-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maamulka Israa’iil ayaa shalay oo Jimce ahayd Gaza dib ugu celiyay shaqaalihii Falastiiniyiinta ah ee ka shaqeyn jiray magaalooyinka Israa’iil. Raggan ayaa xabsi ku jiray tan iyo markuu billaamay dagaalka 7dii bishii Oktoober. Israa’iil ayaa dadkan dib ugu celisay Gaza xilli halkaasi uu ka socdo dagaal culus iyo Duqeyn xoogleh. In ka badan 18.000 oo ah Falastiiniyiinta Gaza ayaa hore uga shaqeyn jiray magaalooyinka Israa’iil. Weli macada tiradda weli ku jirta xabsiyada Israa’iil iyo balse 3000 ayaa maanta loo tarxiilay koonfurta Gaza. Source
-
Sawirro: Galmudug oo la wareegtay ciidamo lagu dhisay MUDUG
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamo horleh oo loo diyaariyay la dagaallanka kooxda Al-Shabaab ayaa maanta lagu soo bandhigay deegaanka Xinlabi oo hoostaga gobolka Mudug, halkaas oo uu weli ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Ciidamadan oo ah kuwa deegaanka lagu aas aasay, kana mid noqonaya macaswiileyda Mudug ayaa lagu wareejiyay dowlad goboleedka Glamudug, kadib munaasabad ka dhacday deegaanka Xinlabi ee gobolkaasi. Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye (Guureye) ayaa la wareegay ciidamadan, waxaana ku wareejiyay maamulka iyo shacabka Xinlabi. Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa shaaca ka qaaday in diyaarinta ciidamadan ay kusoo aadeen xilli loo baahnaa, ayna ka qayn qaadan doonaan howlgallada xoreynta Mudug. Sidoo kale mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugnaa goobta ayaa ciidamada kula dardaarmay xoreynta deegaanada weli ku maqan gacanta Shabaab, isla-markaana aysan u dul-qaadan doonin dhibaatada ay kooxdu ku hayso dadka shacabka ah. Deegaanada Galmudug ayaa waxaa haatan ka soconaya howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo Macawiisleyda, kuwaas oo dhul ballaaran ka saaray xoogaga Al-Shabaab ee ku sugan gobollada dhexe ee dalka. Soomaaliya ayaa waxaa weli ka soconaya dagaallo toos ah oo ujeedkoodu yahay in dalka lagaga sifeeyo xubnaha Al-Shabaab, wuxuuna haatan dagaalku galayaa wejigiisa labaad. The post Sawirro: Galmudug oo la wareegtay ciidamo lagu dhisay MUDUG appeared first on Caasimada Online. -
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa soo geba-gabeeyay safar uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta oo Sabti ah ku wajahan magaalada Garoowe. Safarka madaxweyne ku xigeenka ayaa imaanaya, iyadoo uu dalka ka maqan yahay madaxweyne Siciid Deni oo safar ugu baxay waddanka Imaaraatiga Carbeed. Safarkiisa ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli uu Puntland weli ka taagan yahay khilaaf ku salaysan hubanti la’aanta doorashada madaxtinimada ee 2024. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo maanta ku wajahan magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Gaza (Caasimada Online) – Xamas ayaa isku diyaarisay dagaal dheer oo aan dhammaad laheyn oo ka dhaca Marinka Gaza, waxayna rumeysan tahay inay muddo fog iska caabin karto ciidamada duulaanka ah ee Yahuudda, si ay Israel ugu qasabto xabad-joojin, waxaa sidaas sheegay laba il-wareed oo ka tirsan hoggaanka kooxda. Xamas, oo maamusha Gaza, ayaa keydsatay hub, gantaallo, cunto iyo sahay caafimaad oo hayn kara muddo fog, sida ay sheegeen il-wareedyo la hadlay Reuters oo codsaday inaan la magacaabin. Kooxda ayaa ku kalsoon in dagaal-yahannadeeda kumannaanka ah ay bilooyin ku badbaadi karaan magaalada iyo godadka ay ka qoteen, si ay u ciidamada Yahuudda ula galaan dagaal wata xeelad jabhadeyn ah, sida ay sheegeen il-wareedyada. Xamas ayaa rumeysan in ugu dambeyn cadaadiska beesha caalamka ee ka dhanka ah Israel si ay usoo geba-gebeyso duullaankeeda sababo la xiriira khasaaraha shacabka ee sii kordhaya ay ku qasbi doonto inay galaan wada-xajood xabad-joojin. Xamas ayaa dooneysa inay Israel ay ku qasabto inay sii dayso kumanaan maxaabiis Falastiiniyiin ah, ayada oo dhaafsaneysa 239 Israa’iiliyiin ah oo ay ku qabsatay weerarkii 7-dii October. Kooxda ayaa u caddeysay Mareykanka iyo Israel, oo ay yeesheen wada-hadallo aan rasmi aheyn oo ay dhex-dhexaadineyso Qatar, inay dooneyso in lasii daayo maxaabiista si ay iyana usii dayso Yahuudda ay afduubatay. Qorshaha muddada fog, Xamas ayaa sheegtay inay dooneyso inay soo afjarto xannibaadda 17 sano jirsatay ee Israel ay ku hayso Gaza, islamarkaana la hakiyo