Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa,(Qaran)-Jaamacadda Hargeisa University gaar ahaan Kuliyadda Engineering-ka Jaamacadda ayaa ku guda jirta dhamaystirka shaybaadhada casriga ah ee qaybaha dhismaha iyo biyaha. Shaybaadhadan ayaa iskugu jira – Concrete Lab – Hydraulic Lab – Surveying and Geodesy Lab Kuliyadda Engineeringka ayaa hore qalab casri ah ugu keentay shaybaadhada qaybaha dabka iyo isgaadhsiinta. Shaybaadhadan ayaa dhawaan xadhiga laga jari doonaa iyadoo loo isticmaali doono waxbarashada iyo adeega bulshadda ee dalka. Qaran News
  2. Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA, ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay koox ka kooban toban nin oo looga shakiyay argagixiso. Ragan oo kasoo kala jeeda waddamo kala duwan, ayaa dhammaantood sitay baasboorka dalka Marooko, oo ay ku safrayeen, iyaga oo dhammaantood haysta dhalashada dalka Marooko, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay NIA. “Hay’adda sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa magaalada Hargaysa ku qabtey koox ka kooban toban nin oo looga shakisanyahay inay xidhiidh la leeyihiin ururo argagixiso, raggan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalalka Suuriya, Pakistaan, iyo Marooko, waxayna dhammaantood haystaan dhalashada dalka Marooko”. Raggan ayay hay’addu baahisay sawiradooda iyo baasbooradooda, lakiin faah faahin kamay bixin waxa ay damacsanaayeen, iyo kalka ay u socdeen midna. Booliiska Somaliland ayaa dhawaan isaguna sheegay in ay gacanta ku dhigeen kooxo ay uga shakiyeen argagixiso, oo magaalada Hargaysa ku sugnaa. Source
  3. Waxaa sii kordheysa cadaadiska saaran Raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu inuu xilka iskaga dego kadib muuqaal ay shalay gelinkii danbe siideysay kooxda Xamaas, muuqaalkaasi oo laga soo duubay saddex haween ah oo la hadlay dowladooda Israa’iil inay ka shaqeyso sidii lagu siideyn lahaa. Haweenka muuqaalkan kasoo muuqday ayaa si adag u cambaareeyey xukuumada Netanyahu kadib markii ay burbureen axadii lasoo dhaafay wadahadaladii socday ee siideynta maxaabiista Falastiin iyo laheystayaasha Xamaas qafaalatay. Netanyahu oo shir jaraa’iid qabtay ayaa diiday inuu xilka ka dego isla markaana sheegay in aanu ku dhawaaqi doonin wax xabad joojin ah, arrintaasi oo uu ku tilmaamay inay lamid tahay isu dhiibida Xamaas. Source
  4. Qeybo kamid ah Waqooyiga iyo Bariga Gaza ayaa waxaa ka socda dagaalo fool ka fool ah oo dhexmaray ciidamada Xamaas iyo kuwa Israa’iil. Dagaalada ugu xoogan ayaa ka dhacay Beytul Xanun, waqooyiga Gaza ayey gudaha u galeen cutubyo ka tirsan ciidamada iyo Taangiyada dagaalka oo isku dayaya inay laba u kala jaraan Marinka Gaza. Ciidamada Israa’iil ayaa xooga saaraya inay la wareegaan qeybo kamid ah waqooyiga iyo bariga Gaza si ay ugu fududaato inay labo qeybood ugu kala jaraan Waqooyiga iyo Koonfurta Gaza. Xog badan lagama hayo khasaaraha dagaaladan oo aysan shaacin labada dhinac. War kooban oo kasoo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay inay iska difaaceen duullaanka dhulka ee Israa’iil. Balse waxaa sii kordheysa tirada Shacabka ee ku dhintay duqeynta Israel ay ka wado guud ahaan deegaanada Gaza, tiradaasi oo sare u dhaaftay 8500 qof, halka dhaawaca uu sii marayo in ka badan 20.000 qof. Source
  5. Guddiga Xuquuqul Insaanka ee dowladda Itoobiya ayaa sheegay in tobannaan qof oo rayid ah bishan lagu dilay duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan drones-ka, iyada oo askartu guri-guri ay u baadhayeen gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya, halkaas oo mas’uuliyiintu ay sheegeen in guulo amni laga gaadhay tan iyo markii ay qarxeen iskavhorimaadyo bishii July dhacay. Source
  6. The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) on Tuesday began induction training for its 12 military officers who recently joined the mission to help stabilize the country. Source: Hiiraan Online
