Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hoggaanka iyo Guddida Fulinta ee xisbiga WADDANI ayaa maanta shir ku yeeshay Xarunta Dhexe ee Xisbiga. Kulankan ayaa lagu gorfaynayay arrimo masiiri ah oo ku aaddan mawqifka xisbiga ee arrimaha siyaasadda iyo amniga ee dalka ka taaggan. Source
  2. Baidoa (HOL) - Somali government troops recaptured Goofgaduud Burey, a district located 30km west of Baidoa, on Wednesday after al-Shabaab briefly took control of it on Sunday. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday askari ka tirsan ciidamada milatariga dowlada federalka Soomaaliya, kaas oo sabab yaableh u dilay nin lagu magacaabi jiray Xuseen Maxamed Xeri. Maxkamadda ayaa maanta soo gabagabeysay maxkamadeynta askarigan oo si gaar ah uga tirsanaa ciidanka gaarka ah ee ilaalada qaran, kaas oo qirtay dilka lagu soo eedeeyay. Eedeysanaha oo lagu magacaabo Xasan Xuseen Nuur ayaa lagu helay inuu si bareer ah u dilay marxuumka, kadib markii uu ku yiri Jareer ayaa tahay, taas oo la sheegay in askariga oo hubeysnaa uu dhibsaday, kadibna uu dilay ninkaas oo la oran jiray Xuseen Maxamed. Xasan Xuseen Nuur ayaa kasoo hormuuqday maxkamadda, isaga oo ku doodaya in lagu yiri Jareer ayaad tahay, kadibna fal-celintiisa ay noqotay in uu riishadda ku dhago. Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu dambeyntii ku dhowaaqday xukunka, waxaana Xasan Xuseen Nuur lagu xukumaty dil toogasho oo ah qasaasta marxuumkii uu horay u dilay, sida uu sheegay Garsoorka Maxkamada Ciidamada. Arrintan ayaa dad badan lama filaan ku noqotay, kuwaas oo hadal haya sababta la yaabka leh ee askariga u dilay marxuumka. Si kastaba, Maxkamadda Ciidamada ayaa sidaan oo kale horay u xukuntay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo dilal ka geystay magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka. The post Askari dilay nin ku yiri “Jareer ayaa tahay” oo maanta ay go’aan ka gaartay maxkamad appeared first on Caasimada Online.
  4. Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee caasimada maamul goboleedka HirShabelle, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay xaafadaha magaaladaas. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay xaafadda Horseed, gaar ahaan garooonka kubbada cagta Xasey Kumari. Goobjoogayaal ayaa u sheegay Caasimada Online in qaraxan lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada ATMIS oo marayay halkaasi, balse ma cadda khasaaraha kasoo gaaray. Qarax kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska HirShabelle oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi, sida ay innoo sheegeen goobjoogayaashu. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha iyo madaxda HirShabelle oo ku aadana qaraxaas lala beegsaday ciidanka howlgalka ATMIS. Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa xaafadda Horseed oo ah goobta uu qaraxu ka dhacay. Jowhar ayaa maalmihii dambe waxaa ka dhacayay falal amni darri, waxaana u dambeeyay qarixii todobaadkan lagu dilay Daahir Maxamed Kaanti oo ahaa sarkaal ka tirsanaa waaxda maaliyadda dowladda hoose ee Jowhar, kaas oo ku sugnaa suuqa xoolaha ee magaaladaasi. Waxaa sidoo kale isla qaraxaas ku dhaawacmay askar kale oo ka tirsan ciidamada ammaanka oo iyaguna ku sugnaa goobta, xilliga uu weerarka dhacayay. Si kastaba, waxaa magaaladaan Jowhar horay weeraro culus uga fulisay Al-Shabaab oo marar badan is-miidaamin ku qaaday Jowhar oo xarun u ah dowlad goboleedka HirShablle, The post Faah-faahin ku saabsan QARAX ka dhacay Jowhar appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa si adag uga hadlay weerarkii askarta badan lagu laayay ee maalin kahor ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho. Xildhibaano dhowr ah oo madasha ka hadlay ayaa qiray inuu jiro qorshe loo diyaariyay ciidankaasi oo la gala shaqeeyay kooxda Al-Shabaab. Maxamed Cabdi Maareeye oo kamid ah xildhibaanadaas ayaa shaaca ka qaaday in su’aallo badan ay ka dhasheen weerarkii is-miidaaminta ee Xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad. “Dhacdadaa darraad ka dhacday Kulliyadda Jaalle Siyaad oo ah meeshii ugu adkeyd ee ciidan lagu tababaro su’aallo badan baa ku wareegsan ficilkaas Argagixisada ah ay dhalinyaradu ku dhammaadeen” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye. Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waxaa kamid ah su’aalaha ciidanka halkaas ku xareysan la keenay oo waxay ahaayeen ciidan tababaran oo dagaal adag la galay Argagixisada oo awalba howlgalka ku jiray oo shaqo fiican qabtay ayey ahaayeen, sababta halkaa loo keenay oo haddana loo dayacay su’aal weeye”. Xildhibaanka ayaa sidoo kale su’aal ka keenay sida ay warbaahinta qaar uga gaabisay tabinta dhacdadaasi, wuxuuna tilmaamay in arrintan ay tahay silsilad isku xiran. “Waxyaalaha aanu la yaabay waxaa kaloo kamid ah markii uu qaraxu dhacay warbaahintii qaraxa ka sheekeyn jirtay kama hadlin, waa wax la yaableh sida loo gaaray dhammaan wixii Social Media-ahaa oo ay ka gaabiyaan dhacdadaas weyn” ayuu mar kale yiri. Waxaa kale oo uu soo jeediyay in baarlamaanka uu qaado tallaabo deg-deg ah, isla-markaana uu magacaabo guddi daba-gala baarista weerarkaasi. “Waxaan soo jeedinayaa in halkan laga magacaabo guddi baarlamaani ah markii ugu horreysay ka duwan sidii hore oo dabagal ku sameeya in baarista ay si xaqa u socoto” ayuu sii raaciyay. Dhankiisa Xidlhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa codkiisa ku biiray in loo baahan yahay in dib loogu laabto systemka shaqaalaha, si loo hubiyo dhammaan dadka u shaqeeya dowladda. “Waa in la helo system lagu xaqiijin karo dadka dowladda u shaqeeya cidda la aamini karo iyo cidda aan la aamini karin, macquul maaha in saraakiishii iyo dadkii mas’uuliyiinta ahaa aa iska ilaalisid oo lafahaaga ku aamini weysid” ayuu isna yiri Mudane Cabdirashiid Xidig. Hadalka kasoo baxay baarlamaanka dalka ayaa kusoo aadayo, ayada oo shaki xoogleh uu ka dhashay qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad, waxaana loo soo xiray illaa saddex sarkaal, ka dib markii uu soo galay raadka ah inay fududeeyeen weerarkaas oo ay sheegatay Shabaab. The post Daawo: Shakiga qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad oo gaaray BF appeared first on Caasimada Online.
