Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane oo loo yaqaano (Kulane Jiis) oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo ka qayb-galay kulan ka dhacay Nairobi oo looga hadlayay guul-darradii ay xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir kala soo kulantay tartankii ay u gashay madaxweynaha baarlamaanka adduunka ayaa weerar ku qaaday madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo guddoonka baarlamaanka Soomaaliya. Kulanka Jiis ayaa ku eedeeyay xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo guddoonka baarlamaanka ay ka dambeeyaan fashilinta xildhibaan Marwo. Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dowladda federaalka ay calanka Soomaaliya uga hiilisay calan kale, maadaama ay Tanzania ku garab istaagtay helida kursigaasi. “Waxaa yaableh guddoonkii baarlamaanka ee marshay ee guddoomiyay xildhibaanada inuu haddane warqad ka daba diro, waxaa yaableh Soomaaliya calankeeda in looga hiiliyo calan kale oo ay uga hiiliso xukuumaddii iyo dowladdii dalka ” ayuu yiri Cabdullaahi Kulane. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in arrintaan ay muujineyso in uusan xor ahayn baarlamaanka Soomaaliyeed, isla-markaana ay faragelin ku hayso xukuumadda. “Waxaa kaloo yaableh oo meesha yaalla baarlamaankii iyo xukuumadda in aysan kala madax bannaaneyn oo baarlamaanku waxa uu soo saaro uusan meel mareyn” ayuu yiri. Ugu dambeyn xildhibaan Cabdullaahi Kulane ayaa ku baaqay in arrintan marka uu furmo baarlamaanka wax laga weydiiyo guddoonka iyo xukuumadda federaalka Soomaaliya. “Haddii alle idmo oo la furo baarlamaana in arrintaan aan ku qabsano guddoonka in arrintaan aan sidoo kale ku qabsano xukuumadda in arrintaan aan laga harin si looga hortego in qof kale oo Soomaali ah aysan ku dhicin” ayuu kusoo gabagabeeyay. The post Kulane Jiis oo weerar ku qaaday madaxda DF iyo guddoonka BF + Video appeared first on Caasimada Online.
  2. Maxkamadda sare ee ciidamada ayaa maanta ayidday xukun dil oo horay loogu riday labo walaalo ah oo lagu eedeeyay dil askari booliis ah, xilli ay labada dhinac ay murmeen, taas oo keentay dilka askariga Booliiska ah. Cabdulaahi Cabdi Mustaf ayaa lagu soo Eedeeyay dil bareer ah uu u geystay Dable Boolis Cabdikariin Ibraahin Cali (Awdaango) halka Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf loo soo xiray gacansiin danbi ka dib markuu dilaaga u dhiibay qoriga uu dilka ku geystay marxuumka kala tirsanaa ciidanka ammaanka. Cabdulaahi Cabdi Mustaf oo ka carooday weydiinta Booliska ee warqada fasaxa CID Mooto-Feykoon uu watay ayaa danaano ahaan ugu yeertay walaalkiis Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf oo ka titsan taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir isla markaana uu u dhiibay qorigii lagu dilay marxuum. Dable Boolis Cabdikariin Ibraahin Cali ( Awdaango) oo xiligaas ku sugnaa barta gaadiidka lagu hubiyo ee wadada Afisooni 19-kii bishii December ee 2022, waxaa maxkamadda la horkeenay cadeymo iyo sidoo kale marqaatiyo laga qoray hakii uu dhibka dilka ah ka dhacay sida laga hor cadeeyay fadhiga Garsoorka Maxkamdda Darajada Koowaad ee Ciidmadda oo dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa labo iyo labaatankii bishii February ee sanadkan ku xukuntay Cabdulaahi Cabdi Mustaf Dil toogasho tasoo ah qisaasta marxuum Cabdikariin Ibraahin Cali ( Awdaango) halka Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay Afar sano oo xabsi ciidan ah, taas oo ah inuu ku lug lahaa diga la geystay. Marka xukunka la riday kadib, Qareenada Eedeysanayaasha ayaa racfaan u qaatay Maxkamda Sare ee Ciidmadda oo iyana kiiskan mar kale dhageysatay 1-dii bishan, ayaa ugu dambeyn ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Cabdulaahi Cabdi Mustaf, halka Dable boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay mar kale Afar sano oo xabsi ciidan ah, Sida uu warbaahinta la wadaagay Janaraal Liibaan CalI Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada. Source: goobjoog.com
