-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Aadan Caanooy oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in xaalad adag ay ka taagan tahay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in isbaarooyin tiro badan lasoo dhigtay gudaha iyo duleedka Beledweyne, taas oo saameyn ku yeelatay ganacsiga guud ee magaaladaasi. Caanooy ayaa sidoo kale sheegay in gaadiidka ganacsiga loo diiday inay gudaha u galaan magaalada, maadaama jidgooyooyin horleh lasoo dhigay halkaasi. “Beledweyne maalmahaan waxaa jirta in gaadiidkii uu Problem uu ka jiro oo magaalada Beledweyne dhexdeeda iyo bannaankeeda ay isbaarooyin yaaliin, waxaan raanaa in dadka Soomaaliyeed oo ganacsatadaha loo furo” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Aadan Caanooy. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ay saameyn ku yeelatay nolosha shacabka Beledweyne, isla-markaana sicir barar baahsan laga dareemayo magaaladaasi. “Maciishaddii iyo quutul daruuriga wax kasta waa qaaliyoobeen dadka xoolihii laga gadanaayay iyo kuwii gadanaayay way isku dhiban yihiin” ayuu hadalkiisa ku daray. Waxaa kale oo uu ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto dhibaatadaas, lana qaado isbaarooyinka uu sheegay in lasoo dhoobay magaalada Beledweyne. “Waa in isbaarooyinka la qaado magaaladaasna ay noqoto mid lasoo geli karo, ma rabno dadka Soomaaliyeed ganacsigooda in la cunaqabateeyo” ayuu mar kale yiri. Beledweyne ayaa waxaa muddooyinkii ka jiray dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeday, kadib markii uu khilaaf xoogleh ka dhashay xilka qaadistii guddoomiye Cali Jayte Cismaan. The post Daawo: Isbaarooyin horleh oo lasoo dhigtay gudaha magaalada Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
-
388 Maxbuus oo Cafis Madaxweyne Lagu sii Daayay Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne uu Cafis Guud ugu fidiyey, munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka awgeed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan oo tiradoodu dhan tahay 388 (Saddex Boqol, Siddeed iyo Siddeetan) maxbuus. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Cafis Markaan Arkay: Qodobka 90aad, Farqaddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/244/2023, kuna taariikhaysan 20/07/2023; Markaan Tix-geliyay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/334/2023, kuna taariikhaysan 20/07/2023; Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka awgeed, maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 388 (Saddex Boqol, Siddeed iyo Siddeetan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
-
Somalia’s president to undertake diplomatic drive in Russia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (Caasimada Online) – In the face of debilitating social and political hurdles, Somali President Hassan Sheikh Mohamud prepares to step onto the global stage. His aim? To enhance Somalia’s position at the upcoming Russia-Africa Summit in St. Petersburg, a move confirmed by Somali Foreign Minister Abshir Omar Huruse. The delegation’s journey to Russia holds strategic significance for Somalia. The nation needs weapons and ammunition to strengthen its fight against Al-Shabab militant group. In May, Somali diplomats disclosed Russia’s offer to bolster Somali armed forces in the battle against terrorism. Rumors have circulated about Russia possibly employing Wagner mercenaries to train Somali troops. However, Minister Huruse remained reticent about his discussions with Russian officials. A show of support The presence of President Mohamud at the summit has been received positively by Russia. Russian Foreign Minister Sergey Lavrov expressed gratitude for the President’s personal involvement. “We are grateful to our Somali friends for the decision of Somali President Mr. Hassan Sheikh Mohamud to attend this event in person,” he noted. Lavrov further voiced his appreciation for Somalia’s balanced stance on the Ukraine issue, stating, “I believe the vast majority of developing countries understand the primary causes of this crisis, which are rooted in the ambitions of the United States and its allies.” Moreover, Lavrov assured that Russia stands ready to back Somalia’s legitimate positions in the UN Security Council, stressing the importance of lifting the arms embargo on Somalia, which he sees as a hindrance to the Somali government’s efforts towards stability. Balancing act: Somalia’s challenge Somalia faces a labyrinth of challenges. It grapples with political instability, governance