cadnaan1

Nomad
  • Content Count

    1,169
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    12

Everything posted by cadnaan1

  1. lol qof xanaaqsan oo comment usoo qoray websiteka newska soo daabacay,, waxaan u malaynayaan qofkan waa reer SOL. 2 Responses for “Shirkad Joojisey shidaal ka baaraysay Jubbada Hoose” goobwayn says: July 17, 2013 at 9:26 am kadib salaan waxaan lahadlayaa kismaayo news markaad ufiirsato qoraalkiina waxaad moodaa inay qoreen dadkii xamar kasoo weeraraayay jubbaland waliba waxuu u egyahay inaad garab siinayso dadkii cadawga ahaayee jubbaland burburinaayay dacaayada hoodii aadbaana u necbaystay qoraalkaaga waxaan dhihi lahaa soomaalia wax dhexdhexaad layiraahdo kama jiro haba lasiikala daraadee marka adi maxaa kuu diiday inaad sheegto waxii jubbaland u fiican ,warkan kasaar meesha . Reply goobwayn says: July 17, 2013 at 9:31 am walaal xataa hadduu run yahay waa mid aan loo baahnayn this time anugu waxaan u arkaa haddii gaas laga hello inuu yahay subag xeedho ku daaatay sina kuma xuma haduu soomaalia yeelato waa kaygii haddii kenya yeelaana waa kaygii marka adugu maba tihid dadkii dacaayada fidin lahaa iga raali ahaw waaaniga fikirkaygee haddaad dhibsato Reply
  2. http://kismaayonews.com/2013/07/17/shirkad-joojisey-shidaal-ay-ka-baareysay-jubbada-hoose/ http://kismaayood.com/?p=12720 Shirkad laga leeyahay dalka Kenya oo qandaraas shidaal baaris ah la gashay dowladda Kenya taasi oo lagu magacaabo Statoil ayaa joojisey hawlo shidaal baaris ahaa oo ay ka waday ceel ku yaala badda gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay sheeganayso dowladda Kenya. Xogtani waxa ay ku jirtey warbixin guddiga Qaramada Midoobey ee kormeerka cunaqabataynta Hubka ee Soomaaliya taasi oo loo gudbiyey golaha amaanka ee Qaramada Midoobey. Warbixinta ayaa lagu sheegey in shirkadda Statoil ay Kenya u sheegtey in aysan dooneynin in uu qarash kaga boxo dhul la’isku heysto lahaanshiyihiisa, islamarkaasina Soomaaliya leedahay, waxayna Kenya ka dalabtay in marka hore ay Soomaaliya ku kala baxaan dhulka uu ceelka ku yaalo. Ceelka waxaa lagu magacaabaa ama astaantiisa aqoonsiga ay tahay L26, wuxuuna ka midyahay illaa 5 ceel oo dhaca dhul badeedka Soomaaliya oo ay Kenya sheeganayso. Sargaal ka tirsan dowladda Kenya ayaa gudiga u sheegey in shirkadda Norway ay danaynayso in ay shidaalka soo saarto haddii lagu heshiiyo dhul badeedka. Norway ayaa waxa ay aad ugu ololeyneysaa in dhul badeedka Soomaaliya lagu soo koobo 12 mile oo kaliya, si inta ka taloowsan cabirkaasi ay shirkadaheeda shidaal oga baaran karaan si dhib yar, waxaa kale oo ay dowladda Federaalka ku riixeysaa in ay Kenya u fasaxdo in ay la wareegto dhul badeedka la’isku hayo. Arrintani waxa ay marqaati ka tahay danaha dhabta ah ee ay Kenya ka leedahay goboladda Jubbooyinka iyo danta ugu jirta mashruuca Jubbaland, waloow dadka ku kala aragti duwanyihiin, islamarkaasina aanan si rasmi ah loo ogeyn danta rasmiga ah ee dadka deegaanka Jubbooyinka ugu jiri karta haddii