aan kaga gudubno ku tiirsanaanta gargaarka degdegga ah, iyadoo ay muhiim tahay in mashaarciidaas loo wareejiyo dhanka horumarka waara,” ayuu shirkii QM ka yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. The post Ujeedka kulankii ay Meloni isugu keentay Xasan Sheekh iyo madaxda Geeska Afrika appeared first on Caasimada Online.
-
Xogta ku gedaaman xaaladda Garoowe ayaa tilmaamaysa in aysan muuqan wax xiisad dagaal ah oo ka taagan magaalada. Ciidanka dowladda iyo ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa ku kala sugan xarumahoodii hore islamarkaaana ma jiraan wax dhaq dhaqaaqyo ciidan ah oo ka socda caasimadda. Shirar is-daba joog ah oo xal loogu raadinayo khilaafka dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa sidoo kale xalay ka qabsoomay hoyga Islaan Ciise Islaan Maxamed uu ka degan yahay magaalada. Wararka ayaa sheegaya in Islaan Ciise Islaan Maxamed uu dhanka mucaaradka ka codsaday in ay ka war sugaan waan-waanta socota islamarkaana aysan wax dhaq dhaqaaq ah samayn inta lagu jiro dadaallada xal u raadinta khilaafka labada dhinac. Dhinaca kale Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in uu saaka oo Talaado ah yeesho fadhigiisa caadiga ah inkastoo aysan weli caddayn in lagaga hadlayo arrinta furista dastuurka ee lagu muransan yahay. PUNTLAND POST The post Shirar ku saabsan xallinta khilaafka Puntland oo xalay ka qabsoomay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania oo ay kaga qayb galayaan Shir madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika. Shir madaxeedka ayaa looga hadlayaa taabbagelinta awoodda dadweynaha, oo ah ahmiyad gaar ah u leh dalalka qaaradda Afrika, si ay uga qaybqaataan horumarka qaaradda hiigsaneyso taasi oo mudnaan gaar ah oo ku aadden horumarinta bulshada u leh Xukuumadda Soomaaliyeed ee DanQaran. Xubnaha wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray magaalada Daarusalaam appeared first on Puntland Post.
-
Ururka IGAD oo Tabobar Ka Warbixinta Isbeddelka Cimilada u soo xidhay Afartan Suxufi Tabobbar ku saabsan ka Warbixinta iyo Tabinta wararka ku saabsan Isbeddelka Cimilada iyo saamaynta kala duwan ee ay leedahay, oo loo qabtay 40 Weriye oo ka kala socday qaybaha Warbaahinta Somaliland ayaa manta la soo gebagebeeyey. Tabobbarkan oo uu soo qabanqaabiyey Xafiiska Saadaasha iyo Isticmaalka Xogaha Cimilada ee IGAD (Climate Prediction and Applications Centre) ee Xarunteedu tahay Nairobi, ayaa Afar maalmood ka socday Huteel Jees ee magaalada Hargeysa. Muddada uu Tabobbarku socday waxa ay Suxufiyiintu ku barteen oo fahan buuxa laga siiyey eray bixinta iyo fahamka guud ee Isbeddelka Cimilada iyo sida ugu haboon ee looga warbixin karo. Waxaanu daba socday tabobbaro xidhiidh ah oo hore Weriyeyaasha Somaliland dhawr jeer uu ugu qabtay Xafiiska arrintan u qaabbilsan Urur-goboleedka IGAD. Tabobbarka waxa soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Somaliland Wasiir Cabdiqqadir Iimaan Warsame iyo Xuseen Sheekh Maxammed oo Qaybta Wacyigelinta Bulshada u qaabbilsan Xafiiska arrimaha Cimilada ee IGAD iyo Cabdirashiid Cumar oo Somaliland u jooga IGAD, waxaanay ka warrameen muhiimadda fahamka xogaha la xidhiidha Isbeddelka Cimilada iyo tabinta toolmoon ee looga baahan yahay Weriyeyaashu inay uga warbixiyaan saamaynta Isbeddelka Cimiladu ku leeyahay nolosha Aadamaha, Xoolaha, Deegaanka iyo noolaha kaleba. Qaran News
-
Wasaaradda Daakhiliga oo Tababar u Qabatay Madax-dhaqameedka Gobolka Salel. Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Waaxda Dhismaha Nabada, Dhaqanka iyo Siyaasada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Mustafe Ismaaciil Cabdi iyo Gudoomiyaha Gobolka Salel Mowliid Maxamed Nuur Warsame ayaa si wadajir ah u furay Tababar ku saabsan doorka Madax-Dhaqameedka ee Horumarinta Nabad Waarta. Tababarkan oo socon doona Muddo laba Cisho ah Degmada Xariirad ee Gobalka Salal. Ugu horeyn Agaasimaha Waaxda Dhismaha Nabada, Dhaqanka iyo Siyaasada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Mustafe Ismaaciil Cabdi ayaa ka hadlay muhiimadda ay u leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Madax-dhaqameedka Gobolka Salal in ay iska kaashadaan nabada iyo horumarinta xasiloonida gobolka, isagoo Agaasimuhu sheegay inay bar bilow fiican u tahay Madax-Dhaqameedka Gobolka Salel in si