  3. Sida lagu shaaciyay warbixintii ugu dambeysay ee maamulka Galkacyo Ilaa saddex qof ayaa u geeriyooday roob mahiigaan ah oo ka da’ay Galkacyo Faysal Sheekh Cali (Jifo-Jabsade) oo ah guddoomiyaha Galkacyo ee Puntand ayaa xaqiijiyay inay saddex qof oo shacab ahi ay ku geeriyoodeen roobkii cuslaa ee habeen hore ka da’ay magaalada Gaalkacyo, isaga oo sidoo kale xusay in boqolaal qoys oo shacab ah ay ku barakaceen, halka kuwa kalena ay guryahooda ku dhexe go’doonsan yihiin weli. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay dhici karto in dhimashadu intaas kasii kororto , islamarkaana ay socdaan baaritaano lagu baadi goobayo dad lagu weli lagu la’ yahay. Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in dad gaaray ilaa 10 ruux la xaqiijiyay in ay ku dhinteen daadad ku rogmaday dhowr magaalo oo dalka ah, Gaalkacyo iyo magaalooyin la daris ah ayaa waxaa dulfadhiya biyo badan oo haddii roob kale yimaado daadad ku rogi kara magaalooyin dhowr ah. Source: goobjoog.com
  4. Ciidamada xoogga dalka qeybta 60-aad oo kaashanaya ciidanka Daraawiishta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan kula wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Bakool oo maalmihii dambe ay ciidanku wadeen howlgallo ay kula wareegayaan deegaannadaasi. Deegaanada ay ciidamada huwanta ah ay kala wareegeen Al-Shabaab ayaa kala ah Wareeyn, War-dhato, Ceelahaley, iyo Moorigaabey oo dhammaantood ka tirsan gobolka Bakool, waxaana inta badan gobolka muddooyinkii dambe ku qulqulayay ciidamo ka tirsan xoogga dalka, daraawiishta iyo kuwa deegaanka. Taliyaha guudtada 9-aad qeybta 60-aad Gaashaanle Yoonis Aadan Xasan oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in howlgallada gobolka Bakool ay sii wadi doonaan oo ay doonayaan in ay isku furaan gobollada Baay iyo Bakool oo kala go’doonsan marka la eego in ay deegaanno badan laga heysto. Deegaannada Koonfur Galbeed Soomalaiya ayaa waxaa dhowaan tagay madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, isaga oo magaalada Xudur kaga dhawaaqay bilaabashada abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo looga golleeyahay sidii loo bilaabi lahaa wajiga labaad ee dagaalka. Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwad loo haystay Cabdulaahi Cabdi Mustaf oo lagu soo eedeeyay inuu dil bareer ah uu u geystay Dable Boolis Cabdikariin Ibraahin Cali (Awdaango) iyo Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf oo loo soo xiray inuu eedeysanaha ku gacan siiyay, isla-markaana uu dilaaga usoo dhiibay qoriga uu dilka ku geystay. Dhacdada ayaa timid kadib Cabdulaahi Cabdi Mustaf uu ka carooday weydiinta Booliska ee warqada fasaxa CID Mooto-Feykoon uu watay ayaa danaano ahaan ugu yeertay walaalkiis Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf oo ka tirsan taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir isla-markaana uu u dhiibay qorigii lagu dilay Marxuum Dable Boolis Cabdikariin oo uu dhalay majaajiliistaha caanka ah Ibraahin Cali oo loo yaqaano Awdaango. Xilliga marxuumka la dilayay wuxuu ku sugnaa barta gaadiidka lagu hubiyo ee wadada Afisooni , wuxuuna falkaas dhacay sagaal iyo tobankii bishii December ee sanadkii hore. Horay Garsoorka Maxkamdda Darajada Koowaad ee Ciidmadda oo dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa 22-kii bishii February ee sanadkan ku xukuntay Cabdulaahi Cabdi Mustaf Dil toogasho tasoo ah qisaasta marxuum Cabdikariin Ibraahin Cali( Awdaango) halka Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay shan sano oo xabsi ciidan ah. Intaasi kadib Qareenada eedeysanayaasha ayaa racfaan u qaatay Maxkamda Sare ee Ciidmadda oo iyana kiiskan mar kale dhageysatay kowdii bishan, ayada oo dhageysatay dooda labada dhinac, taas oo fursad loo siiyay qareenada inay soo bandhigaan difaacooda. Ugu dambeyn Maxkamadda Sare ayaa maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Cabdulaahi Cabdi Mustaf, halka Dable boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay afar sano oo xabsi ciidan ah, Sida uu warbaahinta la wadaagay Janaraal Liibaan CalI Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Si kastaba, waxaa go’aankan soo dhaweeyay ehellada marxuum Cabdikariin oo uu ugu horreeyo Aabihiis Ibraahin Cali Awdaango oo maalmihii u dambeeyay dalbanayay cadaalad. Horay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sidaan oo kale xukuno isugu jiro dil iyo xabsi ugu xukuntay askar ka tirsan ciidamada dowladda oo dilal ka gaystay caasimada. The post Askarigii dilay wiilka Awdaango oo toogasho lagu xukumay appeared first on Caasimada Online.
