-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Qaar kamid ah warbaahinta gudaha Somaliland ayaa baahiyay warbixin ku saabsan dhaqtarad Adna Aadan aoo sheegtay ‘in gudaha Soomaaliya ay ka dhaceen 375 qarax muddo laba bil iyo bar gudahood ah’. Warbixinadooda ayay qaar kamid ah warbaahintu raaciyeen hadalka Adna oo xogtaan aqrineysa. “Dalkaan aan jaarka nahay ee Soomaaliya. ee isku keen dhereriy…waxaa ka dhacay dalkaa 375 qarax iyo dagaal,” ayay tiri Adna oo munaasabad khudbad ka jeedineysay. Khudbadaan Adna ayaa hadal hayn ka abuurtay baraha bulshada, iyada oo dad badan is weydiinayaan sida ay suuragal ku tahay in mudadaas kooban ay waxaa oo dhibaato ah ka dhici karto gudaha Soomaaliya. Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta ayaan ahayn mid nabad badan lagu yaqaano, balse waxay shacab badan oo Soomaaliyeed wax iska waydiinayaan tirada qaraxyada iyo dagaalada la xusay. Xagee Adna ka keentay Xogtaan? Waxay u egtahay in Adna soo xiganeyso warbixin ay baahisay hay’adda (ACLED) oo ay kaydisa dhamaan xogaha la xiriira qalalaasaha siyaasadda iyo dhacdooyinka banaanbaxyada ee ka dhaca dunida oo dhan. Hay’adaan oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa 15 kii September ee sanadkaan baahisay xog tibaaxeysa dhacdooyinka la xiriira amni daradda siyaasadeed ee ka dhacay gudaha Soomaliya laga soo bilaabo dhamaadkii bishii todobaad ee sanadkaan. Hay’adda ayaa warbixinteed ku tiri: “Laga soo bilaabo 22 kii July ilaa 8 dii September, ACLED waxay diiwaan galisay ku dhawaad 375 amni darro siyaasadeed ah iyo in ka badan 1,500 oo dhimasho ah oo ka dhacday Soomaaliya,” “Amni darrada siyaasadeed ayaa kor u kacday 70% maamul goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug bishii la soo dhaafay, marka la barbar dhigo bilihii ka horeeyay, kadib markii dawladdu si rasi ah u bilowday wajiga labaad ee dagaalka al Shabaab,”. Amni darrada siyaasadeed ee kordheysa ayay warbixinta hay’adaan inteeda badan ku saleysay dagaalada ka dhanka ah ururka al Shabaab ee ka socda labada maamul goboleed ee Hirshabelle iyo Galmudug. “Ciidamada amniga ayay u suuragashay inay dhimasho xoog leh gaarsiiyeen ururka al Shabaab,” ayay warbixintaan leedahay. Qaraxyada ka dhacay gudaha Soomaaliya ayay warbixintaan sheegeysaa inay ku jiraan kuwa ay sameeyeen dawladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah. Tusaale ahaan 22 dhacdo oo qaraxyadaas ah ayay ku macneysay duqaymo ay gudaha Soomaaliya ka fuliyeen Maraykanka, Kenya iyo ATMIS. Balse waxaa lagu daray warbixintaan in ugu yaraan lix duqaymo ah ay haleeleen dad shacab ah oo aan waxba galabsan. BBC da ayaa mar sii horeysay baahisay mid ka mid ah duqaymahaas oo ay ku dhintaan ku dhawaad todoba qof oo shacab ah oo mid kamid ah ay ahayd haweneey 61 jir ahayd oo buush kula jirtay shan caruur ah oo ay ayeeyo u ahayd. Dawladda Soomaaliya oo aan isku daynay xilligaas inaan wax ka waydiino masuuliyadda duqaynta ayaa sheegtay inaysan jirin wax shacab ah oo ku dhintay duqayntooda. Warbixintaan ayaa xustay in dhacdooyinka ugu badan ee keenay dhimashada kor u dhaafeysa 1000 ruux ay ahaayeen dagaalo fool ka fool ah oo lala galay al Shabaab. Hay’adda ayaa sheegtay inay diiwaan galisay 230 dagaal oo dhacay. Dawladda Soomaaliya ayaa iyana dhankeeda baahisay dhawaan inay in ka badan 3000 oo xubnood oo katirsan urur al Shabaab ay ku dileen dagaalada bilihii la soo dhaafay. Meesha ugu badan ee dhimashada ay sababeen dagaaladu ay ka dhacday ayay warbixintaan sheegeysaa inay tahay gobolka Galgaduud, waxaana ku xiga dawlad goboleedka Hirshabelle. Dawlad goboleedka Galmudug ayaa haatan xuddun u ah dagaalka lagula jiro al Shabaab, halkaas oo uu saldhig ka dhigtay bilihii ugu dambeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud. Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa dadka deegaanka ayaa saldhigyo ku leh deegaano kala duwan oo kamid ah gobolada Galgaduud iyo Mudug ee uu ka arrimiyo dawlad goboleedka Galmudug. Isha: BBCSomali The post Maxaa ka jira hadalka Adna Aden ee qaraxyada Somalia ee hadal haynta badan dhaliyay? appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia has been granted relief and an additional $100 million financing under a three-year Extended Credit Facility (ECF) arrangement from the International Monetary Fund (IMF) after Mogadishu committed to further economic reforms. Source: Hiiraan Online
