oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Abwaan sheekadas waa dhamaatay dad wax fahmaaya meesha la keenay inshallah tacaala waa dhamaatay sheekadii hore mooshin ka dhan hebelow. Inshallah guul ayaa la rajeynaa
  2. wooow this look good really good mashallah hada rajo ayaa la helay!!!
  3. Raaisal Wasaaraha xukuumadda kmg ee Soomaali Maxamed C/Laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa caawa ku dhawaaqay Golaha Wasiiradiisa ee xukuumadda kmg ee Soomaaliya. Xaflad balaaran oo ka dhacday xaruunta madaxtooyadda ee Villa Somalia ayaa wuxuu Raaisal wasaaraha ku sheegay in Golaha Wasiiradiisu ay yihiin wasiirada hoos ku qoran. 1-Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibada, Max’ed Cabdullaahi Oomaar 2-Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Max’ed Xaaji Fiqi . 3-Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga Prof Cabdi Wali Max’ed. 4- Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax e 5-.Wasiirka Maaliyadda iyo Lacagta Xuseen Cabdi Xalane 6-Wasiirka Haweenka iyo Arimaha qoyska Maryan Khaasim Axmed . 7- Wasiirka beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Yuusuf Macalin Amiin Baadiyoow 8- Wasiirka Caafimaadka iyo xariirka Bulshada Dr. Aadan Xaaji Ibraahim Daa’uud 9-Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo isgaarsiinta C/kariim Xasan Jaamac. 10 Wasiirka arimaha bulshada, hormarinta Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Sportiga Cabdi Nuur Macalin Max’uud 11- Wasiirka Kaluumeysiga iyo qeyraadka badda Dr. Max’ed Macalin Xasan Max’ed 12 Wasiirka dekadaha gaadiidka badda cirka iyo dhulka Axmed Cabdi Raxmaan 13 Wasiirka Dastuurka Federaalka iyo dib u heshiisiinta Max’uud Max’ed 14 Wasiirka howlaha guud iyo iyo dib u dhiska C/rashiid Khaliif Xaashi. 15- Wasiirka Macdanta biyaha tamarta iyo Shidaalka C/risaaq Sheekh Muxudiin 16- wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare C/nuur Sheekh Max’ed. 17- Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Dr Max’uud Cabdi Ibraahim 18-Wasiirka Garsoorka iyo arimaha diinta Awqaafta C/laahi Abyan Nuur
  4. Bilan once i use to care ma ogtahay but not anymore if they want to have their own country oo soomalinimo aysan daneynin maxa laga tuuga sis
  5. gaw oo ma xiili journaal la soo saara la jooga Xaaji you have to defeat the enamy fysically and psykological and thats what our president Amiirul Mu'miniin Shekh Shariif Sh axmed is doin, He and the former PM nuur cadde is the best leaders we have since the the fall of Siyaad barre. U cant deny it sxbow, shariifka ninka daacadsan ma jirto
  6. ilaahay ha fududeeyo dadka ku dhaqan togdheer, salaad roobdoon ha la dukado inshallah kheyr!!
  7. odaygan inkaar qabe waaye walahi wuu is ceebeeye dad ayuu leeyahay cadowga ilaahay asna waxaa hubeynaaya niman xun oo gaalo markasu leeyahay jihaad baan ku jiraa....
  8. okey sxb wan gartay waxaa su'aal iga maxaa ula jeeda qolada madaxda isku sheegta?
  9. walaalayaal ogaada ilaaha weyn al shabaab waxey sameeynayaan ilaaha la xisaabtamaya maalinta qiyaama ciqaabta ay muteysten ay helaayaan. Ducada badiya inshallah waxaan waa dhamaahee
  10. listen qudhac when im talking about somaliland im not talking about ur people dad fiican dad waa xun waa leeyahiin waana normal in every place in somalia but siyaasiintiina isn't, good its true they have peace and shelter and some have businesses lama diidin and im proud of reer somaliland laakin siyaasiintina wa ay isku diraayaan walaalaha like they r different. U can handle the refugee situation in a other way by helping the people financially and of course walalaha can't do it by their self but with help from the US government and other rich countries.. Look shariif and siilaanyo dont have a contact shariif cant even come 2 hargeisa if we want 2 end the civil war we have 2 help eachother we r neighboor countries and the problem in south will affect somaliland whether u like it or not.
  11. brother qudhac my uncle fleed 2 somaliland 2008 shababku markey qarxiyeen jeelkii baa lagu tuuray and he is still suffering from the dhaawac he left somaliland wuxuna ku dhartay inuu waligiis tagi doonin how will i show gratitude oday somaliyeed sidaas la yeelo, also many of my relative use 2 live there some still do si ka duwan somalinimo loola dhaqmaa im sorry 2 say so laakin waa xaqiiqdi
  12. sxb iyagay uu taala taasi godone oo dambiile inuu dhaafi doono ma umeleyhee ''somaliland'' markooda waa tabsanaaayan
  13. Inshallah guul ayaa la gaara midnimo wax ka fiican majirtee together we will defeat our enamy and re establish peace through whole somalia!! inshallah
  14. yes that true somaliland will determine who comes to its shores and who qualifies to stay, the time of letting all in has finished, new laws will be passed by the new government which will tighten immigration these new strict laws will hopefully put stop to the endless stream of refugees from somalia and ethopia. those who do not meet these new criteria will be repatriated. Saa rabtin ka yeela waan idin dhaafay walaalayaale ka taliya dhulkiina waxey dhasho aan aragnee, beri nin siilaanyo ku heyba is qarxin doone idinkey idin taala taasi....
