Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Shir Nabadeyn ah oo ka Furmay Ceel Afweyn Hargeysa(Qaran news)-Degmada Ceel-afweyn ee gobalka Sanaag waxaa saaka si rasmiya uga furmay shirka nabadeynta beelihii walaalaha ahaa ee colaada sokeeye ku dhex martay degmada Ceel-afweyn iyo degaanada hoos yimaada. Maamulka heer gobol, heer degmo, saraakiisha ciidamada, xildhibaanada golaha guurtida, salaadiin, cuqaal iyo ergooyinkii dhex dhexaadinta ee ugu badnaa ayaa ku sugan shirka saaka ka furnay Ceel-afweyn. Gebagebadiina waxa halkaasi lagu Dhaariyey labadii Ardaa Iyadoona loo kala qaaday Aasaskii Marxuumiintii ku dhintay shaqaaqooyinkii u Danbeeyey. Qaran News
  2. Komushanka Doorashooyinka oo la Kulmay Danjiraha Taiwan Hargeysa(Qaran news)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa xaruntooda ku qaabiley Safiirka Dalka Taiwan ee JSL Ambassador Allen Chenhwa Lou. KDQ waxa ay Safiirka warbixin ka siiyeen hawlaha diyaargarowga iyo derdergalinta hawlaha doorshaooyinka soo socda ee JSL. Komishanka Doorashooyinka ayaa Safiirka uga mahadnaqay sidii ay uga taageereen hirgalintii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilada, waxaanay ka codsadeen in la sii xoojiyo xidhiidhka labada dal gaar ahaan dhinacyada dimuqraadiyada iyo doorashooyinka. Qaran News
  3. The UN Independent Expert on the situation of human rights in Somalia, Isha Dyfan, will conduct an official visit to the Federal Republic of Somalia from 6 to 19 November 2023. Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu (HOL) - Somalia's National Intelligence and Security Agency announced on Tuesday that it had apprehended 25 people, including children, who were attempting to join the al-Shabab terrorist organization. Source: Hiiraan Online
  5. Xukumadda Somaliland ayaa xidhay Caawale Ibraahin Shirwac oo hore u ahaa wasiirka qorshaynta Qaranka Somaliland. Ilaa hadda ma cada sababta ka Dambaysa xadhiga Wasiirkii hore ee qorshaynta oo haatan ku xidhan xarunta dambi baadhista ee magaalada Hargeysa. Cawaale Shirwac ayaa maalmihii u dambeeyay baraha Bulshada gaar ahaan Twitterka ku shaaciyay; in Mas’uul ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Biixi uu ka qayb-galay shir ka dhacay Dalka Qatar, kaasi oo kasoo horjeeda Qadiyadda Somaliland. Cawaale Shirwac ayaa sheegay in uu kamid ahaa dadkii shirkaas lagu casuumay, balse uu isagu diidey inuu ka qayb-galo, maadaama uu ahaa shir kasoo horjeedda qadiyadda Somaliland, sida uu yidhi. Source
  6. Dowladda Soomaaliya ayaa ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee (ITU) la saxiixatay heshiis ku saabsan dhanka Horumarinta Isgaarsiinta. War rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasaaradda iyo ururka ururka Caalamiga ah ee (ITU) ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan horumarinta iyo casriyaynta hannaanka Isgaarsiinta dalka. “Heshiiskan ayaa dhigaya in ITU iyo Wasaaradda ay iska kaashandoonaan dhinacyada Horumarinta Isgaarsiinta, ICT-da, siyaasadda dijitaalka ah, nidaaminta xirfadaha dijitaalka ah iyo kobcinta awoodda, kaabayaasha isku xirnaanta, dhisidda kalsoonida isticmaalka adeegyada dijitaalka” ayaa lagu yiri warkaas. Heshiiska waxaa Soomaaliya u saxiixay wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolijiyadda Jaamac Xasan Khaliif, halka uu dhinaca (ITU) u saxiixay Agaasimaha Xafiiska Horumarinta ee Isgaarsiinta Dr Cosmas Luckyson Zavazava. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya iyo ururka ITU oo kala saxiixday heshiis ku saabsan horumarinta Isgaarsiinta appeared first on Puntland Post.
