-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Jabhad cusub oo kasoo horjeeda xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka dilaacday gudaha Somaliland. Sida ay muujinayaan muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada, jabhaddan oo aad u hubaysan aya isku aruursaday buurta Gacan-Libaax ee deegaanka Go’dawayn oo u dhaxeysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera. Maleeshiyaadkan hubeysan ayaa la sheegay inay deegaan ahaan kasoo jeedaan beel deggan aagga ay ku taallo buurta Gacan-Libaax, ayada oo todobaadyadii la soo dhaafay ay halkaas ku aruursanayeen ciidamo si ay u ballaariyaan cududooda ciidan. Jabhaddan oo ciidanka ay haysato tiradooda si rasmi ah weli loo xaqiijin ayaa la baxday magaca “Dulmi-diid”, iyaga oo sheegay inay kasoo horjeedaan xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Inkasta oo ay jabhaddu faah-faahin ka bixin waxay ula jeedo magaca ay la baxday ee “Dulmi-diidka”, haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay ka gadoodsan yihiin arrimaha siyaasadda ee la isku hayo gudaha Somaliland oo ay ugu horreyso doorashooyinka, xilli ay dhawaan guddiga doorashooyinka ay soo saareen jadwal doorasho. Jabhaddan ayaa la sheegay in ay si iskooda ah wax uruursadeen, sidoo kalena ay taageero dhaqaale ay ka heleen qaar kamid ah qurbajoogta ay isku deegaanka yihiin, kuwaasi oo dibedda ka wadda olole dhaqaale loogu aruurinayo jabhadda farriisinta ka dhigatay buurta Gacan-Libaax. Sameysanka jabhaddan ayaa durba lagu eeedeyay xukuumadda Somaliland, ayada oo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uu sheegay in sabab u tahay maamul xumada madaxweyne Muuse Biixi, taasi oo keentay gadoodka dadkaan, sida uu ku sheegay qoraal uu soo saaray. Si kastaba, Somaliland ayaa haatan wajaheysa xaaladdo is biirsaday, sida dagaalka Laascaanood iyo sidoo kale muran ka dhashay doorashooyinka kusoo foodka leh maamulka, kaasi oo uga sii darey go’aankii dhawaan kasoo baxay guddiga doorashooyinka ee uu ku sheegay in doorashada xisbiyada ay kasoo horeynayso midda madaxtooyadda. The post Maxay tahay jabhadda ka dilaacday Somaliland ee isku urursaneysa Gacan-Libaax? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa markii u horreysay shaacisay in ay soo iibsatay karfan, kadib cadaadis xooggan oo uga yimid kooxda Al-Shabaab. General Zakiya oo ka qeyb-gashay barnaamijka awoodda 5-aad ee ka baxa Dalsan Tv ayaa sheegtay in karfanta u soo iibsatay si aan marnaba dhimasnadeed ugu cabsi-gelin kooxda uu dagaalka kala dhaxeeyo ee Shabaab “Waxa aan soo iibsaday karfan, si aan dhimashada la iigu cabsi-gelin, taasi waxa ay ahayd khatartii u weynayd ee aan la kulmay,” ayey tiri General Zakiya Xuseen Axmed, Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale waxay sheegtay in tiraba dhowr jeer ay ka bad-baaday isku-day dil, islamarkaana ay hanjabaadaha argagixisada mar ku kalifeen inay ka baxdo dalka, oo ay ku laabato magaalada London ee dalka Ingiriiska. “Labo jeer ayaan ka bad-baaday isku day dil anigoo Kornel ah, waxaana hay’adaha amniga ay isoo jeediyeen in aan 48 saacadood gudahood ah dalka kaga baxo, waxaana ku qasbanaaday inaan Ingiriiska ku laabto toddoba sano kadib, intaas kadib waxaan soo iibsaday Karfanta.” General Zakiya ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay si gaar ah bartilmaameed uga dhigteen tan iyo 2019-kii, xilligaasi oo ay warbaahinta aad uga soo muuqan jirtay, iyada oo ka warbixin jirtay howl-gallada ciidanka. “Waa la isoo wacay sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa xiriirka la leenahay, khatar xooggan ayaa ku sugan tahay ayey idhaheen ee dalka ka bax, waxaa u tagay markaas Eng Yariisow AUN iyo Ducaale oo ahaa wasiirka amniga. Waxay dhaheen astaan qaran ee hadda naga dhimatid dhibaato waaye ee dalka ma ka dhooftid, kadib waxaa ku qasbanaaday in aan banaanka u baxo.” Waxay intaasi kusii dartay “Karfanteyda ayaa soo iibsaday, saddex siyaabood ayaa usoo iibsaday, kow in dhimashadeyda la igu cabsi galin, laba in aan soo xasuusto adduunyada waxay tahay iyo midda saddexaad oo ah in aan si kasto awood u leedahay in aad maradaas yar ayaa aduunka uga baxe.” Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Maxaa Jeneral Zakiya Xuseen ku kalifay inay soo iibsato karfanteeda? appeared first on Caasimada Online.
