Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasaarada arrimaha dibada ee Turkiga ayaa sheegtay inay dib ulla soo noqdeen safiirkii ka joogaya Tel Aviv. Turkiga ayaa sheegay inay go’aankan qaateen kadib weerarka Israa’iil ku heyso shacabka Gaza. Kadib markaan aragnay xaalada bini’aadamino ee ka taagan Gaza oo ay sababtay duulaanka ay Israa’iil ku heyso shacabka. Diidamada Israa’iil ay weli diidan tahay xabad-joojinta iyo fasixida gargaarka, waxaanu go’aasanay inaan dib ulla soo noqono safiirkayaga Amb.Sakir Ozkan Torunlar. Wasaaradda Arrimaha dibada Turkiga Dalka Turkiga ayaa kamid ahaa dalalka faro-ku-tirska ah ee Muslimiinta ee xidhiidhka laleh Israa’iil. Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa inuu Turkiga uu tago Xoghayaha Dibada Mareykanka Blinken oo doonaya inuu kala hadlo xaalada Falastiin. Toddobaadkii 4aad oo ay Israa’iil wado duqeynta Gaza, tirada dhimashada shacabka ayaa mareysa 9.500 oo ay 3.900 yihiin caruur. Source
  2. Magaalada Amman ayey kulan ku yeesheen Wasiirada arrimaha dibada ee qaar kamid ah dalalka Carabta iyo Mareykanka. Kulankan dhexmaray Antony Blinken xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka iyo dalalka Carabta ayaa lagaga hadlayey xaalada Falastiin. Blinken ayaa doonaya inuu taageero uga helo dalalka Carabta siyaasada Mareykanka ee ku saabsan dagaalka Gaza. Xaalada Gaza iyo maamulka Xamaas ee halkaasi ka taliya maaha mid sii jiri karta, waxaana loo baahan yahay wado cusub, ayuu yidhi Blinken. Mareykanka oo taageero millatari iyo dhaqaale ku daabulaya Israa’iil ayaa dhinaca kale waajahaya dalalka Carabta oo ku baaqaya Xabad-joojin. Mareykanka ayaa weli diidan inuu ku dhawaaqo xabad-joojin. Xukuumada Biden ayaa soo jeedisay “hakin gaaban dagaalka” si gargaarka loo geeyo Gaza, loona siidaayo maxaabiista. Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jordan, Ayman Safadi oo kadib shirkan warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Israa’iil ay geysaneyso danbiyo-dagaal. Wasiirka Arrimaha Dibada ee Masar, Sameh Shoukry ayaa sheegay in loo baahan yahay Xabad-joojin sharuud la’aan ah, intaan dagaalkan sii fidin. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada dalalka: Jordan, Masar, Lubnaan, Sacuudiga, Qatar iyo maamulka Falastiin. Dalalka Carabta ee xulafada la ah Mareykanka ayaa soo jeedinaya in xabad joojin la sameeyo, halka dhinaca kale ay qaarkood taageersan yihiin in meesha laga saaro maamulka Xamaas. Source
  3. Roobab mahiiggaan ah oo saacadihii u danbeeyay ka da’ay gobolka Mudug ayaa daadad ku soo rogay magaalada Gaalkacyo. Daadad xooggan ayaa sida wararku sheegayaan buuxiyay qaar kamid ah xaafadaha Gaalkacyo islamarkaana gudaha u galay gurya badan la degganaa. Qoysaska qaarkood ayaa ka bara-kacay guryahooda kadib markii biya ka buuxsameen halka qaar kalena weli ku go’doonsan yihiin. Wararka ayaa sheegaya in ay jiraan dad u badan waayeel iyo danyar aan awoodin in ay guryaha ka baxaan oo gurmad u baahan. PUNTLAND POST The post Daadad xooggan oo ku soo rogmaday magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  4. Taliska Millatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in ay korodhay tirada askarta looga dilay hawlgalka dhowrka cisho ka socda Marinka Gaza, islamarkaana ay gaadhay 30 askari. Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in tirada askarta looga dhaawacay dagaalka ay hadda sii caga-caganeyso 260 askari. Garabka Millatariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam ayaa sheegay in tirada dhimashada iyo dhaawaca Ciidamada Israa’iil ay aad uga badan tahay tirada uu shaaciyay taliskooda. Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu oo garowsan khasaaraha ciidamadiisa kala kulmayaan dagaalka dhulka ee Gaza ayaa ku bogaadiyay in ay u dagaalamayaan difaaca dalkooda. Raysal Wasaaraha ayaa ku hanjabay inaanay Israel joojin doonin duulaankeeda Gaza, illaa iyo inta laga soo sii deynayo maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto Gaza. Ra’iisal Wasaare Netanyahu oo Jimcihii Magaalada Tel Aviv ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa sheegay inaanay ka wada hadlin waxyaabo ku aaddan xabad joojinta. Netanyahu ayaa ku goodiyay in sidoo kale aanay shidaalka u ogolaan doonin xarumaha caafimaadka ee Gaza, isagoona shuruud uga dhigay in oodda laga qaado la haysteyaasha reer Israa’iil. Tani waxay culeys kale ku noqonaysaa cisbitaalada Gaza, oo qaarkood shaqadii u joojiyay shidaal la’aan soo food-saartay, waana xilli Israa’iil ay horana Gaza uga jartay adeegyadii biyaha iyo korontada. Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya oo war qoraal ah soo saartay ayaa ka hadashay dagaakii xooganaa ee gelinkii dambe ee shalay ciidamada Danab iyo kuwa HirShabelle ku dhex-maray gudaha magaalada Jowhar. Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in wasaaraddu ka xun tahay dhacdadii shalay ka dhacday nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay xanuunka la qayb-saneyso HirShabelle, gaar ahaan mas’uuliyiintii iyo askartii ku dhaawacantayt dagaalkaasi “Wasaaraddu waxa ay xanuunka la qaybsaneysaa mas’uuliyiinta iyo ciidamada ay halkaasi waxyeeladu kusoo gaartay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda. Intaasi kadib wasaaraddu waxa ay shaaca ka qaaday inay billowday baaritaan ku aadan falkaas, iayada oo sheegtay in maxkamad la geyn ciddii ku lug yeetalaa dhacdadaasi. “Taliska Ciidanka Xoogga iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida waxa ay bilaabeen baaritaanka falkaas, waxaana si deg-deg ah cadaaladda loo horkeeni doonaa ciddii ku lug yeelata dhacdadaasi” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka wasaaradda difaaca XFS. Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa ay u taagan yihiin, una hurayaan naftooda difaaca dadka, dalka iyo diinta”. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii ciidamada Danab ay weerareen ciidamo galbinayay guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle, Cabdixakiin Xaaji Luqmaan oo doonayay inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar, waxaana kadib meesha ka dhacay iska hor imaad toos ah oo gaystay khasaare. Xaaladda ayaa saaka ah mid deggan, inkastoo weli raadka dagaalkii shalay si weyn looga dareemayo caasimada HirShabelle ee magaalada Jowhar. Si kastaba, dagaalkaas ayaa daba socday mid kale oo Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada, kaas oo hal askari looga dilay ciidamada Danab ee ka howlgala halkaasi. The post DF oo qaaday tallaabo deg-deg ah kadib dagaalkii Jowhar appeared first on Caasimada Online.
