Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa si gaar ah uga dhacay garoonka magaaladaasi, wuxuuna u dhexeeyay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab iyo kuwa ilaalada madaxtooyad HirShabelle, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka lagu qaaday ciidamo galbinayay guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle, Cabdixakiin Luqmaan oo doonayay inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar, waxaana kadib meesha ka dhacay iska hor imaad toos ah. Guddoomiyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Jowhar ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna eedeyn u jeediyay ciidamada Danab ee ku sugan aagga garoonka magaaladaasi. Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaal lama filaan ah lagu soo qaaday isaga, wafdiga uu hoggaaminayay iyo ciidamada la socday, loona adeegsaday hub culus. Waxaa kale oo uu xaqiijiyay in dhankooda uu soo gaaray dhimasho iyo dhaawac, ayna ku jiraan xildhibaano ka tirsan HirShabelle. Cabdixakiin Luqmaan ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay in arrintan ay soo farageliso, isla-markaana dhacdadaasi ka bixiso jawaab deg deg ah. “Qaar kamid ah xildhibaanadii baarlamaanka ee ila socday ayaa ku dhaawacmay weerarkan halka ilaalada qaar kamid ahna ay dhinteen, waxaan jawaab ka sugeynaa dowladda federaalka.” ayuu yiri guddoomiyuhu. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dagaalka si weyn looga dareemayaa caasimada HirShabelle ee magaalada Jowhar. Si kastaba, dagaalkan ayaa daba socda mid kale oo shalay ka dhacay gudaha magaaladaasi, kaas oo hal askari looga dilay ciidamada Danab ee ka howlgala halkaasi. The post Faahfaahinta dagaal culus oo ka dhacay Jowhar appeared first on Caasimada Online.
  2. Somalia has been granted relief and an additional $100 million financing under a three-year Extended Credit Facility (ECF) arrangement from the International Monetary Fund (IMF) after Mogadishu committed to further economic reforms. Source: Hiiraan Online
  3. Doolow (Caasimada Online) – Wafdi ballaaran oo ka socda maamulka Jubbaland, isla-markaana kasoo kicitimay magaalada Kismaayo ayaa maanta gaaray gobolka Gedo. Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka maamul goboleedka Jubbaland Mudane Maxamed Cismaan Jaamaca (Jeemis), ayada oo si weyn loogu soo dhaweeyay gudaha degmada Doolow ee gobolkaasi. Ujeedka wafdigan ayaa ah sidii ay u qiimeyn lahaayeen, waxna looga qaban lahaa dhibaatada ka dhacday gobolka oo ay ku dhufteen fatahaado iyo roobab dabeyo wata. Guddoomiye ku xigeenka maamulka Doolow ayaa mas’uuliyiintan kusoo dhaweeyay degmada, wuxuuna uga warbixiyay dhibaatada ka jirta halkaasi. “Soo dhawaada Doolow ayaa la yiraahdaa meeshaan arada aad xukuntaan ayay ka mid tahay dhibaatooyinka dhacay waa idin ka xeneynaa waa idin geyn doonaan fatahaadaha iyo dhibaaooyinka ka jira degmada” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka maamulka Doolow. Dhankiisa wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Jubbaland Maxamed Cismaan Jaamaca (Jeemis) oo madasha ka hadlay ayaa faahfaahiyay ujeedka socdaalkooda, wuxuuna sheegay inuu daaran wax ka qabashada xaaladaha soo kordhay. Sidoo kale waxa uu ka mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyay mas’uuliyiinta Doolow iyo shacabka ku dhaqan degmadaas oo xilligaan wajahaya xaalad adag. “Waxaana aniga u imid gobolkan inaan shaqo ka qabano, qaasatyan degmada Doolow, aad iyo aad ayaa sidoo kale idin kaaga mahadcelinayaa soo dhaweynta” ayuu isna yiri wasiirku. Intaas kadib wasiirka ku xigeenka iyo xubnaha la socda oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta degmada Doolow ayaa kormeer ku tegay xaafadaha ay daadadka ku rogmadeen. Gedo ayaa waxaa laga soo warinayaa xaalado bani’aadanimo oo daran, kadib markii uu fatahaad ka gaystay wabiga Juba ee mara gobolka kaas oo ku fatahay dhowr degmo. The post Jubbaland oo wafdi culus u dirtay GEDO kadib dhibaatadii ka dhacday + Video appeared first on Caasimada Online.
