oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Xaaji xunjuf Amisom Gabdhaha somaliyeed ma xoogan? Dadka miyeey dhacaan? Masaajida miyeey ku xaaran oo kitaabyada kariimka ma gubaan? Culimadda ma gowracaan sidii ka dhacday masaajidka Hidaayo oo sheekhyadii tabliiqa lagu gowracaye? ethiopianka intey wadanka joogen waxaa la qiyaasay iney 50 000 people dhinteen.
  2. the guy who is comparing Amisom forces and ethiopian forces xaqiiqda ayaad ka fogtahay. Dowladdena soomaliyeed hadii aadan racsanayn anaga raacsan oo garab taagan..
  3. Munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirrada,wasiir ku xigeenada iyo Wasiiru Dowleyaasha Xukuumadda cusub ee SoomalIya oo ay goob joog ka ahaayeen Masuuliyiinta ugu sareysa wadanka ayaa gabal dhicii maanta lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Villa Soomalaiya. Munaasabadaan lagu dhaarinayay Wasiirada, wasiir ku xigeennada iyo wasiiru Dowleyaasha Xukuumadda uu maanta ansixiyay Baaralamanka Somaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomalaiya Mudane Sh. Shariidf Sh. Axmed. Guddoomiyaha Golaha Baarlamanka Shariif Xasan Sh.aaden, R/wasaaraha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo iyo Xildhibano ka tirsan Mudaneyaasha gaoalaha Baaralamanka Somaaliya. Xafladda ayaa waxa ugu horreyntii lagu dhariyay Wasiirka wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Xukkuumadda Soomalaiya Mudanbe Cabdulaahi Abyan Nuur,iyadoo uu dhaariyay Xildhibaan Deyfullaahi oo ka tirsan Xildhibaanada baaralamnaka. Intaasi kadib ayaa waxaa qeyb qeyb loo dhaariyay wasiiradda, Ku xigeennada wasiirada iyo wasiiru-dowleyaasha waxaana Madaxda qaranka hortooda ku dhaariyay wasiirka Garsoorka, arrimaha Diinta iyo Awqaafta Mudane cabdulaahi Abyan Nuur. Dhaarintaasi kadib ayaa waxaa Xaflada khudbado ka jeediyay Madaxda qaranka, R/wasaaraha Xukuumadda Soomalaiya Mudane Maxamed Cabdilaahi nMaxamed Farmaajo oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay inay Xubnaha cusub ee Golaha wasiirada ay saarantahay Masuuliyad adag oo loo baahan yahy in wax laga qabto, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay inay isbedel la imaan doonaan. R/wasaaraha ayaa ballan qaaday inuu si dhaqso ah uso buuxin doono Boosaska ka bannaan Golaha wasiirada taas oo ay horay isaga casileen Labo Xubnood oo horay loogu soo daray Golaha wasiiradda cusaub. Sido kale waxaa madasha xafladda lagu qabtay hadal kooban ka jeediyay Guddoomiyaha baarlamanka Soomalaiya Shariif xasan Sh. Aaden oo sheegay in arrinta xukuumadda muddo dheer lagu dheeraday meelmarintteeda isagoo codsaday in la iscafiyo si wax loogu qabto Ummmadad Soomalaiya. Mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed Madaxweynaha Soomaliya oo jeediyay hadalkii ugu dambeyay ee Xafladda dhaarinta ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yhaay ansixinta Xukuumadda islamarkaasna uu uga mahad celinayo Guddoonka sare iyo Xildhibananada Golaha baarlamanka masuuliyadda adag oo ay qaaten. Xafladdaan lagu dhaariyay Golaha wasiirada Xukuumadda Soomalaiya ayaa ka dambeysay kadib markii maanta ay Mudaneyaasha Golaha Baarlamanka cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Xukuumadda uu dhawaan soo dhammeystiray R/wasaaraha Soomaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo.
  4. Dowladda kmg ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in’ay maanta gacanta ku dhigtay hub fara-badan oo ay leedahay Xarakada Al Shabaab, kadib markii ay ku qabteen Ex Control Afgooye. Taliyaha ciidamadda dowladda ee Ex Control Afgooye Axmed Yare oo saxaafadda la-hadlay ayaa däboolka ka qaaday in ciidamadda dowladda ay maanta gacanta ku dhigeen gaari ay saarnaayeen hubka garbaha laga tuuro ee Sabanada/Baasuukaha, isagoo intaasi ku daray in’ay gaarigaasi wadeen laba nin oo dhalinyaro ah. Taliyaha ayaa sheegay in gaariga uu kusii jeeday gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ay gacanta ku hayaan ciidamadda Mujaahidiinta ee Xarakada Al Shabaab, wuxuuna sheegay in’ay kahor tageen ficilkaasi oo uu ku tilmaamay mid aad u halis ah. Sidoo kale wuxuu sheegay in labadii ruux ee hubka waday iay iminka ku xireen saldhig ay ku lee-yihiin Ex Control Afgooye, isagoo intaasi ku daray in’ay ku wadaan baaritaano kala duwan, isla-markaana wuxuu wacad uu ku maray in’ay sharciga la-tiigsan doonaan. Dhanka kale majirto wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab oo ay dowladdu ku eedeysay in’ay hubkaasi iyagy lahaayeen, hase ahaatee saacadaha soo socda ayaa waxaa laga yaabaa in’ay kasoo saaraan warbixin amuurtaasi ku aadan. Si kastaba ha-ahaatee hubka ay maanta gacanta ku dhigeen ciidamadda dowladda ayaa waxaa lagu qiyaasay adduun lacageed oo gaaraaya kunton kun oo dollar Maraykanka ah “$50,OOO US.”
