Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiir Siciid Sulub oo Furay Shir wada Tashi ah oo u Dhexeeya FAO 7 Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda xanaannada xoolaha iyo horumarinta kalluuumaysiga JSL Md Siciid Sulub Maxamed Ayaa furay shir wada tashi ah oo ka dhexeeyay wasaaradda iyo hay’ada cuntada iyo beeraha u qaabilsan qaramada midoobay ee FAO. Shirkaasi oo ku saabsan diyaarinta qorshe hawleedyada iyo kuwa shanta sano ee soo socota iyo habsami usocodka fulintooda ku aadan mashaaricda horumarinta xoolaha iyo kalluunka. Shirkaasi waxa kasoo qayb galay masuuliyiinta iyo khuburada labada dhinac. Waxana wasiirku ku nuuxnuuxsaday sida ay muhiim u tahay in qorshe laga yeesho kobcinta horumarinta kalluumaysiga iyo xoolaha, taasoo wax wayn ka tari doonta lafdhabarta dhaqan dhaqaale ee dalka, sidoo kale masuuliyiinta ugu saraysa ee hay’ada FAO oo uu kamid yahay Madaxa xafiiska FAO ee Somaliland Abdul Karim Bah, Ayaa xukuumada somaliland gaar ahaan masuuliyiinta wasaraadda uga mahad naqay wada shaqaynta joogtada ah ee ka dhaxaysa. Kulankan ayaa Huteel Maansoor ee Magaalada Berbera ka socon doona muddo laba maalmood ah . Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha qarax saaka ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaas oo ahaa miino, sida ay innoo sheegeen dad goobjooogayaal ah. Miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu xiray goob ganacsi oo ku taalla halkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhaawacantay hal qof oo dumar ah oo meesha ka dhaweyd, taas oo loola cararay mid kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi, waxayna gacanta ku dhigeen dhowr qof oo tuhmanayaal ah. Ma jiro wax faahfaahin ah oo ay illaa iyo hadda laamaha ammaanka ka bixiyeen qaraxaasi iyo howlgallada xigay ee ay sameeyeen. Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya isku socodka gaadiid iyo goobaha ganacsiga ee isgoyska Zoobe. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacayay qaraxyo miino, waxaana ay ahayd Arbacadii shalay oo ay ciidamada ammaanka ka hortageen qarax miino oo la dhigay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Si kastaba, qarax ka dhacay Zoobe ayaa kusoo aaday, maalmo uun kadib, ayada oo bishii hore ee October la xusay qaraxyadii dadka badan lagu laayey ee ka dhacay halkaasi. The post Faah-faahin ku saabsan qarax ka dhacay ZOOBE appeared first on Caasimada Online.
  3. GAROWE, (HOL) - 28 traditional leaders from Puntland, who have been holding a meeting in Garowe city for the last few days, have issued a statement declaring that the election cannot be delayed from its scheduled date of January 8, 2024. Source: Hiiraan Online
  4. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa jawaab ka bixiyey go’aanka ay xalay gaareen Isimadda Dhaqanka Puntland ee maalmahan ku shirsanaa caasimadda Garoowe ee ku aadan khilaafka arrimaha doorashooyinka. Go’aanka isimadda oo ka kooban 11 qodob ayaa lagu sheegay in dowladda looga baahan yahay inay doorashada ku qabato waqtigeeda 8-da Janaayo, islamarkaana xildhibaanada baarlamaanku ku yimaadaan sidii hore ee odayaasha dhaqanku soo xuli jireen 66-da xubnood. Hoos ka aqriso jawaabta Deni WAR-SAXAAFADEED Garoowe: 01 November 2023: Geeddi socodka doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland waa mustaqbalka horumarka dowladnimo, amni iyo mid bulsho, Dadka reer Puntlandna ku taamayeen muddo rubuc qarni ah. Shacabka iyo Dowladda Puntland waxay ka mira dhaliyeen rajadii dimuqraadiyadda Puntland iyada oo doorasho hal qof iyo hal cod ah lagu soo doortay Goleyaasha Deegaanka ee 33 Degmo. Dadka Reer Puntland ayaa sidoo kale hamuun u qaba, una diyaar garoobaya in ay codkooda ku doortaan Golaha Wakiilada, Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka xiliga ay Guddiga Doorashadu u asteeyeen qabsoomidda doorashada. Waxaa Dalku yeeshay Xisbiyo Siyaasadeed oo Bulshada ku matala go’aanada masiiriga ah ee ka arriminta siyaasadda doorashooyinka, waxaa kale oo Puntland leedahay hay’ado dowli ah sida Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka (PEC) oo u xilsaaran qabsoomidda doorashada, Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Goleyaasha Dowladda. PEC waxaa ay diyaarisay dhammaan aasaasiyaadkii doorashooyinka iyada oo wadatashi kala sameysay xisbiyada iyo Golaha xukuumadda oo caawa ansixiyey wax ka badelka Xeerarka muhiimka u ah qabsoomidda doorashada, kuwaas dhaqso loogu gudbin doono Golaha wakiilada. Haddaba, Dowladda Puntland iyada oo ixtiraamaysa kala ra’yi duwanaanta iyo doodaha ku saleysan hannaanka dimuqraadiga ah, waxaa ka go’an in ay dhageysato talooyinka u hiilinaya horumarka iyo ka mira dhalinta hannaanka dimuqraadiga ah iyo doorashooyinka loo madlan yahay ee hal qof iyo hal cod. Waxaan ugu dambeyntii ugu baaqaynaa dadka Reer Puntland in ay illaashadaan midnimadooda, dowladnimadooda, una midoobaan qabsoomidda doorashooyinka si Puntland horseed ugu noqoto Soomaali nabad ah, dimuqraadi ah, kuna dhisan hannaanka Federaalka ah. -DHAMMAAD- The post Saciid Deni oo jawaab kasoo saaray go’aankii Isimada ee doorashooyinka Puntland appeared first on Caasimada Online.