  6. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dib ula wareegay gacan ku heenta degaanka Goofgaduud-buurey ee gobolka Bay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo maalmahaan ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab. Deegaanka Goof Gaduud Buureey oo duleedka magaalada Beydhabo ah dhowr jeerna ay ku dagaalameen ciidmada dowlada kuwa daraawiishta koonfur galbeed oo isku dhinac ah iyo AS waxaa ka dhashay khasaaro soo kala gaaray labada dhinac. Deegaan oo ah istiraatiiji oo laga difaaco amaanka magaalada Beydhabo ayaa AS dhowr jeer isku dayeen in ay la wareegaan gacan ku heenta deegaanka. Taliska qeybta 60-aad ee ciidmada xooga dalka ayaa xaqiijiyay in ay dib ula wareegeen deegaanka Goof Guduud buureey oo 30 km u jira magaalada beydhabo oo xaruta K/M u ah maamulka koonfur galbeed. Ciidmada xooga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa AS kala wareegay deegaano badan oo katirsan dalka gaara ahaan bartama iyo koonfurta dalka. Waxaana wali howlgalo ay ciidmada dowlada iyo dadka deegaanka ay kawadaan deegaano katirsan maamulada Galmudug,hiirshabeelle koonfur galbeed iyo jubbland. Wajiga 1-aad ee dagaalka dowlada soomaaliya ay kula jirto ururka AS oo gabo-gabo ah ayaa lafilayaa in dhawaan madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu daah furo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah AS. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Garsoore heer federaal ah oo Maraykan ah ayaa meesha ka saaray, siyaasad la xidhiidha magangalyada oo uu dhawaan dhaqan galiyay madaxweyne Biden. Go’aankan ayaa dhabar jab ku noqonaya dedaallada maamulkiisa uu ku doonayo in lagu xakameeyo muhaajiriinta dalka ka soo gala xuduudda Koonfureed ee Mexico. Grasoore Jon Tigar ayaa sharci darro ku tilmaamay in dadka magan-gelyo-doonka ah ay iyagoo dalalkooda jooga soo codsadaan gelitaanka Maraykanka, ama ay ka soo codsadaan waddamada xuduudda la leh Mareykanka.. Source
  8. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Wafti Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo, aya gaaray Magaalada Belgrade ee Caasimada Dalka Seerbiya, halkaas oo uu safar shaqo u joogidoona mudo 4 casho ah, isaga oo la kulmi doona mas’uuliyiin kale duwan. Taliyaha iyo Waftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka socday safaarada Soomaliya ee Seerbiya iyo Masuuliyiin ka socda Dowlada Seerbiya, sidoo kale taliyuhu wuxuu la kulmay, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Seerbiya, Mudane. Maxamed Cabdulahi Axmed, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Seerbiya, Mudane. Bratislav Gašić, Taliye Xigeenadda Booliska Seerbia ee kala ah General Miomir Pajić iyo Bratislav Pavlović. Taliyaha hogaan Arimaha Dibadda ahna Taliyaha Interpol Col. Miloš Andjić iyo Saraakiil kale. Kulanka ayaa looga hadlay iskaashi farsamo ee la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada iyo Dambiyada Abaabulan, la iskuna dhaafsaday hadiyado ka turjumaya labada Taliska Ciidanka Boliiska ee Seerbiya iyo taliska ciidaka Booliiska Soomaaliya, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Ugu yaraan 34 qof oo ay ku jiraan toddobo askari ayaa lagu dilay weerar ay kooxo budhcad ah ku qaadeen gobolka waqooyi-galbeed ee Nigeria ee Zamfara, sida uu sheegay Ismaaciil Magaji, oo ah madaxa kooxaha feejiganaanta ee dadka deegaanka. Weerarkan oo ka dhacay degmada Dan Gulbi ee fog ee ismaamulka Maru ee gobolkaasi ayaa dhacay galabnimadii Isniinta, sida uu wakaalada wararka ee Reuters u sheegay Ismaaciil Magaji. Lawali Zonai, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa yiri, “27 ka mid ah dadka tuulada ayaa lagu dilay weerarka, halka 7 ka mid ah ciidamada milateriga la weeraray ay u socday inay bulshada ka caawiyaan weerarka foosha xun.” Kooxo budhcad ah oo si aad ah u hubeysan oo ay dadku ugu yeeraan “Burcad” ayaa dhibaato xooggan ka geystay waqooyi-galbeed ee Nigeria saddexdii sano ee lasoo dhaafay, iyagoo qafaashay kumannaan qof, iyagoo dilay boqolaal, kana dhigay meel aan ammaan ahayn in lagu safro. Weerarada ayaa jahawareer ku riday ciidamada ammaanka Nigeria oo si xad dhaaf ah ula dagaalamaya waxa loogu yeero ‘kacdoonka islaamiyiinta’ ee 14-ka sano ka socday waqooyi bari. Source
