Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Since the establishment of Somalia's permanent federal government institutions in 2012, I have had the opportunity to witness the country's ongoing struggle with the implementation of agreements, policies, laws, and international conventions. Somalia enters these commitments with good intentions, but its consistent challenge lies in translating these commitments into tangible actions. This concern has grown increasingly evident during my years in the country, making it a critical issue that demands attention for Somalia to progress effectively. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online)- Sheekh Maxamed Idiris ayaa ka hadlay khudbadii saameynta badneyd ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu kaga dhibaatada heysata dadka reer Falastiin iyo duulaanka qaawan ee Yahuuda. Ugu horeyn Sheekh Maxamed ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay in R/Wasaaraha culeys badan uu kala kulmi doono hadalkiisa, balse dadkiisa islaamka ah uu ka heli doono garab istaag buuxa. “Kelmadii Ra’iisulwasaare Xamsa Cabdi Barre ee Falastiin, Gaza iyo Xamaas, dhawr mar baan dhegeystey, khayr Allaha siiyo, wuxuu si geesinimo leh ugu hadlay qalbigiisa iyo damiirkiisa islaanimo iyo mawqifka shacabka Soomaaliyeedna ee uu matalo, taas oo wax walba loo huri karo sida uu sheegay, Ilaahay ha barakeeyo oo ha sugo. Waxaan hubaa in culays lagugu saari doono, laakiin haka wel welin, Ilaahay baad kelmaddaas ku raalli gelisey, taariikhna wey kuu gashay, ummaddaaduna waa kugu garab taagantahay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheekh Maxamed. Qoraalkaas kadib TV-ga Universal ayaa wareystay Sheekh Maxamed Idiris, wuxuuna sheegay in dadka jecel cadaaladda iyo islaamka ay taageero buuxda u muujiyeen hadalka Ra’iisul Wasaaraha. “Cadaadis waa uga imaa karaa caalamka, laakiin si geesinimo iyo islaamnimo leh ayuu u hadlay Ra’iisul Wasaaruhu, xaq ayuuna u leeyahay kelmadaha uu jeediyey, ilahey ayaa u hiilinaya, ma jirto sabab loogu welweli karo,” ayuu yiri Sheekh Idiris. Shiiqa ayaa sheegay in hadalka Xamse ay dhibsa maraan madaxda dalal badan oo saaxiib la ah Soomaaliya, balse aan loo jooji doonin cadaadis kasta oo ka imaada. “R/Wasaare Xamsa wuxuu ku hadlay damiirkiisa iyo kan shacabka Soomaaliyeed, waana ku taageereynaa, hoggaamiyihii umad muslim ah hogaamiya ee hadana qadiyadaan ka aamusan waa sheydaan camal,” ayuu yiri Sheekh Idiris. Ugu dambeyntii Sheekh Idiris ayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa ku dhiiri geliyey hadalkiisii xaqa ahaa ee arrinta Falastiin uu uga hadlay, isagoo u sheegay in cadaadiska iyo cajaga jugleynta uusan u joojin, maadaama uu heysto taageerada dadkiisa Soomaaliyeed iyo malaayiin muslimiin ah. Hoos ka daawo The post Daawo: Sheekh Maxamed Idiris oo si cajiib ah uga hadlay khudbadii R/W Xamza ee qadiyadda Falastiin appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Wadaad Diimeedka ah ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre hadda wuxuu helay furihii quluubta shacabka. Tan iyo markii uu si diin, dadnimo iyo dowladnimo leh uga hadlay gumaadka ku socda shacabka reer Falastiin, sidoo kalena uu xujeeyay damiirka Reer Galbeedka. Inkasta oo qaar khudbooyinkiisa hore kamid ah dadka qaarkii maad u arkeen laakiin mar walba oo ay dadku aqbalaan inay ku dhageystaan maad iyo dhab middii ay noqotaba, waxaad og tahay in la fahmayo farriintaada. Tan iyo soo ifbixii argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya dhalinyaro badan oo aan heerka aqoontooda is-gaarin ayay kooxaha argagixisadu si fudud ugu qanciyeen afkaartooda dhiig daadinta. Kumanaan dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa fikir aanay iska fiirin ku laayay kumanaan Muslimiin ahaa, iyagiina ku dhintay. Wacyi-gelinta lagu tirtiraayo fikirkaas qaldan ayaa shaqo badan laga qaban, mudadii ay gobollada Soomaalida qaar u dagaalamayeen in uusan fikirkna ku wada baahin dalka. Dowladduhu muhiim uma arkeynin in dhalinyaradda lala hadlo, wax la baro oo mashruuc taban ee argagixisada mid togan la agdhigo. Dabcan madaxdii dalkana baddi ma awoodin inay si Diini ah ula hadlaan dhalinyaradda ama u beeniyaan fikirka argagixisada, si ugu yaraan dhalinyaradda la maan xaday ay su’aallo isku weydiiyaan. Hadda dhalinyaradda wey fahmaysaa ra’iisul wasaare Xamza, Culimadduna sidoo kale. Dareen hadalkiisuna wuxuu helay shacab u riyaaqsan, sidaas awgeed waa inuu deg deg uga faa’iideysta oo isagu hormuud u noqda dagaalka dhanka caqiidada ah ee lagula jiro argagixisada. Inkasta oo firqooyinka ku badan yihiin culimadda Soomaaliyeed, laakiin nin wadaad ah haddana ra’iisul wasaare ah waa fahmi karta cududa maaliyadeed iyo midda milatari ee uu heli karo, lamana dhayalsan karo halka uu wax gaadhsiin karo haddii uu bareero. Maadaama uu madaxweynaha yahay taliyaha guud ee ciidanka qalabka sida uuna hormuud u yahay dagaalka milateriga iyo midka dhaqaalaha ee lagula jiro argagixisada. Ra’iisul Wasaare Xamza waa inuu si buuxda u qaata furaha dagaalka caqiidada ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya mawduucan, si uu hab diini ah ugu suuliyo fikirka sunta ah ee argagixisada la timid ee salfaday kumanaanka dhalinyaradda Soomaaliyeed ah. Marka la eego marxaladda dagaal ee lagu jiro ma jiraan wax ka muhiimsan madaxweyne ama ra’iisul wasaare wadaad diimeed ah, waxaase su’aal ah sida ay Xamza iyo kooxda la shaqeysa u haleeli doonaan, qaababka looga faa’iideysan karo fursadaha muuqda oo loogu beddeli karo shaqooyin joogto ah oo ugu dambeyn joojiya maan-xadka ay argagixisada ku haysay dhalinyarada Soomaaliyeed 15 sano ee lasoo dhaafay. The post Maxay tahay fursadda weyn ee uu haysto ra’iisul wasaare Xamza? appeared first on Caasimada Online.