  7. Al Jazeera said one of its employees lost 19 members of his family in the Israeli airstrike on the Jabalya refugee camp on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  8. Farah was 12 years old before she stepped into a classroom as a student. Farah’s family had not been able to afford the fees to send her and her older brothers to school. Source: Hiiraan Online
  9. The UN Security Council on Tuesday adopted a resolution to renew the mandate of the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) for a year, till Oct. 31, 2024. Source: Hiiraan Online
  10. Today, Hormuud Telecom, Somalia’s largest private sector employer opens its second Somali Success Stories Conference in Mogadishu. Uniting over fifty businesses in the country’s agricultural, fisheries and livestock sectors, the high-level forum is set to answer the question: why is Somalia a net importer of food, despite its abundant resources? Source: Hiiraan Online
  11. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka dibadbaxyo ballaaran ay ka billowdeen magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa degmadaasi. Dadweyne careysan ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada, ayaga oo kasoo horjeedo dilkii xalay halkaas oo loogu gaystay Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed oo ahaa ganacsato, kuwaas oo dilay aano qabiil darteed. Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in cadaaladda la horkeeno raggii ka dambeeyay dilka loo gaystay labadaas marxuun oo caan ka ahaa deegaanada Galmudug. Sidoo kale Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay waddo baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi , si gacanta loogu soo dhigo eedeysanayaasha. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dad loo soo xirxiray dhacdadan, iyada oo wararka nasoo gaaraya ay sheegayaan in sidoo kalena gaadid la qabtay. Axmed Shire Falagle oo ah lataliyaha arrimaha bulshada ee madaxweynaha Galmudug oo dhankiisa ka hadlay dhacdadaan ayaa shaaca ka qaaday inay u arkaan mid lagu xagal daacinayo dagaalka ay dowladda federaalka iyo Galmudug ay kula jiraan Al-Shabaab. “Galmudug waxay haatan ku jirtaa dagaal ahli ah, waxay kula jirtaa Khawarijta, cid kasta oo xagal daacineysaa waxay noo tahay bartilmaameed” ayuu yiri Falagle Dilka loo gaystay labada ganacsi ayaa cabsi ku abuuray dadka deegaanka, taas oo si weyn looga dareemayo magaalada Dhuusamareeb ee xunta maamulka Galmudug. Si kastaba, Galmudug ayaa waxaa haatan kasoo cusboonaaday dagaal beeleed horleh oo u dhexeeyo labada maleeshiyo beeleed, kuwaas oo ku dagaalamay deegaanka Xananbuure oo dhanka waqooyi qiyaastii u jirta illaa 45 kiilo mitir gudaha magaalada Dhuusamareeb. The post Dibadbaxyo ka billowday Dhuusamareeb iyo Wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  12. Sanca (Caasimada Online) – Xuutiyiinta dalka Yemen ee Iran ay taageerto ayaa Talaadadii wacad ku maray weeraro dheeri ah oo ka dhan ah Israel, haddii ay sii waddo dagaalka ka dhan aha Xamas ee Gaza, ayaga oo sheegay inay mar horeba ay diyaarado drone ah iyo gantaallada basllitic-ga ah ku weerareen Israel. “Ciidanka Qalabka Sida ee Yemen… waxa ay xaqiijinayaan in ay sii wadi doonaan duqaymaha tayada leh ee gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, illaa ay ka joogsanayaan gardarrooyinka Israel,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xuutiyiinta oo laga sii daayay TV-gooda Al-Masirah. Bayaanka ayaa lagu sheegay in Xuutiyiinta ay “tiro gantaallo ballistic ah oo baaxad leh… iyo tiro badan oo diyaarado hubaysan ah ay u direen” dhanka Israel Talaadadii. Waxay sheegaan inuu ahaa hawlgalkii saddexaad ee noocan oo kale ah oo ay la beegsadaan Israel tan iyo markii weerarka Gaza uu billowday 7-dii October kadib markii dagaalyahannada Xamas ay qaadeen weerarkii ugu xumaa ee lala beegsado Israel. Goor sii horreysay militariga Israel ayaa sheegay in “diyaarad cadow ay soo gashay” hawada magaalada Eilat, ee ku teedsan badda cas, ayaga oo goor dambena sheegay in dhexda laga qabtay gantaallo lagu soo weeraray Israel. “Dhammaan halisaha hawada waxaa lagu qabtay