Sign in to follow this  
Somalia

Breaking News: Fighting at Laascaanood and Buhoodle District

Recommended Posts

Let it roll, we see thm tomorrow crying genocide.The end is near for khatumites,there soon be no talk & you vacate every village for good.Let us see who laughs last.You were forgiven in 1991...this time it be different.

Share this post


Link to post
Share on other sites

burahadeer;813124 wrote:
Let it roll, we see thm tomorrow crying genocide.The end is near for khatumites,there soon be no talk & you vacate every village for good.Let us see who laughs last.You were forgiven in 1991...this time it be different.

booto badanaa cunugaa...lool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa baaq nabadeed u diray dadka degan Gobolada la isku hayo, kadib dagaalo maanta ka dhacay, kaasoo dhex maray Ciidamada Somaliland iyo kuwo taabacsan Maamulka Khaatumo State.

 

Axmed Siilaanyo ayaa fariin nabadeed u diray, duqeyda, waxgaradka, aqoonyahanada, siyaasiyiinta iyo haweenka Gobolka Sool, isagoo xusay in maalmahan ay jireen kooxo is uruursanayay oo fidnawadayaal ah.

 

“Waxaan rabaa inaan fariin nabadeed u diro walaalaheyga duqeyda, isimada, waxgaradka, aqoonyahanada, siyaasiyiinta, dhalinyarada iyo haweenka degan Sool iyo Buuhoodle, maalmahan waxaa is uruursanayeen kooxo fidnawadaayaal oo ujeedo colaad inay ka huriyaan deegaanka”ayuu yiri Axmed Siilaanyo.

 

Axmed Siilaanyo ayaa sheegay in colaada ay wax walba ku xumaadaan, isagoo tibaaxay in dagaalka uusan waxba ku hagaageyn, isagoo ka digay kooxo hurinaya dagaalada, waxaana uu dalbaday in wada jir looga shaqeeyo xasiloonida.

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa ku baaqay gogol nabadeed dadka deegaanada ka soo jeeda, si buu yiri looga wada hadlo wax kasta oo la kala tabanayo.

 

“Waxaa ku baaqayaa gogol nabadeed, walaalayaal waan ku cel celinayaa, waxaa ku rajo weynahay, inaad iga ajiibtaan, gogoasha nabadeed, oo lagaga wada hadlo wax kasta oo la kala tabanayo arrimahan aan ku dhameystirno”ayuu yiri Axmed Siilaanyo.

 

Axmed Siilaanyo ayaa sheegay in nabada meel looga wareego aanay jirin, isagoo mar kale ku baaqay in la isku yimaado, waxaana uu xusay inay gogoasha fidsan tahay, dadkooda, iyo walaalahooda.

 

Baaqa nabadeed ka soo baxay Madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo aadaya xilli maanta dagaalo lagu hoobtay uu ka dhacay deegaano u dhow dhow Magaalooyinka Buuhoodle iyo Laascaanod.

 

BOSASOPRESS

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

burahadeer;813124 wrote:
Let it roll, we see thm tomorrow crying genocide.The end is near for khatumites,there soon be no talk & you vacate every village for good.Let us see who laughs last.You were forgiven in 1991...this time it be different.

Pfft!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Sage   

So now that all the commotion has died down, Laascaanood is still in the firm grip of Somaliland and the futile skirmishing efforts of these rag tag teenage soldiers have accomplished nothing...yet again.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

colaad_ssc_soml_2.jpg

 

 

Dagaalo Ka Dhex-Qarxay Ciidamada Khaatumo State Iyo Kuwa somaliland, Iyo Maamulka Khaatumo State oo Sheegay Inay Gawaari Tikniko Ah

 

Sunday, 01 April 2012 14:38

Dagaal u dhexeeya ciidamada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo iyo kuwa Somaliland ayaa ka dhacay maanta deegaanka Sool-joogto ee duleedka degmada Buuhoodle.

 

Dagaalka oo bilowday kadib markii ciidamada Somaliland ay soo weerareen fariisimo ay ciidamada Khaatumo ku sugnaayeen ayaa ahaa mid xoogaan islamarkaana socdey mudo dhowr saacadood ah.

 

Waxaana la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo diryanka madaafiicda laysku ridayana laga maqlayey goobo aad uga durugsan meesha uu dagaalku ka dhacay.

 

Dhinaca kale waxaa jira gaadiid dagaal oo ay ciidamada maamulka Khaatumo gacanta ku dhigeen kuwaasoo uu ku jiro gaari uu saaran yahay qori nooca lidka diyaaradaha ee Zuuga loo yaqaano ah.