  6. Antony Blinken welcomed by US Ambassador to Türkiye Jeffry Flake, Turkish Foreign Ministry Director General for Americas Yaprak Balkan Source: Hiiraan Online
  7. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha maamul goboleedka Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo Wariyeyaasha kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay doorashada maamulkaasi oo uu weli ka taagan yahay muran xoogleh. Juxa ayaa shaaca ka qaaday in haatan uu si guul ah kusoo dhammaaday wejiga kowaad ee hannaanka doorashooyinka qof iyo cod oo lagu doortay goleyaasha degmooyinka. Wasiirka ayaa ku faanay in xukuumaddu ay dadaal badan gelisay sidii ay uga mira dhalin laheyd dimuqaaraddiyada iyo inay dadweynaha codadkooda dhiibtaan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hannaankaan uu ku dhisan yahay xisbiyada badan oo qof iyo cod ah, laguna tijaabiyay 33 degmo oo ka tirsan Puntland, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay guul ay gaartay Puntland oo ah hooyada federaalka Soomaaliya. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in go’aankooda uu yahay in aan dib loogu noqon doorashadii hore, ayna ka dhabeyn doonaan in dadweynuhu soo doortaan hoggaankooda. Doorashooyinkii hore ayuu aad u dhaliilay, isaga oo uu tilmaamay inuu ka jiray musuq-maasuq, isla-markaana la bixin jiray laaluush, haddase ay meesha ka saarayaan. “Waxaan marna suurta-gal ahayn, oo reer Puntland aysan u qalmin in qolkii madoobaa ee mugdiga ahaa, ee dhabarka la isu xoqayay ee lacagta laaluushka ah lagu tirinayay in dib loogu noqdo marnaba suurta-gal maaha” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli dood xoogan ay ka taagan tahay go’aanka madaxtootada, waxaana ka horyimid xubnaha mucaaradka iyo Isimada Dhaqanka oo iyaguna ku taliyay in sidii hore lagu wado doorashada, maadaama waqtigii uu dhamaaday. Si kastaba, Puntland ayaa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogleh, waxaana inta badan gudaha magaalada Garoowe ku sugan xubnaha mucaaradka oo iyaguna kulamo ka wada magaaladaasi, balse lama oga sida ay wax noqon doonaan. The post War cusub oo kasoo kordhay doorashooyinka qof iyo codka ah ee PUNTLAND appeared first on Caasimada Online.
  8. Iyadoo Israa’iil ay sii waddo duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ku hayso Marinka Qaza, ayaa militariga Israa’iil waxa ay sheegeen in hawada sare ee badhtamaha dhulka Israa’iil laga maqlay codka gantaallada laga soo ganay dhanka Qasa. “Malaayiin Israa’iiliyiin ah ayaa ka ordaya sidii ay uga gamban lahaayeen bambooyinka,” ayaa lagu yidho qoraal la soo dhigay barta X, oo horey loo odhan jiray twitter isla markaana ay leeyihiin milatariga Israa’iil. Millatariga Israa’iil ayaa dhawaan sheegay in 8,000 oo gantaal lagu soo riday Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar. Source
  9. Booliiska Turkiga ayaa Sunta dadka kaga ilmeysiisa u adeegsaday shacab badan oo ku mudaharaadayey saldhiga Mareykanka dalkaasi ku leeyahay. Mudaharaadkan oo lagu taageerayey Falastiin ayaa lala beegsaday Saldhiga Mareykanka oo ku yaalla duleedka magaalada Incirlik ee koonfurta Turkiga. Dadka mudaharaadayey oo banaanbaxooda ka bilaabay magaalada Incirlik ayey booliiska horjoogsadeen markii ay ku dhawaayeen saldhigan ciidanka Cirka. Saldhigan ku yaalla koonfurta Turkiga ayaa waxaa inta badan adeegsada diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo UK, maadaama u dhaw yahay Bariga Dhexe. Dalka Turkiga waa wadanka kaliya ee Muslimka ah ee xubinta ka ah isbaheysiga militariga reer Galbeedka ee NATO. Shacabka Turkiga oo banaanbaxyo balaadhan dhigayey toddobaadyadan ayaa kasoo horjeeda in saldhigyada dalkooda ay adeegsadaan xulafada Israel. Dhinaca kale kumanaan dad ah ayaa sidoo kale ku mudaharaaday banaanka safaarada Mareykanka ee ku taalla caasimada Ankara. Source
  10. Mogadishu (HOL) - Over ten people, including children, have died in Somalia's flash floods over the last week, according to the Somali government. Source: Hiiraan Online