ceelashaasi shidaalka ay Kenya la wareegto. Si kastaba, kani waa moowduuc xasaasi ah oo oo madaxda Jubbaland iyo dad badan oo taageersan aysan ogoleyn in laga hadlo. Warbixinta Qaramada Midoobey waxa ay dhanka kale walwal xooggan ka muujisey in shirkadaha reer galbeedka ee shidaalka ka baaraya Soomaaliya ay horseedi karaan shaqaaqo cusub iyo dagaalo hor leh oo ka dhaca geeska Afrika, waxaa farta si gaar ah loogu fiiqey dowladaha Norway iyo Sweden iyo waliba Canada oo Soomaaliya ka leh dano shidaal. Kismaayood.com
  3. carwo cusub oo xamar laga furay maanta http://radiomuqdisho.net/wasaaradda-ganacsiga-oo-xariga-ka-jartay-qorshe-maalgelin-ah-oo-ay-waddo-mid-kamid-ah-shirkadaha-ka-howlgala-muqdisho/
  4. Waa markii labaad oo dacaayadan raqiiska ah halkan lagusoo qoro. Dadkan hadii ogaan laheen halka u ku yaalo masjudka iyo yaraantiisa masoo qori laheen waxaan maba oga dadkan in masjidka u saaran yahay xeebta liido oo ah meelaha ugu mashquulka badan xamar. Safaaradaha cusub oo dhan waxaa laga furayaa jazeera area xaga nabad galyo ahaan.
  5. yaa arkay the original document ee la saxiixay waxaan halkan ku murmeynaa waa wax ay afka inooga sheegeen siyaasiyiinti shirka ka qeyb gashay, horta documentiga markaan arakno halaga doodo.
  6. Carafaat;968027 wrote: The guy wearing nr 5. He is the HAG intellectual leader. kan nr 5 wata waa wasiirki hore ee dastuurka abdirahman xoosh jibriil
  7. Xafiiska hargeysa laga furi doono wuxuu hoos tagayaa wasaarada madax ka yahay ciilmooge xirsi ee maamusha hawada somalia.
  8. Ciyaarta dhaantada qiimo ayey leheed laakin waxaa dadka nacsiiyey tvga ESTV oo 24 hrs kusoo celceliya.
  9. guryahan loo dhisayo IDP markii la dhamaystiro yaa maamuli doono waan wada ognahay musuq maasuqa heerka uu yahay wadankeena,,waxana u badantahay in dad aan aan aheen qoxooti in la dajiyo ama dad madax ah kireystaan oo lacag laga sameysto.,,insha alah kheer ilaahay ha ka dhigo.
  10. Dadkiinan ku waashay looted properties mid aan idiin sheego. Qofkii xoolihisa xalaal yihiin ilaahay dhib ma tusaayo oo wixiisa way u badbaadayaan.Hadaad araktaan qof aqalkiisa xoog looga haysto oo la dhibayo ogow asaga qof xun oo dhib badan ayuu ahaan jiray gurigaasna si xalaal kuma dhisan.
  11. Qofkii xamar guri ku leh waa lacag fiican hada guri familkayga leeyahay 2011 waxaa lagu dagnaa 30 dollar hadana waa 250 dollar. Sanadaha soo socdadana way sii kordhayaa.
  12. xiinfaniin;966418 wrote: ^^Ma naxsanid Meeshana dhib weyn kama dhacin by Galkacyo standards runtii waan u naxsanahay hadii meesha lagu kala cararo xageey aadayaan waana dhaawaca liita oo sariir saaran.
  13. waxaan u naxsanahay dhaawicii masaakiinta ahaa ee laga soo qaaday kismaayo oo hadana colaad ku qabsatay meeshii daawada loo keenay.
  14. Xaaji kismaayo ayuu ku waashay kana muqdishu ayuu ku waashay war ragan tolkooda ha qabtaan inta aysan dharka dhigan.
  15. Ciidanka wata magaca SFG ee jooga kismaayo waa wada Hal beel gedo,,hadii tolkooda weerar lagu soo qaaday kuma fiirsanayaan.
