Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,154
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online)-Madaxda Golaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ahna Xildhibaanka laga soo doortay bartamaha degmada Garissa Aadan Barre Ducaale ayaa ku hanjabay in dacwad uu u gudbin doono Guddiga garsoorka Kenya. Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, ayaa sheegay in dacwadaasi ay tahay mid lidi ku ah qaadiga muslimiinta Kenya Kadhi Sheikh Ahmad Muhdhar oo uu ku tilmaamay qaadi bilaa anshax ah. Aadan Barre Ducaale, waxa uu sheegay in qaadiga uusan garan howshiisa, isla markaana caqabad ku yahay howlaha ay gudanayaan mas’uuliyiinta dowlada. Aadan Barre Ducaale, waxa uu tilmaamay in qaadiga muslimiinta Kenya Kadhi Sheikh Ahmad Muhdhar uu muran ka keenay hadal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Kenya Mr Fred Matiang’ oo isagu sheegay in maalinta Talaadada oo ku began bari fasax yihiin shaqaalaha Kenya sababo la xiriira dabaal dega Muslimiinta. Qaadiga ayaa dhaleeceeyay isla markaana wax kama jiraan ka dhigay fasaxa kasoo baxay Xafiiska Wasiirka, hase yeeshee Aadan Barre Ducaale, ayaa arrin khalad ah ku tilmaamay in qaadiga uu u gafo hadalka Wasiirka. Aadan Barre Ducaale, waxa uu sheegay in haddalka qaadiga uu yahay mid kala qeybinaaya muslimiinta Kenya, sidaa aawgeed aysan ka aamusi doonin dhaliisha uu jeediyay qaadiga. “Anigu waxaan kasoo horjeeda in qaadigii dhan uu ka shaqeeyo kala qeybsanaanta muslimiinta Kenya, isagu shaqo kuma laha xiliga ciida, keliya waa in uusan dhibaato ka dhex abuurin dadka muslimka ah” Sidoo kale,qaadiga ayaa maalin ka hor ka soo horjeestay in muslimiinta Kenya ay dabaal degaan maalinta talaadada waxaa uuna tibaaxay in ciida carafo ay tahay maalinta arbacada, taasi oo ka careysiisay Xildhibaanka. Haddalka Aadan Barre Ducaale, ayaa imaanay xili muslimiinta Kenya ay ku kala aragti duwan yihiin dhaliilaha ay Aadan Barre Ducaale iyo Qaadiga isku marinayaan hawada. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  2. Muqdisho[Puntland Post]-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa. Madaxweyne Farmaajo waxa uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciidda caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo. Hoos ka Daawo Muuqalka Madaxweynaha Soomaliya Cabdiqani Boos Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u diray Hambalyo ku aaddan Munaasabadda Ciidda Carafo appeared first on Puntland Post.
  3. Itoobiya XUKUNKII BOQOR MENELIK. Kolkii ay Itoobiya u kala jajabtay maamulada yaryar, reer Menelik waxa ay ka talin jireen gobalka Shawo oo mar ahaan jirey dawlad islaama. Nugus Wosan Sagad ayuu ahaa ninkii aasaasay dawladaan sanadkii 1808, kabacdina waxaa ka dhaxlay wiilkiisii Sahle Selase oo asna uu ka sii dhaxlay wiilkiisii Hayle Malakut oo ahaa Menelik aabihiis, Boqor Tedros ayaa ku duulay shawo xilligii uu midaynayey Itoobiya ee uu maamulada yaryar la dirirayey. Kolkii uu Tedros Shawo qabsaday, xukunkiina ka tuuray Hayle Malakut waxa uu maxbuus ahaan u kaxaystay Menelik oo markaas ahaa inan yar. Waxa uuna xabsi guri ugaga dhigay caasaimaddiisii Magdala. Markii uu daciifay xukunkii Todros ayuu Menelik ka fakaday xabsi-gurgii. Waxa uu dib ugu noqday gobalkiisii, halkaas oo uu xukunkii aabihiis mar labaad ka soo ceshay. Kolkii Yohanas uu xilka boqortooyada guud ee Itoobiya uu la wareegay Menelik waxa uu xiriir fiican la yeeshay Yohanas oo ay xidid noqdeen. Waxa uu kala qayb galay dagaaladii Masaarida iyo kuwii lagula dirirayey qabaa’isha Oromada. Waxa uu ahaa ninkii wakiilka ugaga ahaa Yohanas fidintii xukunka iyo diinta. Waxa uu ahaa ninkii cagta mariyey qabaa’shii oromada muslimiinta ahayd ee Wollo iyo Yajju. Waxa uu ahaa ninkii diinta ka saaray kumannaan muslimiina oo ay ku jiraan madaxdii qabaa’isha sida Iimaam Mohamed Ali Iyo Abba Watta oo inta la gaaleeyay magacyadii laga badaley. Waxa uu ahaa ninkii cagta mariyey maamuladii Jimma, Siddamo, Gurage, kaffa, Bale, Hadiya iyo kuwo kale oo badan. Waxa uu ahaa ninkii sababta u ahaa in maanta malaayiin Oromaa ay diinta masiixiga haystaan. Boqortooyadii Jimma oo ahayd boqortooyo Islaama uuna ka talin jirey Abba Jafar ayaa ahayd meesha uu iska caabinta ugu wayn uu kala kulmay illaa aakhirkii lagu khasbay reer Jimma inay u hogaansamaan xukunkiisa, diintooda iyo maamulkana loo amaan galiyo. Jimma waa gobalka uu kasoo jeedo Raysal Wasaaraha iminka ee Abiya Ahmed. Menelik waxa uu reer Jimma kula heshiiyey inaan dhulkooda diinta masiixiga lagu faafin doonin kaniisadana aan laga dhisi doonin, laakiin markii uu Abba Jafar oo ahaa geesigii iyo boqorkii reer Jimma uu dhintay ballantaas waa looga baxay. Kolkii uu Menelik kasoo jeestay shucuubtii galbeedka iyo koonfurta ayuu usoo jeestay dhankii bariga oo aan iyagu marna ku milmin xukunkii Xabashida. Waa dhulkii Harar ugu magaca dheerayd ee Soomaalida iyo canfartuba ka midka ahaayeen. QABSASHADII HARAR IYO GOOBTII CHALANQO. Harar oo ahayd magaaladii Iimaan Ahmed Gurey iyo saldhiggii dawladdii Adal ayaan wax horumara samayn wixii ka dambeeyey geeridii Amiir Nur. Boqolaal sano ayay Harar u go’doon sanayd qabaa’shii Gallaha. Sanadkii 1875 ayaa baashigii Masaaridu la wareegay taladii magaalada kadib kolkii ay Masaaridu qabsatay xeebaha badda cas. Inkasta oo xukunkii Masaaridu uu yareeyey khatartii Gallaha, in badan oo Gallihii ka midana ay islaamka qaateen haddana masaaridii Harar kuma aysan nagaan ee waxay ka guureen sanadkii 1885, kadib markii ay Ingiriiska ku wareejiyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen badda cas iyo gacanka cadmeed. Wax yar kabacdi guuritaankii masaarida, Menelik waxa uu usoo diray Harar ciidan xoog leh oo ka koobnaa soddon kun oo toban kun oo ka midihi ay hub culus wateen. Kolkii masaaridu ay harar ka guureen ugama aysan tagin wax maamula iyo hub ay isku difaacaan toona. Reer Harar waxay hoggaan u doorteen Amiir Abdullahi Amir Mohamed oo ahaa wiil uu dhalay amiirkii ay Masaaridu magaalada kala