-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiir Cali Xoorxoor oo ka Qaybgalay Kulan dib loogu eegayay Hawlqabadyadii Arrimaha Carruurta Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Mudane Eng Cali Cumar Maxamed ( Eng Cali xoorxoor) ayaa ka qaybgalay kulan ay goobjoog ka ahaayeen badiba daneeyayaasha arrimaha carruurta. Ujeeddada kulanka oo ahaa dib u eegista hawl qabadyadii Arrimaha Caruurta ee sanadka 2023, iyo waxyaabihi ka qabsoomay, dhanka kale waxaa kulankaa goob joog ahaa saraakiil ka socotay xafiiska hay,adda caalamiga ah ee arrimaha caruurta ee UNICEF. Muddadii kulankaasi socdayna waxaa diirrada lagu saarayey arrimaha mudnaanta u leh guud ahaanba caruurta, qorshayaasha lagu garab istaagayo iyo sidii hay,add waliba uso bandhigi lahayd duurka ay ka qaadatay dadaalada la xidhiidha arrimaha carruurta. Qaran News
-
Gaza (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeeyay 450 bartilmaameed oo ay laheyd Xamaas, kuwaas oo ku yaalla Gaza, sida ay sheegteen ciidamada Israel. Israel ayaa sidoo kale sheegtay inay la wareegeen xarun ay ku sugnaayeen Xamaas 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyada oo wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ay sheegtay in duqaymaha cirka ay ku dhinteen tobannaan qof. Wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters oo ku sugan marinka Gaza ayaa ku tilmaamay duqeynta cirka, dhulka iyo badda ee habeen hore middii ugu xoogganeyd tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaanka ay kaga jawaabayso weerar lama filaan ah oo ay Xamaas ku qaadday koonfurta Israa’iil bil ka hor. Saraakiisha caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegay in inka badan 10,000 falastiiniyiin ah lagu dilay dagaalka, kaas oo billowday markii Xamaas ay dishay 1,400 oo qof ayna qabsadeen in ka badan 240 laheyste toddobadii bishii hore. Diidmada xabad joojinta oo ay Israa’iil shuruud uga dhigtay sii deynta dadka u afduuban Xamaas, ayaa wajahday cadaadis joogto ah. Wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA ayaa sheegtay in duqeymaha Israa’iil ay yihiiin ‘kuwa aan horay loo arag” halka shirkadda isgaarsiinta ee Paltel ay sheegtay in mar kale la jaray isgaarsiinta iyo adeegyada internetka. Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in tobannaan qof ay ku dhinteen duqeymaha cirka ee Israa’iil ay ka geysatay magaalada Gaza, iyo dhanka koonfureed ee xaafadaha Gaza sida Zawaida iyo Deir Al-Balah. Baaqyada Caalamiga ah ee ku aaddan xabbad-joojin laga hirgeliyo Gaza ayaan weli loo dhega nuglaan, taasoo ka horjoogsatay dadka reer Gaza wax kasta oo magaalada gali jiray marka laga reebo tira yar oo gargaar bani’aadnimo ah. Reuters The post Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka MARINKA GAZA appeared first on Caasimada Online.
