oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Muqdisho:- Maanta oo kale, 03 Dec, 2009. Maalin Khamiis ah, waxaa hotel Shamow oo ku yaalla magaalada Muqdisho ka dhacay qarax weyn oo lagu dilay arday, dhaqaatiir iyo wasiirro ka tirsan xukuumaddii hore ee Soomaaliya, iyadoo mas'uuliyadda qaraxaas ay iska diideen xoogagga hubeysan ee dowladda kasoo horjeeda. Qaraxaas, oo uu fuliyay nin la rumeysan yahay inuu ka yimid dalk Denmark oo xiriir la leh kooxaha hubeysan, ayaa waxaa lagu dilay dad ka badan 30-qof oo ay k jiraan afar wasiir oo ka tirsan xukuumaddii iscasishay ee Cumar C/rashiid Cali Sharm'arke. Wasiirrada lagu lagu dilay qaraxaas, ayaa waxay kala ahaayeen; wasiirkii waxbarashada Axmed C/llaahi Waayeen, wasiirkii hiddaha iyo tacliinta sare Ibraahim Xasan Caddow, wasiiraddii caafimaadka Qamar Aadan Cali iyo wasiirkii dhallinyarada iyo isboortiga Suleymaan Colaad Rooble oo u dhintay sannadkan horraantiisa dhaawac halis ah oo kasoo gaaray qaraxaas. Xafladda, qaraxa lala beegsaday ayaa waxay ahayd mid ay ku qalinjabinayeen arday wax ka bartay jaamacadda Banaadir, waxayna barteen cilmiyada kambiyuutarka, dhaqaalaha iyo arday barta cilmiga caafimaadka, kuwaasoo ahaa kuwii ugu badnaa ee ku dhintay qaraxa. Qaraxaas, ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay dhaqaatiir uu ka mid yahay hormuudkii jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Aadan Warsame (Shahiid), waxaana dhaawacyo isugu jiray kuwo halis ah ay kasoo gaareen dhaqaatiir kale oo qaarkood weli ku jira isbitaallo ku yaalla dalka Saudi Arabia. Sidoo kale, qaraxaas oo ahaa mid murugo xooggan kaga tagay qalbiyada shacabka Soomaaliyeed, ayaa waxaa ku dhintay suxufiyiin ay ka mid ahaayeen: Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo u shaqeynayay idaacadda Shabeelle iyo Xasan Subeyn Xaaji Xasan oo isaguna ahaa sawirqaadihii telefishinka Al-Carabiya, iyadoo ay jireen suxufiyiin kale oo ku dhaawacmay. Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo hoggaamiyaha ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa si isku mid ah u cambaareeyay, iyadoo mas'uul walba uu ku sheegay qaraxaas inuu mid lagu dilay dadkii wax u tari lahaa Soomaaliya. Sheekh Shariif, wuxuu sheegay in qaraxaas uusan cabsi gelin doonin, ayna sii wadayaan howlahooda, isagoo sheegay in qaraxaas uusan ahayn midka keliya ee lala beegsaday xubno ka tirsan dowaldda, balse uu ka horreeya qarax ka dhacay Baladweyne oo lagu dilay 70-qof oo ay ku jireen wasiirkii amniga Qaranka Cumar Xaashi Aadan iyo Danjire C/kariin Laqanyo. Waalidiinta dhalay, ardaydii lagu dilay qaraxaas, ayaa iyaguna dareenkooda muujiya, iyado qaarkood ay sheegeen in lagu dilay qaraxaas caruurtooda oo ay dhibaato kusoo koriyeen waxna ku bareen, si ay u anfacaan naftooda, dadkooda, dalkooda iyo waalidiintood. Mas'uuliyiin kala duwan oo horay Soomaaliya xilal muhiim ah uga soo qabtay iyo shacab ku nool dalka dibadiisa ayaa iyaguna cambaareeyay qaraxaas, waxayna ku tilmaameen mid aan horay looga arag, laguna doonayo in lagu naafeeyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa waxbartay. Bannaanbaxyo, looga hojeedo qaraxaas khasaaraha badan geystay, ayaa ka dhacay inta badan dalka Soomaaliya iyo dibadda dalka, iyadoo la sameeyay hees loogu magacdaray QAYLO-DHAAN, taasoo erayadeedu ay ka mid ahaayeen magacyada dadkii lagu dilay qaraxyadii ka dhacay Soomaaliya.