deegameynta ay Israel isugu fidineyso dhulka Falastiin. Waxay sidoo kale dooneysa in Israel ay ku qasabto inay ciidamadeeda joojiyaan awood sheegashada ay ka wadaan Masjidka Al-Aqsa. Khamiistii, khubarada QM ayaa ku baaqay xabbad-joojin ka dhacda Gaza, ayaga oo sheegay in Falastiiniyiinta ay “halis xooggan ugu jiraan xasuuq.” Israel ayaa tan iyo weerarkii 7-dii October, oo lagu dilay 1,400 oo Israa’iiliyiin, waxay Gaza u adeegsatay duqeymo aan kala joogsi laheyn oo ay ku dhinteen 9,000 oo shacab ah, hase yeeshee weli wax la taaban karo kama soo hoyin duullaanka Gaza. The post Qorshaha cajiibka ah iyo shirqoolka Xamas ay Israel ugu diyaarisay dagaalka Gaza appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (HOL) — The British Embassy in Mogadishu announced a commitment of more than $1 million on the International Day to End Impunity for Crimes against Journalists, to a BBC Media Action project designed to amplify Somali women's voices. The initiative aims to tackle the critical issues of climate change, conflict resolution, and gender equality through media. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Militariga Uganda ayaa sheegay in maxkamad militari ay Muqdisho ka billowday maxkamadeynta laba sarkaal oo sare oo lagu eedeyey “fulaynimo” kadib werarkii dhimashada badnaa ee Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga Buulo-Mareer, bishii May. Maxkamadda ciidamada qalabka sida, oo uu guddoominayo Sarreeye Guuto Robert Mugabe, ayaa maxkamadeyneysa Maj Steven Oluka iyo Maj Zadock Obor, oo taliyeyaal ka ahaa laba saldhig militari oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya. Waxaa lagu soo oogay laba xisaab dacwadeed oo ah fulaynimo kadib markii weerarkii Al-Shabaab lagu dilay 54 askari oo Ugandan ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska militariga Uganda ee Kampala. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in labada taliye sare aysan ku dhiirigelin saraakiisha ciidamada iyo askarta ka amar qaata inay si geesinimo leh u dagaalamaan markii ay iska horyimaadeen Al-Shabaab 26-kii May. Afar saraakiil xigeen oo kale ayaa sidoo kale loo maxkamadeynayaa inay ku guuldarreysteen inay ilaaliyaan agabka dagaalka, taasi oo ka soo horjeedda sharciga ciidamada Uganda (UPDF), ayaa lagu yiri bayaanka. Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Uganda, oo caadiyan fadhigeedu yahay Makindye ee caasimadda Kampala, ayaa muddo labo toddobaad ah fadhi ku yeelan doonta Soomaaliya, si ay kiiskan u qaado. “Maxkamadda guud ee ciidamada qalabka sida waxay awood u leedahay inay dacwadaha ku qaado meel kasta oo gudaha iyo dibadda Uganda ah, oo ay ciidamada UPDF ka howlgalaan,” ayaa lagu yiri qoraalka Mugabe. “Dhammaadka fadhiyada, ciddii lagu helo dambiga waxa lagu xukumi doonaa xukunno ku habboon, ciddii lagu waayo dambigana waa la sii dayn doonaa.” Askarta Uganda ayaa la laayey kadib markii ururka Al-Shabaab ay cagta mariyeen Saldhig Ciidan oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), oo ku yaalla deegaanka Buulo Mareer oo qiyaastii 120 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan Muqdisho. Ayada oo ay wehliyaan Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, Uganda waxa ay ka mid tahay dalalka ciidamada ku tabaruca howlgalka ATMIS ee dagaalka kula jira argagixisada Soomaaliya. The post Maxkamadeynta laba sarkaal oo lagu eedeeyey ‘fulaynimo’ oo ka billaabatay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa-(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, ahna Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE Mudane Maxamed Kaahin Axmed, waxaa uu hambalyo iyo boogaadin u dirayaa maalinta wayn ee aas-aaska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo ku beegan maalinta barito hadii alle idmo. Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxaa la aas-aasay 04/11/1993-kii, iyadoo ay ciidanku u dabaaldegayaan sanad guuradii 30aad ee ka soo wareegtay maalintii la aas-aasay Ciidanka Booliska. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, wuxuu ku boogaadinayaa Ciidamada Booliska hawsha culus ee ay qaranka u hayaan, waxaanu Wasiirku u hambalyo u dirayaa Taliyayaasha kala duwan ee Ciidanka Booliska, Saraakiisha, Saraakiilkii Kuxigeenada, Alifleyda, Xaasaskooda iyo caruurtooda, waxaanu Wasiirku u rajaynayaa in sanadkan sanadkiisa in Eebe ku gaadhsiiyo horuumar, guul, Caafimaad iyo barwaaqo. Ciidamada Booliska ayaa qaranka u haya shaqo aad culus oo ah amniga gudaha, waxay hadh iyo habeen u taagan yihiin ilaalinta shacabka iyo goobaha muhiimka ah, waxay saaxib la yihiin dadweynaha, waxayna ilaaliyaan oo ka hortagaan mukhaadaraadka, fal denbiyeedyada, ka hortaga denbiyada abaabulan iyo soo qabashada cidkasta oo dhibaato geysata shacabka iyo guud ahaan amnigaba. Qaran News