meel ka baxsan dhulka Israel,” ayaa lagu yiri bayaanka militariga Israel. Abdelaziz bin Habtour, oo ah Ra’iisul Wasaaraha dowladda Xuutiyiinta, ayaa Talaadadii sheegay inay “qayb ka yihiin tiirka iska caabinta” ee ka dhanka ah Israel, oo ay ku jiraan kooxaha Tehran ay taageerto ee Lubnaan, Suuriya iyo Ciraaq, ayna ku dagaalamayaan “hadallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.” “Waa hal tiir, waxaana socda isku xirnaan, qol hawlgal oo wadajir ah, iyo talis wadajir ah oo ka dhaxeeya dhammaan hawlgalladan,” ayuu yiri. “Ma ogolaan karno in cadawgan Sahyuuniyadda ah ee kibirka badan uu dadkeena laayo.” Xuutiyiinta ayaa caasimadda Yemen ee Sanca iyo qeybo badan oo dalka ka mid ah qabsaday 2014-kii Dowladda Mareykanka ayaa jawaab taxaddar leh ka bixisay hadalka Xuutiyiinta. “Cid kasta oo ku fakareysa inay ku biirto dagaalkan, ma ahan inay sidaas sameyso,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay Matthew Miller oo ah afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka. Afhayeenka Pentagon-ka Sarreeye Guuto Pat Ryder ayaa xaqiijiyay in Israel ay soo ridday gantaal riddada dhexe ah oo ay soo rideen Xuutiyiinta. “Sida aan horay u sheegnay, waxaan rabnaa inaan ka hortagno dagaal ballaaran oo goboleed,” ayuu yiri Ryder. Israel ayaa Xuutiyiinta ku eedaysay weerar ay fuliyeen diyaarado Drone ah Jimcihii, iyadoo sheegtay in diyaaradaheedu ay dhexda ka qabteen “bartilmaameedyo cadow” oo ku sii jeeday koonfurta Israel. Isla waqtigaas, lix qof ayaa dhaawacyo fududi ay ka soo gaareen burburka dhismo ku yaalla xuduudda Eilat oo u dhow magaalada dalxiiska ee Taba ee dalka Masar, sida ay sheegeen ciidammada Masar xilligaas. 19-kii October, ciidamada badda ee Mareykanka ayaa sheegay in ay soo rideen saddex gantaal oo ah nooca dhulka lagu rido iyo “dhowr” diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo Xuutiyiintu ay soo tuureen, lagana yaabo in ay ku socdeen Israel. The post Xuutiyiinta oo ku biiray dagaalka GAZA, weerar gantaallo-na ku qaaday Israel appeared first on Caasimada Online.
  13. New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee QM ayaa Talaadadii ansixiyey qaraar lagu cusbooneysiinayo muddo xileedka howlgalka QM ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo UNSOM, illaa 31-ka October 2024. Qaraarka 2705, oo ay si aqlabiyad ah isugu raaceen 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, ayaa ka codsanaya UNSOM inay sii waddo joogteynta iyo xoojinta joogitaankeeda Soomaaliya, ayada oo la tashaneysa dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada, iyo Midowga Afrika. Wuxuu ku dhiirigelinayaa UNSOM inay sii waddo isku-duwidda dadaallada Qaramada Midoobay, oo ay kordhiso hababka wadajirka ah iyo barnaamijyada wadajirka ah ee meelaha ay khusayso, si loo taageero dowlad-dhisidda iyo nabad-dhisidda Soomaaliya. Anna M. Evstigneeva (Ruushka), oo codeynta kadib hadashay, ayaa sheegtay in wafdigeeda ay taageersan yihiin go’aankan maadaama Soomaaliya ay mareyso marxalad muhiim u ah taariikhdeeda casriga, dowladda Federaalkana ay la dagaalamayso caqabado badan, oo ay ka mid tahay sii socoshada cunaqabateynta hubka. Geng Shuang (Shiinaha) ayaa sheegay in wafdigiisa ay u codeeyeen qaraarka maadaama muddo kordhinta UNSOM ay tahay mid lagu taageerayo hanaanka siyaasadeed ee Soomaaliya. Howlgalka Somaaliya ee QM ayaa soo dhoweeyey ansixinta qaraarka lagu kordhiyey muddo xileedka UNSOM, oo hadda galaya sanadkii 10-aad tan iyo markii howlgalka uu ka shaqo billaabay Soomaaliya. Soomaaliya ayaa sheegtay in joogitaanka UNSOM uu muhiim u yahay la-dagaalanka argagixisada balse waxay xustay in argagixisada aan looga guuleysan karin oo kaliya hab militari, balse sidoo kale ay tahay wax laga qabto arrimaha dhiiri-geliya sida fursad la’aanta dhaqaale. UNSOM ayaa waxaa aas-aasay Golaha Ammaanka ee QM June, 2013, si loo taageero dowlad dhiska iyo nabad-dhiska Soomaaliya. The post Golaha Ammaanka oo go’aan cusub ka gaaray muddo xileedka UNSOM ee Somalia appeared first on Caasimada Online.