wareegtay. Amiir Abdullahi waxa uu abaabulay reer Harar si uu uga hortago Menelik iyo ciidankiisa. Amiirku waxa uu isla helay saddex kun oo nin oo kun ka midihi ay hubaysnaayeen. Dhamaadkii sanadkii 1886 dii ayaa ciidankii amiirku ku hor istaageen guutooyinkii boqorka halka la yiraahdo Chalanqo oo galbeed uga toosan magaalada Harar. Nasiib daro, in kasta oo ay muslimiintii reer Harar dagaal kharaar dagaalameen haddana waa loo awood sheegtay, waxayna goobtaas ku waayeen kun nin oo todobo boqol oo kamidihi aysan wali curan. Jabkii muslimiinta ka soo gaaray Chalanqo waxa uu soo dadajiyey in Menelik uu si fudud ula wareego Harar. Harar oo ahayd Caasimaddii Iimaan Ahmed ayaa markii ugu horaysay si rasmiya gacanta Xabashida ugu wareegtay. Menelik waxa uu Harar u magacaabay Ras Mokanen oo ahaa boqor Hayle Salaase aabihii ahaana ninkii hoggaaminayey ciidankii magaalada qabsaday. Sanadkii 1896 ayaana Itoobiya si rasmiya Harar dhulkeeda ugu darsatay. Menelik iyo wakiiladiisii waxay Harar ka bilaabeen siyaasaddoodii isir sifaynta, kala sooca iyo diin baddalka ee ay horay uga soo fuliyeen gobaladii kale ee muslimiinta. Waxaa la gumaaday kumaan kun oo muslimiina, waxaana lagu xukumay reer Harar inay bixiyaan magdhaw ku aadan kharashkii dagaalka ku baxay. Waxaa lala wareegay dhamaan hantidii ay lahaayeen amiiradii iyo askartii dagaalka ka qayb gashay. Waxaa loo qaybiyey madaxdii reer Shawo ee magaalada qabsatay dhamaan dhulkii qodaalka ku wanaagsanaa, ka dib markii laga xoogay dadkii iska lahaa. Goobaha lala wareegay ayaa waxaa kamid ahaaa mid ka mida masaajidadii magaalada ugu waynaa oo la oran jirey Sheikh Bazik oo inta la dumiyey lagu badalay kaniisadda Madhem Alem. Menelik oo iminka ah boqorka boqorada Itoobiya waxa uu markii ugu horaysay u tilaabay dhulkii Soomaalida iyo Canfarta isaga oo kalsooni ka haysta dawladihii reer galbeedka gaar ahaan Ingiriiska. Waxa uu isku balaariyey gobalkii Ogaden illaa uu ka gaaray labada Wabi. Marakan waxa uu bilaabay inuu si toosa u weeraro dadkii Soomaalida ahaa ee xoola dhaqatada ahaa isga oo ku soo rogay baad joog taa ama Gibir. Waxa uu gudaha u galay gobalka Gado ilaa uu ka dhaafay Luuq oo markii dambe Talyaanigu ka saaray. Dhanka kalana waxa uu kusoo fogaaday wabiga Shabeele illaa uu mar soo garaay magaalada Balcad. Waxaa la yiraahdaa haddii uusan Talyaanigu imaan lahayn koonfurta Soomaaliya, maanta xudduudda Soomaalidu si kale ayay u ekaan lahay. Talyaaniga oo kusoo jabay dagaalkii Adwa ee uu Xabashida la galay, qaybsigii Afrikana koonfurta Soomaaliya dhaxal u helay ayaa hakiyay is balaarintii Menelik. QAADASHADII DHULKA SOOMAALIDA Kolkii la furay kanaalka Suways sanadkii 1869kii waxaa is badalay qaab siyaasadeedkii gobolka, dawladaha Ingiriiska iyo Faransiiska oo ahaa kuwii maal galiyay kanaalka ayaa doonayey inay gacanta ku dhigaan marinkiisana. Waxa uu qorshahaasi sii fududaaday kolkii Afrika Barlin lagu qaybsaday sanadkii 1884. Masaarida oo sidaan horay usoo sheegnay lahayd damac ay ku qabsanayso xeebaha badda cas iyo gacanka cadmeed ayaa riyadeedii dib uga noqotay kolkii iyada laftigeedii si dadban loo qabsaday. Dhamaan dhulkii xeebaha ahaa ee ay masaaridu haysatey laga soo ilaabo Zawakin iyo Musawac illa Barbara ayay ku wareejiyeen Xoogaggii reer galbeedka iyaga oo lacag ugaga badalanaya. Ingiriiska ayaa qabsaday xeebaha gacanka cadmeed si uu u ilaaliyo badeecadaha isga gooshayey Hindiya oo uu horay u qabsaday iyo qaaradda yurub. Waxa uu saldhig ciidan ka samaystay magaalada Cadan. Si uu ciidankiisii Cadan joogay calaf ugu helana waxa uu qabsaday marsada Barbara oo ka mid ahayd dhulkii Soomaaliyeed ee uu qaybta u helay. Barbara ayaa ciidankiisa looga qaadi jirey hilibka,caanaha,subagga iyo wixii kale oo daruuriya. Wixii ka dambeeyey dagaalkii Adwa ee ay xabashidu uga guulaysatay dawladdii Talyaaniga waxaa jirey heshiisyo Menelik iyo dawladdiisu ay la gashay xoogaggii reer galbeedka ee damaca lahaa. Heshiisyadaas waxaa ugu waynaa midkii dagaalkii Talyaniga lagu soo afjaray iyo kuwii ay Ingiriiska iyo Faransiiskaba ay la galeen. Nuxurka heshiisyadaas ayaa ahaa in Itoobiya loo xaqiijiyo inaan dhulkeeda iyo xoriyadooda toonna aan duulaan lagu ahayn. Dhanka kalana heshiiska ummadda Soomaaliyeed sida tooskaa u taabanayay ayaa ahaa kii ay wada galeen Menelik iyo Ingiriisku. Heshiiskaas ayaa dhigayey in dawladda Xabashidu ka qayb qaadato mashruucii dhul-boobka, iyada oo la gudoonsiiyey dhulka Soomaalida ee iminka loo yaqaan kililka Shanaad. Ingiriiska ayaa dhulkaas kor joogto uga ahaa Xabashida inta laga gaarayey xilliga ay Itoobiya ka xoogaysanaysay. Gadaalkiina Ingiriisku kolkii uu dhulkaan kala wareegay Talyaaniga dagaalkii labaad ka bacdi, waxa uu toos ugu wareejiyey Xabashida. BOQORKII ISLAAMAY (LIJ IYASU RAS MAKAIL) Horay waxa aynu u soo sheegnay in Oromadu ay la wareegtay dhul badan oo dhulkii Xabashida ka mid ahaa kolkii ay qarnigii 16aad sidii daadkii ugu soo jabeen. Meelaha ay qabsadeen ayaa waxa ka mid ahaa dhulka sare ee koonfurta iyo galbeedka bari ee Itoobiya. Qabaa’isha Wollo iyo Yajju ayaynu soo sheegnay inay ahaayeen qabaa’shii xoogga ku lahaa Gonder iyo aga gaarkeeda. Qabaa’ishaan iyaga oo xoog iyo awood leh ayay haddana islaamka qaateen. Waxa aynu soo xusnay in xilligii Boqorada Tedros,Yohanes iyo Menelik, dadkaan la dabar gooyey idiintii islaamkana laga saaray. Dadkii la gaalaysiiyey waxaa ka mid ahaa odaygii Wolloda Ras Mohamed Ali Liban oo magacii islaamkana loogu badalay Ras Makail. Kolkii uu Menelik talada la wareegay waxa uu garab ka dhigtay Ras Makail waxa uuna u guuriyey gabadhiisii Aragash taas oo u dhashay wiil la oran jirey Li Yajju. Mohamed Ali marna kama uusan suulin diintiisii islaamka ee waxa uu u haystay si qarsoodiya, mar walbana waxa uu sugayey fursad soo marta. Maxaa yeelay wali waxaa ka amar qaadanayey qabiilkiisii oo in badan oo kamida ay islaam nimadooda qarsanaysay. Kolkii uu Boqor Menelik dhintay sanadkii 1913 waxa uu xukunkii ku wareejiyey wiilkii uu