-
Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ballan-qaad cusub u sameeyay dalalka Afrika ee qeybta ka tahay Soomaaliya, xilli uu dalkaasi ka furmay shir u dhaxeeya Ruushka iyo Afrika. Madaxweyne Putin ayaa u sheegay hoggaamiyayaasha iyo mas’uuliyiinta waddamada Afrika in Moscow ay siin doonto qamadi iib ah ama bilaash ah waddamada ugu baahida badan, si looga hortago hubanti la’aanta cuntada caalamiga ah ee ay sababtay diidmada Ruushka ee dhoofinta qamadiga Ukraine ee mara Badda Madow. Putin oo ka hadlayay furitaanka shir-madaxeedka Afrika iyo Ruushka oo laba maalmood ka socda magaalada St. Petersburg ayaa yiri “Waxaan horay u sheegay in waddankeenu uu bedeli karo qamadiga Ukraine, labadaba ganacsi ahaan iyo deeqaha dalalka Afrika ee u baahan.” Waxa uu hadalkiisa kusii daray “Waddankeenu wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu siiyo dawladaha iyo gobollada u baahan, gaar ahaan, gargaarka bini’aadantinimo.” “Waxaan raadineynaa in aan si firfircoon uga qayb qaadano dhismaha nidaamka qaybinta kheyraadka. Waxaan sameyneynaa intii karaankeena ah si aan uga hortagno dhibaato cunto oo caalami ah.” Laakiin, Aqalka Cad ayaa diiday sheegashada Putin ee ah inuu doonayo inuu xalliyo dhibaatada cunnada ee saamaysay waddamada ugu saboolsan adduunka. Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka John Kirby oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Putin looga fadhiyo inuu madaxda Afrikaanka u sheego inuu sabab u yahay caqabadaha nololeed ee xilligaan wajahayaan. “Waxaan rajeynayaa inuu u sheego, ‘Aniga ayaa sabab u ah sababta qiimaha cunnada uu u kacsan yahay. Aniga ayaa sabab u ah inaad dhibaatooyin badan kala kulmi doontaan gaajada, iyo helidda cunto iyo hadhuudh wadamadiina.’” The post PUTIN oo ballan-qaad muhiim ah u sameeyay dalal ay ku jirto Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Catriona Laing. Kulankaan ayaa diirada lagu saaray wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, iyo weliba safarkii ay dhawaan wakiilku ku tagtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Ergeyga ayaa Wakiilka uga warbixiyay dedaalka dowladda federaalka Soomaaliya ugu jirto suurta-gallinta hanaan rasmi ah oo ay labada dhinac kuwa wada-hadlaan, kuna heshiin karaan. “Ergeyga ayaa warbixin ka siiyay wakiilka safarkii hayaanka midnimada oo ay dhawaan ku gaareyn ergeyga iyo wafdi uu hoggaaminayo magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay kullamo wada-tashi ah kula soo qaateyn madaxda iyo bulshada dowladda KGS,” ayaa lagu yiri bayaan uu xafiiska ergeyga kasoo saaray kulankaan. Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa soo dhaweysay dedaalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kullamada wada-tashiga ah ee uu xafiiska ergeyga ka billaabay dowlad-goboleedyada dalka. Sidoo kale waxay wakiilka warbixin ka siisay kulamadii ay la yeelatay masuuliyiinta reer Somaliland, waxayna u muujisay sida ay diyaar ugu ahaayen dib u bilowga wada-hadallada iyo dardar-galintooda intaba. Kulankaan uu ergey Guuleed uu la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Catriona Laing ayaa qeyb ka ah kulamo uu la yeelanayay wakiiladda beesha caalamka, kuwaasi oo ku qotomay dardar-gelinta arrimaha wada-hadallada loo xil-saaray. Cabdikariin Guuleed oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay 1-dii bishii April ee sanadkaan, una magacaabay ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland ayaa tan iyo markaas taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Guuleed ayaa sidoo kale qorsheynaya in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadallada. Si kastaba, dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan ka go’an in dib loo furo wada-hadallada muddo hakadka ku jiray iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabto Somaliland. The post Halka ay marayaan dadaallada dib loogu furayo wada-hadallada DF iyo Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (HOL) - The U.S. Department of the Treasury announced the imposition of sanctions on Abdiweli Mohamed Yusuf, the head of the finance office of the Somalia-based affiliate of the Islamic State of Iraq and Syria (ISIS), on Thursday, citing his critical role in the delivery of foreign fighters, supplies, and ammunition on behalf of ISIS-Somalia. Source: Hiiraan Online