 

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dagaalkaas ka dhashay ee kala gaarey labada dhinac, waxaana saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Khaatumo oo Saxaafadda la hadlay ay sheegeen in dagaalkaas ay 3-askari kaga geeriyoodeen.

 

Labada ciidan ayaa ku kala sugan goobihii ay markii hore kala joogeen, mana ahan markii ugu horeysey ee lagu dagaalamo Sool-joogto oo qiyaastii 30km dhinaca waqooyiga kaga began degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

 

Faah faahin ku saabsan khasaaraha dagaalkaasi geystey dib ayaan idiinka soo gubin doonnaa.

Shacabkamedia

 

 

______________________________________

 

 

SSC-300x225.jpg

 

 

Maamuladda Khaatumo State Iyo Somaliland oo Guulo Ka kala Sheegtay

 

Maamulada Khaatumo State iyo Soomaaliland ayaa ka hadlay dagaal maanta ku dhexmaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool,iyagoona dagaalka ka kala sheegtay guul mid weliba dhankiisa uu gaaray.

 

Afhayeen u hadlay Maamulka Soomaliland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay guul ka gaareen isla markaana ku qabteen Maxaabiis gaareysa 45-qof oo qeyb ka ahaa dagaalka,wuxuuna ku eedeeyey Maamulka Khaatumo State in Ciidankoofu soo qaaday dagaalka isla markaana ay iska difaaceen gaar ahaana Sool iyo Cayn.

 

Wuxuu sheegay in dagaalka ay dhanka Ciidamada Khaatumo State kaga qabsadeen gaadiidka dagaalka iyo kuwa Xamuul ah ayna gaarsiiyeen khasaare cuslus.

 

…”””Haa weerar bay kusoo qaadeen aaga Sool iyo Buuhoodle Ciidamada qaranka degan kooxda nabad-diidka ee la magacbaxay Khaatumo State,halka waxaa ka dhacay dagaal culus oo khasaaro geystay.Cadowga waxaa laga qabtay 9 gaari oo 4-tikniko ah iyo 5-xamuul ah…””‘ayuu yri.

 

Afhayeenku ayaa tilmaamay in dagaalka sidoo kale ay ku qabteen mid kamid ah Wasiirada Maamul Goboleedka Khaatumo State balse ma uusan sheegin magaca saxda ah ee masuulkaasi.

 

Khasaaraha gaaray dhanka Ciidankooda ma uusan sheegin balse waxa uu kusoo koobay in dagaalka ay uga dhimatay 4-askari halka dhaawacuna uu yahay 10-askari isla markaana aysan jirin gaadiid dagaal oo looga qabsaday dagaalka.

 

…..”””Ilaa 45-maxbuus baa laga qabtay,waxaa ku jira saddex sarkaal sare iyo nin sheegtay in uu yahay Wasiir Khaatumo ah,marka aan xaqiiqda ku sheego oo aan waxba qarin anaga dhimashada Ciidanka qaranka soo gaaray waa 4-nin,dhaawacuna waa 10 wax tikniko oo nalaga gubay ama nalaga qabsaday ma jiro…’‘ayuu yiri.

 

Dhanka kale Cabdifitaax Kiisdiid oo kamid ah Saraakiisha dagaalka ee Maamulka Khaatumo State ayaa tilmaamay in dhankooda dagaalka ay kaga dhimay 3-askari iyo 2-dhaawac ah isagoona sheegay in Ciidanka Soomaliland u geysteen khasaare lixaad leh isla markaana ka gubeen gaari ay jiraan dhaawac iyo maydad daadsan wadooyinka sida uu xusay.

 

Xaaladda hadda ee goobaha lagu dagaalamay ayaa ah kuwa degan,waxaana laga dareemayaa dhaqdhaqaaq dagaal oo labada dhinac wadaan iyadoona la filan karo dagaal mar kale dib uga qarxa ilaa hadda majirto cid isu xilqaantay joojinta dhiiga daadanaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

captured_vehicles.jpg

 

Ciidamada Waqooyi Galbeed iyo Ciidamada Khaatumo State oo Wali Isku Hor Fadhiya Magaalada Laas Caanood/Sool Iyo SoolJoogto/Cayn

 

Xiisado dagaal ayaa wali laga dareemayaa deegaanadii shalay ku dagaalameen Ciidamada Waqooyi Galbeed iyo Maamulka Khaatumo ee duleedyada Magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle, iyadoo Maamulka Khaatumo ku goodiyay in aysan dagaalka joojineyn ilaa Waqooyi Galbeed ka baxdo dhulkooda

 

. Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada ayaa wali isku hor fadhiya deegaanada qaar oo xiisada dagaal ka oogan tahay, waxaana socda abaabulo dagaal oo daba socda dagaalkii shalay faraha looga gubtay ee ka dhacay deegaanada Sool iyo Buuhoodle.

