Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Vatican Monaco Niue San Marino Liechtenstein Malta Nauru Luxembourg Andorra Saint Kitts and Nevis Tobankaasi dal mid kasta maalin qudhaata ayaad booqan kartaa gabi ahaantiisa Qaran News
  2. Roma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Roma ee dalka Talyaaniga. Madaxaweyne Xasan Sheekh ayaa dalkaas uga qeyb-gaya shirar heer caalami ah iyo kuwo heer gobol ah oo ka dhacaya Roma. Shirka ugu weyn ee ka qeyb galkiisa uu madaxweynuhu u tegay Talyaaniga waa ‘Madasha Geeska Afrika iyo Talyaaniga’ oo ka furmeysa Roma. Madaxda dalalka Geeska Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay ayuu Talyaanigu ku casuumay madashaas. Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka qeyb geli doonaa shir seddax geesood ah oo u dhaxeeya Talyaaniga, Soomaaliya iyo Itoobiya. Sida ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya shirarka kale ee Madaxweynuhu uu ka qeyb gali doono waxaa ka mid ah, shirka Qaramada Midoobey oo looga hadli doono la dagaalanka cunto yarida iyo ka hor tagga macaluusha. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda caalamka la wadaagi doona cunto yarida ka jirta Soomaaliya iyo caqabadaha sababay. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa shirka Qaramada Midoobey ku soo bandhigi doona warbixin ku saabsan fursadaha balaaran ee dhanka beeraha Soomaaliya, si caalamku u maal-gashado. Hoos ka daawo The post Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka degay magaalada… appeared first on Caasimada Online.
  3. Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobalka Bay ayaa sheegaya in gelinkii danbe ee maanta uu dagaal culus ka dhacay deegaanka Goofgaduud-buurey oo gacanta ay ku hayeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Deegaanka Goofgaduud-buurey waxaa laba saldhig ku lahaa ciidanka xoogga dalka iyo cutubyo ka tirsan daraawiishta K/Galbeed, wuxuuna deegaankaasi gacanta u galay kooxda Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa galabta weerar kadis ah ku soo qaaday ciidamadii joogay deegaankaas, waxaana halkaas ka dhacay dagaal aad u culus, sida ay saraakiil ciidan u xaqiijiyeen Caasimada Online. Ilaa hadda, lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Goofgaduud oo sababay in ciidamada dowladda ay isaga cararaan halkaas. Dad shacab ah oo ku sugan deegaanka Goofgaduud ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka dowladda ay ka baxeen fariisinkooda deegaanka, isla markaana ay u carareen dhanka magaalada Baydhaba. Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa galabta si buuxda ula wareegay deegaankaas, waxayna dadka deegaanku noo sheegeen inay caawa gudaha deegaanka difaacyo uga jiraan. Ku dhawaad hal saac markii uu dagaalku socday in ciidanka dowladda ay isaga baxeen deegaanka Goofgaduud, ma kala cadda waxa sababay (in ciidanku ku baxay xeelad dagaal iyo in looga itaal roonaaday). Magaaladaan ay caawa Al-Shabaab ku hoyanayaan waxay caasimadda K/Galbeed ee Baydhaba u jirtaa 30 KM, weli maamulkaasi war kama soo saarin dagaalka ay Al-Shabaab kula wareegeen Goofgaduud-buurey. Xabbadda ayaa qabowday fiidnimadii caawa, waxaana hadda lagu soo warramayaa in Al-Shabaab ay gubayaan teendhooyinka ciidanka ay seexanayeen iyo agab kale oo xeryaha u yaallay. Kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyey culeys badan saartay maamulka Koonfur Galbeed, waxaana caawa gacanta u galay mid ka mid ah deegaanada laga difaaco caasimadda maamulkaas ee Baydhaba oo go’doon ku jirta muddo laba toddobaad ah. The post Al-Shabaab oo caawa dagaal kula wareegay deegaankii laga difaaci jiray Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
  4. Rome (Caasimada Online) – In an international conference held in Rome on Sunday, Prime Minister of Italy, Giorgia Meloni, put forth an urgent plea for international cooperation to counteract the issues of unauthorized migrant influx across the Mediterranean. “Mass illegal immigration harms each and every one of us,” Meloni asserted, “No one benefits from this, except criminal groups who profit off the most vulnerable and use their strength against governments.” With a shift from her previously stern rhetoric, Meloni signaled her government’s openness towards accepting more immigrants via legal avenues, acknowledging that “Europe and Italy needed immigration.” However, she emphasized the need for a more proactive approach in discouraging unauthorized, dangerous crossings of the