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa warbixin ka soo saaray wiil xalay lagu dilay magaalada Hargeysa. Marxuum Nimcaan Maxamed Cumar oo 23 jir ahaa ayaa xalay midi lagu dilay, sida lagu sheegay warbixinta booliska. Abshir Saleebaan Xuseen oo 17 jir ah ayaa lagu eedeeyey dilka marxuumka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay booliska Somaliland. Sidoo kale warbixinta booliska waxaa lagu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen eedeysanaha, kaas oo hadda ku jira xabsiga Hargeysa. Inta u dhaxeysa magaalooyinka Wajaale iyo Gabiley ee Somaliland ayaa laga soo qabtay eedeysanaha oo baxsad ah, sida uu shaaciyey boolisku. Eedeysane Abshir Saleebaan Xuseen ayaa doonayey inuu gudaha u galo dalka Itoobiya, sidoo kale afar eedeysane oo kale ayaa loo soo qabtay dilka Marxuum Nimcaan Maxamed. Ragga afarta ah ayaa la sheegay inay eedeysanaha koowaad ka gacan siiyeen dilka uu geystay, isla markaana lasoo qabtay dhamaantood. Taliska Booliska Somaliland ayaa qoraalkaan ku balan qaaday in eedeysanaha koowaad iyo afarta kale ee dilkaas ku gacan siisay deg deg loo hor geyn doono maxkamadda awooda u leh kiiskaan. Ugu dambeyntii booliska Somaliland ayaa digniin u diray qof kasta oo ku howlan qalqal gelinta amniga, iyagoo balan qaaday inay gacan bir ah ku qaba doonaan qof kasta oo ku xadgidba amniga muwaadiniinta. The post Booliska Somaliland oo warbixin ka soo saaray dil ka dhacay Hargeysa iyo xubno loo soo qabtay appeared first on Caasimada Online.
  5. Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Odayaasha dhaqanka ee beesha Yabardhowrakace ee Cayr oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa war ka soo saaray dilkii magaalada dhexdeeda loogu geystay labo ganacsade oo ka soo jeeda beesha Saleebaan. Ugu horeyn beesha Yabardhowrakace ayaa qiratay dilka labadii nin ee lagu dilay gudaha magaalada Dhuusamareeb, waxayna ka bixiyeen raali gelin in fal noocaas ah uu ka dhacay gudaha magaalada oo caasimad u ah umadda reer Galmudug. Sidoo kale waxay odayaasha beeshaas balan qaadeen inay soo qaba doonaan raggii dilay labada marxuum. Bayaanka ka soo baxay odayaasha Yabardhowrakace ayaa raali gelin looga bixiyey in qirashada dilkaas, iyagoo sheegay inay xaqiijin wadeen. Sidoo kale odayaasha beesha Yabardhowrakace ee Cayr – Habargidir ayaa balan qaaday in fal noocaas ah uusan ku soo laaba doonin caasimadda Galmudug. Sidoo kale odayaasha oo ka tacsiyeeyey wixii dhacay ayaa sheegay in ganacsatada la dilay ay ku sifeeyeen “Kaa dhimay oo kugu dhimay.” Habeeno ka hor ayaa goor fiid hore ah bartamaha magaalada Dhuusamareeb lagu dilay labo ganacsade oo ka soo jeeda beesha Saleebaan, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil, labada marxuum ayaa aad looga yaqaanay Dhuusamareeb. Dilka labada ganacsade ayaa salka ku haaya aano qabiil oo u dhaxeysa Saleebaan iyo Ceyr oo ka wadadhashay Habargidir, waxayna si joogto ah isugu dilaan deegaanka Xananbuure oo waqooyi ka xiga Dhuusamareeb. Hoos ka daawo The post Daawo: Beesha Yabardhowrakace ee Cayr oo qirasho yaab leh ka soo saartay dilka rag Saleebaan ah appeared first on Caasimada Online.