-
Xisbi siyaasadeedka xukuumadda Puntland ee Kaah ayaa ka horyimid go’aankii qaar kamid ah isimada Puntland ka soo saareen arrimaha doorashada 2024. “Xisbiga KAAH wuxu arkaa go’aankii ay xalay soo saareen qayb ka mid ah Isimada Puntland inuu ahaa go’aamo aan u adeegayn hannaanka dimuqraadiyadeed ee ahaa Himilada shacabka reer Puntland ay ku taamayeen rubuc qarnigii Puntland dhisnayd. Sidoo kalena ka soo horjeeda Dastuurka iyo Shuruucda dalka”. “Shacabka reer Puntland waxay ogyihiin qiimaha codkooda kadib markii ay doorteen metelaadooda Goleyaasha degaanka ee 33 degmo, Iminkana ay diyaar u yihiin iney codkooda ku doortaan Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada, si ay u helaan madax ku timid ribitaankooda” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga Kaah. “Xisbiga KAAH wuxu ku adag yahay hirgelinta himilada shacabka ee ah doorasho qof iyo cod ah. Xisbiga Kaah wuxu shacabka Puntland ugu baaqayaa iney adkeeyaan amnigooda iyo midnimadooda, ayna difaacdaan Mustaqbalkooda doorashada qof iyo cod” ayuu sii raaciyay. PUNTLAND POST The post Xisbiga Xukuumadda Puntland ee Kaah oo ka horyimid Go’aankii Isimada ee Arrimaha Doorashada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii dambe laamaha amniga ee dowladda ayaa xiray, qaarna su’aallo weydiiyay dad la tuhmay. Dadka qaar ma shaqeeyaan, ehel uma degana magaalada Muqdisho, waxay joogto u tegaan xarumaha dowladda, waxay degan yihiin guryo qaali ah, waxay wataan gaadiid qaali ah, waxaana fadhi u ah hoteellada ugu qaalisan caasimada. Waxaa kale oo jira qaar huteello degan waqti fog, oo aan haysan shaqo dowladeed, mid hay’adeed iyo ganacsi toona. Haddaa isweydiineyso yaa ka bixiya kharashka huteellada? Yaa u iibiya gaadiidka iyo yey ku tiirsan yihiin? Malaha waa jawaab aanay hadda kahor raadin ciddii laga rabay inay raadiso. Dadkaan Garanwaaga ah waxay si joogta u raadiyaan xiriirada madaxda dowladda, gaar ahaan kuwo laamaha amniga, mana bixiyaan fursad iyaga wax badan looga barto. Haddaba, waa maxay xalka imtixaanka ah ee horyaalla dadka Muqdisho degan? Marar badan waxaa warbixinadeena ku maqasheen shacabka Muqdisho waxay ku qabsan yihiin inay la shaqeeyaan laamaha amniga ee dowladda, si ay badqabkooda u xaqiijiyaan. Waxay u muuqata inuu baraarugii hadda curtay, waase in la hubiyaa saddexdaan arrimood; 1. In aan qofna lagu dulmin baraaruga shacab ee ka curtay caasimada Macquul ma ahan in gobol ama beel gaar ah lagu riixo inay Muqdisho uga shaqeeyaan argagixisada. Reerka ugu badan ee argagixisada gumaado ayaa dhinaca kale noqon kara kuwa ugu badan ee argagixisada uga shaqeeya Muqdisho ee loo diro inay dadkooda gacmahooda ku laayan. 2. Laamaha amniga Argagixisada dadka ayay ku dhex nooshahay, laamaha amniguna waa inay shacabka ku dhex milmaan, si gunta hoose ee argagixisada loo tago. Waana in aysan hay’adaha amniga ee dowladda dayicin mowqifka dadka caasimada ka muuqda ee ah inay argagixisada dhex jiifta isa soo dhaafiyaan. 