  11. Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa sheegay in xalay magalada Hargiesa lagu dilay marxuum la odhan jiray Nimcaan Maxamed Cumar oo 23 jir ahaa, iyadoo middi uu ku dilay eedeysane Abshir Saleebaan Xuseen oo 17 jir ah, sida ay ku sheegeen Booliisku qoraal ay soo saareen. Booliiska ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen eedeysanaha “Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysane Abshir Saleebaan Xuseen ina Aamina ibraahim 17Jir oo ku eedaysan ina uu dilay Marxuum Nimcaan Maxamed Cumar Ina ifraax Budul 23jir Abbaaro 8:30 kii Habeenimo Xalay , Kuna dilay Middi xaafadda Sheekh Cumar. Dedaal dheer iyo hawlgal ay sameeyeen Ciidanka Boolisku ayay kusoo qabteen Eedaysanaha Magaalada Wajaale iyo Gabilay dhexdooda halkaasi oo uu doonaayo ina uu ka talaabo xadka Somaliland iyo DDS. Haddana waxuu ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska. Dhanka kale Ciidanka Boolisku ayaa gacanta kusoo dhigay 4Afar Eedaysane oo ninkaa dilka gaystay la socday kuna Eedaysan ina ay gacan siiyeen , Waxaanay kala yahiin 1-Cabdiraxmaan Farxaan Xasan Ina Shukri Ismaaciil 20jir , 2- Xamse Cabdilaahi Maxamed ina Farxiya Yuusuf 18jir , 3-Sayid Cabdiraxmaan Axmed Ina Saynab Axmed 20Jir , 4-Mustafe Cabdilaahi Xuseen ina Safiya Kamadiid 21jir Ciidanka Boolisku waxuu dhammaantood degdeg u horgaynayaa Sharciga eedaysanayaashaasi . Ciidanka Boolisku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta oo isku dayda amni darro iyo khalkhal galinta nabadgalyada in uu gacan bir ah ku qaban doono sharcigana horgayn doono.” Source
  12. Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo ay si wadajir ah ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay maanta uga sameeyeen deegaano dhaca xadka gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe. Howlgalladan ayaa waxaa hoggaaminayay Cabdulle Maxamuud Cabdi iyo Khaliif Cumar Macallin Nuur oo kamid ah saraakiisha ku sugan furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga degmada Ruun-nirgood iyo bariga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Ciidamada huwanta ayaa howlgallo culus qaaday ayaa gudaha u galat dhulka hawdka ah ee u dhexeeya labada gobol, halkaas oo ay muddo ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay la wareegeen deegaano dhowr ah oo ay ka mid yihiin Hilowle Gaab, Dumaaye, Kalabeyr iyo Xaaji Gacal kuwaas oo saddex jiho uga beegan degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Cabdulle Maxamuud Cabdi oo hoggaamiyaha ciidamada deegaanka ee bariga gobolka Galgaduud oo warbaahinta dowladda ugu warramay aagga deegaanka Dumaaye ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi iyo guulaha ay haatan kasoo hoyeen ciidamada huwanta ah. Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay sii baacsan doonaan xubnaha Al-Shabaab ee laga saaray dhulkaasi, ayna soo qab-qaban doonaan, sida uu hadalka u dhigay/ “Gacan bir ayaa lagu qabanayaa meesha galaana waa looga daba tegi doonaa, haddii la qabtana sharciga ayaa la marsiin doonaa” ayuu yiri Cabdulle Maxamuud Cabdi. Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud ayaa kamid ah gobollada ay sida weyn uga socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay guulaha ka gaareen ciidamada huwanta ah. The post Daawo: Al-Shabaab oo laga saaray xadka Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe appeared first on Caasimada Online.
  13. (HOL) - The Government of Somalia is competing for a non-permanent seat on the United Nations Security Council, a position that if Somalia is successful, it will hold until 2026. The seat Somalia is vying for is designated for Africa, and more specifically, it will be allocated to a country in East Africa. Source: Hiiraan Online
  14. Muslim leaders and worshippers are on edge after a fire at the property of the Mercy Islamic Center. Source: Hiiraan Online
  15. Twelve staff officers recently deployed to the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) have successfully completed a rigorous five-day induction and are fully prepared to contribute to the mission’s goals. Source: Hiiraan Online
  16. Thousands of people are trapped in flooded areas following heavy rains in Somalia's Jubbaland state, the UN's humanitarian agency says. Source: Hiiraan Online