  10. Garowe (HOL) - Puntland's opposition politicians are threatening to conduct a unilateral election after January 8, 2024, only if President Said Deni attempts to extend his term and fails to hold the scheduled regional elections. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacDay degmada Yaaqshiid ayaa ka hadlay weerarkii Isniintii ka dhacay gudaha Kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay sheegatay Al-Shabab. MadaalE ayaa su’aallo ka keenay weerarkan oo ahaa is-miidaamin, isla-markaana lagu beegsaday ciidamo ku sugnaa gudaha xeradaas oo amnigeeda si weyn loo ilaaliyo. Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada askarta lagu laayAy weerarkaas, isaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg deg ah. “Waxaan ka tacsiyeynayaa qaraxii ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad oo ciidamo halkaasi faylsanaa mid inta uu isa soo miidaamiyay isku qarxiyay” ayuu yiri guddoomiyuhu. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Su’aasha qiyaamo ku sugeysaa waxay tahay (بِاَيِّ ذَنْۢبٍ قُتِلَتْۚ) qofkaani maxaa ku dishay?. Yuusuf Xuseen Jimcaale oo hadalkiisa sii wataa ayaa sidoo kale la gar-naqsaday kooxda Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in arrin nasiib darro ay tahay in qofka uu is qarxiyo. “Runtii waa nasiib darro inuu naftiisii goo gooyo jirkiisa, cad cad uu haado, madaxiisa uun uu soo haro, isaga oo dhahaayo waa ku Janno tegaayaa” ayuu mar kale yiri Madaale. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo tuhun uu xoogleh uu ka dhashay qaraxii ka dhacay xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad oo haatan loo soo xiray illaa saddex sarkaal oo loo haysto inay wax ka fududeeyeen, gaar ahaan in ninka is qarxiyay ay geliyeen gudaha xeradaasi. Weerakan ayaa sababay dhimashada illaa 25 askari, halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, sida xogtaan ay ku soo dusiyeen saraakiil ciidan The post Daawo: Madaale oo su’aallo ka keenay weerarkii xarunta Kulliyadda Jaalle Siyaad appeared first on Caasimada Online.
  12. Watch Lionel Messi make his starting debut for Inter Miami, scoring 2 goals and 1 assist in Leagues Cup match vs. Atlanta United. Miami would dominate Atlanta in a 4-0 clean sheet victory. Source: Hiiraan Online
  13. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa si hoose shaqa joojin ugu sameeyay Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland S/Gaas Abshir London oo ku maqan dalka dibaddiisa. Shaqa joojinta waxa ka horraysay in dhammaan xuquuqdii iyo mushaarkii laba Todobaad ka hor laga jaray Gen. London oo aan weli xilka laga qaadin. Xogo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale xaqiijinaya in dhawaan ciidan hubaysan u daateen guriga taliye Abshir London islamarkaana hub iyo agab ciidan ka qaateen. Wararka ayaa intaas ku daraya in khilaafka Siciid Deni iyo Abshir London uu markii hore ka bilowday hab-maamulka hoggaaminta ciidamada difaaca Puntland. Intaas kadib Gen. London oo weli haya xilka taliyaha ciidanka Daraawiishta ayaa dalka isaga baxay waxaana ugu danbayn laga joojiyay shaqadii. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo shaqa joojin ku sameeyay Taliyihii ciidanka Daraawiishta appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta kasoo muuqday laba agaasime oo loo haysto musuq, gaar ahaan xatooto xoolo dadweyne. Labada mas’uul ayaa ka ah Cabdullaahi Maxamed Cali, agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS iyo agaasimihii xilkan kaga horreeyay Maxamed Cadde Mukhtaar, kuwaas oo kamid ah mas’uuliyiinta haatan loo soo xiray musuq-maasuqa. Ugu horreyn guddoomiyaha maxkamadda ayaa goobta ka aqriyay eedda loo haysto labada agaasime, taas oo ah musuq, lunsasho hanti dadweyne iyo ku tagri fal awood xafiiseed. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale eedda kusoo bandhigay lunsashada lacag malaayiin dollar ah oo loo haysto labada eedeysane, taas oo ay soo gudbisay xeer ilaalinta qaranka. Eedeysanaha koowaad oo ah Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inuu qaatay lacag dhan 8 Milyan 667 kun 220 Dollar, taas oo la waayey intii u dhexeysay 6 August ee sanadkii 2020-kii illaa 20-ka bishii April ee sanadkan aynu ku jirno 2023-ka. Sidoo kale waxa lagu eedeeyay inuu tirtiray raadka, isla-markaana uu sii xawilay lacagtaas oo uu uga faa’iideystay si shaqsiyan ah, sida lagu xusay eedda labaad. Sidoo kale Maxamed Cadde Mukhtaar oo isna ah agaasimihii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa lagu soo eedeeyay inuu lunsaday lacag gaareyso 3 milyan 604 kun iyo 900 oo dollar taas oo lagu waayay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Maxamed Cadde ayaa sidoo kale loo haystaa inuu tirtiray raadka, isla-markaana uu si shaqsiyan ah uga faa’iideystay lacagtaasi malaayiinta dollar ah. Labada eedeysane oo ka hor hadlay maxkamadda ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana haatan socda dood u dhexeyso qareenada iyo xeer ilaalinta qaranka. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku guda jirto dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo xiray mas’uuliyiin dhowr ah, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen dalka The post Daawo: Laba agaasime oo la horgeeyay Maxkamadda Gobolka + Lacagta loo haysto appeared first on Caasimada Online.
  15. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane , Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay qaraxii ay Al-shabaab dhowaan ka geysatay Kulliyadda Jaalle Siyaad oo uu tababar ugu socday dhallinyaro loo diyaarinayay ka mid noqoshada Ciidanka XDS. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania kaga qayb galaya shir madaxeedka horumarinta karaanka Aadanaha ee Afrika ayaa si weyn u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Xeradaasi. Xamsa ayaa falkaasi ku tilmaamay mid fulaynimo ah, wuxuuna tacsi u diray ehelada askartii ku geeriyootay qaraxaas, kaas uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo soo galay xerada, kaas oo isku qarxiyay meel lagu feylinaayay ciidanka cusub. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ammaan u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Tanzania, wuxuuna sheegay in ay yihiin bulsho door wanaagsan ka qaadan karto dib u dhiska dalka, waxaana uu ugu baaqay in ay dalkooda maalgashtaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay dedaalladii ay xukuumaddu u martay samata bixinta dadkii ay saamaynta ku yeelatay abaarta, sidii ay ula wadaageen beesha caalamka, sugidda amniga, la dagaallanka Al-shabaab iyo kaalintii ay shacabku ka qaateen. Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dedaalka ay dowladdu ugu jirto in ay kaga kaaftoonto deeqaha kaalmada ah ee Caalamku siiyo Soomaaliya iyo ku tiirsanaanta , isagoo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzaniyana ku boorriyay in ay kaalintooda ka qaataan dib u dhiska dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo hadal ka jeediyay maanta Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siisay arrinta mowduuca shirka, oo ay si xooggan u maalgelisay waxbarashada dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in iyadoo ay jiraan caqabado dhawr ah oo ku horgudban waxbarashada Soomaaliya, haddana ay Xukuumaddu ku guuleysatay inay qorto 3000 oo macallin cusub ah, isla markaana ay kor u qaadday tayada waxbarashada dalka. Xubnaha wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo hadal ka jeediyay Madasha Shir Madaxeedka Afrika appeared first on Puntland Post.