-
Former Petroleum Minister Mohamed Mukhar authored an opinion piece that appears to undervalue the strides Somalia has taken in its post-conflict recovery. The article presents a critical perspective on Somalia's challenges with implementing agreements, policies, laws, and international conventions since the establishment of its federal government institutions in 2012. To present facts accurately, it is important to acknowledge different perspectives and acknowledge the progress Somalia has achieved despite challenging situations. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Maareeye ku xigeenkii Golaha Murtida iyo Wacyi galinta ee Tiyaatarka Qaranka Maxamed Xasan Barrow ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Allaha u naxariistee Maareeye Barrow ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanayey magaalada Nairobi oo ugu dambeyn uu caawa ku geeriyooday. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Daa’uud Aweis Jaamac ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska , ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Xasan Barrow oo ka tirsanaa Hobollada Qaranka ee Waaberi. Wasiirka ayaa Marxuumka Alle uga baryey inuu naxariistiisa janno ku irsaaqo, ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna Samir iyo iimaan ka siiyo. Maareeye Barrow ayaa ahaa fanaan weyn, abwaan iyo xubin firfircoon oo 30-kii sano ee lasoo dhaafay ka dhex muuqday fanka. Marxuumku wuxuu ka mid ahaa fanaaniintii guubaabada u qaabilsaneed shirkii taariikhiga ahaa ee lagu soo dhisay dowladnimada hadda jirta ee Soomaaliya, kaas oo lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Heesihii cajiibka ahaa ee uu wax ka qaaday waxaa ka mid ahaa Heestii “Darajo iyo xil yaa midan” heestaas waxaa sameeyey Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf, waxaana lagu baadi hoobayey masuulkii loo dooran laha samata bixinta Soomaaliya. Dalka ayaa lagu kala tegay oo waxaa xiligaas lasoo yabyabay dowladnimo Soomaaliyeed, wuxuuna ka mid ahaa hobolladii Waaberi ka joogtay waayihii adkaa ee qaran dhiska. The post Maareeye ku xigeenkii Tiyaatarka Qaranka oo caawa ku geeriyooday magaalada… appeared first on Caasimada Online.
-
Guriceel (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhinteen inta la xaqiijiyey ilaa 4 kalena ay ku dhaawacmeen is rasaasayn caawa dhacday. Israsaaseyntaan ayaa caawa dhex martay ciidamada amniga iyo kooxo budhcad ah, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliska. Iska hor imaadka ayaa ciidanka booliska iyo kuwa nabad sugidda oo dhinac ah wuxuu dhex maray kooxdan lagu tilmaamay dabley hubaysan oo burcad lagu sheegay. Iska hor-imaadkaan ayaa dhacay kadib markii ay ciidamada amnigu bilaabeen hawlgal ay doonayeen inay ku sameeyaan hub ka dhigis. Mid ka mid ah labada dhimasho ayaa la xaqiijiyey inuu yahay askari ka tirsan booliska halka kan kale uu yahay qof shacab ah. Weli lama shaacin tirada rasmiga ah ee khasaraha, waxay wararku nagu soo gaarayaan in laba ka mid ah dadka dhaawacmay ay yihiin shacab, halka laba kale ay yihiin askartii hawlgalka ku jirtay. Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la gaarsiiyay isbitaalka Al-shifa ee magaalada Guriceel. Ciidamada amniga ayaa hadda wada hawlgal lagu baadi goobayo raggii sameeyey iska caabinta hey’adaha amniga ee geystay khasaarahaan. The post Dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay dagaal caawa ka dhacay Guriceel appeared first on Caasimada Online.
-