  5. Amman (Caasimada Online) – Dowladda Jordan ayaa si deg deg ah ugu yeertay safiirkeedii u joogay Israel, kadib markii ciidamada Israel ay ballaariyeen hawlgaladooda Marinka Gaza. Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jordan ayaa lagu sheegay in Amman ay danjire Ghassan Majali ku wargelisay in dalkiisa uu dib ugu soo laabto. “Sidoo kale waxaan Israel ku wargelinay inaysan dib u soo celin safiirkeeda oo hore uga tegay Jordan,” ayaa lagu yiri bayaanka. Bayaanka ayaa lagu sheegay in kusoo celinta safiirada boosaskooda ay ku xiran tahay in Israel ay joojiso duulaankeeda Gaza. “In Safiirkeennu uu dib ugu laabto Israel, waxay la xiriiri doontaa joojinta duulaanka Gaza iyo in la soo afjaro masiibada bani’aadantinimo ee ka jirta Gaza ee ka dhalatay weerarada Israel,” ayaa lagu yiri bayaanka. Bayaanka ayaa lagu yiri “Tallaabooyinka Israel ee Gaza, waxay keentay in shacabka Falastiiniyiinta ay waayaan xuquuqdooda cunto, biyo, dawo iyo xuquuqda ay u leeyihiin inay noolaadaan.” Jordan ayaa ka digtay in dagaalkan uu horseedi karo in colaadda ay ku fiddo Bariga Dhexe oo dhan iyo qalqal ku yimaada ammaanka iyo nabadda caalamiga ah. “Dagaalkani waxaa ku dhimanaya dad aan waxba galabsan, wuxuuna sababay masiibo bani’aadantinimo oo aan hore loo arag. Dagaalkani wuxuu halis gelinaya in colaaddu ay baahdo, taas oo khatar ku ah amniga gobolka oo dhan iyo ammaanka iyo nabadda caalamiga ah,” ayaa lagu sheegay bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jordan. Mowqifka Jordan ayaa loo arkaa tallaabo diblomaasiyadeed oo muhiim ah, balse go’aankeedaan oo keliya aanu waxba ka tari karin in Israel ay joojiso dadka rayidka ah, ee ay ku leynayso Marinka Gaza. Rabshadahan ugu dambeeyay ee ka soo dhex cusboonaaday Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10,300 oo qof (8,796 Falastiiniyiin ah iyo 1,538 Israa’iliyiin ah). The post Dal Carbeed oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah duullaanka Israel ee Gaza appeared first on Caasimada Online.
  6. MOGADISHU, (SJS) - The Somali Journalists Syndicate (SJS) has expressed significant concern regarding the escalating attacks on journalists in Somalia, highlighting this issue on the International Day to End Impunity for Crimes against Journalists (IDEI). Source: Hiiraan Online
  7. Washington (Caasimada Online) – Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay inay heshiis la gaartay dawladda Soomaaliya, kaas oo ah in dalka la siiyo gargaar lacageed, iyadoo la raacayo barnaamijka waddamada dakhligooda gudaha hooseeyo ee taageerada u baahan. War-saxaafadeed ay Arbacadii soo saartay IMF ayey ku sheegtay in Soomaaliya ay sii waddo fulinta isbeddellada dhaqaale ee xoojinaya hay’adaha dhaqaalaha iyo kuwa maaliyadda oo u gogol xaaraya in Soomaaliya ugu dambayn hanato in daynta laga cafiyo bisha Diisambar ee sannadkan. Hay’adda IMF iyo dawladda Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in dalka lagu gargaaro muddo saddex sano ah kaalmo dhan 100 milyan oo dollar, iyadoo loo cuskanayo qorshaha waddamada dakhligoodu hooseeyo. IMF waxay sheegtay in koox ka socota hay’adda oo ay hoggaaminayso Laura Jaramillo oo ka tirsan hay’adda ay wadahadallo kula galeen mas’uuliyiinta Soomaaliya magaalada Nairobi bishii September, halkaasna ay ku gaareen heshiiskan Soomaaliya u fasaxaya gargaarka dhan 100-ka milyan ee doollar. Waxay sheegtay in go’aankan ay tahay inay ansixiyaan guddiga maamulka hay’adda IMF. “Soomaaliya waxay samaysay horumar la taaban karo sidii ay dib ugu dhisi lahayd hay’adaha dhaqaalaha iyo kuwa lacagta,” ayey tiri Jaramillo oo hoggaaminaysay kooxda IMF ee wadahadalka la gashay Soomaaliya. “Iyadoo la raacayo barnaamijkan gargaarka ECF (dawladaha dakhligoodu hooseeyo) oo soo socday tan iyo sannadkii 2020-kii Soomaaliya waxay sii wadday fulinta isbeddellada xooggan ee gacanta ka gaysanaya xoojinta hay’adaha dhaqaale iyo maaliyadeed ee muhiimka ah,” ayey intaas ku dartay. Mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegay inay ka rajo qabaan in Soomaaliya ay ku guulaysato in laga cafiyo qaanta lagu leeyahay oo dhan balaayiin doollar dhammaadka sannadkan. VOA The post IMF oo DF Soomaaliya u ogolaatay $100 milyan kadib heshiis culus oo la gaaray appeared first on Caasimada Online.
