Sign in to follow this  
Mooge

Warlordism is back. General Indhocade tries to capture Mogadishu Airport

Recommended Posts

Mooge   

Jen. Yuusuf Indha Cade oo ciidan Beeleed wata ayaa weeraray Airporka Muqdisho

 

Jenaraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade ayaa Ciidamada Amisom xabsiga u taxaabeen ka dib markuu isku dayay inuu xoog ku qabsado Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aaden Cade.

 

Jeneral Indhacde isagoo wata Ciidan beeleed hubaysan ayuu isku dayay inay gudaha ugalaan Garoonka, ka dibna waxaa isweer ka qabttey Ciidamada Amisom oo dabaabaadkooda wata.

 

Faahfaahinta warkaan kala soco wararkayaga dambe

 

puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Because he had permisson from qoslaye, HAG rallies to get indhocade free from jail.

 

Breaking News : Gudoomiyaha Gudiga HAG ee loo yaqaan Xaada oo ugu baaqay hogaanka ciidamada AMISOM in ay si deg deg ah ku sii dayaan Gen.Indhacade, isla markaana raali gelin ka bixiyaan xarigiisa

 

Shir deg deg ah oo maanta ay yeesheen gudiga dhaqanka Beelaha ******, wax yar kadib markii uu soo baxay xariga ciidamada Amisom ay xabiseen Gen.Yusuf Siyaad Indhocade, ayey si xoogle u canbareyeen hogaanka sare ee cidamada Amisom, iyagoo xarigaas ay ku tilmaamay inuu yahay mid sharci daro ah.

 

gudoomiyaha golaha beelaha ****** Maxamed Xasan Xaad oo shirkaasi gudoominayey, ayaa shirkaasi markuu soo gabagboobay la hadlay idaacadaha madaxbanaan ee magaalada Muqdisho,nabdoon Xaad ayaa sheegay in golaha beelaha ********* ay aad uga xun yihiin xarigaas sharci darada ah ee loo geystay Mujaahid Gen Yusuf Maxamed Siyaad Indhocade, oo mudane xaad uu ku tilmaamay inuu ka mid yahay shaqsiyaadka beri mageydada ah ee dalka iyo dadkba Soomaliyyed sharfata iyo qadarinta ku leh, isagoo ka dalbaday hogaanka ciidanka Amisom in ay Jananka xoriyadiisa u soo ceshaan, isla markaana ay raali gelin ka bixiyaan falkaas foosha xun ee ay kula kaceen mudane Indhcade.

 

Waqtii sii horaysay oo saaka aheyd ayey ciidamada Amisom xabsiga ay ku leeyihiin dugsigii tababarka ee Xalane u taxabeen Gen.Indhcade iyo ciidan uu watay oo soo weeraray garoonka caalamiga ah ee Adan Cade Airport.

 

Gen.Indhocade ayaa horey uga tirsanaa ururkii burburay ee Xisbul Islaam iyo Maxkamadihii Islaamiga ahaa, iyadoo mudo hore dawaladii Sheekh Shariif u dalacsiisay derajada Generaal iyo wasiirul dawlaha wasaarada gaashandhiga.Waqtigan la joogo Generaal Indhcade oo lagu yaqaan inuu mar walba ku labisto derejada Generaal ayaan wax shaqo ah ka heyn dawalada iyo ciidamada xogga dalkaba.

 

Dawalada Federaalka ah ayaan weli wax war ah ka soo saarin shilkaas iyo xarigaas ka dhacay saaka garoonka caalamiga ah ee Adan Cade Airport,iyadoo sidoo kale dawladu aanay weli wax jawaab cad ah ka soo bixin hubkii laga xaday makhaasino ku yaala xarunta wadanka looga taliyo ee Villa Somalia, isla markaana ah hoyga madaxda ugu sareysa ee dawalada

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

and we expect this qoslaye led goverment to be a national goverment? Qoslaye is now demanding that indhocade is released.

 

shameful.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

******** Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo horey Wasiir uga soo noqday Dowladii KMG aheed kana Mid ahaa Hogaamiyaashii Kooxah Dalka ayaa Maanta saacado waxa uu ku xirnaa Xabsi ku yaala Gudaha Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho halkaa ee ku xireen Ciidamada AMISOM.

