cadnaan1

Nomad
  • Content Count

    1,169
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    12

Everything posted by cadnaan1

  1. if u thinking of going to Thailand wadankaas waxaa ku badan wax la yiraahdo LadyBoys marka iska ilaali kuwaas.
  2. sida muuqata kolombo waa laga been abuurtay qof ayaa magaciisa iska sheegtay.
  3. MMA D/M ayaga finalka ayey joogan miyaa qoladii soo baxday ayey sugayaan. laakiin waxaan la yaabaay markii alshabaab ay maamulayeen 5 years sh/hoose wax dagaal qabil isku haystay majirin laakin meel walba oo laga saarayshabaabka dagaal qabiil ayaa ka jira sh/hoose, sh/dhexe ,jubada hoose iyo hiiraan oo iyadan hada foolanaysa.iyo maamulka koofur galbeed.
  4. war ninka madow ee gacanta hasan sheikh dhunkanaaya muxuu ahaa axmaqaas is ceebeyey dhaqankaas waxaa lagu yaqaanaa reerka burcad badeedka waa jago raadis
  5. qofba walba oo kasoo shaqeeyey dawlada siyaad bare wuu soo dhacay ,,kuwa manta ninkan ku bilaabay magaca boobaaye well faroole asagaba wuxuu ahaa dadkii sida doqonimada u dhacay bankigii Somalia oo xitaa siyaad bare ayaaba ka yaabay sida uu dhacay oo guryo badan ka dhistay mudo kooban uu shaqeenaayey bankiga Somalia. sheegadiina waxa waaye tuugayga wuu fiicanyahay waxba lagama sheegi karo laakin kan kale waa dambiile.
  6. wallee burcad badeedkii ciil iyo caro darteed ayey aflagaadadii hasan sheikh kuwada waasheen,
  7. warkaan waxaa soo qoray kismaayonews haduu run noqdana waa nasiib daro aad weyn. Dagdag: Xuseen Cabdi Xalane oo loo magacabayo RW Published: December 11, 2013 Wardagdag oo naga soo gaaraya xarunta madaxtooyada ayaa sheegaya in Xuseen Cabdi Xalane saacadaha soo socda loo magacaabayo Raisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Waxii kasoo Kordha dib kala soco. Xalay ayaan qornay in Goojneex ugu horeeyay tartanka ayaa ugu horeeyay balse saacad aha soo socda ayaa lagu dhawaaqi doonaa raisal wasaaraha cusub inuu noqdo Xuseen Cabdi Xalane. Wararka ayaa sheegaya in markii ay soo baxday in Goonjeex loo wado raisulwasaaraha ayaa xalay dawladda Ethiopia soo dhexgashay kuna cadaadisay in Xalane lagu baddalo haddii ay Soomaalia Ethiopia Xariir ka rabto taasaana khasabtay isbaddalkan.
  8. maanta ayaa la ogaan doonaa qofka uu noqon doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diyaar garowgii u dambeeyay ugu jira soo magacaabida Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Soomaaliya, isagoo soo gaba gabeeyay wada tashiyo ku saabsanaa soo magacaabida iyo tilmaamaha laga rabo inuu yeesho qofka uu u magacaabi doono. Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in saacadaha soo socda lagu wado in Madaxweynaha uu ku dhawaaqo Ra'iisul Wasaaraha cusub, iyadoo lagu wado in gelinka dambe ee maanta la magacaabo. Madaxweynaha ayaa shalay wareysi la qaadanayay xubnaha soo gudbiyay codsiyada ee dadaalka ugu jira in loo magacaabo Ra'iisul Wasaare, waxaana musharax walba uu kulanka la qaadanayay in ku dhow nusa saac. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta u ambabaxo magaalada Nairobi oo uu uga qeyb geli doono xuska maaliyada Xoriyada Kenya, iyadoo ay dhici karto ka hor inta uusan bixin uu magacaabo Ra'iisul Wasaaraha. Ilo wareedyada ayaa sheegaya in laga yaabo Madaxweynaha uu ku dhawaaqo gelinka dambe ee maanta ama maalinta berri, hase ahaatee waxay u badan tahay in todobaadkan gudihiisa aysan dhaafi doonin. Warar la isla dhex marayo ayaa sheegaya in xilka Ra'iisul Wasaaraha ay ugu cad cad yihiin Xuseen Cabdi Xalane iyo C/waaxid Cilmi Goonjeex, oo horay xilal Wasiiro uga soo qabtay Xukuumadihi hore. Labadan nin oo isku xigay ayaa shalay ka mid ahaa shaqsiyaadkii uu la kulmay Madaxweynaha ee uu wareysiga ka qaaday, kana dhageystay qorshahooda hadii loo magacaabo xilka Ra'iisul Wasaaraha. Lama oga ilaa iyo hada cida uu Madaxweynaha u magacaabi doono Wasiirka Koowaad, iyadoo ilaa labaatameeyo musharax ay codsiyadooda ay ku dalbanayaan in loo magacaabo Ra'iisul Wasaare ay u gudbiyeen xafiiska Madaxweynaha. Somali news leader www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com golfyare@gmail.com
  9. naag sababta loogu diiday inay masuul wadan noqdaan ama siyaasada ka mid noqdaan waxaan oo kale ayaa ugu wacan,isma xakameen karaa haday xanaqaan sida tan kale ayey afka iska furanyaan.
  10. somaliland cudurkii xamar ayaa ayagana hada soo gaaray madaxweynaha iyo gudoomiyaha barlamaanka oo laba wafdi kala hogaaminayaan ayaa iskugu tagay xaflada siilaayo ma faraxsana sida ka muuqato.
  11. waa arin fiican hadii laga dhigo qof kasoo jeeda goldogob hadiiba aan qof reer gedo lasiinin jagada waa in loo dhiibaa reer goldogob.ayaga ayaa u xaq leh waan in la tijaabiyaa markooda.
  12. baashaalka xeebta Liido xamar cadeey,,,,,qoftaan she is a member of SOL yaa sheegi kara magaceeda
  13. very sad wuxuu ahaa qof bini aadam oo aad aan xushmeeyo laakiin haduu muslim ahaan waan u duceen lahaa.
  14. Tarsan iyo kan gaaban ee afhayeenka u ah waa laba dhaa dhaan ah,maba oga inay shacabka xor u yihiin hantidooda meesha ma north korea maa la joogaa dhawr bil ka horna waxay shacabka xamar ku amreen inuu guri walba laga suro calanka somalia iyo nalal laga hor suro.
  15. http://ethiopianewsforum.com/viewtopic.php?t=51524#p306754
  16. from madaxweyne ilaa wasiir iyo wasiir ku xigeen iyo agaasime markabki ayey iskugu tageen ceeb badanaa somalid
  17. dhismaha cusub ee shirkada somtel oo kusoo biirtay shirkadaha telephoonada ee xamar. hotel cusub oo laga dhisayo isgoyska Taleex ee degmada hodon. dhisma kale oo hada socdo wali.
  18. 40 languages?????? luuqadahaasi hadiiba ay jiraan magacyadooda bal inoo sheega.
  19. hassan sheikh sida la mooday iyo siduu isku badalay wallee dad badan oo aan aniga ka mid ahay wuu niyad jabiyey waxaan islahaa ninka wuu ka duwanyahay kuwii hore laakiin waa isku wada mid.
  20. just avoid going to addis ababa and nairobi hadaad somali dhalinyaro ahtahay laakiin xamar hadii famil ku joogaan waa iska caadi ayaga ayaad ku balaminaysaa airportka.