  6. Defense Cabinet Secretary Aden Duale has called on the leaders in the Coast region to take the leading role in advocating for peaceful co-existence of the communities rather than fanning conflicts. Source: Hiiraan Online
  7. When Interior Cabinet Secretary Kithure Kindiki visited Garissa town on June 2, he told a crowd that had gathered at Farmers Training College grounds that the immigration offices would re-open July 1. Source: Hiiraan Online
  8. NAIROBI, KENYA — Heavy rains and flooding ravaged parts of Kenya on Friday, sweeping away homes and livestock and destroying roads and electric transmission lines, authorities said. At least two people were killed and at least one was missing. Source: Hiiraan Online
  9. Flash and riverine floods caused by heavy rains have killed at least 14 people in Somalia, the United Nations humanitarian agency said Saturday. Source: Hiiraan Online
  10. Qatar Charity (QC) implemented two large projects to improve the livelihoods of the neediest groups in a number of areas in the cities of Mogadishu and Hargeisa in Somalia, benefiting 130 families. Source: Hiiraan Online
  11. JOWHAR (HOL) — Speaker Luqmaan Haji Muhammad of the Hirshabeelle regional parliament detailed an ambush on his convoy near Jowhar airport today that resulted in multiple casualties. Source: Hiiraan Online
  12. Somaliland oo Faransiiska ka Diiday Dalab ah Inuu Saldhig Millateri Ka Samaysto Dalka Hargeysa (Qaran news)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa la sheegay in ay dawladda Faransiiska ka diiday codsi la xidhiidhay inay saldhig millatari ka furato Somaliland. Bogcada istaraatajiga ah ee ay Somaliland ku taallo ayaa sababtay in dawladaha reer galbeedku ay soo hawaystaan inay saldhiga Millatari ka sameystaan, si ay uga hortagaan is ballaadhinta dawladda Shiinaha oo sii xoojiyay xudhiidhka uu la leeyahay Afrika oo uu siyaasiyin xilligan aad ugu soo jeedo. Ma jiro wax rasmi ah oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo ay kaga hadashay dalabka Faransiiska, hase ahaatee waxa daabacday arrintaas warbaahinta Reliable Horn News, oo sheegtay in Somaliland ka mid noqotay dalal badan oo Afrikaan ah oo gaashaanka ku dhuftay codsi la xidhiidhay saldhig millatari oo uu Faransiisku ula tagtay. Qaran News
  13. Itoobiya oo Baaq Kale Ka soo Saartay Qorshaheeda Marin-biyoodka Hargeysa (Qaran news)- Dawladda Itoobiya ayaa mar kale ku celisay dalabkeedii la xidhiidhay inay galangal u yeellato deked ay isticmaasho oo ka mid ah kuwa ku yaalla dalalka jaarka la ah. Wasiirka Wershadaha Itoobiya Meleku Alebel, ayaa sheegay in dalabka Itoobiya ay ku doonayso marso ay isticmaashaa uu yahay mid ku sallaysan in la helo faa’iido dhinac walba waxtar u leh oo lagu horumarinayo koboca dhaqaalaha. Wasiirka wershadaha Itoobiya oo u warramayay wakaaladda wararka ee ENA, ayaa sheegay in dawladda Abiy Ahmed ay hannaan sharci ah u marayso codsigeeda ku wajahan dhinaca marin-biyoodka. Wasiirku wuxuu dalalka jaarka ah ku booriyey inay xurmeeyaan codsiga dawladda Addis-ababa si looga wada helo faa’iido dhaqaale, hase ahaatee aanay Itoobiya ku doonayn hanjabaad. Waxa kaloo uu intaas ku daray in Itoobiya imika uun aanay doonayn, hase ahaatee mustaqbalkana ay u baahan tahay marin biyood ama marso, waxaanu xusay in aan loo baahnayn in dalalku u arkaan hanjabaad iyo halis. “Hadafka Itoobiya ma aha dagaal iyo siyaasad ee waa mid ku sallaysan nabad iyo dhaqaale waara oo dhinacyada oo dhammi gaadhaan,”ayuu yidhi Wasiirka Wershadaha Itoobiya Mr. Meleku Alebel. Qaran News
  14. Somaliland oo ka Qaybgalaysa Shirweynaha Maalgashiga Afrikada Dhexe Hargeysa(Qaran n)- Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka qayb gelaysa Shir-weynaha Maalgashiga Afrikada Dhexe, kaas oo ka furmi doona magaaladda Entebbe ee dalka Uganda 9ka bishan November. Shir-weynahani noqon doono xudunta hal-abuurka, iskaashiga, iyo fursadaha maalgashi ee qaarada Afrika. Waxa shirkan ka qayb geli doona 100 waddan oo dunnida ah,kuwaas oo ay ugu horeeyaan waddamada Uganda, Maraykanka, Ghana, Nigeria, South Africa, Jamhuuriyada dimuquraadiga ah ee Congo, Gabon, Cameroon, Canada, Rwanda, Kenya, Burundi, Madagascar, Indonesia, India, Zimbabwe, Somaliland, Somalia, Zambia , Namibia, Boqortooyada Ingiriiska, South Sudan, Imaaraadka Carabta, Tanzania, Malawi, Angola, iyo Sweden. Waxa uu hal-ku-dhigga shirkani noqon doonaa sannadkan ,xooggana lagu saari doonaa Dhismaha Afrika,Kobcinta Iskaashiga Hor-u-marineed ee Afrika iyo Qurba-joogta,iyada oo inta uu shirkani socdo lagaga wada hadli doono,sidii loo fududayn lahaa isku socodka ganacsiga ka dhexeeya waddamada Afrika iyo adduunka. Shir-weynahan ayay soo agaasintay Hay’adda Pilot International oo ah hay’ad hor-u-marineed oo caalami ah, waxa aanay ka shaqaysa iskaashiga iyo ganacsiga dhex mara 100 waddan oo dunnida ah,waxaanu shirkani socon doona muddo saddex maalmood ah. Sannadkan 2023-ka ayaa noqonaya sannadkii labaad ee si xidhiidh ah uu u marti geliyo dalka Uganda Shirweynahan lagaga hadlayo Maalgashiga Afrikada Dhexe. Qaran News