  7. Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa iska hor imaad kooban oo duhurnimadii maanta ka dhacay bartamaha caasimadda Garoowe. Wararka ayaa sheegaya in is rasaasayntu dhexmartay ciidamo ka tirsan dowladda Puntland iyo kuwa taabacsan dhinaca mucaaridka. Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada dowladda oo gelbinaya nin Youtuber ah lagu weeraray barxadda Garoowe. Inta la xaqiijiyay hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday is-rasaasaynta halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidanka dowladda. Weli ma cadda waxa iska hor-imaadka sababay islamarkaana kama hadlin laamaha Amniga dowladda Puntland. Dhinaca kale ciidamada mucaaridka ayaa hoobiye ku tuuray afaafka hore ee xarunta madaxtooyada inkastoo aan la sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay. PUNTLAND POST The post Khasaare ka dhashay iska hor imaad ka dhacay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  8. Magaalooyinka Waajid iyo Bardaale oo ka kala tirsan gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa saacadihii ugu dambeeyay ka da’ayay roobab badan, kuwaas oo biyo badan dhigay gudaha magaalooyinka, taasi oo keentay barakac xooggan, waxaa ayna dadka deegaanka wajahayaan xaalado banii’aadamnimo. Wararka ka imaanaya Degmada Berdaale ayaa sheegaya in degmaxa ay go’an yihiin inta badan adeegyadii bulshada, sida korontada , biyaha, isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha kadib roobab lixaad leh oo saacadihii lasoo dhaafay halkaasi ka da’ay, kuwaas oo ay ka dhasheen daadad xooggan oo kusoo rogmaday gudaha degmada. Wariyaasha ku sugan gobolka Baay, ayaa ayaa tabinaya in khasaare baaxad leh oo ka dhashay roobka iyo daadadka ay ka jiraan degmada , kuwaas oo ay waxyeello ay kasoo gaadhay goobihii ganacsiga iyo suuqyadii magaalada oo gabi ahaan ku xirmay, xilli Al-Shabaab ay hore u go’doomiyeen Bardaale. Dhanka Wajid ee gobolka Bakool malinba malinta ka dambaysa waxaa sii kordhaya khasraha roobka iyo daadadku ay sameynayaan, waxaana sidoo kale ku baaba’ay dhulbeereed aad u ballaaran, tani Waxay Muujinaysa dhibatoyinka fatahadaha ay wataan eek a jira deegaannada Koonfur Galbeed. Maamullada magaalooyinka Bardaale iyo Waajid ayaa ku ayaa ku baaqay in gurmad xoog leh lala soo gaaro shacabka ay daadadku ka bara kiciyeen guryahooda, kuwaas oo deegaansanaya bannaanka iyo daafaha magaalooyinka biyaha looga barakacay, xilli wali Roobabka Dey’ta hadda ay bilow wali yihiin. Gobollada dalka gaar ahaan kuwa deegaannada dhaca deegaannada Koonfureed ayaa saameyn badan waxaa ku yeelanaya roobka daadad iyo fatahaado ka dhashay, waxaana xaaladdu ay tahay mid aan la saadaalin karin waxa dhici kara maalmaha soo aadan, dowladduna waxaa ay wali diraysaa digniino. Source: goobjoog.com
  9. Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqday in maanta gargaarkii ugu horreeyay ay u dirayso gobolka Gedo oo siweyn roobabka iyo fatahaadaha ay ugu yeesheen, taas oo ay dheertahay in dadka ay ka barakaceen magaalooyin dhowr ah oo fataahdu ku dhufatay oo wajahaya xaalad daran. Agaasimaha Xarunta Qaran ee Gurmadka deg degga ah (National Emergency Operations Centre NEOC), ee qaybta ka ah hay’adda SODMA Xasan Cabdulqaadir CIise ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in maanta ay magaalada Dooloow gaarsiin doonaan diyaaraddii ugu horreeysay ee sidda shixnad gargaar. Agaasimaha ayaa sheegay in doomo lagu daabulo raashiinka la geyn doono magaalooyinka Baardheere, Luuq iyo Dooloow, isagoo intaa ku daray in ay ka fekerayaan in deeqaha halkaasi la geeyo kor looga soo daadiyo dadka halkaasi ku dhibaataysan, waxaana uu tilmaamay in ay wax badan ka tarayso xaaladda. Agaasimaha ayaa xusay in 720,000 (todoba boqol iyo labaatan kun) oo qof oo ku kala nool maamul goboleedyada Jubbaland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ay saameeysay fatahaaddu, iyadoo ay ku barakaceen dad gaaraya 300,000 qof, halka daka ku geeriyoodayna ay gaarayaan 21 qof. Wuxuu ku baaqay Agaasimuhu in dadka haatan ku waxyeelloobay ay u badan yihiin dadkii ka dhega adaygay farriimaha ku saabsan waxyeellada ELNINO, wuxuuna mar kale uu ku celiyay in dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka iyo tilmaamaha hay’adda maareynta musiibooyinka SODMA. Source: goobjoog.com