  6. Kalfadhigii 83aad ee Golaha Guurtidda oo Furmay Hargeysa(Qaran news)-Kalfadhigii 83-aad ee golaha guurtida JSL, ayaa si rasmiya u furmay maanta, waxaanu guddoomiyaha Golahaasi Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, Mudanayaasha Golahaasi Warbixin ka siiyey xaaladda dalku marayo. Guddoomiye Saleebaan ayaa ka waramey in wafti u goluhu u diray dhibaatooyin ka dhacay deegaanada Ceel Af-wayn iyo Cali Saahid, oo uu sheegay inay meel wanaagsan marayaan, waxaanu tilmaamay in afar xubnood oo xoojin ah u shirguddoonka ka dhex-magacaabi doono, afartaas mudane oo ka mid noqon doona guddiddii nabadeynta u joogtey degaanka Cali Saahid ee hawdka gobolka Togdheer. Dhinaca kalena guddoomiyaha golaha guurtida JSL, waxa uu ka hadlay sicirbararka dalka ka taagan, waxaanu sheegay in aanu sarif barar ahayn ee uu yahay dollar barar, waxaanu ku boggaadiyey masuuliyiinta Baanka dhexe talaabooyinka uu ku xakameynaayo sicir bararkaasi iyo lacagta shilinka Somaliland, oo ay ka ururinaayaan sariflayaasha iyo ganacsatada Suuqa caasimadda ka howlgala, oo ay ugu beddelaayaan lacago Dollar ah, si arrinta sicirbararka wax uga qabtaan, waxaanu bulshada kula dardarmey inay garab joogsadaan howshaasi mas’uuliyiinta Baanka Dhexe gacanta ku hayaan. Geesta kalena,Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland waxa uu mudanayaasha golaha ku wargeliyay ku wargaliyey in xeerkii Doorashooyinka dalku golaha la horkeeni doono, isla markaana loo qaybin doono, waxaanu ka codsaday in aanay ka degdegin. Waxaanu yidhi.“Laba wafti ayaa innaga maqan, waftiga Ceel Afweyn isaga sooma hoyde ayaa la yidhaahd, sababto ah sooma noqdaanba iyo waftiga Cali Saahid, haddii ALLE yidhaahdo labaduba hada way dhaw dhaw yihiin, waxaan rajjo weyn ka qaba muddo 7 cisho inay innagaga soo dhammaato xaalada Ceel Afweyn” Guddoomiye Saleebaan ayaa ka waramey in wefti u goluhu u diray dhibaatooyin ka dhacay deegaanada Ceel Af-wayn iyo Cali Saahid, oo uu sheegay inay meel wanaagsan marayaan, waxaanu tilmaamay in afar xubnood oo xoojin ah u shirguddoonka ka dhex-magacaabi doono, afartaas mudane oo ka mid noqon doona guddiddii nabadeynta u joogtey degaanka Cali Saahid ee hawdka gobolka Togdheer. “Cali Saahid marka beelihii ku diriray ku heshiin waayeen Golaha Guurtida JSL, ayaa galaya, ergadii ka guurti ahaan innaga joogtay Cali Saahid, waay kala tageen 3 mudane ayaa ka hadhay aakhirkii, 4 nin oo kale ayaynu ku daraynaa oo golahan aynu ka xulo, iyagana waxa aynu ku rajjo weynahay inay hawsha soo dhammeeyaan, labada beelood ee shaqaaqadu ka dhexdhacday reer walba waxa ka qaybgalaya hal xidhiidhaya ah, iyagu dagaalka gelimayaan garna niqimaayaan,” Dhinaca kalena guddoomiyaha golaha guurtida JSL, waxa uu ka hadlay sicirbararka dalka ka taagan, waxaanu sheegay in aanu sarif barar ahayn ee uu yahay dollar barar, waxaanu ku boggaadiyey masuuliyiinta Baanka dhexe tallaabooyinka uu ku xakameynaayo sicir bararkaasi iyo lacagta shilinka Somaliland, oo ay ka ururinaayaan sariflayaasha iyo ganacsatada Suuqa caasimadda ka howlgala, oo ay ugu beddelaayaan lacago Dollar ah, si arrinta sicirbararka wax uga qabtaan, waxaanu bulshada kula dardarmey inay garab joogsadaan howshaasi mas’uuliyiinta Baanka Dhexe gacanta ku hayaan. Waxaanu yidhi.“Waxa dalka ka dhacay sicir barar maaha ee waa dollar barar, baanku sifiican ayuu uwada hawshaasi dejinta iyo xasilinta sicir bararka, lacagtii Shilinka JSL ayuu suuqa ka ururinayaa, dollarna wuu galiyay, lacagta shilinka waalagu khasban yahay in la aamino,” “Xeerka dhagta loo wada taagay golahana soo galay, buuqiisu wuu idin hor imanaya suga, idinka waa la idiin qaybinaya ha sugi waayina, nuxur ahaan aadbu u fiican yahay, wixii hawla awalba waad qaban jirteen, iskumaynaan buuqi jirin, haddii guddi loo baahdana waynu u saaraynaa,” Guddoomiyaha ayaa u duceeyay dadka reer Falastiin ee Yuhuud dhibaataynayso, waxaanu ugu duceeyay in ILLAAHAY dhibka ka kor qaadi. Waxaanu yidhi.“Gaalo Falastiin way u heshiisay, dad Muslineynu nahay, dad Carbeedbaynu nahay, Mareykanba hor boodaya, may dhici jirin in madaxweynaha Mareykanu dagaalka hoggaamiyo, kan maantu isaga Israa’iil tagey, Ciidan, Maraakiib iyo diyaaradihii wax duqaynayayba wuu geeyay, Qaladii ku dhacday isagaba dunnida madax u ahaaye halku isku wadaa, sowka hoos isu dhigey. Innagu duco ayaynu u dirayna, ciidamadana wixii ku biiraya haku biiraan si aynu gaashaan ugu noqono,” Qaran News