awoowaha u ahaan ee Iyasu oo markaas ahaa toban iyo todoba jir. Sababta uu ugu wareejiyey ayaana ahayd boqorka oo aan lahay wiil uu isagu dhalay. Iyasu markii uu talada qabsadayba waxa uu bilaabay inuu aabihiis la tashado isaga oo ka dhigay Nuguskii Wollo, Amhara iyo Tigray oo laysku daray. Boqor Iyasu waxa uu bilaabay in uu islaamkii iyo muslimiintii u gargaaro. Waxa uu caasimadiisii u soo rartay Harar. Waxa uu xirtiir la sameeyey dawladihii islaamka ahaa, isaga oo ugu bishaaraynaya nasriga Xabsha ka soo socda. Waxa uu calankii dawladda ku daray bisha calaamadda u ah muslimiinta. Waxa uu badalay labiskii ay boqorada xabashidu qaadan jireen isaga oo ku badalay mid islaamiya. Waxa uu isgarab taagay halgankii Daraawiishta ee uu Sayid Mohamed hoggaaminayey, isaga oo xiriir wanaagsan la yeeshay kuna taageeray hub iyo saanad ba. Xiriirka sayidka ayaa waxaa wakiil ugaga ahaa maal-qabeenkii waynaa ee reer Harar Xaaji Cabdullahi Cali Sidiiq. Waxa uu codsaday in dadkii soomaaliyeed usoo shiraan isaga oo booqasho ugu tagay magaalada Jigjiga, halkaas oo uu uga codsay inay ku taageeraan jihaad uu doonayo inuu lagalo masiixiyiinta. Arintaasi waxay aad uga caraysiisay wadaadadii diinta masiixiga iyo dabaqaddii sare ee xabashida gaar ahaan kuwii ka soo jeeday qoyskii Sulaymaaniyiinta, oo u qaatay in dhaxalkii awoowayaashood si fudud looga takhalusayo. Waxaa la abaabulay shirqoolo loogu tala galay in talada looga tuuro boqorka. Waxaase kii ugu waynaa uu dhacay kolkii baadarigii diinta masiixiga ugu sareeyey uu ku dhawaaqay in uu xilkii iyo maqaamkiiba ka xayuubiyey boqorkii 27 september 1917, taladiina uu ku wareejiyey gabadh uu dhalay Menelik oo la oran jirey Zawdeto. Zawdeto waxaa dhaxal suge u noqday Tafare Ras Mokanen oo markii dambe la baxay Hayle Salase. Inkasta oo Boqor Iyasu aabihiis soo weeraray Shawo iyo halkii lagu caleema saaray Zawdeto,hadana isaga iyo ciidan kiisiiba waa la jabshey. Iyasu waxa uu u cararay dhanka Canfarta laakiin gadaalkii dambe waxaa laga soo qabtay gobalka Tigray, waxaana lagu xiray xuduuda Kenya halkaas oo uu ku dhintay wax yar ka hor intaan Talyaanigu Itoobiy qabsan. La soco qaybta 6aad Mohamed Ahmed Elmi The post Taariikhdooda baro inta aadan la midoobin, taxanaha Itoobiya seddex kun oo sano – Qaybtii 5aad appeared first on Puntland Post.
  4. London - British athletics legend Mo Farah is hoping to win a record fifth Great North Run when he competes in the half marathon event in Newcastle on September 9. Source: Hiiraan Online
  5. NAIROBI, Aug. 20 (Xinhua) -- Seven humanitarian workers have died so far this year and another 10 have been injured in Somalia, the UN top relief official in the Horn of Africa said. Source: Hiiraan Online
  6. Recent arrests of high-level public officials in Somalia over graft amid tough anti-corruption talk by the country’s Prime Minister Hassan Ali Khayre have left many observers wondering how far the purge would go and whether the momentum would continue. Source: Hiiraan Online
  7. Despite having one of the lowest immunization rates in the world, Somalia has made great strides in increasing immunization coverage in recent years with support from the World Health Organization (WHO) and other health system strengthening partners. To enhance coverage even more, in early August 2018, WHO Somalia brought together all the major organizations and institutions involved in immunization to lay the foundation for better coordinated immunization efforts in Somalia. Source: Hiiraan Online
  8. Waxaa sii karaar qaadanaya la dagaalanka ‘musuqmaasuqa ‘ ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, iyada oo ay sii kordhayaan dadka loo xirayo eedeymo musuqmaasuq. Wixii ugu dambeeyay ee dhacay waxa ay ahaayeen in shalay xabsiga loo taxaabay illaa 10 mas’uul oo ka hawlgalayay laanta canshuuraha furdada ee dekada weyn ee Muqdisho, lana magacaabay agaasime kumeel gaar ah oo qaabilsan canshuurdaha furdada. Sideey ku bilaabaatay arrintan? La dagaalanka musuqmaasuqa waxa uu markasta qeyb ka ahaa qorshaha dowlad kasta oo timaado, balse waa markii koowaad oo dad xilka looga qaaday, dacwadna lagu soo oogay sababo la xiriira qorshaha la dagaalanka musuqmaasuqa. Weli ma jirto cid ay maxkamaddi ku xukuntay in lagu heley hawlo musuqmaasuq, waxaana weli socota baarista lagu hayo dadka la tuhunsanyahay, sidaas darted illaa ay ‘maxkamad xukunto, dadka la xirey waxaa loo filan karaa in ay dambi la’aan yihiin’ sida uu qabo caalamiga ah iyo kan Soomaaliyaba. Hase yeeshee xaqiiqda ah in dowladda tallaabo u qaadan dhanka la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa ah arrin ugub oo soo korortay, keentayna hadal haynta ugu badan ee bulshada dhexdeeda. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bilihii lasoo dhaafay meelo kale duwan oo fagaare dadweyne ah ka sheegey sida ay uga go’antahay la dagaalanka musuqmaasuqa iyo isla xisaabtanka, “Waxa aan maanta ka hadlayno waa isla xisaabtan, haddii aanan musuqmaasuqa lala dagaalamin hormar gaari mayno, Alshabaab kama adkaan karno, Caddaalad heli mayno, dumarka Soomaaliyeed xaqooda heli maayaan, dhallinyarada xooqooda heli maayaan haddii aanan musuqa lala dagaalamin, haddii aanan musuqa lala dagaalamin ammaanada ay ganacsatada canshuurta ku bixiso heli mayno, hadafyadii waaweynaa ee ay adduunyada noogu soo jeedsatay gaari mayno” ayuu yiri Kheyre oo mar sii horeysay meel fagaaro ah ka hadlay. Balse weli ma kala cadda halka laga bilaabayo la dagaalanka musuqmaasuqa, iyo illaa heerka uu soconayo. Sida laga soo xigtay Hanti Dhawraha guud Maxamed Maxamuud Cali Afgooye, baaritaanka musuqmaasuqa waxa uu gaari doonaa illaa heerka ugu sareeya ee dowladda, wuxuuna yiri ” Sidoo kale waxa idiin balan qaaadaya in isla xisaabtanka aan wado inan gaarsiinayo xafiisyada sare ee dowladda sida xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha, hada waxa socdo baaris kale oo aan ku wadno hay’addo ka tirsan dowladda”. Dadka qaar ayaase su’aal ka qaba illaa heerka