Sign in to follow this  
MoonLight1

Cabdi Qaybdiid: The new president of Galmudug.

Recommended Posts

Gaalkacyo (RBC Radio) Golaha baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug ayaa maanta fadhi ay ku yeesheen, magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, waxa ay madaxweyne u doorteyn Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), oo horey u soo noqday, taliyihii ciidanka Booliska, iyo wasiirkii macdanta iyo biyaha ee dowladda KMG ah.

 

Kulanka maanta ay yeesheen baarlamaanka Galmudug, oo ay ka soo qeybgaleyn ilaa 22-xubnood, ayaa 20 ka mid ah waxa ay madaxweyne u doorteyn, Gen. Cabdi Xasan Qeybdiid, kaddib markii uu loo lan la galay madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulkaas,, Cabdisamad Nuur Guuleed.

 

Cabdisamad Nuur Guuleed, Madaxweyne ku xigeynkii hore , ayaa codadka baarlamaanka ka helay hal cod, iyagoo guddiga doorashooyinka ay sheegeyn in ay hal cod uu halaabay, sida lagu sheegay doorashada marka ay dhamaatay.

 

Markii gudiga doorashada ay ku dhawaaqday doorashada, waxa goobta ka hadlay Cabdi Qeybdiid oo sheegay, in mudnaanta koobaad ay siin doonaan siddii loo xoojin lahaa ammaanka Galmudug, loogana hortagi lahaa, ammaan darrada deegaannada Galmudug ka dhaca.

 

Waxa kaloo goobta uu sheegay in maamulkiisa uu xoojin doono xiriirka kala dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowladda KMG ah ee hadda jirta iyo mida cusub ee dhalan doonta 20-August ee sannadkan.

 

Cabdi Qeybdiid oo horey, sidoo kale ula soo shaqeeyay hoggaamiyaashii dagaalka Soomaaliya, ayaa waxa uu nooqanayaa madaxweynihii saddexaad ee ay Galmudug yeelato tan iyo markii la aasaasay maamulkaas sanadkii 2006.

 

Col.jpg

 

Mar ay VOA wareesatay Cabdi Qeybdiid, doorashada uu ku guuleestay, in uusan ogeyn madaxweynihii ka horreyay, Maxamed Caalin oo hadda dalka ka maqan, waxa uu yiri ” Caalin lix bilood ayuu deegannada Galmudug ka maqnaa, shaqadiisa waa uu gabay, waxana uu yahay hadda qof xanuunsan”

 

Dhinaca kale, Madaxweynihii hore Maxamed Caalin oo hadda ku sugan Nairobi ayaa sheegay in uusan ku qanacsaneyn waxa meesha, ka dhacay, isagana uusan magacaabin gudiga doorashada oo dad gaar ah ay wataan, ayna foodo ka dhalan karto wixii dhacay sida uu hadalka u dhigay.

 

Si kastaba, doorashada Galmudug, oo ku soo beegan tay, iyadoo maanta la ansixiyay dastuurka qabyo qoraalka maalmahan shirkiisa ka socday Muqdisho, haddana lama yaqaan waxa soo bixi doona.

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

A day full of events in Somalia

 

1) The constitution approval.

2) The new president of Galmudug.

3) The 14th anniversary of Puntland.

 

Lets see what Caalin does next.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mooge;853861 wrote:
caalin is a spoiler. lol I am still president kulaha.

The irony is, this is exactly what he (Caalin) was criticizing Kiimiko for in 2009 "being abroad most of his presidential time", and forced him out.

What goes round, comes round.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Is Abwaan gonna relocate to Gaalkacyo now lool

 

Faroole iyo Wiilkiisa waa looyaabaa, AbdiQaybdiid waa macangag he won't be manipulated as Caaalin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

this is what is baffling me, the Puntland boys don't realize what they are supporting. Col Qaybdiid is a well known stubborn and a solder who will resort to military in every obstacle. there will be clash of egos between him and Faroole.

 

Qaybdiid is being supported by the hawks who advocate military action against Puntland to get their share on the Galkacyo airport revenues, plus he is an expansionist who will try to expand to ximin&xeeb territories. I believe the future is bleak for the area.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

MoonLight1;853862 wrote:
The irony is, this is exactly what he (Caalin) was criticizing Kiimiko for in 2009 "being abroad most of his presidential time", and forced him out.

What goes round, comes round.

Correction, Kiimiko and Caalin iskama soo horjeedin, ee Caalin baa waxaa ku qabsaday nin ka tirsanaa maxkamadihii oo Axmed Sharif la dhaho.

 

Macallinka;853867 wrote:
Is Abwaan gonna relocate to Gaalkacyo now lool

 

Faroole iyo Wiilkiisa waa looyaabaa, AbdiQaybdiid waa macangag he won't be manipulated as Caaalin.

 

You want to know where I might relocate to? Muqdisho Insha Allaah.

 

Dad badan oo hadda Cabdi caleemaha u lulaya iska fiirso few months soo socda ka dib waxay dhahaan insha Allaah....Faroole isagaa Cabdi raalli ka ahaa imaanshihiisa laakiin wuu ka shallayn ee iska fiirso Macallinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Mudane General & former Police Commissioner Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid has a long and distinguished career, we welcome his effort to take over Gaalkacyo Airport and grazing lands that his people want.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

MoonLight1;853868 wrote:
this is what is baffling me, the Puntland boys don't realize what they are supporting. Col Qaybdiid is a well known stubborn and a solder who will resort to military in every obstacle. there will be clash of egos between him and Faroole.

 

Qaybdiid is being supported by the hawks who advocate military action against Puntland to get their share on the Galkacyo airport revenues, plus he is an expansionist who will try to expand to ximin&xeeb territories. I believe the future is bleak for the area.

looool.....They don't know that except few like Somalia who I think want another civil war to break out.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol..Moonlight1, I didn't listen to this, just heard of it from people. I am going to listen to it now, thanks for the link. I think Caalin is just mad in la inqilaabay. Dahabshiil maxaa Gaalkacyo ka khuseeya? Malaha Cabdiqaybdiid baa lacag ku soo xawishey.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Abwaan;853871 wrote:
looool.....They don't know that except few like Somalia who I think want another civil war to break out.

No no, I welcome both war and development, either one indigenous to the region. Qeybdiid wants peace even if the means is war, he is a complicated man, we will have to see his first steps in office.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

It will be interesting to see who is invited to Nairobi si uu saxiixayaasha asbuucaan kulmaya uga qayb galo. If Caalin attends, it looks like in Cabdi Qaybdiid uu bacaad qoorsagaaro ku hayo, but if Caalin is not allowed to attend then that means Caalin daadka ayaa qaaday.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this