wadajir ah ugu wada xaajoodaan arrimahooda gaarka ah, iyagoo wada hadal iyo isfahan ku dhamaysanaya wixii ay ugu baahdaan Wasaaradda Arrimaha Guduhuna ay diyaar u tahay inay si dhaw ula shaqayso waxyaabahii lagu xusay kulankana uu noqon doono mid sida ugu dhaqsaha badan Wasaaraddu uga soo tala bixiso. Taliyaha Qaybta Gobolka Salel Mudane Cabdi Xandule ayaa sidoo kale u mahadnaqay Wasaaradda Arrimaha Gudaha kulankan ay usoo qaban-qaabisay Gobolka salel wuxuu inta ku daray dardaaran guud oo nabada ah iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Gudoomiyaha Gobolka Salel Mudane Mowliid Maxamed Nuur Warsame, isagoo madax-dhaqmeedka u soo jeediyey hadalo dardaaran ah iyo sidii loo xoojin laha nabadgelyada gobolka Salel, isagoo sidoo kale xusay in Madax-Dhaqameedku door weyn ka ciyaaran horumarinta nabad waarta, wuxuu inta ku daray in Sababta Gobalkab Salel ugu dooranay Degamada Xariirad in lagu qabto waa Degmada ugu badan khilaafka . Qaran News
-
Hargeysa(Qaran news)-Ciidammada Dabdemiska Hargeysa ayaa maanta heegan ka galay Shoodh ka kacay Transformer ku yaala dhinaca Bari ee Tiyaatarka magaalada Hargeysa. Tiyaayarkan ayay ku yaalaan Ganacsiyo badan, waxaana shoodhkaasi halis galiyay dhismaha iyo ganacsiyada faraha badan ee ku yaala dhismahaas. Xilliyadan lagu jiro xagaaga waxaa aad u badan halista dabka gaar ahaan korontada, hadaba muwaadin ka taxadar markastaba khatarta dabka oo ah mid markastaba joogta. Muwaadin hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom iyo Somtel 24 ka saac.Hargeysa- Ciidamada Dabdemiska Hargeysa ayaa maanta heegan ka galay Shoodh ka kacay Transformer ku yaala dhinaca Bari ee Tiyaatarka magaalada Hargeysa. Tiyaayarkan ayay ku yaalaan Ganacsiyo badan, waxaana shoodhkaasi halis galiyay dhismaha iyo ganacsiyada faraha badan ee ku yaala dhismahaas. Xilliyadan lagu jiro xagaaga waxaa aad u badan halista dabka gaar ahaan korontada, hadaba muwaadin ka taxadar markastaba khatarta dabka oo ah mid markastaba joogta. Qaran News
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin ayaa u jawaabay guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo maalin ka hor xildhibaanka ku eedeeyey inuu u bareeri waayey inuu hoggaamiyo beeshiisa, si ay isaga dul-qaado kooxda Al-Shabaab. Daahir Jeesow ayaa ku dooday in qorshaha uu wato Cali Jeyte ee lagu kala jarayo HirShabeelle uusan aheyn mid ka soconaya Hiiraan, sidoo kale wuxuu aad u dhaliilay sidii uu u hadlay guddoomiyuhu. Cali Jeyte ayaa horay u sheegay in Jeesow uu ka baqay dagaalka Al-Shabaab oo xero Digaag uu isku soo sawiray, kadibna ku laabtay Muqdisho, waxaana hadda dhaleeceyntii guddoomiyaha ka jawaabay xildhibaanka. “Hadaa dagaal ku jirto xero xoolo ku jiraan waad arkeysaa, sawirka uu Cali Jeyte arkay waxaa la iiga qaaday degaanka Buq-goosaar oo 85 KM u jira Beledweyne, gaari dagaal ayaa la iga qabsaday maalintaas, maalintaas waxaan watay ciidan hal qabiil ah, isna ciidankii xoogga dalka ayaa garab taagnaa oo diyaarado dagaal wata,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow. Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in Cali Jeyte uu ku jisaaray saraakiishii iyo ciidankii xoogga dalka ee Shabaab kala xoreeyey bariga gobolka Hiiraan. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa la yaab ku tilmaamay maamulka uu Cali Jeyte ku dhawaaqay ee Hiiraan State, “Cali kaligiis Hiiraan dowlad goboleedk kama dhigi karo, HirShabeelle dhismaheeda taan ka soo marnay Cali Jeyte uga tanaasuli meyno,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow. Sidoo kale Xildhibaan Jeesow ayaa aad u amaanay guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Hiiraan Cabdullahi Sufurow, “Markii biya baxadu nagu dhacday Sufurow galbeedka Hiiraan ayuu raashin igala qeybinaayey, nin ka fiican sooma xukumin gobolkaan,” ayuu yiri. Ugu dambeyntii xildhibaan Daahir Jeesow ayaa guddoomiye Cali Jeyte ugu baaqay inuu muujiyo masuuliyad, “Caliyow aniga iyo adiga miyi ayaan ka nimid ee ‘nooh-daan’ iska yarey sidii nin masuul u hadal, dadkana ha isku dirin,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amin Jeesow oo farriintaan u diray guddoomiye Cali Jeyte Cismaan. Hoos ka daawo The post Daawo: Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo jawaab yaab leh siiyey Cali Jeyte appeared first on Caasimada Online.
