Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo saaka ka dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalaa Muqdisho, kaas oo lala beegsaday ciidamo ku sugnaa gudaha Xeradaasi. Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyay qoys soo xirtay jaakadda qaraxyada, isla-markaana ku sugnaa gudaha, kaas oo beegsaday ciidamo ka tirsan guutada 14-ka October ee fadhigoodu yahay magaallo xeebeedka Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamadan ayaa la sheegay in magaalada caasimada ah ee Muqdisho loo keenay in lagu sameeyo dib u habeeyn iyo qalabeyn intaba, si ay uga qayb qaataan howlgallada socda. Wararka ayaa intaasi kusii daray in xilliga uu qaraxu dhacayay ay ciidamadu ku jireen saf dheer, taas oo keentay in meesha uu ka dhasho khasaare xoogleh. Sida ay ogaatay Caasimada Online qofka is qarxiyay ayaa kamid ahaa dadka ku sugnaa xerada mana cada sida ay ugu suuragashay weerarkan oo lagu beesaday xero muhiim ah. Saraakiil amni ayaa sidoo kale xaqiijiyay in qaraxan ay ku dhinteen ku dhowaad 30 askari, halka ay ku dhaawacmeen 60 kale oo kamid ahaa ciidamada ku sugnaa gudaha xerada. Xaaladda ayaa weli qasan, waxaana sidoo kale burbur xoogan uu soo gaaray dhismaha xeradan oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Dhanka kale taliyaha ciidanka guutada 14-ka October, Cabdiraxiin Muunye oo u warramay warbaahinta gudaha ayaa shaki xoogleh ka muujiyay qaraxan, isaga oo sheegay in Al-Shabaab lagala shaqeeyay weerarkan, loona fududeeyay, sida uu hadalka u dhigay. Al-Shabaab ayaa horay sidaan oo kale weeraro qaraxyo ah uga fulisay xeryo ciidan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay xerada Warshadda Nacnaca ee degmada Wadajir oo dhowrjeer ay qaraxyo ka fulisay halkaas oo lagu tababaro ciidamada. Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dmabeeyay ay kooxda Al-Shabaab kordhiyeen howlgallada ay ka fuliyaan Muqdisho oo isgu jiro dilal iyo qaraxyo. The post Askar badan oo lagu dilay QARAXII Kuliyadda Jaalle Siyaad appeared first on Caasimada Online.
  2. Gudoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Saleebaan Gaal ayaa qaranka iyo hogaanka dhaqanka Somaliland ugu baaqay in laga daba tago jabhada hubaysan ee gashay buuraha oo arinkooda la xaliyaa. Saleebaan gaal oo hanbalyaynaayay gudoomiyaha cusub ee golaha wakiilada ayaa sheegay in ay mihiim tahay in ragaa la sheegaayo in ay buuraha galeen aan la eegan ee lagadaba tago. Gudoomiyaha guurtidu waa masuulkii u sareeyay ee ka hadla jabhadani isku urursanaysa buuraha gacan Libaax iyo meelo kaaba kuwaasi oo ka soo hor jeeda ama dilaacay go’aankii gudiga doorashooyinka ku dhawaaqeen ee ahaa in la soo horo mariyo doorashooyinka uururda xaga doorashadii madaxweynaha ee diyaarka ahayd la laalay. Saldhigan ciidan ee maleeshiyaad ku hadlay magaca beesha West Burco Clan oo dega shan gobol oo ka mid ah Lixda gobol ee Somaliland ayaa la soo sheegayaa in gobolo kale oo aan ahayn goobtani ay degeen abaabulkeeda la wado un baahantahay in lagu xaliyo wada hadal iyo ka hortag intaanay xaaladu faraha ka sii bixin, waxana jira dhalinyaro badan oo ku sii qul qulaysa buurahaasi oo ku biiraaya ciidamadaasi ka soo hor jeeda xukuumadda Muuse Biixi oo ka kala tagaaya gobolada Togdheer, Saaxil iyo Maroodijeex, xaga gobolka Sanaagna laga soo sheegaayo abaabul iyo kacdoon huursan oo aan wali soo shacbixin Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa mar kale maanta la horgeeyay saddex mas’uul oo ku eedeysan xatooto xoolo dadweyne, kuwaas oo ka kala tirsan Bankiga Dhexe iyo sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya. Sadexda mas’uul ee la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa kala ah, 1-Abuukar Maxamed Cali 2-Cabduqaadir Cabdi Socdaal 3-Maxamed Aadan Cabdullaahi. Eedeysanaha koowaad Abuukar Maxamed Cali oo ah maamulaha xafiiska canshuuraha bariga garoonka Aadan Cadde ee wasaaradda maaliyadda ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inuu ka qayb qaatay lunsashada lacag dhan illaa 20 milyan 333 kun iyo 780 dollar. Sidoo kale ninkan ayaa xeer ilaalinta waxay ay ku soo eedeysay inuu adeegsaday warqado dowladeed oo been abuur ah oo uu leeyahay xafiiska xisaabiyaha guud ee qaranka. Cabduqaadir Cabdi Socdaal oo isna ah qasnjiga qaybta dakhliyada ajaaniibta ee Bankiga Dhexe, laantiisa garoonka Aadan Cadde ayaa loo haystaa inuu lunsaday $83,630 (Sideetan saddex kun, lix boqol iyo sodon dollar) sida ay shaacisay xeer ilaalinta qaranka. Eedeysanaha saddexaad oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Cabdullaahi ayaa isna lagu soo eedeeyay inuu wax ka lunsaday lacag dhan 20 milyan 333 kun iyo 780 dollar oo ah eedda loo jeediyay eedeysanaha koowaad Abuukar Maxamed oo sidoo kale ah maamulaha xafiiska canshuuraha bariga garoonka Aadan Cadde ee wasaaradda maaliyadda. Saddexda eedeysane oo ka hor hadlay maxkamadda ayaa iska fogeeyay dhammaan eedaha loo jeediyay, waxaana haatan socda dooda kiiskooda. Raggan ayaa sidoo kale ka mid noqonaya mas’uuliyiin dhowr ah oo ku eedeysan musuq-maasuq, kuwaas oo lasoo xiray, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen dalka. Maxkamadeynta ayaa weli sii socota, waxaana la filayaa in kama dambeyn ay go’aan rasmi ah soo saarto Maxkamadda Gobolka Banaadir oo qaadeysa dacwaddan xasaasiga ah. Dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku guda jirto dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo xiray mas’uuliyiin dhowr ah, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen dalka. The post Daawo: Saddex mas’uul oo la horgeeyay maxkamadda gobolka + Lacagta loo haysto appeared first on Caasimada Online.