  2. Ciidamadda Amisom ee ku sugan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa guulo balaaran ka sheegtay dagaalo xoogan oo ay maanta si wadajir ah ula galleen ciidamadda Xarakada Al Shabaab. Amisom ayaa shaaca ka qaaday in dagaalo xoogan ay maanta waqooyiga magaaladda Muqdisho kula galleen ciidamo fara-badan oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Xarakada Al Shabaab oo ka taliya inta badan caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Waxay Amisom sheegtay in dagaalkii maanta ka dhacay waqooyiga magaaladda Muqdisho ay Xarakada Al Shabaab kala wareegtay dhawr goobood oo ay inta badan kasoo qaadi jireen dagaaladda xoogan oo ay la-gallaan ciidamadda dowladda kuwa Amisom. Waxay kaloo sheegtay in dagaaladda maanta ka dhacay waqooyiga magaaladda Muqdisho ay Xarakada Al Shabaab ku xanuujisay, isla-markaana ay ugu geystay khasaaro xoogan oo iskugu jira mid dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo intaasi ku daray in caawa ay ku hooyanaayaan goobihii ay maanta kala wareegeen Xarakada Al Shabaab. Afhayeenka ciidamadda Amisom Bariijiye Bahuuko oo caawa laga maqlaayay Idaacadaha ka hawl-galla magaaladda Muqdisho ayaa guul balaaran ka sheegtay dagaalo jilbaha dhulka leesku dhigtay oo ay maanta la-galleen ciidamadda Xarakada Al Shabaab, isagoo intaasi ku daray in’ay iminka ku sugan yihiin goobihii ay kala wareegeen Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab. Afhayeenka ayaa ka gaabsaday in’ay sii-wadi doonaan dagaaladda ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab iyo in kale, balse wuxuu tibaaxay haddii lagu soo weeraro goobaha ay kaga sugan yihiin magaaladda Muqdisho, ay iskaga caabin doonaan wax kasta oo ay awoodi karaan. Dagaaladda kulul ee maanta ka dhacay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxay shacabka reer Muqdisho ay maanta soo xasuusteen mid kamid ah dagaaladdii ugu qaraaraa ee soo mara caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
  3. Dagaalo xoogan ayaa waxay maanta ka dhaceen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo uu u dhaxeeyay ciidamadda dowladda, ciidamadda Maxamed Dheere iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo xoogaga Xarakada Al Shabaab. Dagaaladda ayaa waxay xoogoodu ka dhaceen degmada Boondheere, inkastoo uu markii dambe ku fiday degmada Shibis oo iyana dhacda degmooyinka ku yaalla waqooyiga magaaladda Muqdisho. Dagaaladda maanta ka dhacay waqooyiga magaaladda Muqdisho ayaa waxay kamid yihiin dagaaladdii ugu xoogaa ebid ee ka dhaca magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, isla-markaana dagaaladda maanta ka dhacay degmooyinka dhaca waqooyiga magaaladda Muqdisho ayaa waxay saameyn balaaran ay ku yeesheen qeybaha kale ee caasimadda. Madaafiic aan tiro laheyn ayaa waxay kusoo hoobteen degmooyin ka baxsan halka ay dagaaladdu ka soconaayaan, waxaana degmooyinkaasi laga xusi karaa C/Casiis, Kaaraan, Heliwaa, Yaaqshiid, Wardhiigley, Hawl-wadaag iyo Dayniile. Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in dagaaladda maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho ay ku dhinteen in ka badan todobo ruux oo rayid ah, halka dhaawacuna uu sii caga-cageynaayo in ka badan 11 ruux sida ay Shabakadda Dhacdo.com u xaqiijiyeen qaar ka tirsan saraakiisha caafimaad ee cisbitaalada Dayniile iyo Madiina. Sidoo kale dagaaladaan oo kuwa qorsheysan u muuqday ayaa waxay khasaaro xoogan ay kasoo gaareen kooxihii ay dagaaladdu u dhaxeeyeen, isla-markaana waxaa la-arkaayay dhaawacyo labadaasi dhinac ah oo loola cararaaya cisbitaaladda u gaarka ah labadaasi kooxood. Ilo xog ogaal ah oo ku sugan degmada Boondheere ayaa Shabakadda Dhacdo.com u xaqiijiyay in ciidamadda dowladda iyo kuwa Xarakada Al Shabaab ay soo kala gaareen khasaaro xoog leh, waxaa kaloo jira dhimasho fara-badan oo labada dhinac ah, kuwaasoo tiradoodu lagu sheegay in ka badan 14 dagaal-yahano oo labada dhinac ah. Dagaaladda maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho ayay ciidamadda Amisom kaga qeyb qaateen hubka cul culus sida kuwa ka dhaca qoriga ridada dheer ee BM-ka loo-yaqaano iyo kan ka dhaca qoriga Taangiga, waxaana dagaaladani cambaareeyay shacabka ku dacayan dacalada caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Si kastaba ha-ahaatee ciidamadda dowladda iyo kuwa Amisom ayaa waxay dagaaladdu ka sameeyeen horumar, kadib markii ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay ka saareen aagag dagaal oo ay lahaayeen degmada Boondheere, waxaana caawa aagagaasi ku hooyanaaya Taangiyada ciidamadda Amisom iyo ciidamadda dowladda, isla-markaana waxaa weli degmada Boondheere laga maqlaayaa rasaas mararka qaarkood si xoogan ku soconeysa, inkastoo ay dagaaladdu xoogoodu istaageen.
  4. Sheekadii naso martay waaye in la dilo dhamaan waxgaradka, kedibna argagaxisada aya talada la wareegaya
  5. Afahayeenka Howlgalada Xisbul Islaam ayaa si hoose waxa uu uga hadlay Qabsashada Al-Shabab degmada Buur Hakabo kaasi oo si xoogan u canbaareeyay tilabadaasi. Maxamed Cismaan Caruus ayaa seegay in ay Al-Shabab ku xadgudbeen hishiis ay horay ukala saxiixdeen Daahir Aweys iyo Abuu Mansuur kaasi oo dhigayay in la joojiyo colaada u dhaxesa labada Urur. " Aad baan u canbaareyneynaa falkii waxashnimada ahaa ay shalay Shabab ku qabsadeen Degamda Buur-Hakabo ,halkaasi oo ay dad masaakiin ah kubarakiciyiin tilabadasina waan ka jawaabi doonaa" Caruus. Waxa uu sheegay Afhayeenka in ay malmahani jirtay xur gof ka dhlatay Gaari kuwa dagaalka ah oo ay Al-Shabab qabsdeen asiga oo marayay Isgooska Ex-Coonatrool Balcad . "anaka oo xalinta gaarigaasi ku jirna ayaa waxaa shalay si gadis ah ku maqalnay waxa ay hadana la wareegeen Degmada Buur Hakabo arintaasi looma adkeesan karo" Caruus. Ugu danbeyntii waxa uu fartiin u diray saraakiisha Al-Shabab asigoo u sheegay in ay soo celiyaan degmadasi si loo dajiyo x
  6. Afahayeenka Howlgalada Xisbul Islaam ayaa si hoose waxa uu uga hadlay Qabsashada Al-Shabab degmada Buur Hakabo kaasi oo si xoogan u canbaareeyay tilabadaasi. Maxamed Cismaan Caruus ayaa seegay in ay Al-Shabab ku xadgudbeen hishiis ay horay ukala saxiixdeen Daahir Aweys iyo Abuu Mansuur kaasi oo dhigayay in la joojiyo colaada u dhaxesa labada Urur. " Aad baan u canbaareyneynaa falkii waxashnimada ahaa ay shalay Shabab ku qabsadeen Degamda Buur-Hakabo ,halkaasi oo ay dad masaakiin ah kubarakiciyiin tilabadasina waan ka jawaabi doonaa" Caruus. Waxa uu sheegay Afhayeenka in ay malmahani jirtay xur gof ka dhlatay Gaari kuwa dagaalka ah oo ay Al-Shabab qabsdeen asiga oo marayay Isgooska Ex-Coonatrool Balcad . "anaka oo xalinta gaarigaasi ku jirna ayaa waxaa shalay si gadis ah ku maqalnay waxa ay hadana la wareegeen Degmada Buur Hakabo arintaasi looma adkeesan karo" Caruus. Ugu danbeyntii waxa uu fartiin u diray saraakiisha Al-Shabab asigoo u sheegay in ay soo celiyaan degmadasi si loo dajiyo x