Xisbiga WADDANI oo Cambaareeyay Wiil Dhallinyaro ah oo lagu Xidhay Boorame Boorame(Qaran news)- Xisbiga WADDANI, ayaa cambaareeyay xadhiga wiil dhallinyaro ah oo lagu xidhay Boorama, isaga oo ku baaqay in aan dhallinyarada aan la cabudhin. Afhayeenka Xisbiga Maxamed Faarax Cabdi, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boorama, ayaa xukuumada uga digay in ay dhallinyarada cabudhiso. Waxaanu yidhi.”Waxaanu leenahay waar halaga daayo dhallinyarta cabudbinta, waar ha laga daayo dhallinyarta la xidhayo, cabudhinkasta waxay samaynaysa in umadu sii kacdo, umada ka daaya waxa aad rabtaan in aad marsiisaan, umada dhagaysta” Waxa uu sheegay in shacabka reer Awdal ay la dareenyihiin xisbi ahaan, isla markaana ay doonayaan wixii reer Awdal ay Somaliland ku lahaayeen. Wasiirada iyo saraaakiisha reer Awdal ee ku jira xukuumadda oo qaar kamid ahi Boorama hadda ku sugan yihiin, ayuu sheegay in ay dhallinyaradii kusoo noqdeen oo ay xidhxidhanayaan. Waxa uu ugu danbayntii, Shacabka reer Awdal u sheegay in ka xisbi ahaan ay ogyihiin waxa ka maqan gobolka Awdal isla markaana, ay sixi doonaan saami qaybsiga. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Faahfaahino hor dhac ah ayaa laga helayaa weerar caawa ka dhacay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho. Jugta qaraxyo waaweyn ayaa goordhow laga qamlay gudaha degmada Shangaani, waxaana laga helayaa warar hordhac ah. Sida ay nagu soo gaartay xogta qaraxyadaan koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday gurigii hore ee degmada Shangaani uu ka deganaa Allaha u naxariistee Siyaasi Maxamed Dheere. Ilaa hada lama iga khasaaraha ka dhashay weerarkaas oo ay fulisay koox wadata mooto Bajaaj. Kooxdii fulisay weerarkaas banbooyinka loo adeegsaday ayaa goobta ka baxsatay, mana jirto ilaa hada cid faahfaahin ka bixisay khasaaraha. The post Xogta weerar caawa ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qayb qaataan gurmadka iyo garab istaagga Walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay fatahaadaha ka dhacay Dalka. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa si gaar ah u tilmaamay in Hay’adaha dowladda looga baahan yahay in ay si mug leh ugu istaagaan ka jawaabidda xaaladaha adag ee ay ku sugan yihiin shacabka Soomaaliyeed oo ay saameeyeen fatahaadaha. “Maanta oo kale waxaa nalooga baahanyahay midnimo, istaageerid, samafal iyo in aynu u midowno sidii aynu maal iyo muruqba isugu geyn lahayn gurmadka Walaalaha la dhibaateysan hoy la’aanta, qabowga iyo gaajada oo kuweena wax haysta ay gacan ka gaystaan gurmadka iyo gacan qabashada dadkeenna ay saameeyeen Fatahaadda.” Guddoomiyaha ayaa sidoo kale bogaadiyey abaabulka xooggan ee shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilaabeen si wax looga qabto waxyeelada ay gaysteen fatahaaduhu, isagoo ku baaqay in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda wax ku oolka ah. Baaqa Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku soo beegmaya xilli guud ahaan gobollada dalka ay da’een Roobab daadad wata, kuwaas oo ka da’ay Gobollada kala ah; Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Bay, Bakool, Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud. Share this Article Faceboo Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo dhawaan isku soo taagtay kursiga madaxweynaha baarlamaanka adduunka, kaasi oo markii dambe looga adkaaday, ayaa markale ka hadashay sida ay wax u dhaceen. Marwo oo hadal ka jeedisay kulan soo dhoweyn ah oo loogu sameeyay magaalada Nairobi, ayaa waxay ku sheegtay in madaxda sare ee dalka ula dhaqmeen si xun, islamarkaana ay qaranka dhaafiyeen kursi muhiim ah, sida ay hadalka u dhigtay. Waxay sheegtay in guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu kaga been farriimay warqadii uu tartanka uga reebay, “Waxaa ceeb ku ah in uu yiraahdo iyada ila ogeyd. Ilmo saddex jir haddii la yiraahdo warqad ayaa ka qoraya waa ku casilaya ma yeeleen, waaba anagoo intaas le’eg.” Marwo ayaa sidoo kale waxay sheegtay in iyada oo wax kasoo dooratay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sidaas loo galay, balse ay hadda rabto inay noqoto qofkii u dambeeyay ee awood dowladeed lagu maquuniyo. “Waxaa laygu yiri adoo xildhibaan ah oo wax ka doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kalsoonina siiyey guddoomiye Aadan Madoobe iyo xukuumadda ayaa sidaan dhulka lagugu jiidee maxaa moodaa dadka kale,” ayay tiri Marwo Cabdi Bashiir. Waxay intaas kusii dartay “Waxaa rabaa in aan noqdo qofkii u dambeeyay ee Soomaaliyeed ee lagu ciyaaro ama awood loo sheegto. Taariikh madow ayaa ka galnay baarlamaanka adduunka.” Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in kursigaas ay ku bedaleneyso kursiga aan joogtada aheyn ee QM, kaas oo ka dhexeeyo Soomaaliya, Tansania iyo Mauritius, ayna dowladda Tanzania ay ka heshiiyeen in Soomaaliya ay uga tanaasulaan kursiga QM. Si kastaba, arrintaan ayaa hadal heyn xooggan dhalisay kadib markii ay Marwo guul-darro kala soo kulantay tartankii ay u gashay hoggaanka baarlamaanka adduunka, ayada oo qudheedu dhabar-jebinta lagu sameeyay ku eedeysay gudoonka baarlamaanka iyo xukuumadda Soomaaliya. The post Marwo: Aniga oo Xasan wax ka doortay ayaa dhulka la igu jiidee maxaa moodaa dadka kale appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Korneel Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ka hadlay dhabar-jebinta la sheegay in lagu sameeyay Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo isku sharraxday kursiga madaxweynaha baarlamaanka adduunka, kaasi oo looga adkaaday. Koofi oo hadal ka jeediyay kulan ka dhacay Nairobi oo lagu soo dhaweynayey Xildhibaan Marwo ayaa garab istaag u muujiyay Marwo oo looga adkaaday kursigii ay u tartameysay, wuxuuna sheegay in qaranka uu dhabar jediyay, isaga oo yiri “Waxan nahay Qarankii ugu horeeyay ee qofkii u tartmayey ka codeeeyay.” “Runtii wixii dhacay aniga dowladda kama tirsani, Xildhibaan ma ihi laakiin runtii waa la hoyan weynay xanuun ayay aheyd. Xildhibaan Marwo raali ha naga ahaato ragga haddaan nahay,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Mudane Koofi. Hadalka Koofi ayaa waxaa si weyn uga fal-celiyay dadka isticmaala baraha bulshada, ayaga oo qaarkood weerar afka ah ku qaadeen agaasimihii hore, halka kuwa kalena ay ku taageereen sida uga hadlay arrintaan Haddaba, Sidee looga fal-celiyay? Abuukar Muxiyadiin Cali: “Kaalay cadaalada horteeda sxbow cidna xildhibaan iyo shaqa codeyn kuuma dirasane.” “Waxaan nahey qaran qofkaad shalay taqiin maanta isku badalaayo hadaan sidaan rabo helayn Allow wax dhowran maayee qoladii xunba xeyndaab kooda isku tuur,” ayuu yiri Maxamed Cumar Bisle. Cabdirisaaq Xirsi ayaa isna waxa uu yiri “Mahadsanid master kofi qudbad qimo badan ayad jedisay” Maxamed Abuukar Guutaale: “Maxkamadda gobolka Benaadir ayaa ku raadineyso ee maka gar baxday dhaha.” “Hab-dhaqanka guud ee siyaasiyiinta Soomaalida weeyi,” ayuu yiri Dhaqane. Xasan Xareed Diini: “Koofi waxyar dulqaado ina adeer.” “Maxkamadda imaaw koofiyoow meeshaan haka yaabyaab lahayninee,” ayuu yiri Cabdinasir oo isna weear afka ku qaaday Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Maxamed Cabdullaahi: “Xanuuun kawayn miyaaa jira in wadDanka la musuq-maasuqo.” Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxay hore uu sheegtay in kursigii Marwo la dhaafshay ay ku bedaleneyso kursiga aan joogtada aheyn ee QM, kaasi oo ka dhexeeya Soomaaliya, Tansania iyo Mauritius, ayna dowladda Tanzania ay ka heshiiyeen in Soomaaliya ay uga tanaasulaan kursiga QM. The post KOOFI oo si weyn loogu weeraray hadal uu ka jeediyay Nairobi appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland ayaa maanta u kala dirtey gobollada dalka buugaagta manhajka waxbarashada dadban kuwaas oo loo qaybin doono dugsiyada leh waxbarashadda degdega ah ee Afka qalaad loo yaqaan (ABE). Qaybinta buugtan oo ku soo aadeysa xili ay si weyn ugu baahnaayeen dusiyadan