  4. Kulan gaar ah oo xalay dhexmaray madaxweynaha Puntland, madaxweyne ku xigeenka iyo guddoonka Baarlamaanka ayaa fashil ku dhammaaday. Xog hoose ayaa ka soo baxaysa kulan albaabadu u xiran yihiin oo Siciid Deni, Axmed Karaash iyo guddoonku ay xalay ku yeesheen xarunta madaxtooyada Garoowe. Madaxweynaha Puntland iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa kulankii xalay isku dayay in ay Madaxweyne ku xigeenka ku qanciyaan furista dasturka balse isku daygaas ayaa fashil ku dhammaaday. Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa sida wararku sheegayaan iska diiday in uu taageero qorshaha furista dastuurka oo uu ku tilmaamay mid qalalaase amni sababi kara. Madaxweyne Deni iyo guddoonka Baarlamaanka ayaa sidoo kale caawa ku ballansan kulan danbe oo uusan ku wehelin madaxweyne ku xigeenka. PUNTLAND POST The post Kulan xalay dhexmaray madaxda sare ee Puntland oo fashil ku dhammaaday appeared first on Puntland Post.
  5. Qarax la sheegay inuu ahaa Ismiidaamin ayaa ka dhacay xero ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida la warinayo. Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegayaa inuu ciidamo ku sugnaa xerada kulyadda Jaalle Siyaad ee ku taalla Wadadda Warshadaha uu isku qarxiyay , waxaana kasoo baxay faahfaahinno dheeraad ah weeraraasi. Weerarkaan lagu qaaday ciidanka ayaa kusoo aadaya xilli taliska xoogga dalka uu ku jiray diyaar garowga Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo dowladdu ku dhawaaqday in dhowaan la qaadi doono. Kulyadda Jaalle Siyaad ayaa dhowaan waxaa ka baxay ciidanka midowga Afrika, waxaana degan ciidanka ka tirsan guutada 14-ka October, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska xoogga dalka oo ku aadan qaraxa dhacay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Roma ee dalka Talyaaniga. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa halkaas uga qeyb-galaya shirar heer caalami ah iyo kuwo heer gobol ah oo ka dhacaya magaalada Roma. Shirka ugu weyn ee ka qeyb-galkiisa uu madaxweynuhu u tegay Talyaaniga waa ‘Madasha Geeska Afrika iyo Talyaaniga’ oo ka furmeysa Roma, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya. Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka qayb-geli doono shirka kale oo ay qabaneyso QM, kaas oo looga hadli doono la dagaalanka cunto yarida iyo ka hor tagga macaluusha. Haddaba sidee looga falceliyay safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Talyaaniga? Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay safarkaan, ayada oo qaarkood ay boggaadiyeen, halka kuwa kalena ay ku mucaaradeen madaxweynaha, iyaga oo sababta ku sheegay inuu badiyay safaradiisa. Cabdullaahi Shiilow oo kamid ah dadka falceliyay ayaa yiri “UN FAO ma heer Caalimi ayay noqotay?” Saciid Cali ayaa isuguna taageeray safarka madaxweynaha “Wallee Somalia madaxweyne fiican ayay heshay wakaas dalkii dunida la jaan qaaday” Mukhtaar Raage ayaa dhankiisa ku jawaabay “Shirka uu ka qeybgalayo iyo cidda uuu watto isma lahan wasiirkii ku shaqada lahaa dhamaa laga tagey” Bashiir Xuseen ayaa isna yiri “Guuleyso mudane MW. Lkn socodka yarey oo u kuurgal dalka xoreyntiisa.” Diiriye Axmed ayaa isna sheegay in madaxweynuhu uu qaraab tegay “Hasan Sheikh wuu ku jira qarabashom Somalia ilahay baa u maqan”. The post FAL-CELIN xoogan oo ka dhalatay safarka MW Xasan Sheekh ee dalka Talyaaniga appeared first on Caasimada Online.