-
VID-20231103-WA0013 Laba dareen oo kala fog muuqaalka sare waa madaxweynaha mustaqbalka iyo habka ay u soo dhawaynayaan dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo uu tago. Sawiradani hoose waa habkii ay madaxweynaha hada u qaabileen shaqaalaha halbawlaha warbaahinta xukuumadda oo uu todobaadkani booqday waa laba dareen oo kala fog. Qaran News
-
The head of Somalia’s top court has vowed to protect journalists from impunity, signaling the first time the judiciary is rallying to shield newspeople from dangers perpetrated sometimes by rogue government officials. Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamo ka kala tirsan Danab iyo Booliska HirShabeelle ayaa galabta salaadii Maqrib ka hor ku dagaalamay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabeelle. Dagaalkaan ayaa bilowday kadib markii ciidamada booliska HirShabeelle ay weerar ku qaadeen askar ka tirsan ciidamada Danab oo degan banaanka magaalada Jowhar. Booliska HirShabeelle ayaa la sheegay inay dileen hal askari oo Danab ah iyo qof shacab ah. Sidoo kale waxay dhaawaceen askari kale, warar soo baxayana waxay sheegayaan in askar kale ay nolosha ku wateen ciidamo ka tirsan booliska HirShabeelle. Dagaalka ayaa ka bilowday kadib markii ciidamada Danab ay rasaas ka dhex rideen magaalada Jowhar, sidoo kale booliska ayaa dhowr mar ka dalbaday Danab inay joojiyaan xabadaha ay ka dhex ridayaan magaalada. Ciidamada Danab oo degan banaanka magaalada ayaa la sheegay inay dhowr mar magaalada ka dhex rideen xabado, taas oo boolisku ka carooday. Ma jirto cid ilaa hadda faahfaahin ka bixsay isku dhaca ciidan ee laga soo weriyey magaalada Jowhar ee caasimada HirShabeelle. Jowhar ayaa ka mid ah magaalooyinka ay saldhigga ku leeyihiin ciidamada Danab, booliska HorShabeelle oo la sheegay inay galabta weerareen ciidamada Danab ayaan weli ka hadlin arrintaan. The post Xog: Danab iyo Booliska HirShabeelle oo ku dagaalamay Jowhar iyo khasaare ka dhashay appeared first on Caasimada Online.
-
Warbaahinta taageerta ururka Xamaas ayaa soo qaatay hadalkii uu shalay jeediyay raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, kaas oo si adag uga hadlay xaaladda Qasa. Quds News Network, ayaa bartooda twitter-ka soo dhigay muuqaalka raysal wasaaraha, iyagoo xoojiyay hadalkiisa ahaa ‘Xamaas ma aha urur argagaxiso ee waa urur xoreynaya dalkooda’. Raysal wasaare Xamsa ayaa hadalkan shalay ka jeediyay munaasabad ka dhacaysay xarunta tiyaatarka qaranka oo ay goob joog ka ahaayeen qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed. Waxaa uu dhanka kale dhaliil u jeediyay caalamka oo uu sheegay inay iska indha tirayaan dhibaatada ay wajahayaan dadka reer Qasa. Bbc Somali Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax is-miidaamin ah ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga taallada Sayid amaa Baar-bulsho ee degmada Howlwadaag. Qaraxa waxaa geystay nin naftiisa haligay oo soo xirtay jaakadda qaraxda, wuxuuna dhintay kaligiis, sida ay xaqiijiyeen sarakiisha amniga. Saraakiil ka tirsan booliska ayaa Caasimada Online u sheegay in ninka is qarxiyey ay dabajoogeen, isla markaana uu kaligiis qarxay markii uu ogaaday in ciidanka uusan ka baxsaneyn. Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamo dharcad ah ayaa markii hore ka shakiyey ninkaan oo soo istaagay banaanka maqaayad ku taalla aagga Sayidka, waxayna dabagaleen ilaa uu ka qarxay kaligiis. Hal askari oo boolis ah ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxa, kaas oo ka mid ahaa askartii bursaneysay ninka naftiisa haligaha ah. “Ciidanka ammaanka ayaa fashiliyey Naftii halige isku soo xiray Qarax kaas oo doonayay inuu isku Qarxiyo goob dadweyne oo ku taala degmada Howlwadaag.Saraakiisha Hay’adaha ammaanka ayaa SNTV u sheegay inuu dhaawac fudud soo gaaray kaliya hal askari oo ka mid ahaa askartii fahmay in dhagar qabahaan uu ku xiran yahay qarax,” ayuu lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda. Qoraalka