  10. In ka badan 10 ruux ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen fatahaado ka dhashay roobka deyrta oo ka da’aya guud ahaan Soomaaliya. Khasaaraha keliya kuma koobna naf, ee kumannaan qoys oo deganaa jiinka webiyada Jubba iyo Shabelle oo u badan danyar ayaa wajahaya xaalad banii’aadamnimo iyada oo ay waxyeellada ay gaartay xoolahooda, dhul beereed, guryo iyo hanti badan oo ma guurto ah oo baaba’ay, biyahana harqiyeen tiiyo ay u dheertahay barakac. Fataadaaha webiyada iyo daadadka ka dhashay roobababka mahiigaanka ah oo oo saameeyay Soomaaliya gees-ka-gees ayaa laga deyrinayaa deegaannada qaar, iyada oo kajwaabista iyo wax ka qabashada dhanka maamullada, hey’adaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ahba ay u muuqato mid faraha ka baxday. Goobjoog News, waxaa ay warbixintan ku eegeysaa sida Fatahaadaha iyo dadaadka ay u sameeyeen dadka iyo guud ahaan geyida Soomaaliya. Gobolka Gedo oo ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ay roobabka keeneen daadad halka Webiga Jubba uu oodda jabsaday kuna fatahay deegaanno badan iyada oo dadkuna ay barakaceen isla markaana ay wajahayaan xaalad banii’aadnimo. Tusaale ahaan, Magaalada Baardheere oo marin muhiim ah u ah isku xirka labad dhnac ee gobolka ayaa daadka iyo biyo baxada Wabiga Jubba ay kala jareen, waxaana gebi ahaanba go’day buundada Baardheere,taas oo biyuhu ay ka sare mareen, waxaana la arkayaa dadkii oo biyaha ka barakacay. Bulshada degmada Baardheere oo intooda badan ku tiirsan wax soo saarka beerashada ayaa fatahaadda ku waayay dalaggii la beeray roobka ka hor, biyaha ayaa dhexqaaday dhulbeereed lagu qiyaasay 20 kun Hikter iyo dalagii lagu beeray xagaaga, taas oo nolosha dadka ciriiri galisay, Baardheerana ka dhigtay mid go’doon ah. Labo haween ah ayaa degmada Ceelwaaq ugu geeriyooday daad ka dhashay roob saacado badan ka da’ayay taasi oo sidoo kale keentay in ay deegaanno badan go’doomaan. Magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo daadad xooggan oo ka yimid bannaanka iyo togaga sare ayaa buux dhaafiyay magaalada, taas oo xitaa kaliftay in garoonka diyaaradaha oo ahaa isha kaliya ee kaga degaan magaalada ay go’doonta, Baladxaawo ka mid ah goobaha uu saameeyay. Roobabka ayaa sidoo kale fataado ka dhaliyay gobollada dariska ah ee Bay iyo Bakool ee deegaannada Koonfur Galbeed, waxaana daadadka iyo biyo baxa siweyn u mutay magaalooyinka Baydhaba, Xudur, Buurhakaba iyo Bardaale, kuwaas oo roobab ka da’ay kala go’doomiyeen labada gobol. Magaalada Baydhabo oo ah caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed, roob xooggan ayaa sababay in xaafaddaha Magaalada soo galaan biyo xooggan kuwaas oo kala xiray badi xaafaddaha Magaalada, taasi oo sababtay barakac xooggan iyo in xaafadaha qaar dadkii ku go’doomaan oo ka bixi kari waayeen, waxaana socda gurmad lagu samatabixinayo Magaalada Xudur oo hore go’doon ugu jirtay Al-Shabaab ayaa hadda markale go’doon u gashay roobka, waxaana gabi ahaan baaba’ay dhulbeereedkii lagu noolaa gudaha magaalada iyo banaankeeda, waxaa sidoo kale xirmay garoonka Diyaaradaha. Waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo ayaa la xaqiijiyay in ay biyaha ay gooyeen, taas oo joojin karta ganacsiyadii tagi jiray magaalada Baydhaba oo ka bixi jiray Muqdisho,maadaama ay tahay waddada kaliya ay wax u soo maraan bulshada ku dhaqan gobollada dhaca Koonfur Galbeed. Daadadka iyo Fatahaadaha waxaa kale oo ay u sameeyeen