  7. Ciidanka Booliska oo Qabtay Wiil Dhalinyaro ah oo Dil Geystay Hargeysa(Qaran news)-Ciidanka Booliska JSL, ayaa sheegay in wiil 23 jir ah uu wiil kale oo 17 jir ahi middi ku dilay xalay abaaro 8:30 habeenimo, magaalada Hargeysa. Dilkan oo ka dhacay xaafada Sheekh Cumar Yuusuf, ee degmada 31-ka May ee koonfurta Hargeysa, ayaa lagu dilay Marxuum Nimcaan Maxamed Cumar, kadib markii uu middi la dhacay Abshir Saleebaan Xuseen, oo ah wiilka dilka gaystay. Warkan booliska ka soo bacay ayaa lagu yidhi.”Dedaal dheer iyo hawlgal ay sameeyeen ciidanka boolisku ayay kusoo qabteen eedaysanaha magaalada Wajaale iyo Gabiley dhexdooda halkaasi oo uu doonaayo ina uu ka talaabo xadka Somaliland iyo DDS”. Dhanka kale, Ciidanka Boolisku ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysaneyaal kale oo la aaminsanyahay in wiilka dilka gaystay ay gacan ka siiyeen in uu dilka gaysto. Eedaysanayaasha kale ayaa kala ah Cabdiraxmaan Farxaan Xasan Ina Shukri Ismaaciil 20-jir, Xamse Cabdillaahi Maxamed ina Farxiya Yuusuf 18jir, Sayid Cabdiraxmaan Axmed Ina Saynab Axmed 20Jir, Mustafe Cabdilaahi Xuseen ina Safiya Kamadiid 21jir. Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa soo bandhigay danbiyadii sannadkan ka dhacay Somaliland. Qaran News
  8. Wasaaradda Biyaha oo ka Warbixisay Mashaariic ay Somaliland ka Waday Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda khayradka biyaha JSL, ayaa ka hadashay tirada mashaariic ay gacanta ku haysay oo ay dalka ka fulinaysay, oo isugu jira kuwa dhammeystirmay oo durba laga faa’idaystay, kuwa la dhagax-dhigey iyo qaar la dayactirayo oo gacanta lagu hayo. Mashaariicdan oo ay ku baxeen malaayiin dollar ayaa laga hirgeliyay gobollada, Selel, Awdal, Maroodijeex, Togdheer iyo Gabiley. Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland, ayaa u dhigna sidan. “Mashruuca biyo baaldinta Borama oo ay ku baxday 6 Milyen oo dollar, saddex biyo xidheen oo laga hirgeliyay bariga Boorama, Ceelka Kalawle kaas oo la dhammeystiray, lagana hirgeliyay gobolka Awdal, ceelka Gargaara-bari ee gobolka Awdal oo dhammaaday, ceelka Geerisa ee gobolka Awdal oo dhammaaday, ceelka Magaalo-cad ee gobolka Awdal oo dhammaaday, ceelka Laagta-mohorda ee gobolka Selel oo imika socda, ceelka Ceel-gaal ee gobolka Selel oo la dhagax dhigey, dhaamka Wado-makaahil ee gobolka Maroodi-jeex oo dhammaaday, dhaamka Ijaara ee gobolka Gabiley oo dhammaaday, ceelka War-cimraan ee gobolka Togdheer oo la dhagax dhigey.” Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay inay u tartameyso kursi aan joogto ahayn oo ay ka hesho Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Kursiga ay dowladda shaacisay inay u tartameyso ayaa haddii ay Soomaaliya ku guulaysato waxay joogi doonta illaa sanadka 2026-ka. Bayaan kooban oo kasoo baxay howl-galka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo arrinkaan lagu shaaciyay ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya lagu aamini karo inay hormuud ka noqoto ajendaha iyo amniga Afrika. “Soomaaliya waa lagu aamini kara in ay hormuud ka noqoto ajendaha nabadda iyo amniga Afrika ee UNSC iyo sidoo kale u hoggaansanaanta mabaadi’da iyo axdiga Qaramada Midoobay si loo dhiso nidaam caalami ah oo nabad ah, xasilloon oo barwaaqo ah.” Doorashada kursigaan oo qeyb ka ah shan kursi oo aan joogto ahayn, ayaa sida qorshuhu yahay waxaa la qaban doona bartamaha sanadka 2024, inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Kursigaan ay Soomaaliya u tartamayso ayaa ah kursi Afrika u gaar ah, si gaar ahna waxaa u yeelan doona waddan ku yaal Bariga Afrika. Waddanka ku guulaysta ayaa waxa uu kamid noqon doona 10 waddan ee ku fadhiya kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka QM, muddo labo sano ah. Damaca Soomaaliya ee kursigaan ayaa markii ugu horeysay banaanka yimid kadib markii ay Soomaaliya sheegtay inay ka tanaasushay madaxweynaha baarlamaanka adduunka, oo ay ku guuleysatay guddoomiyaha baarlamaanka Tanzania. Soomaaliya ayaa dhiggeeda Tanzania heshiis kula gashay in kursiga yaala Golaha Ammaanka ay kala shaqeyso sidii ay Soomaaliya ku guulaysato. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka codsaday madaxweynaha Tanzania inay ku taageeraan Soomaaliya helista kursigaas. Fursada ugu weyn ee kursigaan ayaa ah mid siyaasadeed, iyadoo danaha muhiimka ah ee Soomaaliya ka yaala Qaramada Midoobay ay kamid yihiin in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaaliya. Hadda waxaa kurigaas ku fadhisa Kenya, intii ay socotay doorashadaas Soomaaliya ayaa taageertay Jabuuti oo u tartameysay kursigaas, dowladda Soomaaliya ayaa hadda wada olalaheeda raadinta kursigaas. The post DF oo si rasmi ah u shaacisay inay u tartameyso kursi yaalla Golaha Ammaanka appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Bisha soo aadan ee December ama Janaayo 2024 midkood dowladda Soomaaliya waxay u dabaal-degaysa in laga cafiyay deyn dhan 5.2 bilyan oo dollarka Mareykanka, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club. Laakiin waa dabaal-deg uu hareer yaallo culeys kale oo xoog leh oo kusoo wajahan dowladda Soomaaliya. Markii lagu dhawaaqo in Soomaaliya laga cafiyo deynta waxaa dowladda federaalka ah ay ku qasban tahay abuurista ilihii isku filnaanshaha. Waxaa istaagi doonta inta badan kaalmadii lacageed ee ka imaan jirtay dibadda. Toddobaadkii tegay fallaartii koowaad ee cadeynta arrintaas ayaa ka timid hay’adda lacagta adduunka ee IMF. 2020-kii heshiiskii IMF iyo dowladda Soomaaliya wuxuu ahaa