  14. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Allah ha unxariistee waxaa fiidnimadii xalay magaalada Dhuusamareeb ee xaruntda maamul goboleedka Galmudug lagu dilay Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed oo ah ganacsato. Labada Marxuum oo labaduba ganacsato ahaayeen ayaa la sheegay in loo dilay aano qabiil oo daba socotay dad hore loogu dilay deegaanka, iyadoo warar kale ay sheegayaan in dilkoodu uu ka madax bannaan yahay aanada qabiil. Booliska magaalada ayaa dad u xirxiray dhacdadan, iyada oo wararka nasoo gaaraya ay sheegayaan in gaadidna la qabtay. Waxa labada marxuum lagu dilay bartamaha magaalada, taas oo cabsi kale ku abuurtay dadka deegaanka. Xiriir aan la sameynay laamaha ammaanka ee magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay noo sheegeen in ay baaritaanno ku wadaan sida ay wax u dheceen. Taliyaha saldhigga booliska ee magaalada Dhuusamareeb Nuur Cilmi Hoosagale oo wareysi siiyey BBC-da ayaa xog ka bixiyey sida ay wax u dheceen, isagoo yiri “Walaaleheen ayey gacan ka xaq daran ku dileen Dhuusamareeb, waxa ay kamid ahaayeen dadka ugu macquulsan magaalada, waxa ayna ahaayeen ganacsato, marka xigta Falkaan waa mid aragagax leh, cid kasta oo geysatay wax ay uga dan leedahay qal-qal gelin amni.” “Dilku waxa uu ka dhacay gudaha magaalada, waxa uu dhacay xilli uu roob da’yay oo la kala okoranayay, marka loo fiiriyo xilliyagana waxa ay ahayd waqti is beddelka shaqada uu dhacayay oo is beddelka ciidamada uu socday, oo shaqadii habeenimo iyo tii maalinnimo la is-dhaafsanayay.” Waxa la sheegay in uu dilku ka dhacay meel ka baxsan goobahooda ganacs,i iyadoo isla markaana ay isla socdeen xilliga labadoodaba la dilayay. Taliyaha oo ka hadlayay ayaa yiri, “dilku waxa uu u muuqday in lala eegtay waqtiga uu dhacayay, waxaa lagu dilay meelo ka baxsan shaqdooda balse aan ka fogeyn, waxaana uu ahaa mid lagu carqadeynayo amniga magaalada.” Booliska ayaa sheegay in ay baaritaanno wadaan iyadoo lagusoo qabtay dad lagu tuhusanyahay in ay lug lahaayeen dilka ganacsatada, dhinaca kale arrintan dilka ayaa la’isla dhex marayay in uu salka ku hayo aano qabiil. Nuur Cilmi, oo ka hadlay baaritaannada ay sameeyeen iyo sababta ka dambeys dilka ayaa yiri, “Baaritaanno ayaan sameynay oo waxaa lasoo qabtay dad laga shakiyay, waxaa jira tuhmanayaal aan heyno magacyadooda, haddana aan ku howlannahay in aan gacanta kusoo dhigno, arrinta kale ayaa ah in falkan uu yahay mid amniga loogasoo horjeedo iyo mid ay ku jiraan dano siyaasadeed mana aaminsanin in ay tahay arrin salka ku heysa aano qabiil.” Labada ganacsatada ah ee la dilay ayaa la sheegayaa in kamid ahaayeen dadka ugu magaca dheer ee magaalada, iyadoo lasoo sheegayo in dilkooda uu abuuray cabsi dhinaca amniga magaalada ah. Dilalka la xiriira aanada qabiil ayaa ah mid soo jireen ah marka loo eego guud ahaan Soomaaliya. Isha: BBC The post Xogta dilkii ‘aanada qabiil’ ee xalay laba ganacsato loogu gaystay Dhuusomareeb appeared first on Caasimada Online.