  7. Mogadishu (HOL) - Gunmen killed the former Minister of Agriculture and Irrigation of Hirshabelle, Hassan Ahmed Mudey, in the Yaqshid district of Mogadishu on Sunday. Source: Hiiraan Online
  8. Madaxweyne Siciid Deni ayaa xalay ka cudur-daartay in uu la kulmo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland. Xildhibaannada oo fiidnimadii hore u dareeray xarunta madaxtooyada ayaa lagu wargeliyay in ay iska laabtaan islamarkaana uusan qaabili karin madaxweynaha. ” Waxaa na loo sheegay in aan iska laabano weliba qaad ixtiraam-darro ah. Madaxweynuhu idin qaabili mayo ayay nagu wargeliyeen qolada xafiiskiisa” sidaas waxa noo sheegay mudane ka tirsan Baarlamanka. Xildhibaannada ayaa caro kala soo laabtay xarunta madaxtooyada waxaase madaxweynuhu qaabilay guddoonka Baarlamanka iyo madaxweyne ku xigeenka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ka cudur-daartay in uu qaabilo xildhibaano ka tirsan Baarlamanka appeared first on Puntland Post.
  9. Waxaa heshiis hordhac ah laga gaaray colaado ka jiray qeybo kamid ah gobolka Sh abeellaha dhaxe, halkaas oo ay ku dagaalameen beelo walaalo ah oo gobolka wada dega, heeshiiska hor dhaca ah ee la gaaray garwadeen waxaa ka ahaa madaxweyne hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Colaadahaan ayaa mudo todobaad ka jirtay inta u dhaxeysa magaalooyinka Raage-Ceelle iyo Cadale, oo uu ku waxaa ku baxay madaxweynihii hore ee dalka sheekh shariif sheekh Axmed, waxaana lagu guuleystay in labada ciidanka la kala qaado ee isku- hor fadhiyay. Dagaalka udhaxeeyay beelaha walaalaha ah ayaa waxaa ka dhashay khasaaro baaxad leh oo naf iyo maalba isugu jira, Guriyo ku yaallay deegaannada dirirtu ay ka dhacday ayaa lasoo wariyay in dab laqabadsiiyay, iyadoo sidoo kale lagubay gaadiid sida ay wararku sheegayaan. Sheekh shariif sheekh Axmed madaxweynihii hore ee dalka oo ku sugan qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha dhaxe kuna baxay daminta colaadda, waxaana hadda dhinacyadu ay wada gaareen heshiisyo hordhac ah, kadib gogol la dhigay deegaanka lagu magacaabo Xaaji Cali. Ciidamada dowlada iyo kuwa katirsan maamulka hiirshabeelle ayaa la geeyay goobaha ay ku dagaalameen Maleeshiyaadka kasoo kala jeeda beelaha walaalaha ah,waxaa hadda degan xaaladda deegaann adii dhawaan lagu dagaalamay iyada oo sidoo kale wali ay socodaan wadahadallo Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Mogadishu (HOL) - Speakers of the two chambers of the Somali Parliament have on Sunday appointed ten lawmakers to represent Somalia in the Parliamentary Union of the OIC Member States (PUIC) and the Inter-Parliamentary Union of IGAD Member States. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhex dhacay xero ciidan oo ku taalla gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo gudaha u galay xerada Kuliyadda Jaaliyadda Siyaad oo ku taalla degmad Hodan ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu qaraxu dhacayay ay ciidamadu saameynayeen gaardis, isla-markaana ay ku jireen saf dhaadheer. Qofka qaraxa geystay ayaa la sheegay inuu soo dhex galay ciidanka, kadibna uu sidaas isku qarxiyay, waxaana jiro dhimasho iyo dhaawac aad u badan. Ciidamada ku sugnaa xerada ayaa ka tirsan guutada 14-ka October ee fadhigoodu yahay magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegay in Muqdisho loo keenay in lagu sameeyo dib u habeeyn iyo qalabeyn intaba. Sida ay ogaatay Caasimada Online qofka is qarxiyay ayaa kamid ahaa ciidanka ku sugnaa gudaha xerada, qaybna ka ahaa askarta lagu diyaarinayay xerada, mana cadda sida ay ugu suuragashay weerarkan oo dhaliyay tuhun xoogan, maadaama la beesaday xero muhiim ah. Xaaladda ayaa cakiran, waxaana kooban macluumaadka laga helayo goobta, maadaama meesha ay wax ka dhaceen ay tahay xero ciidan. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi ismiidaaminta ah ee ka dhacay xeradaas ciidan. Al-Shabaab ayaa horay sidaan oo kale weeraro qaraxyo ah uga fulisay xeryo ciidan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay xerada Warshadda Nacnaca ee degmada Wadajir oo dhowrjeer ay qaraxyo ka fulisay halkaas oo lagu tababaro ciidamada. The post Qarax ismiidamaamin ah oo ka dhacay xero ku taalla MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  12. The Italian government led by Giorgia Meloni (Fratelli d’Italia/ECR) continues to work for a greater presence on the African continent, with a particular focus on the Horn of Africa region, Foreign Minister and Deputy Prime Minister Antonio Tajani (Forza Italia/EPP) announced at a UN conference in Rome. Source: Hiiraan Online