deegaannada Hirshabelle oo uu maro webiga Shabeelle. Wabiga ayaa ku fatahay magaalooyin dhowr ah sida Baladweyne, Jowhar, Mahadaay iyo Afgooye cabsi la muujinayo, barakaca iyo khasaaraha kala duwan ee ka dhashay waxaa barbar socda in saameynta ay noqoto mid weyn oo malaayiin saameysa. Meelaha ugu badan ee dhibaatada ay kusoo noqnoqoto waa magaalada Baladweyn, oo xaafadaheeda kala duwan ay biyaha qariyaan, tiiyo ay wax ka qabashaeeda gabeen hey’adaha kala duwan. Dhanka kale, Galmudug meelaha ugu daran ee daadadku saameeyeen waxaa ka mid ah Galkcayo, halka cabsi ay ka jirto magaalooyin Dhuusamareeb, Gurceel iyo Cadaado kuwaasi oo roobab ka da’ayaan. Deegaannada Puntland ayaa sidoo kale waxaa jirta cabsi laga qabo in roobabka da’aya ay fatahaad ay ka sameeyaan magaalooyin ay kamid yihiin Boosaaso iyo Qardho, laakiin ilaa iyo hadda waxaa kaliya oo la warinayaa in daadad ay ku dhufteen magaalo Xeebeedka Bandarbeyla ee gobolka Bari ee Puntland. Sida lagu shaaciyay warbixin ay soo saareen maamulka Galkacyo ee dhanka Puntland, Ilaa saddex qof ayaa u geeriyooday roob mahiigaan ah oo ka da’ay magaalada. Gobollada Waqooyi ee Somaliland dhankooda waxaa ka da’ay Roobab badan, kuwaas oo laga dareemay magaalooyin badan sida Hargeysa, Boorama iyo Burco, laakin aan laga soo warin daadad ku rogmaday, balse musiibo adag ayaa ka jirta magaalada Barbera ee gobolka Saaxil oo daadad kusoo rogmadeen. Source: goobjoog.com
  11. Maanta ayey ku beegan bil kahor markuu billaamay dagaalka Gaza. Tiradda shacabka lagu dilay duqeynta Israel ayaa kor u dhaaftay 10.000 qof. Israel ayaa xalay duqeyn xoogan la beegsatay Koonfurta Gaza gaar ahaan Rafax, oo kamid ah goobaha ay shacabka u qaxeen. Xoghayaha Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa shalay gelinkii danbe markale ku baaqay xabad-joojin deg deg ah. Guterres ayaa sheegay in Gaza isu bedashay “Xabaalaha carruurta”. Tiradda caruurta lagu dilay xasuuqa Gaza ay ka badan 5000, Israel ayaa toddobaad walba duqeynta ku disha in ka badan 1000 carruur ah. Israel iyo xulafadooda reer Galbeedka ayaa weli diidan in lagu dhawaaqo Xabad-joojin. Mareykanka ayaa codkiisa qayaxan ee Veto ku horjoogsaday dhammaan isku dayayadii Golaha Amaanka. West Bank Dhinaca kale waxaa weli sii socda duulaanka Israel ku heyso dhulka Daanta Galbeed ee ismaamulka Falastiin, halkaasi oo ay bishii lasoo dhaafay weeraro kala duwan ku dileen 164 qof. Weeraradii ugu danbeeyey ayey Israel ku qaaday magaalooyinka Jenin iyo Hebron. Tiradda Falastiiniyiinta oo ay Israel ku xidhay Daanta Galbeed ayaa ka badan 2000 qof. Source
  12. Ciidanka Xoogga Dalka qaybta 21aad oo gacan ka helaya kuwa Deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaanka gobolka Mudug, kuwaas oo hoostaga degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug, halkaas oo maalimihii tagay ay ka socdeen dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo howlgallo. Ciidanka huwanta ah ayaa Al-Shabaab ka saaray deegaan lagu magacaabo Baraag Maxamed Daa’uud oo 16 KM u jira deegaanka Dabagalo ee Gobolka Mudug, ciidanka ayaa deegaanka iyo tuulooyinka hoostaga ka wada howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, mana jirin wax dagaal ah oo ka dhacay deegaanka Baraagta. Howlgalkaan waxaa horkacaayey Taliyaha Qaybta 21aad Gaashaanle Sare Cabdi Salaad, Taliyihii hore ee Qaybta General Xasan Jaamici, waxaana ciidamada ay baritaano ka sameeyeen dhulka howdka ah ee deegaankaas, iyaga oo sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada Al-Shabaab looga saarayo Mudug. Howlgalkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo Al-Shabaab laga soo saaray inta badan deegannada dhaca gobolka Mudug, inkastoo wali ay jiraan deegaanno kooban oo ku jira gacanta kooxda, kuwaas oo ciidanku ku wajahan yihiin, waxaana inta badan ay dhacaan deegaannadu Koonfurta gobolka Mudug marka la eego. Source: goobjoog.com
