Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    193,435
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray qodobadii ka soo baxay shirka golaha wadatashiga. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka uu soo saaray Farmaajo. QODOBBADA KA SOO BAXAY SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN (GWQ) WAXAY KHATAR KU YIHIIN DOWLAD-DHISKA IYO MIDNIMADA DALKA Qodobbada ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Golaha Wadatashiga Qaran waxay sii kordhinayaan xiisadda siyaasadeed ee dalka, waxa ayna dhaawac weyn ku yihiin geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya, midnimada iyo wadajirka. Maqnaanshaha Dowlad-goboleedka Puntland: Puntland in ay wali ka maqan tahay Golaha Wadatashiga waxay muujinaysaa kalsooni darrada wali ka taagan Golaha iyo in Madaxtooyadu ay qaadatay go’aan ka dhan ah Federaaleynta iyo dimuqraadiyeynta dalka, iyada oo iska indho-tiraysa tabashada Dowlad-goboleedyada, siyaasiyiinta iyo daneeyeyaasha. 2. Laalidda Dastuurkii la isku waafaqsanaa: Laalidda dastuurkii la isku raacsanaa ayaa sababtay in ay lunto sharciyaddii iyo wada shaqeyntii hay’adaha dowladda. Waxaa laga filayey shirku in uu dib ugu laabto hannaankii dastuuriga ahaa ee la isku waafaqsanaa, waana nasiib darro in wali hoggaanka dalku ay sii wadaan qorsheyaal gurracan oo ka turjumaya danahooda gaarka ah, kuwaas oo uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee dalka, wiiqayana dowladnimada iyo sharciyadda Hay’adaha Federaalka. 3. Hor-istaagga Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada: In laga hor-istaago dowlad goboleedyada doorashada, iyada oo waqtigii loo muddeeyey uu dhammaaday waa afduub siyaasadeed oo khatar gelinaya hannaanka iyo xasiloonida dalka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed. Madaxweynaha oo ahaa ilaaliyaha dastuurka KMG ah, in uu ku dhiiri galiyo in dawlad goboleedyadu ku shaqeeyaan maandhayd iyo sharciyad la’aan, waxay dalka ku hagaysaa mugdi iyo hubanti la’aan siyaasadeed. 4. Heshiisyada Hore ee aan Dastuuriga ahayn: Waxaa la yaab ah in heshiisyadii hore oo aan dastuuriga ahayn ee fashilmay wali lagu baaqayo in la fuliyo, taas oo ka dhigan in xaqiiqada la iska indho tirayo. 5. Hannaanka Doorashooyinka Qof iyo Cod: Waxaan si adag uga digaynaa hannaanka doorasho ee aan la isku waafaqsanayn ee ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Golaha Wadatashiga Qaran. Nidaamka doorashada ee Madaxweynuhu uu ku hawlanyahay waxa uu caddaynayaa danihiisa gurracan ee sii kala fogeynaya shacabka Soomaaliyeed, waxaana muuqata in hannaankii doorashada laga leexinayo habraacii saxda ahaa ee ay ku qabsoomi lahaayeen doorashooyin daah-furan oo lagu wada kalsoonaan karo. Dhammaan siyaasiyiinta daneeya doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan ku adkaynaynaa in ay u midoobaan sidii dalka loogu soo celin lahaa sharciyadii iyo wada shaqeyntii hay’adaha dowladda, loogana hortagi lahaa caqabadda ku soo food leh dowladnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed. DHAMMAAD The post Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo ka digay qodobada ka soo baxay shirka golaha wadatashiga appeared first on Puntland Post.