  15. Gaza (Caasimada Online) – Taliska Militariga Israel ayaa xaqiijiyay in ay korortay tirada askarta looga dilay hawlgalka dhowrka cisho ka socda Marinka Gaza, islamarkaana ay gaartay 30 askari. Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in tirada askarta looga dhaawacay dagaalka ay hadda sii caga-caganeyso 260 askari. Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam ayaa sheegay in tirada dhimashada iyo dhaawaca Ciidamada Israel ay aad uga badan tahay tirada uu shaaciyay taliskooda. Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo garowsan khasaaraha ciidamadiisa kala kulmayaan dagaalka dhulka ee Gaza ayaa ku bogaadiyay in ay u dagaalamayaan difaaca dalkooda. Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku hanjabay inaanay Israel joojin doonin duulaankeeda Gaza, illaa iyo inta laga soo sii deynayo maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto Gaza. Ra’iisal Wasaare Netanyahu oo Jimcihii Magaalada Tel Aviv ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa sheegay inaanay ka wada hadlin waxyaabo ku aaddan xabad joojinta. Netanyahu ayaa ku goodiyay in sidoo kale aanay shidaalka u ogolaan doonin xarumaha caafimaadka ee Gaza, isagoona shuruud uga dhigay in oodda laga qaado la haysteyaasha reer Israel. Tani waxay culeys kale ku noqonaysaa isbitaalada Gaza, oo qaarkood shaqadii u joojiyay shidaal la’aan soo food-saartay, waana xilli Israel ay horaan Gaza uga jartay adeegyadii biyaha iyo korontada. The post Khasaaraha ciidamada Israel iyo tirada dhimashada ee dagaalka Gaza oo kordhay appeared first on Caasimada Online.
  16. Mianwali (Caasimada Online) – Milatariga Pakistan ayaa sheegay Sabtidii in weerar ay malayshiyo hubaysan ku qaadeen saldhig lagu tababaro ciidamada cirka ee magaalada Mianwali ee bartamaha dalkaasi uu waxyeelo gaarsiiyay saddex diyaaradood. Weerarka ayaa yimid maalin kadib weeraro dhawr ah oo ka dhacay meelo kale oo dalka ka mid ah oo lagu dilay 22 qof, oo u badan askar. War ka soo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanku ay dileen saddex ka mid ah dableydii weerarka qaadday ka hor inta aysan gudaha u gelin saldhigga, ayna lix kale ku dileen iska-horimaad xigay. Waxa ay ciidanku sheegeen in “jawaab degdeg ah oo wax ku ool ah ay ciidamadu ku bixiyeen” si ay u fashiliyaan weerarka “argagixiso” iyo “hubinta amniga iyo ammaanka shaqaalaha saldhigga.” “Si kastaba, intii uu weerarku socday, waxaa sidoo kale dhacay burbur soo gaaray saddex diyaaradood iyo booyad shidaal,” ayay ciidanku ku sheegeen bayaanka ay soo saareen. Koox cusub oo mintidiin ah oo lagu magacaabo Tehreek-e-Jihad Pakistan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Kooxda ayaa dhowr jeer oo hore weeraro qaraxyo ah ku beegsatay ciidamada ammaanka. Waxaa ka mid ahaa weerar bishii Luulyo lagu qaaday saldhig milatari oo ku yaal koonfur-galbeed gobolka Baluchistan oo lagu dilay 12 askari. Weerarka maanta lagu qaaday saldhiga ciidamada cirka ayaa yimid maalin kadib markii kooxaha hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo ciidan oo ku sugnaa degmada Gwadar ee Baluchistan, halkaasi oo ay ku dileen 14 askari. Degmadu waxa ay martigelisaa dekedda Arabian Sea ee uu Shiinuhu maamulo. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka Gwadar, balse waxaa lagu tuhmayaa malayshiyada qowmiyadda Baloch oo si joogta ah u beegsada ciidamada ammaanka ee aaggaasi. Waxa ay sheegeen in ay u dagaallamayaan madax-bannaanida Baluchistan oo ah gobol qani ku ah kheyraadka dabiiciga ah. Kooxahan waxa ay ku eedeeyaan Shiinaha iyo Pakistan in ay ka faa’iidaystaan saliidda, naxaasta, dahabka, birta, iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah ee gobolka. Labada dal ayaa eedeymahan iska fogeeyey kuna tilmaamay kuwa aan sal iyo raad toona laheyn. The post Khasaare ka dhashay weerar ay koox cusub ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla… appeared first on Caasimada Online.
