Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay shirka Qaramada Midoobey ee la dagaallanka cunto-yarida iyo ka hortagga macluusha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirto dalalka ay curyaamisay abaarta soo laalaabatay. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee dhanka beeraha ah ee ay hodonka ku tahay Soomaaliya, taas oo haddii la maal-geliyo u noqonaysa dalalka Gobolka iyo guud ahaan qaaradda dammaanad-cunto oo la isku halleyn karo, maadaama dalagyada ka baxa Soomaaaliya ay ka kooban yihiin dhammaan baahiyaha nololeed ee dadka iyo calafka xoolaha. “Soomaaliya abaarihii soo laalaabtay sanadihii la soo dhaafay waxay galaafteen nolasha kumannaan ka mid ah dadkayaga. Waxaa na soo food-saaray duruufaha nololeed ee ugu adag adduunka, taas waxay nooga dhigan tahay cashar aan kaga gudubno ku tiirsanaanta gargaarka degdegga ah, iyadoo ay muhiim tahay in mashaarciidaas loo wareejiyo dhanka horumarka waara.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in isbeddelka cimilada, tabar-darrada kaabeyaasha iyo maalgashiga beeraha, tababarrada dhanka dalagyada oo yar oo haysatay dhulka qaniga ah ay sababtay hoos u dhaca waxsoosaarka beeraha Soomaaliyeed, dowladduna ay haatan xoogga saareyso sidii ay dhulkaas uga xoreyn lahayd gacanta Al-shabaab , iyadoo ay barbar socdaan qorsheyaasha horumarineed ee beeraleyda iyo dalagyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay kulanka Iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika oo ay marti-gelisay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni. Shirkan oo ay ku kulmeen dalalka Soomaaliya, Talyaaniga, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ayaa lagaga arrinsanayey Amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo dowladda Soomaaliya ay mudnaan siinayso sidii ay iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah ugu heli lahayd wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa kordhay khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee maanta lagu qaaday cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Waxaa la xaqiijiyey in qaraxii saakay ka dhacay kuliyadda Jaalle Siyaad uu fuliyey nin soo xirtay waxyaabaha qarxa, inkastoo aan la shaacin sida ay ugu suurta gashay inuu soo galo xerada. 25 askari ayaa ku geeriyootay qaraxaas, halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, sida xogtaan ay ku soo dusiyeen saraakiil ciidan. Xogtaan waxay sheegeysaa in 24 ka mid ah askarta dhaawaca ah ay ku jiraan xaalad halis ah, waxaana dhaawacyada la dhigay isbitaallada Xoogga iyo Digfeer. Xerada uu qaraxaasi ka dhacay oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay leeyihiin waxay ku taallaa degmada Hodan, waxaana la yiraa Kulliyadda Jaalle Siyaad. Saraakiisha laga helay xogta khasaaraha gaaray ciidanka waxay sheegeen in ninka is-miidaamiyey uu soo dhex-galay ciidanka oo ku jiray safaf dhaadheer, waaberigii hore ee saakay. Ciidanka la qarxiyey oo u badnaa guutada 14-ka October waxaa laga keenay degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana u socday dhibow ay ku gelayeen xerada lagu beegsaday. Kooxda Al-Shabaab ayaa masuuliyadda sheegatay daqiiqado kooban kadib markii uu qaraxaasi dhacay, ilaa hadana lama garan sida ninkaas uu ku galay xerada. Guutada ay ka tirsanaayeen ciidankaan la beegsaday waxaa la aas-aasay sanadkii 2017-kii, xiligaas oo Al-Shabaab ay Muqdisho ka geysteen qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee Soobe oo dhacay 14-kii October. The post Xog: Qaraxii Kuliyadda Jaalle Siyaad oo gaystay khasaare laga yaabay appeared first on Caasimada Online.