dowladda ayaa intaas ku sii daray, “Ciidanka ammaanka oo si wayn uga foojigan dhagarta Khawaarijta nafla caariga ah ayaa fahmay Dhagar qabaha lagu soo xiray Qarxa, waxaana suurta gashay inuu kaligiis Qarxo iyadoo ay ceyrsanayaan ciidanka ammaanku.” Sawirro la baahiyey ayaa muujinaya meydka qeybo ka mid ah jirka ninkii is qarxiyey, gaar ahaan madaxiisa iyo lugihiisa, waxaana la xaqiijiyey inuu geeriyooday kaligiis. The post Faah-faahin: Qarax is-miidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay iyo khasaaraha ka dhashay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Duduble ayaa maanta Muqdisho ku qabatay shir looga tashanayo sidii deegaanada beesha looga xoreyn lahaa Khawaarijta Al-Shabaab. Waxgaradka, saraakiisha, ganacsatada iyo dhalinyaradii ka soo qeyb gashay kulankaas ayaa wasiirka maaliyadda Galmudug Farxaan Cali Gaban u xir-saartay inuu beesha ku hoggaamiyo xoreynta deegaanada beesha Duduble oo dhamaantood ku jira gacanta Al-Shabaab. Wasiir Farxaan oo sidoo kale ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa balan qaaday in beesha Duduble uu ku hoggaami doono halgan culus oo ay u geli doonaan xoreynta deegaanada beesha. Wuxuu sheegay in shirkii maanta looga hadlay tabashada beeshu ay ka qabto awood qeybsi uga maqan dowladda federaalka, taas oo ay kala hadleen madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale wasiir Farxaan ayaa sheegay markii hore uu juhdi badan gelinayey abaabulka dagaal ee Shabaab looga xoreynayo deegaanada ay beesha Duduble ka degto Galmudug, balse hadda uu sii xooji doono, maadaama loo xil-saaray hoggaaminta halganka xoreynta deegaanada beesha. Wuxuu sheegay in beesha Duduble ay ku dadaashay inay xoreysato dhulkeeda, balse weli aysan u suurta gelin, wuxuu sheegay inay tageen ilaa Ceelbuur iyo Ceel-lahelay. “Ciidanka waan la tegay Ceel-lahelay, hub iyo xoolo waan la garab taagnaa, halkaas waxaa nooga dhimatay 100 nin oo Duduble ah, 50 Shabaab ah iyo 50 raggeena dowladda ah,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Galmudug Farxaan Cali Gaban. Wuxuu intaas ku sii daray in aysan quusa doonin oo halganka ay sii wadi doonaan, isla markaana dowladda federaalka iyo Galmudug ay diyaar u yihiin inay beesha ku garab siiyaan halganka ay dhulkeeda kaga xoreysaneyso kooxda Al-Shabaab. Hoos ka daawo The post Duduble oo gaaray go’aan culus iyo khasaarihii Ceel-lahelay ka soo gaaray beesha oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
-
Ceelwaaq (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo lagu aasay labo gabdhood oo walaalo ahaa, kuwaas oo ku geeriyooday daadad ku soo rogmaday magaalada. Roob ma hiigaan ah oo daadad xoog leh ay ka dhasheen ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxaana la xaqiijiyey inay ka dhalatay geerida labadaas gabdhood. Inta badan magaalooyinka gobolka Gedo oo ay ugu horeeyaan Ceelwaaq, Baardheere iyo Luuq waxaa ku dhuftay daadad xoog leh oo dhashay roobka Deyrta ee ka curtay Soomaaliya. Dad badan ayaa ku dhintay, kuwo kale ayey waxyeelo ka soo gaartay, halka guryo iyo xoolo ay la tageen roobabkii maalmihii lasoo dhaafay ka da’ay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Roobka Deyrta oo kol sii horeysay ka curtay Soomaaliya ayaa guud ahaan dalka uga da’aya si maalinle ah. Meelaha qaar waxaa laga soo werinayaa daadad xoog leh, sida gobollada Bay iyo Gedo, halka meelaha qaar ay ku fataheen wabiyada, si gaar ah wabiga Jubba. Magaalooyinka Khasaaraha nafeed laga soo weriyey waxaa ka mid ah Baydhaba oo daadad xoog leh ay ku dhufteen, kadib markii uu ka da’ay roob ma hiigaan ah. Magaalooyin kale oo ay ugu horeyso Beledweyne ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhuftaan fatahaado uu geysto wabiga Shabeelle, sida ay saadaalinayaan hey’adaha la socda saameynta roobabka. Sida laga soo xigtay FAO SWALIM Feejignaanta Fatahaadaha, roobab mahiigaan ah ayaa laga filayaa gobollada Gedo, Baay, Bakool, Jubbada Dhexe, iyo Mudug. Khatar badan oo fatahaad iyo daadad ka dhalan karta ayaa weli ka jirta degmooyinka Doolow, Luuq iyo Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo 2 ilaa 3 maalmood ee soo socda la saadaalinayo in wabiga Shabeelle uu fatahaado ka geysan karo magaalada Beledweyne. The post Roob maanta dilay gabdho walaalo ah iyo fatahaado culus oo looga digay 6 gobol appeared first on Caasimada Online.