  17. Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxaa ayaa shaaciyay in uu si guul ah ku dhammaystirmay wejiga kowaad ee hannaanka doorashooyinka qof iyo cod oo lagu doortay golayaasha degmooyinka. Wasiir Juxaa ayaa sheegay in wejiga kowaad ee doorashooyinka ku dhisan hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod lagu doortay 33 degmo oo ka tirsan Puntland, islamarkaana uu si guul ah ku dhammaystirmay. “Geeddi-Caano leh wejigiisi hore ee golayaasha degaanka guul ayuu ku soo dhammaaday, geeddiga dimuqoraaddiyaduna waa ka soo baxay caloosha hooyadiis ninkii is yiraahda dib ugu celina waa nin aan weli dhalan isaga ruuxiisu” ayuu yiri Juxaa. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in aan marnaba la hakin doonin hannaanka doorashooyinka qof iyo cod lana dhammaystiri doono wejiga xiga, waxaase uu tilmaamay in ay jiraan qaladaad ka imaan kara barnaamijkan, kuwaas oo lagu saxayo wada-hadal iyo is qancin. “Waxaan marna suurta-gal ahayn, oo reer Puntland aysan u qalmin in qolkii madoobaa ee mugdiga ahaa, ee dhabarka la isu xoqayay ee lacagta laaluushka ah lagu tirinayay in dib loogu noqdo marnaba suurta-gal maaha”. ” Waan ogolnahay in aan ka wada-hadalno tusaalaha dhexdeena yaalla, gorgortan baan ogolnahay wada-xaajood baan ogolnahay, meel dhexe baan ogolnahay, laakiin waxaan marna suurta-gal ahayn in xero laga guuray dib loogu noqdo” ayuu sii raaciyay wasiir Juxaa. Hadalka wasiirka ayaa imaanaya, iyadoo weli khilaaf iyo hubanti la’aan ka taagan tahay nooca loo qabanayo doorashada madaxtimada Puntland ee sannadka 2024, oo ay ku muransan yihiin xukuumadda iyo mucaaridka. PUNTLAND POST The post Wasiir Juxaa “Puntland waa ka guurtay qolkii madoobaa ee mugdiga ahaa” appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib muddo bil ah oo uu socday dagaalka Xamaas iyo Israa’iil, dawladda Soomaaliya ayaa ka hadashay, iyada oo raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu taageero u muujiyey ururka Xamaas oo ay qaar ka mid ah dalwdaha Reer-galbeedku u aqoonsan yihiin argagixiso. Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa Talaadadii ka hadlay qadiyaddan isaga oo khudbad ka hor jeedinyay culumo, wuxuuna yiri hadal caalamka ku baahay oo ahaa in aysan Xamaas marnaba argagixiso u aqoonsanayn ”xitaa hadii kurka nalaga jarayo”. Hase yeeshee tani waxay dhalisay laba hadal hayn; midi waxay ahayd hadalka laftiisa oo ku baahay warbaahinta caalamka kadibna baraha bulshada isaga oo lagu turjumay luuqado badan, halka hadal haynta kale ay ahayd walaac ay dadka qaar ka qabaan sida uu diblomaasiyad ahaan u saamayn karo Soomaaliya oo ku tiirsan deeqaha dalalka shisheeye. Marka hore aan fahanno taageero intee dhan ayey Soomaaliya ka heshaa dalalka galbeedka, sideebuuna hadalka raysal wasaaruhu u saamayn karaa taageeradaas? Taageerada Soomaaliya ay ka hesho dalalka Reer-galbeedka Waxaan ognahay in dhaqaalaha Soomaaliya uu inta badan ku tiirsan yahay taageerada ay siiyaan dalalka shisheeye iyo ururrada caalamiga ah. “Waxay kabaan dalalkani misaaaniyadda dawladda Soomaaliya, waxay bixiyaan mushaharka shaqaalaha dawladda iyo sidoo kale kaalmooyin kale oo badan sida hormarinta iyo kaalmada bini’aadannimo ee la siiyo dadka gudaha ku barakacay,” ayuu yiri mas’uul hore oo dowladda Soomaaliya ka tirsanaa, codsadayna in magaciisa la shaacin. Soomaaliya waxaa sidoo kale laga taageeraa dhanka la dagaallanka al-Shabaab, iyada oo Maraykanka iyo Turkigu ay yihiin dalalka siiya taageerada ugu weyn ee dhanka amniga. Miisaaniyadda Soomaaliya ee sannad maaliyadeedka 2023/2024 waxay ahayd $950 milyan oo doollar. Qiyaastii $283 milyan oo kaliya ayaa kasoo gashay canshuurta iyo dakhliga kale ee ay dawladdu qaadday, sida uu mas’uulkan sheegay. Beesha caalamka oo ay ugu weyn yihiin Maraykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo hay’adaha sida Bangiga Aduunka oo lagu daray Turkiga, ayaa ku deeqay dhaqaale gaaraya $637 milyan oo doollar. Haddaba marka laga hadlayo dalal Reer-galbeedka, sida Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub; waxay la baxeen qiyaastii 30% misaaniyadda dalwdda Soomaaliya oo dhan. Siduu u saamayn karaa hadalka raysal wasaaruhu taageeradan? Markii uu bilowday dagaalka Xamaas iyo Israa’iil toddobadii bishii dhammaatay ee Oktoobar, waxaa isla markiiba caddeeyay mowqifkiisa dalka Maraykanka, oo hore u dhihi jiray, ”weerar Israa’iil lagusoo qaaday wuxuu la mid yahay mid Maraykanka lagusoo qaaday” wuxuuna sheegay inuu taageero dhinac walba ah la garqab taagan yahay Israa’iil isla markaana wuxuu soo diray taageero mila tari iyo mid dhaqaale. Intaas waxaa xigay dalalka kale ee sida Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo iyaguna garab istaagay Israa’iil, kuna cambaareeyay ururka Xamaas inay soo qaadeen weerar argagixisanimo ah. Dalalkan aan hadda sheegnay waa isla kuwa aan kor kuso xusnay inay bixiyaan taageerada ugu