  17. Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in uu dhawaan dood adag ka yeesho arrimaha doorashada 2024. Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa si weyn ugu kala qaybsan doodda ku saabsan hubanti la’aanta ka taagan qabsoomidda doorashada. Wararka ayaa sheegaya in xildhibaannadu kala raacsan yihiin dhinacyada xukuumadda iyo mucaaridka oo ku muransan nooca loo qabanayo doorashada soo socota ee Puntland. Xukuumadda madaxweyne Deni ayaa ku doodaysa in doorashada lagu qabanayo nidaamka qof iyo cod si loo dhammaystiro barnaamijka dimoquraadiyadda. Mucaaridka ayaa dhankooda ku adkaysanaya in doorashada madaxtinimada lagu qabto nidaamkii hore ee 66-xildhibaan ee odayaashu soo xuli jireen islamarkaana xukuumadda danbe dhammaystirto qof iyo cod. Isimada dhaqanka qaarkood oo ku shiray Garoowe ayaa sidoo kale soo jeediyay in doorashada lagu galo 66-dii balse xukuumadda ayaa gebi ahaanba arrintaasi diiday. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo dhawaan dood adag ka yeelanaya hubanti la’aanta doorashada appeared first on Puntland Post.
  18. Madaxa siyaasada uqaabilsan ururka reer Falastiin ee Xamaaz Ismaaciil Xaniyah ayaa booqasho aan la sii shaacin ku tagey magaalada Tehran ee caasimada dalka Iran isagoo la kulmay madaxda dalkaasi. Sidoo kale, Ismaaciil Xaniyah ayaa magaalada Tehran gaaray shalay isagoo kulamo la qaatay madax sare oo kamid ah Iran oo uu kamid yahay hoggaamiyaha Iran Ayatullaahi Cali khameine. Dhanka kale, masuuliyiintaan ayaa kawada hadlay xaaladaha kataagan Gaza iyo dagaalka iyo duqeymaha aan joogsiga laheyn ee udhexeeyo xooggaga Xamaaz iyo ciidamada gumeysi doonka ah ee Yuhuuda. Ayatullah Khameine ayaa taagero iyo garab istaag buuxa umuujiyay ururka Xamaas isagoona bogaadiyay sida kooxda Xamaas iskaga difaaceyso duullaanka Israel. Madaxa siyaasadda kooxda Xamaas Ismaaciil Haniyeh ayaa maalmo kahor sidoo kale booqasho ku tagay magaalada Moskow ee caasimadda dalka Ruushka, waxa uuna halkaasi kula kulmay madax katirsan dowladda Ruushka. PUNTLAND POST The post Madaxa siyaasada uqaabilsan Xamaas oo booqasho aan la shaacin ku jooga Iraan appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax dhawaqiisa laga maqlay qaybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa xalay ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka ee gudaha caasimadda, hase yeeshee ma jirin khasaare badan marka loo eego jugtiisa oo cusleyd. Qaraxa oo ahaa is miidaamin ah islamarkaana qof iskasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu la beegsaday ciidamo ku sugnaa isgoys muhiim ayaa la sheegay in uu ku dhaawacmay askari ku amray ninka is qarxiyay in uu istaago, hase yeeshee is qarxiyuhu uu ka madax adeygay. Ninka is miidaamiyay ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in uu kamid ahaa ganacsatada yaryar ee ku ganacsada hareeraha wadooyinka isla markaana uu haystay ‘gaari gacan’ yar oo alaab uu iibinayay ay u saarneyd. Booliska Soomaaliya oo ka hadlay qaraxan is miidaaminta ah, ayaa sheegay in ninku uu doonayay in uu ka gudbo bar koontarool oo halkaasi ku taalla isla markaana ay leeyihiin ciidanka ku sugan aagga Sayidka. Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Gaashaanle Sadiiq Aadan Doodishe, oo la weydiiyey waxa laga ogyahay ninkan ayaa yiri, “Qaraxan waxa uu lamid yahay qaraxyadii ka dhici jiray Muqdisho ee ay khawaarijtu soo abaabulaan, waxa uu naftii hallige isisoo miidaamiyay damcay in uu soo dhaafo bar koontarool oo ciidamadada amaanka ay ku leeyihin, markii la isku dayay in la joojiyo isla markaana uu diiday amarka joojinta.” Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in askarigii ka shakiyay ee istaajiyo ismiidaamiyaha uu ugu dambeyn isticmaalay awoodda uu sharcigu u jideeyay, sidaasina uu ku qarxay. Maxaa laga yaqaannaa ninkan? Afhayeenka ciidamada booliska ee Soomaaliya oo aan weydiinnay waxa kajira in is miidaamiyaha uu kamid ahaa ganacsatada yaryar ee waddooyinka ayaa yiri “Ciidamada weli waxa ay wadaan baaritaan la xiriira in ninka naftii halligaha ah, uu ahaa ganacsade uu gaari gacan u yaallo aagga qaraxu uu ka dhacay, anagu weli arrintaasi ma hubno hase yeeshee baaritaanka kadib ayey soo bixi doontaa.” “Baraha bulshada waan ku aragnay in la leeyhaay ninku waxa uu ahaa gaari gacanle, hase yeeshee warkaasi waa kutiri kuteen, haddii ninkan uu ahaa mid ku ganacsan jiray halka uu isku qarxiyay waa la garan lahaa, balse ciidamadu ma aysan garan markiiba oo waxa uu ahaa qof wajigiisu ku cusub yahay, laakiin baaritaannada hadda socda natiijada kasoo baxda ayaa lagu ogaan doonaa”, ayuu sii raaciyay Gaashaanle Doodishe. Afhayeenka oo aan weydiinnay sida lagu xaqiijin karo hubnaanta ganacsatada yaryar ee hareeraha waddooyinka ayaa yiri, “Ganacsatada yaryar ma jirto si gooni