  13. Dhusamareb (HOL) - Somali military forces, supported by local militia forces, took control of the Barag Mohamed Da’ud area, located 16 KM from Dabagalo, a small village in the Mudug region, on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  14. Ciidamada badda ee Maraykanka ayaa u diray Bariga Dhexe markabka quusa kaasoo gantaalaha Niyukliyerka laga ridi karo. Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa ku daabacay baraha bulshada ee X, oo hore u ahaan jiray Twitter in shantii November ee 2023 uu yimid Gujiska la yidhaahdo Ohio aaga taliska Dhexe ee Bariga Dhexe. Arrintan oo Maraykanka uu shaaciyay ayaa waxa ay ku soo beegantay maalin kadib markii Wasiir ka tirsan xukuumada Israa’iil uu sheegay in dowladiisu ay xitaa u isticmaali karto hubka niyukliyerka inay ku dhufato magaalada Qaza. Tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay 7-dii Oktoobar ee u dhexeeyay Xamaas iyo Israa’iil, oo ah xulafada ugu dhow ee Maraykanka, Washington waxa ay u daabushay qalab milatari oo ay ku jiraan laba markab oo xambaara diyaarado dagaalka iyo diyaarado dagaal. Waxa kale oo ay ku dhawaaqday in la dirayo ku dhawaad ​​1,000 askari oo Maraykan ah, iyo ka qayb qaadashada tiro aan la cayimin oo ah kumaandooska hawlgallada gaarka ah, kuwaas oo la taliya millatariga Israa’iil hawlgaladooda Gaza. Afhayeenka Pentagon-ka Brigadier General Pat Ryder ayaa sheegay in dhismahan ciidanka iyo hubka, looga golleeyahay in lagu joojiyo xiisadda gobolka iyo ilaalinta Mareykanka iyo asxaabteeda. Xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken ayaa axaddii u safray wada-hadallo uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha gobolka, oo ay ku jiraan madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas oo ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto iyo Ra’iisul wasaaraha Ciraaq Mohammed Shia al-Sudani oo ku sugan Baqdaad. Source
  15. Vladimir Putin ayaa wada qorshe saldhig ciidammada badda Ruushka ay ka sameysanayaan xeebaha dalka Liibiya. Xogtan ayaa laga helay xubnaha ku dhaw dhaw Jeneraal Haftar oo ah hogaamiyaha gacanta ku haya maamulka gobalada Barigga Liibiya. Haftar ayaa bishii September booqasho uu ku tagay Moscow. Kulankii uu la yeeshay Putin arrinta ugu weyn oo ay ka wadahadleen ayaa ahayd dhismaha Saldhigan. Ruushka ayaa Qorshaynaya saldhigan oo awood uu siinaya goob istaraatiiji ah oo ku beegan koonfurta dalalka Yurub. Hore ayey dalka Liibiya u joogeen kooxda Ruushka ee Wagner oo gacan kasiin jiray Haftar dhanka tababarada ciidammada. Hase-yeeshee Ruushka ayaa hada Qorshaynaya inuu balaadhiyo joogitaankiisa Liibiya oo khatar ku noqon doonta danaha Mareykanka iyo xulafadiisa NATO. Source
  16. Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya ayaa lagu weeraray diyaaradaha drones-ka iyo gantaalaha kooxaha ay taageerto Iran ugu yaraan 38 jeer wax ka yar mudda bil ah. Saraakiisha difaaca ayaa sheegay in inta badan weerarradan ay fashiliyeen ciidamada Mareykanka ama ay ku guuldareysteen inay gaaraan bartilmaameedkooda. Weeraradaas waxaa ku dhaawacmay 46 askari oo Maraykan ah, waana in ka badan laba jibbaar intii hore loo sheegay, sida lagu sheegay tirokoob uu bixiyay xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka Brigadier General Pat Ryder. “Dhaawacyadani waxay noqon karaan waxyaabo ay ka mid yihiin firirm, madax-xanuun, dhaga-dillaac, maqal-yari, murgacashada anqawga, iyo sidoo kale dhaawacyo maskaxeed oo naxdin leh.” ayuu yiri Pat Ryder. Ugu yaraan 16 ka mid ah weerarada inta badan aan lagu guuleysan ee ka dhanka ah ciidamada Mareykanka ayaa la fuliyay kadib markii ciidamada Mareykanku ay Jimcihii lasoo dhaafay ay weerareen xarun lagu keydiyo hubka iyo rasaasta oo ku taal bariga Suuriya. PUNTLAND POST The post Ciidamada Maraykanka ee Bariga dhexe oo wajahaya weerarro joogta ah appeared first on Puntland Post.