-
The Somali Regional State's Investment and Industry Bureau has granted new investment licenses to developers who registered a capital of Birr 11.4 billion in the last financial year. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo Xidlhibaan Faa’iza Jayte oo kamid ah golaha ayaa isku qaybtay kulankii shalay oo looga hadlayay ku noqoshada miisaaniyadda 2023. Faa’iza Jayte oo ka hor hadleysay Golaha Shacabka ayaa si kulul uga hadashay dooda miisaaniyadda, ayadoo erayo adag adeegsatay, taas oo keentay in laga xiro makarafoonka. “Wallaahi buuqa intaan waa ka badanaaa haddii la furi waayo Makarafoonka” ayay tiri Xildhibaan Faa’iza Jayte, markii laga xirtay cod baahiyaha. Sidoo kale waxay sii raacisay “Haddii la’isku dayo in makarafoonka la xiro haddii aan xaqo ka hadlo see meeshaan la’iskula joogaa? Baarlamaanka fiiri waxaa ku haysataa rakaato”. Intaas kadib guddoomiyaha Golaha Shacaba oo hadlay ayaa shaaca ka qaaday in uusan aqbali doonin in la caayo golaha, kadibna wuxuu makaroonka u fasaxay xildhibaanadda. “Aniga warka waa u ogolahay ajendaha haka hadasho, laakiin xildhibaanada caaynaa i dhageysta kama yeelaayo” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Mar kale xildhibaan Faa’iza Jayte oo hadalka qaadatay ayaa raalli-gelin siisay xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, waxayna kadib sii wadatay doodeeda. “Baarlamaanka, haddii aan idin gefay raalli ahaada, inkastoo aan aaminsaneyn, haddana waa idin raalli-gelinayaa” ayay mar kale tiri Faa’izo Jayte. Waa arrin caadi ah in sidaan oo kale ay isku qabtaan xildhibaanada iyo guddoonka golaha, waxayna inta badan dhacaan marka ay jiraan doodaha iyo mooshinada lasoo gudbiyo. The post Daawo: Maxaa kala qabsaday xildhibaan Faa’iza Jayte iyo Sheekh Aadan Madoobe? appeared first on Caasimada Online.
-
Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi u horkacayo ayaa shalay gaaray deegaanadii lagu dagaalamay ee Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu ka dhacayo shir dib u heshiisiin ah. Cali Guudlaawe ayaa tegay deegaanka Burka Dirimeed oo ay taallo gogosha dib u heshiisiinta, waxaana halkaas horay ugu sugnaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo odayaasha dhaqanka oo ku baxay xal u helidda xiisaddaasi. Wasiirka dib u heshiisiinta HirShabelle, Cabdullaahi Cadde oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay ujeedka safarka Cali Guudlaawe iyo dadaalladooda dib u heshiisiinta. Cabdullaahi Cadde ayaa shaaca ka qaaday in shirka uu furmi doono maata oo Jimco ah, sagaalka subaxnimo, wuxuuna baaq u diray guud ahaan reer HirShabelle. “Waxaan soo gaaray madaxweynaha HirShabelle iyo wafdi uu hoggaaminayo waxaan rabnaa in dadka deegaanka ay ogaadaan in gogoshii dib u heshiisiinta inay Jimco ah sagaalka subaxnimo ay noo furmi doonto,” ayuu yiri wasiir Cabdullaahi Cadde. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay diyaarsan yihiin ergada labada dhinac ee shirka ka qayb-galeysa, wuxuuna ku dhowaaqay in gogosha ay furan tahay. “Waa diyaarsan yihiin ergooyinkii ka qayb-geli lahaa shirka, madaxdiina way joogtaa, gogoshana waa furan tahay” ayuu mar kale yiri wasiirku. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Soomaalidu waa garan kartaa, waana taqaanaa in geed hoostiis la xaaqee la fariisto macnaha ay leedahay, madaxdu guryihii waa kasoo baxeen”. Waa shirkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ka dhaco Shabeelaha Dhexe, waxayna ujeedadu tahay in xal waara looga gaaro colaadda soo laa laabatay ee gobolkaasi. The post Wararkii ugu dambeeyey dadaalka lagu heshiisinayo labada beel ee Abgaal + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Niger Mohamed Bazoum ayaa wacad ku maray inuu ilaalin doono mirihii dimoqraadiyadda ee “sida adag loogu guuleystay” kadib markii ciidamada ay xireen, kuna dhawaaqeen inay la wareegeen xukunka. Bazoum ayaa waxa xiray xubno ka mid ah ilaalada madaxtooyada, kuwaasi oo saacado kadib ku dhowaaqay in dhammaan hay’adaha dowladda ee dalka shaqadooda la hakiyey, xuduudaha la xiray, islamarkaana bandow habeekii ah lasoo rogay. Ayada oo ururo African ah iyo kuwa caalami ah ay cambaareeyeen afgambiga, islamarkaana Faransiiska iyo Mareykanka oo xulufo la ah ay taageero u muujiyeen, Bazoum ayaa muujiyey dhiifanaan. Madaxweynaha dalka deriska ah ee Benin, Patrice Talon ayaa la filayey in uu tago magaalada Niamey isaga oo wada dadaallo dhex-dhexaadin, waxaa sidaa sheegay madaxa ururka ECOWAS. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Niger oo la xiray kadib inqilaab ka dhacay dalkaas appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa,,(Qaran news)-Ciidamadii ay xukuumaddu u dirtay aaga buurta Gacanlibaax ayaa fadhiisin ka samaystay degmada Go’oda halkaasi oo aan ka fogayn buurta Gacanlibaax ee ay saldhiga ku leeyihiin jabhada sheegtay in ay ka soo hor jeedo xukuumadda Muuse Biixi kuwaasi oo sii xoogaysanaaya maalinba maalinta ka danbaysa. Wararku waxa ay xaqiijinayaan in laba askari oo ka tirsanaa kuwa dawladu ay buurta galeen isla markaasina ay isu dhiibeen Jabhadaasi. Wax war ahi kama uu soo bixin xaga xukuumadda oo ku saabsan askartaasi ka goosatay ee ku biirtay jabhadaasi hubaysan mana aha markii u horaysay ee ciidan dawlada ka tirsani ay jabhadaasi ka soo dhex muuqdaan. Shirkii golaha wasiirada ee shalay ayaa ay wararku sheegayaan in xukuumaddu ay aad arimahaasi uga hadashay. Qaran News
-
Dublin (Caasimada Online) – Allaha u naxariisto fanaanaddii caanka aheyd ee Irish-ka, ee markii dambe qaadatay diinta Islaamka, Sinead O’Connor ayaa geeriyootay Arbacadii shalay. “Waxaan annaga oo aad uga murugsan ku dhowaaqeynaa geerida Sinead. Qoyskeeda iyo saaxiibadeeda aad ayey u murugsan yihiin, waxaana xilligan adag codsaneynaa ilaalinta xogteena gaarka ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen qoyskeeda, oo ay baahisay warbaahinta dowladda Ireland ee RTE. Qoyskeeda ma aysan shaacin sababta dhimashadeeda. Waxa ay Sinead O’Connor aheyd 56 jir. Haddaba, waxaa warbixintaan ku eegi doonaa diiwaanka cajiibka ah ee Sinead, gaar ahaan Islaamnimadeedii iyo abaalkii ay u gashay Soomaaliya, xilli ay xaalad adag wajaheysay. Sinead O’Connor iyo Islaamka Sinead O’Connor oo ahayd fanaannad u dhalatay dalka Ireland, sagaashamaadkii ayuu fankeedu dunida qabsaday. Fanka waxaa u wehliyey in ay ahayd qof aan runta ka gaban, codkeedana inta dulman ugu hiilisa oo waxaa laga hayaa in ay tiri; “Ku tala-gal igama aha in aan mushkilad abuuro, laakiin inta badan way dhacdaa in ficilladaydu xasarado kiciyaan, waanse ku faraxsanahay in aan dhibleey ahay.” Sinead ayaa bishii October 2018-ka ku dhowaaqday inay qaadatay Diinta Islaamka, “Waxaan ku faraxsanahay inaan noqday Muslim,” ayey tiri. Waxay sheegtay in go’aankeedu ahaa mid dabiici ah oo uu gaaray qof caqli leh, waxayna baahisay xilligaas muuqaal ayada oo aadameysa. Sidoo kale waxay markaas tiri “markii aan Juzka labaad ee quraanka aqriyey waxaan dareemay iyo hoygaygii helay, oo aan weligayba Islaam ahaa.” Waxay markaas kadib Sinead qaadatay magaca ‘Shuhada Sadaqat’. Sinead iyo Soomaaliya Sinead O’Connor ayaa markii ay aragtay muuqaallada laga baahiyey macluushii Soomaaliya ka dhacday 1992-dii ee “Caga-bararka” loogu magac daray waxay qaadatay go’aan geesinimo leh, oo ku aadan xaaladda ay markaas wajahayeen Soomaalida. Sinead ayaa kadib markii ay aragtay codsiga Laanqayrta cas ay ku doonayso lacag lagu gar-gaaro dadka macaluushu ku hayso Soomaaliya ay go’aansatay in ay iibiso guri ay lahayd si loogu caawiyo Soomaalida dhibaataysan. Gurigaasi ay ku deeqday Sinead ayaa ku yaallay Hollywood, wuxuuna ka koobnaa shan qol iyo barkad lagu dabaasha. Waxaana xilligaasi la soo dhigay xaraash ka socday hotelka Savoy ee London, iyada oo qiimihiisu ahaa $750,000. Marka laga soo tago arrintaan, Sinead ayaa sidoo kale ahayd qof aan runta ka gaban, codkeedana inta dulman ugu hiilisa, iyada oo lagu xasuusto hal-ku-dhiggeedii “La dirir cadowga runta ah.” Odhaahdaan ayaa si weyn u faaftay kadib markii Sinead oo TV Mareykan ah ay malaayiin si toos uga daawanayaan ay jeex-jeeday sawirka Baadiraga ugu waynaa Diinta Kirishtaanka (John Paul II). Sinead O’Connor ayaa sidoo kale dhowr jeer iska diiday abaalmarinta caalamiga ah ee la yiraahdo Garrmy Award, taasi oo ay sheegtay “in aan garsoor xaq ah lagu bixin.” Dhinaca kale, heesaheeda qaarkood mudaaharaad oo kale ayey ahaayeen. Mar laga sugayey in ay qaado mid kamid ah heesaha caanka ah (Nothing compares to you), “cid kula dhigmaan jirin,” ayey masraxa kaga rogtay heestii “War” ee cunsiriyad la dirirka ahayd ee uu qaaday heesaagii waynaa ee Bobe Marley. Allaha u naxariisto Sinead O’Connor ayaa ugu dambeyntii Arbacadii shalay aheyd u yimid xaqii Eebe, iyada oo ifka kaga tagtay saddex caruur ah, waxaana la sheegay inay ku nooleyd oo ay waqtigeeda u kala qaybin jirtay Ireland iyo Britain ka hor dhimashadeeda. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Abaalka aysan dad badan ka war hayn ee Sinead O’Connor ay u gashay Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Waaxda Hanti-dhowrka Mareykanka ee Xafiiska Xakamaynta Hantida Dibadda (OFAC) ayaa maanta cuna-qabateyn ku soo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf. Ninkan ayaa ah madaxa xafiiska maaliyadda ee Daacish-ta Soomaaliya ee xiriirka la leh dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya (ISIS), isaga oo ah argagixiso caalami ah oo si gaar ah loo magacaabay (SDGT). Cabdiweli Maxamed Yuusuf ayaa la sheegay inuu door muhiim ah ka qaatay gaarsiinta dagaal-yahaanada ajaanibka ah, agabka iyo saanada dagaalka, isaga oo ka wakiil ah Daacishta Soomaaliya, taasi oo xarun u ah bixinta dhaqaalaha iyo hagidda laamaha iyo shabakadaha Daacish ee ku yaalla qaaradda. Daacish-ta Soomaaliya ayaa inta badan dakhligeeda kasoo xarooda lacago baad ah oo ay ka qaado Soomaalida, iyaga oo si gaar ah u bar-tilmaameedsada ganacsatada, oo ay sanadkii ka qaadan. Kooxaha argagixisada ee qeybta ka tahay Daacish ayaa inta badan ka faa’iidaysta dayaca hay’adaha dowladda, si ay maal-gelin ugu helaan hawlahooda guracan. “Cuna-qabateynta maanta la saaray waxay muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Mareykanka inuu taageero saaxiibadiisa, oo ay ku jirto dowladda federaalka ee Soomaaliya, dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga maal-gelinta argagixisada iyo xoojinta xasilloonida iyo amniga qaranka iyo kan gobolka,” ayuu yiri ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda Mareykanka ee arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maal-gelintooda, Brian Nelson kadib markii uu maanta Muqdisho kula kulmay madaxda dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya. Tallaabada maanta ayaa daba socota liiskii magacyadii hore usoo saartay OFAC ee bishii November 2022 ee cuna-qabateynta loogu soo rogay shabakad caalami ah oo ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya iyo xubnah sare ee kooxda argagixisada ah. Sidoo kale waxay daba socotaa howl-galkii ciidamada Mareykanka ee bishii Janaayo ee sanadkan lagu dilay hogaamiyihii Daacish ee fadhigoodu ahaa Soomaaliya Suhayl Saalim Abd El-Rahman, oo loo yaqaanay Bilaal Al-Sudani. Daacish-ta Soomaaliya ayaa door weyn ku leh fududaynta xawaaladaha maaliyadeed, oo ay ku jirto lacagta telefoonada, si ay u taageerto dhaq-dhaqaaqyada qalqal-gelinta Daacish ee guud ahaan Afrika. Si kastaba, Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe soo saarayay liiska shaqsiyaad la leh kooxaha argagixisada ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo uu mamnuucay in lala macaamilo shaqsiyaadkaas ama wax xiriir ganacsi ah lala sameeyo. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Mareykanka oo xayiraad kusoo rogay Cabdiweli Maxamed Yuusuf – Muxuu yahay? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ku soo bandhigay eedeysane baxsad ahaa oo ciidamada ay maanta gacanta ku soo dhigeen. Ninkaan oo maalmihii dambe lagu raad joogay ayaa ugu dambeyn waxaa maanta howl-gal qorsheysan ku soo qabtay ciidanka booliska degmada, kadib muddo uu baxsad ka ahaa cadaaladda. “27/07/2023 Abaaro 02:30am, Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir gaar ahaan ciidanka saldhigga boliiska degmada Hodan ayaa howl abaabulan kusoo qabtay eedeysanahaan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir. Taliska ayaa sidoo kale soo bandhigay sawirka eedeysanahaan lasoo qabtay, kaasi oo ku eedeysan inuu kufsi u geystay dhibane dumar ah. “Warbixin laga helay dadka deegaanka ayaa lagu soo qabtay eedeysanaha oo ku dhuumaaleysanaayay xaafado