ah oo looga warqabo, ganacsataduna waa muwaadiniin oo dalku waa dalkoodii meesha ay doonaan ayey ku ganacsan karaan laakiin amniga dalka iyo amaanka cid walibamar walba si gaar ah ayaa looga war qabaa oo loo ilaaliyaa.” Baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyay xogtaha ah in ninkan is qarxiyay uu ahaa shaqsi lawada garanayay oo meesha ganacsi yar ku haysta. Dhanka kale, qaar kamida ganacsatada ka ag dhow Sayidka oo aan wax ka weydiinnay in ay aqoon u leeyihiin ninkaasi is miidaamiyay ayaa ka gaabsaday in ay faallo ka bixiyaan sababo amni awgood. Sida ay ku suura gashay in ciidamada fashiliyay ay ka badbaadeen? Qaraxa waxaa uu dhaawac fudud kasoo gaaray mid kamida askartii ku howlaneyd fashilintiisa sida uu sheegay afhayeen Gaashaanle Sadiiq Aadan Doodishe. “Ciidamadu waxa ay ogaan karaan saamiga ama inta uu la’egyahay qaraxa uu nafti halliguhu sido, inta uu waxxyeello gaarsiin karo, waana sababta ay masaafo ugu jirsadaan ayna dadka uga fogeeyaan agagaarka markaas laga shakisanyahay. Taasi waxa ay keentay in uu yaraado khasaaraha ka dhashay qaraxan oo dhawaqiisu uu ahaa mida ad u weyn hase yeeshee aysan ka dhalan waxyeello badan,” ayuu sii raaciyay. Qaraxaan ayaa jugtiisa waxaa si weyn looga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan halka uu ka dhacay qaraxa iney ka mid tahay meelaha muhiimka ah ee laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya. Isha: BBC Somali The post Maxaa ka jira in nin ‘gaari gacanle’ ah uu fuliyey qaraxii is-miidaaminta ee Sayidka? appeared first on Caasimada Online.
  20. Wasiirka Waxbaradda oo Masuuliyiin kala Duwan kula Kulmay Nairobi Hargeysa(Qaran news)-Waftigii ka socday Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska ee uu hogaaminayay wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Diiriye Toorno oo uu weheliye Ku-xigeenka Safiirka Somaliland ee dalka Kenya, Danjire Sharmarke Geele ayaa maanta kulamo la yeeshay laamaha ka qayb qaata horumarinta Waxbarashada ee ku Sugan Kenya kuwaasi oo ay ka mid yihiin 1. Xafiiska Afrikada Bari, Koonfureed, Waqooyi iyo Bariga Dhexe ee Hayadda Plan International 2. Jaamacadda Caalamiga ah ee Maraykanka ee Nayroobi (United States International University) iyo 3. Shirkadda KL ee samaysa tablets cadceeda ku shaqeeya oo casharradda loogu shubayo ardayda reer guuraaga iyo dhaqato beeralayda filiqsan. Dhinacyadu waxay si wadajir ah isula Jeex jeexeen Xoojinta iskaashigooda ku wajahan horumarinta waxbarashadda Somaliland iyo Doorka ay ka qaadanayaan Hayadaha Horumarinta Waxbarashadu Sidii Dawlada Somaliland taageero Joogto ah ay uga siin lahaayeen Dedaalada Ay Jamhuuriyada Somaliland ugu jirto La dagaalanka Jahliga iyo Kor u qaadida Adeegyada Waxbarasho ee Dalka. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyey waqriga ugu horeeya ee la qorsheeyey in dadka reer Muqdisho ay soo doortaan maamulkooda. Wasiir Fiqi ayaa maanta sheegay in 30-ka bisha Juun ay dowladda Soomaaliya u qorsheysan tahay in dadka ku nool degmo kasta oo Muqdisho ka tirsan ay soo doortaan guddoomiyahooda. “Gobolka Banaadir doorasho ha u diyaar garoobo, 30-ka bisha Juun ee sanadka soo socda waxaa la qaban doonaa doorashada degmooyinka Muqdisho,” ayuu yiri wasiir Fiqi. Wuxuu sheegay in Muqdisho ay u baahan tahay in sida lagu maamulo lagu bedelo oo la helay masuuliyiin dadka ka dhex timaada, si loo helo kalsoonida bulshada ugu badan dadka oo Muqdisho ku nool. “Muqdisho maadaama ay ugu dad badan tahay dalka waxaa la qorsheeyey in barnaamijka is doorashada lagu bilaabo, sidoo kale degmooyinka K/Galbeed ayuu ka socdaa qorshahaan doorashada degmooyinka, waxaana la gaarsii doonaa dalka dhan,” ayuu yiri wasiir Fiqi. Muranka dhulalka iyo wax kasta oo khilaafaad ah ayuu Fiqi sheegay in laga gudbi doono, markii dadku ay soo doortaan masuulka ay ugu kalsoonida badanyihiin. “Waayihii hore waxaa la arki jiray dad dhul isku heysta oo derbiyada qoryo kula jira, hadda waa iska yaraaday murankaas, Muqdisho xiligii dowladii Kacaanka ay jirtay xitaa dhulka waa lagu dagaalami jiray, laakiin hadda waa in xal loo helaa, si gaar ah Maxkamadaha ayaa mararka qaar muranka uga sii dara,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiir Axmed Macalin Fiqi. Wasiirka ayaa sheegay in rajada dowladda iyo qorshaha socda uu yahay in la xasiliyo Muqdisho, “Hobolkaan Banaadir waxaan rajeyneynaa inuu noqdo mid xasilan, adduunka xiliyada doorashada ayaa mar mar laga baqaa magaalooyinka waaweyn, marka Banaadir waxaan ka rabnaa in khilaaf xagga la iska dhigo oo doorasho loo diyaar garoobo,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha XFS. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo shaacisay waqtiga reer Muqdisho ay doorasho qof iyo cod ah aadayaan appeared first on Caasimada Online.