  4. Mogadishu (HOL) - Somali government is peppering for a one-person, one-vote election process to elect Mogadishu's district commissioners by June next year, months after the National Consultative Council agreed to reshape the country's political system. Source: Hiiraan Online
  5. Hargeysa(Qaran news)-Haween iyo dhallinyaro ka soo jeeda degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa ayaa xaflad soo dhawayn ah u sameeyay marwada Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI marwo Farduus Maxamed Rooble. Dhallinyarada iyo haweenka ayaa marwada u ballan qaaday in ay si buuxda u taageerayaan Xisbiga WADDANI. Dhammaan siddeeda degmo ee caasimada Hargeysa haweenka ku dhaqan ayaa xaflado noocan oo kale ah u qabtay Marwada murrashax Cirro, waxana ay kz mid tahay taageerada aan xadka lahayn ee shacbigu u hayo xisbiga Waddani. Qaran News
  6. Cammaan (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku sugan magaalada Cammaan ee dalka Urdun, ka dib kulamo uu Israel kula yeeshay madaxda dalkaasi oo ay kaga wada hadleen dagaalka ka socda Gaza. Magaalada Cammaan waxa uu Blinken kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dalka Urdun, oo ay wehliyaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta ee Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Qatar, iyo sidoo kale xoghayaha guud ee guddiga fulinta ee Ururka Xoreynta Falastiin. Waxa ay ka shirayeen si ay u dejiyaan qorshayaal lagu soo afjarayo dhibaatada bini’aadantinimo ee Gaza iyo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas. Blinken ayaa sidoo kale Sabtidii la kulmay ra’iisul wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee Lubnaan, Najiib Miiqaati. Ka hor booqashada Blinken, wasiirka arrimaha dibadda ee Urdun Ayman Safadi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Israel ay qasab ku tahay in ay soo afjarto dagaalka ay ku waddo Gaza, halkaasi oo uu sheegay in ay ka geysanayso dambiyo dagaal oo ay duqaynayso dadka rayidka ah ayna go’doominayso. Jimcihii, Blinken ayaa sheegay in ka hortagga dagaalka oo ka sii dara siina fida ay tahay mudnaanta koowaad ee safarkiisa ka dib markii uu Tel Aviv kula kulmay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Golaha Wasiirrada Israel ee xilliga dagaalka. Kulanka ka dib, Blinken waxa uu saxafiyiinta u sheegay tillaabooyin uu sheegay in ay tahay in la qaado si loo hubiyo in weerar la mid ah kii Xamaas ay qaadday 7-dii Oktoobar uusan mar dambe dhicin iyo in la xaqiijiyo “berri u wanaagsan” dadka Israa’iil iyo Falastiiniyiinta. “Waanu caddeynay in Israel oo ololeheeda ku doonaysa in ay ku burburiso Xamaas, haddana sida ay arrintaas u samaynayso ay muhiim tahay. Waa muhiim maxaayeelay waxaa jira waxyaabo xaq iyo sharci ah oo ay tahay in la sameeyo. Waa muhiim sababtoo ah in taas la qaban waayo waxa ay u wanaagsan tahay Xamaas iyo kooxaha kale ee argagixisada,” ayuu yiri. Blinken ayaa sheegay in Maraykanku uu si buuxda u taageeray xaqqa “iyo waajibka” Israel ka saaran in ay is difaacdo, laakiin waxa uu sidoo kale ugu baaqay Israel in ay hakiso hawlgallada milatari oo ay u oggolaato gargaar bini’aadantinimo oo dheeraad ah in la geeyo Gaza. Ilaalinta dadka rayidka ee Falastiin waa muhiimada labaad ee safarkiisa, ayuu yiri. Isagoo taasi ka jawaabaya ayuu Netanyahu yiri, “Waan ku sii wadeynaa dhammaan ciidamadeena, Israel-na waxa ay diidaysaa xabbad joojin ku meel gaar ah oo aysan ku jirin sii deynta la haystayaashayada.” Ururka Xamaas oo uu Maraykanku u aqoonsaday urur argagixiso ah ayaa afduubteen 230 qof, iyadoo 1,400 oo qof ay ku dileen weerarkii ay ku qaadeen Israel. Boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah ayaa hoy la’aan ku noqday duqeymaha diyaaradaha Israel ee Gaza. Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay Jimcihii in tirada dadka ku dhintay deegaankaasi ay kor u dhaaftay 9,250, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. The post Maxay ka wada-hadleen Blinken iyo wasiirada dalalka Carabta? appeared first on Caasimada Online.
