oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Xarakada Al Shabaab oo xusul duub ugu jirtay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa waxay maanta si toos ah ula wareegtay degmada Xarardheere ee gpbolka Mudug. Ciidamo taabacsan Xarakada Al Shabaab oo ku hubeysnaa qeybaha kala duwan ee hubka iyo gawaarida dagaalka ayaa waxay maanta la-wareegeen gacan ku haynta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa iminka ku sugan goobaha ugu muhiimsan degmada Xarardheere, waxaana la-arkaayaa gawaarida Xarakada Al Shabaab oo mararka qaarkood isku bad badalaaya goobaha ay ku kala sugan yihiin. Qaar ka tirsan saraakiisha Xarakada Al Shabaab oo dadka deegaanka la-hadlay ayaa waxay ugu baaqeen in’ay isdejiyaan, xaaladuna ay ka dhigaan mid degan, iyagoo intaasi ku daray inaysan u imaan in’ay caburiyaan dadka deegaanka. Qaar ka tirsan ciidamaddii Xisbul Islaam ee horey ugu sugnaa degmada Xarardheere ayaa qaarkood waxa ay ku biireen Xarakada Al Shabaab, halka inta kalana ay iskaga baxeen degmada. Talaabada ay Xarakada Al Shabaab maanta kula wareegtay degmada Xarardheere ayaa waxay kusoo aadeysaa, xilli uu Maamulka Goboleedka Galmudug States uu ku hanjabay haddii ay Xarakada Al Shabaab la-wareegto degmada Xarardheere, in’ay la dagaalami doonaan.
  2. liqaye kkkkkkkk beenta maha ninkaan korneyl caadifad ayaa iska dishee in lala murmaa ayaa qalad ah
  3. lool kornayl do u have any proof inuu qaato 200 million sanadkii sheekada fadhi ku dirirka iga dhaf ee rag hadaad tahay keen documents muujinayo arinkaad sheegtay iney dhab tahay...
  4. Saalax;682095 wrote: It's just banooni? it's the pirate kids who are making it political and claiming our regions with their phony outdated koonfuria maps. And they will be smacked with the reality. Lool i thought u were claiming Laascaanod and Buuhoodle..
  5. Somalina;681987 wrote: Labada bidix waxay u eg yihiin Indhacade. Talow qaraabo miyaa? Nina loool waa reer Baay & bakool...
  6. Maleeshiyaadka Shabaab ayaa gowrac ku dilay nin rayid ah kadib markii Horjooge iyo Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab habeenkii xalay lagu dilay inta u dhaxeeysa Magaalooyinka Leego iyo Bur hakaba oo ka kala tirsan gobolada Shabeelada hoose iyo Baay. Habeenkii xalay ayaa kooxo hubeysani waxa ay wadada u galeen gaari uu watay horjooge ajnabi ah oo u dhashay Sacuudiga laguna magacaabi jiray C/lla Muhaajir, waxaana halkaasi ku geeriyooday horjoogahaasi iyo sadex ka mid ah Ilaaladiisii oo Soomaali ahaa, sidoo kale waxaa halkaasi ku basbeelay gaarigii ay wateen kadib markii kooxahasi ay baasuuke ku dhalaaliyeen. Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka waxa ay ku kalaheen dadkii reer miyiga ahaa ee ka dhawaa hareeraha wadada waxa ayna soo kaxeeysteen nin deegaankaasi caan ka ahaa oo magaciisa lagu soo gaabiyay Ufuroow, kaas oo bartamaha laamiga ay ku gowraceen madaxiisana xabadka u saareen si ay ugu baqdin geliyaan dadka deegaanka. Arintani ayaa la rumeysanyahay in ay qeyb ka tahay dagaaladii u dhaxeeyay maleeshiyaadkii burburay ee Xisbiga iyo Shabaab, kuwaas oo maalmo ka hor ku dagaalamay Bur hakaba iyo deeganno ku xeeran. http://radiomuqdisho.net/news/wararka/2879-shabaab-oo-nin-gowracay-iyo-shabaab-lagu-laayay-agagarka-leego.html
  7. dad naxaayo mahan koley aniga kuwan ma aminayo maybe waa sirdoon ya og...