  2. Maxkamada Ciidanka Qalabka sida qaybta 60-aad ayaa galinkii danbe ee shalay xukuno kale duwan ku ridday ku hawaad 30 askari oo lagu eedeeyay inay jidgooyooyin dhigteen degmada Bardaale ee Gobalka Bay, halka ay jireen askare kale oo lagu waayay wax dambi ah oo xoriyaddooda dib loo siiyay kadib. Askarta la xukumay ayaa tiro ahaan gaaraya 30 askari, kuwaas oo isugu jiray ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana lagu xukumay xabsi ciidan oo u dhaxeeyay 9 sano ilaa iyo 3 sano, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Maxkamdda Aadan Maxamed. Askartaan ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in ayqalqal galiyeen ammaanka degmada Bardale iyo isbaaro tiro beel ah oo la dhigtay gudaha iyo bannaanka magaalada oo lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah, taas oo keentay in maxkamadda ciidamadu amar ku bixiso in askaraan lasoo taago maxkamadda ciidamada. 14 kamid ah waxaa lagu xukumay min 5 sano oo xabsi ciidan ah, 9 kamid ah waxaa lagu xukumay askarta min 3 sano oo xabsi ciidan ah, halka 8 kalena maxkamaddu ay ku weysay wax dambi oo xoriyaddooda ay siisay, sida uu goobta kaga dhawaqay guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada Qeybta 60-aad Aadan Maxamed. Ciidamada dowladda qaar kamid ayaa muddooyinkii dambe kasoo muuqanayay maxkamadda ciidamada qalabka sida iyagoo ku eedeysan dambiyo kale duwan oo ay qeyb kayihiin dilal ay geysteen ama jidgooyo ay dhigtaan deegaannada qaar oo lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah, xill ay socdaan howlgallo ciidan. Source: goobjoog.com
  3. Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud (Cali Tabliiq) oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada Puntland ayaa ku geeriyooday shil gaari oo xalay ka dhacay deegaanka Xaaji Khayr, degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal. Sidoo kale waxaa shilkaas ku dhaawacmay xildhibaan Cabdiqaadir Saalax Cali Guuleed oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo Dr Ciise Jaamac Maxamed. Madaxweynaha Puntland Deni Siciid Cabdullaahi Deni iyo guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Cali Tabliiq. Marxuumka Cali Tabliiq ayaa lagu wadaa in maanta aas qaran loogu sameeyo magaalada Garowe ee xarunta Puntland. PUNTLAND POST The post Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo shil gaari ku geeriyooday iyo mid ku dhaawacmay appeared first on Puntland Post.
  4. Mogadishu (HOL) - Somali army forces killed an al-Shabab operative identified as Abdulkadir Haji Enow during a planned security operation in the Lower Shabelle region on Saturday. Source: Hiiraan Online
  5. Wakiilkii dalka Itoobiya u fadhiyey Hargeysa, ayaa loo dallacsiiyey derajada ‘ambassador’ oo ka dhigan in uu yahay safiir buuxa oo dalkaa u jooga Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynaha dalka Itoobiya Sahle-Work Zewde ayaa Arbacadii magacawday 24 safiir, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi. Sidaas darteed, 24-ka safiir ee la magacaabay ayaa u kala qaybsanaa in 10 ka mid ah ay yihiin safiiro buuxa oo haysta awood dhammaystiran, halka 14-ka kalena loo magacaabay keliya safiir. Mudanayaasha la siiyey safiirnimada buuxda waxaa ka mid ahaa safiir Delil Kedir Bushra, oo dalkaasi u fadhiya Somaliland. Magacaabiddan ayaa ku soo beegmaysa xilli dhowaan dawladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay xidhay qunsuliyaddii dalka Itoobiya ku lahaa Hargeysa. “In safiir buuxa Itoobiya u dallacsiiso Konsularkii Guud waxay ka dhigan tahay in Itoobiya xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ay Somaliland la lahayd u dalacsiisay xidhiidh gaadhsiisan laba dal oo siman diblumaasiyad ahaan,” ayuu qabaa Cabdinaasir Axmed oo ah falanqeeye Arrimaha Geeska ah. Tallaabdan ayaa uu sida oo kale Cabdinaasir sheegay in ay jawaab u tahay warkii ku aaddanaa xidhitaanka qunsuliyadda Hargeysa. “Dabcan haa. Waa jawaab ku socota Soomaaliya in Itoobiya ay si cad u diidday inay xidho qunsuliyaddeeda, taas beddelkeedana u dallacsiiso safaarad dhammaystiran.” Mr Delil, ayaa Dawladda Federaalka Itoobiya u soo magacawday qunsuliyaddooda Hargeysa horraantii sannadkii hore. Bishii March ee 2023 ayaa uuna Madaxweyne Muuse Biixi ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga. Safiir Delil, ayaa hore uga soo shaqeeyey meelo kala duwan oo ay ka mid tahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka soo noqday xoghayaha labaad ee wasaaradda. Halka dhanka kale uu sida oo kale ka soo shaqeeyey safaaradaha Belguim ee dalkaas iyo ta Finland oo uu ka mid ahaa diblomaasiyiinta siyaasadda ee sare. Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya Waxay ahayd 1-dii bishii January markii heshiis is afgarad oo khuseeya Badda Cas ay magaalada Addis Ababa ku gaadheen Itoobiya iyo Somaliland. Heshiiska is-afgaradka ee labada dhinac ayaa ahaa mid Somaliland ay Itoobbiya uu oggolaanayso in ay deegaankeeda kaga kirayso dekad ganacsi. Somaliland waxaa ay sida oo kale oo ay sheegtay in dhul dhan 20 Km oo xeebaha ah ay ka kireyn doonto ciidamada badda ee Itoobiya, arrintaas oo ay Addis Ababa xaqiijisay. Falanqeeyeyaasha ayaana qaba in u dallacsiinta wakiilkooda Hargeysa ee safiir buuxa ay tahay jawaab ay ka bixinayaan sida uga go’an tahay hirgelinta heshiiskaas. “Heshiiskii is-afgarad wax wayn ayay ka taraysaa in Ethiopia u dalacsiiso safiir buuxa Qunsulkeeda Guud. Waxay muujinaysaa ka go’naanshaha Ethiopia inay ka *****naysoninay Somaliland u awoonsanayso dal madax banaan” ayuu BBC-da u sheegay falanqeeye Cabdinaasir Axmed. Hase ahaatee, falcelinta ka dhalatay heshiiskan ayaa ahayd mid aad u kala duwan iyada oo qaar ka mid ah waddmmada beesha caalamku ay ka falceliyeen, kuwaas oo badankoodu sheegay in ay taageersan yihiin ‘madaxbannaanida’ Soomaaliya, iyaga oo aan dhanka kalena si cad u duraynin Somaliland iyo Itoobiya. Heshiiskan ayaana la soo werinayaa in dhinacyadu ka shaqaynayaan hirgelintiisa, taas oo guddiyadii farsamo ee loo saaray ay gebagebo marinayaan Qaran News
  6. Nearly 800,000 Palestinians have been displaced from Rafah since Israel launched its offensive against the southern Gaza city last week, Philippe Lazzarini, the head of the United Nations agency for Palestinian refugees, UNRWA, has said. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (HOL) - The Court of First Instance of the Somali Armed Forces sentenced former military officer Daud Bashir Adow to death on Saturday for the deliberate killing of Said Abdi Musa. Source: Hiiraan Online
  8. Nairobi (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Nairobi, Kenya, on Saturday to meet with his Kenyan counterpart President William Ruto. Source: Hiiraan Online
  9. Ethiopian Airlines, Africa's largest and fastest-growing airline, inaugurated a Chinese-built domestic passenger terminal in Addis Ababa, the Ethiopian capital, on Saturday. Source: Hiiraan Online
  10. Israeli war cabinet minister Benny Gantz has threatened to resign unless Prime Minister Benjamin Netanyahu sets out a post-war plan for the Gaza Strip. Source: Hiiraan Online
  11. Bayer Leverkusen have become the first team to go through a whole Bundesliga season unbeaten after defeating Augsburg 2-1 on Saturday. Source: Hiiraan Online
  12. Kenyan lawyers have moved to block the country's planned deployment of police to Haiti, a court filing showed, days before officers are expected to arrive in the Caribbean nation to tackle spiralling violence there. Source: Hiiraan Online
  13. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/05/444502931_987595289492527_3996187777718733663_n.mp4 Qaran News
  14. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay oo sagootiyay ergaygii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing oo xafiiska banaynaysa. Kulanka waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid, guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Maxamed Baari, guddoomiye ku-xigeenka labaad Maxamed Maxamuud Ciise, xubno ka mid ah Golaha xukuumadda iyo xubnaha ururada bulshada Puntland. Ambassador Catriona Laing ayaa lagu maamusay bilad sharaf iyo hadyado dhaqan oo uu guddoonsiiyey madaxweynaha Puntland, isagoo uga mahadceliyay kaalintii ay ka qaadatay hanaanka geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Puntland oo sagootisay ergaygii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay in qorshihii dowladda ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, aanu ‘waxba iska bedelin’ isaga oo intaas ku daray in qiyaasta dowladda ay tahay in Al-shabaab ‘aysan dhaafi doonin bilaha soo socoda’. “Horumar aan caadi aheyn ayaa laga gaaray dagaalka Al-shabaab. Dagaal marka lagu jiro waxaa dhici kara waxyaabo gaabis ah ama habac ah oo aan markii hore la qorsheyn, laakiin istiraatiijiyadda dowladda ee dagaalka Al-shabaab waxba iskama bedelin” ayuu yiri Xasan Macalin. Mar uu ka hadlayay marxaladda ay ku sugan yihiin madaxda Al-shabaab ayuu yiri “Dadka Al-shabaab madaxtooda ka warhaya sida ay hadda u fikirayaan waa dad meel raadis ah, laakiin dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la gaarsiiyo wakhtigii is-dhiibi lahaayeen ama ay dalka ka carari lahaayeen.” La-taliye Xuseen oo wareysigaan siiyey SNTV ayaa sheegay inay dowladda u sahlan tahay inay isa soo dhiibaan madaxda Al-Shabaab. La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa intaas ku daray inay jiraan xubno ajaanib ah oo ka tirsan Al-shabaab, oo uu sheegay in la macaamilmooda ay u baahan doonto ‘iskaashi caalami ah.’ Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii dib loo doortay ku dhawaaqay dagaal dhawr weji ah oo ka dhan ah Al-shabaab, iyadoo wixii intaas ka dambeeyay deegaanno ka tirsan Galmudug, Hirshabelle, Jubaland iyo Koofur Galbeed ay ka dhaceen kacdoon looga soo horjeedo Al-Shabaab. Ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyaad ka tirsan dadka deegaanka ayaa Al-shabaab ka xoreeyey magaalooyin, tuulooyin iyo deegaano badan oo muhiim ah. Hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab waxaa sidoo kale taageera duqeymaha Mareykanka, Turkiga, Imaaraadka iyo ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo shaacisay waqtiga ay qorsheysay in Shabaab lasoo afjaro appeared first on Caasimada Online.
  16. Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay Aarka degmada Dayniile gobolka Banaadir. Inta la xaqiijiyay Wiil yar oo Caseeya ah ayaa ku geeroyooday hooyadiis iyo Walaashiisna dhaawac ayaa kasoo gaaray Qaraxa. Ma cada sababta dhabta ah ee qaraxan dhalisay waxaana jira warar kala duwan oo qaraxan kasoo baxaya. Ciidanka Booliska iyo kuwa nabadsugida ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay waxa ay xireen wadada iyagoo bilaabay baaritaano ku saabsan qaraxa. Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo laamaha kale ee amniga ee Soomaaliya Source: goobjoog.com
  17. Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dib ugu soo laabtay dalka, ka dib booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Jabuuti. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa intii uu joogay Jabuuti waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo madax kale, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dowladood gaar ahaan xiriirka labada baarlamaan. Sidoo kale Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur wuxuu booqday goobo taariikhi ah oo ay kamid tahay magaalada Carta oo ku dhowaan 25 sano ka hor oo ahayd 2000-dii lagu qabtay shirkii dib u heshiisiinta iyo dowlad dhiska Soomaaliya, taasoo hadda laga dhisayo matxaf weyn oo Taariikhda laga Keydiyo. Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta safar ku tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo dhiggiisa William Samoei Ruto uu kula kulmay. Qoraal kooban oo William Ruto uu ka soo saaray safarka madaxweyne Xasan Sheekh iyo kulanka uu la yeeshay ayu uku yiri, “Wadashaqeynta aan la leenahay dowladda Jamhuuriyadda Soomaaliya waa mid miro dhal ah, Gobolka waxaa ka muuqda nabad iyo xasillooni ballaaran,’ ayuu yiri Ruto. Sidoo kale madaxweynaha Kenya ayaa qoraalkiisa sii raaciyey balan-qaad u dhignaa “Waxaa naga go’an inaan kobcino xiriirkaan.” Qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta gaarey magaalada Nairobi ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Kenya William Ruto, labada Madaxweyne ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.” Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Kenya iyo Soomaaliya ay wax badan wadaagaan, labada dalna ay ka go’an tahay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida gobolka.” Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalkaas ku jooga safarkii 3-aad oo muddo bil gudaheed ah uu ku tegay Kenya. Booqasho qaadatay ku dhawaad 7 cisho ayuu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre toddobaad ka hor ku tegay Nairobi, halka Xasan Sheekh uu bishii hore ee April labo jeer tagay Nairobi. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mid ka mid ah safaradaas uga qeyb galay shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka oo lagu qabtay magaalada Nairobi. Safarka maanta ayaa la sheegay inuu yahay mid Madaxda Kenya iyo Soomaaliya ku xoojinayaan isbaheysigooda dhanka Gobolka, waxaana arrimaha gaarka ah ee ka wada hadlayaan ka mid ah booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha Kenya William Ruto uu 23 bishan May ku tagayo dalka Mareykanka, kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo deg deg u tagey Nairobi iyo qorshaha safarka appeared first on Caasimada Online.