  15. Waraysigii 1991 lala kala yeeshay Cismaan Garaad Maxamuud iyo Cali Khaliif Galaydh. Muqdisho (War) — Had iyo jeer dadka aamminsan in go’aankii kala-goynta Soomaaliya uu ururkii Somali National Movement 1991kii Burco kaga dhawaaqay waxay cuskadaan saxiixyo ay ku tilmaamaan inay yihiin kuwii ka qeybgalayaashii shirkaas. Labada siyaasi ka socday Laascaanood oo shirkaas ka qeybgalay waxay kala ahaayeen Cismaan Garaad Maxamuud iyo Dr Cali Khaliif Galaydh (labaduba waxay geeriyoodeen 2020kii). Wariye ka socda BBC World Service ayaa waraystay labada siyaasi. “Waxaa jiray dhowr qoddob ilaa hadda qoran oo ay SNM soo jeedisay, oo hore ay u soo diyaarsadeen oo waxaa ansixiyay guddi-hoosaadyo oo shirka ayaa la keenay. Qof kasta wuu oggolaaday. Waxaan aamminsanahay in waxa hadda dhacay Jamhruuryadda Somaliland aysan ahayn ra’yiga dhabta ee hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee Somalilnad. Maamulka dadka ayaa go’aanka gaaray. Waa nalagu qasbay” ayuu yiri Cismaan Garaad Maxamuud. Cali Kahliif wuxuu yiri: “Hawl adag ayaa noo taalla. Dadkeenna ka qeybgalay shirka, labadeenna kaalimood way is waydaarsan yihiin. Hoggaanka Dhulbahate [oo shirka ka qeybgalay] ayaa qaatay go’aanka. Waa inay beesha Dhulbahantaha ka dhaadhiciyaan oo go’aanka [goosashada]. Dhinaca Isaaqa, waa fikarad dadku qabaan oo dhaqaajisay siyaasiyiinta SNM. Sidaas darteed labaadeenna kaalimood way is weydaarsanaayeen”. Galaydh: “Hawl adag ayaa noo taalla. Dadkeenna ka qeybgalay shirka, labadeenna kaalimood way is waydaarsan yihiin.” Ku kala aragti-duwanaanshaha kala goynta Soomaaliya ma billaababin 2012. Waxay billaabatay 18 Maajo 1991 markii Burco lagaga dhawaaqay go’aanka in Soomaaliya aysan qaran ahayn maadaama sheegashada goosashadu diiddan tahay qarannimada Soomaaliya. Dadka goosashada doonaya caqabadda hortaagan ma aha oo keliya reer waqooyiga kaga aragti-duwan kala goynta Soomaaliya, Soomaalida koonfurta ku nool ma doonayaan in Soomaaliya noqoto dal beel kasta meesha ay ku nooshahay ay goosato oo aqoonsi ku raadsato. Cismaan Garaad Maxamuud: “Waxaan aamminsanahay in waxa hadda dhacay Jamhruuryadda Somaliland aysan ahayn ra’yiga dhabta ee hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee Somalilnad.” Waraysiyada lala kala yeeshay labada siyaasi oo mootan waxay muujinayaan in ajendaha kala goynta Soomaaliya uu ahaa mid u qarsoonaa ururkii SNM oo dastuurkiisu ku salaysnaa dhowrista midnimada Soomaaliya. Mowqifka goosashada wuxuu meesha ka saaray soo bixista aragti siyaasadeed oo reer Waqooyigu ku mideysnaan kari lahaayeen. Marka wadahadallo ku saabsan Midnimada ay dhacayaan waxay dhexmari doonaan Soomaaliya, sida uu sheegay Ergeyga Somaliland ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed. Ergada maamulka Hargeysa ka socota waxay u hadli doonaan beelaha ka horjeeda midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. © Puntland Post, 2023 The post Beesha Sool clan Ma Taageerin Go’aankii Kala Goynta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  16. Dowladda Bolivia ayaa xiriirka rasmiga ah u jartay Israa’iil ,iyadoo laba dal oo kale oo Latin America ah ay u yeereen safiiradooda ka jooga Tel Aviv si ay wadatashi ula yeeshaan. “Bolivia waxay go’aansatay in ay jebiso xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay Israa’iil, waxaanna cambaareynay weerarka gardarrada ee ka socda Marinka Gaza,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalkaasi Freddy Mamani. Wasiirka madaxtooyada Maria Nela Prada ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in wadanku gargaar bini’aadanimo uu u diri doono Gaza , iyadoo dalbatay in la joojiyo weerarrada Gaza oo illaa hadda sababay in ay ku dhintaan 8525 falastiiniyiin ah. Wadamada deriska ah ee Colombia iyo Chile ayaa sidoo kale dib ugu yeeray safiiradooda si ay wadatashi uga yeeshaan weerarada Israa’iil ee ka socda Gaza ,waxayna ku baaqeen xabad joojin deg deg ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Bolivia oo xiriirka u jartay Israa’iil appeared first on Puntland Post.