  17. Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo kamid ah duubabka dhaqanka Puntland ayaa soo dhaweeyay go’aannadii arrimaha doorashada ee ka soo baxay shirkii Isimada ee Garoowe. Amiir Maxamuud ayaa sheegay in uu ayidsan yahay go’aanka isimada dhaqanka ee ku shiray Garoowe ay ka soo saareen arrimaha doorashada madaxtinimada Puntland ee 2024. “Go’aamadii ka soo baxay Issimadii madashaas fadhiyay wuxuu ku salaysnaa hal qodob oo ah in ay dhacdo doorasho nabad ah wakhtigeediina dhacda, waa tii waajibka iyo sunnaha ku ahayd dhaman dowladihii soo maray mandiqada”. “Issimadu waxay qireen dadaalkii ay galisay Dowladu in la helo doorasho qof iyo cod ah. Waxay kaloo qireen in maamulka iman doonaa ay waajib ku tahay dhamaystirka geedi socodkii la soo bilaabay ee hantida badani ay gashay”. “Issimada go’aankan soo saaray waa dhaqankii samakataliska ahaa ee bushada ugu fadhiyay qiimaha badan. Waxaan ayidayaa go,aankaas ku fadhiya maslaxada iyo garashada saliimka ah ee aan waxba ka tagin, Waxaanan soo jeedinayaa in la wada qaato” ayuu yiri Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise. PUNTLAND POST The post Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo taageeray go’aannadii isimada Puntland ee arrimaha doorashada appeared first on Puntland Post.
  18. Floods caused by heavy rains across parts of Somalia have displaced more than 113,000 people and "temporarily affected" hundreds of thousands, the U.N. Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (UN OCHA) said on Monday. Source: Hiiraan Online
  19. 400 farmers in Baki, Awdal region of Somaliland, have been counting losses as their farm produce and fruit trees were destroyed by heavy rainfall and strong winds that struck on 26 September. Source: Hiiraan Online
  20. Uganda's president has downplayed the US' decision to expel the East African country from a major trade deal. Source: Hiiraan Online
  21. At least 29 people have been killed and more than 113,000 displaced following heavy rains and flash flooding in Kenya and Somalia. Source: Hiiraan Online
  22. Deegaankee iyo Afkee Dunida ugu Da’weyn? Qaybtii 2aad. Nabi Aadan Cs. Waa Qormo kale oo ku xidhiidhsan Qaybtii hore ee aanu ku lafo guraynay Degelka iyo Afka ugu faca weyn ama ugu Da’da weyn Aduunka, taas oo aan doonaayo in aan ku xaqiijiyo Magacyadii Nabiyayadii hore Nabad Gelyo iyo Naxariista Alle ha kor ahaatee, waxa aan ku billaabay Aabihii Dadka maanta dunida camiray Nabi Aadan Cs. Sida aan ku xusay Maqaalkii hore Aabaheen Aadan waxa uu ahaa Qofkii ugu horeeyey dadkeena ee Alle abuuro ama sameeyo, kaas oo Alle ka sameeyey Dhoobo Madow dabadeedna Alle Naf geliyey, Abuurtaa wacnayd ee Alle ee Aabaheen Aadan waxa ka xumaaday oo Nolol quudhiwaa’ iyo xumaato Xasad leh ka qaaday, Naflihii Iblays oo markii uu Alle Faray in Malaa’igta iyo isaguba u sujuudaan waakii Iblay amar diidada ku sameeyey Alle ee Allena SW ka xanaaqay ee Dayriyey Iblays ee u Candhooday. Hadaba aan ku nuqdo oo aan dhuraha u qaato oo aan kala Shushubo Magac AADAN waxa uu Eray ahaan ka koobmo iyo inta macne ee Erayga Aadan marka Xarafka uu ku bilaabmo ilaa inta Xarafka ugu danbeeya laysku xidhiidhinaayo inta eray ama xarfo macne leh ee Erayga Aadan ka koobmo, ee Bal ila eeg. Magaca Aadan waa Magacii ugu horeeyey ee Qof loo bixiyo, waana Magacii uu Allaheena