  4. Roma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay shirka Qaramada Midoobey ee la dagaallanka cunto-yarida iyo ka hortagga macaluusha. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey shirkaas ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirto dalalka ay curyaamisay abaaraha soo laalaabtay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee dhanka beeraha ee ay hodonka ku tahay Soomaaliya, taas oo haddii la maal-geliyo u noqonaysa dalalka Gobolka iyo guud ahaan qaaradda dammaanad-cunto oo la isku halleyn karo. Wuxuu Madaxweynuhu ku dheraaday sharaxaada dalagyada ka baxa Soomaaaliya oo ka kooban dhammaan baahiyaha nololeed ee dadka iyo calafka xoolaha. “Soomaaliya abaarihii soo laalaabtay sanadihii la soo dhaafay waxay galaafteen nolasha kumannaan ka mid ah dadkayaga. Waxaa na soo food-saaray duruufaha nololeed ee ugu adag adduunka.” “Taas waxay nooga dhigan tahay cashar aan kaga gudubno ku tiirsanaanta gargaarka degdegga ah, iyadoo ay muhiim tahay in mashaarciidaas loo wareejiyo dhanka horumarka waara,” ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in isbeddelka cimilada, tabar-darrada kaabeyaasha iyo maalgashiga beeraha, tababarrada dhanka dalagyada oo yar iyo argagixisada oo haysatay dhulka qaniga ah ay sababtay hoos u dhaca waxsoosaarka beeraha Soomaaliyeed. Sidoo kale madaxaweynaha Soomaaliya wuxuu shirka Qaramada Midoobey ka sheegay in dowladdu ay haatan xoogga saareyso sidii ay dhulkaas uga xoreyn lahayd gacanta argagixisada, iyadoo ay barbar socdaan qorsheyaasha horumarineed ee beeraleyda iyo dalagyada. The post Madaxweyne Xasan oo arrimo muhiim ah kaga hadlay khudbad uu ka jeediyey shirka QM appeared first on Caasimada Online.
  5. Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xarigga ka jaray dhismaha suuqa Bacadlaha caasimadda Dhuusamareeb oo loo dhisay qaab casri ah, kaas oo qeyb ka ah hormarka dhanka bulsho eek a socda caasimadda Galmudug. Madaxweynaha ayaa sheegay muhiimadda ay bulshada caasimadda u leedahay in helaan dhismayaal casri ah oo ay ku ganacsadaan si ay u kobciyaan dhaqaalahood, balse sidoo kale ay muhiimad siisay dowladdu kobcinta dhaqaalaha dadweynaha Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay in aysan dowladdu kaliya xil iska saarin dhismaha hay’adaha dowliga ah, laakiin xoogga la saarayo sidii bulshadana loogu abuuri lahaa hormar dhinac dhaqaalaha ah, suuqaan ayaa ah suuqii ugu horeeyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa u ambaxay, dalka Tanzania oo uu uga qaybgalayo shir madaxeed muhiim ah, kaas oo ay ka qeyb galayaan madaxda Qaaradda Afrika. Shirka ayaa looga hadlayaa ahmiyadda ay Qaaradda Afrika u leedahay taabbagelinta awoodda dadweynaha, si ay uga qaybqaataan horumarka Qaaraddu hiigsaneyso ayaa mudnaan gaar ah u leh, Xukuumadda DANQARAN ee uu hoggaamiyo. Shirka Ra’iisulwasaaraha uu u ambabaxay ayaa kusoo aadaya xilli madaxweynaha dalka uu ku maqan yahay Taliyaaniga, halkaas uu kaga qeyb galayo shirka Afrika iyo dowladda Taluyaaniga, Xamase ayaa shika ka jeedin doona khudbad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa si kulul uga hadashay in laga hor istaago inay tegto magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Marwo Sacdiya ayaa sheegtay in iyada iyo masuuliyiintii kale oo qeyb ka ahaa wafdi ay horkaceysay uu socdaalkooda ka madhnaa arrimo siyaasadeed, una socdeen deegaankooda. “Aniga waxay ii aheyd markii labaad, anigoo raashi u wada Boosaaso uu madaxweyne Deni iga soo celiyay. Xishood la’aanta siyaasadeed ee Deni ayaa ku magacaabi karaa iyo ayaan darada, dadka Puntland iyaga garanaya waxay kaga fal-celinayaan,” ayuu tiri Marwo Sacdiya. Waxay intaas kusii dartay “Waxaan kamid aheyn dadkii u socday caano-shubka Suldaan Bashiir Suldaan