madaxbanaanida hanti dhawrka guud, iyo sida loo kala sooci karo waxa ku saabsan xurgufta siyaasadeed iyo la dagaalanka musuqa ah ee dhabta ah. Falanqeeye xagga dhaqaalaha ah Cabdixaliim Ibraahim Xasan oo BBC-da la hadlay mar sii horeysay “Siyaasadaha dhaqaale ee ay dowladda federaalka la timaado markasta caqabada ugu weyn ee soo foodsaarto waxa ay tahay, marka ay noqoto hirgalinteeda, dadkii loo igmaday ayaa ka jiifta, ama caqabada waxa ay ka timaadaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda”. Dowladda xirxiraysaa hawlwadeenada dowladda ee lagu tuhmay musuqa, sida uu sheegayo Hanti Dhawraha Guud “Xafiiskeyga howlo muhiim ah ayuu wadaa, sida aad la socotaan waxa hada xiran oo baaris ay ku socotaa masuuliyiin ka tirsan hay’addaha Dowladda oo arrimo Musuqmaasuq lagu soo eedeeyay, kuwa kalena wa ku daba jirnaa”. Hadalkan waxa uu Maxamed Afgooye u sheegay wakaaladda wararka ee SONNA. Dadka la xirey ama xilka laga qaaday waxaa ka mid ah xubno ka tirsan xukuumadda federaalka iyo agaasimeyaal, tirada dadkana waxa ay kusii dhawaanaysaa illaa 20 qof oo xilal kala duwan hayay. Balse taas waa dhibic bad ku dhacday, sida ay qabto hay’adda Transparency Internaional oo qiimeyn ku samaysan heerarka kala duwan ee musqa ay ka joogaan dalalka adduunka, Soomaaliya markasta liiska waa tan ugu hooseysa, waxaa lagu sheegay in ay tahay dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka. Dhacdooyinka is daba joogga ah Dhacdooyinka arrintan la xiriira waxa ay ku socdaan si xawli ah, waxaanaa maalmihii lasoo dhaafay dhacayay waxyaabo is daba-joog ah. Waxaase ugu xiisaha badan in hawsha la dagaalanka musuqmaasuqa uu faraha soo galiyay guddiga maaliyadda ee baarlamaanka federaalka, kaas oo kulan uu la yeeshay hanti dhawraha guud Maxamed Maxamuud Afgooye kaga dhagaystay warbixin ku saabsan halka ay wax marayaan. Sida ay faafisay wakaaladda wararka ee SONNA, guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Maxamed Aadan Macalin ayaa yiri ” Aad baa u bogaadinaya howsha wanaagsan ee ka socota xafiiska hanta dhowraha, guddiga maaliyadda waxa uu balan qaadaya inuu la shaqeynayo hanta dhowraha si loo ciribtiro musuq maasuqa, sidoo kale sharciga hanta dhowraha wa ka shaqeyneynaa wixii talooyin ah wa ku biirineynaa”. Tani waxa ay muujinaysaa saansaan ah in hay’adaha kala duwan ee dowladda ee ay arrimahan quseysaayaan in ay ka wada shaqaynayaan, waxaana ku wada lug leh xafiiska hanti dhawrka guud, xeer illaalinta, iyo booliiska qeybtiisa baaritaanada ee CIA-da, halkaas oo ah meesha ay yaalaan galalka dacwadda. Maxay dowladda ka faa’iidey? Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo mar sii horeysay BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ujeeddada ugu muhiimsan ay tahay in lasoo celiyo kalsoonidii shacabka ee ay canshuuraha bixiya iyo beesha caalamka oo deeqaha bixiya, deymahana qafiifiya, wuxuuna yiri “Intaa waxaan ka shaqaynayno waxay yihiin in adduunka na aamino, waxaan ka hadlaynana ay run noqoto, waxay naga caawinaysaa in wixii xun oo dhan aanan kaalinta koowaad kaga jirin, wixii wanaagsana aanan ugu hooseynin”. Warbixin uu dhawaan soo saaray Bangiga Adduunka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka samaysay dib u habeynta dhaqaalaha iyo la dagaalanka musuqa. Bangiga waxa uu sheegay in xisaabka dowladda ay muujinayaan in boqolkiiba 5% illaa 7% uu kordhay dakhliga gudaha. “Joogtaynta uruurinta canshuuraha gudaha ayaa muhiim weyn u ah in dowladda ay meelmariso qorshaha dhaqaalaha qaran, dowladda Soomaaliya waxa ay ka shaqaynaysaa sidii ay u abuuri lahayd habraaca farsamo iyo sharci ee canshuuraha lagu uruurin lahaa si hufan” ayuu yiri Hugh Riddel oo bangiga u qaabilsan Soomaaliya sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Bangiga Adduunka. Waxaa kale oo dhacday in dakhliga dowladda uu uu gaaray $43 milyan muddo saddex bilood ah gudahood, waxaana la sheegay in ay ugu wacantahay tallaabooyinka la xisaabtanka iyo la dagaalanka musuqa. Malaha faa’iidada ugu muhiimsan waxa ay noqon kartaa tan kalsoonida shacabka oo aysan hadda jirin hal-beeg la’isla ogyahay oo lagu qiyaasi karo, balse waxa ay wax kasta ku xirnaan doonaan sida dowladda usoo bandhigto caddeymo lagu qanci karo oo ka dhan ah dadka musuqa loo haysto, iyo sida dadkaas ku helaan maxkamaddeyn caddaalad iyo hufnaan ku salaysan, taas oo warbaahinta loo ogolaado dhagaysigeeda. ISHA BBC
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa. Madaxweyne Farmaajo waxa uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciidda caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo. “Maalmahan barakaysani waa ayaamo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmo ku suntan isjacayl, wadajir iyo is-taakulayn, taasi oo muujinaysa dareenka walaaltinnimo ee ka dhexeeya dadkeenna.” Ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay istaakuleeyaan, isla markaasna garab istaagaan kooda itaalka daran maadaama isku-duubni , walaalnimo, wadajir iyo wax wada qabsi lagu gaari karo horumarka iyo himilooyinka la hiigsanayo. Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale ku guubaabiyey shacabka inay ka shaqeeyaan xoojinta nabadda iyo xasiloonida dalka. Sidoo kale, Ra’isul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa isna ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciid Al-adxa, una rajeeyay in ay sannadkaan sannadkiisa ku gaaraan nabad iyo barwaaqo. “Waxa aan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda Ciid Al-adxa, waxa aan leeyahay sannadkaan sannadkiisa ku ciida Bashbash, barwaaqo, nabad iyo Ciid wanaagsan”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed xasuusiyay muhiimmadda ay munaasabaddani u leedahay sugidda amniga, la dagaalanka musuqa iyo dib-u-heshiisiinta. Ra’iisul wasaaraha ayaa ummadda xusuusiyay in la ilaaliyo midnimada dalka, maadaama uu yahay dalka kaliya ee aan leenahay isaga oo shacabka ka codsaday in ay garab istaagaan dadaallada dib loogu dhisayo nidaam dowladeed oo sal adag.