issues, and clan rivalries. The humanitarian scenario is bleak, with over half the population urgently needing aid. A looming food crisis threatens 6.6 million people, while 1.8 million children are at risk of acute malnutrition. To add to the turmoil, Russia’s recent pullout from the Black Sea Grain Deal disrupted Ukrainian agricultural exports to East African nations, including Somalia. The country relies heavily on Ukrainian grain, particularly given the global climate change impacts. Meanwhile, Finland, a substantial humanitarian supporter of Somalia, has declared it will withhold aid from nations backing Russia’s war in Ukraine, creating more uncertainty for Mogadishu. The Finland Foreign Ministry has earmarked EUR 54 million for bilateral cooperation in Somalia from 2021 to 2024, focusing on state-building and women’s sexual and reproductive health and rights. In 2021 and 2022, Finland also pledged EUR 6.6 million for projects related to the Somalia Multi-Partner Fund (MPF) via the World Bank to improve healthcare and education. As Somalia faces the Russia-Africa Summit amid these intricate challenges, the stakes have never been higher. Navigating the shifting geopolitical landscape is daunting for the nation’s leaders, who must seek critical support and aid for Somalia’s stabilization and development. The post Somalia’s president to undertake diplomatic drive in Russia appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga arrimaha dibadda ee golaha shacabka oo kulan su’aalo weydiin ah la yeeshay madaxda wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa miiska soo saaray su’aal ku saabsan caqabad Soomaalida ka heysata dal ku galka wadanka Imaaraadka Carabta. Xildhibaan Cumar Xaashi oo guddigaas ka mid ah ayaa wasiirka arrimaha dibadda, ku xigeenadiisa iyo agaasimayaal ka socday wasaaradda weydiiyey su’aal u dhigneyd “Waxaa nagu maqaalo ah in dowladda Imaaaraad-ka ay fiisaheeda u diiday Soomaaliya oo madaxdeenu ay ku safraan Passport ajnabi ah, markii ay u socdaan Imaaraadka?” Raage, oo ah agaasimaha arrimaha Carabta ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayey wasiiradu u wakiisheen inuu ka jawaabo su’aashaan, isagoo shaaciyey halka ay caqabadu ka jirto. “Waxaa dhacay isbedel ku yimid xiriirka Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka, xilligii maamulkii hore uu joogay, dowladda Imaaraadka ayaa markaas hakad gelisay baasaboorka Soomaaliya, ilaa hadda arrintaas lama xalin oo sidii ayuu hakad ugu jiraa,” ayuu yiri Agaasime Raage. Wuxuu sheegay in safaaradda Soomaaliya ee dalka Imaaraadka ay furan tahay, balse aysan weli shaqo bilaabin qeybta baasaboorrada ama bixinta fiisaha. Agaasime Raage ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaalida ah ee dalbaday fiisaha ama dal ku galka Imaaraadka ay helaan intooda badan, iyadoo aysan fureyn waaxdii ku shaqada laheyd. Wuxuu sheegay in arrintaas ay kala hadleen wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Imaaraadka Carabta, balse ay kala soo daaheen jawaabtii ay ka sugayeen. Sidoo kale Agaasimuhu wuxuu shaaciyey in safaaradaha caalamka u qaabilsan Soomaaliya ee degan Nairobi – Kenya ay ka dalbadeen inay u soo guuraan Muqdisho, isla markaana ay hadda ka fekerayaan halkii la dejin lahaa safaaradaha soo guuraya ee Muqdisho aan dhulka ku laheyn. Hoos ka daawo The post Maxay dowladda Imaaraadka u hakisay baasaboorka Soomaaliya? (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xidlhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa maanta mooshin cusub u gudbiyay guddoonka sare ee Golaha, kaas oo ay ku dalbanayaan in ajendaha lagu soo daro ka doodista hindise sharciyeedka hantidhowraha guud ee qaranka. Guddoomiyaha Baarlamaanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo guddoomiyay kulankii maanta oo ahaa mid wadajir ah oo ay yeesheen labada Gole ayaa shaaca ka qaaday inuu soo gaaray mooshinkaas oo ay gudbiyeen illaa 10 xildhibaano. “Waxaan rabaa inaan idin xusuusiyo inuu yaallo mooshin u gaar ah Golaha Shacabka oo xildhibaano ay soo gudbiyeen oo ku saabsan in ajendaha lagu daro sharcigii hantidhowraha” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday xildhibaanada in dib loo dhigo dooda mooshikan, maadaama kulanka maanta ay goobjoog ahaayeen senatorada Golaha Aqalka Sare, mooshinkaana uu gaar u yahay xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya. “Marka xildhibaanada Golaha Shacabka si gaar ah waxaan uga codsaneynaa in marka hore aan galno ajendaha wadajirka ah