  13. Rome (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud has arrived in Roma, Italy to participate in the UN Food Systems Stocktaking Moment at the headquarters of the Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) from July 24 to 26. Source: Hiiraan Online
  14. Magaalada Gawoowe ee caasimadda Puntland ayaa waxaa ka taagan walaac ay shacabku ka qabaan in dagaal uu ka dhaco, xilli isfaham darro ay jirto ku aadan xalinta khilaafka madaxweyne Deni iyo Mucaaradka oo Isimada Puntland ay garwadeenka ka ahaayeen. Waxaa xusid mudan in qeybo kamid xaafadaha magaalada Bulshadu ay bilaabeen in ay ka baxaan, iyagoo cabsi ka qaba in markale lagu dagaalamo, wadahadallada u dhaxeeyay dhinacyada ayaa wiiqmay, kadib markii laga biyo diiday furista Dastuurka Puntland. Taliyaha Booliiska gobolka Nugaalka Guddoomiyaha gobolka , Guddoomiyaha degmada ayaa si wadajir ah u sheegay in aysan jirin wax amni darro ah oo ka jiro Garoowe, taas oo keeni karta in laga qaxo, waxaana ay ugu baaqeen bulshada in ay isdajiyaan. Magaalada Garowe ayaa waxaa ka taagan qalalaase dhanka amniga ah iyo hubanti la’aan , iyada oo qaar ka mid ah shacabka magaalada ay isaga barakaceen, kuwaas oo mar kale ka cabsi qaba in lagu dul dagaalamo, waxaana jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo la dareemayo. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa lasoo sheegayaa inuu diidan yahay in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu talago galay, waxaana xukuumaddu ku doodaysaa doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo doorto hoggaanka maamulka Puntland. Mucaaradka ayaa dhankooda miiska soo saaray in aysan jirin baahi loo qabo in la furo Dastuur, waxaana ay ka dalbadeen xukuumadda in ay doorashada ku qabato xilligii loogu talo galay, mana jiraan iskusoo dhawaasho ay muujinayaan labada dhinac ee ishaya. Sikastaba ha ahaatee khilaafka ka dhashay doorashooyinka Puntland ayaa gaaray gacan ka hadal, waxaana hore kaga dhacay Garoowe dhawaan dagaal khasaare geystay oo u dhaxeeya dhinacyada isku haya siyaasadda ee Dini iyo xoogagga kale ee mucaaradka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi lagu qabtay horjooge ka tirsan maleeshiyaadka Daacish. Laamaha Amniga Puntland ayaa degmada Ballidhidin ee Gobolka Bari ku qabtay horjoogahan inkastoo aysan weli faahfaahin ka bixin qabashadiisa. Wararka ayaa sheegaya in horjoogaha la qabtay lagu magacaabo Cali Maxamed Mayow Buulle islamarkaana uu kamid ahaa xubnaha muhiimka u ah kooxdaas. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan Daacish appeared first on Puntland Post.
  16. Defence Cabinet Secretary Aden Duale has said the government will not hesitate to take action against Former President Uhuru Kenyatta's family if they fail to surrender their firearms. Source: Hiiraan Online
  17. Jowhar (HOL) - Two Somali clans have reached a preliminary agreement to end the recent inter-clan fighting in the Adale and Raage Cele districts in the Middle Shabelle region, which resulted in the deaths of over a dozen people. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex kamid ah howl-wadeennada sare ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan Golaha Dhexe ayaa is-casilay. Is-casilaada masuuliyiintan ayaa imaneysa maalmo kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dib u magacaabay guddoomiyihii hore ee Bankiga, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo afar sanno xilkaas hayay. Sakhawadin Mustafe Maxamed, Cismaan Salaad Gabeyre iyo Cabdisamad Nuur Xasan oo xilal muhiim ah ka soo qabtay howlaha shaqo ee Bankiga Dhexe, ayaa laga soo xiganayaa inay arrimo u gaar ah isku casileen. Is-casilaada lama filaanka ah ee masuuliyiintan ayaa dhalisay walaac iyo hadal heyn ku aadan sababaha ka dambeeya go’aanadooda, mana jirto warbixin ka soo baxday Bankiga oo lagu faah-faahiya is-casilaadooda. Tagista xubnahaan guddiga ah ee khibradda leh ayaa durba abuuray walaac xooggan, iyada oo dhaqaal-yahaanada, siyaasad-dejiyeyaasha iyo hay’adaha maaliyadda ay si dhow ula socdaan xaaladda, si ay u qiimeeyaan saameynta ay ku yeelan karto shaqada bangiga. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan waxa uu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi mar labaad u magacaabay guddoomiye Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. Magacaabistaas ayaa xilligaas waxaa lagu shaaciyay war-saxaafadeed kasoo baxay Bankiga Dhexe, kaasi oo lagu baahiyay barta Bankiga ee Twitter-ka. Muddo xileedka cusub ee guddoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa ka bilaabanaya 17-ka bishaaan ee 2023-ka, kaasi oo dhan afar sano. The post Seddax masuul oo sare oo is-casilay kadib tallaabo uu qaaday madaxweyne Xasan appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Idiris oo laga wareystay dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku qaaday musuq maasuqa, ayaa la weydiiyey waxa ay diinta islaamku ka qabto hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa “Carruurteyda iyo qaraabadeyda waxay leeyihiin mid lamid ah xaqa muwaadinka kale.” Sheekh Maxamed ayaa sheegay in madaxweynuhu uu ku qaldanaa hadalkaas, isagoo ugu baaqay inuu ka noqdo, jidkaasna ka leexiyo wasiirradiisa. “Madaxweynuhu arrintaas waa ku qaldan yahay, carruurtiisu waa muwaadiniin, laakiin inuu jagooyin u qeybiyo isagoo masuulkii umadda ah ma qabto shareecada Islaamka,” ayuu yiri Sheekh Maxamed. Wuxuu sheegay in halkaas uu ka imaanayo tuhun badan oo qofka masuulka ah ay ka qaadayaan dadka uu xukumo, isla markaana arrinkaas uusan sal iyo raad ku laheyn dhaqanka soo jireenka ah ee Islaamka. “Waan uga nasteexeynayaa Madaxweynaha arrintaas, waxaan u soo jeedinayaa inuu ka noqdo oo wasiirradiisa uusan halkaas u jaheyn, waxaan maqleynay wasiirkiii maalin dhoweed yiri qofka ugu horeeya ee shaqo aan siinayo waa qaraabadeyda,” ayuu yiri Shiiqu. Sheekh Maxamed Idiris oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal ayaa sheegay in hadalkii ka soo yeeray wasiirka ganacsiga Soomaaliya Jabriil Cabdirashiid uu mudnaa in hadalkaas dartiis xilka looga qaado. Sidoo kale wuxuu Shiiqu ka digay in wasiirradu ay ka dhabeeyaan hadalkii madaxweynaha oo qaraabadooda ay darajooyin iyo shaqaaleysiin ugu eexdaan, taas oo cadaalad darro u horseedi karta dalka. “In qaraabadaada kaliya aad shaqo siiso waa musuq, waxayna lamid tahay adigoo maxkamad jooga oo marqaati u keensaday wiilkaaga, Cumar Buni Khadaab ayaa wiilkiisa oo ka mid ahaa saxaabada ugu waaweyn, uguna cilmiga badan ku yiri jagana ma qaban karo, kamana mid noqon karo dadka u tartamaya jagooyinka banaan, marka sidaas ayey ku jirtaas Islaamnimadu,” ayuu yiri Sheekh Maxamed. Hoos ka daawo The post Sh. Maxamed Idiris oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu ka noqdo hadal kasoo yeeray appeared first on Caasimada Online.
  20. Al Shabaab has disrupted services in Northeastern and Coastal areas, prompting leaders to combine efforts to tame the group. Source: Hiiraan Online
  21. Aabihiina wuxuu ka tirsanaa ciidankii Daraawiishta, markii Sayidkii la jebiyey, ayuu ku soo laabtay degankiisii, wuxuu la kulmay reerkii oo xoolo beelay, wuxuuna noqday qowsaar xoola raac ah, isagoo maalin Geel la jira ayaa Libaax soo weeraray, Ilaaheey waa ka bixiyey, laakiin dhaawac cuuryaamiyey ayuu kaga tegey. Hooyadii iyo Aabihii way kala tageen, isagoo sanad jir ah ayeyna geeriyootay. Laakiin odaygu wuxuu ku baxsaday gobbonimada Reerka uu Geela u raacayey oo ahaa Cawlyahan, reer Cali, kuwaasoo daryeel buuxa u fidiyey odoyga. In kastoo uu markii uu baadigoobay si uu ugu abaalgudo, hadana ma helin reerkaas. Wuxuu u wareegay Xuddur, ka dibna Baydhabo, Aabe Cabdulle Cusmaan, macalin Quraan ayuu Baydhabo ka noqday, halka Aadan uu billaabay inuu maalinkiina suuqa ka xamaaho galabkiina iskuul dhigto. Muddo ka dib wuxuu wareegay degmada Jannaale, oo loo bedelay ninkii Talyaaniga ahaa ee uu adeegaha ahaa. Talyaanigu Soomaalida uma ogallayn tacliin dugsi hoose dhaafsiisan, laakiin Aadan wuxuu ahaa nin aqriska jecel oo Jannaale uga soo lugeeya Muqdisho, si uu u iibsado ama u amaahdo buugaag uu aqristo. Waxaa saamayn taban ku yeeshay hab-dhaqanka gumaystaha faashistaha ah, taasoo xanuun ba’an ku haysay damiirkiisa iyo dadnimadiisaba. Markii uu adkaysan waayey dhaqanka gumaystaha ayaa isaga iyo saaxibkiis Maxamd Ciise Faarax isaga tageen shaqadii, waxaase dusha loo saaray eedeyn ah in ay lacag xadeen, tuhmadaas oo