  8. Garoowe (Caasimada Online) – Isimada Dhaqanka Puntland ee maalmahan ku shirsanaa caasimadda Garoowe ayaa xalay go’aano kasoo saaray xaaladda cakiran ee Puntland iyo khilaafka arrimaha doorashooyinka. Go’aanka isimadda oo ka kooban 11 qodob ayaa lagu sheegay in dowladda looga baahan yahay inay doorashada ku qabato waqtigeeda 8-da Janaayo, islamarkaana xildhibaanada baarlamaanku ku yimaadaan sidii hore ee odayaasha dhaqanku soo xuli jireen 66-da Xubnood. Isimadda dhaqanka oo go’aankooda si weyn loo sugayey ayaa soo jeediyey nidaamka dimuqraadiyadda ee qof iyo cod in looga baahan yahay dowladda iman doonta inay sii waddo. Go’aanka Isimada ayaa dhabar-jab xooggan ku ah madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, oo doonayey inuu qabto doorasho qof iyo cod ah, taasi oo mucaaradka ay u arkaan isku day si dadban loogu raadsanayo muddo kororsi. Tallaabada Deni ayaa marar badan hoggaamisay inuu dagaal ka dhaco magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, waxaana mar kale laga cabsi qabaa dagaal ballaaran, ayada oo mucaaradka ay ku jiraan hub urursi. Doorashooyinka Puntland ayaa waqtiyeysan 8-da Janaayo 2024, balse uma muuqato in Deni waqtigaas ku qaban doono. Hoos ka aqriso bayaanka Isimada The post Isimada Dhaqanka Puntland oo go’aan culus kasoo saaray khilaafkii doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.
  9. Qansaxdheere (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa shalay galab gaaray magaalada Qansaxdheere ee gobolka Bay, halkaas oo abaabul dagaal uu ka socdo. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynaha ku wehgliyey safarka ay ku tageen magaalada Qansaxdheere. Madaxweynaha ayaa fagaaraha magaaladaas kula hadlay warbaahinta, wuxuuna sheegay in halkaas uu u tegay abaabulka wajiga labaad ee dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab. “Ujeedka safarkeena wuxuu ahaa dagaalka Khawaarijta, waxaa tihiin shacab adkeysi badan, waa ku soo samirteen dhibaatooyinkii idinka soo gaaray cadowga, ciidamada amnigiina gacanta ku haya ee cadowga idinka hor taagan waan abaalmari doonaa,” ayuu yiri Laftagareen. Madaxweynaha K/Galbeed ayaa dadka reer Qansaxdheere faray inay u diyaar garoobaan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo halkaas ay u tageen, kaas oo dhawaan ka bilaaba doona koonfurta Soomaaliya. “Shacabku waxa ugu yar oo ay ka qeyb qaada karaan waa qorshaha la iskugu furayo wadooyinka Baydhaba iyo Qansaxdheere oo hadda u go’aan cadowga, sidoo kale ATMIS iyo ciidamada kale ee ka socda Itoobiya ayaa nagala qeyb qaada doona howlgalka bilaabanaya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Laftagareen Madaxweynaha K/Galbeed iyo wasiirka gaashaandhigga XFS ayaa muddooyinkaan abaabul dagaal ka wada magaalooyinka xorta ah ee gobollada Bay iyo Bakool. Dhawaan masuuliyiintaan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tegay degmada Xudur ee gobolka Bakool, si loo qiimeeyo abaabulka dagaalka ee ka socda gobolkaas, wuxuuna Madaxweyne Xasan Sheekh xiligaas warbaahinta u sheegay inuu u tegay dad u diyaarsan inay iska xoreeyaan Argagixisada. Hoos ka daawo Laftagareen The post Wararkii ugu dambeeyey ee abaabulka DAGAAL ee ka socda K/Galbeed + Video appeared first on Caasimada Online.
  10. Garoowe: 01 November 2023: Geeddi socodka doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland waa mustaqbalka horumarka dowladnimo, amni iyo mid bulsho, Dadka reer Puntlandna ku taamayeen muddo rubuc qarni ah. Shacabka iyo Dowladda Puntland waxay ka mira dhaliyeen rajadii dimuqraadiyadda Puntland iyada oo doorasho hal qof iyo hal cod ah lagu soo doortay Goleyaasha Deegaanka ee 33 Degmo. Dadka Reer Puntland ayaa sidoo kale hamuun u qaba, una diyaar garoobaya in ay codkooda ku doortaan Golaha Wakiilada, Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka xiliga ay Guddiga Doorashadu u asteeyeen qabsoomidda doorashada. Waxaa Dalku yeeshay Xisbiyo Siyaasadeed oo Bulshada ku matala go’aanada masiiriga ah ee ka arriminta siyaasadda doorashooyinka, waxaa kale oo Puntland leedahay hay’ado dowli ah sida Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka (PEC) oo u xilsaaran qabsoomidda doorashada, Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Goleyaasha Dowladda. PEC waxaa ay diyaarisay dhammaan aasaasiyaadkii doorashooyinka iyada oo wadatashi kala sameysay xisbiyada iyo Golaha xukuumadda oo caawa ansixiyey wax ka badelka Xeerarka muhiimka u ah qabsoomidda doorashada, kuwaas dhaqso loogu gudbin doono Golaha wakiilada. Haddaba, Dowladda Puntland iyada oo ixtiraamaysa kala ra’yi duwanaanta iyo doodaha ku saleysan hannaanka dimuqraadiga ah, waxaa ka go’an in ay dhageysato talooyinka u hiilinaya horumarka iyo ka mira dhalinta hannaanka dimuqraadiga ah iyo doorashooyinka loo madlan yahay ee hal qof iyo hal cod. Waxaan ugu dambeyntii ugu baaqaynaa dadka Reer Puntland in ay illaashadaan midnimadooda, dowladnimadooda, una midoobaan qabsoomidda doorashooyinka si Puntland horseed ugu noqoto Soomaali nabad ah, dimuqraadi ah, kuna dhisan hannaanka Federaalka ah. -DHAMMAAD- The post War-saxaafadeed: Dowladda Puntland oo ka jawaabtay Go’aankii Isimada ee Arrimaha doorashada appeared first on Puntland Post.