  15. Oba Hiloowlow, Walaalo, waad ku mahad santahay taageerada iyo dhiira galinta, waanuna kaa aqbalnay hambalyada Hanoolatu Midnimada Somalia, Hanoolatu SSC iyo dhamaan Gobalada Somalia sxbow Maamul jecel wanaag iyo somaalinimo see lo nacaa viiva wixii somali jecel oo dhan. Guuleeystaa reer SSC Cadowna yuu isku dirin walaalaha
  16. lool waxkasto waa arkeesa iyagana intey xoog ugu siineystaan naaga ay dil ku xukaamayaan waa khawarij walahi
  17. Reer SSC waa dad nuuraaya ee halkaas kasii wada. Hambalyaanu leenahay SSC!!!! Hambalyaanu leenahay SSC!!!! Hoy ka bul dheh SSC Haku Wiqmiin
  18. M-M-A aduunyo gadoon aa lagu jiraa cml wadaadada ayaa is haaysta xaad ka sugeesa caamada neh waa wareey
  19. Soamaliland waa dal yar oo dunida ka sii jeesatay 3-4 Melyan dad aan dhameyn baa qaxootin naga badan naga dul yimid mana xamili karno waxayna u badanyihiin kuwo dimbiilayaal soo cararay ah waana in ay xukuumadu go'aan ka gaadhaa" ayuu yiri Gudoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal). "Dadka loo adeegsado qaraxyada iyo argagaxisada waa dadkeyna mana garanayaan qaraxa iyo dhibaatadiisa lacag uumbaa la siiyaa oo la yiraahdaa halkaa gee ama halkaa qod ee ku aas, waana kuwo ay wadaan dadka ka yimid koonfurta Soomaaliya ee halkan ku soo galay qaxootinimada" ayuu isna yiri duqa Magaalada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jaciir Sxb adigu sii ba uu aragtaa anna si, Ujeedadeyda maha isku Dirr, mas'uuliyiintina sida ay ula dhaqmayaan barakacayasha masaakiinta..
  20. Arintan hadey jirto waa arin aan habbooneyn, waxey kordhineysa cuqdada, waan ka xumahay iney sidaan uu hadlaayaan Mas'uuliyiinta Somaliland!!
  21. Kulan socday muddo sadax maalmood ah oo looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa dadka soo galootiga ah ee ka soo cararay dagaalada sokeeye ee ka jira dalalka la deriska ah xukuumada Somaliland ayaa shalay lagu soo gebagebeeyay magaala madaxda Somaliland ee Hargeysa. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay in la baaro dadka soo galootiga ah oo uu ku tilmaamay in ay halis ku yihiin amniga, isla markaana la daba galaa waxa ay soo dooneyn iyo dhibka ay ka geysan karaan Somaliland. "Dadka loo adeegsado qaraxyada iyo argagaxisada waa dadkeyna mana garanayaan qaraxa iyo dhibaatadiisa lacag uumbaa la siiyaa oo la yiraahdaa halkaa gee ama halkaa qod ee ku aas, waana kuwo ay wadaan dadka ka yimid koonfurta Soomaaliya ee halkan ku soo galay qaxootinimada" ayuu isna yiri duqa Magaalada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jaciir. Dhanka kale waxaa isna halkaas ka hadlay wasiirka Caafimaadka MD. Xuseen Xoog oo isna dadka barkacayaasha ah ee ka yimaada Ethiopia iyo Soomaaliya ay yihiin qaxooti cuduro ku faafinaya Somaliland, iyadoo kulankaasina ay ka hadashay sarkaalad ka socotay Hay'adda UNHCR oo sheegtay in dadka Itoobiya ka yimaada ay u aqoonsanyihiin qaxooti halka kuwa Soomaaliya ka soo cararayna ay u aqoonsanyihiin kuwo dalkooda iyo dadkooda ku soo barakacay. "Soamaliland waa dal yar oo dunida ka sii jeesatay 3-4 Melyan dad aan dhameyn baa qaxootin naga badan naga dul yimid mana xamili karno waxayna u badanyihiin kuwo dimbiilayaal soo cararay ah waana in ay xukuumadu go'aan ka gaadhaa" ayuu yiri Gudoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal). Gebagebadii kulankan ayaa u muuqda mid bilow ah sidii ay xukuumada Somaliland talaabo uga qaadi laheyd barakacayaasha Soomaaliyeed ee ka cararay dagaalada aan dhamaaka laheyn ee ka jira Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyagoo iloobay abaalkii loo galay xiliigii ay SNM-tu la dagaalamayeen Milatrigii Siyaad Barre ee dadkoodu ku soo barkaceen koonfurta Soomaaliya. Somaliweyn