kamid ah degmada Hodan,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir. Taliska ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Banaadir inay kusoo wargeliyaan falalka amniga liddi ku ah, si ay uga howl-galaan ciidanka. “Muwaadin haddii aad aragto fal amniga liddi ku ah warbixin geey saldhigga kuugu dhow ama wac lambarka gaaban ee 991.” Ciidamada amaanka ayaa muddooyinkii dambe magaalada Muqdisho ka waday howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee caasimada, oo ka yaraadeen qaraxyada iyo falalka amni darro ee hore uga fulin jirtay Al-Shabaab, inkasta oo weli lasoo warinayo in unugyada kooxda ee caasimada ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ka dhanka ah xasiloonida caasimada. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Booliska Muqdisho ‘oo soo qabtay’ nin baxsad ahaa oo loo haysto kiis culus appeared first on Caasimada Online.
-
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa isi soo tarayay warar iyo muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshadu ku xariirto oo sheegaya in koox hubaysan ay isku aruursadeen buur ku taalla Somaliland. Maadaama kooxdaan iyo xukuumadda Somaliland aysan midna bixin faahfaahino, dad badan ayaa su’aalo isa weydiinaya ujeedka kooxdaan. Maxay doonayaan ciidamadaan? Ciidamada ayaa ah kuwa ka soo jeeda beel deggan aagga ay ku taallo buurta Gacanlibaax, ee u dhaw deeganka Go’dawayn oo udhaxeysa Hargeysa iyo Berbera. Waxaa la sheegay in todobaadyadii la soo dhaafay ay halkaas ku sugnaayeen oo ay ku aruursanayeen ciidamo si ay u balaariyaan cududooda ciidan. Ciidankaa oo aan tiradooda rasmiga ah la xaqiijin karin ayaa sheegay marar ay hadleen in ay yihiin ‘dulmidiid’ ka soo horjeedaan xukuumadda Somaliland. Inkasta oo aysan faahfaahin dheeri ah aysan kabixin waxa ay ulajeedaan ‘dulmidiidka’, hadana dad badan ayaa aaminsan in ay ciidamadaas ka gadoodsan yihiin arrimaha siyaasadda ee la iksu hayo gudaha Somaliland oo ay kamid yihiin doorashooyinka. Dhaqaale ahaan ayaa wararku sheegayaan in ay si iskooda ah wax uruursadaan, balse qaar kamid ah qurbajoogta ay isku deegaanka yihiin ayaa la arkayay iyaga oo dhaqaale uga yaboohaya baraha bulshada. Maxaa ka jira in ay qafaasheen saraakiil ciidan? Sida ay BBC du xog ku heshay kooxdaan hubaysan ayaa gacanta ku dhigtay saraakiil ciidan oo ka tirsan Somaliland oo uu kamid ahaa sarkaal watay darajada gaashaanle sare. Sarakiisha ayaa la sheegay inay tageen deegaanka ay ku suagna yihiin ragga hubaysan, balse lama xaqiijin sababta ay halkaas u aadeen. Mar dambe ayay xoriyadooda siiyeen ciidamadaani saraakiisha ay gacanta ku dhigeen. Xildhibaan ka tirsan baarlamanaka Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isaga iyo dad kale ay waanwaan la galeen kooxda, markii dambana ay sidaas ku soo daayeen saraakiishii qafaalnaa. Somaliland maxay ka tiri? Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah marnaba ugaa hadlin ciidankaan, balse waxaa wararku sheegayaan in ciidamo ay xukuumadu geysay meel aan sidaa uga fogeyn buurta. Dhanka kale waxaa jira, ergo ka koobaan odayaal dhaqmeed iyo wasiiro oo loo diray in ay la soo xaajoodaan ciidanka, wadahadallo lagu qancinayana la galaan. Odayaashaan iyo wasiirka la diray ayaa labaduba ah kuwa ka soo jeeda deeganadaan ay ku sugan yihiin ciidamada is aruursaday, sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo. BBC da ayaa isku dayday in la hadasho xukuumadda Somaliland si ay wax uga waydiiso fikirkooda ku aadan kooxdaan. Balse nooma aysan suura galin inaan jawaab ka helno. Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa Somaliland ka taagan muran ka taagan doorashooyinka kaas oo u dhaxeeyay axsaabta mucaaradka iyo xukuumadda. bbc somali Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maal-gelintooda Mudane Brian Nelson. Madaxweynaha ayaa Brian Nelson u soo bandhigay tallaabooyinka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku wiiqeyso dakhliga iyo dhaqaalaha argagixisada kooxda Al-Sabaab. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu la wadaagay xeerarka iyo shuruucda loo jideeyey cuna-qabateynta maaliyadeed ee argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyey ilaha-dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen argagixisada. Tallaabooyinkan ayuu sheegay inay kaalin mug leh ka qaadatay oo ay soo dedejisay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Mareynka ee cuna-qabateynta maaliyadeed ee argagixisada, doorka ay ka qaadanayaan wejiga labaad ee howl-galka dalka lagaga xoreynayo argagixisada iyo horumarka laga sameeyay barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya. Brian Nelson ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey madaxweynaha soo dhaweynta iyo kulanka ay yeesheen, wuxuuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda gobolka iyo adduunka. Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maal-gelintooda ayaa madaxweynaha u xaqijiiyay inay ka go’an tahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya ka hortaga lacagaha sharic-darada iyo la-dagaallanka argagixisada. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Xasan oo Mareykanka kala hadlay arrin soo dadajin karta in la wiiqo Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Mudane Brian Nelson ayaa soo bandhigay tallaabooyina dowladda Soomaaliya ay ku wiiqday dakhliga iyo dhaqaalaha argagixisada AS. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xeerarka iyo shuruucda loo jideeyey cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyey ilaha-dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen argagixisadu ay soo dedejisay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadlay Kuxigeenka Xoghayaha Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Mareynka ee cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada, doorka ay ka qaadanayaan wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta iyo hormarka laga sameeyay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya. Dhankiisa, Brian Nelson ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha soo dhaweynta iyo kulanka ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya ka hortaga lacagaha sharicdarada iyo ladagaallanka argagixisada. PUNTLAND POST The post Soomaliya iyo Maraykanka oo ka wada-hadlay Cuna-qabataynta Maaliyeed ee Kooxaha Argagixisada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay shirkii maanta ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya, kaasi oo ay uga hadleen weerarkii Kulliyadda Jaalle Siyaad, howl-gallada ka socda dalka iyo qodobo kale oo muhiim ah. Shirkaas yaa waxaa guddoomiyay Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud Sheekh Cali, maadaama ay dalka ka maqan yihiin ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo sidoo kale ku xigeenkiisa, Mudane Saalax Axmed Jaamac. Golaha ayaa cambaareeyeen weerarkii is-miidaaminta ahaa ee ay Isniintii lasoo dhaafay lagu beegsaday ciidamo ku sugnaa Kulliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho, kaasi oo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid fuleynimo ah oo ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale golaha wasiirada ayaa tacsi u diray ehellada askarta lagu laayay weerarkaasi, ayaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah. Kulankaan ayaa shacabka Soomaaliyeed ku dhaliileen xukuumadda, ayada oo horay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre loogu weeraray sidii uu uga hadlay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Xerada Kulliyadda Jaale Siyaad ee Muqdisho. Xamza oo haatan ku sugan dalka Tanzania ayaa si aan laga filaneyn uga hadlay weerarkaasi, isaga oo hadal jeedintiisa kusoo koobay tacsi uun, taasi oo uu diray ehellada askartii lagu waayay weerarkaas oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab. Marnaba ra’iisul wasaaruhu xilligaasi sooma hadal qaadin tallaabada ay qaadeyso xukuumaddiisa ee ku aadan shakiga ka dhashay weerarkan, maadaama uu ka dhex dhacay xero ciidan oo si weyn amnigeeda loo ilaaliyo, laguna dilay askar badan oo ka tirsan dowladda federaalka. Haddaba, Maxaa kala qabsaday golaha wasiirada iyo shacabka Soomaaliyeed? Cali Muuse Axmed: “Muxuu soo kordhinaysa cambaareyn aysan la socon ficil. Waa in la helo isla xisaabtan dhab ah. Waa dhamaaday waqtigii ay shacabka ka indho saaban lahaayeen waxa socda!.” Dr. Cabdirisaaq Cumar Cabdi: “Dadkaan waxay qabtaan wayeen iska sheegayaan waxkasta.” Abuu