Mediterranean. A blueprint for the future Taking a cue from Meloni’s call, European Commission President Ursula von der Leyen reinforced the sentiment, underscoring the EU’s commitment to legal migration routes. Only last week, the EU inked a “strategic partnership” with Tunisia, one of the significant departure points for migrants. This deal aims to intensify the battle against human traffickers and tighten border controls. Von der Leyen confidently proclaimed, “We want our agreement with Tunisia to be a template. A blueprint for the future. For partnerships with other countries in the region.” The EU also intends to cooperate with Tunisia and other countries in enhancing renewable energy production, a mutual benefit for all involved. Italy, grappling with an ever-increasing number of unauthorized migrants, is urgently seeking viable solutions. Notably, migrant centers like the far southern island of Lampedusa are overwhelmed by new arrivals. Paradoxically, the country, with its aging and declining population, needs an additional workforce to bolster its economy. In response to these challenges, Italy recently committed to issuing 452,000 new work visas for non-EU nationals from 2023 to 2025, raising the annual visa cap to a record 165,000 in 2025. The comparative figure for 2019, prior to the Covid-19 outbreak, was a mere 30,850 visas. The country has seen a surge in arrivals this year, with over 83,000 individuals reaching its shores, a sharp increase from approximately 34,000 in the same period in 2022. Global leaders join the dialogue Mohamed al-Menfi, head of Libya’s Presidential Council, welcomed the initiative, expressing readiness to alleviate migrant suffering. Similarly, Pope Francis, addressing crowds at St. Peter’s Square, urged European and African governments to ensure the Mediterranean was never again “a theatre of death” for those attempting to cross. Foreign Ministry Antonio Tajani insisted on addressing the root causes of migration. “We have to confront each other on the big issues of climate change, the fight against terrorism, diseases, poverty,” he said. While the increasing inflow of illegal migrants is stressing countries across the Mediterranean, global leaders recognize the dire need for a comprehensive, internationally coordinated solution. This problem is multifaceted, touching upon human rights, economic stability, and national security. As discussions continue, the international community keeps a hopeful eye on potential long-term strategies to resolve this crisis. The post Meloni calls for global alliance against Illegal migration appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ku dhex dishay wasiir hore oo ka tirsanaa maamulka HirShabeelle, sida ay ogaatay Caasimada Online masuulkaas waxaa caawa lagu dilay degmada Yaaqshiid. Masuulka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Axmed Muudey, wuxuuna wasiirka beeraha ka soo noqday dowlad goboleedka HirShabeelle. Koox ku hubeysan bistoolado ayaa marxuumka Makhribkii ku dishay xaafadda Godey-Makane ee degmada Yaaqshiid, waxaana goobta ka baxsatay kooxdii dilka geysatay. Kooxda Al-Shabaab ayaa caawa soo saartay qoraal ay ku sheeganeyso dilka wasiirkii hore ee beeraha HirShabeelle Allaha u naxariistee Xasan Axmed Muudey. Qaraxyadii ay Muqdisho ka geysa jirtay kooxda Al-Shabaab oo galaafa jiray nolosha dad shacab ah oo aad u badan ayaa laga joojiyey, kadib dadaallo iyo xirfado ay la yimaadeen hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Balse hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya weli kuma guuleysan inay magaalada Muqdisho ka joojiyaan dilalka qorsheysan iyo qaraxyada qofka loogu xiro gaarigiisa. Maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho waxaa ka dhacay dilal lamid ah kan caawa loo geystay wasiirkii hore ee beeraha HirShabeelle, sida dilka guddoomiye ku xigeenkii dhanka maaliyadda ee degmada Awdheegle oo maalin ka hor ay ku dileen degmada Xamarjajab. Dilalkaan gaadmada ah oo sanado badan ay Al-Shabaab ka geysanayeen Muqdisho, waxaa lamid ah oo weli aan xal loo helin qaraxyada qofkii fursad lagu helo loogu xirayo gaarigiisa, kuwaas oo sababa in qofka si fudud lagu soo afjaro. Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa soo hagaagayey amniga magaalada Muqdisho oo sidaan ka daraa, ciidan cusub ayaa loo soo tababaray magaaladaan, kuwaas oo gaaf-wareega habeen iyo maalin, waxaana muuqata in tartiib loo gaarayo xubni ay xakameyn karaan hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. The post WASIIR hore oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  6. Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa magacaabay xubnaha Baarlamaanka uga mid noqonaya midowga Baarlamaanada ururka iskaashiga Islaamka, kuwaas oo badeli doona xubnihii Baarlamaankii 10-aad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muuse Biixi oo Doorashada Faratoon u adeegsaday Beerlaxowsi Siyaasadeed Hargeysa(Qaran news)-Muuse Biixi oo Doorashada Faratoon u adeegsaday Beerlaxowsi Siyaasadeed -Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa guusha Guddoomiye Faratoon u adeegsaday inuu farriin beer-laxowsi ah u diro waxgaradka reer Sool ee ka tagay Somaliland. Madaxweynaha oo degdeg u qaabilay shirgudoonka Wakiillada waxyar ka dib doorashadii Guddoomiye Faratoon. Madaxweynuhu waxa uu doorashada Faratoon ku sifeeyey farriin cad dunida ku socota laguna muujinayo sida ay bulshadu uga midaysan tahay wax wada-lahaanshaha iyo nabad ku wada noolaanshaha,“Maanta waxad dirteen cod qarannimo, cod nabadeed ayaa dirteen , cod wax wada lahaanshaa dirteen, cod ergo oo reer Sool ku socdaad dirteen maanta, cod khilaafka xallintiisa ah baad dirteen, waxad dirteen cod qarannimo ee muu ahayn cod siyaasadeed iyo mid wax kala jiidasho, caalamka waxad u dirteen farriin qarannimo oo ah marka uu qaranku u baahan yahay inaynu isku mid nahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Maxamuud Xaashi iyo Ururkiisa KAAH oo Faratoon dhawaan ku biiray ayaa dedaal weyn u galay doorashadiisa, xukuumaduna waxay uga faa’iidaysatay siyaasiyan in ay bulshada reer Sool u tusto inay jeceshahay in la ilaaliyo saamiga gobolka Sool ku leeyihiin dawladda Somaliland. Arrintaasina waxay keentay inuu noqday qofkii u hooreeyay ee isla soo sawiray. Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si ficil ah u billowday soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka. Labadaan dal oo ay u dhaxeeyaan dhacdooyin taban iyo kuwa togan intaba, ayaa muddo laheyn cilaaqaad micno leh. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Abshir Huruuse ayaa tegay Ruushka bishii May ee sanadkaan, haddana waxaa socda qorshe lagu xoojinayo xiriirka labada dal. Dad badan oo Soomaali ah ayaa su’aallo ka keenay waxa waqtigaan muhiim ka dhigaya xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka, sidoo kalena waxaa la faafiyay warar sheegaya in labada dal ay heshiis milateri gaareen. Laakiin wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya oo socdaalkiisa Moscow uga jawaabay guddiga arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa beeniyay inay jiraan heshiisyo millateri oo ay gaareen Muqdisho iyo Moscow. Ruushka waxa uu kamid yahay dalalka deynta ugu badan ku leh Soomaaliya, xilli dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay olole ugu jirto in laga cafiyo deyn 5 bilyan oo dollar ah oo lagu leeyahay dalka. Si deyn cafintaasi loogu gun-gaaro dowladda Soomaaliya waxay ku qasban tahay inay saaxiibtinimo gaar ah u muujiso dalalka deynta ku leh. Sidoo kale Soomaaliya waxaa saaran cuna-qabateyn dhanka hubka ah, xilli adduunka uu sugayo in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka adkaato argagixisada. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu waayahan waday olole xooggan oo la xiriira dhanka cuna-qabateynta hubka, Ruushka-na waxay kamid yihiin shanta dal ee awoodda ugu badan ku leh Golaha Ammaanka, wax badan ayayna ka galaan ololaha ay Soomaaliya ugu jirto in laga qaado xayiraadda dhanka hubka. Iyada oo dhinaca kale la iloobi karin deeqaha waxbarashada ee ay marwalba Ruushka siiyaan dhalinyarada Soomaaliyeed, haddana wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Abshir Huruuse waxa uu ku dhiiraday inuu caddeeyo waxa ay Raashiya muhiim ugu tahay maanta. “Ruushka waa waddan aan laheyn xiriir weyn oo hore, inkasta oo sanadahaan dambe active aheyn, ardeyna ay naga joogto oo sanad walba ina siiya deeqo waxbarasho. Waa waddan kamid ah waddamada deynta ugu badan inagu leh ee aan kala xaajooneyno deyn cafinta, waana waddan muhiimad u leh in nagala qaado cunaqabateynta hubka,” ayuu yiri Wasiir Huruuse. Waxa uu intaas sii raaciyay “Sidaas aawadeed maadaama ay ina-soo casuumeen in aan u tagno waanu ajiibnay. Ma jirto heshiis aan galnay oo ah heshiis ciidan ama ganacsi ama mid kaleba.” The post Saddex arrin oo muhiim ka dhigaya qorshaha socda ee Soomaaliya iyo Ruushka appeared first on Caasimada Online.