  10. Addis Ababa (HOL) - Ethiopia’s Communication Minister and newly minted chairman of the Somali state’s People Democratic Party in Ethiopia, Ahmed Shide, has announced that three senior members of his party have been removed from the executive committee for their role in inciting ethnic violence in the region during a power struggle earlier this month between the federal government and the regional government. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) - The Speaker of Parliament, Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman has announced that the 4th Session of Parliament will begin on September 10th. Source: Hiiraan Online
  12. As the international community marked the World Humanitarian Day today, a senior United Nations official warned of the grave threats faced by aid workers in Somalia, where they continue to be targets of armed groups which often abduct and detain them and steal desperately needed relief supplies. Source: Hiiraan Online
  13. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib booqasho rasmi ah uu ku tagay dalka Turkiga. Madaxweynaha ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaas Mudane Rajib Dayib Ordogan, iyagoona ka wada hadlay xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya labada dal iyo sida loo horumarin lahaa iskaashiga ku aaddan dhammaan dhinacyada horumarka. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugnaa dalka Turkiga waxaa lagu maamuusay in uu ka qeyb-galo Shirka 6-aad ee Xisbiga talada haya dalka Turkiga (AKP). Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah hoggaanka xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka (AKP) iyo hoggaamiyeyaasha caalamka ee lagu marti qaaday shirweynaha xisibigan. Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Madaxda uu la kulmay, guulaha la taaban karo ee Soomaaliya ay ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo dadaallada haatan socda ee ku qotoma dib-u-kabashada dalka. Dhankooda, Madaxa dalalka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo dhaweeyey hor-u-socodka ay samaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona bogaadiyey xiriirka iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya Soomaaliya. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa. PUNTLAND POST The post Maxaa ka soo baxay kulankii Farmaajo iyo Ordugan? appeared first on Puntland Post.
  14. MOGADISHU, Somalia (Caasmada Online) – Somali army forces, along with African Union peacekeeping troops launched an operation in Marka town, some 91km southwest of Mogadishu. The joint operation was conducted in the town that has been one of the strongholds of AlShabaab, according to Somali military. The outgoing Deputy Army Chief, Gen. Abdullahi Ali Aanod, commended his troops for endurance, selfless service and determination exhibited in the operation. “If we continue the operation as we have done, we shall be able to free Somalia from Al-Shabaab,” he said. He says dozens of people had been arrested in suspecion of being members of Al-Shabaab. The operation comes after Somali army forces re-captured on Sunday Marka town from Al Qaeda linked Al Shabaab. Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government fight the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre oo weli ku howlan la xisaabtanka Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka ayaa amar duldhigay Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale. Ra’isul wasaare Kheyre oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Amnig Ducaale ayaa faray in si dhaqsi ah uu kusoo wareejiyo Saraakiisha Hay’adaha amaanka ee looga shakisan yahay musuqa. Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu Wasiirka u faramuuqay dhowr Sarkaal oo ka kala tirsan Hay’adaha Booliska iyo Nabadsugida, kuwaa oo horay dacwadooda musuq loogu gudbiyay Kheyre. Waxa uu Ra’isul wasaaruhu faray Wasiirka inuu la imaado qorshooyin cad oo lagu ciribtiraayo Saraakiisha musuqa ku haya Hubka iyo xuquuqda ciidanka dowlada. Sidoo kale, Kheyre waxa uu Wasiirka ku adkeeyay in la-tashiyo degdeg ah uu la sameeyo Taliyayaasha Hay’adaha amaanka ee sida dhow ula socda dhaqdhaqaaqa Saraakiisha ku kaca musuqa. Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Ducaale ayaa lagu wadaa inuu wareejiyo Saraakiil ciidan oo ka kala tirsan Hay’adaha amaanka kuwaa oo qaarkood is dabamariyay Hubka iyo mushaaraadka ciidanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa si adag uga jawaabay hanjabaado dagaal oo kaga imaaday maamulka Puntland, kadib shir Jaraa’id oo ay yeeshen guddiga difaaca Puntland. Qoraal kasoo baxay wasaarada difaaca maamulka Somaliland, ayaa waxaa lagu sheegay in maamulka uu aqbalay waan waantii ay waday Beesha Caalamka balse ay jabineyso Puntland. Waxaa qoraalka lagu sheegay in madaxda Puntland ay doonayaan wakhti kororsi sidaa aawgeed ay mar waliba ku goodinayaan weerar iyo dagaalo ka dhaca Gobolka Sool maadaama uu waqtigooda dhamaaady. Somaliland waxa ay sheegtay inay dhowreyso shacabka ku dhaqan Gobolka Sool, hase yeeshee uusan jirin cabsi kale oo maamulka kaga imaanaya dagaalka Puntland. Sidoo kale, waxa uu maamulka ku celcelshay in Gobolka Sool ka tirsan tahay Somaliland, isla markaana aanu xiligaan u baahneyn muran.