  17. Somaliland ayaa Gaashaanka ku Dhufatay In Hawlgalka ATMIS Shaqadeeda lagu soo daro inay ka hawlgasho Somaliland Hargeysa(Qaran news)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gaashaanka ku dhufatay hadal kastoo Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ku tilmaamayo in shaqada hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ay ku jirto Somaliland. Somaliland waa dal madax-banaan, ATMIS-na waligeed ma noqon ka shaqeysa Somaliland. War saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa lagu yidhi, “Somaliland marar badan ayey hore ugu sheegtay mowqifkeeda golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, imikana xukuumaddu waxay aaminsan tahay inay muhiim tahay in mar kale la bayaamiyo, iyadoo la eegayo xaaladihii u dambeeyay. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeynaya qaraar qabyo ah oo khuseeya muddo kordhinta ATMIS ee Soomaaliya, waxaanu rumaysanahay in qaraarkani sidoo kale u muuqan karo mid soo jeedinaya in ATMIS-ka shaqadiisa ay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland. Xukuumadda Somaliland aad ayay uga walaacsan tahay taladan. AMISOM iyo kuwa beddelaya (ATMIS) ayaa ah howlgal nabad ilaalin ah oo Soomaaliya ka howlgalayay tan iyo 2007 si ay dowladda Soomaaliya uga caawiyaan la dagaalanka Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah. Marka la eego qoraalkii ergadii xaqiiqo-raadinta ee AU-da ee sannadkii 2005-tii, waxay si cad u sheegtay in “tan iyo markii lagu dhawaaqay May 18-keedii 1991-kii, ay Somaliland leedahay sifooyinkii dawladnimada casriga ah”. Haddaba, ATMIS-na marna looma igman inay ka hawl-galaan Somaliland, waxaanay dawladda Somaliland marar badan si cad ugu sheegtay arrinkaa Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay. Xukuumadda Somaliland waxay u soo jeedinaysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay saxaan mawqifkooda ku wajahan go’aan kastoo shaqada ATMIS ku xidhiidhinaya Somaliland, lana ixtiraamo rabitaanka shacabka Somaliland ee ah inay noqdaan dal madax-bannaan.” Qaran News
  18. London (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa caawa ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska. Marxuumka oo da’ahaa ayaa la sheegay in muddooyinkii dambe uu ku xanuunsanaa dalka Ingiriiska, ugu dambeyntiina caawa ayuu geeriyooday. Madaxweyne Caalin ayaa ahaa aas-aasihii maamulka Galmudug oo markii ugu horeysay laga dhisay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Allaha u naxariistee Maxamed Axmed Caalin ayaa waayihii dambe ka mid ahaa odayaasha lagu ixtiraamo aas-aaskii maamulka Galmudug, wuxuuna waayihii dambe ku noolaa dalka dibadiisa. Marxuumka ayaa doorweyn ku lahaa hanaankii Soomaaliya looga saaray ku meel gaarka. Sidoo kale sanadkii 2012-kii wuxuu ka mid ahaa saxiixayaashii dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka lagu maamulo ilaa hadda. Caalin wuxuu beri samaadkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ka gaaray darajada Korneyl ciidan, sidoo kale wuxuu mar soo noqday safiir. Madaxda qaranka qaarkood ayaa durbadiiba ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Maxamed Axmed Caalin, madaxweynihii hore ee Galmudug oo caawa ku geeriyooday dalka UK. Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo saaray qoraal uu ugu tacsiyeeyey marxuumka, sidoo kale wuxuu qoraalkiisa ku xusay qeybo muhiim ah oo ka mid ahaa taariikh nololeedkiisa. Hoos ka akhrso qoraalka Cabdikariin Guuleed Alaha u naxariisto madaxwrynahii hore ee Galmudug marxuum Col. Maxamed Axmed Caalin oo caawa ku geeroyooday magaalada London ee dalka UK. Marxuum Caalin waxuu ahaa masuul Qaran oo dalkiisa iyo dakiisa duruufo adag ugu soo shaqeeyay. Todobaatameeyadii asagoo ahaa sarkaal ka tirsanaa heyaddii sirdoonka Qaranka ee NSS waxuu howl sirdoon oo culus oo laguna abaal mariyay ka soo qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethopia, horaantii dagaalkii 77dii. Waxuu marxuum asagoo gudanaya waajib Qaran ku joogay magaaladaas muddo dhowr sano ah asagoo jilayey miskiin ka mid ah dadka tuugsada. Si uu Qaranka ugu keeno xog sugan oo la xiriirta istiraatiijiyadda ciidan ee Itoobiya, cududooda iyo dhaqdhaqaaqooda intaba. Waxaan madaxda Qaranka iyo madaxweynaha Galmudugba u soo jeedinayaa in marxuumka si weyn loo maamuuso, aas Qaranna loo sameeyo. The post Madaxweynihii hore ee Galmudug oo caawa geeriyooday appeared first on Caasimada Online.