ee hadda noo yaallo, kadibna aan cod u qaadno soo jeedinta xildhibaanada mooshinka keenay” ayuu mar kale yiri Sheekh Aadan Madoobe. Kulanka wadajirka ah ee ay maanta ku yeesheen xildhibaanada labada gole xarunta Villa Hargeysa ayaa ajendihiisa wuxuu ahaa akhrinta koowaad ee miisaaniyadda sanadkan 2023-ka, waxaana Golaha hortegay wasiirka cusub ee maaliyadda, Biiixi Iimaan Cige. Maalmihii u dambeeyay Baarlamaanka ayaa la daala dhacayay mooshino iyo doodo xoogan oo hareeyay kulamada baarlamaanka, waxaana u dambeeyay buuq ka dhashay kulankoodii 6-aad ee Kafadhigga 3-aad, kaas oo la horgeeyay mooshin deg deg ah oo ay keeneen 30 mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka. Mooshinkaas oo isna loo gudbiyay Afhayeenka Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku saabsanaa in ajendaha kulanka maanta lagu kordhiyo mooshin ku aadan la xisaabtanka iyo habsami u socodka howlaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. The post Muxuu yahay MOOSHINKA cusub ee guddoonka golaha shacabka loo gudbiyay? appeared first on Caasimada Online.
-
Maalinka berri ah waxaa lagu mudeysan yahay doorashada gudoonka golaha wakiilada Somaliland taas oo ay ku loolamayaan laba xubnood oo horay xilal uga soo qabtay Somaliland, kadib iscasilaaddii guddoomiyihii hore ee golaha Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo ku biiray dhaqdhaqaaqa SSC. Yaasiin Xuseen Faratoon iyo Cali Xaamud Jibriil ayaa ku tartamaya qabayasha hoggaanka golaha Wakiillada Somaliland, labadaan mas’uul ayaa xilal kale duwan kasoo qabtay Somaliland, waxaana labaan mas’uul midkood lagu wadaa in maalinta barri oo taariikhdu tahay 23 July uu noqdo guddoomiyaha. Waa kuma Yaasiin Faratoon Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood, sannadkii 1947-kii. Wuxuu dugsigii hoose ku dhammaystay isla magaaladaas, halka uu baxay dusgsigii sare ee Dayaxa ee magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag u ah magaalo madaxda. Waxabarshada jaamacadda qaybta hore wuxuu ku qaatay jaamacaddii Lafoole, gaar ahaan Kulliyadda Barashada Adeegga Bulshada. Isla jaamacaddaas ayuu markii danbena macallin ka noqday. Ka dib wuxuu shaqo ka billaabay Wasaaraddii Waxbarashada Somaliland. Markii la doortay madaxweyne Muuse Biixi wuxuu isna Faratoon u magacaabay Wasiirka Wasaaradda waxbarashada, isaga oo ka mid ahaa golihii wasiirrada ee ugu horreeyey ee xukuumaddaas sannadkii 2017 uu soo dhisay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waa kuma Cali Xaamud Jibriil Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil waxa uu ku dhashay magaalada Boorama, Sanadkii 1971. Waxa uu waxbarashadiisi hoose dhexe ku qaatay magaalada boorame, dugsigii Camuud ee isla magaalada Boorama ayuu sidoo kale ku bartay waxbarashada dugsiga sare. Waxbarashadiisii heer jaamacadeed, waxa uu xildhibaan Xaamud kusoo dhamaystay dalka Pakistan 1996kii, halkaas uu kusoo bartay culuumta ganacsiga (Business Administration). Waxa uu shahaadadii kowaad ee bachelor’s degree, isaga oo waxbarashada sare ku qaatay Pakistan. Waxa uu ku biiray arrimaha siyaasadda intii uu joogay ingiriiska, waxa sidoo kale ka qayb qaatay dedaalada ay jaaliyada ingiriiska ee Somaliland wax ku taraan shacabka Somaliland,waxa loo doortay guddoomiye xigeenka ururka Somaliland Society UK (SSC UK), sanadkii 2016. Sanadkii 2010 kii madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed-siilaanyo ayaa xildhibaan Xaamud ku soo daray golahii wasiirada, waxaana loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, balse xilkaa waxa laga qaaday ka dib markii uu hayay saddex sannadood. Sanadkii 2021 wuxuu noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somaliland oo laga soo doorto gobolka Awdal, balse isla sanadkaas wuxuu markale isku soo sharaxay inuu ka mid noqdo shirguddoonka aqalka wakiilada, xilli uu noqday guddoomiye ku xigeenka 2aad ee aqalka wakiilada oo uu imika hayo. Maalinka berri ah waxaa lagu mudeysan yahay doorashada gudoonka golaha wakiilada Somaliland taas oo ay ku loolamayaan laba xubnood oo horay xilal uga soo qabtay Somaliland, kadib iscasilaaddii guddoomiyihii hore ee golaha Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo ku biiray dhaqdhaqaaqa SSC. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorsheyaal lagu xoojinayo isbaheysiga milateri ee ay la leeyihiin dalalka Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib kulan ay mas’uuliyiinta safaaradda la qaateen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyaddiin. Wada-hadallada ayaa ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa ammaanka Soomaaliya, iyadoo saldhigyo cusub loo sameyn doono ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee qeybta ka ah guutada Danab. Mareykanka ayaa taageero muhiim ah u fidin doona ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee Danab oo Mareykanku u tababaray la dagaalanka kooxda Al-Shabaab. Go’aanka uu Maraykanka uu ku taageerayo hawgallada Ciidamada Dawladda Soomaaliya ayaa ku soo aadaysa iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay olole ugu jirto sii wadista taageerada caalamiga ah ee ka dhanka ah Al-Shabab. Ka sokow, taageerada ciidamada Danab, Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliya duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa sheegtay in Soomaaliya ay muhiim u tahay amniga Bariga qaaradda Afrika. AFRICOM waxay intaas ku dartay in ciidamada Maraykanaku ay sii wadi doonaan tababarka, talo siinta iyo qalabaynta ciidamada ay iskaashiga leeyihiin si ay u helaan tasiilaadkii ay ku wiiqi lahaayeen al-Shabaab. The post Maraykanka oo ka jawaabay codsi uga yimid DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Mandera (Caasimada Online) – In the face of steadily escalating tension in Kenya’s border region with Somalia, Mandera Governor Mohamed Khalif has issued a stirring call for local action. He has asked the government to consider the recruitment and arming of local residents, a strategy he believes could turn the tide in the fight against the militant Islamist group al-Shabab. Khalif, who conveyed his concerns at a security meeting in Wajir on Thursday, July 20, painted a grim picture of the militia’s expanding presence there. “I can confirm the insurgents are in control of a vast land of North Eastern counties,” he remarked. Al-Shabab once considered a ragtag group, now commands more than half the landmass in these border counties, demonstrating an alarming increase in their activities. His concerns extend to his county, where he states the group controls up to 60% of Mandera’s territory. The gravity of the situation, he feels, necessitates a localized response. “We need residents to be recruited to flush them out; otherwise, we will not succeed in this fight against the terror-linked group,” the governor stressed. Security coordination crisis In his earnest appeal, Khalif pointed the finger at poor coordination among the various state security agencies, claiming it to be the root cause of the deteriorating security situation in the region. The lack of unison, he says, has amplified the criminal activities of al-Shabab, with far-reaching implications on the region’s development. The insecurity, Khalif highlighted, has significantly hampered his government’s ability to deliver on pre-election pledges and offer essential services beyond the county’s headquarters. He attributed the worsening condition of the region’s roads to this escalating insecurity. Khalif’s primary worry, however, is the plight of the residents. He says years of grappling with insecurity and other challenges have left the locals terrified and cautious. “Some of them are afraid of sharing information about the presence of al-Shabab because they have always suffered the consequences of doing so,” he explained. He says that with proper coordination among the security agencies, locals can avoid being targeted for cooperating. Calling for border reopening In a surprising turn, Khalif called on the government to reopen the Somalia border, alleging that the insurgents exploited the closure to extort revenue from the local residents. “Let us also not postpone reopening our borders because by so doing, we are giving in to their demands,” he implored. He views this action as a way to resist surrendering to al-Shabab’s illicit operations. “And they will continue collecting money from our people as they establish their criminal agenda in the area,” he warned. This plea follows a ruthless insurgent attack on July 14, 2023, targeting the Wargadud Police Station in Mandera South. Three people lost their lives in the incident. The militants razed the police station and several houses and carjacked a police Landcruiser after setting another vehicle ablaze. Governor Khalif’s call to action underlines the escalating stakes in the region and illuminates the urgent need for innovative, local solutions in the struggle against al-Shabab. The post Al-Shabab’s rising reign: 60% of Mandera now under siege appeared first on Caasimada Online.