  9. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister, Hamse Abdi Barre, held a meeting with members of the two Houses of the Federal Parliament of Somalia elected from the Puntland regional administration at his residence in Mogadishu on Saturday night. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Abuukar Salaad Maxamuud oo ahaa masuul ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir oo ay kooxda Al-Shabaab baahisay inuu isku soo dhiibay, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrintaasi. Abuukar ayaa wareysiga kooxda ay baahisay ku sheegay inuu kasoo shaqeeyay degmooyinka Xamarweyne iyo Hodan ee gobolka Banaadir, ahaana guddoomiyaha arrimaha bulshada, inuu kasoo goostay dowladda uuna ku biiray Al-Shabaab. Sidoo kale waxa uu ku sheegay codka ay baahisay Al-Shabaab inuu towbad keenay, ayada oo qaabka wareysiga u dhacayo laga fahmi karayay heerka qanacsanaan ee ka muuqatay Abuukar, ee fikira kooxda, iyada oo kooxda si fiican loogu soo dhoweeyay, sida uu sheegay. Kadib markii kooxda Al-Shabaab ay baahisay codka Abuukar waxa uu saacado kadib iska soo duubay muuqaal, kaasi oo uu ku sheegay in wareysiga hadda la baahiyay uu ahaa mid laga duubay November 2021-ka. Waxa uu sheegay in kooxda ay afduubatay, isaga oo xilligaasi marayay waddo kamid ah kiwa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, uuna ku dhacay shirqool kooxda u maleegtay. “Waxaa si kedis ah gacanta ugu dhacay shirqool afduub ahaa oo kooxda Al-Shabaab ii sameeysay, waxaa la igu qaatay baabuur indhaha la iga xiray oo muddo aan qiyaasayo saddex saacadood ayaa wado ku jiray kadib waxaa la igeeyay meel oo indhaha la iga furo oo waxa darbiyada ku dhagna calankoodii madoobaa,” ayuu Abuukar ku yiri muuqaalka cusub ee uu baahiyay. “Niman wejiga duuban yahay ayaa isoo hor fariistay waxay dhaheen gaal baa tahay oo agteena dil kaga xukuman, waxaa kugula macaamileyna oo shaqo ayaa ka rabna, waa ka cudur daartay kadib waxa la igu xiray qol kadib saacad marka ku jiray la ii wacay, calanka madow istaag ayaa la indhahay oo sawirro ayaa la iga qaaday.” Sidoo kale waxa uu sheegay in wareysiga kooxda ay baahisay laga duubay isaga oo doorasho kala haysan, ayna naftiisa ku jirto halis, uuna isku furtay wareysigaas, sida uu sheegay. “Waxaa horteyda lasoo dhigay warqad diyaarsan oo wareysiga waxaa la iga qaaday telefoon, marka waxaa qiyaasi karta qof gacan ku jira oo la leeyahay naftaada ku xiran oo doorasho kale ku banaaneyn. Sidey rabeen ayaa u qabtay wareysiga, markasta oo hadalka khafiifayo waa la daminayay oo agtayda qoryo lala taagan yahay siday rabeen ayaa u sameeyay.” Abuukar ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in cadaadiska Al-Shabaab ay ku haysay uu sababay in uu dalka ka dhoofo, balse uu usoo noqday aabihii oo xanuusnaa dartii, kadibna ay ku billowday cadaadiska kooxdu. Waxa uu intaas sii raaciyay “Xalay waxaa dhacday in la baahiyo wareysigii ay iga qaadeen kooxda Al-Shabaab. Ujeedka wuxuu ahaa in kaarkeyga la gubo.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay in uu caddeeyo sida ay wax u dhaceen, uuna wareysigaas u duubay si uu u badbaadsado naftiisa, islamarkaana aysan jirin wada-shaqeyn ka dhaxeysa kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, Kadib markii ay kooxda Al-Shabaab baahisay wareysiga Abuukar ayaa waxaa sii xoogeystay shakiga “isku milanka hay’adaha dowladda iyo Shabaab,” xilli dowladda ay dagaal xooggan kula jirto kooxda. The post Mas’uulkii au Al-Shabaab baahisay ‘inuu isku dhiibay’ oo war yaab leh soo saaray appeared first on Caasimada Online.
  11. Xildhibaan Casoowe oo ka hadlay labadii Fikradood ee ku Tartamay Wakiillada Hargeysa(Qaran news)- Xildhibaan Axmed Xasan Cali Casoowe oo laga soo doortay gobolka Sool, kana tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay inuu u coddeeyay xildhibaan Maxamed Khadar Daahir oo uu xusay inuu metalayey dadka doonaya in xal wada hadal lagu dhammeeyo colaada Laascaanood. Xildhibaan Casoowe wuxuu sheegay inay dadkii waday Guddoomiye Faratoon ay ahaayeen dhinaca aaminsan in qori caaradii lagu xaliyo khilaafka Sool, isna uu arrintaas ka soo horjeedo. Sidoo kale waxa uu ku dooday in murrashax Maxamed Khadar ay wadeen dhinacyada aaminsan in xal wada hadal ku dhisan lagu furdaamiyo qaddiyadda Sool taasi oo uu isagu u taagan yahay. Xildhibaan Casoowe wuxuu sheegay in dad badani ku haaraameen inuu ka leexday oo aanu u coddayn Guddoomiye Faratoon oo ay isku gobol ka soo wada jeedaan. Qaran News
  12. Mandera County Governor Mohammed Adan Khalif has called out the media for misquoting that he said al Shabaab controls 60 percent of Mandera County. Source: Hiiraan Online
  13. Nairobi (AFP) – In Kenya's rural northeast, roadside bombs and beheadings that killed two dozen people last month appear to be part of a troubling escalation of violence by Al-Qaeda-linked Islamists, analysts say. Source: Hiiraan Online