-
Qarnigan 21-aad ayaa wuxu la curtay hadalhaynta ah in cimiladii aduunku isbadashay oo ay kululaatay ,sababtuna tahay kaarboonka sunta ah ee ka dhasha tamarta laga sameeyo shidaalka saliidda ee dhaqaalaha aduunku ku shaqeeyo. Waxaana furmay doodo iyo kaambeeno u ololaynaya sidii uu aduunku tartiib tartiib uga takhalusi lahaa tamarta shidaalka una gudbi lahaa ‘ dhaqqalaha cagaaran ‘ ( green economy/ économie verte ) oo ku salaysan tamar cagaaran oo nadiif oo laga sameeyo dabaysha,qoraxda, baytariyada ,badda iyo waxyaale kale oo aan dhamaantood lahayn kaarboonka shidaalka ee aduunka kusoo kordhiya kulaylka isla markaana wisikheeya bii’adda (deegaanka/environment). Arintaa dhaqaalaha cagaaran waxna way ka hirgaleen oo maanta waxaynu arkayna baabur ku socota dabka baytariyada ( electric cars/ voiture électrique ) iyo warshado ku shaqeeya tamarta laga nuugo cadceedda laakiin waxa jira wax badan oon wali ka qabsoomin sidii uu caalamku u yeelan lahaa dhaqaale ka nadiif ah tamarta laga sameeyo shidaalka ee sumaysa bii’adda aynu ku noolnahay. Hadaba waxa isna baryahan dambe aad looga hadlayey ‘dhaqaalaha buluuga ah’ (blue economy / économie bleue) iyo habkii sida qumman looga faaiidaysan lahaa. Waa maxay dhaqaalaha buluuga ahi ? Marka laga hadlayo dhaqaalaha buluuga ah waxa dabcan loo jeeda wax-soo-saarka dhaqaale ee laga helo badda iyo wixii la xidhiidha taasina kuma koobna kaluunka oo kaliya balse waxa laga hadlaya nidaam dhan oo ku saabsan dhaqaalaha kala duwan ee kasoo baxa badaha oo kaluunku ka midyahay iyo wixii kalee dhaqaale ah ee badaha la caano maala sida doonyaha iyo maraakiibta, dalxiiska xeebaha, tamar dhalinta ( renewable energy ) beeraha badda ee loo yaqqaan ‘aquaculture’ ( waa xerooyin laga sameeyo badda dhexdeeda oo lagu beero kaluun, dhir,xayaabo iyo makhluuqaad kale ) , macaanaynta biyaha badda ( water desalination ) , xadhkaha keebalada isgaadhsiinta ee badda hoosteeda la dhigo, ciidda iyo macdanta badda gunteeda laga soo guro iyo cilmi baadhis lagu sameeyo waxyaabaha ku uuman badda. Dhaqaalaha buluuga ah ee caalamka waxa hadda lagu qiyaasaa in ka badan $ 1.3 trillion sanadkii waxaana ka abuurma 30 milyan oo shaqo , waxa seh la saadaalinaya ( OECD ) inuu dhaqaalaha buluuga ahi aad u koobco oo uu gaadho $3 trillion sanadka 2030 Laakiinse fikradda dhaqaalaha buuluga ahi waxay ku qotantahay mabda’ ah in badda looga faaiidaysto hab waara ( sustainable ) taasoo micnaheedu yahay in la dhawro caafimaadka bii’adda ay baddu ku dhisantahay iyo tay ku fadhidaba si aanay waxyeelo laga soo waaqsan karinin usoo gaadhin jiritaankii iyo tarankii khayraadkii laga heli lahaa badda iyo deegaanka ku xeeraanba . Dhaqaalaha buluuga ahi wuxu badda u adeegsanaya qaab ka duwan sidii hore ee aan tudhaalaha lahayn ee loo manaafacaadsan jiray. Qaabkii hore wuxu xaalufin jiray badaha oo matalan kulumaysigii xad-dhaafka ahaa wuxu keenay in la burburiyo ugxaantii kaluunka iyo bii’adii uu ku noolaan jiray iyadoo meelo badan lagu sheegay in kaluunkii ka dabargo’ay ama uu gabaabsi yahay. Waxa waxyeelo loo geystay shacaabigii badda hoosteeda ee ay noocyo ka mid ah kaluunku ku dhex dhali jireen isla markaana ay shacaabigaasi dalxiisku usoo daawasho imanjireen. Waxa cagta la mariyey dhirtii Mangrove-ka ee xeebaha ka ilaalin jirtay nabaad guurka iyo doogii badda hoosteeda ka bixi jray ee biyaha ka nuugi jiray kaarboonka ( CO2 ) isla markaana dhoobada iyo ciidda ka sifaynjiray biyaha badda. Dabcan lagama sheekayn karo waxyeelada caafimadka badda kasoo gaadhay shidaaladi laga qodi jiray taasoo ay ku waxyeeloobeen makhluuqaad badan oo badaha ku noolaa oo hadda lagaga faaiidaysan lahaa taknaloojiyadda cusub. Dhaqaalaha buluuga ahi waa mid ku salaysan inuu isbixiyo dhaqaale ahaan,bii’ad ahaan iyo bulsho ahaanba waxaanu dan u yahay dalalka yar yar ee xeebaha ku yaala,waa hadii ay ku camal falaane. Haatuf Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa ka hadlay dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab, isagoo qiray in dagaalka uu gaabis ku yimid wixii ka dambeeyey weerarkii markii uu dhacay weerarkii ay kooxdu ku qaaday saldhigii ciidamada xoogga ee deegaanka Cawsweyne. Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa sheegay in mar kasta uu niyadda ku qaboojiyo in Xasan Sheekh uu Shabaab ka adkaa doono, markii uu qiimeeyey sida ay uga go’antahay ciribtirka kooxdaas. Xildhibaanka oo wareysigaan siiyey TV-ga Somali Cable ayaa la weydiiyey inay jiraan siyaasiyiin diidan dagaalka kooxda oo Madaxweynaha iyo dowladaan uu hoggaamiyo guul darro oa jecel. Jeesow ayaa meesha ka saaray jiritaanka tuhunkaas, wuxuu sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo dhammaan shacabka ay ka mideysan yihiin rabitaanka in laga guuleysto kooxdaas. “Sida aad ogtihiin siyaasiyiinta dhamaan waxay rabaan inay dalkaan hoggaamiyaan, dal Shabaab heystana lama hoggaami karo, madaxweyne Xasan oo horay dalkaan u soo hoggamiyey wuxuu ogaaday inta Shabaab joogo in Soomaaliya aan la xukumi karin,” ayuu yiri. Xildhibaan Jeesow ayaa intaas ku sii daray, “Farmaajo Dagaalka hala joojiyo ma uusan dhihin waan ku aqaan ceeb ma ahan, Xasan Sheekh ciidan u dagaalamaya waxaa la dhisay xiligii Kheyre iyo Farmaajo joogeen, dowladaas iyadoo dulaan ku qaadi rabta Shabaab ayuu waqtigii ka dhamaaday.” Sidoo kale wuxuu ka hadlay nidaamka hoggaamineed ee madaxweynaha, wax ka bedelka dastuurka iyo nooca doorasho ee Soomaaliya ay u baahan tahay. “Sheekh Shariif, Farmaajo iyo Xasan Kheyre waa ay ogol yihiin doorasho qof iyo cod ah, waxa Xasan Sheekh uu ka shqeynayana waa qabashada doorasho qof iyo cod ah, ragaan dalka ayey soo hoggaamiyeen inay war soo saaraan ee dhahaan saas wax haloo dhigo ceeb ma ahan,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Jeesoow. Hoos ka daawo The post Daawo: Jeesow oo ka hadlay gaabiska ku yimid dagaalka Al-Shabaab iyo qorshaha siyaasiyiinta mucaaradka ah appeared first on Caasimada Online.
-
Qaza (Caasimada Online) – Warbaahinta taageerta ururka Xamaas ayaa soo qaatay hadalkii uu shalay jeediyay raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, kaas oo si adag uga hadlay xaaladda Qasa. Quds News Network, ayaa bartooda twitter-ka soo dhigay muuqaalka raysal wasaaraha, iyagoo xoojiyay hadalkiisa ahaa ‘Xamaas ma aha urur argagaxiso ee waa urur xoreynaya dalkooda’. Raysal wasaare Xamsa ayaa hadalkan shalay ka jeediyay munaasabad ka dhacaysay xarunta Tiyaatarka qaranka oo ay goob joog ka ahaayeen qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed. Waxaa uu dhanka kale dhaliil u jeediyay caalamka oo uu sheegay inay iska indha tirayaan dhibaatada ay wajahayaan dadka reer Qasa. Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken ayaa maanta gaaray Israel, waana markii labaad oo uu halkaas tegayo tan iyo weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israel, 7-dii bishii Oktoobar. Xafiiska raysal wasaaraha Israel, Banjamin Netanyahu, ayaa baahiyay sawirrada kulanka u dhaxeeya raysal wasaaraha iyo Xighayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Antony Blinken. Wuxuu xafiisku sheegay in raysal wasaare Benjamin Netanyahu uu haatan kulan albaabada u xiran yihiin uu Xogyahay Arrimaha Dibedda Mareykanka, Antony Blinken, kula qaadanayo aagga Kirya ee magalada Tel Aviv. Safarka Antony Blinken ayaa waxaa uu diradda ku saari doonaa, tallaabooyin lagu dhimayo dhibaatooyinka loo geysanayo dadka rayidka ah ee ku nool marinka Qasa. Blinken ayaa sidoo kale wadahadallo ku qaban doona Jordan, safarkiisa ayaa ku soo aadaya kadib markii miletariga Israa’iil ay sheegeen inay gebi ahaanba ay hareereeyeen magaalada Qasa. The post Warbaahinta Xamaas oo ka falcelisay hadalkii R/W Xamza iyo Blinken oo gaaray Israa’iil appeared first on Caasimada Online.