  7. Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray xarunta taliska guud ee sirdoonka qaranka, waxana halkaas kusoo dhaweeyey taliyaha iyo saraakiisha kala duwan ee sirdoonka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi waxa halkaas warbixin ku siiyey taliyaha ciidanka sirdoonka qaranka, Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale), ayaa madaxweynaha uga warbixiyey shaqooyinka kala duwan ee ay ciidanku qaranka u hayaan iyo horumarka ay sameeyeen, waxana uu caddeeyey inuu gacanta ku hayo ciidan aqoon ahaan dhisan, qarankana u haya shaqo muhiim ah. Madaxweynaha oo kormeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee ay xaruntu ka kooban tahay, ayaa taliyayaasha kala duwan, saraakiisha iyo ciidankaba ku ammaanay shaqada adag ee ay qaranka u hayaan, waxana uu kula dardaarmay inay sii laban-laabaan shaqada ay qaranka u hayaan. Qaran News
  8. Dhusamareb (HOL) - Security forces have taken complete control of Hananbure village in the Galgaduud region, where rival clan militias have been fighting over the last few weeks. Source: Hiiraan Online
  9. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku sugan magaalada Cammaan ee dalka Urdun, ka dib kulamo uu Israa’iil kula yeeshay madaxda dalkaasi oo ay kaga wada hadleen dagaalka ka socda Gaza. Magaalada Cammaan waxa uu Blinken kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dalka Urdun, oo ay wehliyaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta ee Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Qatar, iyo sidoo kale xoghayaha guud ee guddiga fulinta ee Ururka Xoreynta Falastiin. Waxa ay ka shirayeen si ay u dejiyaan qorshayaal lagu soo afjarayo dhibaatada bini’aadantinimo ee Gaza iyo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas. Blinken ayaa sheegay in Maraykanku uu si buuxda u taageeray xaqqa iyo waajibka Israa’iil ka saaran in ay is difaacdo, laakiin waxa uu sidoo kale ugu baaqay Israel in ay hakiso hawlgallada milatari oo ay u oggolaato gargaar bini’aadantinimo oo dheeraad ah in la geeyo Gaza. Boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah ayaa hoy la’aan ku noqday duqeymaha diyaaradaha Israel ee Gaza. Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay Jimcihii in tirada dadka ku dhintay deegaankaasi ay kor u dhaaftay 9,250, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee Socdaalka Antony Blinken uu ku tegay Israa’iil iyo dalka Urdun appeared first on Puntland Post.
  10. Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka Booliska. Hargeysa,(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo sannad-guurada 30-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskii ciidanka Booliska Somaliland oo maanta lagu qabtay xarunta guud ee Booliska. Munaasibadda xuska Aas-aaska ciidanka oo ay madaxweynaha kala qayb-galeen guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare, safiirro ka socda dalalka Somaliland la saaxiibka ah, madax-dhaqameed, siyaasiyiin, haldoor iyo marti-sharaf kale oo tiro badani, ayaa laga jeediyey khudbado ku saabsan dedaalka Booliska iyo sida ay halbowlaha ugu yihiin hawlaha amniga xuduudaha iyo gudaha dalka. Ugu horrayn, waxa munaasibadda lagu soo bandhigay masraxiyad ka hadlaysa kaalinta ciidanka Boolisku bulshada ugu jiraan iyo sida ay muhiimka ugu yihiin nabadgelyada iyo ammaanka guud ee dalka iyo xuduudahaba. Hoggaanka hawlgelinta ciidanka Booliska Sarreeye guud Ibraahim Cabdi Xaaji Maxamuud, ayaa ka warbixiyey dambiyadii kala duwanaa ee ciidamada Booliska u qabsoomay sannadkan sii dhammaanaya ee 2023-kii, sida xilkasnimada leh ee ay uga soo dhalaaleen waajibaadka saaran iyo sida ay ugu hagar baxeen ilaalinta amniga iyo badqabka muwaadiniinta reer Somaliland. Taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, sarreeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa ugu horrayn hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaanba ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu ku ammaanay gudashada waajibaadka amni ee saaran iyo sida ay heeganka ugu yihiin nafta iyo hantida muwaadiniinta. Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo munaasibadda hadal kooban ka jeediyey, ayaa ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ku bogaadiyey ilaalinta amniga gudaha dalka iyo naf-hurnimada ay u sameeyaan bulshadooda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo Afmeeray, ayaa ugu horrayn ciidamada Booliska ku hambalyeeyey sannad-guurada 30-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskii ciidanka Booliska, isaga oo ku sifeeyey tiir muhiim u ah qaranka. Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in bulshada iyo qarankuba u ogyihiin dedaalka nafhurnimada leh ee ay ciidamada Boolisku ku jiraan iyo sida ay danta guud u ilaalinayaan, “Aad bay ummadiinu idiin ogtahay, waana aanu idiinka mahadnaqaynaa, qarankuna waa idiin ogyahay, tamari waxa ay idinka reebto mooyaane waxba la idin kala hadhi maayo, waana la idin garab taagan yahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si murugo leh uga hadlay xasuuqa lagu hayo muslimiinta reer Falastiin, waxana reer Galbeedka uga digay ku wiirsiga ay ku hayaan xasuuqa socda, isaga oo si cad u sheegay inay si buuxda u garab taagan yihiin walaalaha reer Falastiin ee dhibaatadu hayso. Qaran News
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay magaalada Hargeysa ayaa maanta si kulul uga hadlay xasuuqa ay Israel ku hayso shacabka reer Falasteen, gaar ahaan duqeymaha ay ku hayso Gaza. Muuse Biixi ayaa ayaa shaaca ka qaaday in laga aamusi karin xaaladda Falastiin, wuxuuna sheegay in burbur iyo baaba’ uu ka socda magaalada Gaza. Sidoo kale waxa uu sheegay in dad ku dhow 9,500 ay dileen ciidamada Israel, kuwaas oo 70% ay yihiin carruur aan waxba galabsan, isaga oo arrintaas su’aallo ka keenay. Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay waddada reer galbeedka inay indhaha ka daawanayaan Falastiin, qaarkoodna ay Israel ku garab istaageen dagaalka, sida Mareykanka iyo Uk. “Madaxweynihii Maraykanka ayaa yimid oo is garab taagay, Raysal Wasaarihii Ingiriiska ayaa yimid oo yidhi halkaa kaga wad, meeday cadaaladii, meeday wixii ay inoo sharaxayeen, saaka tiradu waxay maraysa 9,500 oo dhimasho ah, 70% ayaa caruur iyo dumar ah dadkaa dhintay” ayuu yiri khudbaddiisa ku yiri Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale waxa uu cambaareeyay bartilmaameedka ay Israel ku hayso goobaha caafimaadka ee Gazam oo iyagana lagu laayay dad badan oo shacab ah. Dhanka kale, wuxuu weerar afka ah ku qaaday waddamada Carbeed oo uu sheegay inay xittaa ka hadli kari waayaan qaddiyada Falastiim halkii ay garab staagi lahaayeen. “Waxa nasiib daro ah in inta waddamada awooda lahaa ee Carbeed ay ka hadli kari waayeen ay Koonfur Afrika oo aan Muslin ahayni, uu madaxweynahooda iyo baarlamaankooduba uu ka hadlay arrintaa oo uu diiday” ayuu yiri madaxweyne Biixi. Horay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa isaguna si aan gambasho lahayn uga hadlay xasuuqa ay Israel ku hayso shacabka Falastiin, ayadoo hadalka ra’iisul wasaaraha ay qaateen warbaahinta Carbeed iyo midda Xamaas oo sii baahisay taageerada iyo garab istaagga uu uu muujiyay ra’iisu wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya. The post Madaxweyne Biixi oo si kulul uga hadlay xasuuqa Israel ee Falastiin appeared first on Caasimada Online.
  12. Gudoomiyaha Golaha deegaanka ahna duqa degmada Bosaaso Mudane Abdifatah Mohamed Osman ( Shanle ) oo ay wehelinaayaan Taliyaha ilaalada Nabadgalyada wadooyinka Puntland Xoghayaha Dowladda Hoose iyo Masuuliyiin kale ayaa Kormeeray wadooyinka Halbowlaha ah ee magaalada Bosaaso. Masuuiyiintan ayaa Socod kusoo maray Wadooyinka Muhiimka ah isku xiray Goobha ganacsi dekedda xarumaha Dowladda si ay usoo arkaan waxna uga qabtaan Ciriiriga iyo saxmada ka jirta wadooyinka, iyagoona si rasmi ah u daahfuray qorshaha Furida iyo Baneynta wadooyinka Bosaaso. Sidoo kale Masuuliyiintan ayaa Bulshada ku wargeliyay si loo fududeeyo isu socodka gadiidka iyo Bulshada in aan la dhigi karin gadiidka meel aan Baakin ahayn, laguna ganacsan karin meelaha loogu talagalay dadku in ay maraan ama gadiidka in la dhigto loogu talagalay sidoo kale waxaa la amraaya dadka wadooyinka ku xiray dhagxaanta iyo waxyaalaha la mid ka ah in ay si degdeg ah uga guraan. PUNTLAND POST The post Masuuliyiinta degmada Boosaaso oo kormeeray wadooyinka magaalada appeared first on Puntland Post.