  16. Dilkiisa waxa faaido ku qaba shabaabka qeybta ahmed godane waxaa fiican hada lasii daayo si ayaga dhexdooda isku dhameeyaan oo burburkooda u sii badato.Kadibna inta soo harto loo dhameystiro.
  17. Sida uu qoray websiteka dowlada mamulka ximin iyo xeeb waxay ku amreen inuu uga baxo dhulkooda mudo kooban meel uu aadi doono lama yaqaano. Dhinac ahlu sunna ayaa fadhiya dhinacna galmudug.
  18. http://www.jowhar.com/news.php?readmore=471 http://www.jazeeraestate.com/index.php Mashruuc cusub oo lagu soo bandhigayo dhismayaal laga hirgelinayo deegaanka Jazeera oo noqonaya xaafad cusub ka mid noqonaya xaafadaha degmada Wadajir ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, iyadoo mashruucan uu ka kooban yahay in ka badan 1,200 oo guri oo laga dhisayo deegaanka Jazeera. Xaafadan cusub ee laga hirgelinayo Jazeera ayaa dhismaheeda isugu jiraa goobo la dego, goobo ganacsi, masaajidyo, kuwo lagu nasto oo bilic iyo tayo heer sare ah ayaa waxaa maal gelinayay Ganacsato Soomaaliyed. Bandhiga mashruucan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas'uuliyiin uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyed Gabeyre, dad ajaaniib ah, maalgashatayaal iyo Ganacsato Soomaaliyed. Maxamed Abdi Martello oo ah Maamulaha shirkada dhul iyo guri Real Estate Ltd oo ugu horeyn ka hadlay xaflada daah furka mashruucan ayaa sheegay in dhismaha Jazeera Estate uu yahay mashruuc cusub oo ka faa'ideysanayaan dhamaan dadka Soomaaliyed, isagoo cusay in dadka soomaaliyed ay maal gashan karaan, isla markaana mashruucan uu u furan yahay cid kasta. Waxaa uu sheegay in cid walba ay iska diiwaan gelin karto, si ay u maal gashato, isagoo xusay in looga qeyb qaadan karo dhinacyo walba. Mr Martello ayaa sheegay in mashruucan uu bilaaban doono muddo labo bil gudahood, isagoo xusay in goobaha la dhisayo ay isugu jiri doonaan, hotelo, guryo la dego, isla markaana dadka Soomaaliyed ay iibsan karaan, lagana dhigi karo kuwo la ijaarto oo deegaan ah. Mas'uul u hadlay shirka Jazeera Estate ee fulin doonta mashruucan ayaa sheegay in dad badan ay shaqo ka heli doonaan, isla markaana qorshuhu yahay in la sameeyo dhismayaal laga hirgeliyo magaalada, lana furo, si aan loogu ekaan magaalada gudaheeda sida KM4 ilaa Bakaaraha oo kale, waxaana uu intaa ku daray magaalada ay noqoto mid afar geesood ah. David Park oo ah wakiilka shirkada African Skies oo ka qeyb qaadanaysa dhismaha mashruucan ayaa sheegay in Xaafada Jazeera Estate ay tahay xaafad iskeed ah, isla markaana leh amni sugid iyo dhamaan adeegyada guud, isagoo xusay in xaafadan ay tahay mid casri ah. Mr David ayaa sheegay in dadka dibadaha ka yimaada ay iloobi doonaan meelaha ay ka yimaadeen, hadii ay arkaan dhismahan ama xaafada cusub, isagoo tilmaamay in dowladda ay wixii xuquuq ay heli doonto, hadii ay tahay wax canshuuro ah, wuxuuna ugu baaqay in laga faa'ideysato mashruucan taariikhiga ah. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo isna ka hadlay madasha ayaa sheegay inb mashruucan uu yahay arrin dalka u baahan, isagoo xusay in fursado badan oo furan ay jirto, dhanka maal gashiga iyo dhismaha dalka laga sameeynayo, isagoo ugu baaqay qurba joogta in dalkooda maal gashataan. Tarsan ayaa sheegay in dadka dalka dib ugu soo laabanaya ay u baahan yihiin wax ka duwan wixii hore, isagoo wax lagu farxo ku tilmaamay dhismayaasha la soo bandhigay ee xaafada Jazeera laga hirgelinayo ay la mid yihiin sida Hotelka Kempesky oo kale ee ku yaal dalka Jabuuti. Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyed ay dalkooda maal gashadaan, bedelkii ay dalalka kale ee ajnabiga maal gashan lahaayeen, isagoo tusaal u soo qaatay Soomaalida ku dhaqan Koofur Afrika ee dhibaatooyinka ay kala kulmaan goobahooda ganacsi. Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Daaci oo degmadiisa laga hirgelinayo mashruucan dhismaha cusub ee Xaafada Jazeera ayaa soo dhoweeyay, isagoo xusay in ka maamul ahaan uu balan qaadayo amniga iyo fududeynta howsha mashruucan lagu dhisayo, isagoo xusay in dal walba ay dadkiisa dhistaan, waxaana uu cadeeyay inuu soo dhoweynayo cid kasta oo dalka maal gashaneysa. Sidoo kale Gudoomiyaha rugta Ganacsiga Soomaaliyed Maxamuud Cabdikariin Gabeyre ayaa ka warbixiyay howlaha rugta ganacsiga wado, isagoo xusay in mashruucan maalgashiga ay dhiira gelintiisa ka dambeeyeen, isla markaana yahay mashruucii afaraad, waxaana uu xusay inay sameeyeen hey'ad madax banaan oo u gaar ah Soomaalida maal gashatada ah. Waxaa uu sheegay in qurba joogta ay heystaan fursad qaali ah oo dalkooda ku maal gashadaan, waxaana uu u mahad celiyay shirkada isku dayday inay dhismahan hirgeliso ee Jazeera Estate in guryo magaalada laga dhiso sida caalamka oo kale, isla markaana xaafada la hirgelinayo ay la mid tahay xaafad wax walba u dhan yahay, isla markaana casri ah, taasoo uu ku tilmaamay inay bilow fiican u tahay maal gashiga dalka. Dhismaha laga hirgelinayo deegaanka Jazeera ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde u jira 3-KM, wuxuu ku fadhiyaa 730,000m2 (73hektar), deegaankan ayaa waxaa ku dhameystiran dhamaan adeegyada guud ee nolosha sida biyo nadiif ah, koronto joogta ah, taleefan iyo internet iwm. Hadii mashruucan la hirgeliyo ayaa noqonaya xaafadii ugu horeysay oo leh nidaam iyo maamul u gaar ah oo si joogta ah uga shaqeeya sugista amniga, maareynta goobaha danta guud, sida masaajidada, wadooyinka , goobaha caruurtu ku ciyaarto, ,xadiiqadaha lagu nasto bilicda iyo nadaafada.
  19. LOL asxaabtan ayaad leedihiin HAG ayey matalaan kuwaan waaba gaajo halka ay fadhiyaan ayaaba liidata. teeda kale waxa dhan meesha fadhiya waa hal jufo oo la yiraahdo reer-mataan oo ku waashay xamar unukaa leh.
  20. Cadaalad xumo weyn ayaa ka muuqato magaabistan 5 safiir waxaa loo qeybiyey 2 from SAHAL GROUP 1 FROM HAG 1 D/M 1 FROM BURCO
  21. Xiin... Waxaan u malaynayaa waxaad ka midtahay qorayaasha pubtlandi waxay jabiyeen recordkii beenta dayniile iyo waagacusub meel cidlo ayaa lagu dhaafay.
  22. Lol puntlandi the waagacusub of puntland waaye Hal run ah ma shegaan kuwaas....wixii war oo Runta u dhaw oo ku saabsan jubooyinka waa kismaayonews.com
  23. Mar aan xamar tagay sanadkii 2006 masjidka Waan tagay laakin wuu dhisnaa oo wax burbur ah kama muuqan...waxan u malaynayaa dagaalki shabaabka ee 2009 ayuu dhibkan soo gaaray.