Cabdillaahi, waxaan nahay dadkii deegaanka u dhashay ee metelayay.” Wafdiga Sacdiya horkaceysay ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Isgaadhsiinta Soomaaliya Jaamac Xasan, Wasiiru-dowlaha Macdanta Maxamuud Mashruuc, Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin kale oo dhammaantood kasoo jeeda deegaanada dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Sacdiya ayaa sidoo kale waxay shaki gelisay dimuqraadiyada uu madaxweyne Deni raadinayo mar haddii uu masuuliyiintii deegaanka uu ka celinayo magaalada Garoowe, “Anaga oo siyaasad u socon nala soo celiyo iyo inuu shalay uu Deni caalamka u sheegayay waxa ka shaqeynaya dimuqraadiyad.” Deni ayay weydiisay illaa inta masuuliyiinta ay kamid tahay laga celinayo inay tagaan deegaankooda, “Illaa imisa ayay tahay in aan Puntland soo gelin karin ayaa weydinaya madaxeynaha,” ayey tiri Sacdiyo. Waxay ka dalbatay Isimida dhaqanka ee Puntland inay badbaadiyaan maamulka, si looga baaqsanayo damaca guracan ee Saciid Deni, islamarkaana ay ka hadlaan sida uu wax u wado madaxweynaha billooyinka u harsan yihiin. “Masuuliyad la’aanta uu sameynayo Deni anaga waxaa door-bidnay in aan intaas ku joojino, waxaa sugeyna in Isimida ay gacanta ka qabtaan oo waddanka ka badbaadiyaan, siyaasad ayuu ku sasay Deni.” Waa markii labaad oo Sacdiya laga celinayo Puntland, waxayna aheyd sanadkii hore markii laga soo celiyay garoonka magaalada Boosaaso, xilli ay gargaar u waday halkaasi, sababta ayaa Puntland waxay xilligaas ku sheegtay in aysan ku wargelin socdaalkeeda. Si kastaba, Is hortaagga lagu sameeyay wafdigaan ee maanta laga celiyay Garoowe ayaa kusoo aadaya, xilli uu halkiisii yahay khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay maamulka Puntland iyo dowladda dhexe. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Guddoomiye Sacdiya oo si kulul uga hadashay tallaabadii uu qaaday Saciid Deni appeared first on Caasimada Online.
  8. Guddoomiyaha UCID oo si Xamaasad Leh loogu soo Dhaweeyay Hargeysa Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Waraabe oo muddo socdaal gaaban dibadda ugu maqnaa ayaa maanta sidii ugu ballaadhnayd loogu soo dhaweeyay Hargeysa. Kumanaan Taageereyaal ah oo ka kala yimid degmooyinka Hargeysa ayaa si xamaasad leh ugu soo dhaweeyay Hargeysa Guddoomiye Faysal, waxana soo dhaweyntan laga dareemayey khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay kala hormarinta doorashada Ururrada iyo ta madaxtooyada ee dhawaan Komishanku ku dhawaaqeen oo UCID iyo WADDANI ka soo horjeedsadeen. Taageereyaasha UCID ayaa ku dhawaaqayey hal ku dhegyo ay ku taageerayeen Hoggaamiyahooda. Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyay madaxweyne Muuse Biixi inuu kala tag u horseedayo dalka,wuxuuna balan qaaday in aanay u tanaasulaynin waxaanu ku dooday in doorashada kaliya ee ay ogol yihiin tahay doorashada Madaxtooyada. Qaran News
  9. Faysal C. Waraabe oo Shaaciyay in Aanay Mucaaridku Tanaasuli doonin Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in aanay maanta tanaasuli doonin. Guddoomiyaha UCID wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dalka laga badbaadiyo wax uu ugu yeedhay kooxda Muuse oo uu ku eedeeyay inay hore u rideen dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Somaliland. “Tanaasuli-mayno, Go’aan ayaanu Gaadhaynaa, Taayada ayaanay Noqonaysaa,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Guddoomiye Faysal wuxuu ku dooday in Somaliland reerba calan qadan doono ama la qaban doono doorasho madaxtooyo waxaanu yidhi “Laba mid ayuun bay noqonaysaa,In maanta la kala baxo oo reerba calan qaato iyo inaaad ninkaas u tagtaan oo aad tidhaahdaan doorasho madaxtooyo ayuun baa dalka ka dhacaysa ee qabo.” “In badan ayay tiisa noqotee maanta teena ayay noqonaysaa,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo taageereyaashiisu maanta ku soo dhaweeyeen Hargeysa kadib markii uu ka soo laabtay socdaal uu ku tagay dalka dibadiisa. Qaran News