in dalkaan Geeska Afrika la siiyo 395 Milyan oo dollar muddo saddex sano ah, iyaguna intaasi ku dhameystiraan shuruudaha ku xiran deyn cafinta sida; kordhinta dakhliga gudaha, kor u qaadista waxbarashada iyo dhimista saboolnimada. IMF hadda waxay sheegtay in arrimahaas xoogga wax laga qabtay, dhawaana la filaayo in deynta la cafiyo. Heshiis cusub ayay markale gaareen IMF iyo dowladda Soomaaliya, waana in dowladda Soomaaliya la siiyo 100 Milyan oo dollar saddexda sano ee soo aadan 2023 illaa 2026. Waxaa lacagtaan laga bixinaya sanduuqa taageerada dalalka aan dakhli ahaan isku filneyn. Halkan waxaa ka fahmi karnaa isbeddelka farqiga hoos u dhaca ah ee ku yimid lacagtii iyo isbeddalka cinwaankii lacagta lagu siiyay dowladda Soomaaliya. Saddexdii sano oo hore waxay bixiyeen 390 Milyan laakiin saddexda sano ee soo socota waa 100 Milyan, tallaabadan waxaa la yiraahda isku tasho. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay canshuurta Muqdisho oo keliya. Caasimada sanadkii lacagta laga qaado wallow ay aad u badan tahay haddana inta Bangiga Dhexe ee dowladda ku dhacda waxay u dhaxeysa 250 Milyan illaa 300 Milyan oo dollar, balse dadka xogta dhaqaalaha la socda waxay sheegayaan in tiro intaasi ka badan la dhaco. Micnuhu waa in haddii ay dowladda ka adkaato musuq-maasuqa kunka weji leh ee Muqdisho yaalla inay caasimada sanadkii ka heli karto lacag dhan 600 iyo 700 Milyan oo dollar. Canshuurta dalku ma mideysna. Maamul goboleedyada ma rabaan in canshuurta la middeeyo. Deyn cafinta kadib dowladda dhexe ee Soomaaliya waxaa laga rabaa inay isku filnaato, si taas loo gaaro waa in musuq-maasuqa laga adkaado, maamullada lagu qanciyo in canshuurta la mideeyo, la abuuro jawi nabadeed oo maalgashi keeni kara, kheyraadkana laga faa’iideysto oo suuq loo raadiyo. Dhamaan arrimahaan waa xujooyin cul-culus oo horyaalla madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukunkiisa, taasi oo hadba sida loo xaliyo ay ku qeexi doonto halka uu qaranku gaari karo sanadaha soo socda. The post Deyn cafinta kadib xujooyin culus oo horyaalla Xasan Sheekh iyo xukunkiisa appeared first on Caasimada Online.
  11. Roobab mahiigaan ah oo maalmihii la soo dhaafay ka da’yaya magaalada Galkacyo ee caasimad u ah gobolka Mudug ayaa sababay burbur hanti iyo barakac dadweyne. Daadadka xooggan ayaa gudaha u galay xaafadaha degmada taasi oo keentay in ay burburaan hanti ay ku jiraan guryaha iyo goobo ganacsi, waxaa kale oo barakacay qaar ka mid ah shacabkii degmada. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in roobab xooggan oo laba maalmood ka da’ayay Gaalkacyo ay sababeen khasaare isugu jira burbur hantiyeed iyo bara-kac. “Roobab Lixaad leh oo 2-daan maal-mood ka da’ayey Magaalada Gaalkacayo ayaa sababay khasaare isugu jira burbur hantiyeed, in dad badan ka barakacaan guryahoodi si gaara xaafadaha Garsoor, Horumar iyo barakacayaasha ku nool magaalada Gaalkacyo”. Isla qoraalka waxaa ku xusnaa in ay jiraan khataro noocyo kala duwan. “Waxaa dumay oo isku furmay suuliyaashi taas oo ay ka dhalan karto khatar caafimaad, sidoo kale, waxaa xirmay isku socodkii magaaalada, Dad badanna ku go’doomiyey guryahoodi, goobihii adeegga Dadweynaha oo xiran, sida Iskuulada iyo xarumaha Caafimaadka” ayaa lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyntii, Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa ugu baaqday hay’adaha Gargaarka degdega ah iyo dadka reer Puntland in ay is garab taagaan shacabka Gaalkacyo gaar ahaanna dhinacyada Caafimaadka iyo Biyo saarista Magaalada. Source: goobjoog.com
  12. Uganda recorded a 15-0 win against Djibouti in their opening Group A match of the CECAFA U15 football championship on Saturday. Source: Hiiraan Online
  13. Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI oo Boiqday Golaha Guurtida oo uu Xubin Sharaf ka Yahay Hargeysa(Qaran news)- Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa booqday golaha Guurtidda Somaliland. Murrashax Cirro oo warbaahintu waydiisay sababta uu u soo booqday xarunta Baarlamaanka, ayaa sheegay inuu yahay xubin sgaraf ka tirsan Golaha Guurtidda, sidaas darteedna uu kala soo qaybgalay fadhigiida caadiga ah. Murrashax Cirro waa markii kowaad ee uu yimaado kana soo xaadiro fadhiga golahaas, tan iyo markii uu iska casilay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dabayaaqadii sannadkii 2016kii xiligaas oo isku sharraxay doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday dalka 2017kii. Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac oo maanta booqasho ku tagay xarunta dhexe ee hay’adda maaraynta musiibooyinka qaranka, ayaa ku dhowaaqay xaalad deg deg ah. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo halkaasi kusoo dhaweeyeen guddoomiye ku-xigeenka xigeenka hay’adda Maareynta Musiibooyinka Dr Axmed Cabdi Aadan Aadan, ayaa waxa uu ka sheegay in halis weyn ka jirto dalka. Xaaladda deg-dega ah ee uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa ah mid loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka xaalada El-Niño. Waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagay saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoog leh oo ka da’ay gobollada dalka, isaga oo sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof. Mudane Saalax ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah iyo in dowladdu waddo abaabul iyo sidii wax loo gaadhsiin lahaa dadkaas tabaalaysan, isaga oo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada inay taageeraan dadka Soomaaliyeed ee dhibku gaaray ee ku nool gobalka Gedo iyo qeybo kamid ah gobolada dalka. “Halis weyn ayaa dalka ka jirta, taasi oo ka dhalatay roob xooggan oo ka da’ay qaybo kamid ah gobollada, dhimashada ayaa ka badan 10 qof,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay xarunta hay’adda SODMA. Waxa uu intaas kusii daray “Go’doon, naf-waa, xoolo baxa, beero la waayo, burbur guryo iyo deegaan, barakac iyo adduunkii iyo meelihii wax ka soo gaarayeen oo ay ka xirmaan ayay halis ugu jiraan dadkaasi. Waxaa dadka Soomaaliyeed culimadooda fareyna in ay dadka wax u sheegaan oo u qaadhamaan.” Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Dowladda oo ku dhowaaqday xaalad deg deg ah kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  15. The behavior of President Hassan Sh. Mohamud following his election on May of 2022 has raised concerns and questions about his motives and his rationale as he turned the country into a family affair and a one man show. Source: Hiiraan Online
  16. Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa shaacisay in ciidamada Israa’iil oo xalay duqeeyay xero qaxooti ay ku dhinteen ugu yaraan 40 qof oo rayid ah. Weerar kale oo dhacay ayay sidoo kale sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin in lagu dilay 21 falastiiniyiin ah oo dhammaantood hal qoys ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur. Bambaanooyinka ayaa si isdaba joog ah ugu hoobanaya agagaarka isbitaalka al-Quds ee Qasa, halkaas oo gabbaad u ah ku dhawaad ​​14,000 oo Falastiiniyiin ah. Kooxaha gurmadka deg-degga ah ayaa sidoo kale awoodi waayay in ay badbaadinta rayidka sii wadaan sababa la xiriira duqeymaha is daba-jooga ah ee socda. Dhimashada guud ee shacabka ku go’doonsan marinka Qasa ayaa kor u dhaaftay 9500 oo qof halka dhaawacyada la diiwaan-geliyay ka badan yihiin 24,000 kun oo ruux. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee khasaaraha ka dhashay duqaynta Israa’iil ee marinka Qasa appeared first on Puntland Post.
  17. Mogadishu (HOL) - The Somali Media Association (SOMA) and the Federation of Somali Journalists (FESOJ) commemorated the late TV journalist Abdifatah Moalim Nur, known as Qeys, during this year's International Day to End Impunity for Crimes against Journalists (IDEI) event in Mogadishu on Sunday. Source: Hiiraan Online
  18. Xudur (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howl-gallo qorsheysan ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Bakool. Howl-galladan oo ay fuliyeen ciidamada xoogga, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa waxaa laga sameeyay deegaano ay kamid yihiin War-wiin, War-dhato, Ceela-helay iyo Moorigaabey ee gobolka Bakool. Ciidanka ayaa howl-galladaasi ku baacsaday Shabaab-ka halkaasi ku dhuumaaleysanayay, sida uu sheegay Taliyaha guutada 9-aad Qeybta 60-aad Gaashaanle Yoonis Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta dowladda. Shacabka deegaanadaasi ayaa dhankooda ku bogaadiyey sida ay ciidanka u garab istaagaan iyo u soo gudbinta ciidanka fariimaha ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhawaan waxaa si rasmi ah uga bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud horay ugu dhawaaqay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu dhawaan faray masuuliyiinta degmooyinka la haysto ee maamulkaasi in ay u diyaar garooban dagaalka, islamarkaana dowladda ay xooggeeda iskugu keeneyso Koonfur Galbeed oo muhiim u ah gulufka socda. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya ayaa guullo wax ku ool ah ka gaaray wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda. Sido kale waxaa kooxda looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan, ayada oo laga burburiyay xarumo ciidan iyo goobo keyd u ahaa. The post Sawirro: Ciidanka DF oo howl-gallo ka dhan ah Shabaab ka fuliyay BAKOOL appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxaa la horgeeyay illaa 11 mas’uul oo ka tirsanaa maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo ahaa guddoomiyeyaal waaxeed oo kala duwan. 