  8. JB universal maka daawanin miyaa nin ka mid ah kulaha waa anigii ninkaad ramadanka ka seexan weysen kedibn dhoola cadeeyna ku daray loooooool balaayo ku aragtay
  9. Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa shalay soo bandhigtay horjoogayaal ka tirsan kooxda Shabaab oo todobaadkii hore u soo galay dowladda KMg ee Soomaaliya. lix horjooge oo ka tirsan Shabaab ayaa maanta warbaahinta ka soo hormuuqday kuwaas oo sheegay in ay ka soo goosteen Shabaab, kaddib markii ay sida ay sheegeen ka tanaasuleen dhibaato ay si joogto ah ugu haayeen umadda Soomaaliyeed xilligii ay ka tirsanaayeen kooxda Shabaab. Nimankaan oo xilal kala duwan ka hayay Maleeshiyada Shabaab waxaa hoggaaminayay Maxamed faarax Cali oo Shabaab u qaabilsanaa fadhiisimaha dagaalka ee u dhaxeysa Isgoyska Aadan Cadde iyo waddada Talex ee degmada Hodon. Maxamed wuxuu sheegay in uu go'aankaan qaaay kaddib markii uu fahmay ama garowsaday in wxa ay wadaan Shabaab ay yihiin wax ka fog diinta Islaamka dagaalkuna uu yahay mid ay ku dhamaanayaan dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan. http://www.flickr.com/photos/ladane/ halkaan ka Daawada sawiradooda
  10. Cajal cod ah oo uu soo diray Ninka labaad ee ugu sareeya ururka Al-Qacida Dr Ayman Al-Zawahiri ayaa waxaa uu ku sheegay inay soo dhaweynayaan midawga ay sameeyeen xoogaga Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Somalia ee Xarakatul Shababul Mujaahidiin iyo Xisbul Islam. Wargeyska ku hadla afka Carabiga ee Sharqal Awsad oo magaalada London ka soo baxa ayaa ku waramaya in cajalada Dr Ayman hogaamiyaha labaad ee Al-Qacida oo qaddar 10 daqiiqo ah soconeysay uu kaga hadlay arrimo quseeya dhaq dhaqaayada ay Somalia ka wadaan xoogaga Islamiyiinta waxaana uu sheegay inay soo dhaweyneyaan midawga Al-Shabab iyo Xisbul Islam. “Waxaanu ku faraxsanahay midawga ay Walaalaha Muslimiinta Somalia sameeyeen waxanaa ku tilmaameynaa tilaabo horey loo qaaday oo wanaagsan” ayuu yiri Ayman Zawahiri waxaana uu intaa ku daray in arrintaasi ay xoojineyso wax uu ku sheegay jihaadka Somalia ka socda. Ayman waxaa uu ugu baaqay xoogaga Somalia ka dagaalama iay labo jibaaraan dagaalada ay kula jiraan dawlada KMGS iyo ciidamada Midawga Africa ka socdaa ee AMISOM oo dawlada KMGS taageera waxaana uu hoosta ka xariiqay inuu u rajeynayo inay guuleystaan. Sheekh Ayman Al-Zawahiri gudoomiye ku xigeen koowaad ee ururka Al-Qacida waxaa uu hadalkiiasa kusoo qaaday in looga baahan yahay xoogaga Somalia ka dagaalamay ee haatan isku biiray inay xoojiyaan weerarada ay dalka kaga saarayaan ciidamada AMISOM oo u sheegay inay cadaw ku yihiin dadka Muslimiinta ah. Hadalkaan kasoo baxay hogaanka sare ee Al-Qacida ayaa imaanaya xilli dhawaan madaxdii iyo ciidamadii ururkii Xisbul Islam ay ku biireen Xaraakadda Mujaahidiinta Al-Shabab taasoo siyaabo kala duwan loo fasiray.
  11. qofkii aamiinsan somaliweyn cafis in lo fidiyo maahine maba geli karo miyaa Waqooyiga somalia lol and maamulka waqooyiga are claiming to be democratic ''sate''..