  13. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta qaatay tallaabo deg-deg ah ayaa ciidamo dheeraad ah gaystay deegaanka Xananbuure oo hoos yimaada magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Ciidamadan oo ka shaqeyn doono ammaanka ayaa ka hortegaya xiisad beeleed dhawaan kasoo cusboonaatayu deegaankaasi, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale ciidamada ayaa kala qaaday maleeshiyaadka labada dhinac oo muddo dheer isku horfadhiyay halkaasi, kuwaas oo kasoo kala jeeda Dhuusamareeb iyo Cadaado. Saraakiisha horkaceysay ciidamadan ayaa sidoo kale soo saaray awaamir culus oo lagu adkeynayo amniga deegaankaasi, si looga hortego dagaal mar kale ka dhacay halkaasi. Waxaa sidoo kale deegaanka laga mamnuucay in hub lagu dhex qaato marka laga reebo lamaha ammaanka, waxaana ujeedadu tahay xakameynta colaadda Xananbuure. Mas’uuliyiin ka socota maamullada labada degmo ayaa sidoo kale ku sugan deegaanka, iyaga oo ka shaqeynaya in xal waara laga gaaro colaad beeleedka. Deegaankan ayaa waxaa ragaadiyey codaaladda muddada dheer ka jirtay waxaana ka muuqda dib u dhac weyn iyo burbur, iyada oo dad tiro yar ay ku sugan yihiin deegaanka. Si kastaba, colaadan ayaa sidoo kale sababtay dilka ganacsatadii maalmo kahor lagu toogtay magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Sheekh Xasan DiirShe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed oo laduba dilkooda caro ka abuuray Galmudug. The post Sawirro: DF oo ciidamo gaysay deegaan u dhow Dhuusamareeb + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  14. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo uu weliyey Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa dhegeysiga warbixinta Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiciiga ah ee Golaha Wakiillada DPL oo akhrinta labaad ku soo sameeyey wax-ka-bedelka Xeerka Sahminta Saameynta Deegaanka iyo Bulshada Puntland, si waafaqan Dastuurka Dawladad Puntlad Qodobkiisa 64-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL. Intaas kadib waxaa qodob qodob loo asnixiyey Wax-ka-bedelke Xeerka si waafaqsan Qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland Ugu dambeyntii, dood iyo fanqeyn dheer kadib xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyey wax-ka-bedelka Xeerka Sahminta Saameynta Deegaanka iyo Bulshada Puntland kasoo muhiim gaar ah u leh ilaalinta Deegaanka. Guntanka Fadhiga oo ahaa (38) Mudane, waxaa ugu codeeyey aggol (37) Mudane, diidmo majirin halka uu ka aamusey (1) Mudane. The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay Wax-ka-bedelka Xeerka Sahminta Degaanka appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in beeshiisu cabasho ka tahay Abgaal, isagoo ku eedeeyay inay ku sameysay sad-bursi. Macalimuu oo ka hadlayay dhismaha golaha deegaanka Jowhar ayaa sheegay in aan hal kursi laga siinin beeshiisa oo deegaan iyo ganacsiga ku leh magaaladaasi. Sidoo kale wuxuu ku dooday in xilligii hore ay saddex kursi kulahaayeen golaha deegaanka Jowhar, haddase oo ay kasii bateen sidii hore loo diiday, wuxuuna arrintaas ku eedeeyay Abgaal. Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in xittaa magaalada Muqdisho lagu dulmiyay, isla-markaana aan laga siin gobolka Banaadir hal guddoomiye degmo, sida uu ku dooday. “Beesha Baadicadde ganacsi muuqda iyo deganaansho baaxad leh ayay ku leedahay caasimadda Muqdisho ,sidaa oo ay tahay Abgaal ayaa Beesha Baadicadde u diiday in hal Guddoomiye degmo ama hal Agaasime ay Gobolka Banaadir ku lahaadaan,waayo Abgaal ayaa had iyo jeer ah Guddoonka Gobolka Banaadir” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaanku. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in aysan dowladdu ku laheyn agaasime guud iyo safiir, taasina ay tahay xad-gudub lagu hayo beesha Baadicadde, sida uu hadalka u dhigay. “Xilligan la joogo hal Agaasime Guud beesha kuma laha Dowladda Federaalka . Sidoo kale hal Safiir kumą laha Dowladda Federaalka. Ma jirto hey’adaha Dowliga mid ay beesha Masuul ku leenahay iyo dhamaan guddiyada qaran ee dhisan” ayuu markale yiri Macalimuu. Halkan hoose ka akhriso:- Abgaalow sidan nama qabato! Ilko waa nin waayay iyo nin ay isaga dul dhasheen! Beesha Baadicadde 1954-tii xilligii daakhiliyadda Gollaha Deegaanka ee Jowhar waxeey ku lahaayeen sadax xubnood , maanta oo dadka iyo deegaanadu kordheen Abgaal ayaa Baadiacdde u diiday in ay hal xubin ka helaan Gollaha deegaanka Jowhar . Fiiri warqadda ku lifaaqan halkan sidii 1954-tii beelahu ay Gollaha deegaanka Jowhar u kala lahaayeen xilligaa. Beesha Baadicadde ganacsi muuqda iyo deganaansho baaxad leh ayay ku leedahay caasimadda Muqdisho ,sidaa oo ay tahay Abgaal ayaa Beesha Baadicadde u diiday in hal Guddoomiye degmo ama hal Agaasime ay Gobolka Banaadir ku lahaadaan,waayo Abgaal ayaa had iyo jeer ah Guddoonka Gobolka Banaadir. Xilligan la joogo hal Agaasime Guud beesha kuma laha Dowladda Federaalka . Sidoo kale hal Safiir kumą laha Dowladda Federaalka. Ma jirto hey’adaha Dowliga mid ay beesha Masuul ku leenahay iyo dhamaan guddiyada qaran ee dhisan. Waxaa intaa dheer ilaa 3 jago hoose oo reerka laga qaaday tan iyo imaatinkii Dowladdan ayaa weli maqan oo wax badalkoodii aan la ogolaan. Dad baa laga yaabaa in maankoodu ay ku soo dhacdo Wasiir Beene Beene oo Wasiirka Qorsheynta ah hadda , waa uga mahad celineynaa Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxaadse ogaataan Wasiir reerkan waa lahaayeen wixii burburkii ka dambeeyay. Dr Muumin aya noqday Wasiirka Caddaalada ,C/kariin Axmed Cali ayaa noqday Wasiirka Lacagta ,Axmed Abroone Amiin ayaa noqday Guddoomiye ku Xigeenka 1aad ee Baarlamaanka DKMG, Axmed Cumar Gaagaagle ayaa Wasiirka Boostada DKMG , Dr Mohamed Ali Ibrahim ayaa Wasiirka Gargaarka ahaa, Dr Abdirahim Abiikar ayaa Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada noqday, Inj Nadiifo M. Osman ayaa soo noqotay Wasiirka Howlaha Guud , Inj Cabdi Cashuur Wasiirka Boosatada , Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar Wasiirka Ganacsiga. Tolnimo hadeey jirto Abgaalow saan nama qabato ee sidan noo dhaama. Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu The post Macalimuu oo cabasho ka ah Abgaal: Tolnimo hadey jirto Abgaalow saan nama qabato appeared first on Caasimada Online.
  16. Mogadishu (HOL) - Somali police thwarted a suicide bomber who wanted to attack a busy restaurant near the Sayidka junction in Mogadishu's Howlwadag district on Friday evening. Source: Hiiraan Online
  17. Xamas ayaa isku diyaarisay dagaal dheer oo aan dhammaad laheyn oo ka dhaca Marinka Gaza, waxayna rumeysan tahay inay muddo fog iska caabin karto ciidamada duulaanka ah ee Yahuudda, si ay Israa’iil ugu qasabto xabad-joojin, waxaa sidaas sheegay laba il-wareed oo ka tirsan hoggaanka kooxda. Xamas, oo maamusha Gaza, ayaa keydsatay hub, gantaallo, cunto iyo sahay caafimaad oo hayn kara muddo fog, sida ay sheegeen il-wareedyo la hadlay Reuters oo codsaday inaan la magacaabin. Kooxda ayaa ku kalsoon in dagaal-yahannadeeda kumannaanka ah ay bilo ku badbaadi karaan magaalada iyo godadka ay ka qoteen, si ay u ciidamada Yahuudda ula galaan dagaal wata xeelad jabhadeyn ah, sida ay sheegeen il-wareedyada. Xamas ayaa rumeysan in ugu dambeyn cadaadiska beesha caalamka ee ka dhanka ah Israa’iil si ay usoo geba-gebeyso duullaankeeda sababa la xidhiidha khasaaraha shacabka ee sii kordhaya ay ku qasbi doonto inay galaan wada-xajood xabad-joojin. Xamas ayaa dooneysa inay Israa’iil ay ku qasabto inay sii dayso kumanaan maxaabiis Falastiiniyiin ah, ayada oo dhaafsaneysa 239 Israa’iiliyiin ah oo ay ku qabsatay weerarkii 7-dii October. Kooxda ayaa u caddeysay Mareykanka iyo Israa’iil, oo ay yeesheen wada-hadallo aan rasmi aheyn oo ay dhex-dhexaadineyso Qatar, inay dooneyso in lasii daayo maxaabiista si ay iyana usii dayso Yahuudda ay afduubatay. Qorshaha muddada fog, Xamas ayaa sheegtay inay dooneyso inay soo afjarto xannibaadda 17 sano jirsatay ee Israa’iil