3. Muqdisho-da go’aansatay inay is barato Waa baraarug weyn inay caasimadu dib isku aqoonsato, tan macnaheedu maahan inay dhismayaashu isbaranayaan ama dadka magaalada oo dhan ay iswada baran karaan, ee waa in deriska, saaxiibada iyo xirfad wadaagu ay dib isku bartaan su’aallo isweydiiyaan, is tuhmaan, ugu dambeyna is aqoonsadaan ama kala khaanad galaan. Haddii aadan ogaan waxa uu walaaqayo saaxiibka ama deriskaagu, waxaad ogaan doonta mar uu inta kale laayay, ama ma ogaan doontid oo adiga ayuu aakhiro ku diri doona. Baraaruga caasimada ka billowday wuxuu durba taageero ka helay inta xal doonka ah, u naxeysa bulshada reer Muqdisho ee rabta in argagixisada laga adkaado. Waxaana dhamaan dadka la gudboon inay door daacadnimo ah ka qaatan howshaan, si loo helo caasimad nabdoon, nidaamsan, nolol fiican ka jirto oo caasimadaha dunida la heer ah. The post Saddex xujo oo hortaalla dadka reer Muqdisho kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
-
Rwandan President Paul Kagame has introduced visa-free travel for all Africans, making Rwanda the fourth African country to do so. Source: Hiiraan Online
-
Russia will donate another 200,000 tons of wheat to six African countries by the end of this year, said a senior foreign ministry official Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay hadal dhawaan uu sheegay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Xamza oo khudbad ka jeediyay shir ka dhacay Muqdisho oo culimada qaarkood kasoo qeyb-galeen ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in culimadu kaalintooda ka qaatan dagaalka Al-Shabaab, oo si dhameystiran usoo galaan dagaalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aan la joogin xilligii laga cabsan lahaa Al-Shabaab, ayna tahay in culimadu xaga afkaarta ka hogaamiyaan dagaalka dowladda iyo shacabka kula jiraan kooxda. “Ma ila haboona mana ila qurux badna in masaajid ay ku soo tukanayaan dhowr boqol qof inaan Khadiib ka noqoto adoo sheekh ah oo aan waxba ka sheegin Al-Shabaab, aniga waxay ila tahay in aysan haboonayn, cabsi ha u gayso ama dareen la’aan ha u gaysee arintaas muraajico ayey u baahan tahay,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay haddii ay juraan culimadu qaar ka cabsanayaa in ay qaataan doorkaas, oo masaajidada kala hadlaan shacabka ay ku wareejiyaan kuwa dhiiran ee dagaalka Al-Shabaab si furan ugula jira ee furimahana taagan. Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka hadlay muxaadaro Diini ah ayaa ka jawaabay hadalka ra’iisul wasaaraha, isagoo sheegay in ay dhaqan iska noqotay waayahan dambe in siyaasiyiinta ay culimada iska xag-xagtaan, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan arkayey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo culimada maagaya oo wax qalada ku maagaya, marka siyaasigu iska yimaado inuu culimada iska maago oo iska xag xagto dhaqan bay u tahay,” ayuu yiri Sheekh Umal. Sidoo kale waxa uu sheegay in culimada aysan ka gaban ka hadalka fikirka guracan ee Al-Shabaab iyo dagaalka socda, ayna tahay in madaxda laftigooda ay u soo baxaan banaanka. “Madaxda iyaga laftooda saraha ku jira ee ciidamadu waardiyeynayaan ee ku socda gaari aanay xabaddu karin marna garoonka ka baxaya marka ciidan ku wareegsan yihiin iyagay tahay inay hadalkaas is dhahaan.” Waxa uu intaas kusii daray “Intaa saaxiga nala timaadan oo dadweynaha dhex timaadaan oo waardiyaha iska daysaan halkaa aan Al Shabaab dagaalkooda ka wada-galno oo aan isla dhimano ama isla noolaano.” “Laakiin adigoo halkaa ku jira inaa tiraahdo khatar isku dhig hadaa isku dhigi waydo masaajidka wareeji ood na maagto saxna maaha garna maaha waana mid ay siyaasiyiintu waayadan caadaysteen.” Sheekh Umal ayaa sidoo kale u qiil sameeyay cabsida ay muujinayaan culimada qaar, wuxuuna yiri “Wadaadkii lafihiisa u baqa masaajidka uu joogo oo wixii kale oo uu sheegi karo sheega, meeshan khatarta ahna is yiri haddaad gasho ama waad carari ama waa lagu diliye intan gacanta ku hay in la yiraahdo intaanna faraha ka qaad oo carar sax maha, in la yiraado isu dhigna sax maha.” The post Sheekh Umal oo usoo jawaabay Ra’iisul