weyn ee weligii Jiraha ahi uu ku Magac ***** Abuurtiisii Qof ee ugu horeeyey, Hadaba Erayga Aadan waa maxay? maxay ayuu ka dhigan yahayna? Erayga Aadan waa Magac Lab oo weliba waa Magac sheegaya waxa qofkaa loogu Magac ***** magacaa, waa Magac sifahiisa wata oo is qeexaya waxa magacaasi ugu baxay ruuxa magacaa loobixiyey, waana Magac si sahlan loo saafi karo sida Magacyada Hooyoleyda oo waa Magac Xarafka uu ku bilawdo dhawaaq macno leh uu yahay oo Xaraf ugayn Xaraf, macno ku samaynaaya ilaa inta Xarafka ugu danbeeya ku xidhiidhismaayo!. Markaa Bal aan Saafo ee ila eega:- A. A. D. A. N, Bal eeg Xaraf-xaraf. A, Haduu ruux yidhaahdo A oo uu ku celceliyo sida A A A A waxa Hubaal ah ruuxaa in wax gaadheen! Waxa lagu yidhaahdaa Waar Maxaa kugu dhacay ee la A-da haysaa, waxa dhacda in uu ruuxaasi yidhaahdo waan is qaniinay ama nabar ayaa meel iga haya, ama uu yidhaahdo wax baan gocday, sidoo kale ilmaha yar ee dhalaanka ama nuunuuga ah waa Xarafka ugu horeeya ee Hooyadu ku Af barto oo waxa ay tidhaahdaa, A A Aabo marka ay la dheel dheelayso Hooyadu ilmaheeda ee si dheelmo leh wax ka celcelinayso waxa ay tidhaahdaa A-A-A-,,,,. AA, iyana marka ruux nabar qabto ama Toosi hayso ayuu ku taahaa AA-AA-AA-AA, oo qofkaas in xanuun hayo waa la ogaadaan oo waxa la yidhaahdaa Halkuu nabarku kaa hayaa!. AAD . Waa tag, Qabo, u kicitan. AADA, waa marka koox ama Dad qof kabadan lafaraayo in ay Tagaan ama tagaan meel loo diraayo, oo waa Aada, Taga Qabta u kicitama. AADAN, waa Tagane, Dirrane, Amrane, beegan, sida socotadaasi inaka ayey inagu soo AADAN yihiin oo ah way ku jihaysanyihiin ama beegan yihiin oo u iman ayaan, Aadan sidoo kale waa u kicitime Halkuu ku eegyahay ama u jihaysan yahay, Alle Aabaheen Aadan iyo Hooyo Xaawo waxa uu Weyne u diray Janada isaga oo faray inay ku noolaadaan oo wax kasta oo ku dhex sugan ka dhirqadaan ama cunaan, waxa se Alle uu Amray ama faray Aadan iyo Xaawo in aanay cunin Geed ku dhex yahay janada, Markii ay Amar diidada sameeyeen ee geedkii cunneena .waa tii Alle janada kasoo Dayriyey markaa Aadan waa Amrane ama Amarre ama Dirrane, kii Alle Diray ama Amray. AADAME, Amranayaal, kuwuu Lafaray, kuwii Dirnaa, Alle wuxuu yidhi Jini iyo insi wax kale maanu u Abuurin in ay icaabudaan mooyee sidaa awgeed dad amar Alle qaba oo Amran ayeynu nahay in aynu Allaheena ina sameeyey caabudno, Markaa markii Aabaheen Aadan iyo Hooyadeen Xaawo (Xaawo = Nolashii, Tii nolosha u Dhexda ahayd ama tii Nolosha Nafta u ahayd, Xaawo = Xaawgii = neeftii nolosha, ileen Uur Hooyo ayuu Alle inagu Dhex Abuuray inaka oo candhuuf oo kale ah inaka oo qof ahna wey ina dihataa Hooyo oo naaska inagu Du’daa oo ina Mijo-saarta oo ina Majeerata ee Allow Hooyo ifka Cisi aakhirana Janadaada wacan kuwa aad geeso kuwa ugu horreeya ka yeel aamiin), Hadaba Markii Dadka Aduunka guudkiisa lakeenayna Amar ayaa lasoo raaciyey, oo waata aynu ku Amranahay inaynu Fuluno Tiirarka Islaamka iyo Tiirarka Iimaanka, iyo waxa uu Alle inagu Faraayo Quraanka Sharfan ee Karaamaysan, sidaa Awgeed Aadame Waa Amranayaal uu Alle Amray, Aabaheen Aadan wuxuu Ahaa Abuurtii wacnayd ee Alle Abuuray ee Amranayd. Magacaa Aabaheen Aadan Af kale oo aan ahayn Afka Hooyo ku saafi karimaysid, Sidaa awgeed Afkii Nabi AADAD (cs) iyo Hooyo Xaawo ku hadli jireen waxa uu ahaa Afkii kama danbaystii Noqday Afkii Hooyo, Sidoo kale hadii aynu eegno Nabigii Alle ee NUUX Cs waxa aynu ka dheehan karnaa…………. lasoco taxanaha. Dadkeenu waa Hooyoley Dumarku waa Xaawoley Dunida Dadka ku noolna Aadame. Khadar Hooyoley 07-11-2023 Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