 

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku dhintay ilaa labaatameeyo ruux oo dhinacyadii dagaalamayay ahaa, inkastoo labada dhinac ay ka kala sheegteen guulo, hase ahaatee xiisada u dhaxeysa dhinacyadan ayaa wali taagan.

 

Wararka laga helayo Laascaanood ayaa sheegaya in Ciidamada Waqooyi Galbeed ay ciidamo badan soo geliyeen magaalada, iyagoo ka cabsi ka qaba mudaaharaad dadka deegaanka sameeyaan, kaasoo ay uga soo horjeedaan, waxaana shalay dhaq dhaqaaqa ganacsiga ahaa mid hakad ku jiray.

 

Madaxweynaha Waqooyi Galbeed Axmed Siilaanyo ayaa sheegay inuu dagaal sii wadayo, laakiin Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cabdinuur ayaa sheegay in aysan wax wada hadal ah la galeyn ilaa deegaanadooda ku sugan yihiin.

 

Ciidamada Maamulka Khaatumo ayaa dhaq dhaqaaq ciidan ka wada dhinaca Buuhoodle, kaasoo ku wajahan, iyadoo la soo warinayo in Ciidamo fara badan ay ka yimaadaan deegaanada Cayn, oo gurmad ahaa

 

 

____________________

 

 

Ciidamada Maamulka Khaatumo State Iyo kuwa somaliland oo Wali Isku Hor Fadhiya Deegaanadii Lagu Dagaalamay. Sida Laas Caanood, Ganbadhe, Gacantar, Waqdar, SoolJoogto, Meygaagle, Xarar Iyo Garba Dadar

 

 

Xiisado dagaal ayaa wali laga dareemayaa deegaanadii shalay ku dagaalameen Ciidamada Somaliland iyo Maamulka Khaatumo ee duleedyada Magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle, iyadoo Maamulka Khaatumo ku goodiyay in aysan dagaalka joojineyn ilaa Somaliland ka baxdo dhulkooda.

 

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada ayaa wali isku hor fadhiya deegaanada qaar oo xiisada dagaal ka oogan tahay, waxaana socda abaabulo dagaal oo daba socda dagaalkii shalay faraha looga gubtay ee ka dhacay deegaanada Sool iyo Buuhoodle.

 

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku dhintay ilaa labaatameeyo ruux oo dhinacyadii dagaalamayay ahaa, inkastoo labada dhinac ay ka kala sheegteen guulo, hase ahaatee xiisada u dhaxeysa dhinacyadan ayaa wali taagan.

 

Wararka laga helayo Laascaanood ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland ay ciidamo badan soo geliyeen magaalada, iyagoo ka cabsi ka qaba mudaaharaad dadka deegaanka sameeyaan, kaasoo ay uga soo horjeedaan, waxaana shalay dhaq dhaqaaqa ganacsiga ahaa mid hakad ku jiray.

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa sheegay inuu dagaalka sii wadayo, laakiin Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cabdinuur ayaa sheegay in aysan wax wada hadal ah la galeyn ilaa deegaanadooda ku sugan yihiin.

 

Ciidamada Maamulka Khaatumo ayaa dhaq dhaqaaq ciidan ka wada dhinaca Buuhoodle, kaasoo ku wajahan, iyadoo la soo warinayo in Ciidamo fara badan ay ka yimaadaan deegaanada Cayn, oo gurmad ahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Picture-887.jpg

 

 

 

Xaalada Magaalada Laas Caanood oo Saaka Degan Kadib Dagaaladii Shalay

 

Xaalad degenaansho ayaa laga soo sheegayaa deegaanadii shalay lagu dagaalamay ee Laascaanood iyo Buuhoodle, halkaasoo dagaal faraha looga gubtay uu ku dhex maray Ciidamada Somaliland iyo kuwa Maamulka Khaatumo.

 

Ciidamadii dagaalamay ayaa wali is hor fadhiya, waxaana dhinacyada iska soo horjeeda wadaan abaabulo ciidan iyo diyaar garow, dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in dagaal kale uu ka dhex qarxo labada dhinac.