Goob Joogayaal Garoonka kusugan ayaa Xaqiijiyay in Xariga Jen. Indha Cadde ee ka dambeysay kadib markii uu ka biyo diiday isaga iyo qaar kamid ah ilaaladiisa in la baaro xili uu doonayay in uu garoonka gudaha u galo uuna soo dhaweeyo Wafdi garoonka kasoo dagayay oo Ahlu Sunna kasocotay.

 

Waxaana afaafka hore ee Garoonka ka dhacay Shaqaaqo u dhaxeesay Ciidamada uu watay Indha Cadde iyo Ciidamada ilaalada amaanka iyadoona halkaasi lagu kala cararay kadib markii laga cabsaday in ee is rasaaseen labada dhinac dhax marto.

 

Wararka laga helay Garoonka ayaa sheegaya in Sheekh Yuusuf Indha Cadde ilaaladiisa ee xanibeen garoonka Diyaaradaha in gudaha loo galo ama looga soo baxo taa oo keentay in Durba goobta yimaadaan Ciidamada AMISOM oo halkaasi ka kala diray Ciidamadii Indha Cadde isagana u kaxeeyay xabsi ku yaala Garoonka Aadan Cadde.

 

Saraakiil katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna ayaa la tilmaamy in markii dambe Sheekh Yuusuf Indha Cadde in ee kusoo daayeen qaab damiin ah hadana uu banaanka ka jooga Indha Cadde xabsigii ee Ciidamada AMISOM ku xireen saacado kooban.

 

Dhanka kale Jen. Indha Cadde oo goordhaw la hadlay Idaacada Mustaqbal ayaa sheegay in eesan jirin wax xarig ah ee u geesteen Ciidamada AMISOM ayna jirin awood ee ku xiri karaan AMISOM isaga oo ah Janan Soomaaliyeed dalkana ee ka jirto Dowlada Rasmi ah.

 

Indha Cadde ayaa sidoo kale Xusay in eesan AMISOM garoonka u diidin wax qal qal ahna uusan galin ilaalada Garoonkana ee xaq u leeyihiin in ee ka hor tagaan cid kasta oo qal qal galineysa Garoonka ,isagoona Xusay in eesan AMISOM xiri Karin uuna Shabaabna aheen Wararka la baahiyayna ee been yihiin hadii uu Dambi galayna Dalka uu Dowlad ka jiro maxkamadna ka jirto Balse AMISOM eesan taaban Karin ,

 

Indha Cadde ayaana diiday in uu ka jawaabo Su’aalo dhoor ah oo laga Weediiyay arinta la xariirta xariga Maanta loogu geestay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyadoona ilo kusugan Garoonka Aadan Cadde xaqiijiyeen Xariga Indha Cadde loogu geestay Garoonka kadib markii uu qal qal galiyay amaanka Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho saacado kadibna lagu guuleestay in Indha Cadde qaab damiin ah lagu sii daayo.

 

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

According to some news the general refused for his female company to be searched; May I ask a question here? Who searches Female travellers at the airport AMISOM? if its AMISOM then do they have gender specific system in place? Mise Akundas iyo Bizigwes ayaa dumarkii salaax iyo tuutujin kala daalaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

ole-maasai;928726 wrote:
According to some news the general refused for his female company to be searched; May I ask a question here? Who searches Female travellers at the airport AMISOM? if its AMISOM then do they have gender specific system in place? Mise Akundas iyo Bizigwes ayaa dumarkii salaax iyo tuutujin kala daalaya.

I doubt it. Even in Nairobi they are gender specific. Case in point, KQs headquarters in the centre of down. Anyone entering daartaas has to be checked by either a male or female.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Xaaji Xunjuf;928737 wrote:
Indhocade is a servant of the Somali nation as he is a general with in the Somali army lets respect the general and spiritual leader.

Adiga you pray to everyone, from ameer indhashareero to indhacadde to pope francis to ariel sharon to the queen. All for recognition?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xajigu waa funny. Xaaji's logic is very simple and is "anyone who he deems to be the enemy of his enemy (D-B)" deserve his praises. Hence why he loves and admires Indhacade and likes. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this