  7. barqadii manta waxa ay ka dilaaceen Degmada Boondheere ee waqooyiga Muqdisho kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Dowlada iyo Xarakada Al-Shabab . Dagaalkani ayaa waxaa soo qaaday Ciidamda Al-Shabab oo ku sugnaa Gurigii Mama Qadiija iyo safaradii Talyaaniga kuwaasi oo soo werar goobaha ay joogaan ciidanmada sida Wasaradii Boosatada iyo Hotel Jubba . Ciidamo gurmad ah oo uu xogaaminayay Col-Sanay ayaa goobta gaaray kuwaasi oo dib u celiyay cidamadii Al-Shabab ee soo jabsaday difaaca koowaad ee Dowlada u yaalay Isgooska Boondheere. Dagaalka ayaa waxaa madaafiicda BM-ka kaga qeyb qadanayay ila iyo gabaldhicii manta ciidamda AFrika ee AMISOM kuwaasi oo dhulka ku daray Difaacyadii Al-Shabab ay ka joogeen Degmada Bondheere. Dhanka kale dagaalka ayaa wxa uu geestay qasaaro asigoo u badnaa manta labada dhan ,balse Col-Saney oo la hadlay saxafada ayaa xaqiijiyay in ay qabsadeen Wasaaradii Arimaha Gudaha iyo gooba farabadan oo ka tirsan Boodhere. "manata kooxdii nabade diidka aheed ee Al-Shabab way jabeen waxaana ka dilnay ku dhawaad 10 ruux oo mid kamid yahay Ajnabi sawiradoodana waan soo bandhigi doonaa " Sanay . Si kastaba ha ahaatee maha markii ugu horeesay ay cidamada Dowlada qabsadaan Aagag ay ku sugnaayeen qolyaha Mucaaradka balse waxaa is waydiin dan maxay dib uga soo laabtay marka ay qabsadaan Difaacyo cusub ?.
  8. Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” oo dagaalo xoogan kula jira xoogaga mucaaradka ayaa ka hadlay dagaaladda ka soconaaya waqooyiga magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Maxamed Dheere ayaa sheegay in uu ku lug lee yahay dagaaladda xoogan ee ka soconaaya waqooyiga magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, isagoo sheegay in uu taageersan yahay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed, balse uu u dagaalamaayo si beeleed. Wuxuu sheegay in dagaaladda ka soconaaya waqooyiga magaaladda Muqdisho uu ku daafacaayo deegaanadaasi oo uu sheegay in uu u dhashay, isagoo intaasi ku daray in uu dhiman doono, isagoo daafacaaya degmooyinka degmooyinka dhaca waqooyiga Muqdisho. “Waxaan dhimaanaayaa anigoo daafacaaya waqooyiga magaaladda Muqdisho, waxaana dowladda ugu baaqaayaa in’ay ka shaqeeyaan sidii looga adkaan lahaa kooxaha Shabaab iyo Xisbul Islaam” ayuu yiri Maxamed Dheere oo iminka si-weyn uga qeyb qaadanaaya dagaaladda ka soconaaya magaaladda Muqdisho. Maxamed Dheere oo shalay sheegay in’uusan xiriir kala dhaxeen Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cadde” ayaa maanta si dad badan u sheegay in’uusan taageersaneen koox mucaarad ah, balse uu si-buuxdo u taageersan yahay dowladda uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed. Dhanka kale wuxuu sheegay in uu sii-wadi doono dagaaladda xoogan ee uu kala horjeedo xoogaga mucaaradka oo ka taliya inta badan caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, wuxuuna uu rajo ka muujiyay in’ay ka guuleysan doonaan xoogaga mucaaradka. Hadalkaan kasoo yeeray Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” ayaa wuxuu kusoo aadaayaa xilli ay dagaalo xoogan ka soconaayaa waqooyiga magaaladda Muqdisho, dagaaladaasoo uu kaalin weyn ku lee-yahay Maxamed Dheere.