caddayn looga dhigay in noloshooda iyo dakhligooda uu kala sareeyo, Aadan si aftahannimo leh ayuu Maxkamada horteeda iskaga difaacay, waana la sii daayey markii danbi ku waayey. Laakiin guddoomiyaha degmada Marka ee talyaaniga ahaa oo ka caraysan sida kalsoonida iyo afatahannimada leh ee uu Aadan isku difaacay ayaa dharbaaxo wajiga ka saaray. Baydhabo ayuu ku soo laabtay, hoteel ayuu ka shaqo bilaabay, Odaygii meherada lahaa oo Talyaani kale ahaa ayaa ku eedeyey in uu xiriir la leeyahay inan uu dhalay oo ay Aadan saaxiibo ahaayeen. Aadan Aabihii ayaa geeriyooday. Muddo ka dib ayuu Beledweyne u wareegay, halkaasoo uu ka furay xaruntii SYL oo uu muddo wakiil uga ahaa. Sheekh Cali Jimcaale iyo C/llaahi Ciise ayey halkaa isku barteen oo ay rafiiq siyaasadeed noqdeen. Aadan wuxuu ahaa is koris, halgan adag nolosha ka soo maray. Haddii ay tahay tiiraanyadii uu ka dhaxlay bahdilkii, xabsigii iyo masabidkii ay gumaystaha kula kaceen murugada dhimashada labadiisa waalid, tebista kalgacalkii iyo korintii uu kaga baahnaa. Laakiin casharada nolosha marna hamigiisa iyo hankiisa ma jebin, balse wuxuu kaga faa’iidaystay in fursadihii waawaynaa ee soo maray uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed kaga faa’iideeyo. Ma jiro xil macno leh uusan dalka ka soo qaban, wuxuu soo noqday ku xigeenka Golaha xukun gaarsiinta (Territoral Council), 1953-54, Guddoomiyaha Baarlamaanka Daakhiliga ahaa 1956-59, Madaxweyne KMG ah 1960-61, Madaxweynaha Jamhuuriyadda 1961-67, iyo in muddo ah uu ahaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga SYL. Aadan aqriskiisu wuxuu la xariiray dhadhaqaaqyada siyaasadeed ee dunida seddaxaad ka socday, gaar ahaan Afrika, taariikhda iyo siyaasada. Waxaad ka garan kartaa sida uu wacyigiisa siyaasadeed u dhisnaa dooddii dhexmartay isaga iyo Giuseppe Brusasca oo ahaa wasiirka Afrika ee arrimaha dibdedda Talyaaniga. Brusasca ayaa ku galad sheegtay in Talyaanigu ay Soomaalida u dhiseen jidad iyo Isbitaallo, biyo, nadaafad, iyo shaqo abuur keeneen, Aadan wuxuu ugu jawaabay inta aad sheegtay wax ka fiican ayuu Ingiriisku inoo sameeyeen oo ah in aan xorriyad hadali karno, xisbi dhisan karno, siyaasaddana ka toos ugu yeelan karno. Markii uu Xaaskiisa doonanayey laba maalin ayuu doon sii saarnaa, isagoo Hobyo ka degay, ka dibna Gaalkacyo kaga sii lugeeyey, si uu gabadha Aabaheed Muuse Mataan uu ku shardiyey in uu gabadhiisa ka soo doonto Gaalkacyo ugu yimaado. Aadan Cabdulle (AUN), wuxuu ahaa nin tawaaduc badan, qunyar socod ah, dad isku wad ah, tanaasul badan, taasoo kasabsiisay awood burji oo ay dadku ka haybystaan. Wuxuu ahaa nin ku adag go’aannada danta guud, u dabacsan kuwa isaga quseeya. Wuu diiday in uu lacag bixiyo, ama ballan qaadyo xilal iyo qandaraasyo sameeyo labo jeer ee uu xilka Madaxweynaha u tartamay. Isagoo eryi kara Raysalwasaare C/rashiid Cali Sharmarke (AUN) oo ay arrimo badan iskula dhaceen ayuu ka maagay, sababtuna wuxuu Aadan ku sheegay in uu diiddanaa in Madaxweynayaasha ka dibkii iman doona ay dhaqankaas yeeshaan, wuxuu la sugay doorashadii Baarlamaanka ee 1964-tii, markaasoo uu ku bedelay C/risaaq Xaaji Xuseen. Wuxuu kaloo ka maagay in uu C/llaahi Ciise oo Golihii Dhexe ee SYL, iyo inta badan Baarlamaanka ay u rabeen in uu Raysalwasaare u magacaabo, sababo la xariira isku dheelitirka beelaha iyo in C/laahi uu ahaa Raysalwaraasihii xukuumaddii daakhiliga, loona baahan yahay in ay dad kale oo Xisbiga (SYL) ah ay fursado helaan. Markii laga adkaaday doorashadii 1967, ayaa Sh Cali Jimcaale iyo rag kale u soo soo jeediyeen in uu diido, ka dibna inqilaab la sameeyo, Aadan si adag ayuu arrinkaas kaga horyimid. Waxaa intaa dheer iyo muddo 50 sano uu maalin walba qorayey dhacdooyinka uu la kulmo oo qaybo ka mid ah uu Maxamad Ciise Turunji ka qoray buuga qiimaha leh ee mar kale Aadan Cade i baray (President Aden Abdula, His life and Legacy), kaasoo aan kula dardaarmayo cid kasta oo siyaasada Soomaaliya daneynaysa in aqrido. W/Q: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo soo koobidan ka sameeyay dhiganaha laga qoray taariikh nololeedka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cadde, kaasi oo loogu magacdaray (President ADEN ABDULLA – His life and Legacy). The post ‘Waayihii adkaa iyo go’aankii geesinimada lahaa ee Aadan Cadde’ – Taariikh kooban appeared first on Caasimada Online.