  19. NAIROBI, Kenya, October 31, 2023/ — Mini grids are the least cost method to provide electricity to 260 million people in Africa and have a critical role in achieving universal energy access on the continent; However, mini grids are complex infrastructure assets. It typically takes 12-24 months to structure and finance a mini grid project; CrossBoundary Access (​CrossBoundary.com/Access) is open sourcing the project financing tools they have used to finance over $80m of mini-grid projects to accelerate universal energy access in Africa. CrossBoundary Access, in partnership with Shell Foundation, the UK-registered charity, is open sourcing the project financing tools they have used to structure and finance over $80m of mini-grid projects. CrossBoundary Access has shared a project finance model on its website today (https://apo-opa.info/49gLCLC) and will share template project financing term sheets later this year. CrossBoundary Access believes open sourcing financial tools and approaches across the sector will accelerate the flow of capital needed to achieve universal energy access in Africa. The International Energy Agency (IEA) forecasts that the number of people in Sub-Saharan Africa without power – 600 million – will be largely unchanged by 2030. Mini-grids – self-sufficient electricity grids that can serve households and businesses – have a critical role to play in bridging the gap. They are the least-cost method to bring electricity to over 260 million people. However, mini grids are complex infrastructure assets that typically take 12-24 months to finance. Mini grids are small (typically less than $500,000 in capex), have unfixed long-term cash flows such as revenue, diesel expenditure, battery replacements, etc., and are typically mixed with other non-infrastructure assets and activities. The process of ring-fencing mini-grid assets into standalone investment vehicles, and fixing and allocating revenues, costs, and risks over a typical 10–20-year infrastructure investment horizon is a highly intensive process. Detailed, interlocking financial models and project contracts are required to create bankable mini-grid projects. CrossBoundary Access is open sourcing the two interlocking financing tools it has developed over the last 6 years – a financial model and project term sheets – to accelerate the flow of capital into the mini-grid sector. The open-source movement was first pioneered by the software industry in the 1990s. CrossBoundary Access believes the energy access sector should adopt its own open source model to accelerate industry collaboration. Continuous sharing and improvement of the sector’s financing tools is needed to attract and deploy capital into mini grids. Read more on why CrossBoundary Access and Shell Foundation believe open source can accelerate universal energy access in Africa in this article (https://apo-opa.info/47fIoGf). Terry Otinga, Senior Investment Associate and Open-Source lead at CrossBoundary Access, says, “We are excited to share these tools and are especially eager to exchange lessons learnt with developers and investors. This will bring us a step closer to closing the energy access gap in Africa. That’s what open source is about.” Kwaku Owusu-Achaw, Business Development Director at the Shell Foundation, says, “We are thrilled to partner with CrossBoundary Access to share this innovative financing approach. We hope that this is useful for the sector and gives developers the tools to raise capital and improve energy access in Africa.” Humphrey Wireko, Managing Director at CrossBoundary Access, says, “We appreciate Shell Foundation’s support in this initiative. In order to reach the 300 million people in Africa best served by mini-grids, we need a lot more mini-grids being built and more investors providing capital to this sector. Hopefully this helps make that happen.” Distributed by APO Group on behalf of CrossBoundary Access. Qaran News
  20. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa caawa baahisay sawirrada 10 Nin oo ahaanib ah, kuwaas oo lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin ururro argagixiso ah. Qoraal ka soo baxay hey’adda sirdoonka Somaliland ayaa lagu sheegay in raggaan ay asal ahaan kasoo kala jeedaan dalalka Suriya, Pakistaan iyo Morooko. 10-ka nin ee Somaliland ay qabatay waxaa lagu sheegay qoraalkaan inay dhammaantood heystaan dhalashada dalka Marooko. “Hay’adda sirdoonka Somaliland (NIA) ayaa magaalada Hargaysa ku qabtey koox ka kooban toban nin oo looga shakisanyahay inay xidhiidh la leeyihiin ururo argagixiso, raggan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalalka Suuriya, Pakistaan, iyo Marooko, waxayna dhammaantood haystaan dhalashada dalka Marooko” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Sirdoonka Somaliland. Somaliland ma aysan shaacin sida ay ka yeelayaan xubnahaan ay qabteen ee ajaanibta ah. Sidoo kale waxaa la soo bandhigay sawirrada 10-ka nin ee Somaliland ay soo bandhigtay, faahfaahin intaas dheerna kama bixin sida loo qabtay. Qoraalka ka soo baxay sirdoonka Somaliland laguma xusin magacyada ragga ajaanibta ah ee lagu qabtay magaalada Hargeysa, kuwaas oo hadda xabsiga ku wadajira. Kooxaha argagixisada ah inta badan dhibaatooyin kama geystaan deegaanada Somaliland, waana dhul nabad ah oo ka caagan argagixiso, markii loo eego xaaladda ka jirta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Sawirro: Somaliland oo soo bandhigtay 10 nin oo ajaanib ah oo loo heysto arrin xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  21. Dhusamareb (HOL) – Gunmen killed two businessmen, Siad Tahliil Mohamed and Sheikh Hassan Diirshe, in Dhusamareb, the administrative capital of Galmudug State, on Tuesday night. Source: Hiiraan Online