  17. The Day of Arafat coincides with the second day of the annual Hajj pilgrimage to Mecca and is on the the day before the beginning of Eid ul-Adha, a Muslim celebration commemorating Ibraham’s devotion to Allah. Source: Hiiraan Online
  18. Kampala (HOL) - Police in Uganda have fired live ammunition and tear gas to disperse protesters in the capital Uganda on Monday. The protestors are demanding the release of a popular MP who is critical of Yoweri Museveni’s government. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shaaciyay xilliga rasmiga ah ee uu furmaayo Kalfadhiga Baarlamaanka Somaliya. Waxaa qoraal maanta oo isniin ah ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha lagu sheegay in kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka uu si rasmi ah u furmi doono 10-ka bisha September ee bisha soo socota. Qoraalka Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa waxaa Xildhibaanada lagu wargeliyay , in looga baahan yahay ugu dambeyn 5-ta bisha September ee sanadkaan inay dalka ku soo laabtaan kuwooda maqan. Nuqul kamid ah qoraalka ayaa ahaa “Sida aad la socoto furitaanka kalfadhiga 4-aad, ee Golaha shacabka waxaa loo qorsheeyay in la furo 10-ka September 2018-ka, sidaasi daraadeed waxaa dhammaan Xildhibaanada Golaha shacabka laga codsanayaa iney dalka soo galaan ugu danbeyn 5-ta September 2018, diyaarna u noqdaan xil-gudashada uga beegan kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka,”. Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa ku maqnaa fasax dhan saddex bilood, balse hadda uu dhamaaday fasaxaasi. Docda kale, Intiii Xildhibaanada ay ku maqnaayeen fasaxa ayaa waxaa dalka ka dhacay isbedelo kala duwan, gaar ahaan xubnaha Golaha Wasiirada oo isbedelo kala duwan lagu sameeyay qaarkood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (PP) ─ Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadanaha Dunida ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday dowladda Itoobiya inay baaritaanno ku sameyso taciyada laga geystay dowlad-deegaanka Soomalida Itoobiya intii uu ka talinayya maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar oo ay ugu yeereen [Cabdi Ileey]. Haddaba, Qoraalka kasoo baxay Hay’adda HRW oo lagu xuay in tacdiyo ay ka mid yihiin; kufsi,dhac, dil iyo dhibaatooyin kale laga geystay gobolkaas muddadii sanadaha ahayd ee ka talinayay maamulkii la bedelay, wuxuuna qoraalku ku billowday sidan; Waxaa looga baahan yahay dowladda Itoobiya inay samayso hawlgal xaqiiqo raadin ah, qoto dheer, isla markaana madax bannaan si ay uga salgaarto tacaddiyada xuquuqda aadanaha iyo jebinta xeerarka dagaalka ee sanadaha badan ka socday deegaanka Soomaalida ee bariga Itoobiya, waxaa sidaa maanta sheegtay Human Rights Watch. Waa in arintaasi ay qeyb ka noqdaan baaritaanno gaar ah oo lagu eegayo mas’uuliyadda ay tacaddiyadaasi ku leeyihiin saraakiil sarsare oo gobolkaasi ah, gaar ahaan madaxweynihii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar iyo hogaamiyaha haatan ee ciidanka Liyu booliska, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Burale. Cabdi Maxamuud Cumar (oo sidoo kale loo yaqaan Cabdi Iley) ayaa 6-dii Agoosto xilka ka degay, ka dib rabshado ka dhacay magaalada Jigjiga oo ciidanka Liyu booliska iyo dhalinyaro daacad u ah Cabdi Iley ay ku weerarreen dadka deegaanka isla markaana ay gubeen hanti. “Si looga gudbo wixii dhacay, waxaa looga baahan yahay dowladda Itoobiya xaqiijinta in cadaalad loo helo tacaddiyada argagaxa leh ee mudada ka badan tobanka sano ka dhacayay deegaanka Soomaalida,” ayay tiri Maria Burnett oo ah agaasimaha Human Rights Watch ee Bariga iyo Geeska Afrika, oo intaa ku dartay, “Waa in ajendayaasha isbedelka ah ee Ra’iisal Wasaare Abiy ay ka mid noqdaan in dadka mas’uulka ka ah tacaddiyada waaweyn ee xuquuqda aadanaha, si kasta oo ay u awood badan yihiin, ay cadaaladdu qabato.” Deegaanka Soomaalida, oo ku yaal meel muhiim ah isla markaana dhaca soohdinta kala qeybisa Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa waxaa muddo ka badan toban sano ka dhacayay tacaddiyo ballaaran oo ka dhan ah dadka rayidka ah, kuwaasoo ay geysteen ciidamada Itoobiya iyo xooggaga Liyu boolis. Tan iyo sanadkii 2007, waxaa aad loo xaddiday baaritaannada ku aaddan waxa ka socda gobolka. Waxaa la xayiray galaangalka ay weriyayaasha, hay’adaha gargaarka, kuwa xuquuqda aadanaha iyo kormeerayaasha madaxa bannaan u leeyihiin deegaanka. Tacaddiyada ayaa si gaar ah usii batay tan iyo sanadkii 2007, xilligaas oo dagaalkii u dhexeeyay jabhadda ONLF iyo ciidamada difaaca Itoobiya uu sare u kacay. Dowladda Itoobiya ayaa samaysay ciidanka Liyu boolis (oo luuqada Amxaariga loola jeedo “mid gaar ah”) kaasoo sanadkii 2008 noqday mid si ballaaran loogula dagaallamay jabhadda isla markaana ka amar qaadanayay Cabdi Iley oo xilligaasi ahaa madaxa ammaanka ee deegaanka, ka dibna muddo sideed sano ah hayay xilka madaxweynaha dowlad deegaanka. Warbixin ay Human Rights Watch baahisay 2008 ayay ku ogaatay in xooggaga ammaanka ee Itoobiya iyo jabhadda la dagaallamaysay ay dembiyo dagaal geysteen intii u dhaxaysay bartamihii 2007 ilaa horraantii 2008, iyo in ciidamada Itoobiya ay mas’uul ka ahaayeen dembiyo ka dhan ah aadanaha marka la eego dilalka, jirdilka, kufsiga iyo barakicinta qasabka ah ee la diiwaangeliyay. Human Rights Watch ayaa ogaatay in ciidamada Itoobiya ay si xoog ah ku barakiciyeen bulshooyin dhan oo reer miyi ah, ay gubeen oo ay burburiyeen tobanaan tuulo, ayna dil bareer ah u geysteen in ka badan 150 qof, kuwaasoo qaarkood meelo fagaara ah lagu toogtay si loo argagax geliyo bulshada deegaanka. Xooggaga ammaanka ayaa sidoo kale qaab sharci darro ah ku xiray boqolaal qof oo rayid ah, kuwaasoo badankood la jirdilay, garaacay, kufsaday ama loo geystay xadgudubyo kale oo galmo ah. Human Rights Watch ayaa marar badan u ololeysay sidii baaritaan madax bannaan loogu samayn lahaa dembiyadda xilligaas dhacay. Sanadkii 2008, Wasaaradda Arimaha Dibedda ee Itoobiya ayaa bilowday baaritaan ay uga jawaabayso warbixinta Human Rights Watch, balse qaabka loo sameeyay ayaan ahayn mid madax bannaan oo lagu kalsoonaan karo, waxaana uu meesha ka saaray xaqiiqda ah in dowladda ay door ku lahayd tacaddiyadaasi. Waxaa loo baahan yahay baaritaan cusub kaasoo ay tahay in lagu eego kaalinta iyo mas’uuliyadda ay leeyihiin askarta milateriga Itoobiya ee amartay ama ka qeyb qaadatay weerarrada ka dhanka ah dadka rayidka ah xilliga ay meesha xun maraysay colaadda, ayay tiri Human Rights Watch. Waxaa intaa dheer in saraakiisha milateriga iyo kuwa rayidka ah ee ka warqabay ama ay ahayd inay ogaadaan dembiyada noocaasi ah balse aan wax tallaaba ah ka qaadin ay dembiga wax ku yeelan karaan marka la eego mas’uuliyadda taliska. Inkastoo uu milateriga Itoobiya sanadahan dambe yareeyay dowrka muuqda ee uu ku leeyahay deegaanka Soomaalida, ayaa haddana ciidanka Liyu boolis ee ka amar qaadanayay Cabdi Iley waxa uu sameeyay tallaabooyin xadgudub ah oo uu ku beegsanayay dadka looga shakiyo inay taageeraan jabhadda ONLF. Ciidankan ayaa tobankii sano ee lasoo dhaafay waxaa marar badan lagu helay dembiyo ay ka mid yihiin dilal sharciga khilaafsan, jirdil, kufsi, rabshado