  5. but guys dont forget Mourinho as well, i think they will deliver this year cadi mahan.
  6. Xaaji u need to talk more about al shababs criminal activities because without them Amisom wouldn't be here today. Daruufo awaaded ay uu joogan dalka wana ka xumahay.
  7. loool hodan iyo half h/wadaag is also controlled by the government and half Boondheere, and half cabdicasiis. 4tan degmooyin aan idin tiriyay cid sii buuxda gacan ugu heyso ma jirto waa war zone. Mucaaridka waxey ka taliyan sii buxda 4degmoyin waa Yaaqshiid,Kaaraan,Huriwaa and Dayniile.
  8. Originally posted by MoonLight1: I really thought Faysal Cali Waraabe was the one deported from hargeysa. heheh
  9. Originally posted by Jacaylbaro: He can even contribute nothing to Somalia ...... duqa hadal lee hayaa nooh wooooord
  10. who do u think is goin to win el clasico this year? i personally think that Los marengues will win 2-1 in camp nou, 1 goal By Ronaldo the other goal its getting scored by Karim Benzema/Özil or Higuain.
  11. i hope he gets punished hard waliba he deserves being killed toogasho for doin that in a muslim country, saqajaan.
  12. Booliska Hargeysa ayaa gacanta ku soo dhigay nin u dhashay dalka Jarmalka oo lagu soo eedeeyay in uu muuqaalo xun -xun (fal galmood) uu ka duubay gabdho Somaliland u dhashay . Warkaan ayaa soo jiitay dareenka shacabka reer Hargeysa iyadoo si weyn ay wargeysada dalkaasi u qaad-qaadeen arinkaasi, iyadoo ay si toos ah ay däboolka uga qaadeen fadeexadaan uu ku dhaqaaqay ninkan Jarmalka ee lagu magacaabo Gunter Bishoss. Fadeexadaan ayaa ah middii ugu horeysay oo ka dhacda dhulka maamulka Somaliland ee Soomaaliya. Baaritaano la sameeyay ayaa shaaca ka qaaday dhacdooyin kedis ah kadib markii arintaan ay ku lug yeesheen gabdho jaamiciyiin ah iyo gabdho la qabo . Sawirada muuqaaladan foosha xun ee laga duubay gabdhahan ayay dhaceen iyaga oo aan la socon, kana war hayen islamarkaana si qarsoon looga duubay. Gunter, ninka falkaan xun gabdhahaas Soomaaliyeed kula kacay ayaa qirtay in uu falkaasi ku dhaqaaqay, waxa uuna intaa raaciyay in fal galmoodka uu dhacay iyaga oo raali ka ah . Wargeysyada ka soo baxa Hargeysa ayaa qoray in arinta sawirka gabdhaha isu dhiibay ninkaasi aysan la socon oo qarsoodi ay u dhacday . Dhacdaan ayaa haatan noqotay mid hareeysay canaawiinta wargeysyada gudaha, dibadda Soomaaliya iyo hadal hadeynta dadka .
  13. wararka sheegaya iney ethiopia aqoonsani doonto SL maxaa ka jira?
  14. Originally posted by Che -Guevara: quote:Originally posted by oba hiloowlow: che stop your lies libaahe ayaa ka saxsan . okey che tell me who the original residents are as i belive maanta ma jirto qof xamar aniga iga xigto dadkan halkan ku doodaya Aniga ma,aho qofka dhahooyo xamar waa liga xigaa hebel ama hebel. Laakin suuq bacaad hadaad ka timid cid kaa xigta malaha hada In the months after Barre's departure, I lived between If iyo Aakhiro and Suuq Bacaad. When the war within the USC started, those two areas loo kala safan jirey. Safkee ku jirtey Xiin and Libaahe...Though you might have a point, that said a clan can't claim ownership over metropolitan areas where diverse population thrive. In Somalia now, the towns that thrive the most are the diverse one tribally speaking. looool, suuq bacaad inta iska dhaftid bro im origanally carfiid.. loool maanifeesto iyo maanakobiyo , even though i was 7 yrs i was pro Maanifesto ilahay ha iga cafiye