11-ka qof ee la horgeeyay maxkamadda ayaa 8 kamid ah waxa ay yihiin rag, halka saddexda kalena ay yihiin dumar, kuwaas oo loo haysto la shaqeynta Al-Shabaab. Sidoo kale kooxdan ayaa loo haystaa inay ahaayeen shabakad isku xiran oo basaasiin u ah Al-Shabaab, isla-markaana ka howlgaleysay degmooyinka kala ah Hodan, Howlwadaag, Heliwaa, Dayniile, Yaaqshiid iyo deegaanka Daarusalaam ee duleedka magaalada Muqdisho. Sida ay sheegtay xeer ilaalinta maxkamadda waxaa shabakaddan hoggaaminayay nin lagu magacaabo Cabdiraxiin Maxamed Cismaan Jimcaale (Macruuf), kaas oo 14-kii bishii labaad ee sanadkan 2023-ka laga soo xiray suuqa Baakaaraha, wuxuuna ahaa diiwaan hayaha kooxda, ayada oo lagu soo qabtay Computer ay ku jiraan xogta shabakadda oo dhan. Sidoo kale waxaa kooxdan kamid ah sarkaal ka tirsan Booliska oo u goostay Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay Ayaanle Maxamed Cali, kana howlgalayay saldhigga degmada Hodan, sida ay sheegtay xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida. Ragga kale ee kasoo muuqday maxkamadda, kana tirsanaa maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir waxaa kamid ah:- Shariif Nuur Cali Awliyo oo ahaa guddoomiye waaxeed ayaa loo heystaa inuu ahaa wakiilka shabakadda ee degmada Hodan, waxaana uu wajahayaa xog ka gudbinta qaraxii Soobe 2, abaabulka qarax miino oo loo dhigay taliyaha saldhigga Hodan iyo wax ka qorsheynta dil loo gaystay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Mahad Maxamed Cali. Jbriil Cabdullaahi Sheekha oo kamid ah shabakaddan ayaa isna loo haystaa faafinta fikirka kooxda, wuxuuna ninkan kusoo tababartay Saakow, sida ay sheegtay maxkamaddu. Cabdi Cali Cibaar Wardheere (Tabliiqa) ayaa isna wajahaya eedo kamid ah inuu macluumaadka qaraxyada ka keeni jiray deegaanka Daarusalaam iyo xaafadda Carafaad, isaga oo ah wadaad Tabliiq ah, hadane ka tirsan shabakaddan ka midka ahayd Shabaab. Canab Xuseen Cumar Fiidow ayaa iyadana loo maxkamadeeyay inay shaqo basaas ah ka qabatay degmada Hodan iyo xarunta xisbiga, sidoo kalena ay baraha bulshada ka taageertay Al-Shabaab, ayada oo gaaleysiisay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka. Xidigle Xoogga Cawil Jaamac Cabdule Xiirey guddoomiyihii laanta 5-aad ee Midnimo, waaxda October ee degmada Hodan, Raxmo Cabdi Cabdishkuur Cali Muumin (Sandheer) guddoomiyihii laanta labaad ee Feer-Feer, Maxamuud Axmed Siyaad Barre (Muruq) guddoomiyihii waaxda Kacaan ee degmada Hodan, Sharmaarke Muuse Ismaaciil Caraale guddoomiye ku xigeenkii waaxda Kacaan, ahaana guddoomiyaha isboortiga ee waaxda, Asiili Maxamed Dhicisow Faarax guddoomiye laameedkii waaxda Taleex, kuna magacowneyd laanta Al-barako iyo Xasan Maxamed Ibraahim (Xasan Kacaan) oo ahaa guddoomiyaha laanta afaraad ee waaxda Kacaan ayaa dhammaantood ka siman eedda ah inay qaabilsanaayeen qaybta basaasnimada ee maamulka degmada Hodan. Intaas kadib ayaa waxaa la dhegeystay doodda u dhexeysay xeer ilaalinta maxkamadda iyo qareenada difaacayay eedeysanayaasha, taas oo waqti dheer qaadatay. Ugu dambeyn waxaa fadhiga maxkamadda soo xiray guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute), isaga oo ku dhawaaqay in go’aanka kama dambeysta ah ay maxkamadda dib ka shaacin doonto. The post 11 kamid ah mas’uuliyiintii degmada Hodan oo Shabaabnimo loo Maxkamadeeyay + Video appeared first on Caasimada Online.
  20. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Qoyska Allaha u naxariistee Sheekh Xasan Diirshe Cadde oo dhawaan aano qabiil loogu dilay Dhuusamareeb isaga iyo marxuum Saciid Tahliil Maxamed ayaa war cusub kasoo saaray dilkaas oo caro ka dhaliyay deegaanada Galmudug. Wiil uu dhalay marxuumka oo lagu magacaabo, Sheekh Yaxye Sheekh Xasan Diirshe ayaa shaaca ka qaaday in aysan aarsan doonin, isla-markaana aan lagu soo tarbiyeen daadinta dhiig qof muslim ah, wuxuuna Umaadda Soomaaliyeed ka codsaday inay u duceeyaan aabahood, maadaama gacan xaq darran ay dishay. “Waxaan dadka u xaqiijinayaa inaan annaga horta fikir noocaas ah marna qalbigeena kusoo dhicin inuu kusoo dhacana ilaahey ayaan ka magan geleynaa, waayo tarbiyada noocaas ah yacni in dad la dilo, la dhaco, la waxyeeleeyo aabaheyna ma sameynin, naguma soo tarbiyeen” ayuu waresyigaan kum yiri Sheekh Yaxye Sheekh Xasan Diirshe Cadde. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in go’aankan uu yahay mid ay qoys ahaan u gaareen, isla-markaana aysan dooneyn in dhibaatada ay sii socoto, si dhiig kale loo daadiyo. “Aarsi ma jiro, dhiig muslin uma socono arinkaasi waa arrin aan wada qaadanay” ayuu mar kale yiri Sheekh Yaxye. Waxaa kale oo uu uu intaasi kusii daray in go’aankan ay la qaateen odayaasha dhaqanka iyo waalidiinta, ayna ku bogaadiyeen arrinta ay soo jeediyeen, si loo dajiyo xaaladda. “Fikirkan aan baahinay waa go’aan ay nala qabaan odayaasha, yacni arrinkaasu waa arrin markii horaba odayaashu afkooda ka maqleynay oo ay nagu dhiiragelinayeen” ayuu yiri. Allaha u naxariistee dilka Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil oo lagudba kasoo jeeda magaalada Cadaado ayaa daba socday dagaal beeleed ka qarxay deegaanka Xananbuure ee duleedka magaalada Dhuusamareeb, kaas oo ay hadda xalintiisa ku baxday Galmudug. The post Carruurta Sheekh Xasan Diirshe oo war cusub kasoo saaray dilka Aabahood appeared first on Caasimada Online.