ka dhan ah dadka deegaanka Soomaalida iyo weliba weerarro aargoosi ah oo ka dhan ah beelaha deegaanka. Waxaa sidoo kale jira cadeymo muujinaya weerarro ay Liyu booliska ku qaadeen dad degan meelo ka baxsan deegaanka Soomaalida, gaar ahaan deegaanka Oromiya oo ay weerarayeen tan iyo dabayaaqadii Disembar 2016, taasoo dhalisay dhimashada boqolaal qof iyo barakac baahsan. Waxa ay sidoo kale weerarro ka geysteen gudaha dalka deriska la ah ee Soomaaliya. Warbixin ay Human Rights Watch baahisay bishii July 2018 ayaa lagu diiwaangeliyay jirdil arxan darro ah oo loo geystay maxaabiista xabsiga dhexe ee deegaanka oo loo yaqaan Jeel Ogaadeen, kaasoo ay inta badan maamulaan Liyu booliska. Maxaabiis soo martay xabsigaasi ayaa qeexay tacaddiyo aan dhammaan lahayn iyo jirdil, ayagoo inta badan aan heli jirin daryeel caafimaad, ka warqabka qoysaskooda, qareennadooda ama xitaa mararka qaar cunno. Waa in la baaro mas’uuliyiinta, oo kuwa ay si lagu kalsoonaan karo ku cadaato inay ka dambeeyeen tacaddiyada ka dhanka ah maxaabiista lagu qaado dacwad dembiyeed ayaga oo aan loo eegeyn darajadooda, ayay tiri Human Rights Watch. Waa in si gaar ah loo baaro mas’uuliyiinta sarsare ee dowlad deegaanka Soomaalida sida Cabdi Iley iyo Cabdiraxmaan Cabdillahi Burale oo sidoo kale loo yaqaan Cabdiraxmaan Labagole. Marka la eego sharciga caalamiga ah, Itoobiya waxa ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay baarto oo ay maxkamadeyso dadka geysta dembiyada dagaalka, oo ay ka mid yihiin ciidamadeeda. Ma aha in cafis loo fidiyo dadka geysta dembiyada ka dhanka ah aadanaha ama tacaddiyada waaweyn ee xuquuqda aadanaha. Dowladda ayaa tallaabooyin aargoosi ah kula kacday dadka ka hadla tacaddiyada deegaanka ka dhaca. Tusaale ahaan, dowladda Itoobiya ayaa sanadkii 2016 waxa ay xirtay tobanaan ka mid ah ehelada dad Itoobiyaan ah oo ka qeyb qaatay mudaharaad ka dhacay magaalada Melbourne ee dalka Australia kaasoo looga soo horjeeday maamulka Jigjiga. Qaar ka mid ah eheladaasi ayaa bilooyin xirnaa si loogu ciqaabo falkaasi. Hawl-gal xaqiiqo raadin ah, qoto dheer, isla markaana madax bannaan oo lagu sameeyo tacaddiyada iyo jebinta shuruucda dagaalka ee ka dhacay deegaanka Soomaalida ee bariga Itoobiya ayaa waxa uu qeyb muhiim ah ka qaadan doonaa ajendaha isbedelka ku salaysan ee Ra’iisal Wasaare Abiy, ayay tiri Human Rights Watch. Waa in howlwadaagayaasha caalamiga ah ee Itoobiya ee doonaya inay taageeraan isbedellada ballaaran ee socda ay taageero farsamo u fidiyaan dadaalkaasi. Si loo xaqiijiyo kalsoonida, waa in la shaaciyaa waxyaabaha lagu ogaaday baaritaanka ayadoo laga faa’iideysanayo khubarada caalamiga ah. Ugu dambeyn, “Ma aha in Dowladda Federaalka Itoobiya ay qariso tacdiyada xajmigaas iyo noocaasi leh ayadoo eegaysa dano siyaasadeed,” ayay tiri Burnett oo intaa ku dartay, “Hadda waxaa la joogaa goortii lasoo afjari lahaa ku lug-lahaanshaha dowladda federaalka ee tacaddiyada ka dhaca deegaanka Soomaalida, iyo xilligii uu billaaban lahaa isla xisaabtanka.” PUNTLAND POST The post Dowladda Itoobiya oo loogu baaqay in baaris ay ku sameyso Tacddiyadii laga Geystay DDSI appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia, Mxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa maanta shaaciyay xilliga uu furmi doono kal-fadhiga afaraad ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia oo dhawaanahan fasax ku jiray. Qoraal kasoo baxay xafiiska Mursal ayaa lagu sheegay in kalfadhiga afaraad ee Golaha shacabka uu Furmi doono 10-ka bisha September ee foolka nagu soo haysa, iyadoo baarlamaanka ay horyaallaan hidise-sharciyeedyo muhiim ah. Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia ayaa xlidhibaannada dalka dibaddiisa ku maqan ku wargeliyay inay ugu dambeyn 05-ta September ay dib dalka ugu soo laabtaan, si ay uga qaybqaataan furitaanka kafadlhiga 4-aad ee baarlamaanka federaalka. “Furitaanka kal-fadhiga afaraad ee baarlmaanka waxaa loo Qorsheeyay in la furo 10-ka September 2018-ka, sidaa awgeed waxaa xildhibaanada oo dhan laga codsanayaa inay dalka soo galaan ugu dambeyn 05-ta bisha soo socota, diyaarna u noqdaan xil-gudashadooda,” ayaa lagu yiri qoraalka uu Mursal soo saaray. Ugu dambyen, Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weli waxay ku jireen fasax saddex bilood ah oo bishan ku eg, iyadoo intii ay fasaxa ku jireen ay dhaceen isbedello badan oo dhanka maamulka dowladda ah, taas oo la doonayo inay meel-mariyaan. Haddaba, Halkan ka AKHRISO Qoraalka kasoo baxay Gudoomiye Mursal; PUNTLAND POST The post Xilliga uu billaabanayo Kalfadhiga Afaraad ee Baarlamanka Soomaaliya oo la Shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  22. ADDIS ABABA, Ethiopia (Caasimada Online) – The government of Ethiopia should commit to an in-depth, independent fact-finding mission into many years of rights abuses and violations of the laws of war in eastern Ethiopia’s Somali region, Human Rights Watch said today. This should include specific investigations into the responsibility of senior Somali region officials, including the former regional president, Abdi Mohamoud Omar, and the current head of the region’s paramilitary Liyu police force, Abdirahman Abdillahi Burale. On August 6, 2018, after the Somali region’s notorious Liyu police and a youth group loyal to Abdi Mohamoud Omar (known as “Abdi Illey”) attacked residents and burned property, in Jigjiga, Abdi Illey resigned. “To break with the past, Ethiopia’s government needs to ensure justice for more than a decade of horrific abuses in the Somali region,” said Maria Burnett, East and Horn of Africa director at Human Rights Watch. “Prime Minister Abiy Ahmed’s reform agenda should include that those responsible for serious human rights violations, however powerful, no longer avoid justice.” The Somali region, a strategically important border area between Somalia and Ethiopia, has been the site of over a decade of widespread abuses against civilians, both by the Ethiopian army and by the Liyu police force. Scrutiny of developments in the region has been severely limited since 2007. Access for journalists, aid organizations, human rights groups, and other independent monitors is restricted. The abuses have been particularly egregious since 2007, when armed conflict between the insurgent Ogaden National Liberation Front (ONLF) and Ethiopia’s Defense Force escalated. Ethiopian authorities created the Liyu (“special” in Amharic) police, which by 2008 had become a prominent counterinsurgency force reporting to Abdi Illey, the regional security chief at that time, who went on to serve as the regional president for eight years. In a 2008 report, Human Rights Watch found that Ethiopian security forces and the insurgent group had committed war crimes between mid-2007 and early 2008, and that the Ethiopian armed forces were responsible for crimes against humanity based on the patterns of executions, torture, rape, and forced displacement documented. Human Rights Watch found that Ethiopian troops forcibly displaced entire rural communities, destroyed and burned dozens of villages, and summarily executed more than 150 people, some