  14. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo booqasho shaqo ku jooga caasimadda dowladda Qatar ee DOHA ayaa maanta soo booqday Kulyadda Ciidamada ee Axmed Bin Muxammad iyo Machadka luqadaha ee Ciidamada. Booqashooyinka wasiirka iyo wafdigiisa ay booqdeen kuliyadda iyo machadka ayaa daaran sidi loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka tacliinta ciidamada ee Wasaaradaha Difaaca labada Dal, Qatar ayaa ka mid ah dowladaha taageerada siiya Soomaaliya. Booqashada Wasiirka ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli dowaan safar nuucaan oo kale ah uu ku tagay dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waxaana dowladda Soomaaliya ay taageero u raadinaysaa wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah ee Al-shabaab . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo ku jira isbitaal ayaa maanta oo Axadda ah lagu rakibay qalab wadnihiisa caawinaya. Iyadoo Israa’iil ay ku jirto qalalaasihii siyaasadeed ee ugu xumaa muddo tobanaan sano ah, ayaa hoggaamiyahan 73-jirka ah waxaa Sabtidii loola cararay Xarunta Caafimaadka ee Sheba oo u dhow magaalada Tel Aviv. Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sida la sheegay dareemaya xaalad wadne garaac oo saa’id ah taas oo kalliftay in lagu xiro qalab caawiya garaaca wadnaha. Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in la filayo in uu isbitaalka ka baxo, waxaana uu intaa lagu daray in safarradii u qorsheysnaa in uu ku tago Qubrus iyo Turkiga dib loo dhigay. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo lagu rakibay qalab ka caawiya garaaca wadnaha appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa si rasmi ah u billowday dhageysiga kiis dil ah oo ka bilowday gacan ka hadal dhex-maray dhalinyarro caan ka ah aaladda baraha bulshada ee TikTok. Kiiskaan oo loo haysto Sharmaarke Xuseen Jaamac iyo Maxamed Faarax ayaa ka billowday gacan ka hadal uu ku baxay marxuum Saciid Cabdi Cali oo isaguna kamid ahaa dhallinta TikTok-ga isticmaasha. Falkaas ayaa dhacay 29-kii Juun ee sanadkaan, xili ay ku soo wada xifaal-tameen goob u dhaxeyso Isbitaalka Dalmar iyo Beerta Banaadir ee degmada Hodan, halkaasi oo ay habeenkii isugu yimadaan dhalinta isticmaasha TikTok-ga, sida laga horsheegay maxkamadda. Sharmaarke ayaa markaas habeen kadib soo kaxeystay laba askari oo ka tirsan ciidanka NISA, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Maxamed Abuukar Dayax iyo Maxamed Cali Cismaan (Suleey), kadibna halkaas ku dileen marxuum Saciid Cabdi Cali. Maxamed Abuukar iyo Suleey ayaa sidoo kale kamid ahaa eedeysanayasha dhageysiga maxkamadda ka soo hor muuqday. Waxaan maxkamadda laga hor sheegay in gacan ka hadalka isku beddelay dilka ee dhalinta TikTok-leyda dhexmaray uu markii hore ku billowday Gabar uu watay mid kamid ah eedesanayaasha. Xeer ilaalinta iyo baarayasha kiiskan ayaa intii socday fadhiga maxkamadda, ayaa waxay halkaasi ku soo bandhigeen cadeymo lid ku ah eedeysanayaasha kasoo hormuuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida. Intaas kadib waxaa fadhiga maxkamadda soo xiray guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka Xasan Shuute, isaga oo ku dhawaaqay in go’aanka ay gadaal kasoo sheegi doonto maxkamadda. Ma ahan markii u horreysay ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ay u fadhiisato ka dhashay TikTok, ayada oo horraantii sanadkaan go’aan ka gaartay kiis la yaab leh oo ka dhashay muuqaal Prank ahaa oo ay sameeyeen koox Tik-Tok-ley ah oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Kiiskii dilka ee TikTok ka billowday oo gaaray maxkamadda ciidamada appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si wadajir ah u magacaabay shan xubnood oo isugu jira xildhibaano iyo senatarro. Xubnahaan ayaa Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mid noqonaya baarlamaanka cusub ee Urur Goboleedka IGAD loo dhisayo. Guddoonka labada aqal ayaa waqadaan ay sida wadajirka ah u soo saareen waxaa lagu faray xoghayaha guud ee baarlamaanka dalka inuu liiska xildhibaanadaan u gudbiyo wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Sida ku cad warqadaan guddoonka baarlamaanka Soomaaliya wuxuu wasaaradda arrimaha dibadda u xil saaray in liiska xildhibaanadaan ay ku wareejiso hoggaanka urur goboleedka IGAD. Xubnahaan oo hadda ka kala tirsan xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalkeenna ku meteli doona baarlamaan cusub oo loo dhisayo urur goboleedka IGAD. Shanta xildhibaan ee Soomaaliya meteli doonta ayaa kala ah: 1 – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh 2 – Xildhibaan Maxamed Axmed Aadan 3 – Xildhibaan Maryan Aweys Jaamac 4 – Xildhibaan Maxamed Cismaan Cumar (Naasrato) 5 – Senator Sareedo Maxamed Xasan Jeyte Urur goboleedkaan IGAD oo markii ugu horeysay baarlamaan cusub sameysanaya waxaa ku mideysan dalalka geeska Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto, waxayna dhowrkii biloodba mar ka shiraan arrimahooda. The post Baarlamanka Soomaaliya oo urur goboleedka IGAD u diraya shan xildhibaan + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  18. Garissa (Caasimada Online) – In the remote Northeast region of Kenya, a troubling surge of violence has emerged, instigating growing concerns of an evolving threat from the Al-Qaeda-linked Islamist militants, Al-Shabab. A series of brutal attacks last month, culminating in roadside bombs and grim beheadings, claimed two dozen lives. This sudden spurt of violence, directed at seemingly minor targets, signals a potential shift in focus by Al-Shabab, warn experts. Amidst this backdrop, it’s worth noting that Kenya has not experienced a significant jihadist assault since 2019. Back then, a devastating incident at a Nairobi hotel and adjacent offices led to the death of 21 people. However, the recent surge in attacks has