-
Escape to Europe without the high price tag thanks to this flash sale from Norse Atlantic Airways. This low-cost Norwegian airline is offering one-way flights for as low as $99 to popular European destinations, including London, Paris and Rome. Source: Hiiraan Online
-
“Anigu ma Ihi Nin Cabsooda Xilkana waan u Badheedhay” Cali Xaamud Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cali Xaamud Jibriil ayaa sheegay in xilka guddoomiye ku-xigeenka labaad uu iska casili doono marka sida uu xeer hoosaadkoodu dhigayo uu furmo kalfadhiga golaha Wakiilladu maalinta Berri ee Axadda. Cali Xaamud oo maanta xaraystay codsigii uu iskugu sharraxayay Guddoomiyaha cusub, ayaa sheegay in uu golaha iska hor casili doono xilkii uu hore u hayay si ay mudaneyaashu uga aqbalaan arrintaas. “Is casilaada golaha ayaa aqbala golaha ayaan horgeynayaa haddii Alle yidhaahdo marka uu kalfadhigu furmo. Dalkana waan u soo shaqeeyay nin cabsoodana ma ihi murrashaxnimadanna waan u badheedhay,”ayuu yidhi Guddoomiye Cali Xaamud oo maanta ay qaar ka mid ah warbaahintu su’aalo kala duwan weydiiyeen. Waxa kaloo uu intaas ku daray in markii u horreysay ay reer Awdal isku soo taageen kursiga Guddoomiyana Golaha Wakiillada. Waxaanu xusay inuu codkooda ka codsanayo 82 ka Xildhibaan ee Golaha Wakiillada. Qaran News
-
Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday mas’uul ka tirsanaa HirShabeelle. Qaraxa ayaa waxaa lagu dilay Daahir Maxamed Kaanti oo ah sarkaal ka tirsanaa waaxda maaliyadda dowladda hoose ee Jowhar, kaas oo ku sugnaa suuqa xoolaha ee magaaladaasi. Marxuumka ayaa la sheegay in markii hore uu dhaawac soo gaaray, balse mar dambe uu ku geeriyooday gudaha isbitaalka. Sidoo kale waxaa weerarkan qaraxa loo adeegsaday ku dhaawacmay askar ka tirsan ciidamada ammaanka oo xilligaas ku sugnaa goobta, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Suuqa xoolaha ayaa xilliga uu qaraxu ka dhacayay ahaa mid mashquul ah, maadaama ay Sabti aheyd dadweyne fara badana ay uga yimaadee duleedka magaalada Jowhar. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay qaraxa uu ahaa mid suuqa lagu sii diyaariyay isla-markaana lagu aasay dhulka hoostiisa, kadibna lagu qarxiyay sarkaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa saldhigga booliska oo halkaas ka sameeyay howlgallo kooban. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi khasaaraha geystay. Jowhar ayaa waxaa horay weeraro culus uga fulisay kooxda Al-Shabaab oo marar badan is-miidaamin ku qaaday gudaha magaaladaas oo xarun u ah dowlad goboleedka HirShablle, The post Daahir Maxamed Kaanti oo QARAX lagu dilay maanta appeared first on Caasimada Online.