Wasaare Xamza appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa(Qaran news)- Somaliland waxa xalkeeda iyo wadajirkeedu ku jiraa inay ku taagnaato tubta doorashooyinka isa saarka ah ee madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda oo loo muddeeyay inay qabsoonto bisha November 2024ka. Si doorashooyinkaasi inoigu hirgalaan waa in aynu xeerkii is waafajinta diirashooyinka ee Wakiilladu ansixiyeen ay Guurtidduna duuduub ku meel mariso, si madaxweynuhuna wakhti ugu helo uu xilli horeba ku saxeexi karo. Waxa kaloo daruuri ah in khilaafka ka taagan komishanka ee ay shan xubnood ku dacweeyeen xubintii xisbiga WADDANI soo xulay la dhammeeyo oo xal iyo is afgarad madaxweynuhu ka odayeeyo lagu dhammeeyo. Haddii kale oo khilaafkaasi sidaas lagu sii daawado wuxuu horseedi karaa qarax kale iyo khilaafaad aan loo baahnayn oo aynu cagaha la galo. Waxaanay arrintaasi dhabaha u xaadhi kartaa dib u dhac kale oo ku yimaada wakhtigii loo cayimay doorashooyinka, iyadoo imikaba halista qabyooyinka arrimaga doorashooyinka uu ka digay toddobaadkan Guddoomiyaha Dallada ururrada bulshada rayidka ah oo sheegay in wadajir looga faa’iidaysto wakhtiga is guraya ee doirashooyinka. Waxa kaloo Xukuumadda looga fadhiyaa inay xilli horeba badka keento dhaqaalihii loogu talogalay doorashooyinkaas isa saarka ah oo cukayskooda leh. Sidaas darteed, waxa guddidii ergada ahayd u taalla inay kor joogteeyaan sida hawlaha u diyaar garowga doorashooyinku u socdaan, masdaama dedaalkoodii qaranku kaga badbaaday inuu haadaan ku dhaco, waxa u wanaagsan inay isha ku hayaan sida hawluhu u socdaan. Ugu dambayn waxaan leeyahay aan wadajir ugu istaagno sidii loo sii wadi lahaa geddi socodka doirashooyinka. Qaran News
-
500 oo Kitaabka Quraanka ah oo lagu Wareejiyay Bahda Garsoorka Awdal Hargeysa(Qaran news)-Maamulka xarunta Hiil Qur’aan ee magaalada Boorama ayaa 500 oo kutub oo isugu jira Kutubta Qur’aanka Kariimka ah iyo Kutub Fiqi ah, ku wareejiyay laamaha garsoorka ee gobolka Awdal. Waxa kutubtan ka guddoomay mas’uuliyiinta xarunta Hiil Qur’aan guddoomiyeyaasha maxkamaddaha Racfaanka,gobolka iyo degmada,waxa iyaguna goob joog ka ahaa guddoonka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee gobolka Awdal iyo qaar kamid ah culimo awdiinka magaalada Boorama. Waxa ugu horayn goobta lagu kala guddoomaayey kutubtan ka hadlay Sheekh Jamaal Yuusuf Muxumed iyo Sheekh Cabdilaahi oo kamid ah maamulka xarunta Hiil Qur’aan,waxaanay sheegen in kutubtani tahay mid cilmi ah oo baahi weyn loo qabbo,kuwaas oo ay iyaguna door bideen in ay ku wareejiyaan maxkamadaha,si looga faa’iidaysto kutubtaas,iyaga oo ballan qaaday in ay kutubtan meelo badan gaadhsiin doonaan. Waxa iyaguna halkaas hadal kooban ka jeediyey,isla markaana u mahadceliyey bahda Hiil Qur’aan guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Awdal,guddoomiyaha maxkamadda gobolka iyo guddoomiyaha maxkamadda degmada Boorama,waxaanay maamulka Hiil Qur’aan uga mahadceliyeen kutubtan ay soo gaadhsiiyeen oo ay sheegeen in ay yihiin kuwo aqoon badanni ku duugan tahay. Gebo gebadii waxa halkaas ka hadlay guddoonka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee gobolka Awdal Nuuradiin Muuse Cali,waxaanu ku ammaanay maamulka Hiil Qur’aan dedaalka ay ugu jiraan kor u qaadista Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah iyo aqoonta kale ee diiniga ah. Qaran News
-