  21. Dowladda Puntland ayaa markii u horraysay ka hadashay daadadkii xalay ku soo rogmay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in roobab xooggan oo laba maalmood ka da’ayay Gaalkacyo ay sababeen khasaare isugu jira burbur hantiyeed iyo bara-kac. “Roobab Lixaad leh oo 2-daan maal-mood ka da’ayey Magaalada Gaalkacayo ayaa sababay khasaare isugu jira burbur hantiyeed, in dad badan ka barakacaan guryahoodi si gaara xaafadaha Garsoor, Horumar iyo barakacayaasha ku nool magaalada Gaalkacyo”. “Waxaa dumay oo isku furmay suuliyaashi taas oo ay ka dhalan karto khatar caafimaad, sidoo kale, waxaa xirmay isku socodkii magaaalada, Dad badanna ku go’doomiyey guryahoodi, goobihii adeegga Dadweynaha oo xiran, sida Iskuulada iyo xarumaha Caafimaadka” ayaa lagu yiri qoraalka. Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa ugu baaqday hay’adaha Gargaarka deg dega ah iyo dadka reer Puntland in ay is garab taagaan shacabka Gaalkacyo gaar ahaanna dhinacyada Caafimaadka iyo Biyo saarista Magaalada. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo war ka soo saartay Khasaaraha ka dhashay daadadka Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  22. Colaaddii ka jirtay deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud ayaa u muuqata mid lasoo afjaray kadib markii ay amnigu la wareegeen ciidamada dowlad goboleedka Gamudug. Tallaabadan ayaa imaaneysa iyada oo deegaanka Xananbuure ay muddo isku horfadhiyeen maleeshiyaad beeleed kasoo kala jeeda magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamaree. Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa hadda si buuxda ula wareegay ammaanka deegaanka, iyaga oo ay saareen saraakiisha ciidamadu awaamir amniga lagu adkeynayo oo ku socota maleeshiyaadka iyo bulshada halkaasi ku nool, waxaana ka mid ah in la mamnuucay hubka aan lagu kudhex qaadan karin cid aanan ciidamada rasmiga ah. Deegaankan Xananbuure ayaa waxaa ragaadiyay codaado muddada dheer ka jirtay waxaana ka muuqda dib u dhac weyn iyo burbur dad tiro yar ayaa ku sugan, waxaana ay odayaasha deegaanku soo dhaweeyeen talaabadda dowladdu ciidamada ku geysay halkaas, taas oo lagu baajinayay inuu dagaal ka dhaco. Todobaadkan waxaa caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb lagu dilay labo ganacsade, arrintaasi oo kicisay aanooyinka u dhaxeeya beelaha deegaanka, una baahatay in maamulka uu wax ka qabto. Source: goobjoog.com
  23. Ciidamo cusub oo Macawislay deegaanka ah ayaa lagu biirayay dagaalka ka dhan ah Shabaab kaasi oo ka socda Mudug iyo guud ahaan dowlad goboleedka Galmudug. Munaasabad weyn oo lagu maamuusay ciidamada dhiigga cusub ee kusoo biiray gulufka oo ka dhacday gobolka Mudug waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasarada Arimaha Gudaha Federalka iyo dib uheshiisinta Galmudug Cumar Maxamed Diiriye Omar Guurey, saraakiil ciidan oo ka tirsan militariga Soomaaliya, mas’uuliyiin kale iyo qeybaha bulshada. Abaabulkii ugu dambeeyay ee Shabaab looga saarayo guud ahaan Mudug ayaa ka socda deegaanno badan oo ilaa Xarardheere ah. Dhowaan ayey aheyd markii ciidanka huwanta ah ay Al-shabaab kala wareegeen magaalooyinka Camaara, Bacaadweyne iyo Shabeellow, xilli ay kusii socdaan deegaannada Caad, Dumaaye, Dabagalo iyo Jowle oo kamid ah gobolka Mudug ee Galmudug. Source: goobjoog.com
  24. Muuqaalada ay baahisay Xamaas ayaa muujinaya dagaalada fool ka foolka ah ee ka socda gudaha Gaza. Muuqaaladan ayaa muujinaya khasaaraha soo gaadhay gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Israa’iil. Militariga Israel ayaa hore u xaqiijiyey in ciidamo lagaga dilay dagaaladan oo inta badan aan xog laga heyn. Wararka ayaa sheegaya in Israel gaadiidka gaashaaman ee laga burburiyey ay gaadhayaan 61 Taangi iyo Beebeyaal. https://x.com/SprinterX99880/status/1720859592446390485?s=20 Israa’iil ayaa duqeyn xoogan toddobaadkii 4aad ka wada Gaza, iyadoo bartilmaamsatay goobaha shacabka. Tirada shacabka Gaza ee ku dhintay duqeynta Israel ayaa kor u dhaafay 9.500 oo ay ku jiraan 3.900 carruur ah. Xamaas ayaa dhinaca kale u muuqata inay sii wado dagaalka ay kula jirto ciidamada Lugta ee gudaha usoo galay Gaza Source
  25. Jowhar (HOL) - The Somali Ministry of Defense has launched an investigation into Saturday's clash involving the Somali military commandos, known as the Danab, and Hirshabelle security forces near Jowhar airport. Source: Hiiraan Online