-
Xamaasadaha iyo Loolanka Guddoomiyaha Cusub ee Wakiillada oo laga daremayo Hargeysa Hargeysa(Qaran)-Waxa maalinta berri oo taariikhdu tahay 23ka Bisha July 2023 la dooran doonaa Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland. Waxana xilkaasi u tartamaya oo codsiyadoodii gudbiyay manta Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Cali Xaamud Jibriil iyo Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon). Labadan murrashax oo ka soo kala jeeda gobollada Awdal iyo Sool ayaa saaka codsiyadoodii ay ku shaacinayeen Murrashaxnimada iyo CV-yadoodii u gudbiyay Xafiiska Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada oo xeer hoosaadkoodu dhigayo. Sidoo kale, waxa aad looga dareemayaa magaalada Hargeysa loolanka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo kala jiidashada xildhibaannada oo aad xamaasadoodu u sarrayso. Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil waxa taageeraya xildhibaannada ka soo jeeda axsaabta mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, halka Prof Faratoon ay wataan Urur Siyaasadeedka KAAH oo xildhibaanno badani ku biireen iyo xisbul-xaakimka KULMIYE. Sidoo kale, Xukuumadda ayaa maanta caddaysatay inay wadato Faratoon, sida uu fagaare ka xaqiijiyay Afhayeenka Xukuumadda ahna Wasiirka Warfaafinta,Saleebaan Yuusuf Cali Koore. Qaran News
-
Kulan balaadhan oo dhowr saacadood qaatay ayaa xalay magaalada Hargeysa ku dhex maray beelaha Isaaq, kulankani oo laba garab ahaa ayaa waxa fooda isku daray beesha West Burco Clan oo dhan ah iyo beelaha Gabiley Clan East Burco Clan, Ayuub, Toljecle, waxana kulankaasi ka maqnaaday beesha Arab oo ay sheegeen in ay la socotay hase ahàatee iyagu shirkaasi xalay ka maqnaa lamana shaacin sababta. Kulankani ayaa salka ku hayay arimo xaasàsi ah oo ay dhaliyeen go’aankii ay dhawaan gudiga doorashooyinku ku dhawaaqeen oo abuuray buuq siyaasadeed oo xoogan kaasi oo u muuqda in uu soo dhaafay siyaasiyiintii dalka in ay qaboojiyaan ama xaliyaan, waxana lagu dayay in lagu dajiyo habkii ay Somaliland ku caano maashay ee dhaqanka taasi oo xalay suurto gali wayday oo lagu kala kacay, waxana loo balan sanyahay kulamo kale sida ay sheegayaan ilo warned warnedyo u dhuun daloola kulankaasi xalay. Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay hogaanka dhaqanka ee labada dhinac oo ku saabsan kulankii xalay Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa laga jartay korontadii, sida uu maanta shaaca ka qaaday xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo ka tirsan xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya. Xildhibaanka oo maanta ka hor ka hadlayey Golaha Shacabka ayaa sheegay in todobaadkii hore xarunta wasaaradda arrimaha dibadda gebi ahaan laga soo goostay korontadii, kadib markii ay wasaaraddu iska bixin weysay qarashaadkii korontada, sida uu hadalka u dhigay. Sababta waxa uu ku sheegay in ay yar tahay miisaaniyadda ay hesho wasaaradda arrimaha dibadda oo uu tilmaamay in aysan ku filneyn. “Hadda isbuucii hore gudihiisa wasaaradda arrimaha dibadda korontadaa laga jartay, marka budget ma helaan” ayuu yiri Xildhibaan Aweys Maxamed. Xildhibaanka oo sidoo kale kamid ah guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda ay ka miisaaniyad yar tahay wasaaradaha kale ee dalka, isaga oo tilmaamay inay hesho 9 milyan halka kuwa kalena ay helaan ilaa 18 milyan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in arrintan wax laga qabto, maadaama wasaaradda arrimaha dibadda ay tahay miraayadda dalka. “Wasaaraddaan waa miraayaddii dalka miisaaniyaddeydana sidaas ayay tahay halka wasaaradaha kale ee aan safar galeyn uu budget-koodu yahay 18 milyan, tana ay tahay 9 milyan, maxaa xal u heysaan?” ayuu markale hadalkiis sii raaciyay xildhibaan Aweys. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo horay ay hadal heyn xoogan uga dhalatay korontada laga goostay wasaaradda arrimaha dibadda, waxayna dadku su’aallo ka keeneen sida ay adeeg koronto isaga bixin weysay mid kamid wasaaradaha muhiimka ah ee dowladda. The post Wasaaradda arrimaha dibada oo korantada laga jartay appeared first on Caasimada Online.