  17. Gadood ciidan oo xooggan ayaa sida lagu soo warramayo maalmahan ka taagan Taliska Ciidamada Somaliland ee Gooja-cadde. Ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka Laascaanood ayaa waxa saamayn ku yeeshay khilaafka siyaasadeed ee gudaha Somaliland. Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in dhawaan ciidamo ka goostay Taliska Gooja-cadde ay ku biireen jabhad ka samaysan tahay gudaha Somaliland. Intaas kadib waxa xabsiga loo taxaabay saraakiil laga shakiyay oo hal beel ka soo jeeda waxaana la sheegayaa in uu tallaabadaas ka dhashay gadood ciidan oo xoogan. Gadoodka ayaa imaanaya xilli uu weli duleedka Laascaanood ka taagan yahay dagaalka u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka SSC-Khaatumo. PUNTLAND POST The post Gadood xooggan oo maalmahan ka taagan Taliska Ciidamada Somaliland ee Gooja-cadde appeared first on Puntland Post.
  18. Mucaaradka dowlad goboleedka Puntland ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay go’aankii kasoo baxay golaha Wakiillada ee lagu ansixiyay furis iyo wax ka bedelka Dastuurka Maamulkaas, xilli wadahadlladii u dhaxeeyay labada dhinac ay wiiqmeen, kaas oo ay garwadeenka ka ahaayeen Isimada Puntland. Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland haddana ah mid kamid ah xubnaha Mucaaradka Xasan Shire Abgaal oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku eedeeyay madaxweyne Siciid Deni inuu diiday inuu dhageysto Isimada ku jira waanwaanta, taas badelkeedana uu qaaday tallaabadii dhacday. Xasan Shire Abgaal ayaa sidoo kale sheegay in dhankooda ay qaateen soo jeedintii Isimada, kuwaas oo sheegay in ay u kala dabqaadayaan labada dhinac oo ay go’aan kasoo saarayaan arrinta Dastuurka, laakiin madaxweyne Deni uu diiday inuu ka tanaasulo furista Dastuurka iyo Wax ka badelkiisa. Maxamed Abdiraxmaan Faroore oo dhankiisa ka qeyb galayay dood ka socotay Twitter Space-ka ayaa sheegay in doorashooyinkii golaha deegaanka ay ka dhacday isdabamarin sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu ku eedeeyay wadahadalladii fashilmay madaxweynaha talada haya Siciid Deni. Tallaabadii uu qaaday golaha Wakiillada ayaa gabi ahaan hakad galisay dadaalladii ay isimadu ku doonayeen in xal waara looga gaaro arrinta Puntland ee ka dhalatay Dastuurka, arrintaan ayaa hubanti la’aan dhanka amniga ah waxaa ay galinaysaa magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Bulshada ku dhaqan caasimadda ee Garoowe ayaa walaac xooggan ka qaba hadallada iska soo horjeeda ee kasoo baxaya madaxweyne Deni iyo xoogagga mucaaradka, kuwaas oo sharci darro ku tilmaamay tallaabada golaha wakiillada ku meel mariyay furista iyo wax kabedelka Dastuurka. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa lasoo sheegayaa inuu diidan yahay in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu talago galay, waxaana xukuumaddu ku doodaysaa doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo doorto hoggaanka maamulka Puntland. Mucaaradka ayaa dhankooda miiska soo saaray in aysan jirin baahi loo qabo in la furo Dastuur, waxaana ay ka dalbadeen xukuumadda in ay doorashada ku qabato xilligii loogu talo galay, mana jiraan iskusoo dhawaasho ay muujinayaan labada dhinac ee ishaya. Taliyaha Booliiska gobolka Nugaalka Guddoomiyaha gobolka , Guddoomiyaha degmada ayaa si wadajir ah u sheegay in aysan jirin wax amni darro ah oo ka jiro Garoowe, taas oo keeni karta in laga qaxo, waxaana ay ugu baaqeen bulshada in ay isdajiyaan. Magaalada Garowe ayaa waxaa ka taagan qalalaase dhanka amniga ah iyo hubanti la’aan , iyada oo qaar ka mid ah shacabka magaalada ay isaga barakaceen, kuwaas oo mar kale ka cabsi qaba in lagu dul dagaalamo, waxaana jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo la dareemayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Baidoa (HOL) - The Somali National Army on Tuesday killed 25 al-Shabab militants, including five foreign fighters, during an operation in the Bakool region of southwest Somalia, officials said. Source: Hiiraan Online