weyn ee ay Soomaaliya ka hesho caalamka. Waxaa bulshada Soomaalida siiba kuwa siyaasadda ka dhex bilowday walaac ku aaddan saamaynta ay ku yeelan karto Soomaaliya; kala duwanaanshaha mowqifka Soomaaliya iyo dalalka ay ugu tiirsan tahay dhaqaalaha iyo weliba amniga. Dr Axmed Zaki Faarax Iidle oo ka faallooda arrimaha Bariga Dhexe oon wax ka wadiinnay wuxuu yiri: “Isaga oo muujinaya taageera buuxda iyo mowqifka dawladdiisa iyo dareenka shacabkiisa ayuu isticmaali karaa kalmadaha diblomaasiyiinta loo oggolyahay inay isticmaalaan, micnaha isaga oo aan caadifad hadlin ayey ahayd inuu si toos ah u taageero shacabka Falastiiniyiinta ah” ayuu yiri Dr Axmed. Haddaba dhinacyada ugu muhiimsan ee ay dadka qaar ka cabsi qabaan in ay Soomaaliya ka saamayso mowqifkeedu ayaa ah, qorshihii deyn cafinta Soomaaliya oo la filayey inay bisha Diseembar ee inagusoo aaddan laga cafiyo inta ugu badan. Ka sokow Maraykanka oo isagu deyn badan ku leh Soomaaliya waxaa jira urur la yiraah Paris Club kaas oo ay ku mideysan yihiin dalalka deynta ku leh Soomaaliya, waxaana dalalkan hoggaaminaya Faransiiska oo isaguna si buuxda u taageersan Israa’iil. ”Saamayn ballaaran oo hadda la arki karo oo ay ku yeelan karto ma leh, laakiin ururka Paris Club waxaa gadh wadeen ka ah Faransiiska oo si buuxda u taageeray Israa’iil,” ayuu yiri Dr Axmed. “Marka waxaa laga yaabaa in culayska dhanka deyn cafinta ah uu kaga yimaaddo” ayuu sii raaciyey Dr Axmed Zaki Faarax oo ka hadlayey hadii ay jirto saamayn gaar ah oo laga yaabo in hadalka raysal wasaaruhu u keeno deyn cafinta Soomaaliya. Isha: BBC The post Saameyn miyuu Soomaaliya ku yeelan karaa hadalkii R/W Xamza ee ururka Xamas? appeared first on Caasimada Online.
  19. Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur galbeed oo uu xalay ka da’ay roob mahiigaan ah oo daadad xooggan dhaliyey ayaa sababay in ay kala go’aan xaafadaha Magaalada. Daadad ka soo rogmaday isha Baydhabo ayaa gudaha u galay xaafadaha Magaalada waxaana dumay guryo badan oo dad shacab ah ay deganaayeen, barakac xoogleh ayaana saaka ka jira xaafadaha qaar. Roobabkan ayaa sidoo kale Sababay Barakac xooggan oo ka dhacay Degmada Xuddur ka dib markii Biyo Xooggan soo galeen Xafaddaha Degmada. Dhanka kalena Waddada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa ka go’day deegaan lagu magacaabo Jameeco oo u dhaw Buur-hakaba waxaana halkaas ku go’doonsan gaadiidkii dadweynaha ee labada magaalo u kala safrayey. PUNTLAND POST The post Khasaare ka dhashay daadad ku fatahay magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  20. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan albaabadu u xiran yihiin ka yeelanaya xaaladda ka sii daraysa ee Qasa. Shirkan ayaa waxaa dalbaday Imaaraadka Carabta iyo Shiinaha,sida lagu baahiyay barta Golaha Golaha Ammaanka ee SCR. Israa’iil ayaa waydiisatay Maraykanka in ay helaan 24,000 oo qoryo ah, sida uu sheegay wargeyska New York Times. Codsigan waxaa walaac ka muujiyay Congress-ka iyo saraakiisha waaxda arrimaha dibadda, maaddama ay aaminsan yihiin in Israa’iil laga yaabo inay hubkan u qaybiso dadka rayidka ah ee deggan Daanta Galbeed. Tani waxay kordhinaysaa xiisadda haddii Israa’iiliyiinta rayidka ah u adeegsadaan hub si ay u weerarraan Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed. PUNTLAND POST The post Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta ka shiraya xaaladda Marinka Qasa appeared first on Puntland Post.
  21. Guddoomiyaha degmada Baardheere oo sheegay in roob ka da’ay guud ahaan gobolka Gedo uu sameeyn ku yeeshay Shacabka. Waxaa isa soo tarayo samaynta ka dhalatay Roobka deyrta oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay degaanno badan oo ka tirsan gobolka Gedo. Roobabka waxaa ka dhashay fatahaado iyo daadad geystay qasaare dhimasho iyo bur-bur hantiyeed, waxana meelaha qaar laga soo warinayaa in ay jiraan barakac xooggan Guddoomiyaha degmada Baardheere Maxamed wali Yuusuf Qorax ayaa sheegay in xaalad adag ay ka jirto degmada iyo guud ahaan gobolka waxa uuna dowladda iyo Maamulka jubaland ugu baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro Qoysaska oo roobka sameeyay. Wararka waxa ay intaa ku daraya in laga cabsi qabo in ay go’do Buundada degmada Baardheere oo biyuhu buux dhaafiyeen. PUNTLAND POST The post Daadadka Roobka oo saamayn ku yeeshay guud ahaan Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.