Hawlgal ay wadajir Hargeysa uga Bilaabeen Wasaaradaha Hawlaha Guud iyo Maaliyadda Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryaynta iyo wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo iskaashanaya ayaa magaalada Hargaysa ka bilaabay olole wacyigelineed oo ku saabsan Kiro bixinta Hantida Maguurtada ah ee Dawladda ee ku taala Magaaladda Hargaysa, sida Guryaha, Kaalmaha Shidaalka, iyo Bakhaaradda, kuwaas oo ay ku ganacsadaan Muwaadiniinta reer Somaliland. Masuuliyiinta Waaxaha Guryaha ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo maaliyada ee Cashuuraha Berriga ayaa ugu baaqay Muwaadiniinta Hantida Dawladda ku jiray inay sida ugu dhakhsiyaha badan u usoo bixiyaan Kiraddii Dawladda ee ku waajibtay, taas oo laf-dhabar u ah hawl-socodsiinta shaqooyinka kala duwan ee Qaranka. Geesta kale dadweynaha ku ganacsada Hantida dowladda ayaa, ayaa soo dhaweeyay ololahan bulshada lagu baraarujiyanayay soo bixinta Kirada hantida maguurtada ee dowladda, waxaanay ballan-qaadeen inay soo bixin doonaan haddii ALLE qadaro. Qaran News
-
Wasiirka Beeraha oo Kormeeray Beeraha Deegaanka Dhubato Dhubato (Qaran news) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Cabdiqaadir Iimaan Warsame, oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta JSL Abdikariim Aadan Cadee ayaa kormeer ku tagay dhul-beereedka deegaanka Dhubato. Wasiirka oo ay weheliyeen Masuuliyiin ka mid ah Wasaaradda Beeraha, ayaa kormeeray Beeraha halkaasi ku yaalla, kuwaasi iskugu jira Beer-biyoodyo iyo beer-roobaadyo. Wasiirka iyo Weftigiisa waxa halkaa ku soo dhaweeyay Mulkiilaha beerta Alpha farm Farxaan Aadan Haybe. Wasiir Cabdiqaadir Iimaan, ayaa bogaadiyey dedaalka ay sameeyeen Farxaan Aadan Haybe oo ahaa wasiirkii hore ee duulista iyo isla guddoomiyihii hore ee hayadda shaqaalaha dawladda ahna siyaasi reer Somaliland ah iyo Muwaadiniinta kale ee Tacabka badan geliyey inay hirgeliyaan Beero, si dadka iyo dalkuba uga faa’idaystaan. Wasiirka Beeraha oo ka duulaya qorshaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee ah in la dhiirigeliyo Muwaadiniinta sida gaarka Beeraha u samaysta iyo guud ahaan Beeralayda dalka, ayaa Farxaan iyo Beeralayda kaleba ku dhiirigeliyey inay dedaalka halkaa ka sii wadaan, maaddaama qorshaha mustaqbalka dhow yahay in laga maarmo cuntada dibedda laga soo waarido. Qaran News
-
Gaza (Caasimada Online) – Taangiyada iyo ciidamada Israel ayaa u dhaqaaqay dhanka magaalada Gaza, balse waxay iska caabbin adag kala kulmeen Xamaas oo isticmaalaya madaafiic iyo weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo laga soo tuurayay godad dhulka hoostiisa mara, iyadoo tirada dhimashada Falastiiniyiinta ay korortay duqeynta oo socda ku dhawaad afar toddobaad. Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, dagaalku wuxuu kusoo wajahan yahay xarunta ugu weyn ee dadka ku nool Marinka Gaza ee waqooyiga, halkaas oo ay ku sugan yihiin kooxda Xamaas. Israa’iil ayaa dadka ka codsanaysa inay ka baxaan aagga Gaza, iyada oo wacad ku maraysa inay gebi ahaanba ay baabi’in doonto ururka Xamaas. “Waxaan joognaa irdaha magaalada Gaza,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Israa’iil Itzik Cohen. Dagaalyahannada Xamaas iyo xulafadooda Islamic Jihad ayaa kasoo baxayay godad dhulka hoostiisa ah, oo rasaas ku ridayay taangiyada Israa’iil, iyada oo muuqaallo laga soo duubay labada kooxoodba ay muujiyeen hawlgallo qaab jabhadeed oo ka dhan ah ciidan aad uga awood badan. “Habeenkii oo dhan ma aysan joojin duqeynta magaalada Gaza,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka halkaas ku nool, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin. “Laakin subaxnimadii waxaan ogaanay in ciidamada Israel ay weli ku sugan yihiin bannaanka magaalada,, taasina waxay la macno tahay in iska caabbintu ay ka culus tahay sidii ay filayeen.” ayuu raaciyay. Saraakiisha Israa’iil carrabka ku adkeeyay dhibaatooyinka ay leedahay dagaalka magaalada dhexdiisa ah, waxayna istaraatiijiyadoodu hadda u muuqataa inay xooggoda iskugu geynayaann waqooyiga Marinka Gaza halkii ay weerar dhulka ah ku qaadi lahaayeen dhammaan dhulkaas. The post Israel oo iska caabin adag kala kulantay Xamaas iyo wararkii ugu dambeeyay dagaalka appeared first on Caasimada Online.