  11. Dallada ay ku midaysan yihiim Mucaaridka Puntland ayaa soo dhaweeyay go’aanka qaar kamid ah isimada dhaqanka ka soo saareen arrimaha doorashada 2024. Dallada Mucaaridka Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aanka isimada dhaqanka ee ku aaddan in doorashada 2024 lagu qabto nidaamkii 66-da xildhibaan. Dallada Mucaaridka ayaa ku tilmaamay go’aanka isimada dhaqanka mid baajin kara qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhaca Puntland waxaana ay dowladda ugu baaqeen in ay taageerto guddoonka isimada. PUNTLAND POST The post Mucaaridka Puntland oo soo dhaweeyay go’aanka Isimada ee arrimaha doorashada 2024 appeared first on Puntland Post.
  12. Qaar kamid ah isimada Puntland oo Garoowe shir uga socday maalmihii la soo dhaafay ayaa go’aanno ka soo saaray arrimaha doorashada Puntland ee 2024. Bayaan ka soo baxay shirka isimada dhaqanka ayaa lagu go’aamiyay in doorashada madaxtinimada Puntland lagy qabto wakhtigeed rasmiga ah oo ku beegan 8 Jan 2024. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in Baarlamanka soo socda ay soo xulaan odayaasha dhaqanka islamarkaana doorashadu ku dhacdo nidaamkii hore ee 66 xildhibaan. Isimada dhaqanka ayaa sidoo kale soo jeediyay in dowladda cusub ee imaanaysa ay dhammaystirto doorashooyinka ku dhisan hannaanka dimuqoraaddiga ah ee qof iyo cod. PUNTLAND POST The post Qaar kamid ah Isimada Puntland oo go’aanno ka soo saaray doorashada Puntland ee 2024 appeared first on Puntland Post.
  13. Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixin ay uga hadashay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda oo meel wanaagsan maraya iyo Dowladda Soomaaliya iyo IMF oo is afgarad ka gaadhay barnaamij cusub oo lagu sii xoojinayo hannaanka Maaliyadda iyo dib u dhiska dhaqaalaga oo dayn cafiska ka dib la hirgalin doono. Warbixinta IMF ayaa ku bilaabatay sidan, ‘Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay joogteysay dhaqan-gelinta dib-u-habaynta Maaliyadda, si ay gacan uga geysato xoojinta hay’adaha Maaliyadda iyo siyaasadaha dhaqaalaha ee muhiimka ah, taas oo waddada u xaaraysa in Soomaaliya ay gaarto barta kama dambeysta ah ee qorshaha Deyn Cafinta oo la filayo go’aankiisa kama dambeysta ah bisha December 2023-ka. Iyada oo laga amba-qaadayo horumarkaas, mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo IMF waxa ay gaareen heshiis ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo siyaasadda Dhaqaalaha Soomaaliya, kaas oosocon doona muddo 36 bilood ah. IMF waxa ay sheegtay barnaamijka cusub ee ECF in ujeedadiisu uu yahay in lagu hago siyaasadaha kama dambeysta ah ee kadib barnaamijka Deyn Cafinta, si loo sii xoojiyo hey’adaha Maaliyadda, horumarinta ganacsiyada yar yar iyo kobaca dhaqaalaha guud oo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo hiigsiga fog ee Dowladda Soomaaliya. IMF waxa ay xustay sii socoshada taageerada saaxiibada caalamiga ah in ay lama huraan tahay. Hay’adda Lacagta Adduunku waxaa kale oo ay sheegtay in horumarka la taaban karo ee laga gaaray dib-u-habaynta maaliyadda iyo maamulka wanaaga sannadihii la soo dhaafay, Iyada oo laga duulayo horumarka la taaban karo ee laga gaaray dib-u-habaynta Maaliyadda iyo maamul wanaagga sanadihii la soo dhaafay, ayaa hadana mudnaanta gaarka ah waxa ay noqon doontaa jaangoynta xasilinta siyaasadda muhiimka ah ee dhaqaalaha, kobcinta dakhliga iyo horumarinta Maamulka Maaliyadda. Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo qoraal kooban ka soo saaray Warbixinta IMF ayaa sheegay in heshiiskaan taariikhiga ah uu sahlayo sii wadidda howlaha dib-u-haneynta Maaliyadda kadib marka uu soo gaba gaboobo Barnaamijka deyn cafinta. In ka badan 30 sano ka dib, Soomaaliya waxa ay si caadi ah oo fool ka fool ah ula macaamili doontaa hey’adaha Maaliyadda Adduunka. Source: goobjoog.com