  22. Nairobi (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha ayaa waxaa looga digay weeraro laga cabsi qabo inay kooxda Al-Shabaab xilligan ka fulin karto gudaha magaalada Nairobi ee caasimada waddanka Kenya. Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa muwaadiniinteeda la wadaagtay digniintan, waxayna sheegtay inay soo baxday digniin ku aadan weeraro ay qorsheyneyso Shabaab. Shiinaha ayaa sheegay in kooxda laga yaabo inay qaado weeraro ay ugu jawaabeyso duulaanka Israle ee Gaza, wuxuuna ugu baaqay dadkiisa inay ka feejignaadaan. Sidoo kale dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in meelaha la bartilmaameedsan karo ee lasoo calaamadeeyay ay ku jiraan safaaradaha dalalka shiisheeye ee ku yaalla Nairobi, meelaha ay dadka isugu yimaadaan, goobaha loo dalxiis tego iyo hoteellada waa weyn. Bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha waxaa kale oo lagu sheegay in hoos loo dhigay howlaha shaqo safaaradda ay ku leeyihiin magaalada Niarobi, si looga taxadaro heerka digniinta soo baxday ee weerarada kooxda Al-Shabaab. Bishii hore dowladda Kenya ayaa digtay halista kooxaha ay ka midka yihiin Maleeshiyada Al-Shabaab oo ay sheegtay in qaadi karaan weerarro “ay ku taageerayaan” Xamaas, kadib weerarkii dhiigga badani ku daatay ee kooxda Falastiiniyiintu ay ku qaadday Israel. Dalkan ku yaalla bariga Afrika, ayaa waxa uu la kulmay weerarro dhowr ah oo kaga imaanayay Al-Shabaab tan iyo markii ay ciidamo u dirtay Soomaaliya sanadkii 2011-kii, si ay ula dagaalamaan maleeshiyada xiriirka la leh Al-Qaacida. The post Shiinaha oo ka digay weeraro ay Al-Shabaab ka gaysan karto dalka… appeared first on Caasimada Online.
  23. The Biden White House has not prioritized the region, leaving Washington with little influence in the deepening crisis. UAE President Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan and Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed tour the Botanical Garden. Hamas’s attack into Israel and massacre of Israelis, followed by Israel’s war of obliteration on Gaza backed by the United States, is a political earthquake in the Middle East. Its tremors are shaking up the politics of the Horn of Africa, bringing down an already tottering peace and security architecture. It’s too early to discern the shape of the rubble, but we can already see the direction in which some of the pillars will fall. The most obvious impact is that the Israel-Palestine war has legitimized and invigorated protest across the wider region. Hamas showed that Israel was not invincible, and Palestine would no longer be invisible. Many in the Arab street — and Muslims more widely — are ready to overlook Hamas’s atrocious record as a public authority and its embrace of terror, because it dared stand up to Israel, America, and Europe. Hamas’s boldness has given a shot in the arm to Islamists, such as Somalia’s al-Shabaab. As the African Union peacekeeping operation in Somalia draws down, al-Shabaab remains a threat— and will likely be emboldened to intensify its operations both in Somalia and neighboring Kenya. Kenyan President William Ruto gave strong backing to Israel while also calling for a ceasefire. For the U.S. and Europe, Kenya is now the anchor state for security in the Horn — but it desperately needs financial aid if it is to shoulder that burden. The war is consuming Egyptian attention and terrifies President Abdel Fattah al-Sisi, who is treading a fine line between sponsoring pro-Palestinian protests and suppressing them. Red Sea Security The Red Sea is strategic for Israel. One quarter of Israel’s maritime trade is handled in its port of Eilat on the Gulf of Aqaba, an inlet of the Red Sea. Israel has long seen the littoral countries of the Red Sea — Jordan, Egypt, Saudi Arabia, Yemen, Sudan, Eritrea, Djibouti and Somalia — as pieces in the jigsaw of its extended security frontier. Historically, Egypt has shared the same concern. Last year, revenues from the Suez Canal were $9.4 billion— its third largest foreign currency earner after remittances from Egyptians working in the Gulf States and tourism. Neither Israel nor Egypt can afford a disruption to maritime security from Suez and Eilat to the Gulf of Aden. The Red Sea is also the buckle on China’s Belt and Road Initiative, with China’s first overseas military base — strictly speaking a “facility” — in the port of Djibouti near the Bab al-Mandab, the narrow straits between the Gulf of Aden and the Red Sea. More than 10 percent of world maritime trade is carried on 25,000 ships through these straits every year. Having long neglected its Red Sea coastline, Saudi Arabia has reawakened to its significance in the last decade. In the 1980s, amid fears that Iran might block tanker traffic through the Persian Gulf, Saudi Arabia built an east-west pipeline from the Aqaig oil fields to the Red Sea port of Yanbu al Bahr. Its strategic significance is back in focus. In parallel, the United Arab Emirates is well on track to securing a monopoly over the ports of the Gulf of Aden, which forms the eastern approaches to the Red Sea. It has de facto annexed the Yemeni island of Socotra for a naval base. The UAE is looking for a foothold in the Red Sea proper, and a string of satellite states on the African shore. All these factors intensify the scramble for securing naval bases in the Red Sea and Gulf of Aden. Djibouti is already host to the U.S.’s Camp Lemonnier along with French, Italian, Japanese, and Chinese facilities. Turkey and Russia are actively seeking bases too, focusing on Port Sudan and Eritrea’s long coastline. Empowered Gulf States Well before the recent crisis, the Horn of Africa was becoming dominated by Middle Eastern powers. This process is now intensified. Decades of competition between Saudi Arabia and Iran for alignment of Sudan and Eritrea has swung different ways. Sudan’s General Abdel Fattah al-B­­urhan, formerly political partner of Benjamin Netanyahu and signatory to the Abraham Accord, cut an ill-timed deal with Iran in early October, to obtain weapons, which has embarrassed his outreach to Egypt and Saudi Arabia. More recently, Turkey and Qatar’s regional ambitions have clashed with Riyadh and Abu Dhabi, especially over the Muslim Brothers — supported by the former, opposed by the latter. The latest emerging rivalry is between Saudi Arabia and the United Arab Emirates. Saudi Arabia has positioned itself as the regional anchor. While running for president, Joe Biden called Saudi Arabia a “pariah.” But it is now indispensable to the U.S. Among the Arab states. the UAE has been the most restrained in condemning Israel for its actions in Gaza. It has also said that it doesn’t mix trade and politics— meaning that it will continue to implement the economic cooperation agreements it signed with Israel following on from the Abraham Accords. The UAE is also positioned at the center of the U.S.