-
Webiga Jubba ayaa fatahaado xoogleh waxa uu weli ka sameeynayaa degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo, halkaas oo uu saameeyay Boqolaal Qoys oo ku nool meelo badan oo kamid ah Gobolkaas. Saacadihii la soo dhaafay waxa auu wabiga fatahad ka sameeyay degmooyinka Luuq iyo Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana uu baabi’iyay dalagyo dhowr ah oo ku yaallay Beeraha. Boqolaal Qoys oo kamid ah dadka kunool degmooyinka Luuq iyo Baardheere ee gobolka Gedo ayaa fatahaada ka barakacay, kuwaas oo hadda xaalado daran ay ku heystaan degaano hoostaga degmooyinkaas. Mas’uuliyiinta Maamulada Gobolka Gedo oo booqday Goobaha uu wabiga ka fatahaday ayaa sheegay in dadka ay saameeyeen fatahaadaha ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah in lala soo gaaro, iyaga oo baaq u diray dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Webiga Jubba oo fatahaad xooggan ka sameeyay Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay dagaalka ka socda Marinka Gaza ayaa taageero u muujiyay ururka Xamaaz. Xamza ayaa waxa uu sheegay in dhaq-dhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas aanu ahayn urur argagixiso ah, sida ay reer galbeedka ay sheegaan. Waxa uu ku tilmaamay urur xornima-doon ah, isagoona ku baaqay in la sameeyo xal laba dawladood oo siman, si loo joojiyo colaadda Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, taasi oo ku sheegay mid lagama maarman ah. “Waxaa nasiib darro ah in la arko caalamka oo ka aamusan waxa ka socda magaalada Gaza oo 15-kii daqiiqoba hal cunug oo Falastiini ah ayaa ku dhinto, taas oo ka dhalatay duqeynta ay ciidamada Israa’iil u geysteen dad rayid ah oo ay ku jiraan carruurta iyo haweenka reer Falastiin” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Waxa uu intaas kusii daray “Dowladihii u doodi jiray xuquqda insaanka ayaa ka aamusan oo ku taageersan in carruur, haween iyo dad aan waxba galabsan in ay ku baa’biso Israa’iil hub nuucay rabto.” Waxa uu adduunka ku dhaliilay sida ay u fiirsanaya xasuuqa ay wado Israa’iil, kaasi oo ay ku dhinteen kumanaan ruux oo u badan caruur iyo haween. “Iyadoo uu aduunku daawaanayo, waxaa ay gaartay Israa’iil in ay bartilmaameedsato gaadiidkii caafimaadka, dhakhaatirtii, iyo weliba isbitaalkii,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Si kastaba, Rabshadahan ugu dambeeyay ee ka soo dhex cusboonaaday Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10,300 oo qof (8,796 Falastiiniyiin ah iyo 1,538 Israa’iliyiin ah). The post Xamza: Xamaas maaha urur argagixiso ee waa urur… appeared first on Caasimada Online.
-
Recently we have witnessed Somalia’s latest blunder at the IPU election that took place in Luanda, Angola. The Inter-parliamentary union (IPU) fosters cooperation among nations. It provides for lawmakers a space to discuss and find a consensus on pressing matters such as human rights, sustainable development, and peace-building efforts. Furthermore, IPU provides technical assistance to parliaments, helping them develop effective legislative framework and democratic practices. Somalia is a member of this international institution and is represented by five non-permanent members of the federal parliament. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ka kooban 30 qodob, kaasi oo lagu faah-faahiyay waxqabadka dowladda iyo dagaalka socda ee warbixinta toddobaadlaha ah. Warbixinta toddobaadlaha ee DF ayaa lagu soo qaatay safarkii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga iyo kulankii uu la qaatay dhiggiisa dalkaasi Recep Tayib Erdogan. Sidoo kale waxaa looga warbixiyay bayaanka dowladda, howl-gallada u dambeeyay ee dagaalka kooxda Al-Shabaab iyo guulaha ciidamada iskaashanaya ka gaareen gulufka socda. “Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ayaa mar kale guulo ka soo hoyay dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda. Hooska ka aqriso Warbixinta Toddobaadlaha 1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayip Erdogan ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Istanbul, waxayna ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga labada dal. 2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium uga qaybgalay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya waxaana uu ka jeediyay jeediyay khudbad ku saabsan marxaladda soo kabashada Soomaaliya. 3. Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Brussels kula kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel. 4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mudane Cali Jeyte Cismaan u magacaabey inuu noqdo u Qeybsanaha Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha (Macawisleyda) ee Soomaaliya. 5. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Xamaas aanay ahayn argagixiso, balse ay yihiin urur xornimo u dirir ah, isagoo dhanka kale ku baaqey in la dhiso dal iyo dowlad ay leeyihiin reer Falastiin. 6. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo xiray Shirweynaha Dhiirigelinta wax soo saarka dalka, waxaana uu sheegay in DFS ay ka go’an tahay dhiirigelinta iyo soo nooleynta kaabayaasha laf-dhabarka u ahaa beeraha, xoolaha, kalluumeysiga iyo tamarta. 7. Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2024 oo hal bilyan oo dollar kor u dhaafaysa. 8. Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in duulaankii ay kooxaha Khawaarijta ah ku qaadeen Waxbarashada 29-kii bishii Oktoobar ee sanadkii hore ay dowladdu ka bixisay jawaabo degdeg ah oo ay ka mid yihiin dagaalka cadowga looga sifeynayo dalka. 9. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay madaxda Bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo dhawaan xarun cusub ka hirgeliyey magaalada Muqdisho. 10. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay xuska sannad guurada 100-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga. 11. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol-leeyahay in lagu dhiso, laguna kobciyo isbeddelka horseedaya Horumar waara, isla markaana saldhig u noqon doona Soomaaliya xasiloon, maamul hufan leh, isla markaana dhaqaale ahaan isku filan. 12. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Malaysia u qaabilsan Bariga Afrika. Ruzaimi Maxamad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal. 13. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ayaa mar kale guulo ka soo hoyay dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab. 14. Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqey qorshe dhaqaale oo lagu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhan 89 million oo Euro. 15. Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa mushaharkooda bishan ugu deeqay dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta Al Shabaab ee ka socda qaybo ka mid ah goboladda dalka. 16. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Cabdulqaadir Maxamed Jaamac ayaa magaalada Diinsoor bulshada ku dhaqan uga warbixiyay qorshaha qaranka ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta. 17. Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Mudane Axmed Moalim Fiqi ayaa ku baaqey in degdeg loo joojiyo dagaal beeleedyo ka soo cusboonaadey gobollada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug. 18. Wasiiro ka tirsan DFS iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgaley furitaanka laanta cusub ee Bankiga caalamiga ee Ziraat Katılım ee Somalia. Bankigan laga leeyahay Turkiga ayaa noqonaya kii ugu ugu horeeyay ee heerkaas ah oo dalka furo muddo ka badan 50 sanno. 19 Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay qaar ka mid ah safiirada iyo wakiilada dalalka deeq bixiyayaasha. 20. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Kobcinta Maamulka Kheyraadka Dadweynaha oo uu maalgelinayo Bankiga Adduunka. 21. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ka qeyb galay dibad-bax ballaaran oo lagu xusayay qaraxii bahalnimada ahaa ee 29-October 2022 magaalada Muqdisho ay ka geysatay Khawaarijta Al Shabab, kaas oo in ka badan 100 qof ay ku geeriyoodeen. 22. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqdey inay shaqaaleyn doonto 3,000 oo macallin oo hor leh si loo xoojiyo adeegyada waxbarashada ee dalka. 23. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweys Jaamac ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kaga qeybgaley munaasabad ay heshiis iskaashi iyo wadashaqeyn ku kala saxiixdeen Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA iyo Wakaaladda Wararka Talyaaniga ee ANSA. 24. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Mudane Dr. Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Isku-Duwaha Gargaarka Bini’aadanimada George Conway. 25. Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa magacaabay guddiga qabanqaabada ciyaaraha dowlad goboleedyada ee sannadka 2023-2024. 26. Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Anas, ayaa horgeeyey Golaha Wasiirrada warbixinta sannad maaliyadeedka 2022 oo ah mid ahmiyad gaar ah u leh dalka iyo nidaamka dhaqaalaha waddanka. 27. U qaybsanaha xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha ciidanka deegaanka Mudane Cali Jeyte ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaar-garoobaan dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta. 28. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kulan la qaatay Sii-Hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon, iyagoo ka wadahadley kor u qaadista taageerada ciidanka. 29. Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa shir gudoomiyey kulanka dar-dargelinta amniga caasimadda. 30. Ciidanka kumaandooska Danab ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa gacanta ku dhigay Abshir Mowliid Axmed oo katirsan Khawaarijta kaas oo bam gacmeed ku weeraray fariisin ciidanku leeyihiin. The post Aqriso: DF oo soo saartay bayaan xasaasi ah oo ka kooban 30 qodob appeared first on Caasimada Online.
-
Puntland oo diiday baaqii hogaamiye dhaqameedku soo saareen
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Maamul goboleedka Puntland ayaa jawaab ka bixiyey hadal ay xalay soo saareen qaar ka mid ah isimada deegaannadaas, kuwaasoo xal u raadinayey khilaafka doorashada la xiriira ee soo dhex galay dawlad goboleedka iyo siyaasiyiinta mucaaradka. Isimada ayaa soo jeediyey in doorashada ay noqoto mid la mid ah tii lagu soo doortay “Madaxweynaha iyo baarlamaanka” oo la micne ah in ay iyagu soo xulayaan. Waxay kaloo ku baaqeen in wakhtigeeda lagu qabto doorashada. Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir wuxuu ku tilmaamay arrintaas “fikir” isimada u gaar ah, wuxuuna ku adkaystay inay qaban doonaan doorasho qof iyo cod ah. Qaran News -