  10. Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradaha Maamulka Puntland ayaa intooda badan qarka u saaran inay gebi ahaanba xirmaan kadib markii kharash la’aan baahsan ku dhacday, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xogta ayaa sheegaysa in wasaaradaha kala duwan ee Puntland aysan badankooda wax kharash ah ka helin wasaaradda Maaliyadda, xilli xukuumadda Deni ay ku mashquulsan tahay arrimaha doorashooyinka. Tan iyo billowgii sanadkaan ayay wasaaradaha helin kharashkii ay ka heli jireen wasaaradda Maaliyadda Puntland, taasi oo si weyn u saameysay howlihii shaqo ee socday. Arrintaan ayaa keentay in inka badan shan bilood ay mushaar la’aan ku dhacdo shaqaalaha iyo ciidamada, sida laga soo xiganayo dad xog ogaal ah. Mushaar la’aanta iyo kharashkii hay’daha dowlad-goboleedka Puntland oo muddo dheer laga la’yahay wasaaradda Maaliyadda ayaa horseeday in ay istaagaan inta badan hawlihii socday. Sidoo kale mashaariicda horumarinta Puntland qaarkood ayaa istaagay kadib markii uu saameeyay khilaafka madaxweyne Saciid Deni iyo Villa Somalia, oo uu ka dhaxeeyo muran siyaasi ah, oo inta badan ku qotoma dano shaqsi ah. Arrimahaan ayaa imanaya, iyada oo maamulka Puntland ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay damaca Saciid Deni ee furista dastuurka, kaasi oo mucaaradka ay meel adag iska taageen. Madaxweyne Deni ayaa muddooyinkii dambe ku mashquulay damiciisa gaarka ah, kaasi oo ka horyimid madaxweyne ku-xigeenka maamulka, iyada oo xalayna lagu kala kacay kulan lagu qanciyay Axmed Karaash. Kulankaas ayaa waxaa qeyb ka ahaa guddoonka Baarlamaanka Puntland, wuxuuna ujeedkiisu ahaa in Karaash lagu qanciyo qorshaha Saciid Deni ee furista dastuurka, kaasi oo dagaal ka riday magaalada Garoowe. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaasi xalay dhexmaray Saciid Deni, Cabdirashiid Yuusuf iyo Axmed Karaash ayaa fashil ku soo dhamaaday, kadib markii lagu kala kacay. Madaxweyne Deni iyo Cabdirashiid Yuusuf ayaa kulankii xalay isku dayay in ay Karaash ku qanciyaan furista dastuurka balse isku-daygaas ayaa fashil ku soo dhamaaday, iyada oo uu ka gows adeygay qorshahaasi madaxweyne ku-xigeenka, sida ay inoo xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow. Axmed Karaash ayaa la sheegay inuu iska diiday in uu taageero qorshaha furista dastuurka oo uu ku tilmaamay mid qalalaase amni sababi kara, kaasi oo uu gadaal ka riixayo madaxweyne Saciid Deni. Baarlamaanka Puntland ayaa sidoo kale dhawaan dib u dhigay wax ka beddelka qodobo kamid ah dastuurka, si xal loogu helo khilaafka siyaasadeed ee ka jira doorashada, ee ka taagan maamulkaasi. The post Xog: Wasaaradaha Puntland oo intooda badan xirmaya + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  11. , the corporate social responsibility arm of the United Bank for Africa (UBA) Plc (www.UBAGroup.com), has once again taken a remarkable step towards promoting sustainability and fostering Africa’s green revolution. Following the footsteps of the Chairman of UBA Plc, the foundation has reaffirmed its commitment to environmental preservation in line with global efforts to mitigate climate change and advance ecological conservation. As part of activities to ensure the safety of the environment and in line with its environmental mandate, the Foundation on Thursday, flagged off its 2023 Tree Planting Campaign in partnership with the Lagos State Parks and Garden Agency (LASPARK), at the UBA Foundation Garden, Marina Lagos and the International Airport Setback Garden, Ikeja Lagos; and across all its locations in