-
Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa maanta oo Sabti ah dacwad u gudbiyay maxkamadda dastuuriga ah ee dowladda Puntland. Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Mideeye mudane Daahir Xaaji Khaliif ayaa warbaahinta u xaqiijiyay warka ku saabsan dacwadda Mideeye u gudbiyay maxkamadda dastuuriga ah. Guddoomiye Daahir Xaaji ayaa sheegay in ay maxkamadda u gudbiyeen dacwad ka dhan ah furista dastuurka Puntland islamarkaana ay filayaan in maxkamaddu dacwaddaas qaaddo. “Waxaan maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland geynay dacwad ka dhan ah furitaanka dastuurka” ayuu yiri guddoomiyaha urur siyaasadeedka Mideeye oo warbaahinta la hadlay. Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa sidoo kale dhawaan maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland u gudbiyay dacwaddan oo kale. PUNTLAND POST The post Puntland: Mideeye oo dacwad ka dhan ah furista dastuurka u gudbiyay maxkamadda dastuuriga ah appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa, Ethiopia – Prime Minister Abiy Ahmed has announced that the Ethiopian government is exploring all options to secure a port for the country, including negotiation, “give and take,” and force. In a meeting with investors and businessmen on Thursday, Abiy said that Ethiopia’s current port costs are unsustainable, and that the country must have its own port to reduce its reliance on neighboring countries. The Prime Minister said that the government has already started negotiations with Eritrea, Djibouti, and Somaliland to secure port access. In the case of Eritrea, the government has proposed to give 30% of Ethiopian Airlines to the Eritrean government in exchange for port access. Abiy said that the government is also considering the use of force to secure a port, but that this would be a last resort. “We want to get a port through peaceful means, but if that fails, we will use force,” Abiy said. The Prime Minister’s announcement comes as Ethiopia is facing increasing pressure from the international community to resolve its border dispute with Eritrea. The two countries fought a war from 1998 to 2000, and the border has been closed since then. Abiy’s announcement is seen as a sign that the Ethiopian government is serious about securing a port, and that it is willing to take steps that could lead to conflict. Background Ethiopia is a landlocked country in East Africa. The country has a population of over 120 million people, and its economy is growing rapidly. However, Ethiopia’s lack of a port has been a major obstacle to its economic development. Ethiopia currently relies on the ports of Djibouti and Somaliland to import and export goods. However, these ports are expensive to use, and they are often congested. The Ethiopian government has been trying to secure a port for the country for many years. However, the border dispute with Eritrea has made it difficult to reach an agreement. The Future It is unclear what the future holds for Ethiopia’s port access. The government’s negotiations with Eritrea could succeed, and the two countries could reach an agreement on the use of the Eritrean ports. However, it is also possible that the negotiations will fail, and that Ethiopia will be forced to use force to secure a port. The outcome of the negotiations will have a major impact on Ethiopia’s economy and its relations with its neighbors. Source: Addis Insight The post Ethiopia Seeks Port Access Through Negotiations and Force appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (HOL) - Former Hiiraan region governor Ali Jeyte Osman, who claims to have been elected as Hiiraan State President, revealed that his political conflict with Hirshabelle State President stemmed from their differing approaches to anti-al Shabab operations in the Hiiraan region. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne uu Cafis Guud ugu fidiyey, munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka awgeed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan oo tiradoodu dhan tahay 388 (Saddex Boqol, Siddeed iyo Siddeetan) maxbuus. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Cafis Markaan Arkay: Qodobka 90aad, Farqaddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/244/2023, kuna taariikhaysan 20/07/2023; Markaan Tix-geliyay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/334/2023, kuna taariikhaysan 20/07/2023; Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka awgeed, maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 388 (Saddex Boqol, Siddeed iyo Siddeetan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Source