induced a palpable sense of fear that the insurgents, allegedly responsible for the attacks, are now setting their sights on Kenya. According to estimates, Al-Shabab currently has a force of about 7,000 to 12,000 fighters. Recently, they have come under increasing pressure due to a comprehensive counterterrorism operation led by the Somali National Army and US-trained commandos, bolstered by clan militias known as “macawisley.” The onslaught on the border The militants’ ongoing campaign against the unstable government in Mogadishu for over 15 years has lately seen a spillover along Kenya’s extensive and vulnerable frontier with Somalia. Twenty-four people, including 15 security officers, were killed in six separate attacks last month alone. In one ferocious assault confirmed by the group, approximately 30 militants targeted two thinly-populated villages in Kenya’s coastal Lamu county on June 24, resulting in the death of five civilians, some of whom were beheaded. One resident, Hassan Abdul, recounted the chilling episode: “Women were locked in the houses, and the men ordered out, where they were tied with ropes and butchered.” While these remote mainland villages are not tourist hotspots, the gruesome killings act as an ominous message for Kenya, experts suggest. Analysts reflect on the Situation “The attacks are a way for Al-Shabab to say that despite being under pressure, they still have the firepower and are a force to be reckoned with,” Nicolas Delaunay, International Crisis Group director for East and Southern Africa, told AFP. “It could also be a way of warning Kenya has pledged to participate in the Somali government’s offensive against Al-Shabab,” he added. Al-Shabab has capitalized on the changes in Kenya’s security leadership following President William Ruto’s election last August, notes Roland Marchal, an Africa specialist at Sciences Po University in Paris. Marchal suggests there’s “relative disorganization at the border,” with Al-Shabab taking this as an opportunity to exact “revenge” against Kenya for deploying troops in the rural central and southern parts of Somalia. Kenya, already no stranger to Somalia’s long-standing Islamist insurgency, faces an increased threat, especially as the violence threatens to spread into Ethiopia, Africa’s second most populous country. Last month, Addis Ababa reported thwarting a jihadist attack in the border town of Dollo. While the gains of the Somali offensive have been significant, the “situation remains very fragile,” warns African Union Commission chair Moussa Faki Mahamat. Hassan Khannenje, director of The Horn International Institute for Strategic Studies in Nairobi, opines that Al-Shabab is “on the back foot in Somalia.” He added, “There is a desire on their part to demonstrate continued relevance and resilience.” Kenya’s response: High alert Despite a US official dismissing the recent cross-border attacks by Al-Shabab as a “manifestation of desperation” last month, Kenya is not lowering its guard. Following several significant attacks in previous years – including the 2013 Westgate shopping center assault, the Garissa University attack two years later, and the Dusit hotel complex attack in 2019, which collectively resulted in hundreds of casualties – Kenya is on high alert. Recently, Kenya announced a delay in reopening its long-closed border with Somalia due to the recent surge in attacks. Interior Minister Kithure Kindiki stated that the phased reopening would not proceed “until we conclusively deal with the recent spate of terror attacks and cross-border crime.“ Khannenje, offering a final thought, said that the wave of attacks “should serve as a warning” to Kenya. He added, “Vigilance is key.” The post From Mogadishu to Nairobi: Al-Shabab’s shift in focus appeared first on Caasimada Online.
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn ugu baahay baraha bulshada in Fanaanka caanka ah ee Qamar Suugaani lagu xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa. Fanaanka Qamar ayaa kasoo duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo muddooyinkii dambe uu ku sugnaa, isaga oo saaka soo gaaray garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Caasimada Online oo xiriiro kala duwan la sameeysay saraakiisha garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa ayaa waxay inoo xaqiijiyeen in aan la xidhin Qamar Suugaani. Qamar ayaa waxaa muddo kooban lagu hubinayay waraaqihiisa garoonka Hargeysa, taasi oo keentay in rakaabkii kale ee isla socdeen uu ka haro. Warka sheegaya in la xiray ayaa ka dhashay daahista uu Qamar ku daahay gudaha Garoonka, halka dadkii kale ee flight-ka la wada socdeen ay gudaha u galeen magaalada Hargeysa. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Fanaanka Qamar Suugaani ayaa hadda ka baxay garoonka kadib hubinta uu maray ee la xiriiray document-yadiisa Qamar oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu hadal hayn badan ka dhaliyay baraha bulshada, kadib markii uu sheegay in uu sax aheyn oo wax loo qabtay, uuna rabo in deg deg loo geeyo Hargeysa. Arrintaasi ayaa dadku si kala duwan uga fal-celiyeen, isaga oo ugu dambeyntiina maanta kasoo degay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. The post XOG: Maxaa ka jira in Qamar Suugaani lagu xiray garoonka Hargeysa? appeared first on Caasimada Online.