Kalfadhigii 83aad ee Guurtida oo Furmaya Hargeysa(Qaran news)-Kalfadhigii 83-aad ee golaha guurtida Somaliland ayaa si rasmiya u furmaya maalinta Axadda ee toddobaadka fooda innagu soo haya haddii ILLAAHEY yidhaahdo. Golaha ayaa ku maqnaa fasaxoodii Dastuuriga ahaa, ee u dhaxeeyay labada Kalfadhi, waxa yeedhmada mudanayaasha lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee golaha guurtida JSL, waxaana mudanayaasha lagu adkeeyay inay ka soo xaadiraan wakhtigana ilaaliyaan. Waxa qoraalka ku saxeexna xoghayaha guud ee golaha guurtida JSL, Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi, ayaa u dhigna sidan. Dhammaan Mudanayaasha golaha guurtida JSL, waxa la ogeysiinayaa in uu furmi doono Kalfadhigii 83-aad ee Golaha Guurtida JSL, maalinta Axada ee ay bishu tahay 05/11/2023, saacaduna tahay 9:00 subaxnimo haddii ALLE qadaro, sidaasi darteed waxa la idinku adkaynaya in aad wakhtiga dhawrtaan. Qaran News
-
Shababkad Ajanabi Basaasiin ah oo lagu Qabtay Somaliland Hargeysa(Qaran n)- Hay’ada Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa sheegtay inay hawlgal ku soo qabteen 17 basaasiin ahanabi ah. Sidaasna waxay ku sheegeen qoraal ay ku baahiyeen Twitterka, waxaanu u qornaa sidan:- “Hay’adda NIA_IntellSL oo adeegsanaysa #K9 ayaa hawlgallo qorsheysan ka fulisay xaafadaha magaalada Hargaysa, kuwaas oo lagu beegsaday shabakado basaasiin ajaanib ah. Howlgalkan ayaa lagu soo qabtay toddoba iyo toban qof, waana hawlgalkii koowaad oo ay ka qeyb qaadanayaan #K9_Unit_NIA.” @NIA_IntellSL Qaran News
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada booliska HirShabelle ay qaadeen tallaabooyin ka dhan dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobolka, kuwaas oo dhaliyay khasaare kala duwan. Ciidamada ammaanka ayaa soo xiray ugu yaraan siddeed oday dhaqameed oo loo haysto inay ku lug lahaayeen hurinta dagaal beeleedyo ka dhacay deegaanada kala ah Tugaarey iyo Gaashaale oo maalmo dhaweyd ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed. Odayaasha ayaa lagu soo warramayaa in lagu soo xiray saldhigga booliska magaalada Jowhar, halkaas oo ay su’aallo ku weydiinayaan saraakiisha laamaha ammaanka. Nabadoon Maxamuud Ibraahin oo kamid ah waxgaradka ku baxay colaaddaas ayaa warbaahinta u sheegay in haatan ay ku guulaysteen kala qaadista labada ciidan. “Kolley ciidamadii waa kala qaadanay kadibna waxaa la hadlay odayaasha deegaanka, wixii dhimana waa kasii wada-hadleynaa” ayuu yiri Nabadoon Maxamuud Ibraahim. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in haatan xaaladda ay deggan tahay, ayna sii wadi doonaan dadaalkooda ku aadan sidii loo dhameystiri lahaa xallinta xiisaddaasi. Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laal laabtay dagaal beeleedyada, waxaana haataan faragelisay dowladda dhexe oo ciidamo boolis ah gaysay gobolkaasi. Si kastaba, dagaalladan ayaa kusoo beegmay maalmo uun kadib markii deegaanka Burka Dirimeed lagu soo gabagabeeyay gogol dib u heshiisiin ah oo loo dhigay beelaha dagaalamay, inkastoo heshiiska kadib ay halkeeda kasii bilaabatay colaadda labada dhinac. The post Xogta odayaal loo xir-xiray colaadda ka taagan Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Cali Jayte Cismaan oo dhawaan uun loo magacaabay u qaybsanaha madaxweynaha dowladda Soomaaliya ee ciidamada macawiisleyda ayaa maanta qaaday tallaabadii u horeysay tan & markii maalmo kahor loo magacaabay xilkaasi. Hoggaamiyaha cusub ee ciidanka macawiisleyda Cali Jayte ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaga oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah. Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii hay’addu u sii xoojin lahayd howlaha gargaarka ee la gaarsiinayo degaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale Cali Jayte ayaa hay’adda ka codsaday inay hay’addu ka warqabto qoysaska ciidanka Macawisleyda ee naftooda u huraya xoreynta dalka. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in garab istaaga ciidankan ay wax weyn ka tari doonto dagaalka adag ee lagula jiro kooxda, maadaama uu bilaabanayo wajiga 2-aad ee dagaalka. Dhankiisa guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa u ballan qaaday u qeybsamaha xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ee Macawisleyda in ay hay’addu si dhow ugala shaqeyn doonto arrimaha samafalka ee uu dalbaday iyo sii laba jibaaridda u gurmashada dadka nugul ee la dhibaatoonaya saameynta abaaraha muddada dheer ah iyo fatahaadaha roobabka xooggan ee ka da’aya dalka. Kulankan ayaa kusoo qaadayo, ayada oo haatan dhibaatooyin kala duwan ay ka jiraan gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay kamid yihiin saameynta ka dhalatay dagaallada lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo uu xudun u noqday gobolkan iyo fatahaadda wabiga Shabelle. Cali Jayte oo horay usoo noqday guddoomiyihii gobolka Hiiraan ayaa lagu wadaa in sidoo kale uu la kulmo madaxda sare ee dalka, kadibna uu ku laabto gobolka si uu halkiisa uga sii hogaamiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo HirShabelle iyo Galmudug. The post Cali Jayte oo qaaday tallaabadii ugu horreysay kadib magacaabistii Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