 

Saraakiil u kala hadashay Maamulada Somaliland iyo Khaatumo State ayaa waxay guulo ku kala sheegteen, in dagaalka ay qasaare ku gaarsiiyeen dhinaca kale ee ka soo horjeeda.

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa baaq nabadeed u diray dadka deegaanka, isagoo ugu yeeray in la isugu yimaado gogol nabadeed looga tashado arrimaha la kala tabanayo.

 

Hase ahaatee Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State ayaa ka soo horjeestay hadalkaas, isagoo ku tilmaamay in inta Somaliland ku jirto dhulkooda aanay wax gor-gortan ah geli doonin.

 

Maamulka Khaatumo State ayaa looga dhawaaqay labo bil ka hor Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, halkaasoo horay isku hayeen Maamulada Somaliland iyo Puntland oo kol hore ugu dagaalameen Laascaanood.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Laascaanood.jpg

 

Burao’s Hospital Say They Are Treating 15 Somaliland Soldiers

 

Reports From Northern Somali Town of Las Anod Say At Least Six Dead Bodies And Eight Injured People Were Collected From The Area Where A Deadly Fight Between Somaliland Troops And The Troops Of Recently Declared Khatumo State Administration Took Place Sunday.

 

Bar-kulan correspondent in the town says clerics who went to the area picked the bodies and injured people from the bushes around the battleground.

 

It is very hard to establish the exact number of unaccounted casualties still lying in the bushes due to vastness and bushy nature of the area, he adds.

 

Although normalcy has returned to the epicenter of the yesterday’s fight, locals fear repeat of what happened yesterday since there are no efforts to quell the escalating violence in the area.

 

Meanwhile medical sources in Burao’s main hospital say they received over 18 injured combatants from Sool and Togdher regions where the two warring sides clashed.

 

Abdikadir Musse, a physician in the hospital told Bar-kulan that they are treating 15 Somaliland soldiers and 3 separatist fighters.

 

Both Somaliland and Khatumo administration are claiming to have the upper hand over the other.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

goosasho3.jpg

 

26 killed In Northern Somalia Battle Between Khaatumo State And somaliland, Tensions On High

 

Mogadishu (RBC) At least 26 people were killed while 31 others injured after heavy clashes renewed between Somaliland forces and those loyal to new born Khatumo state in two separate locations in northern Somalia regions of Sool and Togdher on Sunday, RBC Radio reports.

 

Local sources told RBC Radio the first battle erupted early on Sunday in Kalabeyrka village 25km south of Las’anod. At least 15 were killed.

 

The second battle broke out between Sooljoogto and Kalshale village, about 40km north of Buhodle town where the two warring sides confronted in January.

 

Officials from the two sides claim contradicting figures of casualties as they also alleged both sides for the responsibility of Sunday’s deadly battles.

 

The defense minister of breakaway state of Somaliland, Ahmed Haji Ali Adami said Somaliland forces took the victory after they resisted back local militia whose desire is to destabilize the region.

 

“I cannot give full figure of loses but I can only confirm that our military chased anti-peace elements who attacked us this morning.” Mr Adami said in a press conference in Hargeisa. “They attacked two directions which were Las’anod area and Buhodle area. They are secured at the moment.” He added.

 

But interior minister of Khatumo state Yasin Ahmed Sulub claimed that Khatumo forces were in command of of the area as he noted that they arrested several prisoners from Somaliland. But Somaliland officials did not want to comment on that.

 

“Today the aggressors of Hargeisa regime hit bases of our troops but they were defeated as they will never return back.” Mr Sulub told reporters in Buhodle town late on Sunday.

 

He added “the fight will never come to the end until Las’anod, the base of Khatumo state is liberated from Somaliland”.

 

Independeny sources in the region told RBC Radio that dead and wounded soldiers were taken to Bur’o, Las’anod and Buhodle.

 

Local sources confirm that tensions between the two sides were still mounting high as residents in the region fear for endless wars.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

burahadeer;813124 wrote:
Let it roll, we see thm tomorrow crying genocide.The end is near for khatumites,there soon be no talk & you vacate every village for good.Let us see who laughs last.You were forgiven in 1991...this time it be different.

You don't sound right in the head, adeer. You say that they'll cry genocide but talk about making "them" vacate every village for good!

Tell me, in your head, is this a political dispute or just a thirst for the blood of "them"?

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Security Minister of Khatumo said it right..

He added “the fight will never come to the end until Las’anod, the base of Khatumo state is liberated from Somaliland”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this