the 20 African countries with the theme: Shades of Hope: One Tree at a Time. UBA’s Group Managing Director, Oliver Alawuba, who flagged off the campaign with a symbolic tree planting at the UBA Foundation Garden, Marina Lagos, said that the bank, through its Foundation actively engages in environmental conservation to safeguard the natural ecosystems that Africa depends on. He explained that by partnering with stakeholders and government agencies, UBA Foundation supports programs that enhance biodiversity and ecosystem health and also serves as an inspiration for sustainable practices. Alawuba said, “With the ongoing heatwave that has been reported across the United States, United Kingdom and China, we know that the issue of climate change has to be taken seriously now more than ever. We therefore have to act fast to save our planet for the future generations. There is the need to conserve our environment, and planting trees is one of the ways we can achieve this. “To us as a bank, this is very symbolic as we are committed to saving our host communities. We are very strong on our Corporate Social Responsibilities, infact, as a bank, UBA devotes one percent of its annual profit to improve education, the environment, and to generally give back to the society where we operate.” Earlier this month in London, the Group Chairman, UBA, Tony Elumelu, who is also the Founder of the Tony Elumelu Foundation joined King Charles III of the United Kingdom and US President Joe Biden at the Climate Finance Mobilisation Forum to help attract a new generation of capital to combat climate change Elumelu, who has been in the forefront of sustainability efforts in Africa, and also one of Africa’s most prominent advocates for equitable climate finance, has been working with top world leaders towards creating sustainable climate solutions. According to Tony Elumelu, the world needs bold actions and innovative new partnerships between public, private, and philanthropic actors. One of the key partners with UBA Foundation on its sustainability efforts is LASPARK. The General Manger, Mrs Adetoun Popoola, who was at the tree planting effort in Lagos, commended UBA for its efforts at planting over 1,000 trees, across all its branches in Africa, as she added that initiatives such as these compliment government efforts. She said, “Collaborations such as these are important, and we do not fail to let people know that planting trees is very crucial to build a safer and sustainable environment which is important for us. So, we advise that people should learn to plant trees for special events, such as weddings, birthdays, anniversaries and others, you can plant at your balconies, gardens, rooftops galleries, anywhere. UBA Foundation, the CSR arm of the UBA Group, is committed to the socio-economic betterment of the communities in which the bank operates, focusing on development in the areas of Education, Environment, Economic Empowerment and Special Projects. Distributed by APO Group on behalf of United Bank for Africa Plc (UBA). SOURCE United Bank for Africa Plc (UBA Qaran News
  12. A suicide bomber killed at least 13 soldiers and wounded at least 20 more inside a military academy in Somalia's capital Mogadishu on Monday, a soldier who saw the bodies said, in an attack claimed by the al Shabaab militant group. Source: Hiiraan Online