publicly to terrorize the local community. Security forces also unlawfully detained hundreds of civilians, many of whom were tortured, beaten, raped, or otherwise sexually abused. Human Rights Watch has repeatedly pressed for an independent investigation into the crimes committed in this period. In 2008, Ethiopia’s Foreign Affairs Ministry initiated an inquiry in response to the Human Rights Watch report, but that exercise lacked both credibility and independence and primarily whitewashed the truth about the government’s role. A new investigation is needed and should look into the roles and responsibilities of Ethiopian military personnel who ordered or participated in attacks on civilians at the height of the conflict, Human Rights Watch said. In addition, senior military and civilian officials who knew or should have known of such crimes but took no action may be criminally liable as a matter of command responsibility. While the military has in recent years taken a less active role in the region, the Liyu Police force, under Abdi Illey’s control, has pursued an abusive counter-insurgency campaign against suspected ONLF sympathizers. The force has over the last decade frequently been implicated in extrajudicial killings, torture, rape, and violence against people in the Somali region, as well as in retaliatory attacks against local communities. There is also evidence of attacks and violent clashes by the group against communities outside of the Somali region, including in the Oromia region since late December 2016, which resulted in hundreds dead and significant displacement, and in neighboring Somalia. In a July 2018 report, Human Rights Watch documented brutal torture of prisoners in the region’s central prison – known as Jail Ogaden – which is largely controlled by the Liyu police. Former prisoners described unending abuse and torture, with no access to adequate medical care, family, lawyers, or even, at times, food. Officials credibly implicated in serious violations against prisoners, regardless of rank, should be investigated and those responsible should face criminal charges, Human Rights Watch said. This should include specific investigations into senior Somali region officials such as Abdi Illey and Abdirahman Abdillahi Burale, also known as Abdirahman Labagole. Under international law, Ethiopia has an obligation to investigate and prosecute those responsible for war crimes, including members of its armed forces. Anyone responsible for crimes against humanity or other serious violations of human rights should not be granted amnesty. The government has also carried out reprisals against those speaking out about abuses in the region. In 2016, in one example, the Ethiopian government arrested and detained dozens of relatives of Ethiopians who participated in a Melbourne, Australia protest and held some for months as punishment. An in-depth, independent fact-finding mission into rights abuses and violations of the laws of war in eastern Ethiopia’s Somali region would be an important part of Abiy’s ongoing reform agenda, Human Rights Watch said. Ethiopia’s international partners, looking to support the many ongoing reforms, should offer technical assistance to such an effort. To help ensure its credibility, the investigation should publish detailed findings and draw on international expertise. “The federal government should not sweep abuses of such a scale and nature under the carpet in the name of political expediency,” Burnett said. “Now is the time for the federal government’s long involvement and complicity in widespread abuses in the Somali region to end and for accountability to begin.” Sources: HRW
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf adag uu ka taagan yahay magacaabida tiro Safaarado oo dib loo dhigay xili la sugaayay in Safiiro cusub loo magacaabo. Khilaafka ka dhashay Safaaradaha ayaa u dhexeeya Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad. Safaaradaha ay magacaabidooda khilaafka ka taagan yahay ayaa kala ah Safaarada Somalia ee Kuwait, Sacuudiga, Masar iyo Pakistaan oo Safiirada fadhiya dib loo bedelayo, marka laga soo tago tan Sacuudiga oo aan Safiir laheyn. Khilaafka ayaa salka ku haya awood qeybsi waxa uuna soo ifbaxay kadib markii Ra’isul wasaare Kheyre uu Wasiirka ku cadaadiyay in laba kamid ah Safaaradahaasi loo magacaabo shaqsiyaad uu isaga wato, sida aan xogta ku heleyno. Kheyre ayaa sidoo kale doonaya in Safaarada Pakistaan aan lagu sameyn isbedel, halka Wasiir Cawad uu doonayo in isbedelka socda uu saameeyo maamulka Safaarada Pakistaan oo kol hore la hadal hayay in la bedelaayo maamulka Safaarada. Khilaafka oo gaaray meel xun aawgii waxaa lasoo sheegayaa in si KMG ah loo sii hakiyay magacaabida Safiirada Somalia u matali lahaa Safaaradahaasi, waxaana suuragal ah in xal laga gaaro khilaafka oo u muuqda mid wax lagu saxaayo. Sidoo kale, Wasaarada arrimaha dibadda Somalia ayaa Safiirada Somalia u fadhiya Safaaradaha dibadda u maareysa hanaanka awood qeybsiga 4.5 oo ku dhisan nidaamka dalka. Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaa ahmiyad gaara u aragto Safaaradaha aan kor kusoo xusnay oo tan iyo xiligii burburka Somalia shaqeynaayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. It's a widely known trouble that the trouble with Somalia is, first and foremost, a troubled justice system. This basic fact proved troublesome for past and present Somali leaders as it's the primary reason for their inability to muster the true yearning and trust of the Somali people. Such trust for leaders could be said to be present when the people of Somalia start to make an initiative to tell on the enemy in their midst. It's trouble beacuse no leader will ever earn the trust of the Somalis as long as the leaders don't seize the opportunity to make concrete steps in reforming, overhauling the justice system beyond their usual rumblings and rhetoric. For such steps to begin to earn trust of the public for the leaders, justice must start with the process itself, which must be and should be seen to be open, participatory, inclusive and transparent every step of the way. Source: Hiiraan Online
  25. Nairob (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in dhawaan ay ciidamadeeda kala bixi doonto Somalia. Kenya ayaa sheegtay in Ciidankeeda ay kala baxeyso Soomaaliya laga billaabo Bisha July ee Sanadka soo socda. Go’aanka la bixitaanka ciidamada ayaa dhashay kadib markii dowladda Kenya ay QM weydisatay magdhowga Askarta uga dhintay Dagaalka ay kula jirto Al-shabaab ee Koofurta Somalia. Warbixin Maaliyadeed ay baahisay Wasaaradda Maaliyadda Kenya ayaa muujineysa in Hay’ada QM ay Kenya ku wargelisay in la dhimayo qiimaha Magdhowga Askarta Kenya ee Somalia lagu dilay. Dowlada kenya ayaa lacagta ay ka dooneyso QM waxaa ay gaareysaa Sh8.5 Bilyan oo shilinka Kenya ah, taa oo bixitaankeeda uu ku wada adkaan doono QM. Dhinaca kale, warbixin ay soo saartay Hay’adda QM ayey ku sheegtay in Kenya ay siineyso Sh6.1Bilyan shilinka Kenya ah sanadkan,labada sano ee soo socotana lacagtaas la dhimayo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com