-
Weriye iyo 10 kamid ah qoyskiisa oo lagu dilay marinka Gaza
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada weerarrada xagga cirka ah ee ay ku hayaan magaalada Gaza, iyadoo wararku ay sheegayaan in Ciidamada Israa’iil ay buuxda u hareereeyeen magaaladaasi. Duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israa’iil ayaa lagu dilay weriye u shaqeynayay telefiishanka maamulka Falastiin iyo sidoo kale 10 xubnood oo qoyskiisa ah, sida ay sheegtay shabakadu. “Saaxiibkeen Mohammed Abu Hatab wuxuu ku dhintay duqeynta Israa’iil isaga iyo xubno ka tirsan qoyskiisa oo ku sugnaa gurigiisa oo ku yaal Khan Younis,” wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa ayaa sidaas ka soo xigatay Telefishinka. Ururka saxafiyiinta Falastiin ayaa sheegay in 27 ka mid ah xubnahooda lagu dilay Gaza tan iyo 7-dii October ee ay bilowdeen dagaalada Israa’iil iyo Xamaas. Goor sii horraysay, afar falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday Jenin oo ku taal Daanta Galbeed ,waxaana tirade dhimashada falastiin ay sii mareysaa 9,061 oo ruux. Dhinaca kale ,hoggaamiyaha Xisbullah Xasan Nasrallah ayaa lagu wadaa inuu manta khudbadiisii ugu horreysay ka jeediyo meel fagaare ah tan iyo markii uu dagaalka billowday. Sidoo kale,xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa ku sii jeeda Israa’iil, waana safarkiisii saddexaad ee toddobaadyadii la soo dhaafay,isagoo isku dayaya in ama diiradda saari doonaa tallaabooyinka lagu yareynayo waxyeelada dadka rayidka ah ee Marinka Gaza. PUNTLAND POST The post Weriye iyo 10 kamid ah qoyskiisa oo lagu dilay marinka Gaza appeared first on Puntland Post. -
Abiy Ahmed’s push for access to the sea has rattled his neighbours Nerves are jangling once again in the Horn of Africa, just a year after the end of a brutal civil war in Ethiopia that led to the deaths of perhaps 385,000-600,000 people. Now foreign diplomats and analysts fear that in his bid to get a port on the Red Sea, Abiy Ahmed, Ethiopia’s prime minister, risks sparking another conflict, this time next to one of the world’s busiest shipping routes (see map). In a jingoistic documentary aired on state television on October 13th, Abiy argued that landlocked Ethiopia must acquire a port on the Red Sea to break its roughly 120m people out of a “geographic prison”. Turning to history, he quoted a 19th-century Ethiopian warrior who had proclaimed that the Red Sea was the country’s “natural boundary”. Ethiopia, Abiy noted, had indeed been a sea power with a navy and two ports, Massawa and Assab. It lost these along with the rest of its coastline in 1993, when Eritrea seceded to form a new country. Now, Abiy suggested, the moment was nigh to right a historic wrong. “It’s not a matter of luxury,” he insisted, “but an existential one.” Foreign diplomats say this reflects what Abiy has been declaring in private for months. Ethiopia’s neighbours are rattled, particularly because Abiy had not raised the issue with them before making his threats. “The whole country thinks the man is mad,” says an adviser to Somalia’s president. A fight over ports would further destabilise a region already in turmoil. Sudan, Ethiopia’s neighbour to the west, has been plunged into what the un calls “one of the worst humanitarian crises in recent history”. Fighting between two warlords there has forced almost 7m people from their homes. And Ethiopia itself faces simmering rebellions in Oromia, its largest and most populous region, and Amhara. Abiy says that Ethiopia’s demands can be met through peaceful negotiations with its neighbours. Better to discuss the matter now, he argues, than to risk an armed conflict in the future. But Abiy has reportedly said in private that he is ready to use force if talks fail. “If it is not achieved by other means, war is the way,” says an Ethiopian official. A few days after the broadcast Abiy flexed his muscles with a military parade in the capital, Addis Ababa, in which the army displayed its new weapons including a Russian-made electronic-warfare system. Troop movements have been detected along both sides of Ethiopia’s border with Eritrea in recent weeks. A well-connected source in Addis Ababa says that the armed forces are exercising in preparation for another conflict. On October 22nd the head of the air force warned his troops to ready themselves for war. Ethiopia’s Red Sea conundrum dates back to at least the start of its bloody border war with Eritrea in 1998. Though a ceasefire was reached in 2000, the two countries remained at loggerheads. Ethiopia could not ship goods through Assab and Massawa. Now 90-95% of its external trade flows through Djibouti, to which it pays some $1.5bn a year in port fees. In 2018, soon after Abiy came to power, he ended the nearly two decades-long stand-off with Eritrea by signing a peace deal with its dictator, Issaias Afwerki. Though the contents of the deal were never made public, it was generally understood that Ethiopia would regain tax-free access to Eritrea’s ports in exchange for returning disputed territories it had occupied since the end of the war. The following year Abiy was awarded the