  14. Taliyaha ATMIS oo Beeniyay inay ka Hawlgalayaan Laascaanood Muqdisho (Qaran) – Taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka Soomaaliya ATMIS Jenaraal Sam Okiding, ayaa sheegay in ciidanka ATMIS aanay ka howlgaleen magaalada Laascaanood. Jenaraal Sam Okiding, ayaa sheegay in shaqada iyo howlgalka ATMIS ay tahay mid ku kooban la dagaalanka kooxda Al-shabaab, isla markaana xaalada ka taagan deegaanada SSC Khaatumo aanat wax shaqo ah ku laheyn Al-shabaab. Waxaanu yidhi.”Anaga howsheena waa ladagaalanka Shabaab, deegaanada Khaatumo, waxa isku haya dadka deegaanka iyo Soomaaliland, marka arimaha qabilka wax shaqo ah kuma lihin, mana nihin dab damis oo nalooma adeegsanayo arinta Laascaanood” Hadalkaan kasoo yeedhay Taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka Soomaaliya ATMIS Jenaraal Sam Okiding, ayaa kusoo beegmaya, iyadoo warar soo baxayay muddooyinki dambe ay sheegayeen in ciidamo ka tirsan ATMIS in la geynayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay u joogaan cidhibtirka Al-shabaab, islamarkaana howlgalkooda uu yahay in meel walba oo ay shabaab kaga sugan yihiin Soomaaliya kula dagaalamaan. Waxaanu yidhi.”Al-shabaab ma ahan cadawga Soomaaliya oo kaliya ee waa cadawga Afrika, ma doonayaan inay Soomaaliya kaliya ku ekaadaan oo waxay doonayaan inay galaan Kenya, Uganda iyo dhamaan Afrika”. Qaran News
  15. Cadaado (Caasimada Online) – Suldaanka beesha Saleebaan ee Habargidir Suldaan Mowliid Sheekh Jaamac ayaa ka hadlay dilkii magaalada Dhuusamareeb loogu geystay labo ganacsade oo ka soo jeeday beesha reer Xaaji Saleebaan. Raggaas ayaa la aaminsan yahay in loo dilay aanoo-qabiil oo ka dhaxeysa beelaha Cayr iyo Saleebaan ee Habargidir oo ka taagan deegaanka Xananbuure oo waqooyi ka xiga magaalada Dhuusamareeb. Maalmo ka hor ayaa deegaankaas lagu dilay labo nin oo ka soo jeeday beesha Cayr, dilkaas ayaa la aaminsan yahay inuu sababay dilkii ka dhacay gudaha Dhuusamareeb, inkastoo aan lasoo qaban raggii geystay dilka, kuwaas oo gaari uga baxsaday goobta. Suldaan Mowliid ayaa hadalkaan ka jeediyey qabuuro ku yaalla degmada Cadaado oo meydka labada marxuum lagu aasay, wuxuuna codsaday in lasoo qabto raggii gudaha Dhuusamareeb aanada qabiil ugu dilay labada nin ee aan waxaba galabsan. “Dowladda iyo maamulka caasimada waxaa laga rabaa in raggii dadkaan dilay ay soo qabtaan, mid mid ayaa loo yaqaan, dadkaa waa inay cadaaladda maraan, ragaan la dilay waxay ahayeen masaakiin aan weligood cidna dulmin,” ayuu yiri Suldaanka Saleebaan. Wuxuu u mahadceliyey ganacsatada Dhuusamareeb oo maanta diiday inay ganacsiyadooda furan, isla markaana sameeyey banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan dilkii loo geystay labada wadaad ee ganacsatada ahaa. Suldaanka ayaa farriin u diray dadka kale ee ka soo jeeda beesha Saleebaan isagoo yiri “Ragga aan maanta aasnay waa ahlu jano, kii dilay isaga ayaa dhib qaba ee yaan loogu aarin dadka idin dhex jooga, ha idinka nabad galaan walaalihiin, dadku waa walaalo, waana islaam, waxaan idinka codsanayaan inaan la fududaan.” Ugu dambeyntii Suldaanka ayaa odayaasha dhaqanka ku dhaliilay hadallada qalafsan ee warbaahinta ay isku marinayaan “Nabad ayaan ku baaqeynaa, waxaa na deeqda nabad,” ayuu yiri Suldaanka beesha Saleebaan Suldaan Mowliid Axmed. Hoos ka daawo The post Daawo: Suldaan Mowliid oo war kasoo saaray ganacsatadii Saleebaan looga dilay Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.