  13. Moscow (Caasimada Online) – Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone) ee Ukraine ayaa weeraray dhismooyin ku yaalla caasimadda Ruushka ee Moscow iyo bakhaar hub oo ku yaalla gobolka Crimea ee Ruushku ka goostay Ukraine, waxaa sidaas maanta sheegay saraakiisha Ruushka. Ruushka ayaa sheegay inay soo rideen laba diyaarad oo soo galay hawada Moscow, ayada oo wax khasaare ah uusan dhicin. Mid ka mid ah diyaaradaha ayaa ku dhacday meel u dhow xarunta wasaaradda difaaca Ruushka ee bartamaha Moscow, halka diyaaradda kale ay ku dhacday dhisme xafiisyo oo ku yaalla koonfurta Moscow. Weerarada ayaa yimid maalin kadib markii Kyiv ay wacad ku martay “inay ka aargudaneyso” weerar gantaal oo Ruushka ay ku qaadeen dekedda Odesa ee Badda Madow. Weriyayaasha wakaaladda wararka AFP, oo ku sugan meel u dhow goobta weerarka wasaaradda difaaca ka dhacay ee Komsomolsky Prospekt, ayaa sheegay inay arkeen laba dhisme oo fooqa uu khasaare ka gaaray. “Waa fadeexad in diyaarad drone oo laga leeyahay dalka Ukraine ay ku dhawaatay wasaaradda gaashaandhigga,” ayuu yiri Vladimir oo ah 70 jir degan Moscow. Dhinaca Crimea, barasaabka ay Moscow magacowday Sergei Aksyonov ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay soo rideen 11 diyaaradaha drone-ka Ukraine ah. Waxa uu sheegay in bakhaar hub “la weeraray,” halka guri shacabna ay “waxyeello soo gaartay,” isaga oo aan bixin faah-faahin intaas dheer. Aksyonov ayaa sheegay in shacabka laga daadgureeyey xaafado u dhow bakhaarka hubka. Crimea, oo uu Ruushka goostay 2014-kii, ayaa waxay bartilmaameed u aheyd Kyiv intii uu socday duulaanka Moscow ee Ukraine, hase yeeshee waxay toddobaadyadii dhowaa la kulmeysay weeraro sii kordhaya. Kyiv ayaa marar badan sheegtay inay qorsheynayso inay dib u soo ceshato Crimea. AFP + VOA The post Diyaarado maanta weeraray MOSCOW iyo Ruushka oo… appeared first on Caasimada Online.
  14. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan xasaasi ah la yeeshay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Axmed Karaash. Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa guddoonka Baarlamaanka Puntland, wuxuuna ujeedkiisu ahaa in Karaash lagu qanciyo qorshaha Saciid Deni ee furista dastuurka, kaasi oo dagaal ka riday magaalada Garoowe. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaasi xalay dhexmaray Saciid Deni, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Axmed Karaash ayaa fashil ku soo dhamaaday, kadib markii lagu kala kacay. Madaxweyne Deni iyo Cabdirashiid Yuusuf ayaa kulankii xalay isku dayay in ay Karaash ku qanciyaan furista dastuurka balse isku-daygaas ayaa fashil ku soo dhamaaday, iyada oo uu ka gows adeygay qorshahaasi madaxweyne ku-xigeenka, sida ay inoo xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow. Axmed Karaash ayaa la sheegay inuu iska diiday in uu taageero qorshaha furista dastuurka oo uu ku tilmaamay mid qalalaase amni sababi kara, kaasi oo uu gadaal ka riixayo madaxweyne Saciid Deni. Xogta ayaa intaas kusii dareysa in madaxweyne Deni iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay sidoo kale caawa ku ballansan yihiin kulan dambe oo uusan ku wehlin madaxweyne ku-xigeenka, oo ka horyimid qorshaha wax looga beddelayo dastuurka maamulka Puntland. Kulankaan ayaa imanaya xilli baarlamaanka Puntland uu dib u dhigay wax ka beddelka qodobo kamid ah dastuurka, si xal loogu helo khilaafka siyaasadeed ee ka jira doorashada, ee ka taagan maamulkaasi. Golaha baarlamaanka dhexdiisa ayaa si weyn isugu khilaafsan in dastuurka wax laga beddelo, halka qaar kamid ah isimada Puntland ee Garoowe ku sugan ay madaxweyne Deni iyo guddoomiyaha baarlamaanka kala hadleen in aanay wax tallaabo ah qaadin, inta ay xal u raadinayaan khilaafka ka taagan doorashada. Ciidamada kasoo horjeeda wax ka beddelka dastuurka ee taabacsan mucaaradka ayaa dhankooda sheegay inay dagaal ka xigaan haddii uu baarlamaanku isku dayo in dastuurka wax laga beddelo. Si kastaba, Isku-deyga wax ka beddelka dastuurka oo uu gadaal ka riixayo madaxweyne Deni ayaa haddii uu ku dhiirado Baarlamaanka horseedi kara qalaalase siyaasadeed iyo mid amni, sidii dhawaan ka dhacday magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. The post Xog: Kulankii Deni, Jibriil iyo Karaash oo lagu kala kacay appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo wafdi ay horkaceysay oo kusii jeeday magaalada Garoowe ayaa maanta laga celiyay magaaladaasi oo xarun u ah Puntland. Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddii ay raaci laheyd Marwo Sacdiya kahor inta aysan ka dhoofin garoonka magaalada Muqdisho loo diiday inay u duusho magaalada Garoowe. Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Wasiirka Isgaadhsiinta Soomaaliya, Jaamac Xasan, Wasiiru-dowlaha Macdanta Maxamuud Mashruuc, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo dhammaantood kasoo jeeda deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxtooyada ayaa soo saartay amarka lagu celiyay diyaaraddan, ayada oo lagu wargeliyay in aysan soo qaadi karin Sacdiya iyo wafdigeeda. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ujeedkooda uu ahaa inay ka qeyb gasho caleema saarka Suldaan Bashiir Suldaan Carab oo ah Suldaanka beesheeda, kaas oo lagu wado in beri lagu caleema saaro Garoowe. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan arrintan. Sidoo kale Sacdiya dhankeeda kama hadlin is hortaagga lagu sameeyay. Waa markii labaad oo haweeneydan laga celinayo Puntland, waxayna aheyd sanadkii hore markii laga soo celiyay garoonka magaalada Boosaaso, xilli ay gargaar u waday halkaasi, sababta ayaa Puntland waxay xilligaas ku sheegtay in aysan ku wargelin socdaalkeeda. Is hortaagga lagu sameeyay wafdiga dowladda ee maanta laga celiyay Garoowe ayaa kusoo aadayo, xilli uu halkiisii yahay khilaafka dhexeeyo Puntland iyo dowladda dhexe. Si kastaba, xildhibaan Sacdiya Yaasiin ayaa sido kale habeen hore kasoo muuqatay kulan ka dhacay hoyga ra’iisul wasaaraha, kaas oo looga hadlay xiisadda ka taagan Puntland. The post Sacdiya Yaasiin oo loo diiday inay u duusho GAROOWE appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo wafdi ay horkaceysay oo kusii jeeday magaalada Garoowe ayaa maanta laga celiyay magaaladaasi oo xarun u ah Puntland. Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddii ay raaci laheyd Marwo Sacdiya kahor inta aysan ka dhoofin garoonka magaalada Muqdisho loo diiday inay u duusho magaalada Garoowe. Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Wasiirka Isgaadhsiinta Soomaaliya, Jaamac Xasan, Wasiiru-dowlaha Macdanta Maxamuud Mashruuc, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo dhammaantood kasoo jeeda deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxtooyada ayaa soo saartay amarka lagu celiyay diyaaraddan, ayada oo lagu wargeliyay in aysan soo qaadi karin Sacdiya iyo wafdigeeda. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ujeedkooda uu ahaa inay ka qeyb gasho caleema saarka Suldaan Bashiir Suldaan Carab oo ah Suldaanka beesheeda, kaas oo lagu wado in beri lagu caleema saaro Garoowe. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan arrintan. Sidoo kale Sacdiya dhankeeda kama hadlin is hortaagga lagu sameeyay. Waa markii labaad oo haweeneydan laga celinayo Puntland, waxayna aheyd sanadkii hore markii laga soo celiyay garoonka magaalada Boosaaso, xilli ay gargaar u waday halkaasi, sababta ayaa Puntland waxay xilligaas ku sheegtay in aysan ku wargelin socdaalkeeda. Is hortaagga lagu sameeyay wafdiga dowladda ee maanta laga celiyay Garoowe ayaa kusoo aadayo, xilli uu halkiisii yahay khilaafka dhexeeyo Puntland iyo dowladda dhexe. Si kastaba, xildhibaan Sacdiya Yaasiin ayaa sido kale habeen hore kasoo muuqatay kulan ka dhacay hoyga ra’iisul wasaaraha, kaas oo looga hadlay xiisadda ka taagan Puntland. The post Sacdiya Yaasiin oo loo diiday inay u duusho GAROOWE appeared first on Caasimada Online.