  9. Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxay maanta la-foolaneysaa dagaalo xoogan oo u dhaxeeya kooxaha ku hardamaaya gacanta ku haynta caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Dagaaladda ayaa waxay xoogoodu ka socdaan waqooyiga magaaladda Muqdisho, gaar ahaan degmada Boondheere, isla-markaana dagaaladda ayaa yimid kadib markii ciidamadda dowladda iyo kuwa Amisom ay soo qaadeen weeraro qorsheysan oo wax badan laga soo shaqeeyay. Dagaaladda ayaa waxay yihiin kuwo fool ka fool ah, isla-markaana madaafiic xoogan ayaa waxay kasoo dhacaayaan fariisimaha ay ciidamadda Amisom ku lee-yihiin magaaladda Muqdisho, sida Xaruunta Xalane, Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somaliya iyo Bangigii Dhexe ee Ganacsiga. Ciidamo xoogan oo ka tirsan dowladda iyo kuwa Amisom ayaa waxay dagaal dhulka ah ay ku qaadeen fariisimo ay Xarakada Al Shabaab ku leedahay waqooyiga magaaladda Muqdisho gaar ahaan degmada Boondheere oo aagag dagaal noqotay. Dagaaladda maanta ka soconaaya magaaladda Muqdisho ayaa waxay kamid yihiin kuwii ugu xooganaa ee soo maara caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, isla-markaana goobaha ay ku sugan yihiin ciidamadda Amisom ayaa waxaa kasoo daadanaaya madaafiic aad mooddo in oodda laga qaaday. Sidoo kale madaafiicda ay maanta hurgufaayaan ciidamadda dowladda iyo kuwa Amisom ayaa waxaa qeyb weyn ka qaadanaaya ciidamo u daacad ah Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” oo qibrad u leh dagaaladda noocaanoo kala ah. Dhanka kale ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa iskaga baxay fariisimo ay dhufeyso waaweyn ku lahaayeen, kadib markii ay soo food saartay awood ka tan badan, isla-markaana ciidamadda dowladda iyo kuwa Amisom ayaa waxay iminka ku sugan yihiin goobihii ay iskaga baxeen ciidamadda Xarakada Al Shabaab. Saraakiisha dowladda ayaa bahda saxaafadda ku war-gelisay in’ay muuqaalo iskugu jira kuwo Video iyo sawiraba leh ay halkaasi kasoo qaadaan, si’ay u xaqiiqsadeen ummada Soomaaliyeed oo u dhuun duleesha dagaaladda ka soconaaya magaaladda Muqdisho si’ay u ogaadaan hadba halka la-kala maraayo.
  10. nimankan waa fahmi waaye marna waa iska garab dagaalamayan marna waa is dilaayan, maxaa laga filana hadey ''qabsadaan dalka''
  11. Kadib dagaalo xoogan oo maanta magaaladda Buur Hakaba ku dhex maray ciidamadda Xarakada Al Shabaab iyo kuwa Xisbul Islaam ayaa waxaa markale si xoog leh degmadaasi ula wareegay ciidamadda Xarakada Al Shabaab. Dagaaladda xoogan ayaa waxay maanta ka dhaceen magaaladda Buur Hakaba, dagaaladda ayaa yimid kadib markii ciidamadda Xisbul Islaam ay soo qaadeen weeraro qorsheysan, kuwaasoo ay wax-yeelo kasoo gaartay ciidamo u daacad ah Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab. Dagaaladda oo saacado socday ayaa saameyn balaaran ku yeeshay dadka iyo gaadiid ee magaaladda Buur Hakaba, waxaana jira khasaaro xoogan oo kala gaaray ciidamadda Xarakada Al Shabaab iyo kuwa Xisbul Islaam oo maanta ku dagaalamay Buur Hakaba. Dagaaladda oo aad u xooganaa ayaa waxaa ka qeyb qaadanaayay gawaarida dagaalka ay Soomaalida u taqaano Suuga iyo Cabdi Bilaha, isla-markaana hugunka sawaxanka qeybaha kala duwan ee hubka ayaa waxaa laga maqlaayay inta badan magaaladda Buur Hakaba ee gobolka Baay. Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in ciidamadda Xisbul Islaam ay markii hore ku fir fircoonaayaan dagaalkii ay maanta la-galleen ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, hase ahaatee cabaar kadib ayaa waxaa la-sheegay in Xarakada Al Shabaab ay soo gaareen gurmad xoogan, taasoo keentay in cidamaddii Xisbul Islaam ee weerarka soo qaaday in’ay iskaga cararaan fagaarihii uu dagaalka ka socday. Gacan ku haynta degmada Buur Hakaba ayaa waxaa iminka si toos ah ay gacanta ugu jirtaa ciidamadda Mujaahidiinta ee Xarakada Al Shabaab sida ay Shabakadda Dhacdo.com u xaqiijisay Kariima Maxamed oo kamid ah haweenka ku dhaqan magaaladda Buur Hakaba ee gobolka Baay. Hadaba dagaaladdii ugu dambeeyay ee ciidamadda Xarakada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ku dhex maray magaaladda Buur Hakaba ayaa waxaa ka hadlay Culimada Soomaaliyeed qaarkood, waxayna sheegeen in’ay dagaaladaasi yihiin kuwo Fidno ah.
  12. qodax iyo qarax war waa been wuxuu shegayo Maadeey arintaas hadey jiri laheyd al shabaab durba sow ma ogaan laheyn inuu musaveni yimid mar hadii xujeydii sidaas lo galay lol, madaafiicda lagu bartay aaway markuu odayga Musaveni baxay ayeey shababku waagu ku baryay.
  13. Afhayeenka Xarrakada Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere iyo Sheeka Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ah saraakiisha sare ee Shabaab ayaa shalay galab goob fagaare ah kula hadlay dadweyne la isugu yeeray degmada Baardheere ee gobolka Gedo kuwaasoo ka hadlay dhinacyo kala duwan.   "Waxaad la socotiin in cadowga Ilaahey ay qorsheynayaan in ay la soo kordhiyo ciidamadooda Afrikaanka calooshod u shaqeystayaasha, marka waxaa la idinka rabaa in idinka iyo haweenkiina iyo carruurtiinaba ay u kala harin jihaadka oo aad dhinaciina ka kordhisiin halganka looga hortagayo cadawgaasi ku soo duulay dalka iyo diinta" ayuu yiri Sheekh Cali dheere oo . dadkaasi tabaaleysan ee tooda heysata ku booriyay in ay dagaalamaan. Dhanka kale Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur ayaa halkaasi ka hadlay wuxuuna sheegay in loo baahanyahay iskaashiga walaalaha Muslimiinta iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan si ay u gaaraan horumar iyo baraare, wuxuuna odayaasha dhaqanka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan dibu heshiisiinta laguna midoobo Kitaabka ALLE iyo Shareecada Islaamka.   Abuu Masuur ayaan marnaba soo hadal qaadin erayo ka hadlaya dagaalada iyo waxa loogu yeero Jihaadka kaasoo laga dheehan karo dabacsanaan iyo inuusan ku qanacsaneyn qaabka aan dhamaadka iyo natiijada laheyn ee ka jira dalka gaar ahaan Muqdisho, isagoo horay ciidamadiisa ugala baxay gobolada Banaaadir, Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan. Booqashada Masuuliyiinta ee Baardheere ayaa warar hoose oo lagu kalsoonyahay ay sheegayaan inay hordhac u tahay kulan balaaran oo ay yreeshaan Al-shabaab iyo Xisbul ISlaam garabka xasan Daahir Aweys kaasoo la qorsheynayo in lagu dhiso isbaheysi Islaam ah oo cusub kana madax banaan labada Urur ee Shabaab iyo Xisbiga, iyadoo mudada ay joogaan masuuliyiintaas magaalada Baardheere lagu soo rogay Bandow bilaabanaya Maqribkii ilaa waaga ka baryo.