  16. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin iyo Wafti Saraakiil Boliiska ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, halkaas oo lagu soo dhoweeyay. Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Taliyaha qeybta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanla Sarre Mahdi Cumar Muumin iyo Taliyaha hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) Gaashaanle Dhexe Maxamed Cabdi Wahaab (Anwar). Safarka ayaa daarnaa iskaashi iyo adkeynta xiriirka walaaltinimo ee ka dheexeeya Boliiska Turkiga iyo kan Soomaaliya, waxaana Taliyaha iyo waftigiisa kusoo dhoweeyay xarunta Taliska Dhexe ee Booliska Turkiga dhigiisa Sareeye Guut. Dr. Salmi Altinok. Labada mas’uul ayaa ka wada hadli doona sidii sare loogu qaadi lahaa loona tayeeyn lahaa xirfadaha Boliiska, kordhinta tirada iyo tayada Ciidanka Boliiska gaarka ah ee Haramcad, kuwaas oo ay taakuleeyso xarunta Ožil Harakat oo qayb ka ah Boliiska gaarka ee Turkiga. Source: goobjoog.com
  17. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa labo farriin u kala diray shacabka deegaanada maamulkaas iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah hoggaaminta Saciid Deni. Ugu Horey Madaxweyne Deni ayaa reer Puntland ka codsaday inay aqbalaan nidaamka dimuquraadiyadda ee xukuumadiisu ay dooneyso inay hir-geliso, isagoo ku kaftamay “reer Puntland waxaa lagu xantaa inay faanka jecelyihiin, laakiin hadda cilada taagan dimuquraadiyadii ayey laqi la’yihiin,” ayuu yiri. Saciid Deni ayaa reer Puntland ka codsaday inay dimuquraadiyadda laqaan, si Soomaalida kale ay ugu faanaan, “Shacabka iyo siyaasiyiinta reer Puntland waxaan leeyahay si aad u faantaan dimuquraadiyadda nala dhaqan geliya,” ayuu yiri. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dadka ka aragtida duwan u sheegay inay talada la wada leeyahay, sidaas darteed ay ka soo qeyb galaan tartanka, “waxay noqon doontaa tallaabo weyn oo Puntland ay ku suntanaa doonto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Wuxuu sheegay inay jiraan siyaasiyiin diidan in Puntland uu ka hir-galo nidaam dimuquraadi ah, isagoo codsi u diray siyaasiyiinta mucaaradka ku ah qorshihiisa oo Muqdisho joogta. “Siyaasiyiinta saaxiibadey ah ee Xamar joogta waxaan leeyahay Puntland lugaha uga fuqa, arrinta dimuquraadiyadda waa muhiim waana arrin aan wada leenahay,” ayuu yiri Saciid Deni. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in wax kasta oo Puntland u qabsooma ay Soomaali oo dhan wada leedahay, balse aysan gooni ula carari dooni ‘Sida Somaliland’ sida uu sheegay. Madaxweyne Saciid Deni ayaa hadalkaan ka sheegay Bandhigga Buugaagta Nugaal ayaa yiri “Ninkii afkiisa wax ku goosan waaya hadii uu xabad ku raadiyo Shabaab ayuu la mid noqonayaa, waa kuwaas Jilib soo dhaafi la’ marka xoog wax ma taree yaan wax lagu raarin,” ayuu hadalkiisa ku soo daray Deni. Hoos ka daawo The post Daawo: Deni oo labo arrin ka codsaday shacabka Puntland iyo siyaasiyiin ku sugan Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  18. Hargeysa(Qaran news)-Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa Tacsi iyo Soodhawayn Ah U Sameeyay Qoyska Reer Ibraahim Abees Iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Bakaal. Musharrax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay weheliyaan madaxda sare ee Xisbiga Waddani ayaa hadhimo sharafeed tacsi iyo soo dhawayn ah wuxuu Magaaladda Hargaysa ugu sameeyay Qoyska Ibraahim Aadan Cismaan (Reer Abees) oo geeri naxdin badan ku timi wiilkoodi Mustafe Ibraahim. Sidoo kale wuxuu kulankaas martiqaadka ahaa ku soo dhaweeyay Siyaasi Cabdiraxmaan Daahir Aadan (Bakaal) oo kamid ah masuuliyiinta Xisbiga Waddani, oo socdaal kaga soo laabtay Waddanka Maraykanka. Murrashaxa Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay munaasibadii hadhimo sharafeedka ahayd ee uu sameeyay ayaa sheegay inuu la qayb sanaayo geerida ku timi Qoyska reer Abees, wuxuuna Alle uga baryay inuu jannooyinkiisa ku casuumo Marxuum Mustafe Ibraahim. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu soo dhawaynaayo Abwaan Cabdiraxmaan Ibraahim Abees oo ah Abwaan caan ah oo la dhashay Marxuumka geeriyooday, iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Daahir Aadan (Bakaal) oo kamid ah madaxda Xisbiga Waddani. Xaaji Ibraahim Aadan Cismaan (Abees) ayaa ka mahadnaqay tacsida qoyskiisa ku timi siduu ula qayb saday musharraxa Xisbiga Waddani isagoo mahadnaq kadibna ugu duceeyay musharraxa Xisbiga Waddani hamigiisa inuu Alle ku guuleeyo. Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay dagaallada qabaa’ilka ee ka socda gobollada Shabeellada Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug. Ugu horeyn wasiir Fiqi ayaa is dul taagay meelaha ay shaqaaqooyinka qabaa’ilku ka dhaceen muddooyinkii u dambeeyey, isagoo ku bilaabay dilkii xalay Dhuusamareeb loogu geystay labo ganacsade oo ka soo jeeday Cadaado, taas oo aad looga xumaaday. Wasiirka ayaa sheegay in hadda dowladda Soomaaliya ay qorsheysay in la bilaabo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, balse uu jiro qorshe la doonayo in lagu fashiliyo, isagoo hurinta dagaallada qabaa’ilka dusha ka saaray Khawaarijta Al-Shabaab. “Fal kasta oo aano qabiil la xiriira inta ay socdaan dagaallada ka dhanka ah Khawaarijta waxay dowladda Soomaaliyeed u aqoonsan tahay in Shabaab ay ka dambeeyaan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Dowladda federaalka ayaa farriin u dirtay maamullada HirShabeelle, Galmudug iyo Puntland oo deegaanada ay ka taliyaan ay saacadihii iyo maalmihii lasoo dhaafay ka dhaceen dilal iyo dagaalo toos ah oo salka ku haya aanooyin qabiil. “Seddax maamul waxaan ugu baaqeynaa inay qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo lagu heshiisiinayo dadkaas walaalaha ah, dowladda federaalkana waxay diyaar la tahay gacan kasta oo looga baahdo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Axmed Macalin Fiqi. Dilkii ugu argagaxa badnaa ayaa xalay ka dhacay bartamaha Dhuusamareeb, kadib markii ay rag hubeysan dileen labo ganacsade oo aad looga jeclaa magaalada, kana soo jeeday beesha Saleebaan, ragga dilka geystay in kastoo aan la qaban, hadana waxaa la tuhunsan yahay inay Cayr yihiin. Cayr dhexdiisa ayaa isla xalay labo kale isaga dilay gudaha degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Dhanka Mudug, waxaa ku dagaalamaya oo dad badan iska dilay labo jufo oo ka soo wada jeeda beesha Cumar Maxamuud ee Majeerteen. Dhanka Shabeellada Dhexe, waxaa aad isugu laayey oo xitaa guryo badan iska gubay labo jifo oo ka soo wadajeeda beesha Harti-Abgaal, kuwaas oo hadda lagu guuleystay in ciidan la kala dhexdhigo. Hoos ka daawo Wasiir Fiqi The post Daawo: DF oo go’aan culus ka gaartay dagaallada qabaa’ilka, farriina u dirtay… appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Cali Jeyte Cismaan, magacaan dhowr jeer ayuu kusoo baxay xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Laakiin xilligaas waxay u badan tahay in uusan dhan-dhan ku sameyn, balse marka uu Cali qoriga qaatay go’aansadeyna inuu argagixisada ka saaro Hiiraan, qiimaha xilkiisa iyo Cali qof ahaantiisaba waa ka dhaadhaceen. Marka laga tago dowladda federaalka ah, Cali Jeyte wuxuu haysta diiwaanka siyaasiga ugu mayalka adkaa ee abid wajaha argagixisada. Wuxuu halkaan kaga sareeya dhamaan madaxda maamul goboleedyada iyo ragga madaxda ka ah gobollada gaarka ah. Cali Jeyte wuxuu si aan muran ku jirin argagixisada uga saaray bariga gobolka Hiiraan, wuxuuna ku guuleystay inuu reerkiisa ku mideeyo dagaalka. Cali-gii shalay madaxda ka ahaa gobolka Hiiraan ayaa maanta arkeysa isaga oo heer federaal ah. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan u magacaabay Cali Jeyte wakiilkiisa ciidanka difaaca dadweynaha, ama sida ay dadku badi u yaqaanan ciidanka Macawisleyda. Ciidanka Macawisleyda waxaa kiciyay dareen umadeed iyo mid deegaan, kadib markii argagixisada iskugu dartay dil iyo dhac. Waqti fog Macawisleyda ma laheyn hoggaan ay ku mideysan yihiin, ma haysan xuquuq, mana ka dagaalami jirin aaggag mideysan. Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh waxay dhawaan ku guuleysatay inay qorshe maaliyadeed u sameyso ciidanka difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawisley. Waxaa socota diiwaan-gelintooda, wararka aan helayno waxay sheegayaan in illaa 5 kun hadda la diiwaan-geliyay qorshuhuna yahay in la gaarsiiyo 10 kun iyo ka badan. Xuquuq ayaa loo bilaabay, waxaana jira qorshe lagu qarameyn doono mustaqbalka marka laga adkaado argagixisada. Cali Jeyte ayaa hadda madax u ah Macawisley oo dhan. In hoggaan loo sameeyo waxaa laga faa’iidi doona howl-gallo mideysan, in xuquuqdooda sugnaato, iyo in daryeel loo helo kuwooda dhaawacma iyo agoontooda. Dhanka madaxweyne Xasan Sheekh masuuliyadda uu u magacaabay Cali Jeyte waxay ka marqaati kaceysa inuu weli madaxweynaha daacad ka yahay hadafka dagaalka, inuu qirsan yahay kuwa u qalma inay ciidanka hoggaamiyaan iyo inuu gartay ahmiyadda uu Cali Jeyte u leeyahay marxaladda la joogo. Bilaha soo socda ee November iyo December waxay noqon doonaan kuwo qaas u ah dadka ku nool gobollada dhexe ee Soomaaliya, oo waxay u badan tahay in argagixisada lasoo dhaafin doono gobolladaasi, sida laga soo xiganayo saraakiil amni. Marka laga hadlayo ciidanka Macawisleyda, dadka Soomaalida waxay qabaan kalsooni badan oo ku saabsan natiijada dagaal ee ciidankaas, halka argagixisada ay aad u neceb tahay maadaama ay marar badan dharbaaxo adag kala kulmeen. The post Maxay uga dhigan tahay dagaalka socda tallaabada uu qaaday Xasan? appeared first on Caasimada Online.