  17. Boqol maalmood ayaa maanta oo Isniin ah ka soo wareegtay tan iyo markii uu qarxay dagaalka Sudan ee u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa ka soo hor jeeda ee loo yaqaano RSF. Dagaalka ayaa burburiyay caasimadda Khartoum, wuxuuna sidookale horseeday barakaca in ka badan sadex milyan oo qof iyo isku dhacyo beeleedyo ka dhacay galbeedka gobolka Darfuur. Dhanka kale, waxaa dhowr mar guul dareystay isku dayo la doonayay in lagu dhaqan geliyo xabad joojin, welina ma muuqato astaan muujinaysa in mid kamid ah dhinacyada dagaallamaya uu diyaar u yahay wadahadal nabadeed. Source
  18. Wasiirkii hore ee Beerraha ee Dawlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa muqdisho lagu dilay. Wasiirka la dilay oo la yidhaahdo Xasan Axmed Muudey ayaa rag hubeysan waxay ku weerarreen degmada Yaaqshiid oo uu deganaa, salaaddii casar kaddib sida uu BBC-da u sheegay xubin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle. Wasiir Muudey ayaa kamid ahaa Golihii Wasiirrada ee xiligii Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare. Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka wasiirkii hore ee Beeraha Hirshabeelle Xasan Axmed Muudey. Source
  19. Hubkii Mareykanka ee ay qabsadeen Taalibaan kadib ka bixitaankii ciidamada Mareykanka ee Afghanistan bishii Agoosto 2021 ayaa weli ka soo muuqanaya meel ka baxsan dalka. Bishii la soo dhaafay, taliye Israel oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa u sheegay wargeyska Newsweek in hubka fudud ee Mareykanka ee lagu qaatey Afghanistan uu soo gaarey gacanta Falastiiniyiinta ee ku sugan Marinka Gaza. Source
  20. Mogadishu (HOL) - Several people have been reported killed and injured in a suicide bombing at the Jalle Siyad military academy in Hodan district, Mogadishu, on Monday. Source: Hiiraan Online
  21. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta xarunta madaxtooyada kula shirsan Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle. Islaan Ciise iyo Islaan Bashiir ayaa muddooyinkii danbe ku hawllanaa xal u raadinta khilaafka dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah. Xukuumadda madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa ku muransan furista dastuurka iyo hubanti la’aanta doorashada 2024. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in madaxweyne Deni iyo isimada xal raadinta wadaa ay kulamadoodii hore isla garteen in doorashada madaxweynaha ee 2024 wakhtigeed lagu qabto. Waxaase weli wada-hadal uga socdaan qodoba ay ku jiraan furista dastuurka iyo hannaanka lagu soo dooranayo xubnaha Baarlamaanka sida ay aan ka xigannay ilo wareedyo ka agdhow labada dhinac. Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa si weyn ugu eedeeya madaxweyne Siciid Deni in uu hannaanka doorashada qof iyo cod iyo furista dastuurka ku raadinayo mudda kororsi sharci-darro ah. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee waan-waanta lagu xallinayo xiisadda ka taagan Puntland appeared first on Puntland Post.