-sponsored India-Middle East-Europe Corridor (IMEC), unveiled at the September G20 summit in India as a response to China’s Belt and Road Initiative. The UAE also has a free hand in the Horn of Africa, and in the last five years it has moved more rapidly and decisively than Saudi Arabia. Sudan’s Fate between Riyadh and Abu Dhabi After the eruption of war in Sudan in April, the joint Saudi-American mediation was in large part a gift from Washington to try to mend fences with the Kingdom. Talks in Jeddah resumed in late October, with the modest agenda of a ceasefire and humanitarian access, and a pro forma “civilian track” delegated to the African Union, which has shown neither commitment nor competence. Meanwhile, the Emiratis are backing General Mohamed Hamdan Dagolo, known as “Hemedti,” who is currently driving the Sudan Armed Forces out of their remaining redoubts in Khartoum. This followed more than six months of fighting in which Hemedti’s Rapid Support Forces gained a reputation for military prowess and utter disregard for the dignity and rights of civilians. Despite widespread revulsion against the RSF, especially among middle class Sudanese, UAE President Mohamed bin Zayed al Nahyan, known as MBZ, stuck with his man. In charge of the ruins of Sudan’s capital city, Hemedti will soon in a position to declare a government, perhaps inviting civilians for the sake of a veneer of legitimacy. What’s holding him back is the ceasefire talks in Jeddah. His rival, Gen. al-Burhan is meanwhile floating a plan to form a government based in Port Sudan — raising the prospect of two rival governments, as in Libya. The real negotiations there are between Riyadh and Abu Dhabi. If the two capitals agree on a formula, the U.S. and the African Union will applaud, and the Sudanese will be presented with a fait accompli. Ethiopia Goes Rogue In Ethiopia, Prime Minister Abiy Ahmed’s rule is underwritten by Emirati treasure. MBZ has reportedly paid for Abiy’s vast new palace, a vanity project whose $ 10 billion price tag is paid for entirely off-budget. Abiy told lawmakers that this bill was none of their business as it was funded by private donations, directly to him. Other megaprojects in and around the capital Addis Ababa, such as glitzy museums and theme parks, have similarly opaque finances. Ethiopia’s wars have depended on largesse from the UAE. Ethiopian federal forces prevailed against Tigray, forcing the latter into an abject surrender a year ago, on account of an arsenal — especially drones — supplied by the UAE. Abiy is currently rattling his saber against his erstwhile ally, Eritrea, demanding that landlocked Ethiopia be given a port, or it will take one by force. The likely target is Assab in Eritrea, though other neighbors such as Djibouti and Somalia have been rattled too. Eritrea unexpectedly finds itself as a status quo power and is relishing this role, tersely expressing its refusal to join in the confusing discourse from Addis Ababa. It suddenly has allies in Djibouti, Somaliland, Somalia and even Kenya — all of them threatened by Abiy’s bellicosity. If Abiy does invade Eritrea, he will violate the basic international norm — the inviolability of state boundaries — and risk plunging his already failing economy deeper into disaster. This will pose a sharp dilemma for the UAE. It is ready to override multilateral principles, but whether it would bail out its errant client in Addis Ababa, and jeopardize its winning position in Sudan, is a different matter. It would also present Saudi Arabia with the dilemma of whether to back Eritrea’s notorious dictator, President Isaias Afewerki. America and the Pax Africana Peace and security in the Horn of Africa isn’t a priority for the Biden administration. Despite a rhetorical commitment to a rule-based international order, Washington has neither protected Africa’s painstakingly-constructed peace and security architecture nor brought the Ethiopian and Sudanese crises to the U.N. Security Council. While the American security umbrella was in place over the Arabian Peninsula, the countries of the Horn of Africa had the chance to develop their own peace and security system, based on a layered multilateral structure involving the regional organization, the InterGovernmental Authority on Development, the African Union, and United Nations, with peacekeepers and peace missions funded by the Europeans. This emergent Pax Africana was already imperiled as the U.S. drew down and the Middle Eastern middle powers became more assertive. President Donald Trump authorized his favored intermediaries — Egypt, Israel, Saudi Arabia and the UAE — to pursue their interests across the Horn of Africa. The Biden administration has not pulled that back. It’s possible that the administration cares about peace, security and human rights in Africa. But for as long as the U.S.’s Horn of Africa policy is handled by the Africa Bureau at the State Department — whose diplomats scarcely get the time of day from their counterparts in the Gulf Kingdoms — Washington’s views will remain all-but-irrelevant. The Horn of Africa doesn’t make the cut when staffers prepare talking points for President Biden, Secretary of State Antony Blinken or national security adviser Jake Sullivan to speak to their Arab counterparts. It’s a prioritization that leaves the region in a deepening crisis, at the mercy of ruthless transactional politics. America’s well-established practice of treating Israel as an exception to international law is rubbing off on Israel’s allies and apologists across the Middle East, who are actively dismantling the already-tottering pillars of Africa’s norm-based peace and security system. Those African countries most in need of principled multilateralism are paying the price. Source: Responsible Statecraft The post How The Israel-Hamas War Is Destabilizing The Horn Of Africa appeared first on Puntland Post.