  21. Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in dib loo cusboonaysiiyo shaqada hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM). Golaha ayaa muddo 12 bilood oo kale ah u kordhiyey hawlgalka Qaramada Midoobay ee kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) si Soomaaliya looga taageero hawlaha dib u kabashada . Howlgalkaan ayaa shaqadisu waxaa ay ku salaysan tahay taageerada dawlad-dhiska iyo nabadaynta Soomaaliya, waxaana la aasaasay xilli Soomaaliya ay weysay dowladnimada 1992-kii. Xafiiskaan oo muddo ku shaqeynayay magaalada Nairobi ayaa usoo guuray Soomalaiya markii lagu heshiiyay dhismaha Dawladda Federaalka oo la taabo galiyay, isaga oo degay Xalane. Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Galmudug Marxuum Maxamed Axmed Caalin. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu door weyn ka soo qaatay samata-bixinta iyo hormarinta bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug iyo hirgelinta nidaamka federaalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, bulshada Galmudug iyo guud ahaan dadka Sooomaaliyeed. Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa xalay ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska. Marxuumka oo da’ahaa ayaa la sheegay in muddooyinkii dambe uu ku xanuunsanaa dalka Ingiriiska, ugu dambeyntiina xalay ayuu geeriyooday. Madaxweyne Caalin ayaa ahaa aas-aasihii maamulka Galmudug oo markii ugu horeysay laga dhisay koonfurta magaalada Gaalkacyo, wuxuu ka mid ahaa odayaasha lagu ixtiraamo aas-aaskii maamulka Galmudug. Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa isna ka tacsiyeeyey geerida marxuumka ayaa xusay qeybo muhiim ah oo ka mid ahaa taariikh nololeedkii Marxuum Caalin. “Marxuum Caalin waxuu ahaa masuul Qaran oo dalkiisa iyo dakiisa duruufo adag ugu soo shaqeeyay. Todobaatameeyadii asagoo ahaa sarkaal ka tirsanaa heyaddii sirdoonka Qaranka ee NSS waxuu howl sirdoon oo culus oo laguna abaal mariyay ka soo qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethopia, horaantii dagaalkii 77dii,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed. Qoraalka Mr. Guuleed ayaa intaas ku sii daray, “Waxuu marxuum asagoo gudanaya waajib Qaran ku joogay magaaladaas muddo dhowr sano ah asagoo jilayey miskiin ka mid ah dadka tuugsada. Si uu Qaranka ugu keeno xog sugan oo la xiriirta istiraatiijiyadda ciidan ee Itoobiya, cududooda iyo dhaqdhaqaaqooda intaba.” The post Xasan Sheekh oo war ka soo saaray geerida Madaxweynihii hore ee Galmudug appeared first on Caasimada Online.
  23. (SLT-Gaza)-Warbaahinta Masar iyo ilo ku sugan xudduudka ayaa sheegay in kooxdii ugu horreysay ee dhaawaca ah ee laga soo daadgureeyay marinka Gaza ay Arbacadii kasoo gudbeen xadka Masar, iyada oo la raacayo heshiis ay Qadar gadh-wadeen ka tahay oo ay wada gaadhen Masar, Israa’iil iyo Xamaas, xilli ciidamada Israa’iil ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Xamaas. Dadka lasoo daadgureeyay ayaa lagu daabbulay gawaadhida gurmadka degdega ah, iyadoo lasii maray marinka xadka Rafah. Sida ku cad heshiiska ay wada gaareen Masar, Israa’iil iyo Xamaas, waxaa loo oggolaan doonaa tiro ajaanib ah iyo dadka dhaawacyada culus qaba inay ka baxaan dhulka go’doonsan. heshiiska ayaa yimid maalin kale oo dhiig ku daatay Qaza oo duqeyn cirka ah oo Israa’iil ay ku dishay ilaa 50 qof xero qaxooti, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Falastiin. Israa’iil waxay sheegtay in weerarkaas ay ku dishay taliye sare oo Xamaas ah iyo dagaalyahanno kale oo badan. Isgaadhsiinta iyo adeegyada internetka ayaa gabi ahaanba laga jaray Gaza mar kale Arbacadii, sida ay sheegtay shirkadda bixisa adeegga isgaarsiinta Gaza ee Paltel. Ilo dhanka ammaanka ah oo Masar ka tirsan ayaa sheegay in ilaa 500 oo qof oo haysta baasabooro ajnabi ah ay ka gudbi doonaan xadka Rafah maanta. Source
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Mashruuca Kobcinta Maamulka Kheyraadka Dadweynaha ee Soomaaliya ee uu maalgalinayo Bangiga Adduunka. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo munaasabadda furitaanka hadal ka jeediyay ayaa ka hadlay muhiim mashaaruucaan iyo sida uu taageero farsamo u siinayo qeybaha kala duwan ee Dowlad Goboleedyada dalka, heer Federaal iyo Hey’adda kale ee Dowladda Federaalka. Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in mashruuca SERP ee uu maal-galinayo Bangiga Adduunka uu soo maray heerar kala duwan oo maanta ugu dambeyn dhaqangalay. Waxaa kale oo wasiirka uu sheegay in uu xoogga saari doono masharuucaan, dhinacyada dib-u-habaynta hannaanka shaqaalaha Dowladda, dowlad wanaagga, hufnaanta iyo daah-furnaanta Hey’addaha Dowladda. Wasiirka Maaliyadda dowlad-goboleedyada Galmudug Farxaan Cali Maxamuud oo magaca wasiirada dowlad-goboleedyada ku hadlay ayaa dhankiisa soo dhaweeyay furintaan Mashruuca oo si gaar ah u la shaqayn doono Dowlad Goboleedyada dalka. Sidoo kale waxaa shirkaan hadal ka jeediyay Ku-simaha Duqa magaalada Muqdisho Mudane Ciise Maxamuud Guure ahna Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir. Shirkaan ayaa waxa sidoo kale ka qeyb-galay wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka socday hay’addaha dowladda federaalka iyo xubno sare oo ka tirsan Bangiga Adduunka oo mashruucaan maal-galinaya. The post DF oo maanta furtay mashruuc ballaaran oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka appeared first on Caasimada Online.