  14. Originally posted by Maaddeey: Dhacdo Cajaa'ib leh! !! Kolley, da bdh ilifyada dhib lama leh & kuwa damiir laawayaasha ah een kala jecleyn in waddanka African cawaan ah qabsadaan & in kale, lakin maalinta 28'ka November waxa garoonka muqdisho iskala soo degay waqtiyo isu dhow Xujeydii Soomaaliyeed ee soo gudaneysay Fariidada Islaamka ee Xajka & Madaxweynaha Uganda Mr. Uweri Musaveni!!, maxaa dhacay?: Runwaygii, Passport check & Airportkii dhanaa waxaa xirtay Musaveni & ciidankiisii, halka Xujaydii soomaaliyeed eey meel gees ah ka soo degeen, iyadoon waxba laga check'gareyna si deg-deg ah banaanka loogu saaaray iyagoon garan waxa qabsaday Garoonka!.... ...to be continued.! hehehe Al shabaab soldier Maadeey waka dartay. Al shabab wax ka daran ay sameeyaan and all you can do is talk about Museveni
  15. Shirkadda ORB oo ay BBC-du u wakiilatay Uruurinta Ra’yiga dadka ku nool Soomaaliya eek u aaddan maleeshiyaadka dagaallada wada ayaa ku warrantay in dadka ku nool Muqdisho 71% (todobaatan iyo kow Boqolkiiba) ay ka soo horjeedaan in dalka ay xukumaan Maleeshiyaadka dagaallada wada sida Shabaab iyo kuwa Xisbul-Islaam. Warbixintaan oo ay faafisay BBC-da ayaa lagu sheegay in dadka su’aalaha la weydiiyay ay Maleeshiyaadka u arkaan awood Qatar ah, ayagoo ciidamada Midowga Afrika ee Jooga dalka ku tilmaamay kuwa ka qeyb qaadan kara soo afjaridda dagaallada ka jira dalka. ORB ayaa ku warrantay in kala bar dadka ku nool Magaalada Muqdisho 92% (sagaashan iyo laba boqolkiiba) aysan awoodin nolol maalmeedkooda ayadoo kala bar dadka magaaladu ay rumeysan yihiin in caalamku uusan jawaabtii habooneyd ee dalka Soomaaliya. Cara Carter oo ka tirsan shirkadda ORB ee ra'yi uruurinta samaysay ayaa yiri/ tiri "Soomaalidu mar walba way niyad fiican yihiin, waa mid ku jirta dhaqankooda. Oo ku jirta dabiicinimadooda. Waxaan halkaas ra'yiga ka uruurinaynay ilaa sanadkii 2008, mar walbana way muuqanaysay niyad wanaaga aan leexleexad lahayn. Taas waxaan u tarjumi lahaa rajo, ku tilmaameen filid ama saadaalin."
  16. lol i thought Israel was the biggest threat in the middle East?
  17. Originally posted by Maaddeey: Intaan maqnaa, xaa dhacay?: -An outdated prime minister (Farmaajo)who thinks the same 4.5 system that he is in power because of it, has to be abolished!. -List of government ministers (unexperienced Somali Americans and taxi drivers)!. -Expulsion of Sh. Abdulkadir Ali Omar who was the only tool that the TFG could fight with the Shabaaab!. -The interesting, recent fight of the two pre-commited Shariifs!. Salaamun Calaykum. The government ministers waa kuwo tayo leh oo inta badan waxbarasho jaamici haystaa i dont know where u got ur propoganda from maybe Cali dheere lol. Abdulkadir wasn't a tool it was his soldiers that made the government fail because his milita had a connection with Xisbul islam and al shabaab. i wanted to clear this for you.. JB saas aan ka rabaa rageedi ayaa tahay!!!