  24. Baanka Dhexe oo Qaaday Hawlgal Suuqa Lagaga Saarayo Lacagaha dheeraadka ah Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Cali Cabdilaahi Daahir ayaa maanta daah furay hawlgal suuqyadda lagaga soo saaraayo lacagaha ku dheeraadka ah. Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Cabdilaahi Daahir, ayaa digniino u diray sarifleyaasha kala duwan ee dalka, waxa aanu sarifleyaasha faray in ay ku dhaqmaan talaabooyinkan uu Baanka Dhexe ee JSL qaaday, waxa uu tilmaamay in ciddii ku dhaqmi weyda talaabo sharciga waafaqsan oo deg deg ah laga qaadi doono. Sidoo kale waxa uu sheegay in hawlgalkan uu u jeedkiisu yahay sidii suuqa looga soo saari lahaa lacagta Shillinka Somaliland ee ku dheeraadka ah, si loo dheeli tiro lacagta Shilling-ka Somaliland iyo lacagta qalaad ee Dollar-ka ah, waxaanu intaas ku daray in uu lacag aad u badan xaddi ahaan suuqa ka soo saaray, taas oo ay ka sarifteen dhammaan hay’addaha maaliyadeed ee sarifka liisanka u haysta. Hawlgalkan ayuu sheegay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL in uu suuqa ka qaadi doono culays badan, isaga oo qiimaha Shilling-ka Somalilandna halkaas ku soo celinaaya. Eng Cali Cabdilaahi Daahir, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland waxa uu sheegay in uu Baanka Dhexe qaaday tallaabooyin lagu xakamaynaayo dad uu sheegay in ay si khaldan lacagaha uga saari jireen lacagaha electronic-ga ah. Baaanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta laga bilaabo jideeyey xadiga rasmiga ah ee ay ku dhaqmi doonaan dhammaan sarifleyaasha ka hawlgala Jamhuuriyadda Somaliland,ganacsatada iyo Bangiyada gaarka loo lee yahay ee dalka ka jirra, xadigaas oo noqon doona kii ay hore u soo saareen guddida heer qaran ee xasilinta shilling-ka iyo la dagaalanka sicir bararku,sida uu sheegay guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland. Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay in maanta laga bilaabo xadiga (Rate) uu baanka dhexe soosaara uu noqon doono ka sharciga ah, kaas oo ciddii baal-martana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan. Hawlgalkan ayuu sheegay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland in uu noqon doono mid socda illaa lacagta Shillingka Somaliland halkeedii lagu soo celinaayo. Qaran News
  25. Guddomiyaha Dallada SONSAF oo ugu Baaqay Xukumadda inay Dhegaysato Tabashada reer Awdal Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha Dallada Ururrada bulshada rayidka ah ee SONSAF, Anwar Cabdiraxmaan Warsame ayaa ku baaqay in Xukuumadda Somaliland inay si dhab ah u dhegaysato tabashada reer Awdal. Guddoomiyhu wuxuu sidaas ku shergay qoraal uu soo saaray oo u dhignaa sidan:- “Todobaadadii u dambeeyay waxa aan si dhaw ula socday xaaladda Gobolka Awdal oo doodo miisaan leh ka socdeen. Waxa muuqata in dadka ku dhaqan Gobolka Awdal ay muddo dheer kor iyo hoosba ula hadleen xukuumadihii kala dambeeyay ee Xisbiga Kulmiye iyaga oo marwalba si turxaan la’aan ah usoo gudbinayay dooddooda. Waxa aan ugu baaqayaa xukuumadda iyo goleyaasha qaranka in loo dhugmo-yeesho doodaha sababaysan ee maragga wata ee ka imanaya aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka Gobolka Awdal. Waxa aan sidoo kale ka codsanayaa aqoonyahanka iyo haldoorka Gobolka Awdal in aanay ka daalin in ay hab-nabadeed usoo gudbiyaan garnaqsigooda. Somaliland waxa lagu dhisay heshiis bulsho oo lagu saxeexay Burco laguna gardaadiyay Boorame, sidaas awgeed, waa lagama-maarmaan in dadka haya middida daabkeedu u dhego-nuglaadaan muwaadiniintooda, si looga baaqsado aloosanka mashaakil laga hortagi karayay oo ina gaadhsiisa meel aan cidi ka soo noqon.” Qaran News