  22. Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon u doortay guddoomiyaha cusub eee golaha wakiiladda. Guddoomiyaha cusub oo ka tirsan xisbiga tallada haya ee Kulmiye, ayaa helay 46 cod, halka musharraxii la tartamayey Maxamed Khadar uu isna helay 35 cod. Mudane Faratoon ayaa ah nin aad ugu dhow madaxweyne Muuse Biixi, wuxuun sidoo kale horay usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland. Maxay tahay sababta loo doortay Yaasiin Faratoon? Guddoomiyaha cusub ee la doortay ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Sool, oo ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka SSC. Faratoon ayaa ballan-qaaday inuu xalin doono colaadda Laascaanood, waana sababta u weyn ee loogu doortay guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland. Kursigan ayaa waxaa horay u baneeyay Cabdirisaaq Khaliif oo isagu sheegay inuu la dareen yahay dadkiisa, kadibna iska casilay xilkaas, markii ay si weyn uga dhex tafatay xukuumadda Muuse Biixi iyo Khaliif. Faratoon oo isku deegaan kasoo jeedaan Khaliif ayaa looga fadhiyay inuu la yimaado dardar xooggan oo la isugu soo dhoweynayo Somaliland iyo SSC, ayada oo dadka qaar ay qabaan in wax weyn uu ka goyn karin xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood. Yaa isku baheystay soo bixista Faratoon? Guusha Faratoon ayaa waxaa loo sababeynaya wada-shaqeynta labo jiho iyo jiho kale oo ayadu markii dambe qeyb ka noqotay soo saaristiisa iyo guusha uu kasoo hooyay tartankii xilkaan oo si weyn isha loogu wada hayay. Labada jiho hore ayaa ah xisbiga tallada haya ee Kulmiye oo uu ka tirsan yahay Yaasiin Faratoon iyo Madaxtooyada oo dhinac ah iyo weliba Urur Siyaasadeedka KAAH oo isagu xildhibaano badan ku leh gudaha golaha wakiiladda Somaliland. Jihada saddexaad ee qeybta ka ah guusha Faratoon ayaa ah Kutlad Xildhibaanno oo kasoo baxay xisbiga mucaaradka ah, oo iyagu dhisay Faratoon, iyada oo xisbigooda uu watay musharaxa kale ee looga adkaaday tartanka xilka guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland. Mucaaradka ayaa waxa uu watay musharax Maxamed Khadar oo isagu helay 35 cod. Faratoon ayaa lagu tiriya saaxiibadda xilligaan sida weyn ugu dhow madaxweyne Muuse Biixi oo kaalin weyn uu xisbigiisa Kulmiye uu ka qaatay soo bixistiisa. Si kastaba, waxaa indhaha lagu wada haya tallaabada koowaad ee guddoomiyaha cusub uu u qaado dhanka xiisadda dagaal ee ka taagan Laascaanood, ee u dhaxeysa Somaliland iyo SSC. The post Ogow sababta Faratoon loo doortay iyo dhinacyadii riixay appeared first on Caasimada Online.
  23. Galcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada kumaandooska Danab ay howlgal culus ka sameeyeen duleedka magaalada Galcad oo ka tirsan gobolkaasi. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ciidamada ay ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab oo ku taalla dhulka howdka ah ee ku yaalla deegaanka Cali Seer oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud. Saraakiil ka tirsan Danab ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan ay ku dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo meesha lagu diyaarinayay, balse ma shaacin tiradooda. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay cagta mariyeen saldhig ay kooxda ku laheyd dhulka howdka ah ee ku yaalla halkaasi, ayna weeraro kasoo abaabulaan Al-Shabaab. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Danab ee Xoogga Soomaaliyeed. Galcad iyo agagaarkeeda ayaa waxaa indhowaanahan ka socday howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay wadeen ciidamada dowladda iyo Macawiisleyda. Howlgalladan ayaa qayb ka ah guluf milatari oo ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in dalka oo dhan looga xoreeyo kooxda Al-Shabaab oo sanado badan dagaal ka wada dalka. Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa haatan galaya wajigiisa labaad, waxaana qorshuhu yahay inay kusoo biiraan dalalka dariska ah, sida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya. The post DANAB oo beegsatay goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  24. Madaxweyne Muuse oo Shaaciyay Hadal sii Murginaya khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka Taagan Hargeysa(Qaran news) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacabka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan doorashooyinka ururrada iyo midda madaxtooyada oo u kala dambayn doona sida ay Komishanka doorashooyinku jadwalka kusoo saareen. Waxaanu hadalkiisu sii hurinayaa khilaafka dalka ka taagan oo ay xaalladu marayso meel halis ah oo kooxo hubaysani sheegtaan inay caddaalad darada iyo dulmiga Xukuumadda Muuse ka dagaalamayaan. “Haddii ALLE yidhaahdo sida uu yahay qorshaha guddida doorashooyinku ayaynu doorashooyinkii u galeynaa, tii xisbiyada iyo ururada ayaa soo horraynaysa, 3 xisbi Qaran ayaa soo bixi doona, 3 ayaa madaxweyne u tartami doon,”ayuu yidhi Nadaxweynuhu. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waajibka Qaran ahaan ina saaran waxa weeyi labadii sano ee golaha guurtidu kordhiyeen in aanay maalin innagu dhaafin, inta ka horraysa aynu dhammeysano madaxweynaha la doortay iyo xisbigaba, waana mid sharciya, waana danta Qaranka, taasina si nabadgelyo ah oo sida aynu maanta gacmaha isu haysano ah ayaynu u qabsan doonaa” Qaran News