Nobel peace prize. But plans for Ethiopia to use Eritrea’s ports never materialised. Instead, two years later, a power struggle between Abiy and Tigray’s ruling party, the Tigrayan People’s Liberation Front (tplf), sparked civil war. Eritrean troops joined in on Abiy’s side to fight against the tplf, which Issaias has long hated. The two leaders have fallen out since then, possibly because Ethiopia signed a peace deal with the tplf in late 2022. Each sees the other as a threat to their influence over the region. “Abiy and Issaias cannot co-exist in this region,” says an Ethiopian opposition leader. “War is inevitable.” Increased tensions with Eritrea could exacerbate Ethiopia’s existing internal conflicts. Under the peace deal Abiy struck with the tplf last year, it was supposed to disarm and demobilise its fighters while Eritrea was meant to withdraw its forces from Tigray. But Eritrea remains in control of at least 52 districts of northern Tigray, according to the region’s interim administrators. In recent weeks, Eritrean troops have expanded their presence along the border areas, reports a visiting foreign researcher. Tigrayan forces have handed over most of their heavy weaponry to the Ethiopian army. But they still have some 200,000 men and women under arms. Another party in the multi-sided civil war in Tigray was Ethiopia’s Amhara regional government, which sent its own militias and troops to fight alongside Abiy’s federal forces. These troops were also supposed to have withdrawn from disputed territories inside Tigray that they occupied at the start of the war. But they have yet to do so. Instead, they have turned on Abiy’s government, accusing it of betraying Amhara’s interests. In August they fought federal forces for control of several towns. Shifting alliances With so much bad blood and so many armed groups jostling for influence within Ethiopia, Abiy’s threats are extremely reckless when it comes to his own country’s security. They are damaging to Ethiopia’s relations in the wider region. Djibouti, which now provides Ethiopia’s main access to the sea, has furiously responded that its “territorial integrity cannot be disputed”. Somalia, similarly, insisted its territorial integrity and sovereignty are “sacrosanct and not open for discussion”. Some Ethiopian officials play down Abiy’s fighting talk. “It’s about diverting attention from domestic issues,” says an ally of the prime minister. Although the Eritrean port of Assab, which was once part of the former Ethiopian Empire, has particular symbolic value for Ethiopians, Abiy has also floated the possibility of negotiating for a strip of land around the ancient port of Zeila in the breakaway Somali region of Somaliland. In exchange, Ethiopia might offer to recognise Somaliland statehood. “Abiy has no interest in being part of another conflict for the moment,” says an analyst in Addis Ababa. But the Ethiopian prime minister is notoriously unpredictable. “Nobody except himself can be certain if he is serious or not,” says a tplf official. Little more than three years ago Abiy insisted he would not go to war in Tigray. Many diplomats and regional leaders took him at his word, which he soon broke. They would be wise not to make the same mistake again. Source: The Economist The post Ethiopia’s prime minister wants a Red Sea harbour appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa markale ka hadashay jabkii ciidankeeda lagu gaarsiiyay dagaalkii Laascaanood ee looga qabsaday saldhigii weyna ee Goojacadde. Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire oo hortegay guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada ayaa sheegay in aan la macneyn karin illaa hadda sida ay wax u dhaceen, balse lagu tilmaami karo wixii Israel kaga dhacay Gaza oo kale, ee Xamaas ku gaarsiisay khasaaraha xooggan. “Siday wax u dhaceen cidna idinka sheekayn mayso, oo wax Ilaahay qadaray weeyi oo wax la micnayn karaba maaha oo laga sheekayn karo, waa tii ka dhacday Gaza oo kale, yaa islaha Xamaas ayaa galaysa Israel oo kun ka dilaysa, cidna isma laheyn,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Somaliland. Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka Laascaanood ay Somaliland kaga baxday dhaqaale badan, ayada oo dagaal kasta oo dhaca ay uga bixi jirtay lacag gaadheysa laba milyan oo dollar, intii ciidanku joogay Goojacadde. “Intii Goojacadde la joogay dagaal walba waxa ku bixi jiray wax lacag laba milyan gaadhaya, waxaan doonayay in aan idinku baraarujiyo uun khasaaraha iyo kharashka uu leeyahay marka dagaal la galo, waana sax weeyi,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Sacad Cali Shire. Dabayaaqadii August ee sanadkaan, ciidamada Somaliland ayaa looga adkaaday dagaalka aagga Laascaanood, ayada oo ciidanka SSC-Khaatumo ay qabsadeen saldhigga muhiimka ah ee Goojacadde. Wixii markaas ka dambeeyey waxay Somaliland waday abaabul xooggan oo ay mar kale iskugu diyaarineyso dagaal ay ku qaaddo Laascaanood, si ay dib ugu qabsato goobihii laga saaray. The post Somaliland oo jabkii Goojacadde ku macneysay wixii Israel ka raacay GAZA appeared first on Caasimada Online.