  18. Madaxweynaha Dalka Ugandha Yuweri Museveni oo shalay booqasho lama filaan ah ku yimid Magaalada Muqdisho, ayaa astaan u noqday heerka uu marayo tayada kooxaha Dagaalka kula jira Dowlada Soomaaliya. Al-Shabaab oo is aaminsan inay yihiin koox ku dheeraaya mukhaabaraadka iyo warhelida ayaan haba yaratee wax war ah ka ahayn imaashii Museveni ee Muqdhisho, waxayna ka maqleen idaacadaha sida dadka shacabka uga maqleen. Imaashaha masuulkaas ayaa daliil cad u ah cidda Xamar ka talisa, waxaana la yaab noqotay inaysan xataa hal xabad ku ridin, halka ay Muslimiinta Dagaaladu naafeeyeen ku garaacaan madaaficda goobaha iyo lidka diyaaradaha. Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo iclaamiyay Ramadaankii na soo dhaafay Dagaal ay ugu magac dareen dabar-goynta Gaalada ayaa ku dhamaaday fashil, inay dabar-gooyaan iskadaayeen waxaa Magaalada Muqdisho dhexe mushaaxay Madaxweynihii kuwa ay uga yeereen Daalimiinta! Ma ahan Markii ugu horaysay oo uu yimaado Caasimada Soomaaliya Masuul sare oo Afrikaan ah waxaa sidoo kale booqasho rasmi ah ku yimid raysal wasaaraha Itoobiya 2007-dii xiligaas oo uu hoyday Caasimada Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee Boqashada Madaxweynaha Dalka Ugandha Yuweri Museveni ayaa ah mid lagu bahdilay Al-Shabaab oo ka dhigan fariin cad oo lagu tusayo inaysan xabo meesha ku hayn
  19. Dowladda KM gee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ciidamada AMISOM kala hadashay sidii loo yareyn lahaa waxyeelada gaareysa dadka shacabka ah xilliyada ay jiraan Howl gallada ama dagaallada gudaha magaalada Muqdisho. Wasiirka warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta C/kariin Xasan Jaamac oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in saraakiisha AMISOM ay wadahadal ka yeesheen jawaabaha ay bixiyaan xilliyada la soo weeraro iyo halka ay bartilmaameedsadaan si loo yareeyo khasaaraha soo gaaraya dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Mudane C/kariin Xasan Jaamac ayaa sheegay in xukuumaddu ay ka xuntahay in dhibaato la gaarsiiyo dadka shacabka ah sidaa darteed ay martideeda “AMISOM” ku boorrisay in laga baaqsado waxyeelo kasta oo gaari karta Umadda, wuxuuna si gaar ah wasiirku u sheegay in ay falaqeeyeen Istiraatiijiyad sahleysa in si wadajir ah Ciidamada AMISM iyo kuwa Dowladdu ay uga hortagaan dhibaatada gaareysa shacabka xilliyada ay Howl galladu soconayaan. Wasiirka warfaafinta iyo Boostada ayaa ku celiyay in xukuumadda KMg ay ka xuntahay falkii dhawaan askar ka tirsan AMISOM ay ku waxyeeleeyeen dad shacab ah, wuxuuna soo dhaweeyay jawaabtii ay AMISOM ka bixisay oo ah mid lagu qanci karo, isagoo tacsi u diray shacabka halkaasi ku waxyeeloobay. Dad badan oo shacab ah ayaa ku dhinta ama ku dhaawacma xilliyada dagaalladu ka soconayaan magaalada Muqdisho, waxaana dadkaas qaar ka mid ah ay ku waxyeeloobaan Jawaabo ay bixiyaan ciidmada AMISOM marka ay maleeshiyaadku ka soo weeraraan goobo ay dad rayid ah deggan yihiin, taas ayaana dhalisay in la fekero qaab loola dagaallamo kooxahaan ayadoo la yareynayo qasaaraha Jawaabtu ay bixineyso sida ay sheegtay xukuumadda KMG ah.
  20. Xaajiyow H/wadaag iyo wardhigleyba dagaalka kama socdee waxaad ka wadaa if the tfg captures cabdicasiis,Shibis iyo boondheere then they won... unlikely hadey tahat bal aan uu fiirsano, dagaalka wali lama iclaamine ee ayaamaha dhow ayaa la arkaa Dowladda vs Shabaab cidii ku hartaa finalka. Waxani waa iska ciyaar ku tuur ka jawaab lee. jowhar
  21. Amisom ay idinka dhegtee car ka hadla xasuuqa ay wadaan ajaaniibta Al-qaida ka socdo oo shabaabka tageerayo, gowracayo,marin habaabinayo dhalinyarta, oo magaca diinta islaamka ku xasuuqaya Umadda somaliyeed ma amisom ayaa ka halis badan?? these guys r changing our whole religion to something fanatic,and all u can do is critisize Amisom??????