  25. Eedeymaha la xiriira nacabka diinta Islaamka ee dalalka Yurub ma ahan wax cusub. Laga soo billaabo xirashada xijaabka haweenka Muslimiinta ah iyo gubidda Qur’aanka Kariimka ah, waa wax marar badan ka dhacay dalal Yurub ku yaalla. Waxaa maalmahan aad isugu soo taraya carada laga muujinaya kitaabka Qur’aanka ee lagu gubay waddamo ka tirsan Yurub. Barta Facebook-ga ayay Jimcihii, koox xagjir ah oo kasoo jeeda Denmark soo dhigeen muuqaal muuqaal nin gubaya wax u muuqday Qur’aanka isla markaana ku tumanaya calanka Ciraaq. Ficilka kooxda oo lagu magacaabo Dansik Patriot ayaa horseeday caro xooggan iyo dibadbaxyo ballaaran. Ciidamada amaanka Ciraaq ayey Sabtidii iska horyimaadeen boqollaal taageerayaasha wadaadka Shiicada ah ee Muqtada Al-Sadr, kuwaas oo isku dayay in ay xoog ku galaan aagga cagaaran oo ay ku yaallaan safaaradaha shisheeye iyo xarumaha dawladda ee caasimadda Baqdaad, si ay uga mudaaharaadaan qur’aanka lagu gubay afaafka hore ee safaaradda Ciraaq ee Denmark. Dibad baxayaasha Ciraaq oo da’ yar u badnaa ayaa ku dhawaaqayey “haa, haa Quraanka” iyo erayo kale waxayna ciidamada Ciraaq ka hor tageen in ay dibad baxayaashu gudaha u galaan aagga cagaaran ee aadka loo ilaaliyo. Waxay jareen laba buundo oo soo gasha aagga. Booliska ayaa muujiyey in ay dibadbaxayaashu isku dayayeen in ay galaan safaaradda Denmarka ee Baqdaad. Haddaba waa kuwee dalalka oggol in Kitaabka Qur’aanka la gubo? Dalalkan Yurub ku yaalla ayaa waxay dhammaantood leeyihiin shuruuc dadka Qur’aanka gubaya u oggolaaneyso taas oo ay ku sheegeen inay ka mid tahay xorriyatul qowlka Sweden ayaa dhowr goor lagu gubay kitaabka Qur’aanka, tallaabooyin ay ka dhasheen caro iyo cambaareyn xooggan. Ciiddii ayay ahayd markii nin Ciraaq ka soo jeedo uu kitaabka ku hor gubay misaajid hortii iyadoo weliba ay tahay maalin Ciidul Adxa ah. Salwan Momika oo xaggiisa danbe ay taagan yihiin askar booliis ah, xilli uu ku sugnaa bannaanka masaajidka Stockholm, isaga oo lulaya calanka dalka Sweden, heesta qaranka ee dalkaasina ay ka ag baxaysay ayaa laba u kala jeexay dabna qabadsiiyey kitaabka qur’aanka kariimka. Telefishinka SVT ee dalka Sweden ayaa sheegay in bandhiggaasi uu ku dhamaaday si nabad ah, iyaga oo sii raaciyey in ninkii ka dambeeyay banaanbaxa uu jeexjeexay kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, uu bogag ka mid ah kabihiisa ku masaxay halka uu qaarna ku laalaabay hilib doofaar caydhiin oo uu watay, arrintaas oo dad badan u arkayeen in uu rabay in dareenka dadka muslimka uu ku kiciyo. Momika oo ah Qaxooti Ciraaqi ah ayaa u ololaynaya in dalka Sweden kitaabka laga joojiyo. Waxaana falkiisaas ka cadhooday malaayiin Muslimiin ah oo dareenkooda ku muujiyey baraha bulshada iyo dalka Turkiga, oo falkaas ku tilmaamay waxaan loo dul qaadan Karin. Dowladda Swden ayaa canbaareysay falkan balse waxay wasaaraddeeda arrimaha dibadda sheegtay in Sweden ay leedahay xuquuq uu dastuurka ilaaliyo sida xaqa isu imaatinka, xorriyatul qowlka iyo banaanbaxyada. Denmark Waxaa ugu dambeysay dhacdadii Jimcihii ka dhacday ee carada dhalisay ee ay kooxoo lagu magacaabo Dansik Patriot oo kasoo jeeda Denmark ay soo dhigeen muuqaal muuqaal nin gubaya wax u muuqday Qur’aanka isla markaana ku tumanaya calanka Ciraaq. Inta badan dadka guba kitaabka Qur’aanka waxay adeegsadaan sharciyada xoriyatul-qowlka. Nidaamka ka jira dalalka reer galbeedka ayaan xakameyneyn xaqa ay dadka u leeyihiin inay dibadbaxaan xitaa hadalkoodu naceyb ka buuxo. Rasmus Paludan oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga midigta fog ee Denmark ayaa hore kitaabka Qur’aanka ugu gubay banaanka safaaradda Turkiga ee Stockholm. Ninkan ayaa sidoo kale isku dayay inuu UK yimaado si uu isla falkaas ugu celiyo. Wuxuu doonayay inuu tago Yorkshire balse dowladda UK ayaa u diiday inuu dalkeeda yimaado. Norway Waxaa sannadadii dambe qaarada Yurub kusoo badanayay xisbiyada iyo ururada midagta fog, kuwasoo ka soo horjeedo Islaamka iyo ajaaniibta ay baday maciin inay ku noolaadaan dhulalkaan aan kooda asalka ah ahayn. Norway ayaa waxay ka mid tahay dalalka Yurub ku yaalla ee lagu gubi karo kitaabka Qur’aanka iyadoo ku saleyneyso xorriyatul qowl. Bishii Febaraayo ee sannadkan ayaa koox dibad baxayaal oo la sheegay inay Islaamka neceb yihiin doonayeen inay Kitaabka Qur’aanka ku hor gubaan safaaradda Turkiga ku leeyahay magaalada Oslo ee dalka Norway. Dowladda ayaa markii hore u oggolaatay balse markii dambe booliska ayaa joojiyay muddaaharaadkaas lagu doonayay in Qur’aanka lagu gubo saacado un ka dib markii wasaaradda arrimaha dinadda Turkiga ay u yeertay safiirkii Norway u fadhiyay Ankara. Hase yeeshee Booliska ayaa sheegay inay u hakiyeen sababo la xiriira amniga iyagoo aaminsan in kooxdan ay xaq u leeyihiin inay dibadbaxaan Qaran News