  20. Murrashax Cirro oo Bogaadiyay Guusha Fartoon Hargeysa(Qaran)-Musharraxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa hambalyeeyay guusha Faratoon loogu doortay Guddoomiyaha Wakiillada. Cabdiraxmaan Cirro qoraal uu soo saaray wuxuu ku yidhi “ Waxa aan hambalyo & bogaadin u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee aqalka Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo maanta Xildhibaanada Goluhu ugu codeeyaan in uu noqdo Afhayeenka cusub ee Golahaasi yeesho. Waxa aan u rejaynayaa isla markaana xasuusinayaa Guddoomiyaha cusub ee la doortay in uu noqdo mid yeesha hoggaaminta uu ballan-qaaday ee dhexdhexaadnimada iyo Gole isku wad-ka leh.” Qaran News
  21. Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa waxaa maanta ka dhacday doorashada Gudoonka Baarlamaanka Somaliland, Xildhibaan Yaasiin Xaaji Faratoon, ayaana ku guullaystay doorashada guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland. 46 Xildhibaan ayaa u codeeyay Faratoon halka xildhibaan Maxamed Khadar-na ay u codeeyeen 35 Labo sannadood ka hor ayuu xilkaan u tartamay Faratoon oo markaasi guul darro kala kulmay. Waxaa markaas ay tartameen Cabdirasaaq Khaliif Axmed oo ka guuleystay kaas oo helay 42 cod oo ka mid ah codadkii la dhiibtay. Hase yeeshee Cabdirisaaq ayaa banneeyay jagadii guddoomiyaha ee xilligaas oo loo doortay sababo la xiriira dagaalka Laascaanood ka socda ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamo deegaanka ah. Faratoon wuxuu wasaaradaha Waxbarashada iyo Arrimaha Dibadda ka soo qabtay dowladda Madaxweyne Muusa Biixi. Waa xubin firfircoon oo ka tirsan xisbiga Kulmiya ee Talada haya. Waa Kuma Faratoon? Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood, sannadkii 1947-kii. Wuxuu dugsigii hoose ku dhammaystay isla magaaladaas, halka uu baxay dusgsigii sare ee Dayaxa ee magaalada Ceerigaabo. Waxabarshada jaamacadda qaybta hore wuxuu ku qaatay jaamacaddii Lafoole, gaar ahaan Kulliyadda Barashada Adeegga Bulshada. Isla jaamacaddaas ayuu markii danbena macallin ka noqday. Ka dib wuxuu shaqo ka billaabay Wasaaraddii Waxbarashada, wuxuuna madax ka noqday Qaybtii Waxbarashada Dadka Waaweyn. Sannadkii 1978-dii ayuu waxabarshada heerka labaad ee jaamacadda u aaday dalka Britain. Wuxuu dhigtay Jaamacadda Manchester. Sannadkii 1980-kii ayuu ka mid ahaa saraakiil lagu eedeeyey Kacaandiid, wuxuuna si dhuumasho ah markii danbe ugu safray dalka Qatar halkaas oo uu muddo ku noolaa. Faratoon ayaa sida oo kale qayb ka ahaa aasaaskii iyo nabadeyntii beelaha wada dega Soomaliland. Sannadkii 1991 wuxuu noqday noqday guddoomiyihii ugu horreeyey ee gobolka Sool ee Somaliland. Sannadkii 1993 ayuu madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland, ka dib markii ay madaxbanaanideeda ku dhawaaqday, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, u magacaabay Faratoon in uu noqdo Wasiirkii Caafimaadka iyo Shaqada. Sannadkii 1997, waxa uu ka mid noqday xildhibaannadii golaha wakiillada ee Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, isaga oo qayb ka ahaa Xubnihii qoray dastuurka. Xilligii madaxweyne Daahir Rayaale ahaa madaxweynaha Somaliland, Faratoon waxa uu noqday Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Dib u dejinta, taas oo markii danbe uu iska casilay. Sannadkii 2016, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuu Faratoon u magacaabay Wasiirkii Arrimaha Gudaha. Markii la doortay madaxweyne Muuse Biixi wuxuu isna Faratoon u magacaabay Wasiirka Wasaaradda waxbarashada, isaga oo ka mid ahaa golihii wasiirrada ee ugu horreeyey ee xukuumaddaas sannadkii 2017. Isla xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxaa mar labaad laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, oo xilkaa hayey ka hor inta aanu isu sharrixin xildhibaan golaha wakiillada ah, isaga oo haatanna u tartamay guddoomiyaha Baarlamaanka oo lagaga guuleystay. Isha: BBC The post Waa kuma Faratoon guddoomiyaha cusub ee golaha wakiilada Somaliland? appeared first on Caasimada Online.