ay ku hayso Gaza, islamarkaana la hakiyo deegameynta ay Israel isugu fidineyso dhulka Falastiin. Waxay sidoo kale dooneysa in Israel ay ku qasabto inay ciidamadeeda joojiyaan awood sheegashada ay ka wadaan Masaajidka Al-Aqsa. Khamiistii, khubarada QM ayaa ku baaqay xabbad-joojin ka dhacda Gaza, ayaga oo sheegay in Falastiiniyiinta ay “halis xooggan ugu jiraan xasuuq.” Israa’iil ayaa tan iyo weerarkii 7-dii October, oo lagu dilay 1,400 oo Israa’iiliyiin, waxay Gaza u adeegsatay duqeymo aan kala joogsi laheyn oo ay ku dhinteen 9,000 oo shacab ah, hase yeeshee weli wax la taaban karo kama soo hoyin duullaanka Gaza. Source
  18. The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) has intensified its joint military offensives with Somali Security Forces, continuing the robust fight against Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  19. (This story appeared first on the ICRC website yesterday. Editors: please register here to download high-resolution photos and video.) Source: Hiiraan Online
  20. Abdullahi Elmi Nur, 70, a father of 10 children living in Beledweyne, Hiran, went around collecting sticks and pieces of clothes to construct a makeshift hut for his family to live in after their house was destroyed in an explosion. Source: Hiiraan Online
  21. Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in lacag gaadhaysa 2 milyan oo dollar ay kaga bixi jirtay dagaal kasta oo dhaca, intii ciidanku Goojacadde joogay. Wasiirka Maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire oo hortagay guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in lacag badani ay Somaliland kaga baxday dagaalkii Laascaanood. “Intii Goojacadde la joogay dagaal walba waxa ku bixi jiray wax lacag 2 milyan gaadhaya, waxan doonayay in aan idinku baraarujiyo uun khasaaraha iyo kharashka uu leeyahay marka dagaal la galo, waana sax weeyi” ayuu yidhi Wasiir Shirre. Wasiirka oo wax laga waydiiya wixii ku dhacay ciidanka Somaliland ee sababay in ay ka baxaan Goojacadde, ayaa sheegay in ilaa hadda aan la micnayn karin sida ay wax u dhaceen. “Sida ay wax u dhaceen wax la micnayn karaba maaha, waa tii ka dhacday Qasa oo kale, yaa islaha Xamaas ayaa galaysa Israa’iil oo kun ka dilaysa” ayuu Shirre u sheegay xubnaha guddida dhaqaalaha. Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Ahlu Sunna Wajamaaca, garabka Koonfur Galbeed oo Jimcihii shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Ahlu Sunnada Koonfur Galbeed ayaa shirkeeda kasoo saartay go’aanno culus oo ku aadan howlgallada la filayo inay dhawaan ka billowdaan saddexda gobolka ee maamulkaasi. Bayaan kasoo baxay shirka ayaa waxaa lagu sheegay in Ahlu Sunna ay diyaar u tahay ka qayb qaadashada dagaalkaaas, ayna wax ka hoggaamin doonto howlgallada xoreynta ee Koonfur Galbeed. “Qodobada war-murtiyeedka waxaa kamid ah in Ahlu Sunna Waljamaaca ay dowladda Soomaaliya ku garab taagan tahay la dagaallanka Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri. Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa ugu baaqaday dadka deegaanka iyo maamulkooda inay u midoobaan la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, si looga saaro halkaasi. “Waxay soo saareen culimada Ahlu Sunna Wajamaaca ee deegaanada Koonfur Galbeed in loo midoobaa la dagaallanka argagixisada” ayaa lagu yiri bayaanka Ahlu Sunna Ugu dambeyn Ahlu Sunna ayaa ka dalbatay dowladda dhexe inay ku garab istaagto halganka ay rabto inay wax uga xoreyso deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya. “Waa inay wasaaradda awqaafta ay si buuxda u garab istaagtaa culimaa u diinka Ahlu Sunna Wajamaaca fikirkooda” ayaa mar kale lagu yiri war murtiyeedka. Si kastaba, maalmaha soo socda ayaa la filayaa in wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka billowdo Koonfur Galbeed, waxaana haatan soconaya diyaar garowgii ugu dambeeyay. The post Daawo: Ahlu Sunna oo ku biireysa DAGAALKA Al-Shabaab ee K/ Galbeed appeared first on Caasimada Online.