  20. Dar Es Salaam (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan dalka Tanzania ayaa si aan laga filaneyn uga hadlay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Xerada Kulliyadda Jaale Siyaad ee Muqdisho. Xamza oo khudbad u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka Tanzania ayaa hadal jeedintiisa kusoo kooban tacsi uun, taas oo uu diray ehellada askartii lagu waayay weerarkaas oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda. “Waxaan rabaa inaa ku bilaabo tacsi aan u dirayo geesiyadeenii shalay ee dhibaatadu ku dhacday ee nimankii fuleeyada ahaa mid kamid ahi uu isku dhex qarxiyay, deedna uu culeys kasoo gaaray qaar kamid ah Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu raaciyay “Intii dhimatay Allaha u naxariiriisto inta dhaawaca ahna Ilaahey ha u boogo dhayo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed falkaas waan uga tacsiyeyneynaa” Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in arrintan ay tahay wax laga xumaado, isla-markaana ah fuleynimo, sida uu hadalka u dhigay. “Arrintaan waaa arrin laga xumaado waa fuleynimo aan horay uga soo baranay nimankaas ee dhibka badan” ayuu mar kale ku yiri Khudbaddiis ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Marmnaba ra’iisul wasaaruhu sooma hadal qaadin tallaabada ay qaadeyso xukuumaddiisa ee ku aadan shakiga ka dhashay weerarkan, maadaama uu ka dhex dhacay xero ciidan oo si weyn amnigeeda loo ilaaliyo, laguna dilay askar badan oo ka tirsan dowladda federaalka. Arrinta hadal heynta dhalisay ayaa ah in ra’iisul wasaaruhu uu tacsi uun ku soo kooban warkiisa, halkii uu qaadi lahaa tallaab degdeg ah oo ku aadan dhacdadaasi. Cabeyd Cabdinaasir oo kamid ah dadka ka falceliyay hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa yiri “Ra’iisul wasaare tan hadda lama rabee waxna ma tareysee kuwa hadda qirtay inay ilmaha haligeen soo qabo oo mudankooda marsii hooyooyinkaa Soomaaliyeedna caloosha u qabooji” Weerarkii Kuliyadda Jaalle Siyaad oo ahaa is-miidaaminta ah ayaa waxaa fuliyay naftii halige Shabaab ah oo galay xerada, xilli ay safaf dhaadheer ku jireen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 14-ka October ee fadhigoodu yahay Marka. Si kastaba, weerakan ayaa sababay dhimashada illaa 25 askari, halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, sida xogtaan ay ku soo dusiyeen saraakiil ciidan The post Daawo: Xamza oo si aan la fileyn uga hadlay qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad appeared first on Caasimada Online.
  21. A UN official responsible for the Arab world said on Tuesday that millions in the region face food insecurity during a polycrisis of conflict, climate change and economic turmoil. Source: Hiiraan Online
  22. Kuwait’s Ministry of Foreign Affairs condemned the attack on Somali army training center in the capital Mogadishu, killing and injuring a number of people. In a statement on Tuesday, the ministry reaffirmed Kuwait’s firm stance against terrorism, extending deep condolences to the Somali government and people on the loss of lives and wishes of speedy recovery for the wounded. Source: Hiiraan Online
  23. Abshiro Abdi Adan, 52, is glad to be home on their three-hectare farm in southern Somalia’s Dinsor district after three hard and unproductive years spent in one of the overcrowded camps for internally displaced people in Baidoa. Source: Hiiraan Online