  12. Somalina;681800 wrote: MESA? splendid....congrats to Mow or Mo! We are proud indeed! I love my people. viva Somali
  13. Wiil Soomaaliyeed oo Qaxooti ku ah Mareykanka islamarkaana dhigta jaamacada caanka ah ee la yiraahdo Mesa ee ku taal gobolka San Diego ka tirsan dhul weynaha Mareykan ayaa ku guuleystay abaal marin weyn oo dhinaca sayniska ah. Abaal marintan oo laga baxiyo mareykanka ayaa la siiyaa aqoonyahanada dhinaca sayniska wax ku soo koordhiya. Maxamed Muuse, oo 26 jir ah ayaa abaalmarintan ku kasbaday cilmibaaris uu sammeeyey oo dhinaca Kansarka ah. Shan sano ka hor xataa Ingiriisi kuma uusan hadli kareyn Maxamed Muuse oo jecel in loogu yeero naaneysta ah Mow. “Waxan imi Mareykanka 2005-tii kolkaasoo uusan english-keygu dhaafsiisnayn aqrin uun, waxba maan garanayn ayuu yiri Maxamed. Waa shan sano ka hor uun. Wixii imaanshahiisa ka dambeeyey ayuu iska soo qoray jaamacadda ama College-ka la yiraahdo MESA. Waxa kale uu markaasi internship ka helay waaxda loo yaqaan UCSD ee Kimistariga ah. Waana meeshan halka uu Maxamed Muuse, maskaxdiisa ku dhalaaliyay isaga oo xal u helay koritaanka cudurka kansarka. Taasoo loola jeedo in marka qof Kansar ku dhaco oo sida caadiga sii weynaan jiray hadda uu Maxamed Muuse Cilmi baaristiisa ku keenay in halkaas Kansarka lagu hakin karo oo loo diidi karo inuu sii weynaado oo qofkii dilo. Kansarka waxa uu ka mid yahay cudurada sida ba’an bani’aadamka dhimashada ugu haya. Iyada oo ay sanad walba u dhintaan malaayiin. Dalka Mareykankuna waxa uu ka midyahay meelaha aad looga calaancalo waxyeeladiisa. Waana sababta had iyo jeer adduunka ugu xilsaarey hay’ado iyo jaamacado la tacaala xal u helidda cudurkaan cadowga ku ah nafta bani’aadamka. “ Tani waxay inoo sahli doontaa in xal kama dambys ah loo helo Kansarka” ayuu yiri Maxamed Muuse. Guushan uu kasoo hoyay mashruucii cilmibaarista kansarka ayaa keenay in lasiiyo abaalmarinta ay bixisay National Biomedical Research Conference ee la siiyo ardayda wax waxtar bulshada u leh la timaada. Maxamed waxa uu la tartamay boqolaal arday oo kala socday 270 (laba boqol iyo todobaatan arday) jaamacadood oo ah kuwa ugu caansan dhinacyada cilmibaarista. Waan naxay markii aan maqlay in aan ahay qofka guushaan iyadaa helay maxaa yeelay waxaa meesha ku tartamaayay jaamacado caan ah oo waaweyn. Ayna adagtahay ina loaga guuleysto. Markaan maqlay magacayga waxan iri weeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeey tan ma aha mid la malayn karay. “tan aniga macne weyn ayay ii leedahay, waxayna ii muujineysaa inaan ka mid ahay bahda saynisyahanada.” Gacanta waxuu ku qabsaday shahaadadii la siiyey iyo lacag aad u badan oo abaal marin ah. “waxan dareemay inaan helay riyadii Ameerika ku naaloon jireen”
  14. lool anaaba fahmi waaye gheele T awal wuxuu ka waday nuurto, waa ugu aamusay waxan is dhahay ha is waalin like markan kii cawaalihii ku qaxaanqaxaye oo kale laakin walaashey Somalina ayaa ii garabtaagneyd cml.
  15. somalia can learn from somaliland aa, somaliland al shabaab miyaa joogi jirtay in that case give us some tips about how we can defeat those terrorists
  16. Jacaylbaro;681550 wrote: Faroole muxuu u tegi waayay Muqdisho ??? ,,,, :D
  17. sxb dowladda 6 degmo ay haysataa,shabaab 5degmo, 5 degmooyin waa leysla wadaaga oo waa Aag.. runtan ka hadlay qofkaad doontid weydii.. anyway al shabab hadii aysan weerarin amisom yaa ku waxyeelobayo? lol dadka iney shabaab jecelyihiin maxaad ka ogtahay war qaati ayaa laga taagan yahay hal deegaan oo camiran ayey shabaab ka taliyaan waa suuqa xoolaha, yaaqshiid,shibis,boondheere cidii ma joogto xamarweyne,waabeeri,xamarjabjab iyo dharkeynley iyo wadajir waa halka ugu camirsan bro ee give up.
  18. kaalay sxb ma aniga ayaad ii bareysaa, fake map waaye, dharkeynley ma shabaab ayaa heysto lol, hodan iyo h/wadaag xata waa heystaan, example masjidka isbaheysiga wuxu ku yaal h/wadaag wadada sayidka waxaas dowladda gacanta kuma heysowaa hadii aad xamar taqaantid ee fake mapkaga orod la tag aniga ha ii barin magaaladan ku kuso koray.. tan kale shabaab xataa waa duqeeyaan bakaaraha meeqo jeer ay dhacday axmed diiiriye iyo dalabeey ayaa sheegay, cayaalkii daqaatiirta so bartay ayey isku qarxiyeen,odayashii hiiraan iyo cumar xaashi ay dileen,3000 waxgarad ay dileen, culimadda dhan waa diideen ficilka shabaab marka nac nacda naga yareey yarka..