  23. Sheekh Maxamed Cabdi Umul oo ka mid ah Culimada Soomaalida ee caanka ah ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo yeedhay Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo sheegay in loo baahan yahay in culimada Soomaaliyeed dhanka afkaarta ka hogaamiyaan dagaalka dowladdu kula jirto Al-shabaab. Hadalka Raysal wasaare Xamse waxaa ka mid ahaa ineysan qurux badneen in masaajida ay Khadiib ka noqdaan Culimo aanan waxba ka sheegi karin dhibaatada Al-shabaab. “Ma ila haboona mana ila qurux badna in masaajid ay ku soo tukanayaan dhowr boqol qof inaan Khadiib ka noqoto adoo sheekh ah oo aan waxba ka sheegin Al-shabaab, aniga waxay ila tahay inaysan haboonayn, cabsi ha u gayso ama dareen la’aan ha u gaysee arintaas muraajico ayey u baahan tahay” ayuu yidhi Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre. Sheekh Umul ayaa hadaladaasi kasoo yeedhay Raysal wasaaraha Soomaaliya ku sheegay kuwa siyaasiyiinta marka ay xilalka qabtaan ku xagxagtaan Culimada Soomaaliyeed, isagoona xusay in Culimada ayna narnaba ka aamusin dagaalka lagula jiro Al-shabaab. “Waxaan arkayey Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre oo culimada maagaya oo wax qalada ku maagaya, marka siyaasigu iska yimaado inuu culimada iska maago oo iska xag xagto dhaqan bay u tahay, Madaxda iyaga laftooda saraha ku jira ee ciidamadu waardiyeynayaan ee ku socda gaari aanay xabaddu karin marna garoonka ka baxaya marka ciidan ku wareegsan yihiin iyagay tahay inay hadalkaas is dhahaan, laakiin adigoo halkaa ku jira inaa tiraahdo khatar isku dhig hadaa isku dhigi waydo masaajidka wareeji ood na maagto saxna maaha garna maaha waana mid ay siyaasiyiintu waayadan caadaysteen” ” ayuu yidhi Sheekh Umal. Wuxuu sidoo kale tilmaamay Sheekh Umul in Culimada Soomaaliyeed ay ka hadlayeen dhibaatada kooxda Shabaab waqti aad u dheer, islamarkaana ay jiraan Culimo badan oo loo dilay mowqifkooda ku aadan afkaarta diimeed ee kooxda Shabaab. “Wadaadkii lafihiisa u baqa masaajidka uu joogo oo wixii kale oo uu sheegi karo sheega, meeshan khatarta ahna is yiri haddaad gasho ama waad carari ama waa lagu diliye intan gacanta ku hay in la yiraahdo intaana faraha ka qaad oo carar sax maha, in la yiraado isu dhigna sax maha” ayuu yidhi Sheekh Umul. Sheekha oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale tilmaamay in culimada Soomaaliyeed uu cadyahay doorkooda diimeed ee dagaalka Shabaab, isagoona ku dhaliilay madaxda inay iyagu taangiyo gadaal kaga jiraan Culimadana ku eedeynayaan hadalo aan munaasab aheyn. “Wadaadku xaq ayu u leeyahay labo arin oo kala ah inuu go’aan qaato oo naftiisa halis galiyo iyo inuu maslaxo kale arko” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Cabdi Umul. Source
  24. Hoggaamiyaha kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan, Nasrallah ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka Gaza. Nasrallah ayaa sheegay in ay qaadi doonaan wado walba oo ay rabaan, isagoo ka hadlaya iska horimaadyada ka socda Xaduuda Lubnaan iyo Isra’iil. 57 askari ayuu sheegay inay kaga dhinteen iska horimaadyada ka socda xaduuda koonfureed ee Lubnaan. Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa sheegay inay heegan galaan ciidankiisa. Wuxuu sheegay in ayna u joojin doonin hanjabaada Mareykanka ka imaaneysa. Waxna ma tari doonaan Maraakiibta iyo ciidamada aad soo dirtay ayuu yidhi Nasrallah oo la hadlayey Mareykanka. Hadaa dooneysaan in dagaalkan joogsado waa inaad joojisaan duulaan Gaza, ayuu yidhi isagoo la hadlaya Mareykanka iyo xulafadiisa. Dalalka Islaamka iyo Carabta ayuu ugu baaqay inay si wadajir ah dagaalkan uga qeyb qaataan. “Dagaalkan ka socda Gaza lama mid ah kuwii hore”, ayuu yidhi Nasrallah. Nasrallah ayaa sheegay in la rabo muslimiinta inay dagaalkan wajahaan, Illaahayna u balan qaaday guul. Source