  22. Hargeysa(Qaran news)- Waxa baraha bulshada ka socda ololeyaal qarsoodiya oo lagu kala dilayo ummadda reer Somaliland ee walaalaha ah. Taasi oo loo baahan yahay in laga taxadaro. Tusaale ahaan toddobaadkii u dambeeyay waxa kooxahani ay ku foognaayeen inay baraha bulshada ka aragti dhiibtaan iyagoo samaysanaysa facbookyo been abuura, waxa ay iska dhigayeen reer Gabiley, Hargeysa iyo meelo kakeba dadka ku dhaqan waxana ay caayayaan reer Awdal oo ay ku tilmaamayaan la haysteyaal aan ka hoos bixi karin reer Sh. Isaxaaq. Taasi oo ah isku dhufasho iyo munaafaqad ku xun diinta iyo dhaqankaba. Sidaas darteed, waxa loo baahan yahay in laga digtoonaado dhagarahaas ummadda lagu kala dilayo. Reer Awdalna waa qalbiga iyo wadnaha Somaliland, haddii ay JSL ciddi sheeganaysana iyagaa ah saamileyda koowaad ee Somaliland, waxaba habboon in arrintaasi bulshadu ku baraarugsanaato. Qaran News
  23. Dood ku saabsan Somaliland Qorshe ka yeelan kartaa Mamnuucista Qishka Imtixaanaadka oo la Shaaciyay Hargeysa(Qaran)-Ismaaciil Axmed oo ah aasaasaha Worldremit, ayaa sheegay in beri ay Twitterka ku qabanayaan dood ku waajahan Somaliland qorshe ma ja yeelan kartaa suulinta qishka imtixaanaadka. Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada oo u qirnatd sidan:- “Dadka Soomaalida ilaa 70% ayaan helin waxbarasho dugsi. Kuwa dugsiyada galaa na, ma helaan waxbarasho tayo leh, taasi oo keenta in intooda badani aanay si fiican u akhriyi karin sheeko yar oo fudud oo af Soomaali ah marka ay dugsiyada dhexe gaadhaan. Dalka Itoobiya labadii sano ee u dambeeyay waxa la dhaqangeliyey nidaam suurageliyey in uu joogsado qishkii imtixaannada dugsiyada sare. Tani waxay keentay in ay dhacaan 97% ardaydii imtixaannada galay. Deegaanka Soomaalida isaga 0.3% oo keliya ayaa gudbay imtixaannada. Waddankii u horreeyey Afrika ee sameeyey tijaabadan lagula dagaallamayo qishku wuxu ahaa Liberia. Sannadkii 2013 ardaydii u fadhiisatay imtixaannada dugsiyada sare oo dhammeyd 25,000 ayaa gebi ahaanba wada dhacay. Hal arday oo jaamacad u gudbey muu jirin sannadkaasi. Tallaabadani waxay keentay in sannadihii dambe tayada waxbarashadu kor u kacdo. Somaliland ayaa iyadu ku talo jirta in ay tallaabadan oo kale samayso. Waxa isweydiin leh haddii imtixaannada qaabka loo qaadayo la adkeeyo oo qishka na la joojiyay, waa maxay natiijada la filan karaa? Dood arrimahan ku saabsan ayaannu ku qaban doonnaa X (Twitter) Space, maalinta Isniinta ee 6da Noofamber 8da fiidnimo.” Qaran News
  24. Shaqaalaha Deegaanka oo loo Furay Tabaabar Muhiim u ah Shaqadooda Hargeysa(Qaran news)- Wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland ayaa tababar ku saabsan sidii tignoolajiyadda casriga ah loogu addeegsan lahaa arrimaha deegaanka u furtay xubno ka tirsan shaqaalaha wasaaradaasi. Tababarkani oo socon doona muddo san maalmood ah ayaa loo qabtay 15 qof oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda Deegaanka. Tababarkani ayaa mudadda socdo waxaa lagu barran doonaa sidii tignoolajiyadda casriga ah loogu addeegsan lahaa arrimaha deegaanka. Iyadoo na tababarkani uu qayb ka yahay kulamo is-daba joog ah oo la xidhiidha maarayta deegaanka, biyaha, iyo masiibooyinka dabiiciga ah. Kaasoo ay si wada jir ah iskaga kaashanayaan wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda Somaliland iyo haayadda UNDP. Aadan Axmed Xasan, agaasimaha waaxda ilaalinta Deegaanka, ee wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda Somaliland oo tababarkaasi furay ayaa sheegay in addeegsiga GIS-ka Geography information system, iyo deegaanku aanay kala maar-min. “Arrinta GIS-ka Geography information system, iyo deegaanku