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta wareegto cusub soo saaray ayaa magacaabis iyo isku shaandheyn ballaaran ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, taas oo saameysay xubno badan. Laftagareen ayaa wareegtadan ku magacaabay illaa 15 xubnood oo isugu jiro wasiiro, wasiir dowle iyo wasiir ku xigeeno cusub. Sababta uu is beddalkan u sameeyay madaxweynaha ayaa lagu sheegay inay la xiriirto dadar-gelinta howlaha Koonfur Galgeed iyo aqoonta ay leeyihiin xubnaha la magacaabay. Wasiirada la magacaabay ayaa ka ah:- 1-Ibraahim Aadan Cali (Najax) waxaa loo magacaabay wasiirka cadaaladda iyo garsoorka maamulka Koonfur Galbeed, 2-Xasan Cabduqaadir Maxamed ayaa isna loo magacaabay wasiirka amniga Koonfur Galbeed 3-Nasra Aweys Sheekh Xuseen ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka. 4-Mustaf Axmed Iidow ayaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare. 5-Isaaq Cali Subag ayaa loo magacaabay wasiirka baaraha iyo waraabka maamulka Koonfur Galbeed. 6-Cali Sheekh Cabdullaahi (Cali Afgooye) ayaa loo magacaabay wasiirka dekadaha iyo gaadiidka. 7-Maxamed Isaaq Ibraahim ayaa loo magacaabay wasiirka macdanta iyo batrolka Koonfur Galbeed. 8-Saciid Axmed Cali ayaa loo magacaabay wasiirka dastuurka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. 9-Cabdifitaax Maxamed Cali (Abroone) ayaa loo magacaabay wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka badda. 10-Eng. Diini Cabdinuur Maxamed ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka bay’ada iyo isbeddalka cimilada 11-Nuur Siidow Baaba ayaa loo magacaabay wasiirka diinta iyo awqaafka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Wasiir Dowle. 1-Dr. Maxmed Ibraahim Nuur ayaa waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha madaxtooyada Koonfur Galbeed. Wasiir ku xigeenno 1-Maxamed Xuseen Xasan (Cadaawe) ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka. 2-Maxamed Qays Xasan Maxamed ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha 3-Cumar Daa’uud Khaliif ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo batroolka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. The post Laftagareen oo isku shaandheyn ballaaran ku sameeyay Golihiisa Wasiirada appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Koonfur-galbeed,Cabdicasiis Laftagareen ayaa maanta isku-shaandheyn ku sameeyay golaha wasiirada maamulkaas. 1. Ibraahim Cali Aadan Najax ayaa loo magacaabay Wasiirka caddaaladda iyo Garsoorka 2. Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa loo magacaabay Wasiirka amniga gudaha 3. Nasro Aweys Sheekh Xuseen ayaa loo magacaabay Wasiirka Haweenka iyo Xuquul Insaanka 4. Mustaf Maxamed Iidow ayaa loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada , Hidaha iyo Tacliinta Sare 5. Isaaq Cali Subad ayaa loo magacaabay Wasiirka Beeraha. 6. Cali Sheekh Cabdullaahi (Sheekh Afgooye) ayaa loo magacaabay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda 7. Maxamed Istaaq Cali Ibraahim ayaa loo magacaabah Wasiirka Macdanta iyo Batroolka 8. Saciid Axmed Cali Cumar ayaa loo magacaabay Wasiirka Dastuurka. 9. Cabdifatax Maxamed Cali Abaroone ayaa loo magacaabay Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda 10. Eng. Diini Cabdinuur Maxamed ayaa loo magacaabay Wasiirka Bay’ada iyo Isbeddelka Cimilada 11. Nuur Siidow Baaba ayaa loo mavacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Wasiiru Dawle; 1. Dr. Maxamed Ibraahim Nuur ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha madaxtooyadda Koonfurgalbeed Wasiir ku-xigeenno; 1.Maxamed Xuseen Xasan (Caddaawe) ayaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka 2.Maxamed Qeys Xasan ayaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha 3. Cumar Daaud Khaliif ayaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Lafta Gareen oo isku shaandhayn ku sameeyay golaha wasiirada Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