  23. Guriceel (Caasimada Online) – Taliska Booliska ee Magaalada Guriceel ayaa soo saaray awaamiir lagu xoojinayo arrimaha nabadgelyada ee magaaladaasi kadib iska hor-imaad xalay ka dhacay magaalada. Taliyaha Saldhigga Booliska Guriceel, Cismaan Cali Huudey ayaa sheegay inaanan hadda ka dib wax hub ahi lagu dhex qaadan karin magaalada, ciidamada amniguna ay ka hawlgali doonaan. Tani ayuu sheegay inay kaga gol leeyihiin in ay kaga hortaggaan maleeshiyada Al Shabaab iyo kuwa dilalka aanooyinka beelaha ka gaysanaya gobolka iyo deegaanada ku xeeran, si aysan gabaad uga dhigan magaalada. Taliyaha ayaa sheegay in xilliyada qaarkood ay magaalada hub ku dhex qaataan Ciidamada Qalabka Sida qaybahooda kala duwan iyo welibana dad shacab ah, taasina aan hadda ka dib la aqbali doonin. Waxa uu sheegay in la ogolyahay in ciidamada ay hubka ku dhex qaataan magaalada, haddii ay dareyskoodu wataan, balse ay mamnuuc tahay in iyagoo aan tuutahooda wadan ay hubka ku qaataan magaalada. “Ciidanku wuxuu leeyahay sumad u gaar ah oo lagu kala yaqaano iyaga iyo shacabka, maadaama aan hawlgalo ballaaran sameynayno waxaan rabnaa astaanta ciidanka lagu yaqaano ee deegaanka nala degan inay astaantooda qaataan, astaantaas oo ah dareyska la idiinkugu talagalay,” ayuu yiri Taliyaha. Taliyaha ayaa yiri “Cid kasta oo dhar shibil ah wadata ee hub sidata inaan ula tacaamulno, sida dadka shacabka ah loola tacaamulayo. Marka ciidanka waxaan leenahay naga la shaqeeya ammaanka, si uusan cadowga noogu soo dhuuman ama dhagarqabeyaasha aysan ku fakan, waxaad qaadataan dareyskiina.” Taliyaha Saldhigga Booliska Guriceel Cismaan Cali Huudey ayaa Xoogaga Macawiisleyda ugu yeeray in marka ay magaalada imanayaan ay qoryahooda dhigtaan guryaha, uuna farayo inaanay wax hub ahi ku dhex qaadan karin magaaladaasi, muddada ay joogaan. “Waxaa jira ciidamo la yiraahdo Macawiisley oo sida runtii dad xaq u dirir ah, oo dowladda ka garab siiya dagaalka Khawaarijta. Waxaan rabnaa ayagana goobta jiidda ah markii ay ka soo baxaan ama fasax uu soo qaato inuu gurigiisa dhigto qoriga, waxaana mamnuuc ah inuu magaalada qori la soo aado. Waxaan ugu baaqaynaa dhallinyaradaas markii aad soo gashaan magaalada inaad hubkiina xareysataan, oo aad ku xareysataan guryaha, markaad jiidda ku laabaneysaana aad hubkiina qaadataan. Waxaa mamnuuc ah inaad magaalada ku qaadataan qori, idinka oo dhar shacab ah sita,” ayuu yiri Taliyuhu. Taliyaha ayaa intaasi ku daray “Waxaan rabnaa marka, maadaama aan idiin sheegnay, haddaynu aragno idiinkoo qori wata, waxaanu ka qaadaynaa tallaabo sharci ah, qorigana waan ka qaadaynaa, haddii Alle idmo.” Hadalka Taliyaha ayaa imaanaya, xilli Ciidanka Booliska iyo Xoogaga Macawiisley ay xalay ku dagaalameen magaalada. Dagaalkaasi ayaa waxaa ku dhintay laba askari uu midkood uu ciidamada amniga ka tirsanaa, halka kan kalena uu Macawiisley ahaa. Sidoo kale illaa afar qof oo dad rayid ah ay ku jiraan ayaa iska horimaadkaasi ku dhaawacmay. The post Awaamiir culus oo lagu soo rogay Guriceel kadib dagaalkii xalay ka dhacay magaalada appeared first on Caasimada Online.