  19. Ciidamada PMPF, gaar ahaan cutubyada Badda oo gulufyo ballaaran oo isdaba jooga ka wada Badaha Puntland ayaa gacanta ku dhigay Hub sharci-daro ah, gaadiidkii siday iyo 4 nin oo watey, kuwaas oo si dhuumaalaysi ah kusoo gelinaayey magaalada Boosaaso. Hubkan sharcidarada ah oo isugu jirey noocyada kala duwan ee hubka ayay ciidamadu gacanta ku dhigeen, waxaana uu hawl-galku ku soo dhammaaday guul, sida lagu sheegay war ay soo saareen hay’adaha ammaanka Puntland. Taliska guud ee ciidamada PMPF ayaa sidoo kale digniin adag u diray cid kasta oo ku hawlan ka ganacsiga hubka sharci-darada ah iyo dembiyada kale ee ka dhan ka ah nabad-galyada, ayagoo wacad ky maray in ciddii falalkaas lagu qabto waxaa la horgayn doono sharciga. Source: goobjoog.com
  20. Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada PMPF, gaar ahaan cutubyada qaabilsan iaalinta Badda ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan hub si sharci darro ah lagu soo gelinayey magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Afar nin gaadiid iyo hub ay doonayeen inay si dhuumaaleysi ah ku geliyaan magaalada Boosaas ayaa la soo qabtay, waxaana galabta loo soo bandhigay saxaafadda. Hubkaan waxaa ku jira qoryo Faal ah, AK47 iyo noocyo kale oo baceysan ayaa la soo bandhigay, ilaa hadda Puntland ma shaacin cidda loo waday hubkaas. Saraakiisha ammaanka ayaa ku gaabsaday in baaritaan uu socdo dibna ay ka soo shaaci doonaan natiijada rasmiga ah, isla markaana ay maxkamadda horgey doonaan ragga lasoo qabtay. Howlgalka lagu qabtay hubkaan wuxuu dhacay xalay, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiisha ciidamada PMPF ee Puntland, kuwaas oo ku guuleystay howlgalkooda. Ciidanka ayaa qabtay hubkaan xilli ay ku jireen howlgal dhanka badda ah oo xeebaha gobolka Bari ay ka wadeen, waxaana la sheegay inay sii heleen xogta ragaan lasoo qabtay. “Taliska guud ee ciidamada PMPF wuxuu digniin adag u dirayaa cid kasta oo ku hawlan ka ganacsiga hubka sharci darada ah iyo dembiyada kale ee ka dhan ka ah amniga Puntland, ciddii falalkaasi lagu qabto waxaa la horgay doonaa sharciga, iyagoo mutaysa doonta ciqaab adag,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska ciidamada PMPF ee Puntland. Hubkaan waxaa loo maleynayaa in Puntland laga soo geliyey dhanka dalka Yemen oo hubku uu qiimo jaban ka joogo, maadaama uu dalkaas burburay oo kala dambeyn aysan ka jirin, kooxo hubeysana ay ka dagaalamayaan, sida Xuutiyiinta oo taageero adag ka hela Iiraan. The post Sawirro: Ciidanka Puntland oo qabta hub iyo raggii watay appeared first on Caasimada Online.