Tariika Abuu Tariika oo isna kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan ayaa yiri “Kuwa dalkeena ka taliyo noocaan lee ma ahoo!.” “War ileen maanta wadanka anagaa wax nagala weydiinaa waa waaree,” ayuu yiri Axmed. Sakariye Cali Dayib ayaa sidoo kale yiri “Waa wax la cambaareeyo falkii wuxuushnimada ahaa ee argagixisadu ay ka gaysatay kulliyadda JAALLE SIYAAD, waxaase xaqiiq ah waqtigoodii inuu dhamaaday Khawaarijta.” Cabdicasiis Maxamed Cali: “Cambaareyn lee maan wadeyna, xukuumadda waa inay tallaabo qaado. Weerarkaas tuhuno iyo su’aallo badan ayaa ku xeeran, ha loo keeno jawaab deg deg ah.” “Hadduu ra’iisul wasaaraha iyo ku xigeenkiisaba maqan yihiin waxa kusimaha rasmiga ah noqonaya Axmed Macallim Fiqi miyuu asna maqnaa?,” ayuu yiri Maxamed Aadan Maxamuud oo isaguna su’aal ka keenay in wasiirka cadaaladda uu noqdo ku-simaha ra’iisul wasaaraha ee guddoomiyay shirkii maanta. The post Maxaa maanta kala qabsaday golaha wasiirada iyo shacabka? appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ku aadan xiisadda ka taagan maamulkaasi, kadib go’aankii baaramaanka ee lagu ansixiyay wax ka beddalka dastuurka. Saciid Deni ayaa saxiixay xeerka wax ka beddalka qodobada qaar ee dastuurka Puntland, kaas oo ay dhowaan u codeeyeen xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntand. Madaxweynaha ayaa soo saaray Sharci Lr. 02 ee 27-ka Luulyo 2023, kuna saabsan Sharciga Wax-ka-badalka 1-aad Dastuurka Puntland, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Saciiid Deni. Sidoo kale waxaa lagu sheegay digreetadan in Nuqulada asalka ah ee sharcigan la geyn doono xafiiska madaxweynaha, midka guddoomiyaha baarlamaanka iyo garyaqaanka. “Nuqulada asalka ah (Original) waxaa lagu kala kaydinayaa Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Puntland” Waxaa kale oo wareegtada lagu yiri “Dhaqangal Sharcigani wuxuu noqonayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee Dowladda Puntland, Wuuna saxiixay Madaxweynuhu, sidoo kale waxaa lagu soo saaray faafinta rasmiga ah”. Tallaabada uu maanta qaaday Deni ayaa ku soo aadeysa, xilli ay weli mucaaradka diidan yihiin ansixinta wax ka beddalka dastuurka oo ay isku raaceen baarlamaanka iyo Deni. Si lastaba, lama oga sida ay noqon doonto xaaladda iyo halka ay arrintu ku dambeyn doonto, ayadoo xubnaha mucaaradka ay ku goodiyeen inay qabsan doonaan doorasho kale. The post DENI oo qaaday tallaabo deg-deg ah kadib go’aankii baarlamaanka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaa maanta soo saaray sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka, kaas oo lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Sarkaalka kasoo dagay caasimada Muqdisho ayaa ah kaaliyaha Xoghayaha Maaliyadda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha argagixisada iyo sirdoonka, Brian Nelson. Ninkan ayaa inta uu joogo magaalada Muqdisho wuxuu ka bilaabi doono kulamo uu la qaadan doono madaxda sare ee dalka, inkastoo ay hadda maqan yihiin madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo safaro kala duwan ku kala jooga waddamada Talyaaniga iyo Tanzania. Brian Nelson, ayaa madaxda dowladda federaalka kala hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka haatan ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka. Sidoo kale arrimaha kale oo uu kala hadli doono madaxda sare ee dalka waxaa kamid ah sida ka bixitaan Moscow ee heshiiska badarka badda madow uu dhaawaci doono Afrika. Mareykan iyo Ruushka ayaa xilligan aad isku haya, waxayna xiisaddooda uga sii daray dagaalka Ukraine, balse arrintan ayaa imaaneysaa ayada oo madaxweyne Vladimir Putin uu isku diyaarinayo inuu madaxda Afrika ku martigeliyo St. Petersburg Khamiista maanta iyo Jimcaha berri, isagoo u ballan qaaday inay xor u yihiin hadhuudhka Ruushiya, si ay ugu beddeshaan hadhuudhka Ukraine. Si kastaba, Soomaaliya ayaa xiriir xoogan la leh Mareykanka oo ka taageera dhanacyada milatariga iyo dhaqaalaha, halka ay haatan dooneyso inay macaamiil iyo xiriir toos ah la yeelato Moscow, si dib loogu celiyo xiriirka hore ee u dhexeeyay labada dowladood. The post Sarkaal sare oo ay soo dirtay dowladda Mareykanka oo Muqdisho yimid + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