  22. Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Waxaa salaadii Maqrib kadib bartamaha magaalada Dhuusamareeb lagu dilay labo nin oo shacab ah, xilli uu magaalada Roob ka da’ayo. Rag hubeysan ayaa labada nin ku dhex toogtay suuqa weyn ee magaalada Dhuusamareeb, waxayna ahaayeen ganacsato aad looga yaqiinay magaalada. Dilkaan ayaa salka ku haya aano qabiil uu dhaxeysa beelaha Cayr iyo Saleebaan ee Habargidir. Ragga lagu dhex dilay magaalada Dhuusamareeb ayaa ahaa Saleebaan, waxaana dilay dabley la aaminsan yahay inay ka soo jeedaan beesha Cayr. Raggii dilay labada nin ee Saleebaanka ah ayaa baxsaday, waxaana magaalada ka bilowday baaritaano culus oo lagu baacsanayo raggii dilka geystay. Waxaa la’aaminsan yahay in dilkaan uu salka ku hayo aano-qabiil oo ka taagan deegaanka Xananboore oo waqooyi ka xiga magaalada Dhuusamareeb. Dabley ka soo jeeda beesha Saleebaan ayaa shalay deegaanka Xananbuure ku dilay nin Cayr ah, iyagoo dhaawacay mid kale. Xiisadda ka taagan Xananbuure ee u dhaxeysa Cayr iyo Saleebaan ayaa dabadheeraatay, waxayna hadda ku fiday magaalooyinka waaweyn. Falka dilka ah ee caawa dhacay ayaa cirka ku sii shareeraya aanooyinkii qabiil ee u dhaxeeyey labada beelood oo kala dega magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb, xiisadaan ayaa markii hore ku ekeed tuulooyinka u dhaxeeya labada magaalo. The post DEG DEG: Labo nin oo caawa lagu dilay bartamaha Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.
  23. Hoay’adda sirdoonka Somaliland oo qabatay koox lagu tuhunsan yahay Argagixiso Hargeysa(Qaran)-Hay’adda sirdoonka Somaliland National Intelligence Agency (NIA) ayaa magaalada Hargaysa ku qabtey koox ka kooban toban nin oo looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin ururo argagixiso. Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal ay Hay’adda Sirdoonku ku faafisay barteeda Twitterka. Raggan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalalka Suuriya, Pakistaan, iyo Marooko, waxayna dhammaantood haystaan dhalashada dalka Marooko,” ayaa lagu yidhi warbixinta Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee loo soo gaabiyo magaceeda NIA. Qaran News
  24. Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo xooggan oo ka billowday deegaano ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee caasimada maamulka Jubbaland. Howl-galladan ayaa imanaya kadib dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay halkaasi, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Jubbaland iyo maleeshiyaad Al-Shabaab ah. Ciidamada Daraawiishta dowlad-goboleedka Jubbaland oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa howl-gallada ka wada deegaanka Buulo-Xaaji, halkaasi oo uu ka dhacay dagaalka, kadib markii ciidanka ay weerareen goob ay ku shirayeen xubno Shabaab ah. Howl-gallada ciidanka ay wadaan ayaa iskugu jira mid ay ka fulinayaan dhulka howdka ah, mid gaadiidka lagu baarayo iyo howl-gallo miino baaris ah oo laga sameeynayo waddooyinka soo gala magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Ciidanka DANAB iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay waday howl-gallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, xilli lasoo afmeerayo wejiga koowaad ee dagaalka. Si kastaba, Maamulka Jubbaland ayaa diyaar-garow xooggan ugu jira billaabida wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo si dardar leh uga socda qeybo kamid dalka. The post Faah-faahinta howl-gallo culus oo ka socda duleedka Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
  25. Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caawinta Falastiiniyiinta ayaa maanta shaacisay in dadka rayidka ah ee ku nool Marinka Qaza ay la kulmaan ciqaab wadareed iyo barakicin khasab ah. “Xabbad joojin bini’aadantinimo oo degdeg ah waxay noqotay arrin nolol iyo geeri u ah malaayiin,” Guddoomiyaha UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa ka sheegay shir degdeg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeeshay xaaladda Qaza. Dhinaca kale Israa’iil ayaa sheegtay in uu jiro qorshe lagu daadgureynayo dadka dhaawaca ah ee ay xamili waayeen isbitaallada Qaza, lana geynayo maraakiib ku soo xiran doona xeebaha Qasa, kuwaaso oo ay ku sheegeen in ay bixin karaan adeegyada caafimaad ee ay dhaawacyada u baahanyihiin. Ma cadda maraakiibka sida isbitaalka u shaqeynaya cidda leh, balse waxaa soo baxaya suurtagalnimada qorshe uu dejiyay Turkiga. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee xaaladda rayidka ku nool Marinka go’doonsan ee Qaza appeared first on Puntland Post.