bixiya Waxbarashada manhadka ABE-ga kuwaasi oo ah buugaagtii macalinku wax kadhigi lahaa iyo kii ardeygu waxka baran la haaba. Ugu danbeyn Wasaaradda Waxbarashada Somaliland waxa faraysaa gudoomiyeyaasha gobolada iyo degmooyinka ee waxbarashadda in marka buugtaasi soo gaadho ay u qaybiyaan iskuulada leh ABE ga sida ku cad lifaaqa uu kula wareego buugta ee uu u dhiibo masuulka ka socda wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, sidoo kale gudoomiyayaasha ayaa loogu baahan yahay in ay faraan maamulayaasha in buugtaa loo qaybiyo ardeyda loogu talo galay. Qaran News
-
Gaza (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeeyay 450 bartilmaameed oo ay sheegtay inay lahaayeen Xamaas, kuwaasi oo ku yaalla Gaza. Ciidamada Israa’iil ayaa waxay sheegeen inay la wareegeen xarun ay ku sugnaayeen Xamaas 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyada oo wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ay sheegtay in duqaymaha cirka ay ku dhinteen tobannaan qof. Wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters oo ku sugan marinka Qaza ayaa ku tilmaamay duqeynta cirka, dhulka iyo badda ee habeen hore middii ugu xoogganeyd tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaanka ay kaga jawaabayso weerar lama filaan ah oo ay Xamaas ku qaadday koonfurta Israa’iil bil ka hor. Saraakiisha caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegay in inka badan 9,770 falastiiniyiin ah lagu dilay dagaalka, kaas oo billowday markii Xamaas ay dishay 1,400 oo qof ayna qabsadeen in ka badan 240 laheyste toddobadii bishii hore. Diidmada xabad-joojinta oo ay Israa’iil shuruud uga dhigtay sii deynta dadka u afduuban Xamaas, ayaa wajahday cadaadis joogto ah. Wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA ayaa sheegtay in duqeymaha Israa’iil ay yihiiin “kuwa aan horay loo arag” halka shirkadda isgaarsiinta ee Paltel ay sheegtay in mar kale la jaray isgaarsiinta iyo adeegyada internetka. Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in tobannaan qof ay ku dhinteen duqeymaha cirka ee Israa’iil ay ka geysatay magaalada Gaza, iyo dhanka koonfureed ee xaafadaha Gaza sida Zawaida iyo Deir Al-Balah. The post Israel oo kordhisay duqeymaha Gaza iyo dhimashada oo dhaaftay 9,770 appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa(Qaran news)-Qodobka koowaad ee ajandaha Kalfadhiga 83-aad ee golaha guurtida oo ah Xeerka guud ee Doorashooyinka Qaranka iyo wax ka badelka iyo kaabista xeerka Ururrada siyaasadda. Todobaadka danbe ayaa loo balamay inay guda galaan qaybinta iyo ja doodista xeerka guud ee Doorashooyinka iyo wax ka beddelka iyo kaabista xeerka Ururrada. Qaran News
-
Wasiirka Ciyaaraha oo la Kulmay Masuuliyiinta Ha’yadda Shaqaalaha Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL. Cabdiraxiim Xirsi Jaamac Dhooble ayaa maanta kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL – Civil Service Commission . Kulankan ayaa waxaa wasiirka ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL Cabdirashiid Caydiid Yaasiin , agaasimaha waaxda ciyaaraha Khadar Xaaji Yuusuf, , agaasimaha waaxda horumarinta garoomada Maxamuud Xasan Cabdillaahi Qodax, masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha dawladda oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda Khaalid Jaamac Qodax iyo Agaasimaha Guud Khaalid Mire Nuux. Ujeedada kulankan ayaa ahayd sidii loo diyaarin lahaa gunaanadka tartanka hay’addaha Dawladda oo marxaladii udambeysey maraysa, iyada oo laysla afgartay in laga dhigo ciyaarta gunaanadka ee udhaxaysa kooxda Wasaaradda Biyaha JSL Iyo kooxda Hay’adda shaqaalaha Dawladda 19bishan oo ku beegan maalin Axad ah. Halka ciyaarta lagu tartamaayo kaalinta 3aad iyo 4aad ee u dhaxaysa Wasaaradda Warfaafinta JSL Iyo Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL la ciyaari doono 18bishan oo ku beegan maalin sabti ah. Qaran News