  21. Saddex muwaadin oo Afgaanistaan ​​ah iyo saddex dalxiisayaal Isbaanish ah ayaa lagu dilay bartamaha gobolka Bamyan ee dalka Afgaanistaan, sida uu sheegay maamulka Taliban ee dalkaa majaraha u hayaahi. weerarka dadkan lagu laayay ayaa ka dhacay goobo suuq, waxayna dawladdu sheegtay in maydadka saddexda Afgaanistaaniyiinta ​​​​iyo saddex dalxiisayaal Isbaanish ah loo daabulay magaalada caasimadda ah ee Kabul. Kooxdan ayaa la rasaaseeyay xilli ay marayeen suuq ku yaalla magaalada buuraleyda ah ee Bamyan oo qiyaastii 180km u jirta magaalo madaxda dalkaas ee Kabul. “Dhammaan meydadka waxaa loo wareejiyay Kabul, waxayna yaallaan waaxda dambi baarista, dhaawacyaduna waxay ku sugan yihiin Kabul, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayna waxaa ku jira haween,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Abdul Mateen Qani oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP. Sida laga soo xigtay Isbitaalada Bamyan, dadka dhaawacmay ayaa u kala dhashay dalalka Norway, Australia, Lithuania iyo Spain, afhayeenka wasaaradda arrimaha guduhuna wuxuu sheegay in dhimashada ay ku jiraan laba qof oo rayid ah oo reer Afgaanistaan ​​ah iyo mid ka tirsan Taliban, kuwaas oo dhex mushaaxayeen bacadlaha markii la weeraray. Laamaha nabad-galyada dalkaas ayaa xabsiga dhigey 7 Eedeysane oo mid ka mid ahna waa la dhaawacay markii la soo qabanayay, haddana uu baaritaan ku socdo,mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Source: goobjoog.com
  22. Hoggaamiyaha Maamulka ku meel gaarka ah ee SSC-Khaatumo oo ku sugan dalka Talyaaniga ayaa ka qeyb-galay shir caalami oo ku saabsan nabadda, caddaaladda iyo xuquuqda aadanaha. Shirka waxaa ka qaybgalay hey’adaha adduunka ee Cadaaladda, Xuquuqda Aadanaha iyo Nabadda, Ururrada iyo Khubarada Xuquuqda Aadanaha iyo Nabadda ee Midowga Europe iyo dalalka ay dagaaladu ku danbeeyaan. Shirka oo diirada lagu saaray sida ay isugu xariirin lahaa nabadda, Xasilloonida iyo Cadaallada ayaa Wafdiga Hoggaamiye firdhiye waxaay ku soo bandhigeen Istiraarijiyadah looga hortagi karo xasuuqyada iyo danbiyada ka dhanka ah bulshada rayid ka ah, kasoo kabashada colaadaha, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Hoggaamiyaha iyo Wafdigiisa ayaa sidoo kale kulamo la leh Madaxda Hey’adaha Garsoorka iyo Xuquuqda aadanaha Dalka Talyaaniga, iyadoo Hoggaamiyuhu uu si gaar ah u arkay Madaxweynihii hore ee ICC Marwo Silvia Fernandez de Gurmendi. SSC-Khaatumo oo ah maamul curdun ah ayaa ka soo kabanaya colaadihii sanadkii hore ka dhacay gobolka sool, wuxuuna haatan ku foogan yahay dib u dhiska hay’adihiisa maxalliga ah. Source: goobjoog.com
  23. Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska iyo Wasiirrada Amniga ee Dowlad Goboleedyada, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug. Wasiirka Amniga Gudaha ayaa u tagey Dhuusamareeb shirka sanadlaha ah ee wadatashiga horumarka amniga, kaas oo ay ka qeyb galayaan wasaaradaha Amniga iyo Talisyada Booliska dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka. Shirka oo furmaya maalinta berri ah, ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa, isla markaana looga wadatashanayaa arrimaha hortebinta u leh horumarka amniga, xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida dalka. Wasiirka Amniga Gudaha, iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kulan horudhac ah la qaatay Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid. Source: goobjoog.com