ma kala maar-maan. Waayadan danbe saamaynta ka dhalatay isbeddelka cimiladu waxay deegaanka ku keentay dhibaatooyin aad u fara badan. Waxaana ka mid ah roobabka oo da’aya xili aan ahayn wakhtigii looga bartay, Dabaylo, iyo dil-dilaac dhulka ku yimid, iyo Carro-guur fara badan. Dhamaanba waxyaabahaasi waxaa loo aanaynayaa in ay sabab u tahay isbedelka cimiladu” ayuu yidhi Aadan Axmed Xasan. Waxa kaloo uu sheegay Aadan Axmed Xasan, in GIS-ka loogu tallo galay inuu fududeeyo in la heli karo xogta arrimaha deegaanka ee xiligan la qaadayo, iyo wixii ka horeeyay. iyadoo na lagu ogaanayo isbedelka deegaanka ku yimid. Waxaanu yidhi “Tababarkani waa tababar aad ugu muhiim ah arrimaha deegaanka, iyo isbedelka cimiladda iyo waxyaabaha la xidhiidha. GIS-ka waxaa loogu tallo galay, waa hab computerized ah, oo casri ah. Waxaanu fududaynayaa in aad heli karto xogta xiligan aad qaadayso, iyo wixii ka horeeyay, oo aad ku ogaanayso isbedelka deegaanka ku yimid. GIS-ku waa tool aad muhiim ugu ah wakhtigan casriga ah in xogta deegaanka lagu kaydiyo, la na ogaado maxaa isbedelay”. Ayaanle Shucayb, oo ka mid ah la taliyeyaasha wasaaradda Deegaanka Somaliland ee mashruucani, oo furitaanka tababarkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay muhiimadda mashruucani, iyo waxyaabaha uu ka shaqaynayo. Waxaanu sheegay in mashruucani uu ka shaqaynaya arrimo isku dhafan, oo ay ka mid yihiin maaraynta arrimaha deegaanka, biyaha, iyo maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah. Waxaana mashruucan maal-gelisay dawladda Sweden, halka ay hirgelintiisa iska kaashanayaan wasaaradda Deegaanka JSL, iyo haayadda UNDP. Waxaanu yidhi “Tababarkani wuxuu ka mid yahay shirarkii soo socday. Mashruucani ayaa ka shaqaynaya arrimo isku dhafan. Kuwaasoo ay ka mid yihiin maaraynta arrimaha deegaanka, biyaha, iyo maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah. Mashruucani waxaa maal-gelisay dawladda Sweden. Waxaana hirgelintiisa iska kaashanaya wasaaradda Deegaanka JSL, iyo haayadda UNDP. Tababarkan aan u joognaa waxa uu daaran yahay sidii GIS-ka ama aqoonta casriga ah ee tignoolajiyadda loogu isticmaali lahaa maaraynta arrimaha deegaanka la xidhiidha. Haday tahay dhibaatooyinka inaga haysta isbedelka cimiladda, iyo dhibaatooyinka kale ee deegaan ee ay abaarraha soo noq-noqday ka midka yihiin, iyo dhir jarista”. Geesta kale Cabdi Abokor Yuusuf, oo ka socday haayadda UNDP ayaa ka hadlay ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo adeegsiga tignoolajiyadda casriga ah ee maaraynta arrimaha deegaanka la xidhiidha. Waxaanu yidhi “Tababarkani oo lagu baranayo cilmiga GIS-ka, waa mid aad iyo aad u muhiim ah. Waa tababar aynu doonayno baahida deegaan ee ina haysa ama baahida aynu u qabno xog ururin la xidhiidha khayraadka dabiiciga ah. Waana tababar idin anfici doona. Rejo weyn ayaanan ka qabaav inaad ka faa’iidi doontaan. U jeedadda ugu weyn ee laga leeyahay tababarradan waxaa ka mid ah in deegaanka, iyo khayraadka dabiiciga ah labada ba in aynu u addeegsano tignoolajiyadda casriga ah ee xogta lagu ururiyo. Cilmigaasi Juquraafiga oo adduunyadu horumar ka gaadhay, oo xogta ayaa lagu ururiyaa. U jeedadu na waxa weeye xogtaa la qaaday in horumar lagu sameeyo”. “Tusaale ahaan deegaanka oo kale marka la doonayo in horumar laga sameeyo, waxaa loo baahan yahay in la daba gallo isbedelka deegaanka ku dhacaya, iyo haday tahay Dhulka iyo ka war hayntiisa, iyo caqabadaha ama dhibaatooyinka Dhulka soo waajaha. Waxaana ka mid ah Carro-guur baa ku dhaca, jeex-jeexyo ayaa ku yimaada, oo wax badan ayaa iska bedela Dhulka, iyo waxyaabaha guudkiisa saaran”ayuu yidhi Cabdi Abokor. Qaran News