-
Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa shaaciyay in ilaa iyo hadda in ka badan 10,000 kun oo rayid ah lagu dilay duqaymaha ba’an ee ku socda marinka Qasaa. Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegaysa in marba marka ka danbaysa ay sii kordhayaan rayidka u badan dumarka iyo carruurta ee ku dhimanaya duqaymaha joogtada ah ee Israail ku hayso magaalada go’doonsan ee Qasaa. Wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA ayaa mas’uuliyiinta caafimaadka ka soo xigatay in duqeymaha Israail ay yihiiin ‘kuwa aan horay loo arag” halka shirkadda isgaarsiinta ee Paltel ay sheegtay in mar kale la jaray isgaarsiinta iyo adeegyada internetka. Dhinaca kale, Baadariga Pope Francis ayaa baaq degdeg ah ka soo saaray duqaymaha ku socda marinka Qasaa si loo joojiyo xasuuqa isaga oo ku baaqay gargaar bini’aadantinimo iyo in la caawiyo dadka dhaawaca ah. “Waxaan si joogto ah uga fikirayaa xaaladda khatarta ah ee Falastiin iyo Israa’iil oo dad badan ay ku naf waayeen, waxaan idinkugu baaqayaa inaad rasaasta ku joojisaan magaca Ilaahey,” ayuu u sheegay dad isugu soo baxay fagaaraha St. Peter’s Square. Francis, oo 86 jir ah, ayaa horay ugu baaqay in la furo waddooyinka bini’aadantinimo, wuxuuna sheegay in xal laba dowladood ah ay lagama maarmaan tahay, si loo soo afjaro dagaalka u dhaxeeya Israail iyo Falastiiniyinta. PUNTLAND POST The post Israail oo in ka badan 10,000 kun oo Falastiiniyiin ah ku dishay marinka Qasaa appeared first on Puntland Post.
-
Nayroobi, (Qaran news)-Weftigii Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ee ku sugnaa magaalada Nayroobi ee dalka Kiiniya ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay kulamo shaqo la yeeshay maareeyayaasha waxbarashadda ee dalkaasi u qaabilsan deeqaha midowga Yurub. Kulankan ayaa ahaa kii 2aad ee muddo saddex maalmood gudahood ah ay wada yeeshaan labada dhinac iyo Hay’adda Deeqaha Maraykanka u qaabilsan ee USAID. Waxaanay intii kulammadaasi socdeen dhinacyadu isla qaateen horumarinta waxbarashadda Somaliland ee shanta sannadood ee soo socda (2024-2028) Kuwaas oo ay ka mid yihiin 1. Dhismayaasha dugsiyada. 2. Taageerada kharashka waxbarashada ee ardayda danyarta ah. 3. Dheellitirka waxbarashada (Hablaha, baahiyaha gaarka ah, hibada, barakacayaasha, qaxootiga iyoreer miyiga) 4. Adeegsiga tablets ee waxbarashada baahiyaha gaarka ah. 5. Horumarinta farsamada gacanta iyo xirfadaha. 6. Xoojinta maamul daadejinta waxbarashada. 7. Diyaarinta iyo adeegsiga xogta si loo gaadho go’aammo xaqiiqo ku salaysan. Ugu dambayn waxa ay dhinacyadani gorfeeyeen dedejinta iyo fulinta mashaariicdaasi kala duwan ee ay ka wada shaqaynayaan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kulan deg deg ah la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed. Kulankaan ayaa ahaa mid looga jawaabayo dhibaatooyinka ay sababeen roobabka dayrta ee ka da’aya qaar kamid ah gobollada dalka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Kulanka ayaa lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee ay sababeen roobabka, waxaana ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey ku dhintay daadadka iyo fataahadaha ka da’ay qaar kamid ah gobollada dalka, dadka gaaraya 25 ruux, iyada oo ay saameyn ku yeesheen 717, 825 kun oo qof. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii dari karto, maadaama ay soo wajahan yihiin roobab iyo daadad cusub sida ay tilmaameyso saadaasha iyo digniinaha soo baxaya. Mudane Saalax ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo xeelad walba oo gurmad loogu fidin karo meelaha ay go’doomiyeen daadadka iyo fatahaadaha is wata . Ganacsatada Soomaaliyeed ee kulanka ka qeyb-galay ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin gurmadka walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fataahadda iyo daadka ay sababeen roobabkii dayrta ee ka da’aya dalka. Meelaha ugu daran ee ay saameeyeen daadadka iyo fataahada, ayaa waxaa kamid ah Gobollada kala ah; Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Bay, Bakool, Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud. Si kastaba, kulankaan ayaa imanaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay shalay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, islamarkaana sheegtay in xilligaan ay halis weyn ka jirto dalka. The post Faah-faahinta kulan deg deg ah oo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The Somali military court sentenced a former government soldier to death and another police officer to five years in prison on Monday for killing a police officer. Source: Hiiraan Online
-
Xaafadaha magaalada Baydhaba oo kala go’ay kadib markii ay…
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa xalay ka da’ay roob mahiigan ah oo dhaliyay khasaare kala duwan. Roobka ka da’ay magaalada Baydhabo oo daadad xooggan dhaliyey ayaa waxa uu sababay in ay kala go’aan xaafadaha magaalada. Daadad ka soo rogmaday isha Baydhabo ayaa gudaha u galay xaafadaha magaalada, waxaana dumay guryo badan oo dad shacab ah ay deganaayeen. Sidoo kale barakac xoog leh ayaa maanta ka jira xaafadaha qaar ee magaalada Baydhabo, sida ay sheegeen dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta. Dhinaca kale, Waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa ka go’day deegaan lagu magacaabo Jameeco oo u dhaw Buur-hakaba. Wararka ayaa intaas kusii daraya in halkaas ku go’doonsan yihiin gaadiidkii dadweynaha ee labada magaalo u kala safrayey. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, ayada oo ra’iisul wasaare ku-xigeenka uu sheegay in halis weyn ka jirto dalka. Xaaladda deg-dega ah ee uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa ah mid loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka xaalada El-Niño. Waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagay saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoog leh oo ka da’ay gobollada dalka, isaga oo sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof. Dowladda ayaa wada abaabul iyo sidii wax loo gaadhsiin lahaa dadkaas tabaalaysan, iyada oo ugu baaqday bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada inay taageeraan dadka Soomaaliyeed ee dhibku gaaray. The post Xaafadaha magaalada Baydhaba oo kala go’ay kadib markii ay… appeared first on Caasimada Online. -
Roobab mahiigaan ah oo ka da’ayey maalmihii la soo dhaafay gobollada Baay iyo Bakool ayaa sababay khasaare xooggan oo soo gaaray dadka shacabka ah ee kunool magaalooyinka qaar, marka laga eego Baydhabo, Xudur, Buurhakaba iyo Bardaale, waxaana intooda badan ka dhashay barakac xooggan. Magaalada Baydhabo Roob xooggan ayaa sababay in xaafaddaha Magaalada soo galaan Biyo xooggan kuwaas oo kala xiray badi xaafaddaha Magaalada, taasi oo sababtay barakac xooggan iyo in xaafadaha qaar dadkii ku go’doomaan oo ka bixi kari waayeen, waxaana socda gurmad lagu samatabixinayo. Roobabkan Mahigaanka ah ayaa sidoo kale sababay in Barakac xooggan oo ka dhacay Degmada Xuddur ka dib markii Biyo xooggan ay soo galeen Xafaddaha Degmada, waxaana xirmay isha kaliya ee degmada ay wax ka heli jirtay oo ahaa garoonka diyaaradaha oo ay dhex xeegaagaan biyo buux dhaafiyay gudaha. Waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo sida uu xaqiijiyey ayaa la xaqiijiyay in ay biyaha ay gooyeen, taas oo joojin karta ganacsiyadii tagi jiray magaalada Baydhaba oo ka bixi jiray Muqdisho,maadaama ay tahay waddada kaliya ay wax u soo maraan bulshada ku dhaqan gobollada dhaca Koonfur Galbeed. Source: goobjoog.com