  22. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan is xog-wareysi isugu jira hoygiisa kula yeeshay Xildhibaannada labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xildhibaannada warbixin ka siiyey heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka iyo dadaalka Xukuumadda Dan-Qaran ee ku aaddan sidii loo ilaalin lahaa nabadda iyo xasilloonida Puntland, islamarkaana khilaafka jira wada-hadal loogu dhammeyn lahaa. Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay xaaladda Gobolka Sool iyo xal u helidda colaaddaha ka jira gobolkaasi. Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay xildhibaannada inay ka shaqeeyan nabadda iyo xasilloonida dalka, si loo xaqiijiyo horumarka la hiigsanayo. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), iyadoo ugu dambeyn si wanaagsan la isugu afgartay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa kulan ballaaran oo wadatashi ah xalay isugu yeeray xildhibaanada labada Gole ee kasoo jeeda deegaanada Puntland, kuwaas oo uu kala hadlay arrimo xasaasi ah. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) oo labaduba deegaan doorashooda ay tahay Puntland. Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa Xildhibaannada warbixin ka siiyey heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka, kuwaas oo ay ka maqneyd dowlad goboleedka Puntland, maadaama uu weli khilaaf xoogan oo dhanka siyaasiga ah uu kala dhexeeyo dowladda federaalka ah. Sidoo kale Xamza ayaa ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ku dadaali doonto sidii loo ilaalin lahaa nabadda iyo xasilloonida Puntland, islamarkaana khilaafka jira wada-hadal loogu dhammeyn lahaa, maadaama ay weli taagan xiisad u dhexeyo Denio iyo mucaaradka. Xildhibaannada labada Aqal ayuu sidoo kale ugu baaqay inay doorkooda qaataan, kana shaqeeyaan sidii Puntland loogu soo celi lahaa saaxadda, loona xalin lahaa khilaafka dhexdeeda ka taagan ee ka dhashay muranka hareeyay doorashooyinka ku soo socda. Dhinaca kale waxaa kulanka oo ka dhacay hoyga ra’iisul wasaaraha lagu soo hadal qaada xaaladda Gobolka Sool iyo xal u helidda colaaddaha ka jira gobolkaasi, gaar ahaan dagaalka xoogan ee bilihii u dambeeyay ka socday aagga magaalada Laascaanood. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay xildhibaannada inay ka shaqeeyan nabadda iyo xasilloonida dalka, si loo xaqiijiyo horumarka la hiigsanayo. Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in ugu dambeyn uu kulanka kusoo dhammaaday is afgarad, isla-markaana lagu ballamay in laga wada shaqeeyo danaha guud, sidoo kalena meel la’iska dhigo khilaafaad soo laa laabtay. Puntland ayaa ka maqan xeyndaabka dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii ay is qabteen madaxweyne Xasan, waxayna taas saameyn ku yeelatay xiriirka labada dhinac. The post Muxuu Xamza kala hadlay xildhibaannada ka soo jeedo Puntland? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  24. Magaalada Hargeysa waxaa maanta ka dhacday doorashqda guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, waxaana xilkaas loo doortay xildhibaan Yaasiin Xaaji Faratoon oo ka tirsan xisbiga talada haye ee Kulmiye. Faratoon waxaa u codeeyay 46 xildhibaan, halka musharaxii la tartamay Maxamed Khadar Daahir uu helay 35 cod, iyadoo Golaha Wakiillada Somaliland–na ay ka kooban yihiin 82 mudane. Xilka loo doortay Yaasiin Faratoon waxaa 11 bishii hore ee June iska casilay Cabdirisaaq Khaliif, oo ay ka soo wada jeedaan gobolka Sool oo lixdii bilood ee la soo dhaafay uu ka socdo dagaal u dhexeeyay dadka deegaanka iyo ciidamada Somaliland. PUNTLAND POST The post Faratoon oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland appeared first on Puntland Post.
  25. Inta badan wasaaradaha Puntland ayaa sida la xaqiijinayo qarka u saaran in ay gebi ahaanba xirmaan kadib markii kharash la’aani ku dhacday. Wararka ayaa caddaynaya in wasaaradaha kala duwan ee Puntland aysan wax kharash ah ka helin wasaaradda Maaliyadda tan iyo bilowgii sannadkan. Shaqaalaha iyo ciidamada ayaa sidoo kale mushaaar la’aani ku dhacday in ka badan shan bilood sida aan ka xigannay dad xog-ogaal ah. Mushaar la’aanta iyo kharashkii hay’daha dowladda oo mudda dheer laga la’yahay wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa horseeday in ay istaagaan inta badan hawlihii socday. Mashaariicda horumarinta Puntland qaarkood ayaa sidoo kale istaagay kadib markii uu saameeyay khilaafka madaxweyne Deni iyo Villa Somalia oo ku muranaan dano shakhsiyeed. PUNTLAND POST The post Inta badan wasaaradaha Puntland oo qarka u saaran in ay xirmaan kadib markii kharash la’aan ku dhacday appeared first on Puntland Post.